Ilmihiisa SCW

Ilmaha Rasuulka Ilaahay Muxammad SCW waxaa dhashay khadiija bintu Khuweylid, Mu'miniinta Hooyadood, Allahana raalli ka noqdee, intaan ahayn Ibraahiim, oo ay hooyadiis ahayd Maria Al Qibdhiyyah. Caruurtiisa oo dhan SCW waxay ku dhasheen Makkah, intaan ahayn Ibraahiim, oo Madiina ku dhashay.

Qaasim

Caruurtiisa oo dhan iyo wiilashiisa oo dhan waxaa ugu waynaa, oo curadkiisa ahaa, Qaasim, oo daraadiis Nabiga SCW loogu koofaaray Abal Qaasim, oo ah Qaasim aabihiis. Qaasim wuxuu ku dhashay Makkah, Nabinnimada horteed, asagaana caruurtiisa ugu hor dhintay. Waxaana la yiri wuxuu Qaasim dhintay markuu socod bartay. runtana Ilaahay SWT ayaa u cilmi leh.

Kaddibna waxaa u dhashay, SCW, Zaynab. Zaynab waxaa ku xigtay Ruqyyah. Ruqayyah waxaa ku xigtay Faadhimah (Faadumo). Kaddib waxaa u dhashay SCW Ummu Kulthuum.

Cabdullaahi

Nabinnimada ka bacdi iyo Islaamka dhexdiisana waxaa u dhashay Cabdullaahi, oo la oran jiray Dhaahir iyo Dhayib, asagaana ugu yaraa caruurta ay Khadiija dhashay. Qaasim kaddib, waxaa dhintay Cabdullaahi. Markaas ayaa nin gaal ahaa oo la oran jiray Al Caas bin Waail Al Sahmi, wuxuu yiri "Wiilashii waa ka go'een, wuuna gablamay oo cirib go'ay". Markaas ayaa Ilaahay SWT soo dejiyay Suuradda Kariimka ee Al Kawthar:

Bismillaahi Arraxmaani Arraxiimi

Suuraddaan, oo ah Suuradda Quraanka oo dhan ugu yar, kana kooban saddex Aayadood, macneheedu waxaa weeye:

Bismillaahi Arraxmaani Arraxiimi

Zaynab

Zaynab waxaa guursaday Al Caas bin Al Rabiic bin Cabdul Cuzzaa bin Cabdu Shams, kaasoo ay dhashay habaryarteed Haalah bintu khuweylid, oo ahayd Khadiija walaasheed ay isku hooyo iyo isku aabe ahaayeen.

Zaynab waxay Al Caas u dhashay wiil la yiraahdo Cali iyo gabar magaceedu ahaa Umaamah, oo ahayd gabadha uu asagoo tukanahaya SCW tunka ka fuushay, oo markuu sujuudayo uu dhulka dhigayay, sida Axaadiith saxiix ku soo arooray. Zaynab waxay dhimatay sanadkii saddexaad ee Hijrada.

Ruqayyah

Ruqayyah, gabadhii Rasuulka Ilaahay SCW waxaa guursaday Cuthmaan bin Caffaan, Allaha raalli ka wada noqdee, waxayna isku guursadeen Makkah. Ruqayyah waxay ninkeeda ula haajirtay Arliga Xabashada, waxayna dhulkaas ugu dhashay wiil, uu u bixiyay Cabdullaahi. Cuthmaan wiilkiisaas ayaa loogu koofaaray, oo waxaa la oran jiray Abaa Cabdullaahi, oo ah Cabdullaahi Aabihiis.

Cabdullaahi markii uu lix sano jirsaday ayaa diiq dooro gafuurkiisa il ka geliyay, markaas ayaa wajigii barary. Sidaas ayuu ku jirraday, kaddibna wuu dhintay, markay taariikhdu ahayd bishii Jamaadil Uulaa ee sanadkii afaraad ee Nabinnimada. Marka uu Rasuulkii Ilaahay SCW aaday dagaalkii waynaa ee Badar, Ruqayyah way jirranayd, markaas ayaa Rasuulku wuxuu amray ninkeedii Cuthamaan inuu ayada ku haro oo la joogo, oo uusan Asaga raacin. Ruqayyah waxay dhimatay maalintii uu Madiina yimid Zayd bin Xaarithah, Allaha raalli ka noqdee, asagoo sidah bishaarada guushii uu Rasuulka Ilaahay SCW gaalada dagaalkii Badar uga guulaystay. Waxay markaas taariikhdu ahayd bisha Ramadaan ee sanadka labaad ee Hijrada, una dhigantah bisha jannaayo ee sanadka 624. Ruqayyah waxaa ku dhacay, oo ay u dhimatay cudurka jadeecada, afka ingiriiskana lagu yiraahdo measles.

