Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:
134. ÒOo ma waxaad ku dhaqaaqi laheydeen, haddii aad madax noqotaan, inaad dhulka fasahaadisaan, qaraabadiinnana goysaan. Waa kuwaasoo kale kuwa Alle naclado, markaasna uu dhego tiro, indhahana ka ridoÓ. Suuradda Muxammad: Aayadaha 22-23.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
135. ÒKuwa axdiga Alle jebinaya adkaysiintiisii kaddib, goynayana wixii Alle faray in la xiriiriyo (sida qaraabada) oo dhulka fasahaadinaya, kuwaasu nacalad bay leeyihiin, daarta xumaantana waa leeyihiinÓ. Suuradda Ar-Racad: Aayadda 25.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
136. ÒRabbigaa wuxuu guddoonshey inaydaan caabudin waxaan isaga ahayn iyo wanaajinta labada waalid, haddii ay waayeelnimo agtaada ku soo gaarto midkood ama labadoodaba uf ha ku oran hana canaanan. qawl wanaagsan ku dheh una raarici garab nugul naxariis darteed, dhehna; Rabbiyoow u naxariiso sidii ay ii soo koriyeenÓ. Suuradda Al-israa: Aayadaha 23-24.
336. Nufayc bin Xaaris (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMa idiinka warramaa dembiyada waaweeyn? (seddex jeer buu ku celceliyey) Waxaynu niri: ÒHaa, Rasuul AlloowÓ. Wuxuu yiri: Òwaa Alloo loo shariig yeelo iyo caasi waalidnimada (xusul baana u mudnaaye inta fariistay buu yiri) iyo been sheegidda iyo inaad markhaati been ah gashoÓ. Aad buuna ugu celceliyey ilaa aan jecleesannay inuu joojiyo. (Bukhaari iyo Muslim)
337. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaa ka mida dembiyada kabaaÕirta ee waaweyn ee halista ah Alloo wax loo shariig yeelo, iyo waalidkoo lagu caasiyoobo, iyo naf la gooyo, iyo inaad been ku dhaaratoÓ. (Bukhaari)
338. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒInuu caayo qofku waalidki waa dambi weyn oo halis ah oo lagu halaagsamoÓ. Dadkii waxay yiraahdeen: Rasuul Alloow! ma nin baa waalidkii caayi kara? Wuxuu ku jawaabay: ÒHaah, Haddii uu caayo qof kale aabihii, qofkii aabihi la caayey baa isna aarogoosasho ahaan caayaya kii wax caayey aabigii; haddii uu caayona qof kale hooyadi, qofkii la caayey hooyadii baa isna caayaya kii cayda billaabay hooyadiiÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kale baa waxay leedahay: Òdunuubta waaweyn ee halista ah waxaa ka mida in ninku waalidki naclado. Nin baa wuxuu weydiiyey: Rasuul Alloow! Sidee buu qofku waalidkiis u nacladayaa? Wuxuu yiri: ÒKolkuu caayo qof kale aabihii, kii aabihii la caayey baa isna markiisa kii wax caayey aabihii caayaya, markuu qofku caayona ruux kale hooyadi, ruuxii hooyadi wax laga shegay baa isna caayaya kii kale hooyadiisÓ.
