
Rabbijcalnii Muqiimassalaati Wa Min Thurriyatii Rabbanaa Wataqabbal
Ducaai
BARASHADA TUKASHADA SALAADDA
Waxaa dhigay
Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan
Ururka Islaamka ee Austria Praterstrasse 52 A-1020 Vienna - Austria tel 2146291
Kitaabkaan waxaan u niyooday Hooyadey Xaliima Ciise Cali Faarax Aabahay Sheekh Xuseen Cismaan Cilmi Walaalkey Bashiir Sheekh Xuseen Cismaan Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu dambigooda dhaafo
Kitaabkaan waxaa dhigay, isagoo uu Ilaahay ku galladeystay, Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan, kaasoo Jaamacadda Bologna ee Dalka Italia ka bartay takhtarnimada xoolaha, kana qalin jabiyey 1970. Waxaa loo doortay Xildhibaan Golaha Shacbiga Qaranka Soomaaliyeed 1980. Wuxuu noqday Danjiraha Somalia ee dhawr Dal ee Europa ah. Wuxuu Bare ka noqday Kulliyada Daawada Xoolaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Hadda,1992, wuxuu yahay Danjiraha Jaamacadda Carabta u fadhiya Vienna, Caasimada Austria.
HORDHICII SHEEKH ABUU MUXAMMAD CADNAAN
Bismillaahi Arraxmaani Arraxiimi
Alxamdu Lillaahi Rabbilcaalamiina, Waxdahu Laa shariika lahu, Wassalaatu Wassalaamu calaa Ashrafil Mursaliina, Sayidinaa Muxammad Bin Cabdillaahi, wa calaa Aalihi Adhayibiina wa Saxaabatihi Almayaamiina, wa Atbaacihi bi ixsaanin ilaa Yawmiddiini. Amma bacd: Waxaa sugnaaday inay salaaddu udub dhexaadka matiinka ah ee Diinta Islaamka tahay. Salaaddu waa cibaadooyinka madaxdeeda iyo hormuudka dhaacooyinka. Labada Ilaahay loogu dhowaado ee ah salaadda iyo zakada, salaaddu waa toodii khayrka badnayd, waa gaashaankii Ilaahay addoonkiisa siiyey iyo hubkii sheydaanka lagula dagaallamayey, raxmaadkuna way kusoo degaan. Sidaas daraadeed ayaa Imaam Cali bin Abuu Dhaalib, Allaha Raalli ka noqdee, wuxuu yiri: "Qofka salaadda tukanaya haddii uu ogaan lahaa Raxmada Ilaahay ee hagoogeysa, wajigiisaba sujuudda kama soo qaadeen." Markuu sujuudsan yahay waa markuu addoonku Ilaahay ugu dhowyahay. Salaaddu waa furihii Jannada iyo acmaasha keedii ugu khayr badnaa. Muuminiinta waxay u tahay raaxo. Sidaasaa Nabigeennu, Caleyhissalaato Wassalaamu, wuxuu Mu'athankiisa Bilaal ku oran jirey "Salaadda noogu raaxee, Bilaalow". Kuwa yaqaanna waxay salaaddu u tahay wax qalbigu jeclaado oo ku qabowsado. Sidaasaa Nabigu, Caleyhissalaatu Wassalaamu wuxuu yiri "Waxaa la i jecleysiiyey cadarka iyo haweenka, qalbigeyga iyo isheyduna waxay jeclaadeen oo ku qabowsadaan salaadda, taasoo fogeysa walwalka iyo kurbada". Markii arrin ku culusaato, wuxuu Nabigu, Caleyhissalaatu Wassalaamu, ku degdegi jirey tukashada salaadda. Salaaddu waxay shifo iyo daawo u tahay cudurrada, haddii Alle idmo, siduu Nabigu, Caleyhissalaatu Wassalaamu, yiri: "Salaadda waxaa ku sugan shifo iyo bogsasho", waxayna sabab u tahay Rizqiga, sida Ilaahay Tacaalaa u yiri:
"WA'MUR AHLAKA BISSALAATI WASDHABIR CALEYHAA LAA NAS'ALUKA RIZQAN NAXNU NARZUQUKA WALCAAQIBATU LITTAQWAA".