Ummu Kulthuum

Ummu Kulthuum, gabadhii Rasuulka Ilaahay SCW waxaa dhashay Khadiija bintu Khuweylid, Allaha raalli ka wada noqdee, waxayna ka yarayd oo ay ku xigtay Ruqayyah: maxaa yeelay Rasuulka Ilaahay SCW wuxuu Ruqayyah u guuriyay Cuthmaan bin Caffaan, kaasoo markay ka dhimatay uu u guuriyay Ummu Kulthuum. Rasuulka Ilaahay SCW inta u guuriyo gabadhii yarayd, kama tageen middii waynayd. Waxaa uu mar hore, Rasuulkii Ilaahay SCW Ruqyyah iyo Ummu Kulthuum u guuriyay Cutbah iyo Cutaybah, labadii wiil oo uu dhalay Abii Lahab, Nabiga SCW adeerkiis. Kaddib markii uu Ilaahay SWT soo dejiyay Suuratul Masad, ayaa Abii Lahab wuxuu wiilashiisii ku yiri: "Madaxaygu labadiinna madax waa ka xaaraan haddaydnaan labada gabdhoob oo Muxammad furinnin". Sidoo kale waxay Ummu Jamiil bintu Xarb bin Umayyah, Abaa Sufyaan walaashiis oo ahayd Abaa Lahab haweentiisa, labada wiilna hooyadood ahayd, ayaduna isla Suuraddaas ku xusan oo Quraanku ku magacaabay "Xammaalatal Xadhab", oo ah tii qoryaha xambaarsanayd, waxay labadeedii wiil ku tiri: "Ruqayyah iyo Ummu Kulthuum diinteennii ayay ka leexdeen ee fura". Wiilashii way yeeleen, oo sidaas ayay labadii gabdhood ku fureen. Suuratul Masad, ama Tabbat, waxay leedahay:

Bismillaahi Arraxmaani Arraxiimi

Suuradda macneheedu waxaa weeye:

Culumadu waxay isku raaceen inay Suuraddaani tahay mucjizo muuqata iyo daliil cad ee mucjizaadka Quraanka Kariimka ah iyo Nabinnimada Muxammad SCW. Waxay sheegtay in Abuu Lahab iyo haweentiisa Ummu Jamiil ay gaalnimo ku dhiman doonaan oo ay naarta geli doonaan, oo ayan Ilaahay SWT iyo Rasuulkiisa Muxammad SCW rumayn doonin. Haddii uu Abuu Lahab iyo Ummu Jamiil ay soo degiddii Suuraddaan kaddib ku dhawaaqi lahaayeen ashahaadada xaqa ah ee Laa Ilaaha Illallaahu wa Muxammadun Rasuulullaahi SCW oo xattaa ay afka keli ah ka oran lahaayeen, qalbigaba yeeyan ka jirine, Quraanka iyo Nabi Muxammadba, SCW waxay ahaan lahaayeen been kuwa sheegay, oraahdaasoo aan Ilaahay SWT dambidhaaf ka waydiisanahayo. In kastoo ay muddo noolaayeen soo degidda Suuraddaan kaddib, hadana labadaas qof Iimaan lagama helin, oo gaalnimo ayay ku dhinteen, sida Quraanka Kariimka ah u sheegay. Culummada qaarkood ayaa waxay yiraahdaan inay Diinta Islaamku muddo "qafaal/hostage" ugu jirtay Abuu Lahab, oo Quraanka beenin karay asagoo caddeeya inuu Islaamay: qof muslim ah naarta, haddii la geliyo si loogu dhaahiriyo, kuma waaro, ee gurigiisa uu ku nagaadahayo waa Jannada.

