Alle wuxuu yiri kor ahaaye:
1. "Lama farin (dadka) waxaan ahayn inay Alle oo keliya caabudaan,
iyagoo diinta (yacni maqalka iyo hoggaansanka) u gooni yeelaya, iyo inay
salaada oogaan, sekadana bixiyaan sidaasaana ah diinta toosan"
Suurada al Bayyina: aayada 5.
2. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
"Ma ah Hilibkoodu iyo dhiigoodu midna waxaa gaaraya Alle, waase daacadnimada
iyo dhoowsanaanta xaggiina ka ahaatey waxa gaaraya Alle". Suurada
al Xaj: Aayada 37
3. Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye:
"Dheh (Muxammadow S.C.W.) : Haddii aad qarisaan waxa laabihiina ku
jira, ama aad muujisaanba, Alle waa og yahay". Suurada aali Cimraan
aayada 29.
1. Cumar bin Khaddaab (A.K.R) wuxuu yiri: "Waxaan maqlay rasuulka
(S.C.W.) oo leh: 'Niyadaa saldhig ah (xag Alle) mudnaanshada in qofka laga
abaal mariyo camalkiisii iyo in kale, qof walbaana wixii uu camlkiisa ula
jeedo xagga niyada buu leeyahay. Qofkii Alle iyo rasuulkiisa dartood u
soo haajirey waa u sidaas, qofkii arrin adduunyo la xiriidha ama naag guursigeed
u soo haajireyna iyaguu leeyahay(oo Alle waxba kama sugayo)"..
(Bukhaar iyo Muslim)
2.Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: "Ciidan
baa Kacbada ku soo duuli doona, kolkay soo gaaraan dhul siman oo Madiina
u dhow, markaasaa kan u horreeya iyo kan u dambeeyaba dhulka lala goyn
doonaa".
Waxay tiri: Waxaan iri oo rasuul Alloow sidee kan u horreeya iyo kan u
dambeeyaba dhulka loola goynayaa, sow kuma jiraan kuwo ay soo kaxaysteen
oo aan ku raacsanayn (camalkaa),iyo kuwo aan kaba tirsanayngba? Rasuulka
Alle (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay :"Waa lala goynayaa ciidanka oo idil
dhulka kan u horreeya iyo kan u dambeeyaba, dabadeedna maalinta qiyaamo
hadba sida camalka iyo niyooyinkoodii aheyd baa loo soo bixinayaa(oo lagu
abaal marinayaa)". (Muslim iyo Bukhaari)
Weerooyinka xadiiskase Bukhaari baa leh.
3. Caa'isha (A. K. R.) waxaa laga soo xigtay in nabigu (S.C. W.) yiri:
" Kolba haddii ay muslimiinta Makka qabsadeen oo ay beel Islaam noqotay,
haajirid looma baahna, laakiin niyo iyo jihaad baa jiraya, ee markii jihaad
u soo baxa la idin yiraahdo (oo uu Imaamka idiinku yeero) u soo baxa".
(Bukhaari iyo Muslim)
4. Jaabir bin Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: Annagoo duullaan ah oo nebiga la soconna buu wuxuu nagu yiri:Madiina waxaa jira rag meeshii aad martaan iyo toggii aad ka tallawdaanba ajarka idinla wadaaga, oo ay jirro reebtay, ha yeeshee niyadooda aheyd hadduusan cudurku reebin inay idinla socdaan" (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kale baa ah oo Muslim ku taal:" Ajarka way idinla wadaagaan".
Imaam Bukhaarina wuxuu soo weriyey inuu Anas (A.K.R.) yiri: "Anagoo nabiga (S.C.W.) la soconna oo duullaankii Tabuuk ka soo laabannay buu wuxuu yiri: " Waxaa jira dad Madiina inooka haray, oo dhudhubtii aan xullo iyo toggii aan ka tallownaba ina wehliya, oo qalbiga iyo niyada ka jeclaa inay inala socdaan, haddayan duruufi reebteen)".
5.Macan bin Yasiid ibn Akhnas (A.K.R.) Macan, aabihi, iyo awoowgiba waxay ka mid ahaayeen asxaabtii nebiga (S.C.W.). Macan wuxuu yiri: "Aabahay Yasiid baa dhowr Diinaar oo uu sadaqaysanayey ag dhigey nin masaajidka joogay, markaasaa inta qaatey ula imid Aabahay, wuxuu igu yiri: Adiga kulama aanan rabin lacagtaa, dabadeedna waxaan isula tagnay oo u gar dhiganay nebiga (S.C.W.). Wuxuu ku yiri nebigu (S.C.W.) aabahay : Yasiidow adigu wixii aad niyootey baad leedahay (oo lacagtaa waa kuu sadaqo), anna wuxuu igu yiri nebigu (S.C.W.) : Macanow adna wixii aad qaadatay baad leedahay." (Bukhaari)
6. Sacad ibn abii waqaas (A.K.R.) (oo ka mid ah tobankii loogu bishaareeyey jannada) wuxuu yiri nebigaa (S.C.W.) isoo booqday anigoo aad u xanuunsanaya. Arintanina waxey dhacday kolkuu rasuulka gutay xajkii sagootiga, markaasaan waxaan ku iri : Rasuul Allow (S.C.W.) waa'aad aragtaa sida xaalkeygu yahay. Waxaana aan leeyahay xoolo badan, wax idhaxlana gabar keliyaa leeyahay, ee maalkeyga sadex meelood labo ma sadaqaystaa? Wuxuu yiri nebiga (S.C.W.) 