Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 42. ÒKuwa daraadayo u dadaaley waxaanhubaashii ku hanuuninaynaa jidadkayaga, Allena wuxuu la jiraa samaanfalayaashaÓ.Suuradda al-Cankabuut: Aayadda 69.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 43. ÒRabbigaa Caabud jeer ay yaqiintu(geerida) kuu timaaddoÓ. Suuradda al-Xijr: Aayadda 99.
Wuxuu kaloo Alle yiri kor ahaaye: 44. "Xus magac Rabbigaa, xaggiisanagoÕid u goÕÓ. Suuradda al-Muzammil: Aayadda 8.
Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye: 45. ÒQofkii fala waxsaxar leÕeg oo khayr ah waa uu ArkayaaÓ. Suuradda al-Zalzalah:Aayadda 7.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 46. ÒWixii aad Naftiinna u hormarisaanoo khayr ah, Alle agti baad ka helaysaan isagoo sii weyn oo sii khayr badanÓ.Suuradda al-Muzammil: Aayadda 20.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 47. ÒWixii aad bixisaan oo khayrahba Alle waa og yahayÓ. Suuradda al-Baqarah: Aayadda 273
95. Abuu Hurayrah (A.K.R.) waxaa lagaa soo xigtay in nabigu (S.C.W.)yiri: Alle kor ahaaye wuxuu yiri: Qofkii qof muÕmin ah colaadiya,waa ruux dagaal aniga igula jira. Mana jiraan wax addoonkaygu iigu soodhawaado oo aan ka jeclahay wixii aan ku waajibiyey, mar kasta oo uu addoonkaygusunnooyinka iigu soo dhawaadana (faralka kaddib) waa aan ku sii jeclaadaa.Markii aan jeclaadona waxaan noqdaa maqalkiisa uu wax ku maqlayo iyo araggiisauu wax ku arkayo iyo gacantiisa uu wax ku qabanayo iyo lugtiisa uu ku soconayo.Haddii uu wax i weydiistana waa siinayaa, haddii uu i magan galana waamagan gelinayaaÓ. (Bukhaari)
96. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒAlle kor ahaaye wuxuu yiri: Addoonku markii uu taako ii soo dhowaado,dhudhun baan u soo dhawaadaa, markii uu dhudhun ii soo dhawaadana, baac( dhererka labada gacmood marka la fidiyo in leÕeg) baan u soo dhowaadaa,markii uu iigu yimaadana soo socod waxaan ugu imaadaa orodÓ. (Bukhaari)
97. Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒDadbadan baa ku hodan oo aan waxba ka faaÕidin labo nicmo; oo kalaah caafimaad qabka iyo kansho (fursad) haysashada, (markaas bayan u caabudinAlle sida uga badan ee waajibka ah inay u caabudaan). (Bukhaari)
98. CaaÕisha (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu caadeystayin uu taagnaado in badan waqtiga uu tukanayo Salaatu laylka habeenkii illaacaguhu jeex jeexmeen; markaasaan waxaan ku iri: Rasuul Alloow, maxaad sidaasu yeelaysaa, maadaamuu Alle kuu dhaafay dembigaagiiba mid iyo hore iyomid dambaba? Wuxuu yiri:Ó Sow ma aha inaan addoon shukriya ahaado?Ó(Bukhaari iyo Muslim)
99. CaaÕisha (A.K.R.) waxay tiri: Markii ay tobanka maalmoodee dambe ee bisha Ramadaan soo galaan nabiga (S.C.W.) waxaa caado u aheydinuu habeenkii oo dhan cibaado iyo salaad ku soo jeedo, ehelkiisana islaujeedadaa u kiciyo, Salaada buuna badsan jiray oo ku dadaali jirey, guntiganau adkaysan jireyÓ (Bukhaari iyo Muslim)
100. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:Alle wuxuu in badan jecel yahay muÕminka adag oo ka jecel yahaykan jilicsan, midkood walbana waa fiican yahay. Ku dadaal oo dalab wixiiwax ku taraya oo anfacaad kuu leh adduunka iyo aakhirada. mar walibanaAlle kaalmo weydiiso ha iscandadawalin oo ha is dhiibin. haddii ay waxkugu dhacaana ama dhibaato kugu timaaddo ha oran haddaan sidaas iyo sidaayeeli lahaa sidaa iyo sidaa bay arrin noqon laheyd; waxaadse dhahdaa ookeliya: Qaddarallaahu wamaa shaaÕa facal.ÓHaddaanÓwaxay oo keliya furfurtaa irdaha camal shaydaankaÓ. (Muslim)
101. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri:Naarta waxaa laga helaa oo ay ku gabban tahay waxyaalaha ay naftu jeceshahayee macmacaanka adduunka ah gadaashooda, Jannadana waxaa lagu xayndaabaycamal adag oo ay naftu neceb tahayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
102. Xudayfah ibn Yamaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Habeen baan salaatul leylla tukaday nebiga (S.C.W.) wuxuu billaabay akhrinta Suuradda al-Baqarah.waxaan islahaa wuxuu ku rukuuci doonaa Aayadda boqolaad, waa uu sii wadayseakhrintii. Haddana waxaan is iri ragcadda horuu ku dhammaynayaa suuraddaal-al-Baqarah, Waa uu sii wadayse akhrinteeda oo markaa billaabay aali-Cimraan,dabdeedna suuradda an-Nisaa. Wuxuu u akhrinayey si kala dhig dhigan ooloo bogayo oo cad. Goortuu akhriyo Aayad ay tasbiixi ku ku jirto, waa tasbiixsadaaooIlaahay ammaanaa, ceeb iyo nuqsaanna ka hufaa, markuu gaaro meel weydiisileh Alluu wax weydiistaa, markuu soo gaaro meel cowdu ballaysi lehna waacowdu billaystaa, oo Ilaahay buu ka magan galaa sida naarta iwm. Dabadeedwaa uu rukuucay wuxuu ku celceliyey ducada: Subxaana Rabbiyal Cadiim (Waxaaceeb iyo nuqsaan ka hufan oo kaamil ah Rabbigaya weynÓ wuxuu rukuucsanaaintii uu taagnaa oo kale. Dabadeedna waa istaagay oo yiri: Samicallaahuliman xamidah Rabbanaa lakal Xamd (Alle waa maqlayaa midka u mahad celinayaoo xusaya Rabbigayow Adigay mahaddu kuu sugnaatay). Dabadeed wxuu taagnaadeyin badan oo intii uu rukuucsanaa ku dhow. Dabadeedna waa sujuudey oo yiri:Subxaana Rabbiyal Aclaa (Waxaa ceeb iyo nuqsaan ka hufan oo kaamil ah RabbigayaSare) wuxuuna sujuudsanaa intii uu taagnaa oo kale. (Muslim)
103. Ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Habeen waxaan salaatul leyl latukaday nebiga (S.C.W.) Markaasuu istaaggii dheereeyey jeer aan fekereyinaan falo waxille. Waxaa la weydiiyey: Maxay aheyd waxaasi xun? Wuxuuyiri: Inaan iska fariisto, oo aan ka goosto nebiga (salaaddii). (Bukhaariiyo Muslim)
104. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:Seddex waxyaalood baa raaca meydka: Ehelkiisa, maalkiisa iyo camalkiisa-Labada hore waa ka soo noqdaan (ehelkiisa iyo maalkiisa) kan seddexaadnawaa ku haraa (oo ah camalkiisa). (Bukhaari iyo Muslim)
105. Ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒJannaduidiinkaga dhow kabtiinna suunkeeda, waana sidoo kale NaartunaÓ.(Bukhaari)
106. Abii Firaas Rabiicah ibn Kacab (A.K.R.) oo adeege rasuulka ahaaiyo mid ka mid ah raggii Suffa wuxuu yiri: Waxaan habeenka isku dhaafinjiray la joogidda nebiga (S.C.W.) waxaana u keeni jiray biyo uu ku weeseystoiyo kuwo uu la galo suuliga. Maalin buu wuxuu igu yiri: ÒI weydiisowaxaad rabto? ÒWaxaan iri: Waxaan ku weydiisanaya inaan rafiiq kugulaahaado Jannada. Wuxuu i weydiiyey: ÒWax kalase? ÒWaxaan iri:Waa taas keliya oo ah inaan jannada kugula rafiiqo. Wuxuu yiri: Haddabaigu caawi sujuudda (salaadaha sunnooyinka ah) oo aad badiso.Ó (Muslim)
107. Thowbaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) ooleh: ÒBadi sujuudda (salaadaha sunnada ah) Sujuud waliba waxay koru dhigeysaa meeqaankaaga hal derejo, kaana tireysaa mid ka mid ah dembiyadaadaÓ.(Muslim)
108. Abii Safwaan Cabdullaah ibn Busril Aslami (A.K.R.) wuxuu yiri:Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒDadka waxaa u kheyr roon qofkii cimrigiisudheeraado, camalka iyo dhaqankiisuna suubbanaadoÓ (Tirmidi) wuxuuyiri waa xadiis xasan ah.
109. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Adeerkay Anas ibn Nadar baawuxuu ka maqnaaday dagaalkii beder. Wuxuu ku yiri: nabiga (S.C.W.): RasuulAlloow! waxaa Alle qaddaray inayan ii suura gelin inaan kaala qayb galodagaalkii u horreeyey oo aad la gashay mushrikiinta. Haddii aan helo fursadan kula dagaalo mushrikiinta Alle (wuu ii suura gelin doonaa) inaan muujiyodagaal aqoonteyda. Maalintii dagaalkii Uxud dhacay bay muslimiintii kalayaaceen oo jab soo gaaray. Wuxuu yiri: Alloow adaan kaaga cudur daarteywaxa ay muslimiintu faleen, ka barii yeelayaana naftayda waxa ay gaaladufaleen.Õ Dabadeedna wuxuu sii aaday horay jidkana wuxuu kula kulmaySacad ibn Mucaad. Wuxuu yiri: Sacad ibn Mucaadoow Rabbigii Kacbada ayaanku dhaarane waa Jannadii, waxay iiga carfeysaa udgoonkii jannada Uxud sokadeeda.Sacad wuxuu yiri: Rasuul Alloow ma sifeyn karo waxa uu falay (oo geesinninimoiyo dagaal aqoon ah). Anas bin Maalik wuxuu yiri: Waxaan ku aragnay jirkiisadhowr iyo siddeetan dhaawac oo seef iyo waran iyo fallaar ah, sidaa buuku shahiitay oo loo dilay. intaana ugama harina mushrikiintu waxay kidfeenjirkiisa oo gobol gobol ka dhigeen, sanka iyo dhegaha ka jareen heer qofgarta la waayey walaashiis oo garatay maahee farihiisii. Anas wuxu qabayinay aayaddan soo socota ay tilmaameyso isaga iyo wixii la mid ah:
ÔWaxaa ka mid ah muÕmininta rag ka run sheegay wixii aykula galeen axdiga Alle. Qaar way ka soo baxeen axdigii iyo ballantii ayqaadeen oo waxay ku hureen naftooda dagaalka Waxaana jira kuwo kale oodhowraya. Wax dacfi iyo dabacsanaan ah kuma dhicin gaÕaanka iyoaxdigoodii haba yaraatee.Õ Suuradda al-Axsaab: Aayadda 23 (Bukhaariiyo Muslim)
110. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar (A.K.R.) wuxuu yiri: Markii ay aayaddiifareysay sadaqada soo degtay baan waxaan billownay inaan dhabarkayaga waxku xamaalanno si aan u shaqeysanno, waxna aan ula baxno (wax ka mid ahwaxa aan shaqeysannay) sadaqo ahaan. Nin naga mid ahaa baa xoolo badankeenay oo sadaqa ah. Munaafiqiintii waxay ku sheegeen inuu sidaa u yeelayistustus. Nin kalaa wuxuu baxsahay suus timir ah, Markaa bay waxay yiraahadeen:Alle waa ka deeqtoon yahay timirtiisa.Õ Markaasay soo degtey: ÒKuwatarta ku tiiqaya kuwaa muÕminiinta ah ee la baxa sadaqooyinka iyagooraalli ah iyo kuwa aan heli karin waxaan aheyn dadaalkooda, ee ku jeesjeesaya,Allaa ku jeesjeesaya iyagana. waxayna yeelan doonaan cadaab xanuun badanÓ.(Bukhaari iyo Muslim)
111. Saciid bin Cabdul Casiis wuxuu ka soo xigtay Rabiica bin Yaziid,oo isna ka soo xigtay Cali Idriis al-Khawlaani, oo isna ka soo xigtay AbuuDarr (A.K.R.) oo sheegay inuu Rasuulkii Alle yiri: ÔAlle kor ahaayewuxuu yiri: ÒAddoommadaydoow anigu waan ka xaaraantimeeyey nafteydadulmiga, waxaana ka dhigay xaaraan dhexdiinna. Ee cidna yaan la dulim;Addoommadaydoow, dhammaantiin waa aad wada dhunsan tihiin mid aan hanuuniyomaahee ee hunuun i weydiista aan idin hanuuniyoÕe. Addoomadaydoowdhammaantiin waa aad wada baahan tihiin mid aan quudiyo maahee, ee quudi weydiista aan idiin quudiyo,e. Addoommadaydoow dhammaantiin waa aad wadaarradan tihiin mid aan huÕ siiyo ma ahee ee huÕi weydiistaaan idin arad tiroÕe. Addoommadaydoow, habeen iyo maalinba waa aadgefeysaan aniguna dambiyada oo dhan baan dhaafaa, ee dambi dhaaf i weydiistaaan idiin dembi dhaafoÕe. Addoommadaydoow, awood uma yeelan kartaaninaad dhib ii geystaan, sidoo kalena awood uma yeelan kartaan inaad waxtariyo wanaag ii gashaan. Addoomadaydoow, haddii kiinni u horeeyey iyo kiinniiu dembeeyey iyo jin iyo insiigiinnuba aad yeelataan qofkiinna u taqwo iyoAlle ka cabsi badan qalbigiisa, waxay taasu mulkigayga ku kor dhinaysolama arko. Addoomadaydoow, haddii kiinnii u horeeyey iyo kiinna u dambeeyabaiyo jinikiinna iyo insigiinnuba aad yeelataan qofkiinna u faajirsan qalbigiisawaxay taasu mulkigayga ka dhimayso lama arko. Addoommadaydoow, haddii kiinniiu horreeyey iyo kiinii u dambeeyey iyo insigiina iyo jinkiinnubba aad bansoo wada istaagtaan oo i baridaan oo aan ruux walba siiyo wixii uu igabaryey, wax ay taa iga naaqusinayso lama arko waa uun sida irbad bad ladhex geliyey oo laga soo bixiyey. Addoommadaydoow, anigu waxaan qof walibau tixgelin camalkiisa oo qof waliba ka jaza siin. Marka qofkii abaalgudwanaagsan hela iyo kheyr waa inuu Alle uga mahad celiyaa taa, kii wax kalelagu abaalmariyaana yuusan ku eedin taa cid aan naftiisa aheyn. (Muslim)
Saciid ibn Cabdulcasiis wuxuu yiri: Abuu Idriis al-Khawlaani kolkuuxadiiskan sheegayo jilbaha ayuu dhulka dhigan jiray xurmo iyo qaddarinAlle (S.W.T.) awgi .