Markaas ayaa Rasuulkii Ilaahay SCW wuxuu Ruqayyah u guuriyay Cuthmaan bin Caffaan, markay ka dhimatayna wuxuu u guuriyay walaasheed Ummu Kulthuum, Allaha Kulligood raalli ka noqdee. Ummu Kulthuum nikaaxeedu wuxuu ahaa bisha Rabiicul Awal ee sanadka saddexaad ee Hijrada, wuxuuna la qal galay bishii Jamaadul thaani ee isla sandkaas.

Ummu Kulthuum caruur uma ayan dhalin Cuthmaan bin Caffaan, waxayna dhimatay sanadkii afaraad ee Hijrada. Waxaa ku tukaday aabeheed, Rasuulkii Ilaahay SCW. Guursashadiisa laba gabdhood ee uu dhalay Rasuulkii Ilaahay SCW ayaa Cuthmaan bin Caffaan, waxaa loo bixiyay "Thannuurayn", oo ah midkii labada nuur lahaa.

Faadhimah

Faadumo waa Sayidda, madaxda haweenka caalamiinta oo dhan, intaan ahayn Maryama bintu Cimraan, Nabi Ciise, Caleyhissalaam, hooyadiis. Faadumo waxaa dhashay Khadiija bintu Khuwelid, kulligood Allah raalli ka noqdee. Aabeheed, Rasuulkii Ilaahay SCW dadka oo dhan ayaduu ugu jeclaa. Rasuulkii Ilaahay SCW wuxuu Faadhimah u guuriyay Cali bin Abii Dhaalib, afar bilood iyo nus kaddib markii uu Caaisha la aqal galay. Calina wuxuu Faadumo la aqal galay 7 bilood iyo nus nikaaxa kaddib. Markaas ay guursanayso da'deedu waxay ahayd 15 sano iyo 5 bilood.

Nasabka Rasuulka Ilaahay SCW wuu go'ay intaan ahayn caruurta ay Faadumo dhashay: wiilashiisii oo dhan waxay dhinteen ayagoo yaryar. Faadumo waxaa Rasuulkii Ilaahay kasoo doonay Abuu Bakar Al Siddiiq iyo Cumar bin Khadhaab, labadoodabana wuu u diiday. Markaas ayaa Cumar wuxuu Cali bin Abii Dhaalib ku yiri: "Adigaa mudan inaad guursatid". Markaas ayaa Cali wuxuu ku yiri: "Ma aanan lihi maal aan hal gaashaan ahayn. Marka asagaas ayaan soo rahmayaa". Markaas ayaa Rasuulkii Ilaahay SCW Cali u guuriyay. Marka akhbaartii Faadumo gaartay, ayay oyday. Markaas ayaa Rasuulkii Ilaahay SCW inta uu gabadhiisii guriga ugu galay, wuxuu ku yiri: "Faadumoy, maxaad u ooyeysaa? Wallaahi waxaan kugu nikaaxay kooddii ugu cilmi badnaa, ugana fadli badnaa, uguna degganaa". Waxay markaas taariikhdu ahayd sanadkii labaad ee Hijrada.

Waxaa Cali bin Abii Dhaalib, Allaha raalli ka noqdo Wajigiisana karaameeyey, laga wariyay inuu yiri: "Faadumo ayaa Rasuulkii Ilaahay SCW laga soo doonay, markaas ayaa haween aan lahaa waxay i tiri: Faadumo waa la soo doonay, maxaa adiga kuu diidaya inaad u tagtid Rasuulka Ilaahay SCW oo haddaad ka doontid kuu guurinahaya. Markaas ayaa waxaan ku iri: oo miyaan haystaa maal aan ku guursado? Markaas ayay tiri: haddaad u tagtid Rasuulka Ilaahay SCW wuu kuu guurinayaa. Siday ii rajo gelinaysay, oo iila hadlaysay oo iigu celcelinaysay, ayaan u tagay Rasuulkii Ilaahay SCW. Rasuulka Ilaahay SCW wuxuu lahaa waynaan iyo haybad, markaas ayaan markaan hortiisa fariistay, giigmay oo hadalba iga soo bixi waayay. Markaas ayuu wuxuu yiri: "Maxaad doonaysaa, oo aad u timid?" Waan aamusay. Markaas ayuu yiri: "Malaha Faadhimah ayaad soo doontay?" waxaan iri Haa. Wuxuu yiri: "Ma haysataa waxaad ku xalaaleysato (maal aad meher ahaan u siiso)?" Waxaan ku iri: Wallaahi maya, Rasuulkii Ilaahayow. Markaas ayuu yiri: "Maxaad ku samaysay gashaankii aan hub ahaan kuu siiyay?" Waxaan iri: Waan haystaa. Waxaan ku dhaartay Ilaaha Cali naftiisu gacantiisa ku jirto, waa gaashaan noociisu Xudhayyamah ah, qiimihiisuna uusan 400 dirham ka badnayn. Wuxuu yiri: "gaashaankaas ayaan meherkii Faadhimah raalli uga ahay, ee keen. Waana kuu guuriyay."