'Maya' Waxaan iri : Barna rasuul Allow? Wuxuu yiri : Maya. Waxaan iri sadex meeloodoo melna? Wuxuu yiri : 'Haa', iyadaana weliba badan. Dadka dhaxalkaaga leh inaad ka tagtid iyagoo hodan ah baa ka khayr badan inaad ka tagtid iyagoo sabool ah oo aad ku qasabto inay dadka gacmaha u hoorsadaan. Sadaqo kasta oo aad wejiga Alle ula baxdidna ajar baad ka heleysaa, xataa raashin xoogaa ah oo aad haweentaada afkeeda gelisidba ha ahaatee, Alle wuu kaa ajar siin. Dabadeed waxaan iri : " Rasuulkii Allow saxiibadey ma ka harayaa? Wuxuu yiri rasuulkii Alle (S.C.W.): Kama aad hareysid. Camalkii aad fasho oo aad Alle dartii ula jeedidba ajar iyo derejaad ka sii heleysaa, waxaana laga yaabaa inaad muddo noolaato oo cimri dherer lagu siiyo oo ay markaas qoon muslimiin ah kaa faa'iideystaan, qoon gaala ahina gacnataada lagu ciqaabo. Kadibna rasuulkii Alle Ilaahay buu baryey oo yiri : Alloow asxaabtayda hijradoodii ka yeel mid dhan oo guuleysta gadaalna ha u celin. Waxaase in loo murugoodo leh Sacad ibnu Khawla ee gadaal looga soo tegey, Makana ku dhintay, rasuulkii Allena (S.C.W.) naxariis iyo samaan buu Alle uga baryey. (Bukhaari iyo Muslim)
7. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri : Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: " Alle fiirin maayo jirkiina iyo suuradiina toonna, ee wuxuu fiirinayaa qalbiyadiina iyo camaladiina". (Muslim)
8. Abuu Muusa al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaa rasuulkii Alle (S.C.W.) la waydiiyey: 'Nin geesinimo u diriraya iyo mid ficilo qabiil (ama qaran) u diriraya iyo mid is tus u diriraya, intaas koodee baa jidka Alle ku diriraya? Wuxuu ku jawaabey rasuulkii Alle (S.C.W.): 'Kan u dirira inay diintii Alle noqoto baa jidkii Alle ku diriraya'. (Bukhaari iyo Muslim)
9. Abuu Bakrah Nufayc ibn al-Xaaris as-Saqfi (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: "Markii labo qof oo mislim ahi seef iskala hor yimaadaan dilaha iyo la diluhuba waa ehlu naar. " Waxaan iri: " Rasuul Allow kan dilay walaalki garannaye kan la dilay muxuu galabsadey oo naarta loo geynayaa? "Wuxuu ku jawaabey (S.C.W.) " Inuu saaxiibki dilo buu isna doonayey. (Bukhaari iyo Muslim)
10. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: " Salaada uu qofku jameeco ahaan (masjidka) ugu tukadaa waxay salaadiisa uu guriga ku tukado iyo tan uu dukaankiisa iwm ku tukado dheer tahay dhowr iyo labaatan darajo. " Maxaa yeelay, qofka markii uu weyseysto oo waysada hagaajiyo, dabadeedna uu masjidka aado isagoo aan wax kale salaada ma'ahee u aadayn, wax kale salaada ma ahee u socon, waxaa tallaabadii uu qaadaba loogu dhaafaa danbi, derejana waa loogu kordhiyaa ilaa uu masjidka ka galo. Markii uu masjidka galana wuxuu la mid yahay isagoo salaad ku jira inta uu salaada sugayo, marba haduusan cidna dhibaato u geysanna, weesadiina qabo malaa'igtu waa u ducayneysaa markii uu tukado oo uu fadhiyo meeshii uu ku tukadey, iyadoo leh; Alloow u naxariiso, Allow u danbi dhaaf, Allow ka toobad aqbal". (Bukhaari iyo Muslim)
11. Cabdullaah ibn Cabaas (A.K.R.) wuxuu ka weriyey nebiga (S.C.W.) xadiisul-qudsi uu Rasuulku Rabbigi ka soo wariyey: kaasoo ah in xumaanaha iyo samaanahaba Alle jirsiiyey, mid walbana uu cadeeyey, qofkii wax san ku hammiya oo aan falin hal darajo oo buuxdaa loo qoraa (oo samaan ah), hadii uu falana Alle wuxuu ku abaal mariyaa toban darajo ilaa todoba boqol oo laba laab ah iyo laba laabyo kale oo faro badan. Haddii uu xumaan ku fakero oo uu san falinna hal darajo oo buuxdaa ayaa Alle agtiisa looga qoraa (oo samaan ah), hadii uu ku fekero oo falana hal xumaan ah oo keliyaa Alle u qoraa". (Bukhaari iyo Muslim)
12. Cabdullaah ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay rasuulkii Alle (S.C.W.) oo leh: "Seddex nin oo ummadihii idinka horeeyey ahaa baa safar meel isugu raacay, waxey socdaanba habeenkii bay dabeel daran darteed gebi galeen oo u hoydeen, dhagax weyn baa inta soo ruqay gebigii afka ka awdey. Mid ka mid ahaa wuxuu yiri: wax kale oo maanta dhagaxaan inaka faydayo lama arko inaan Alle ku barinno maahee camaladeenii wanaagsanaa wax ka mid ah. Markaa baa mid wuxuu yiri, Allow waxaan lahaa labo waalid oo ahaa waayeel da' ah oo aanan fiid gooyada caano siintooda ka hor marin jirey caruurteyda iyo ehelkeyga intiisa kale oo dhan. Markaasay maalin daaq raadintii ila fogaatey oo aanan soo dheelman jeeray gam'een. Goortaan imid baa fiidgooyadii u soo lisay mise waa hurdaan, inaan toosiyaa oo aan hurdadoodu ka qaso waa i dhibtay, inaan caruurteyda iyo ehelkeyga kale ka hormariyaana waa i dhibtay oo caanaha siiyo iyaga ka hor. waan sugay, anigoo weelkii gacmaha ku hayo oo toosidooda dhowraya jeer waagii dilaacay, caruurtiina hoostayda intaas qaylinayeen. Markay kaceen