Fiiro gaar ah: Mujaahida waxaa la yiraa in loo halgamo arrin wanaagsanoo xaq ah ama dar Alle sida fidinta iyo kor yeelidda diinta Islaamka. Culimadunawaxay yiraahdaan taa baa ah jihaad kan u wanaagsan. Xadiisyada qaarbaawaxay leeyihiin inuu qofku ka hortago sharka ka dhici kara, xumahana naftiisakala dagaalo iyo hawada xun baa ah jihaad kan u wanaagsan.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 48. ÒMawaannaan idiin siin cimriin mid waansamayaa ku waansami karo? diguhuna (nebi Muxammad s.c.w.) uusanidiin imaan?). Suuradda Faadir: Aayadda 37
Imaam Nawawi wuxuu yiri sida ay yiraahdeen Ibni Cabaas iyo rag kalebacimri dhererka waa ilaa lixdan jir. qaar waxay ku sheegaan qaan gaaridda(yacni waa 18jir) bay yiraahdee; iimaammada Xasan, Kalabi, iyo Masruuqwaxay ku fasireen 40jir. Madiina Culimadeedii waxay oran jireen qofku markuugaaro 40jir waxaa la gudboon cibaado sii badinta.
112. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒAlle Fursad buu siiyey uu ku toobad keeni karo qof uu u kaadiyeyilaa uu lixdan ka gaareyÓ. (Bukhaari)
113. Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Cumar (A.K.R.) baa wuxuu ila fariisinjirey si aan talada wax ugu yeesho duqaydii ka qayb gashay dagaalkii Badar.Qaar asxaabtii ka mid ah (odayaasha soo xaadira fadhiga ) bay yari dhibtayoo yiri: Muxuu Cumar wiilka noola fariisinayaa oo uu uga qayb gelin wadatashigeenna, isagoo wiilkani wiilashayada la fac ah? Cumar baa wuxuu kuyiri: Wuxuu ka soo jeedaa halka aad wax ka barateen (guriga nabiga (S.C.W.).Wuxuu igu casumay maalin golahiisii iyagoo jooga, waxaana u qaatay inuusidaa u yeelay oo keliya inuu tusiyo meherada iyo aqoontayda. Wuxuu weydiiyey:Maxaad ka leedihiin qowlka Alle ee ah: ÒIdaa jaa nasrullaah walfatxu(Haddii uu hiilka Alle yimaado iyo furashada) qaarkood waxay yiraahdeen:Aayaddan waxaa nalaku faray inaan Alle mahadinno oo dembi dhaaf weydiisannomarkii uu noo hiilliyo oo guusha na siiyo. Qaarna waa aammuseen oo waxbama oran. Cumar baa wuxuu igu yiri: Ibn Cabbaas? Ma sidaasaad adna leedahay?Waxaan iri: ÔMayÕ. Markaa buu i yiri maxaad leedahay? Waxaaniri: waa ajashii nebiga (S.C.W.) oo la ogeysiiyey, macnuhuna waa; (markiiay hiilka Alle iyo guushu furasho yimaadaan) taasi waa Calaamaddii ajashaadaÕe(ku tasbiixso mahadda Rabbigaa dembi dhaafna weydiiso; Run ahaantii isaguAlle waa toobad aqbale naxariis taaga (fidiya). ÒCumar (A.K.R.)Wuxuu yiri: Uma aqaan si aan ahayn sidaas aad ku sheegtay (ina Cabbasow)Ó.(Bukhaari)
114. CaaÕisha (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) Markii aysoo degtey suuradda (An-nasar - idaa jaa-) kaddib. Nabiga (S.C.W.) wuxuuoran jiray salaaddii uu tukadaba: (Subxaanaka, Rabbanaa wabixamdika. Allaahummaqfirlii).
ÒRabbiyoow adaa hufan oo aan ku mahadinayaa, Alloow ii dembidhaafÓ (Bukhaari iyo Muslim) Werin kale baa leh oo isla CaaÕishalaga soo weriyey, oo Bukhaari iyo Muslim ku sugan: Nebigu (S.C.W.) wuxuubadin jirey intuu rukuucsan yahay ama sujuudsan yahay qowlka ah (subxaanakaRabbanaa wa bixamdika Allaahummaqfirlii). ÒRabbiyow adaa hufan ooaan ku mahadinaynaa, Allow ii dembi dhaafÓ (isagoo Quraanka ka shidaalqaadanaya, kuna fartoomaya)Ó. Werin kale oo Muslim ku sugan ayaaiyana ahayd: Nebigu (S.C.W.) dhimashadiisii horteedii wuxuu ku celcelinjirey qowlka: ÒSubxaanaka Allaahumma wabixamdika astaqfiruka wa-atuubuilaykÓ
ÒRabbiyow adaa hufan oo aan ku mahadineynaa, Alloow adaan dambidhaaf ku weydiisanayaa, kuuna toobad keeniÓ.
Waxaan (aniga CaaÕisha ah) weydiiyey: ): Rasuul Alloow waa maxaykelmedahaan aad leedahay oo aadan awel oran jirin? Wuxuu yiri: ÒUmmaddaydadhexdeedaa la ii yeelay calaamo markii aan arko aan iraahdo kelmadahaa;Markaa buu akhriyey suuradda An-nasar -idaa jaaÕa.