Habeenkii Cali gabadhii Rasuulka Ilaahay SCW oo Faadumo ahayd, Allaha labadoodaba raalli ka noqdee, la aqal galayay, wuxuu Nabigu SCW Cali ku yiri: "Waxba ha samayn jeer aad ila kulantid". Markaas ayaa Rasuulkii Ilaahay SCW wuxuu yiri: "Biyo ha la ii keeno". Markii biyaha loo keenay, wuu weeseystay, kaddibna biyihii uu ku weeseystay ayuu Cali ku shubay, oo yiri:

Ibna Isaxaaq wuxuu yiri: waxaa ii sheegay qof aanan been ku tuhmayn, in Rasuulka Ilaahay SCW uu gabdhihiisa u masayri jiray, masayr adag, iyo inuusan gabdhihiisa guur u bixin inay noqdaan haweentii labaad oo isla nin u dhaxda haween kale qaba. Al Mansuur bin Mukhramah wuxuu yiri: waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay SCW asagoo manbarka saaran oo oranahaya: "Bani Hishaam bin Al Mughiirah ayaa oggolaanshahayga i waydiistay inay gabadhooda u guuriyaan Cali bin Abii Dhaalib. Uma aanan oggolaan, oo uma aanan oggolaan oo uma aanan oggolaan, ma ahane in uu Cali bin Abii Dhaalib doonayo inuu gabadhayda furo oo u gabadhooda guursado. Ayadu (Faadumo) waa cad aniga iga mid ah, waa i dhibayaan wixii ayada dhibah, oo waa i dhibayaan wixii ayada dhibah". Cali Faadumana ma furin, gabadhii kalena ma guursan.

Markaas ayaa Rasuulkii Ilaahay SCW faray in Faaduno la diyaariyo. Markaas ayaa waxaa la siiyay sariir iyo joodari iyo barkin harag ah oo dhexddeda caleemo dhireed laga buuxiyay. Markaas ayaa Rasuulkii Ilaahay SCW wuxuu diray haweentii la oran jiray Asmaa' bin Cumays, taasoo gurigii diyaarisay. Markaas ayuu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, cishihii tukaday oo markaas Faadumo u yeeray, Allah raalli ka noqdee. Faadumo waxay timid ayadoo ay la socoto Ummu Ayman Barakah, oo ahayd Xabashiyad uu lahaa Rasuulka Ilaahay SCW. Faadumo, markay gurigii soo gashay, dhinac ayay ka fariisatay, Calina dhinac kale ayuu fariistay. Markaas ayaa Rasuulkii Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, yimid, kaddib markuu soo tukaday salaaddii cishaha, oo yiri: "Walaalkay ma joogaa?" Ummu Ayman ayaa waxay ku tiri: Ma waxaad ku magacaabaysaa walaalkaa, adigo gabadhaada u guuriyay? Wuxuu yiri: "Haa. Walaal meeshiisa ayuu iga joogaa; walaalnimaduna igama reebeyso inaan gabadhayda u guuriyo".