bay caanahooda dhameen. Allow hadaan saas falay anigoo raaligelintaada u dan leh, waxaan naheysta naga saar oo dhagaxaan naga feyd. Dhagaxii xoogaa aysan ka bixi karin buu faydmay. Midkii labaad baa yiri: Allow waxaa jirtay gabar adeerkey dhaley oo aan jeclaa intii uu nin naag jeclaado oo aan markaas inta damaaciyey, isu key diiday; dabadeedna waa dambe bay abaar xumi gabadhii ku dhacdey, markaasay ii timid iyadoo caawimaad iga dooneysa, waxaan siiyey boqol iyo labaatan Diinaar anoo ku shardiyey inay isu kay dhiibto. Markaa bay yeeshay, markii aan lugaheedii ku fariistay bay tiri: Alle ka cabso, oo xaaraan ha igu qodob goyn'; markaasaan ka kacay oo ka tegey anigoo aad u doonayey, lacagtii aan siiyayna u dhaafay. Alloow hadaan saas falay anigoo raali gelintaada u dan leh, waxaan na haysta naga saar. xoogaa kale aysan weli ka bixi karin baa dhagaxii ka sii faydmey. Kii sadexaad baa isna yiri: "Alloow niman baan kula heshiiyey inay ii shaqeeyaan waa ii shaqeeyeen, dabadeedna xaqoodii baan siiyey, hal nin oo aanan soo doonin xaqiisa maahee, waan uga shaqeysiiyey lacagtiisii, wixii aan xoolaha u galiyeyna faa'ido badan bay keeneen oo miro dhaleen. Waa dambe buu ninkaasi soo laabtay oo yiri: 'Addoon Alloow i sii xaqaygii. waxaan ku iri: Maalka aad aragto oo dhan oo geel, lo, ari iyo addoommo lehiba waa xaqaagii. Wuxuu ku yiri: Ha igu jeesjeesin adoon Alloow. Waxaan iri: Kugu jees jeesi maayo. Markaa buu kaxaystay isagoo aan waxba ka tegin. Alloow hadaan saas falay anigoo raali gelintaada u dan leh waxaan na haysta naga saar. Markaasaa dhagixii feydmay oo ay ka baxeen iyagoo nabad ah" (Bukhaari iyo Muslim)
Fiiro gaar ah: Xadiiskan faa'idooyin badan baa laga kororsanayaa. Waxaan ka mid faa'idooyinka xadiiskan, inuu qofku dalbo naxariista Alle iyo gargaarkiisa haday dhibaato la soo gudboonaato, qofkana uu ka yeesho acmaashiisii suubaneyd wax uu dhibaatada kag gudbo iyo gaashaan uu ka hortago, naxariista Allena iyo gargaarkiisa ku helo. qodob kale waxaa weeye ajarka badan ee ku jira iyo samaanta lagu helo u baari lahaanta waalidka. Sidoo kale wuxuu xadiiska tilmaamayaa ahmiyada ay laheyd dhowrsanaanta, oofinta balanta, daryeelka bulshada, iyo xajinta amaanooyinka iyo gudida dadka iyo si dhan u oofintooda.
Wuxuu kaloo xadiiska daaha ka qaaday in daacadnimada ay tahay saldhiga
abaal marinta camalada, sida uu ahaaba cinwaanka cutubkan. hadal iyo dabuubti,
xaga Islaamka qowl iyo ficil wuxuu qof la imaanayo waa in Alle lagu ogaadaa
oo loola jeedaa, raali gelinti looga dan leeyahay, ee ma aha in loola jeedo
aduun ku hel, ama munaafaqnimo, ama magac doonasho, ama maal ku raadin.
Culimadu waxay yiraahdeen: Waa waajib in dembi walba laga toobad keenaa, waxayna toobadu leedahay shuruudo dhowr ah, oo marna seddex ah, marna afar ah. Mar waa seddex oo waa markii uu dembigu yahay wax adoonka iyo Rabigiisa ka dhexeeya, markaasna waxay shuruudu tahay inuu qofka dembigii ka fuqo, iyo inuu ka shalaayo, iyo tan sedexaad oo ah inuu qofku goÕaansado inuusan dembigaas u noqon dib dambe. Marka kale oo ay shuruuda afarta tahayna waa markii uu dambigu lug ku leeyahay xaq Aadane, oo waa in xaqaas Aadane la gudo oo laga xalaaloobo, haduu maal yahay la gudo, haduu qadaf ama qaan yahay qofkii oo la isu dhiibo, gudayayaa iyo cafiyayaaba, iyo haduu xan yahay oo iyadana laga codsado cafis, waxaa iyaduna waajib ah in dambiyada oo dhan laga toobad keeno, hadii uu qofku qaar ka toobad keenana waa ka ansaxaysaa toobadu, oo qaarkaas waa laga cafinayaa, dembigii uusan ka toobad keenina waa ku harayaa oo laga cafiyi maayo, jeer uu ka ka toobad keeno. Toobadu inay waajib tahay QurÕaanka iyo sunaha cadeynaya, umaduna waa ay isku raacsan tahay.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 4. ÒAlle u wada toobad keena kuwa xaqa rumeeyow, aad liibaanteene.Ó Suurada an-Nuur: Aayada 31
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 5. (Waxaan idin leeyahay oo idin kugu yeeri) : Rabigiin cafis iyo dambi dhaaf weydiista, oo u noqda Alle idinkoo toobad keenooyin ah.Õ Suurada Huud: Aayada 3
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 6. ÒKuwa xaqa rumeeyow! Alle u toobad keena toobad san.Ó Suurada at-Taxriim: Aayada 8
13. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay rasuulkii Alle (S.C.W.) oo leh: ÒWallaahi maalintii waxaan Alle dembi dhaaf waydiistaa oo u toobad keenaa wax todobaatan jeer ka badanÓ.