339. Abuu Muxammad Jubayr ibn Mudcim (A.K.R.) wuxuu yiri: Qaraabo goys Janno ma gali doono. (Bukhaari iyo Muslim)
340. Abuu Ciisaa al-Muqiirah ibn Shucbah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒAlle kor ahaaye wuxuu idinka xaaraanshey in hooyooyinka lagu caasiyoobo, bakhiilnimada, Boobka iyo Booliyenta (Dhaca iyo xoog ku qaadashada hanti iyo xoolo dad kale) iyo in nolol la xabaalo gabdhaha yaryar ee dhasha, raallina kama aha oo ma jecla ku tiri kuteenta iyo hadalka faaÕida laÕaanta ah, suÕaalaha badan iyo ku ciyaaridda maalka (ku bixintiisa waxaan faaÕido laheyn ama xaraan ah sida sigaarka, qaadka iwm.)Ó. (Bukhaari iyo Muslim)
341. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒBaarinimo waxaa ugu saraysa inuu ninku u samo iyo axsaan falo aabihii saaxiibadiisÓ. (Muslim)
342. Cabullaah ibn Diinaar (A.K.R.) wuxuu yiri: Cabdullaah ibn Cumar baa nin reer miyi ah wuxuu kula kulmay jidka isagoo Makka u socda. Cabdullaah ibn Cumar baa salaamay, oo yiri dameerka ila soo fuul uu fuushanaa, waxna ka fuuliyey, cimaamad madaxa u saarnaydna siiyey. Cabdullaah ibn Diinaar wuxuu yiri: Aniga ina Diinnaar ah baan waxaan iri: Ibn Cumar, khayr Allaha ku siiyee, ninku waa reer miyi oo wax yar buuba ku qanci lahaa (ee Maxaad waxaan oo axsaan iyo wanaag ah ula jeeddaa aad u galeyso?) Cabdullaah ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Ninkaan aabihiisaa aabahay (Cumar ibn Khadaab) saaxiibki ahaa waxaana nebiga (S.C.W.) ka maqlay isagoo leh: baarinimo waxaa u saraysa in uu ninku wanaajiyo oo uu axsaan iyo khery falo aabihiis saaxiibadiis. (Muslim)
Werin kale baa waxay leedahay: Cabdullaah ibn Diinaar wuxuu yiri: Ibn Cumar baa markuu Makkah u safro oo uu ka daalo ku socodka hal u wadan jiray, kaga wareegi jiray si uu ugu socdo dameer taasoo uu u arkayey inay ugu fududdahay hasha, wuxuuna madaxa ku xiran jiray cimaamad. Marka isagoo malin dameerkii fuushan baa waxaa ka hor yimid nin reer miyi ah, markaa buu (Cabdullaah ibn Cumar) ku yiri: Sow ma tihid ina hebel, ee uu dhalay hebel ina hebel hebel? Wuxuu yiri ninkii: Haah, markaasuu Cabdullaah dameerkii siiyey oo yiri: Kaxeyso; cimaamadiina siiyey oo yiri: Tanna madaxa ku xiro. Raggii la socdey baa qaarkood yiri: Dembigaaga Allaha dhaafee ma ninkan reer miyiga ah baad siisay dameerkii aad fuuli jirtey iyo cimaamaddii aad madaxa ku xiran jirteyba? Wuxuu yiri: Waxaan maqlay nebiga (S.C.W.) oo leh: Waa baarinimo sare inuu ninku wanaajiyo oo u axsaan falo saaxiibadii aabihiis dadkooda markuu aabihii dhinto kaddib. Ninkani aabihiisna wuxuu ahaa saaxiibka aabahay (Cumar ibn Khaddaab). (Muslim)
343. Abuu Usayd Maalik ibn Rabiicah as-Saacidi (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay inay la fadhiyeen nabiga (S.C.W.) markii uu u yimid nin reer banii Salama ah oo ku yiri: Rasuulkii Alloow! Ma jiraan haatan wax un aan wax ugu gali karo oo wanaag iyo samaan ah labadaydii waalid dhimashadooda kaddib?. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: ÒHaah, waa in loo duceeyaa oo loo dembi dhaaf iyo naxariis dalbaa, oo ballankii ay ka tageen la oofiyaa, oo qaraabada xaggooda ka soo jeeda la wanaajiyaa oo loo samaan iyo axsaan falaa, saaxiibadoodna la xurmeeyaaÓ. (Abuu Daawuud)
Sh. al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif, aan xujo iyo daliil ahaan loo cuksan kareyn.