Markaas ayuu SCW gurigii galay, oo Faadumo ku yiri, Allaha raalli ka noqdee: "Biyo ii keen". Markaas ayay inta istaagtay, ayadoo xishood daraadiis maraday xirnayd ku turaanturrootay, qolka dhammaadkiisa tagtay oo biyo uga keentay. Markaas ayuu inta biyihii cantuugay oo afkiisa ka buuxiyay, hadana weelkii biyuhu ku jireen dib ugu celiyay. Weelkuna wuxuu ahaa koob qori laga sameeyey, ama kalax. Markaas ayuu Faadumo u yeeray oo ku yiri: "Kaalay". Markay u timid ayuu bihihii wuxuu uga firdhiyay inta u dhexaysa labada naas iyo madaxeeda, oo uu yiri SCW "Ilaahayow, waxaan kaa magan geliyay ayada iyo ilmeheeda shaydhaanka rajiimka ah". Markaas ayuu hadana wuxuu Faadumo ku yiri: "Sii jeeso", oo markay sii jeesatayna wuxuu biyihii uga shubay labada garab dhexdooda. Kaddibna, intaas in la mid ah ayuu Cali bin Abii Dhaalib ku sameeyey. Markaas ayuu SCW wuxuu Cali ku yiri: "Bismillaahi iyo Ilaahay barakadiisa u gal haweentaada".

Faadumo meherkeedu wuxuu ahaa, Allaha raalli ka noqdee, 400 Dirham oo qalin ah. Intaas markay dhacday, ayaa Cali, Allaha raalli ka noqdee, dhulka sujuud ula dhacay, asagoo Ilaahay SWT ku mahdinaya. Waliimada uu Cali arooskiisii dhigay waxay ka koobnayd dhawr kiilo oo shaciir ah (badar), timir iyo timir iyo subag la isku daray. Waxaa kaleeto oo la yiri waliimadaas waxay ahayd wan uu lahaa Sacad iyo messeggo. Gogoshoodu waxay ahayd, habeenkii arooskooda, harag ari. Cali wuxuu markaas jiray 21 sano iyo shan bilood.

Faadumo koofaarteedu waxay ahayd "Batuul", oo loogu bixiyay go'iddeeda ay dunidaan ka go'day, oo cibaadada Ilaahay SWT u go'day. Faadumo waxay Cali u dhashay Xasan, Xuseen, Zaynab iyo Ummu Kulthuum. Waxay Hooyadii Mu'miniinta Caaisha, haweentii Nabiga SCW sheegtay in socodka Faadumo, kulligood Allaha raalli ka noqdee, uu ahaa sida socodkii Rasuulka Ilaahay SCW.

Faadumo waxay dhimatay 6 bilood kaddib markii uu dhintay aabeheed Rasuulkii Ilaahay SCW. Waxaana la sheegay inaan la arag ayadoo qoslaysa kaddib markii uu dhintay Rasuulkii Ilaahay SCW. Ayadaa ugu horreysey qof ehelkiisa ka mid ah SCW oo ka daba taga. Ayadaana ugu horreysay qof nacashkiisa la daboolo Islaamka, waxayna ka dardaarantay in habeennimo la duugo.

Waxaa la yiri waxay dhimatay markay taariikhdu ahayd 3 bisha Ramadaan ee sanadkii 11 ee Hijrada, ayadoo da'deedu tahay 29 sano. Soddon ayay jirtayna waa la yiri. Ka yarna waa la yiri, oo waxay jirtay 24 ama 25 sano ayaa la yiri. Runtana Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa ayaa og. Imaam Nawawi, Allaha u naxariistee, wuxuu yiri gabdhihiisa waxaa ugu yarayd, da' ahaan, Faadumo.

Ibraahiim

Ibraahiim wuxuu dhashay bishii Thul Xajjah ee sanadkii saddexaad ee Hijrada, una dhigantah bisha april ee sanadka 630. Maalintii toddobaad ee kasoo wareegatay dhalashadiisa waxaa Rasuulka Ilaahay SCW ugu wal qalay wan, timahana wuu ka xiiray, oo inta timahaas miisaamay ayuu culeyskoodii oo qalin ama fiddo ah masaakiinta ku saddaqaystay. Timihiina dhulka ayaa lagu duugay.