14. Aqirr ibn Yasaar al-Muzani ( A.K.R.) wuxuu sheegay inuu Rusuulku (S.C.W. ) ku waanin jiray asxaabtiisa: Ò Alle u toobad keena dadyahow, oo dambi dhaaf weydiista, anigu maalintii boqol jeer baan toobad keenaaye.Ó
15. Anas ibn Maalik (A. K.R. ) oo adeege u ahaa nabiga (S.C.W.) Wuxuu yiri: Wuxuu Alle ugu farxaa toobada adoonkiisa si ka daran sida midkiin ugu farxo awrkiisii oo inta hayjad kaga dhumay uu markaas helay.Ó ( Bukhaari iyo Muslim)
Weedha Muslim waxay intaa raacineysaa: Wuxuu Alle ugu farxaa markuu adoonkiisu u toobad keeno, sida midkiin rakuub uu watey oo hayjad marayey oo ay raashinkiisa iyo biyihiisuba u saarnaayeen, dabadeedna doondoonay oo waayey, oo markaas geed iska hoos jiifsaday isagoo quustay, oo isagoo saas ku sugan markaas indhaha kala qaaday mise waa rakuubkiisii oo kor taagan, markaasuu yiri; inta hogaankiisa qabsaday oo farixii ka batay; Alloow adoonkeygii baad tahay, aniguna Rabigaagii, wuxuu ugu dhacay carab taraaraxaas farax taraar darteed iyo isagoo doonayey inuu u mahad noqo Rabigi, una qiro abaalka iyo fadligaa. 16. Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒAlle kor ahaaye habeenkii buu gacantiisa soo fidiyaa, si uu u toobad keeno qofkii maalintii dambaabay, maalintiina gacantiisuu soo fidiyaa si uu u toobad keeno qofkii habeenkii dambaabay, jeer ay qoraxdu bugux ( yacni galbeed) ka soo baxdo (maalinta qiyaamah.)Ó ( Muslim)
17. Abuu Hureyrah ( A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulku (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒAlle waa ka toobad aqbalaa adoomahiisa inta aysan qoraxdu bugux ( galbeed) ka soo bixin (maalinta qiyaamaha)" ( Muslim )
18. Cabdulaah ibn Cumar ( A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ò Alle, Rabiga cisada iyo maamuuska, toobada adoonka waa uu ka aqbalaa inta uusan dhuun yeeris (geerida) gaarin". (Tarmidi, waana xadiis xasan ah )
19. Zirr ibn Xubaysh ( A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan u tegay Safwaan ibn Cassaal (A.K.R.) anigoo raba inaan ka wareysto masaxa kabaha buudka gacmaha la kor mariyo marka la weesaysanayno. Wuxuu i weydiiyey: Zirrow, maxaad doonaysey? Waxaan ku jawaabay, ÔCilmi doon baan ahaa.Õ Wuxuu yiri: MalaaÕigtu garbahay u raaricisaa qofka cilmi doonka ah, raali ay ka tahay waxa uu doonayo awgeed. Waxaan u sheegay inuu wareer iga galay arinta ku saabsan marinta gacmaha dusha sare uu ka mariyo kabaha buudka qofka weeseysanaya, kaadi ama saxaro kadib, adigaana arintaas kuu soo aadey oo asxaabtii Nabiga (S.C.W.) ka mid ah. ee wax ma ka maqashay nabiga arintaas la xiriirta? Wuxuu yiri: Haah, Wuxuu na oran jirey markaan safar nahay ha siibina buudkiina sedex maalmood iyo habeenadooda, inaad isku junubtaan ma ahee oo ha u siibina hurdo iyo saxaro iyo kaadi dartood. Waxaan iri: Ma ka maqashay isagoo ka hadlaya wax jeclaanta? Wuxuu yiri: Haah, anagoo musaafar ah oo Nebiga (S.C.W.) la soconna baa maalin nin reer miyi ah Nebiga (S.C.W.) tannaago dheer Wuxuu yiri: Muxammadow. Wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) sidiisii oo kale buu ugu dhawaaqay oo yiri: Heeh, waa i kane. Waxaan ku iri ninkii reer miyiga ahaa: Balaayo ha kugu dhacdee; Ha u hadlin kor markaad Nebiga (S.C.W.) la joogtid. Sidaas buu Alle ina faraye (yacni inaan kor loo hadlin markaan nebiga la joogno). Isagoo ii jawaabaya wuxuu yiri: Uma dhigayo hoos codkeyga, hadana isagoo hadalka u wada nabiga (S.C.W.) mar labaad wuxuu yiri: Ka waran qof jecel qoon uusan weli ka soo mid noqon muxuu xaalkiisu noqonayaa? Wuxuu yiri nabiga (S.C.W.): Maalinta qiyaame qofka wuxuu ka mid noqonayaa qoonka uu jecel yahayÓ. Dabadeedna hadalkii uu inoo waday buu meesha ka sii waday ilaa uu sheegay irid bugux jirta kan wax fuushani baleeceeda u socda afartan ama todobaatan sano. Sufyaaan oo dadka xadiiska weriyey ka mid ahi wuxuu intaa raaciyey: Waa irid xaga Suuriya jidha. Wuxuuna Alle abuuray maalintii uu cirarka iyo dhulka abuuray. Wuxuu u furan yahay toobada, lamana xirayo jeer ay qoraxdu ka soo baxdo xaga galbeedÓ. (Tirmidi) iyo kuwo kale baa weriyey, wuxuuna yiri: waa xadiis, xasan saxiix ah.
20. Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒNin ka mid ahaa ummadihii idiinka horeeyey, oo diley sagaal iyo sagaashan qof, baa dadkii waydiiyey yaa u aqoon badan dunida? waxaa loo tilmaamay nin suufi ah (oo aduun iska nacay). (Dilahii iskeenay isagoo ictiraafsan danbigiisa) baa u tegay suufigii oo ku yiri: waxaan dilay sagaal iyo sagaashan qof, ee wax toobad ah ma leeyahay? Suufigii wuxuu ku jawaabay: ÔMayaÕ. Ninkii wuxuu dilay suufigii sidoo kale oo boqol kaga dhigay. Dilihii baa misna weydiiyey dadkii: yaa u cilmi roon dadka aduunka? waxaa loo tilmaamay nin caalim ah. Markaa buu u tagey uu ku yiri: Waxaan dilay boqol qof ee toobad ma leeyahay? wuxuu yiri caalimkii: ÔHaa, waxba ma jiraan kala dhex gali kara adiga iyo toowbada: Tag oo aad dhulkaa. Waxaa ku nool dhulkaa dad dhowrsoon oo suubanayaal ah oo Alle caabuda ee Alle la caabud hana ku soo noqon dhulkaaga waayo waa dhul shar badan. Ninkii dhulkaa buu aadey. Markuu kala bar marayaa mawdkii u yimid. Muran iyo dood baa wuxuu ka dhex bilowdey malaaÕigtii cadaabta iyo malaaÕigtii naxariista la xiriira cidda nafta ka qaadeysa. MalaaÕigtii naxariista waxay tiri: Marba haduu soo towbad keenay oo qalbigiisu Alle u soo jeedsadey ( innagaa nafta ka saareyna oo xilkiisu ina saaran yahay ); malaaÕigtii cadaabtuna waxay tiri: weligiisba ma uu sameyn wax qayr ah ( sidaa awgeed innagaa xilkiisa leh ). Waxaa markaas u yimid malag suurad aadana leh, waana u gar dhigteen, wuxuu yiri malagii: cabira inta labada dhul u dhexeysa, tii u xigaa leh. Markaasey cabireen mise dhulkii uu u socday buu xigaa. waxaa xilkiisii qaaday malaaÕigta naxariista. (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kale baa waxay oraneysaa: Ò Dhulkii dadka fiicnaa buu taako u dhowaadey, markaasaa dadkaas laga mid yeelayÓ.
Werin kale waxey aheyd: ÒAllaa labada dhul midna fogow yiri, midna soo dhawow yiri, wuxuu Alle yiri markaas: Qiyaasa inta u dhexeysa, mise tan (dhulka dadkii fiicnaa) bay taako u dhowdahay oo wuu u danbi dhaafayÓ. Xadiis kalena wuxuu ahaa: Wuxuu ugu soo dhawaadey dhulkii uu u socdey laab ku socod iyo xamaarasho.
21. Cabdullaah ibn Kacab ibn Maalik (A.K.R.) oo aabihi Kacab ka haajiray markuu indha beelay, wuxuu yiri: waxaan maqlay aabahay kacab ibn Maalik oo ka sheekaynaya waagii uu nabiga (S.C.W.) ka haray oo aheyd duulaankii Tabuuk. Wuxuu yiri Kacab: Ma jirin duullaan aanan nabiga (S.C.W.) kala qayb gelin duulaankii Tabuuk ma ahee iyo kii Beder oo aan isaga cidna lagu canaanan maxaa yeelay Nabiga (S.C. W.) iyo raggii Beder raacay waxay doonteen safarkii Qureysh ee badeecad siday, iyagoo aan dooneyn inay la dagaalaan, saa Allaa falay si aysan ku tala gelin, colkii Quraysheed iyo iyagiina wada kulmiyey. Waxaan Nabiga (S.C.W.)la joogey habeenkii togga Caqabaha markii aan kor yeelidda diinta islaamka axdiga kula galeyney in Beder habeenkaas la iigu badalana u shallaayi maayo, inkastoo ay dadku badiyaan hadal haynta Bederl.
Duullaankii Tabuuk oo aan Nabiga (S.C.W.) ka haray haddaan xaalkeyga ka warramo siduu ahaa, waxaan markaas ahaa markii aan u xoog iyo xoolaba roonaa, waxayna ahayd markii iigu horeesey laba rakuubood aan yeesho, Nabiga (S.C.W.)markii uu duulaan qaadayo waxaa caado u ahaan jiray inuusan daaha ka qaadin arrimaha la xiriira oo dhan waqti dambe maahee. Laakiinse markaas qorraxdu aad bay u kululeyd, safar dheer iyo dhul dhib badan oo bah gooyo ahna waa la marayey, col weyn oo xoog lehna waa loo socdey. Sidaa awgeed buu rasuulkii Alle (S.C.W.) Daboolka uga qaaday meesha loo socdo, si loogu diyaargaroobo. Waxaa baxay colweyne oo aad u culus, oo aan wax la diiwaan galin karo aheyn, ninkii damco in uu maqnaado kama uu baqayn in la ogaado, hadaan waxyi ka soo degin. Duulaankaas wuxuu rasuulku (S.C.W.) qaaday goor ay mirihii soo goÕayaan, hooska geeduhuna macaan yahay, aniguna sahlashaa i gashey. Rasuulkii (S.C.W.) waa uu diyaar garoobey, muslimiintiina waa la diyaargaroobeen, anigana inaan diyaar garoobaa u kalahaa, anoo aan waxba qabanna waa soo noqdaa, waxaan is leeyahay waxba maÕahoo waa kuu fududahay, markii aad doonto, iska daba wareeg maÕaan deyn jeer ay Nebigii (S.C.W.) iyo muslimiintii dhaqaaqeen anigoo