Werin kale waxay leedahay: Nebiga (S.C.W.) wuxuu in badan oran jirey:ÒSubxaanallaah wa bixamdihi, astaqfirullaaha wa atuubu ileyhÓ.
ÒAlloow adaa hufan oo mahad leh, Alle ayaan dambi dhaaf weydiisanayaa,oo aan u toobad keeniÓ.
CaaÕishaa waxay ku tiri: Rasuul Alloow waa adiga ku celcelinaya(subxaanallaahi wa bixamdih, Astaqfirullaaha wa atuubu ileyh) ee maxaadhacay? Wuxuu yiri: ÒRabbigaybaa wuxuu ii sheegay inaan ummaddaydacalaamad ka arki doono, markii aan arkana, aan badsado qowlka ah : ÒSubxaanallaahiwa bixamdih astaqfirullaaha waÕatuubu ileyhiÓ waana arkaycalaamaddaa. Imaashada hiilka Alle iyo guushu waa-furashada Makkah -calaamaddunawaxay aheyd inaan arko dadkii oo soo galaya diinta Alle iyagoo rac raciyo kooxo ah Markaana waxaa la i faray: Ku tasbiixso mahadda Rabbigaa,dembi dhaafna weydiiso. Isagu Alle waa naxariis badane toobad aqbalaÓ.
115. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒAlle weyne kor ahaaye waxyigawaa iska daba keenayey markii uu Nebigu (S.C.W.) dhiman rabey oo waxyigusidii hore waa ka badnaa ilaa uu ka dhintayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
116. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri; Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Òaddoonwalba wixii iyo xaaladii uu ku sugnaa markii uu dhintay baa lagu soo bixinayaaÓ.(Muslim)
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 49. ÒWixii khayr ah oo aad fashaanbaAlle waa og yahayÓ Suuradda Al-Baqarah: Aayadda 215 Wuxuu kalooyiri kor ahaaye: 50. ÒWixii aad fashaan oo khayr ahba Alle waa ogyahayÓ Suuradda Al-Baqara; Aayadda 197
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 51. ÒQofkii fala wax saxar leÕegoo khayr ah waa arkayaaÓ Suuradda al-Zalzalah: Aayadda 7.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 52. ÒKii camal wanaagsan falaa,naftiisaa lehÓ Suuradda al-Jaathiya: Aayadda 15.
Waxaana jira aayado badan oo ka hadlaya mowduucan, iyo axaadiisyo dhowrah oo nabiga ka sugnaaday (S.C.W.).
117. Abuu Darr (A.K.R.) Wuxuu yiri: Waxaan weydiiyey rasuulkii Alle(S.C.W.) camalka kiisa u wanaagsan una ajar badan? Wuxuu yiri: Alloo larumeeyo iyo jidkiisoo loo jihaado (yacni dadaal badan lagu bixiyo sidadiintiisa loo kor yeeli lahaa, taana loo diriro).Õ Waxaan weydiiyey,addoon la xoreeyana kee u khayr badan? Wuxuu yiri: Tii u lacag badan oodadkeedu u jecel yihiin.ÕWaxaan weydiiyey: Haddii aanan karinnainaan saas falo (lacag yaraan awgeed).Õ Wuxuu yiri: ÔMarkaacaawin qof hawl haya ama wax u samee qof wax sameysan laÕ ama farsamoxumaynaya. ÔWaxaan weydiiyey: Qofkii aan taa awoodinna.Õ Wuxuuyiri: Naftaada ka celi oo ka qabo inay cid dhibaato u geysato, waayo sidaaswaxaa ugu sugan ajar iyo kheyr naftaada.Õ (Bukhaari iyo Muslim)
118. Abuu Darr (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMarkiiaad soo kacdo waaberiga sadaqaa lagu leeyahay xubin kasta oo ka mida jirkaaga.Marka Alle hufid walbaa (yacni inaad tiraahdo Subxaanal-Laah) waa sadaqo,Mahdin kastoo oo aad mahdisaa Alle (yacni inaad tiraahdo al-Xamdu Lillaah)waa sadaqo, inaad tiraahdo laa ilaaha illaal Laah waa sadaqo, inaad tiraahdoAllaahu Akbar waa sadaqo, inaad tiraahdo Allaahu Akbar waa sadaqo, Samaanla faraa waa sadaqo, xumaan la reebaa waa sadaqo. Laba rakcadood oo barqadiila tukado baana gudaya oo u dhigma intaa oo dhan.Õ (Muslim)
119. Abuu Darr (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒWaxaala i tusay camalka ummaddayda mid xun iyo mid sanba. Camalka san waxaaka mid ahaa oo aan arkay, wixii dhib leh oo laga qaado jidka la maro, camalkaxunna waxaa ka mid ahaa xaako taal ayaadoo aan la xabaalin masjidkaÓ.(Muslim)