Hooyadiis, Maria, waxaa ummuliso u ahayd haween la oran jiray Salami, oo uu lahaa Rasuulka Ilaahay SCW. Markii uu Ibraahiim dhashay, ayay Salami u sheegtay ninkeeda, oo magaciisu ahaa Abii Raafic, oo uu lahaan jiray Rasuulka Ilaahay SCW. Abii Raafic ayaa markaas u tagay Rasuulkii Ilaahay SCW oo ugu bishaareeyey dhalashada Ibraahiim. Markaas ayaa Rasuulka Ilaahay SCW wuxuu Abii Raafic u hibeeyey addoon.

Abii Raafic magaciisu wuxuu ahaa Ibraahiim, waxaana hore u lahaan jiray Nabiga SCW adeerkiis, Cabbaas, Allaha kulligood raali ka noqdee. Cabbaas ayaa Ibraahiim Nabiga SCW siiyay: markii uu u sheegay in Cabbaas islaamay, ayuu bishareyntaas daradeed ku xoreeyey, una guuriyay Salami, oo uu Nabigu SCW lahaa. Abii Raafic wuxuu ku islaamay Makkah, oo waxay isku mar islaameen Ummul Fadli, haweentii Cabbaas.

Abii Raafic wuxuu ka mid ahaa raggii Masar Islaamka u furay, wuxuuna dhintay zamanka khilaafadii Cali bin Abii Dhaalib, Allaha ka wada raalli noqdee, Cali Wajigiisana karaameeyee. Markii Ibrraahiim dhashay, haweenkii kale ee Rasuulka Ilaahay SCW way ka masayreen inay Maria wiilkaas dhashay. Ibraahiim wuxuu ku dhashay meesha la yiraahdo Caaliyah ee ka mid ahayd Madiinah. Markaas ayaa haweenkii Ansaarta ee reer Madiinah waxay u tartameen nuujintiisa, waxaana Rasuulkii Ilaahay SCW uu u dhiibay, si ay u nuujiso, haween la oran jiray Burdah Ummu bintul Munthar bin Zayd bin Labiid bin Khadaash bin Caamir bin Ghanam bin Cadiy bin Al Najaar, ninkeedana waxaa magaciisu ahaa Al Baraa' bin Aws bin Khaalid.

Haweentaas ayaa markaas Ibraahiim nuujisay. Ibraahiim wuxuu dhintay bisha Rabiicul Awal ee sanadka 10 ee Hijrada, una dhigantay bisha june ee sanadka 632, asagoo 16 bilood jirah. Waxaa Rasuulkii Ilaahay SCW amray in lagu duugo qubuuraha Baqiic, waxaana ku tukaday aabihiis, Nabi Muxammad SCW. Markii la duugay, waxaa Rasuulka Ilaahay SCW amray in qabrigiisa biyo lagu rusheeyo: wuxuu ahaa qabrigii ugu horreeyey oo biyo lagu rusheeyo.

Maalintii uu Ibraahiim dhintay, qorraxda ayaa madoobaatay, oo qarsoontay; markaas ayaa waxaa dadkii yiri: qorraxdu waxay la madoobaatay tiiraanyo ay ka tiiraanyeeysantahay dhimashada Ibraahiim. Markaas ayaa Nabigu SCW wuxuu yiri: "Qorraxda iyo Dayuxu waa laba Aayadood oo Aayaadka Ilaahay ka mid ah. Axadna dhimashadiisa daraadeed u madoobaan mahayaan".

Markii Ibraahiim la duugay, ayaa Rasuulkii Ilaahay SCW wuxuu qabriga geeskiisa ku arkay dhagax saaran, markaas ayuu inta uu farahiisa qabrigii ku simay, wuxuu yiri: "Haddii midkiin uu shaqo qabto, shaqadaas si fiican ha u qabto. Qofkii musiibadu ku dhacday ayay nafsaddiisa dhibaatadii illowsiinaysaa". Waxaa Bukhaari iyo Muslim ka wariyeen Nabiga SCW markii uu Ibraahiim dhintay, Xadiith macnihiisu yahay:

Marka, Rasuulka Ilaahay, Nabi Muxammad SCW caruurtiisu waxay ahaayeen 7: afar gabdhood iyo saddex wiil.


Fiiro gaar ah: Waa bilaw buugan weli ma dhamaan Insha Allah hadduu Ilaahay yiraah waan dhameyn doonaa. Haddii Typinka wax qalad ah ku aragtiin Please let me know.