344. CaaÕisha (A.K.R.) waxay tiri: Ugama maseyri jirin si aad ah xaasaska kale ee nabiga (S.C.W.) sidii badneyd aan Khadiijo uga masayri jirey oo kale, inkastoo aanan weligey arag. Nabiga (S.C.W.) baa in badan hadal hayn jirey. Mar kastoo neef la qalana, intuu qaybo u googooyo buu qayb u diri jirey Khadiijo saaxiibadeed.
Werin kale waxay leedahay: Waxaan ku oran jiray nabiga (S.C.W.) ÔWaxaad mooddaa markii aad ka hadleyso Khadiija inaysan aduunka nag kaleba jirin!. Markaasuu wuxuu yiraahdaa: Waxay aheyd haweeney wanaagsan, carruuna waa ii dhashay. (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kale baa waxay ahayd: Mar walba uu ri qalo, wuxuu si joogto ah ugu diri jiray qaybo hilibka ka mid ah Khadiijo saaxiibadeed hadiyad ahaan, wuxuuna ka siin jiray in deeqda oo ku filan.
Werin kalena waxay aheyd: Marka riÕda la qalo wuxuu oran jiray: u geeya qaybo ka mida Khadiijo saaxiibadeed.
Marna waxaa dhacay, in Haalah bint Khuwaylad, Khadiijo walaasheed ay idan weydiisatay nebiga (S.C.W.) inay u soo gasho. Wuxuu is yiri armay Khadiijo tahay, aad buuna u laab kacay nabiga (S.C.W.) hillow iyo jaceyl darti (waayo labada walaalo Haalah iyo Khadiijo isku cod bay ahaayeen). Markaasuu kor u dhawaaqay isagoo leh: Allahayow tani waa Haalah bint Khuwaylad.
345. Anas ibn Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan mar isla safarnay Jariir ibn Cabdullaah al-Bujali (A.K.R.) markaasuu ii adeegaa mar walba, inkastoo uu iga weynaa daÕahaan (yacni uu ka weynaa Anas (A.K.R.) Markaasaan anigu (Anas A.K.R) ku iri: Fadlan sidaa ha yeelin. Wuxuu ku jawaabay: Waxaan arkay Ansaarta (Kuwii xaqa rumeeyey ee horay Madiina u degganaa) oo ugu adeegaya nebiga (S.C.W.) sidaa daacadda leh iyo wanaagga, markaa baan waxaan dhaar ku maray haddii aan qof is raacno asxaabtii nebiga ka mida in aan u adeego. (Bukhaari iyo Muslim)
Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
137. ÒArrinta uu Alle doonayo wax kale maahee wa inuu xumaha idinka biÕiyo, oo idinka fogeeyo, Ahlu beydkoow. iyo inuu daahirin idin daahiriyoÓ. Suuradda AL-Axzaab: Aayadda 33.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
138. ÒQofkii weyneeya camallada iyo waxyaabaha Alle loola jeedo, astaamaha iyo qurbaanadiisa ah, shaki liÕi arrintaasu waa astaan iyo mirahii cabsida qalbiyadaÓ. Suuradda Al-Xaj 32.