120. Abuu Darr (A.K.R.) Wuxuu yiri; Qaar asxaabtii ka mida baa waxayku yiraahdeen nebiga (S.C.W.) dadkii maalka lahaa baa ajarkii oo dhan xaabsaday.Waxay u tukadaan oo u soomaan sidayada oo kale, xoolohooda dheeraadka ahwaa sadaqaystaan (taa oo aan annagu laheyn) Wuxuu yiri: ÒSow idinbala idin ma siin wax aad sadaqaysataan? Alle hufid kastaa (macnaha inaadtiraahdo subxaanal-laah) waa sadaqo, Alle weyneyn kastaa (macnaha inaadtiraahdo Allaahu akbar) waa sadaqo, Alle ammaan kastaa (oo ah inaad tiraahdoal-Xamdu lillaah) waa sadaqo, Alle waxidid kastaa ( oo ah inaad tiraahdolaa ilaaha illal laah) waa sadaqo, samaanta oo la is faraa waa sadaqo,xumaanta oo la is ka reebaana waa sadaqo; markii uu qofkiin xaaskiisa ugalmoodaana waa sadaqo. Waxay weydiiyeen: Rasuul Alloow (S.C.W.) ma suuragal baa inta qofkayo xaaskiisa u tago si uu naftiisa ugu raaxeeyo oo ayugu sugnaato arrintaa ajar? ÔWuxuu yiri: ÔHaddii uu xaaraanu galmoon lahaa sow ma fuuleen dambi? Sidaasoo kale buu markuu xalaal ugalmoodana u leeyahay ajarÓ. (Muslim)
121. Abuu Darr (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu igu yiri:ÒHa u arkin xitaa samaanta tan u yar waxaan wax ku ool aheyn balsewaa wax ku oole fal. Xitaa walaalkaa oo aad waji furan tustid oo aad kulakulantid waa camal san oo sadaqa ah.Ó (Muslim)
122. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒSadaqaa lagu leeyahay xubin kasta oo qofka jirkiisa ka mida maalinwalba oo qorraxi soo baxdo, (wayna badan yihiin irdaha kheyrka iyo wejiyadaajar sadaqo lagu helo) tusaale inaad si xaq ah iyo caddaalad ugu garsoortaalaba qof waa sadaqo; inaad ku gacan siisid qof si uu u kaxeysto gaadiidkiisaama kor wax ula saartid waa sadaqo, kelmed wanaagsani waa sadaqo, tallaabokasta oo aad qaaddid adoo salaad u socda waa sadaqo; ka qaadidda wax keenikara dhib oo waddada la maro yaal waa sadaqo.Õ (Bukhaari iyo Muslim)
Muslimna wuxuu weriyey oo laga soo xigtay CaaÕisha (A.K.R.) inNebigu (S.C.W.) yiri: ÒAadanaha qof walba waxaa loo abuuray 360xubnood, marka qofkii weyneeya Alle (macnaha yiraahda: Allaahu akbar),Allena ammaana (macnaha yiraahdo Alxamdu Lillaah), sugana waxdaaniyadiisa(macnaha yiraahdo laa ilaaha illallaah) oo hufana (macnaha waa yiraahdasubxaanallaah), weydiista Alle dambi dhaaf (macnaha yiraahda astaqfirullaah),ka qaada dhagax ama qodax, ama laf, iwm waddada ay maraan dadka, samaantanafara xumaantana reeba, waxyaabahaasina ay tiro ahaan gaaraan 360 wuxuuqofkaas gabbal dhacsanayaa isagoo naftiisii ka durkiyey (yacni ka fogeeyey)naarÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
123. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒQofkii masjidka salaad awgeed u kallaha subaxa hore ama u carraabagalabkii, Alle hufnaa oo kor ahaaye, wuxuu ugu diyaariyaa martiqaad jannada,markasta oo uu salaad u socdoÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
124. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) isagoo la hadlayadumarka wuxuu yiri: ÒDumarka muslimadaha ahoow, Ha yareysanninainay middiin kasta oo cid deris la ahi u dirto xitaa waxa wax ugu yar riÕmajinteedbaha ahaatee hadiyad ahaan deriskeedaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
125. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒIimaanku waa dhowr iyo lixdan ama dhowr iyo toddobaatan qayboodwaxaana u sarreeya laa ilaaha illal laah - qiritaanka ilaah ma jiro xaqah aan Alle aheyn - waxaana u hooseeya jidka oo laga qaado wixii dhib leh.xishoodkuna waa qayb iimaanka ka mid ahÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
126. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒNin jid hayaa aad u harraaday, wuxuu helay ceel, inta galay buuka soo cabbey biyo oo ka dhergay, markuu soo baxay buu wuxuu arkay Eeyharaadyoonaya oo rayska leef leefaya haraad awgiis. Wuxuu kula hadlay ninkiinaftiisii Alleylehe Eygaan waxaa haya haraad kii i hayey oo kale ah. Wuxuumar labaad galay ceelkii oo kabihiisii buudka ahaa soo buuxiyey oo afkaku soo qaaday oo soo baxay oo Eeygii siiyey suu u cabbo. Markaasaa Allemahadiyey falka ninkan una dembi dhaafay. Nabiga (S.C.W.) ayaa la weydiiyey:Rasuul Alloow ma ajar baan ka heleynaa u naxariisashada xoolaha? Wuxuuyiri: wax kasta oo beer qoyanba u naxariisashadooda ajar bay leedahayÓ.(Bukhaari iyo Muslim)
Werinta Bukhaari wuxuu ku soo gunaanuday: Allaa mahdiyey falkiisa oou dambi dhaafay, jannana geliyeyÓ. (Bukhaari)
Werin kale oo xadiiska ah baa waxay iyana ahayd: ÒEey ceel kuwareegaya oo inuu harraad u dhinto u dhow baa naag xun (dhillo) Yuhuudiyadah aragtay, markaasay inta buudkeedii u bixisay bay biyo ugu soo dartay,oo ku waraabisay. Alle, Naxariis badnaha ah, baa ugu dembi dhaafay naxariisteedaasiawgeed. (Bukhaari iyo Muslim)