aan waxba diyaarsan. Duulaankii caaradkuu la baxay oo waa tagey, wax weli ii diyaar ahina weli ma jirin, waxaan is iri alleylehee raro, oo gaar, la iimase qadarin, magacay baÕye ban maan falo, markii uu Nabigii (S.C.W.) tegey baan caloolxumo iyo murugo bilaabey markii aan dadka soo dhex galo laguma arko qof aan ku dayan karo, oo weheshan karo ragga joogaa waa nin munaafaqnimo lagu yiqiin iyo nin jihaadka aan awood u leheyn oo Alle ka cafiyey. Nebigii (S.C.W.) ima uu xusuusan ilaa uu tabuuk gaarey, markii uu tabuuk tagey buu wuxuu yiri isagoo fadhiya: Kacab ibn Malik muxuu faley? wuxuu yiri nin reer banii Salamah ahi dharkiisii baa reebay iyo hadba gees is ka dhugasho. Mucaad ibn Jabal baa wuxuu ku yiri ninkii reer banii Salamah: wax daran baad ku hadashey! wallaahi rasuul Allow kuma aannu ogin waxaan khayr ahayn, rasuulkii Alle (S.C.W.) waxba ma oran oo waa iska aamusay.. Nin bidhaamaya oo wirwirayaa meel fog ka soo muuqday, wuxuu yiri rasuulkii Alle (S.C.W.): Abuu khaysama noqo, mise waa abuu khaysama laftigiisii oo ahaa ninkii suuska timirta ah sadaqaysan jirey oo ay munaafiqiintu ku durayeen. Markii aan maqley inuu Nebigii (S.C.W.) soo laabtey oo soo socdo yaa welwelkii iga batey oo been inaan sheegaa igu soo dhacdey, waxaan is weydiinayey sidee Nebiga (S.C.W.) uga maslaxdaa arintaa maanta. Wixii wax garanayey oo ehelkeyga ahaa baan kala tashadey, markii aan maqley in rasuulka (S.C.W.) soo ogog yeeshay, yaa tashwiishkii oo dhami iga baÕay oo waxaan goÕaan sadey inaan runta sheego, mar hadaanan haysan wax aan kaga badbaadi karo. Nebigii (S.C.W.) waa yimid. Sidii ay caadadiisu ahaydna kolkuu safarada ka yimaado masjidkuu ku soo hormarey oo labo rakcadood ku tukadey, oo dabadeed fariistay si uu dadkii ugu qaabilo. Markuu sidaa yeelay baa waxaa u yimid ragii harey oo dhowr iyo sideetan nin gaaraya, waa u cudurdaarteen waana dhaarteen, waana uu ka yeelay oo u denbi dhaaf dalbey waxooda u qarsoona Alluu u daayey. Markaasaan anna imid oo salaamay suu inta dhoolbiray buu wuxuu yiri isagoo caro laga dareemayo: kaaley, waa u imid oo hor fariistey. Wuxuu yiri (S.C.W.): Ò Maxaa ku reebay?Ó sow Alle kama aadan gadan rakuubkaaga?Ó waxaan iri: Rasuul Alloow (S.C.W.) walaalehey hadaan maanta cid kale oo aduun ag joogi lahaa cudur daar aan kaaga fakado ma waayeen waana doodi aqaan, laakiinse waxaan ogahay, hadaan maanta kuu sheego been aan kugu raali gelinayo, waxaan halis u ahay in Alle ii caroodo, haddaan run kuu sheegana iyadaan xag Alle aayaha danbe ku rajo fiicanahay. Waa sidaase wallaahaanan wax cudur daar ah haysan, wallaahi beysan jirin mar aan ka xoog iyo xoolo roonaa markaan kaa harey. Markaas sidaas iri buu wuxuu yiri rasuulkii Alle (S.C.W.): Kanu run buu sheegay. Hadaba iska tag inta Alle xaalkaaga wax ka oranayo. Rag reer banii Saliimah ah baa inta isooraacay yiri: Waxaynu ognahay inaadan hadda ka hor wax aadan biÕin; Ma waxaad kari waydey inaad Nebiga u cudur daaratid sidii ay raggii kale oo kaa horeeyeyba ugu cudur daarteen? Nebiga oo kuu denbi dhaaf dalba baa khaladkaaga oo dhan ku filnayde, waa igu celceliyeen oo sidaas wadnaha iiga qabteen ilaa aan ku fekerey tolow Nebigu ma ku noqotaa oo hadalkaagii hore ma beenisaa. Waxaan weydiiyey: Cid sidaan yeelay oo kale yeeshey ma garaneysaan? waxay yiraahdeen: Haah, labo nin baa sidaada oo kale yiri oo sidaada oo kale lagu yiri; waxaan iri: oo waa labadee? waxay yiraahdeen waa Muraara bin Rabiic al-Camri iyo Hilaal bin Umayyah al-Waaqifi, mise waa labo nin oo wanaagsan oo Bader ka qayb galay, oo lagu dayan karo markii ay ii sheegeen baan ku sii adkeystay mowqofkeygii hore. Wixii rag harey, Nebigu (S.C.W.) seddexdayadii buu amray inaan dadku nala hadlin, markaasaa dadkiiba naga cararey oo dhulkii nagu yaraaday oo nin qalaad aan noqdey. Konton habeen baan sidaas ku jirnay. Labadayadii saaxiib ceeb iyo calool xumo bay guriga la fariisteen. Aniguse dhalinyaraan ahaa oo firfircoon oo salaadaan dadka la tukan jirey, carradaydana waa aan mari jiri, wax ila hadlana ma jirin Rasuulkaana (S.C.W.) inta u tago baan salaami jirey markuu inta tukado fadhiyo, markaasaan is oran jirey tolow bishimaha ma dhaqdhaqaajiyey oo salaanta