346. Yaziid ibn Xayyaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Aniga iyo Xusayn ibn Sabrah iyo Camar ibn Muslim baa waxaan u tagnay Zayd ibn Arqam (A.K.R.) markii aan la fariisannay buu yiri Xusayn: Zaydoow khayr badan baad la kulantay, nebigii baad (S.C.W.) aragtay oo sheekadiisii dhegeysatay; oo jihaadkii ku wehlisay; oo ku daba tukatay salaadahaada. Shaki liÕi khayr badan baad la kulantay. Zaydow! Fadlan wax nooga sheeg wixii aad ka maqashay nebiga (S.C.W.) Wuxuu yiri: Maandhow wa aan gaboobey, waqtigeygiina waa tegay; qaar ka mida waxyaabahii aan nebiga (S.C.W.) ka xafidayna waa halmaamay, ee wixii aan idiin sheegana iga qaata hana igu shuqlinnina inaan soo xusuusto waxyaabahaas aan halmaamay. (Dabadeedna wuxuu yiri) Nabiga (S.C.W.) baa mar inoogu khudbeeyey Khuma, tog u dhexeeya Makkah iyo Madiina. Markaa buu nebiga (S.C.W.) Alle mahdiyey oo ammaanay oo inoona digay isagoo innagu baraarujiyey cadaabta Alle iyo ajarka weyn ee agtiisa yaal haddana mar labaad wuxuu ammaanay Alle oo markaas yiri: I maqla dadow, anigu ma ahi waxaan aheyn qof (idin la mida) waxaana laga yaabaa inay tii Alle ii timaaddo dhowaan oo aan xijaabto, waxaan idiinka tegeyaa laba arrimood oo muhiim ah. Kan hore waa QurÕaanka kariimka ah, kitaabka Alle; waxaa idiin ku sugan xeerar iyo xukunno iyo hanuun. Waana nuur iyo ileys jidka nolosha lagu iftiinsado. Dhab u qabsada kitaabkan, oo dhinacna ha uga beyrina. Wuxuu ahmiyad weyn siiyey oo aad inooku adkeeyey arrinkaa, oo ku waaniyey dadkii rumeeyey inay noloshooda saldhig uga dhigaan oo ay ku jimeeyaan kitaabka Alle. Markaa kaddib wuxuu yiri: Arrinka labaad, waa ahlu beytkeyga yacni xubnaha reerkeyga. Waxaan idiinku yeerayaa hor Alle, inaad xurmeysaan oo tixgelin iyo qaddarin gaar ah siisaan eheladeyda, waxaana marlabaadna Alle horti idiinku yeerayaa inaad dhowrtaan eheladeyda. Xusayn ibn Sabrah baa markaas wuxuu yiri: Zaydoow, waa kuwee ehelada rasuulka iyo xubnaha reerkiisa? soo ka mid ma aha xaasaskiisu eheladiisa? Zayd wuxuu ku jawaabay: xaasaskiisu waa ka mid eheladiisa, sidoo kale waxaa ka mid inta sadaqada laga reebay inay aqbalaan ama sakada isaga dabadi. Xusayn wuxuu weydiiyey: Waa kuwee? Zayd wuxuu yiri: Waa reer Cali, Caqiil, Jacfar iyo Cabbaas. Intaasoo dhan sadaqada ma laga reebay (bay weydiiyeen)? Zayd wuxuu yiri: Haah. (Muslim)
Werin kale baa waxay leedahay: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒDhageysta waxaan idiinka tegeyaa laba waxyaalood oo waaweyn midkood yahay kitaabka Alle; waa xariggii Alle. Qofkii raacaa uu jidka toosan ku hanuunayo; qofkii ka tagaana oo dan aan u gelin, uu dhumayo, jidka toosanna ka habaabayo.
Fiiro gaar ah: Xadiiskan, arrimaha dhowrka ah ay ku soo arooreen, wuxuu daaha ka qaaday dabeecadda Aadannanimo ee nabiga (S.C.W.) nabiga oo isagu naf ahaantiisa caddeeyey inuu ahaa Aadane innaga inala mid ah, marka laga reebo inuu ka helay risaalad xag Alle, oo looga waxyooday.
347. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Abuu Bakar as-Sidiiq wuxuu yiri: Ku sharfa (Sayidkii sharafta iyo darajada weynaa) Muxammad, (Rasuulkii Alle S.C.W.) inaad sharaftaan eheladiisa. (Bukhaari)
Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:
139. ÒKu dheh (iyagaa, Muxammadow S.C.W.): Ma siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoonin? Mayee kuwa waxgaradka ah oo keliya baa waansamaya, oo dareemaya wanaagga iyo kheyrkaÓ. Suuradda az-Zumar: Aayadda9
348. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar al-Badri-al-Ansaari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofka ugu habboon inuu tujiyo oo uu imam ka noqdo salaadaha jamaacada waa kooda kitaabka Alle u badiya, uguna wanaagsan akhrinta QurÕaanka kariimka ah; haddii inta goob joogga ahi, ay isku mid ka yihiin arrintaa, markaas waxaa la eegi kan sunnaha u badiya; haddii ay dhacdo inay isku mid ka yihiin xagga sunnaha sidoo kale, markaa waxaa iimaam noqon kan u soo hor haajiray (yacni kan kheyrka ku horreeyey), haddii ay ka sinnaadeen dhammaantood arrintanna, mrkaas kan u daÕ weyn waa inuu tujiyaa oo imaam u noqdaa. Qofnana waa inuusan iimaam ka noqon qof kale meeshi hadduusan u idmin, sidoo kalena waa inuusan qofna kaga fariisan qof kale fadhigi hadduusan u idminÓ. (Muslim)
Werin kale oo Muslim dhigayo ba leh: ÒKooda u hor islaamay, halka ah kooda u daÕweynÓ.
Werin kale baa iyana ah: ÒDadka ninka tujinaya waa inuu ahaadaa kooda kitaabka Alle u badiya oo u akhrin og; haddii ay akhriska isku mid ka yihiinna kan u soo hor haajirey baa tujinaya; haddii ay haajirida isku mid ka yihiinna, kan u daÕweyn ha tujiyoÓ.
349. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar al-Badri al-Ansaari wuxuu kaloo sheegay in Nebigu (S.C.W.) saari jiray gacmahiisa garbahayaga markaan u safaneyno salaadda wuxuuna oran jirey: Safafka toosiya oo sima oo khilaaf dhexdiina ha yeelina, haddii kale quluubtiinnaa is dhaafeysa heshiis laÕaan iyo khilaaf darti. Kuwa i xiga ee igu dhow ha ahaadeen kuwa daÕda ah, cilmiga iyo caqligana leh, iyo kuwa ku soo xiga ee tilmaamahaa oo kale leh, misna kuwa ku soo xiga oo tilmaan ahaan u dhow. (Muslim)
350. Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒSalaadda markaynu tukaneyno ha igu soo xigeen dadka waaweyn ee cilmiga iyo caqliga leh, Kuwa kuwaas xigana ha ahaadeen kuwo u dhow xagga tilmaamahaa daÕda, cilmiga iyo caqliga, (seddex jeer buu sidaa yiri) wuxuuna raaciyey intaa: Iska jira oo ha ku hadlina hadallada xunxun ee suuqa markaad masjidka joogtaanÓ. (Muslim)
351. Abuu Yaxya ama Abuu Muxammad Sahal ibn Abii Xathmah al-Ansaari (A.K.R.) wuxuu yiri: Cabdullaah ibn Sahal iyo Muxayyisah ibn Mascuud baa waxay aadeen Khaybar intii lagu jiray heshiiskii dagaal joojinta, waa kala leexdeen oo nin walba dantiisii iyo howshii uu halkaa u yimid raacday. Dabadeed Muxayyisah baa wuxuu u yimid Cabdullaah oo la diley, dhiigiisiina uu qooyay. Inta xabaalay buu Madiina ku laabtay. Markaa kaddib Cabdur Raxmaan ibn Sahal iyo Muxayyisah iyo Xuwayyasah, oo ilma Mascuud ahaa, baa markaas Nebiga (S.C.W.) aaday Cabdiraxmaan oo u cod karsanaa intooda baa hadalkii bilaabay; markaasuu Nebigu (S.C.W.) yiri: ÒKan idiinku weyn ha hadlo; markaasuu Cabdur Raxmaan oo ugu daÕ yaraa seddexda hadalkii joojiyey oo uu aamusay oo labadii kale nabiga la hadleen. Nabiguna wuxuu ku yiri: Ma ku dhaaranaysaan arrintaa, oo iga dalbaneysaan in qofkii wax idin ka diley caddaaladda la hor keeno wuxuuna weriyey xaddiska oo dhanÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
352. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri: Markuu dhammaaday dagaalkii Uxud kaddib, Nebigu (S.C.W.) wuxuu iskula xabaalayey laba kasta oo shuhadada ka mida hal qabri. Mar kasta oo uu labo xabaalayana wuxuuna dadka weydiinayey: Kee ba labadooda in badan QurÕaanka dusha ka qabtay? Kii loo sheego buuna hor gelinayey iilka. (Bukhaari)
353. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒWaxaan ku riyooday in anoo cadayanaya - laba nin ii timid, oo midi ka weyn yahay kan kale; Waxaan damcay inaan siiyo cadaygii kii yaraa markaasaa waxaa la i yiri sii cadayga kan weyn, markaasaan kii weynaa siiyeyÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
354. Abuu Muusaa (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒDhab ahaantii waa xusid iyo weyneyn Alle inaad ciseysid ciroolaha muslimka ah; sidoo kale ciseysid QurÕaan yaqaanka ama fasiraha macaanida QurÕaanka; waxaase shardi ah in qofkaa QurÕaan yaqaanka ama fasiraha macaanidiisa ah uusan ku kordhin QurÕaanka waxaan ka mid aheyn uusanna ku khilaafin ficilka iyo dhaqankiisa; sidoo kale waa ciseyn iyo weyneyn Alle inaad xurmeyso suldaanka caadilka ahÓ. (Abuu Daawuud) Waa xadiis xasan ah oo sanad wanaagsan leh.
355. Camar ibn Shucayb (A.K.R.) wuxuu ka wariyey aabahay oo isna ka soo xigtay aabihii, in Nebigu (S.C.W.) yiri: Qofka aan naxariis u heyn carruurtayada aan xurmeynna waayeelkayaga naga mid maÕaha. (Abuu Daawuud iyo Tirmidi)
Tirmidi wuxuu yiri waa xadiis xasan ah. Werinta Imaam Daawuud waxay leedahay keennii aan aqoonsan xaqa waayeelkayga, halka ah aan xurmeyn waayeelkayga.
356. Maymuun ibn Abii Shabiib Allaha u naxariistee wuxuu yiri: Nin baa wuxuu weydiistay CaaÕisha sadaqo waxayna siisay jab rooti ah. Markaasaa nin kaloo wanaag ka muuqda baa u yimid markaa bay ugu yeertay inuu fariisto raashin iyo cuntona siisay. Markii la weydiiyey sida kala duwan ay ula dhaqantay, waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu na faray: ÒDejiya qof kasta meeqaanka uu leeyahayÓ. (Abuu Daawuud)
Xadiiskan waxaa lagu cilleeyey kala goÕ waayo Maymuun ma soo garin CaaÕisha, sidaa awgeed waa daciif. Laakiinse qaybta dambe ee xadiiska wuxuu ku soo arooray Saxiixu Muslimka waana qaybta ka billaabaneysa wuxuu na faray nabiga oo yiri dejiya qof kasta meeqaanka uu leeyahay.
357. Xadiiskan waxaan ku soo marnay cutubka 3, waana xadiiska tiradiisu tahay 50.
358. Abuu Saciid Samuurah ibn Jundub (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan ahaa wiil yar waqtigii Nebiga (S.C.W.) waxaana xafidi jiray axaadiista nabiga (S.C.W.) ha yeeshee ma werin jirin wixii aan ka xafiday, waayo waxaa joogay dad iga waaweyn. (Bukhaari iyo Muslim)
359. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒHadduu nin dhallin yaro ah xurmeeyo ruux sheyb ah daÕdiisa awgeed, Wuxuu Alle u bixiyaa qof xurmeeya goortuu daÕdiisa oo kale gaaroÓ. (Tirmidi)
Imaam Tirmidi wuxuu yiri: Xadiiskani ma aha xadiis xoog leh, macnaha siduu yiri sh. al-Baani waa daciif aan xujo iyo cuskasho gelin.