127. Abuu Hurayray (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒWaxaan arkay nin jannada ku daansha daanshoonaya, taasna waxaau sabab ahaa geed uu ka gooyey jidka, oo dhibi jirey muslimiintaÓ.(Muslim)
Werin kale oo xadiiska waxay ahayd: ÒNin baa wuxuu arkay laanku soo baxday jid. Wuxuu yiri: wallee tan waa aan goynayaa si aysan mislimiintau dhibin. Markaasaa jannada la galiyey falkaa san awgiÓ. Werin kalenawaxay iyana ahayd: ÒNin dhabbo hayaa wuxuu arkay laan qodox lehoo dhabbada ku soo baxday markaasuu ka banneeyey. Markaasaa Allaa mahdiyeyfalkiisaasi oo u dambi dhaafayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
128. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒQofkii weeseysta oo weesada hagaajiya, dabadeedna salaadda jimcahaaada oo dhegeysta khudbadda Jimcaha si dhug leh oo aamus ah, dambiyadiika dhacay aan kabaaÕirta aheyn laga soo bilaabo jimcihii tegey illaaiyo kii kale iyo weliba saddex beri oo dheeraad ah waa loo dhaafaa, qofkiiisku shuqliyaana quruurux waqtiga khudbadda socoto wax san ma uusan falinÓ.
(Muslim)
129. Abuu Hureyrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:Marka uu qofka muslimka ahi weeseysto oo wejiga dhaqo waxaa biyaha raacawixii dembi ahaa oo ay ishiisu fiirisay, markii uu gacmaha dhaqana waxaabiyaha raaca wixii dembi ahaa oo ay gacaniisu fashay, markii uu lugahadhaqana waxaa biyaha raaca wixii dambi ah oo lugihiisu u socdeen, markaasuuahaanayaa qof dembiyada (yar yar aan kabaaÕirta aheyn) nadiif kaahÓ. (Muslim)
130. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒShanta salaadood (oo si rigle iyo joogto ah jamaacad ahaan masjidkaloogu tukado) waxay tiraan dambiyada yar yar, haddii dambiyada kabaaÕirta(halista) ah (sida shirkiga, sixirka, dilka gardarrada ah, dhilleysiga,ribada, dhilleysi ku xamashada dumarka dhowrsoon, u dhabar jeedinta cadowgamaalin dagaal dar Alle ah iwm) la iska jiro markaa waa loo dhaafaa dambiyadayaryar inta u dhaxeyso labo Jimco iyo labo RamadaanÓ. (Muslim)
131. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒMiyaan idin tusaa wax Alle ku dhaafo dembiyadiina, derejooyinkiinnanaku kor yeelo? Asxaabtii waxay yiraahdeen: Haah Rasuul Alloow (S.C.W.),Wuxuu yiri: waa weesada oo la taam yeelo gooraha la dhibsanayo, iyo aadistamasjidka si noqnoqod leh si aad ugu la soo tukatid (jamaacada) iyo sallaaddiixigtay oo la sugo markay midi dhammaato kaddib. Waa sidan jihaadkiinnadarka Alle ah (ama wataas u heeggan ahaanta jihaadkuye)Ó. (Muslim)Fiiro gaar ah: Ujeeddada xadiiska waxaa weeye nadaafada (sida weeseysiga,qusliga) salaadaha iyo caabudaadda Alle oo loo guto si dadaal leh iyo dhowris,waa wax wanaagsan sida jihaadka jidka Alle.
132. Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R.) Wuxuu yiri Nebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: (qofkii si joogta ah, waqtigii salaadda ugu tukada masjidka (jamaacaahaan) salaadda subax (Fajar) iyo salaada Casar wuxuu geli doonaa jannadaÓ.(Bukhaari iyo Muslim)
133. Abuu Muusaa Al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒNebigu (S.C.W.)wuxuu yiri: ÒMarkuu addoonku bukoodo ama safro, waxaa loo qoraacamalkii uu fali jiray markii uu fayoobaa ama markii uu negaaÓ.(Bukhaari)
134. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒCamalkasta oo wanaagsan waa sadaqo.Ó (Bukhaari) Muslim wuxuu weriyeyisla xadiiska oo laga soo xigtay Xudayfah. (A.K.R.)
135. Jaabir (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofkasta oo muslim ah oo wax beeraa wixii laga cunaaba (oo ay cunaan shimbiroiyo xoolo) waa u sadaqo xaggiisa, wixii laga xadaana sidoo kale waa sadaqo,wixii laga lunshaana waa u sadaqoÓ. (Muslim)
Werin kale waxay leedahay: ÒWixii qofka muslimka ahi beero oodad cuno ama duunyo ama shimbiriba waa u sadaqo, ilaa maalinta qiyaameÓ.(Muslim)
Werin kale waxay iyana leedahay: ÒWixii qofka muslimka ahi beeroama tallaalo oo markaas dad ka cuno ama duunyo ama wax kaleba waa u sadaqoÓLabadaa xadiisba waxaa ka weriyey rasuulka Anas bin Maalik (A.K.R.).
136. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri: Reer banii Salamaha yaa damcay inaymasjidka (rasuulka S.C.W.) agtiisa u soo guuraan, markuu ogaaday Nabigu(S.C.W.) wuxuu ku yiri: ÒWaxaa ii soo gaaray oo aan ogaaday inaadrabtaan inaad u soo guurtaan masjidka agtiisa? Waxay yiraahdeen: Haah,Rasuul Alloow, waa damacnay sidaas inaan yeelno. ÒWuxuu yiri: ÒReersalamoow, meeshiinna jooga, raadkiinnaa la idiin qoraayaayeÓ. (Muslim)
Werin kale waxay ahayd: ÒTallaabo kastaaba oo aad masjidka uqaaddaan derajo bay kor idiin qaadeysaa. Bukhaarina wuxuu soo weriyey islamacnahaa oo laga soo weriyey Anas (A.K.R.).
137. Abuu Mundir Ubayy ibn Kacab (A.K.R.) Wuxuu yiri: Waxaa jiray ningurigiisu uu xoogaa ka fogaa masjidka, hayeeshee ayasan salaadi dhaafijirin (salaadda jamaacada). Waxaa lagu yiri ama aan aniguba ku iri: Maxaadu gadan weydey dameer aad kaxeysatid markii mugdiga jiro iyo kulaylka?Wuxuu yiri: Ma rabo in gurigayga ku soo dhowaado masjidka. Waxaan rabaain u socodkayga masjidka iyo noqodka aan reerkayga u socdoba la iigu qoroxisaabteyda inay dar Alle tahay. Nebigu (S.C.W.) wuxuu ku yiri ninkaa:ÒAlle wuxuu kuugu daray waxaasoo idil xisaabtaadiiÓ. (Muslim)
Werin kale baa waxay ku dareysaa intaa: ÒArrimaahaas oo idilcamalka san ah waxaa laguugu qoray camal san ahaan xisaabtaadaÓ.
138. Cabdullaah ibn Camar ibn Caas (A.K.R.) Wuxuu yiri: ÒNebigu(S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaa jira Afartan nooc oo camal wanaagsan ah - tanu sarraysaa tahay amaah ku bixinta hal caano badan leh, qofkii mid ka midah sameeya isagoo rajeynaya ajarkeeda oo is leh hel waxaa laysu yaboohayoo la isu ballan qaaday waxay ku hoggaamin falaheeda jannadaÓ. (Bukhaari)
139. Caddi ibn Xaatim (A.K.R.) wuxuu yiri: Ò Waxaan maqlay Nebiga(S.C.W.) oo leh: ÒKa gaashaanta Naarta, oo kaga gaashaanta xitaabixin xabbad timir ah jabkeed (ama wax leÕeg) oo sadaqo ahÓ.(Bukhaari iyo Muslim)
wuxuu kaloo Caddi yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQof kastaoo idin ka mid ahba Rabbigiisaa la hadli doona iyadoo uusan u dhaxeyn tarjumaan,Wuxuu fiirinayaa qofkii midigtiisa, markaasuu arkayaa camalkiisii; Wuxuufiirinayaa bidixdiisa wuxuuna arki oo keliya camalkiisii. Wuxuu fiirinayaahortiisa wuxuu oo keliya arki doonaa naartii oo hortiisa ka muuqata, eenaarta kaga gaashaanta xabbad timir ah jeexeedba ha ahaatee oo aad sadaqoahaan u bixisaan, qofkii aan heli karinna inuu yiraahdo erey sanÓ.(Bukhaari iyo Muslim)
140. Anas (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMarkii uu addoonka Alle wax cuno oo uu Alle mahdiyo (macnaha yiaahdo al-xamdulillaah)iyo markii uu wax cabbo oo uu mahadiyo Alle (yacni yiraahdo al-xamdulillaah),sidaa Waxay raalli gelisaa AlleÓ. (Muslim)
141. Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R.) Wuxuu yiri: ÒNebigu (S.C.W.)wuxuu yiri: ÒQof kasta oo muslim ah sadaqaa laga rabaa. Waxaa laweydiiyey: Haddii uusan heli karinna? Nabigu (S.C.W.) Wuxuu ku jawaabay:Waa inuu ku shaqeystaa labadiisa gacmood si uu naftiisa wax u taro, ugalanabaxo (waxaas uu shaqeystay wax ka mid ah sadaqo). Asxaabtii waxay yiraahdeenhaddii uusan krinna inuu shaqeysto. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waa inuucaawinaa Qof dhibaateysan oo sabool ah ama baahi qaba. Asxaabtii waxayyiraahdeen haddii uusan karinna taa qudheeda? Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri:Waa inuu faraa dadka kale inay axsaan flaan. Asxaabtii waxay yiraahdeenka warran hadduu taana ka gaabiyo? Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waa inuuka ilaaliyaa naftiisa inuu falo wax xumaan ah ama ka dhaco xadgudub Taasibawaa sadaqo uu naftiisa u hormarsanayo.Ó (Bukhaari iyo Muslim)