ma kaa qaadey. Intaan ku ag tukadaan isha ku xadi jirey markaasuu markaan ka jeedsadana i fiiriyaa, markaan eegana iga jeedsadaa. Arintii waa igu dheeraatey, goyntii ay muslimiintu igu sameeyeen waa i dhibtey. Waxaan gaarey inaan fuulo derbigii Abu Qataadah oo aan ilma adeer aheyn, dadkana aan ugu jeclaa, waa salaamay salaantiina waa iga qaadi waayey. Waxaan ku iri abuu Qataadow Alle baan kugu dhaariyeye, ma aad igu ogtahay in aan Alle iyo Rasuulkiisa jeclahay? waa iga aamusey, waa ku celiyey oo dhaariyey, waa iga aamusey, misna waa ku celiyey oo dhaariyey, kolkuu i yiri: Alle iyo rasuulkiisaa og. Markaasey ilma iga soo qubatey, derbigiina aan ka soo degey. Suuqii baan u soo baxay mise nin reer shaam ah oo raashin gasac ah wataa baa dadka i weydiinaya oo leh: yaa Kacab ibn Maalik i tusaya waa laÕiisoo tilmaamey. Waa ii yimid wuxuu ii dhiibay waraaq uu iiga wadey boqorkii reer Qasaan. Waxaan ahaa qoraa saa waan aqristey, mise waxaa ku taal; waxaa na soo gaarey saaxiibkaa inuu ku gooyey, Allena kuma badin dulli, iyo darxumo ee noo imoow anagaa ku wanaajineyneÕe. Markaan aqriyey baan waxaan iri: tanna waa imtixaan kale, markiiba waxaan ku ridey tinaarka oo ku gubey. Kontonkii markii ay afartan maalmood tagtey waxyina uusan soo degin baa nin uu Nebigu (S.C.W.) soo direy ii yimid oo yiri: Nebigu wuxuu ku soo farey inaad haweentaada ka tagtid. Waxaan iri: ma furaa mise maxaan falaa? Wuxuu yiri: Mayee hataaban oo keliya. Labadeydii saaxiibna sidaasoo kaluu u farey. Sidaa awgeed baan xaaskeygii ka codsadey inay ciddeedii la joogto bal inta arrintaan Alle si ka oranayo. Xaaskii Hilaal ibn Umayyah baa iyaduna Nebiga (S.C.W.) u tagtey oo tiri: Rasuul Allow Hilaal ibn Umayyah waa sheyb aan tabar leheyn, aan daryeeli karin naftiisa keligii, adeegena ma leh, marka ma aad diideysaa inaan u adeego? Wuxuu yiri: Maya, laakiinse yuusan kuu dhawaan, Waxey tiri: Dan kama leh dumar. Tan iyo maalintii uu arinkaanu bilowdey ilaa haatanna, waa uu ooyayey. Ehelkeygii baa qaarkood igu yiraahdeen: Maad Nebiga (S.C.W.) weydiisatid inuu xaaskaaga kuu idmo, Hilaal bin Ummayaba waa u idmay xaaskiisu inay u adeegtoÕe? Waxaan iri: Kuma dhibayo nabiga (S.C.W.) waydiisiga idan kaa oo kale ah, saa wuxuu oronayo magaranayoÕe, aniguna waxaan ahay nin dhalinyaro ahe (oo Hilaal oo kale ma ahi). Sidaasna toban beri baan ku jirney oo kontonkii habeen ay noogu buuxsameen, tan iyo markii nala gooyey. Waxaan tukadey salaad subax, waxey aheyd habeenkii kontonaad subaxiisii danbe, anigoo fadhiya gurigeyga, nafteydiina ciriiryoontey oo dhulkii balaarnaa sidii Alle naga sheegay igu yaraadey, baan waxaan maqlay nin buur korkeed ka dhawaaqaya oo leh: Kacab ibn Maaligoow bishaarayso. Markaasaan sujuud shukri la dhacay, oo waxaan gartay in faraj yimid. Rasuulku (S.C.W.) markii uu salaadii subax tujiyey buu dadkii u sheegay in Alle naga towbad aqbaley, markaasaa dadkii noo soo kala orday iyagoo noo bishaaraynaya. Labadaydii saaxiib dad baa aaday. Anigana nin baa faras xageyga u soo fuulay, nin kale oo reer Aslam ah baa isna xaggayga u soo orday oo buur dhaladeed fuulay oo iiga dhawaaqay. Saa dhawaaqii baa faraskii ka soo hor marey markuu ii yimid ninkii aan codkiisa maqlay oo ii bishaareeyay baan labadaydii goÕ siiyay, bishaaradiisii darteed. Ilaahay baan ku dhaartay maalintaa dhar kale ma haysan, sidaa awgeed baan labo goÕ u soo deyntey oo maalintaas wax kale ma aan haysan, dabadeedna Nabigii (S.C.W.) baan aadey si aan qaddirinta iyo tixgelinta iyo mahadda aan u hayo ugu jeediyo. Intaan u socdayna rasuulka dadku waxay iila kulmayeen koox, koox, iyagoo toobad aqbalka iigu tahniyadaynaya. Masjidkii baan soo galay, waxaan arkay nebigii (S.C.W.) oo fadhiya dadkiina hareero fadhiyaan, waxaa soo kacay oo igu soo orday Dalxah bin Cubeydullaah waana i salaamay oo ii tahniyadeeyey, isaga keliyaana muhaajirintii iiga soo istaagay -Kacab Dal-xah ma iloobi jirin. Waxaan salaamay Nebigii (S.C.W.) oo wajigiisu farxad la ifayo, Wuxuu yiri bishaarayso waa maalintii kuugu khayr badnayd oo ku soo marta tan iyo markii ay hooyadaa ku dhashay. Waxaan iri: Rasuul Alloow ma xaggaaga mise waa xag Alle? Wuxuu ku jawaabay: Mayee waa xag Alle.
Nabigu (S.C.W.) markuu farxo waxaad moodi jirtey in wejigiisa gabal dayax ahi saaran yahay, siduu u dhalaalayo, oo aan uga garanayno. Markii aan hortiisa fariistey baan waxaan iri: Nebi Allow maalkayga oo dhan hor Alle ma u sadaqaystaa toowbada la iga aqbalay awgeed? Wuxuu yiri: maalkaaga wax ka hayso sidaasaa ku fiican. Waxaan iri: saamigii aan khaybar ka helay baan la harayaa. Waxaan iri: Rasuul Alloow runtii baa Alle igu badbaadiyey, toobadkeenkaygana waxaa ka mid ahaanaya, inaanan sheegin waxaan run ahayn inta aan noolahay. Wallaahay garanmaayo muslimiinta imtixaanka Alle i mariyey mid ka wanaagsan qof uu mariyey, ilaa maalintii aan hadalkaas nebiga u sheegay tan iyo maanta uma qasan inaan been sheego, inta cimriga iiga hartayna in Alle iga dhawraan rajeynayaa. Wuxuu Alle soo dejiyey Aayadahan:
ÒAlle waa ka toowbad aqbalay Nabiga iyo Muhaajriintii iyo Ansaartii raacay saacaddii dhibaatada, markii qaar ka mid ah qalbiyadoodu ku sigteen inay qalloocdaan kaddib; dabadeedna waa ka toowbad aqbalay, waa u turid iyo naxariis badan yahaye iyo seddaxdii dib loo dhigay jeer dhulkii ku yaraaday wuxuu ballaaraa. Naftoodiina ku ciriiryoontay ayna yaqiinsadeen inaan Alle meel looga irkadaa jirin isaga maahee, dabadeedna uu toowbadii ka yeelay si ay u toowbad keenaan, Alle isagaa toobad aqbalaha naxariista badan ahe. Kuwa xaqa rumeeyoow dhowra waajibka iyo xilka uu Alle idin saaray oo run sheegyada ka mid ahaadaÓ Suurada at-Towba: Aayadaha 117-119.
Wuxuu yiri Kacab: Wallaahay garanmaayo nicmo Alle ii galay intii uu diinta igu hanuuniyey kaddib oo ka weyn runtii aan Nabiga (S.C.W.) u sheegay, maxaa yeelay haddaan maalintaas been u sheegi lahaa, waa aan halligmi lahaa, sidii ay u halligmeen kuwii beenta u sheegay oo Alle ka soo dejiyey wax cid lagu sheego wixii u xumaa. Wuxuu yiri Alle weyne: ÒWaa idiin dhaaran doonaan markii aad u noqotaan si aad isaga deysaan, ee iska daaya waa qurune, hoyaadkooduna waa jahannama oo jaasadii wixii ay kasbadeen ah, waa idiin dhaaranayaan, si aad uga raalli noqotaan, haddii aad ka raalli noqotaanna Alle raalli kama noqdo qoon faasiqiin ah. Ô Suuradda Attowba: Aayadaha: 95-96.
Wuxuu yiri Kacab (A.K.R.): Seddexdayada waa na loo kaadiyey, kuwaasna nebigu (S.C.W.) waa uu ka yeelay markii ay u dhaarteen, waana u dembi dhaaf dalbay, axdina waa uu la galay, ilaa Alle arrimaha sidaas aan soo sheegnay u kala xugmiyey. Marka Alle leeyahay: (Seddexdii dib loo dhigay) dib u dhiggaasi ma aha hariddii aan duullaanka ka harnay, ee waa dib u dhigiddii Nebigu (S.C.W.) nala sugayey in xaalkayaga Alle wax ka yeelo, markii uu iyaga dhaartii ka aqbalay.
Werin kale oo xadiiska wuxuu sheegayey inuu Nebigu (S.C.W.) Tabuuk u duuley maalin Khamiis ah, jeclaana inuu Khamiisaha baxo. Xadiis kalena wuxuu lahaa: ÒSafarka wuxuu ka imaan jirey nabigu maalintii, weliba barqadii, wuxuuna ku soo hormari jirey masjidka oo inta labo rakcadood ku tukado, fariisan jireyÓ .
22. Abuu Nujayd Cimraan bin Xusayn (A.K.R.) wuxuu yiri: Haweeney reer Juhayna ah baa Nebiga (S.C.W.) u timid iyadoo ilmo wacal ah uurkiis leh oo tiri: Rasuul Alloow (S.C.W.) waxaan galay dambi ee sida QurÕaanka dhigayo ha layga yeelo. Nabigu (S.C.W.) Markaasuu wuxuu u cid diray waligeedii oo faray inuu wanaajiyo una keeno kaddib markii ay dhasho. Ninkii masÕuulkeeda ahaa sidii buu yeelay, oo wuxuu u keenay nebiga (S.C.W.) wuxuuna amray nabigu in xadkii lagu fuliyo. Saa dharkeedii baa lagu xirxiray, misna in la dhagaxyeeyo illaa ay ka dhimato buu amray. waana la dhagaxyeey illaa naftii ka baxday. Dabadeedna rasuulkii Alle (S.C.W.) waa uu ku tukadey. Cumar (A.K.R.) baa yiri: oo rasuul Alloow ma intay dhilleysatay baad ku tukanaysaa? Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: Haa, waxay toobad keentay toobadkeen deeqi lahaa haddii loo qaybsho toddobaatan qof oo dadka reer Madiina ah. Towbad keen tani ka wanaagsan oo ka darajo badan ma jirto, bal eeg arrinteeda waxay dooratay inay runta sheegto iyadoo og inay nafta sidaa ku weyneyso iyadoo Alle raalli gelintii sidaa u yeeleysa. (Muslim)
23. Ibn Cabbaas iyo Anas ibn Maalik (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (S.C.W.) yiri: ÒIna Aadane hadduu leeyahay tog dahab ah, wuxuu jeclaan lahaa inuu labo sii yeesho, afkiisana (damaciisa) waxaa oo keliya buuxin kara ciidda qabriga (taasi waa markuu dhinto). Allena waa ka toobad aqbalayaa kii toobad keenaÓ . (Bukhaari iyo Muslim)
24. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ò
Alle weyne kor ahaaye, wuxuu ku qoslaa laba nin oo midkooda hore kan kale
diley labaduna Jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood
oo horay loo dilay isagoo jidka Alle u diriraya Jannadii buu galay. Markaa
kaddib, Buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo
u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna Jannada ku galaya).