Sheekh Adan Sheekh Cabdullaahi, Allaha ka thawaab siiyo dambigiisana dhaafee, wuxuu tafsiirkiisii Radio Muqdisho laga sii deyn jirey Aayaddaan, oo ah Aayadda 132 ee Suuratu Dhaha, ku fasiray sida soo socota: "Far, ehelkaaga salaadda far. Sabir, korkeedana ku sabir oo nafsaddaada ku sabir sii, ku su'aali meynno rizqi, Annagaa ku arzuqeynna, ciribsamiduna taqwada ehelkeeday u sugnaatay. Far baa la leeyahay ehelkaaga salaadda. Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ehelkiisa la leeyahay salaadda far ummaddisa oo dhan buu amarkaas ku dhacayaa, ha u horreyso guriga kuwa la deggan oo ehelkiisa ah, laakiin ummaddii loo soo diray oo dhan iyo dadka raacay oo dhan oo muuminiinta ahaa, kaa inuu faro salaadda, kaasaa la farayaa.
Qof kasta waxaa ka saaran mujtamaca uu ku dhex noolyahay masuuliyad, masuuliyaddaasoo midda ugu horreysa ay ka fuuleyso xagga gurigiisa, qoyskiisa, haweentiisa iyo caruurtiisa. Waxaa la doonayaa qofka muuminka ahu inuu faraa ehelkiisa salaadda iyo cibaadada Ilaahay iyo Rabbi la xiriirsiga oo uu ku tarbiyeeyo. Kolkaa, hadduusan sidaas yeelin, oo asagu uu yahay kan tukanaya, ehelkiisuna si kale u fikirayaan, ayna Rabbi la xiriirsaneyn, salaad ayna tukaneynin, gurigii ma noqon karo guri dadkiisii is waafaqsanyihiin oo isku hadaf yihiin oo ay raaxo ku wada noolaan karaan. Sidaas daraadeed waxaa waajib ah qof kasta oo muumin ah ehelkiisana inuu iimaanku wuxuu keenayo ku rabbeeyaa, sida salaadda, cibaadada iyo daacada Ilaahay barashadooda. Mujtamaca uu ku dhex nool yahayna uu sidaasoo kale u faraa. Qofka muuminka ahi waa inuu khayraadka iyo salaadda uu ku sabraa, oo nafsaddiisa ku sabir siiyaa fariddaas waxyaalka ka imaan kara ee takaaliifta iyo dhibka uu ku sabraa. Asaga nafsaddiisuna waa inuu salaadda tukashadeeda iyo ku camal falkeeda iyo ehelkiisa ku xambaaridda uu ku xambaarayo ku sabraa. Kuna sabir salaaddaas iyo fariddeedaba, rizqi ku su'aali meynno, oo macnaha waxaa loo wadaa rizqi Annaga ayaa idin arzuqeynna. Cibaadada iyo dhaacaadka iyo takaaliifta aan idin farahayo macneheedu ma aha Aniga inay wax iiga soo noqonayaan, sida adinku markaad boqorrada adduunka kolkii dad u khidmeynayaa oo dad adeegsadaan oo waxyaalo ay ku kallifaan, nafci ayaa usoo noqonaya, oo rizqi ay usoo kasbayaan. Kaasoo kale yey ugu kallifayaan. Takaaliiftaas iyo waxa aan idin farayo Aniga waxba iiga soo noqon mayaan, maxaa yeelay Anigu hodan baan ka ahay adinka iyo gheyrkiinba. Faridda iyo waxyaalkaa la idinku kallifayo sameeya, salaadda tukada. Khayraadkaa iyo Ilaahay dhacadiisa la yeelaa adinka ayey dan idiin tahay. Annagaa idin arzuqeynna, ciribta sanna waxay u sugnaatay kuwa cabsida ehelka u ah oo salaadda tukanaya, ehelkoodii fara, ku sabraya waxyaalka Ilaahay uu farayo fartoomideeda, waxa Ilaahay uu ka reebayana ka haridooda ku sabraya. Waxay u baahan tahay takaaliifta qofku inuu sabar naftiisa uu u yeeshaa la imaansheheeda, waxa laga reebayo ka harideedana inuu sabir u yeeshaa oo nafsadiisa ka celiyaa. Marka dad sidaas ah, oo sidaas ku cabsada, oo nafsaddooda taqwada ku beera, ciribta sanna ayaga yaa helaya. Waxaa kaleetoo macnaha soo gelaya (LAA NAS'ALUKA RIZQAN NAXNU NARZUQUKA), xaqiiqadii rizqi siinta nafsaddeeda way soo geleysaa, oo waxaa weeye rizqiga aad cuneysaan ma aha inaad adinku la imaaneysaan, annaga yaa idin rizqi siineynna, oo waa wax aanu idiin diyaarinnay, kaasood ku dhex dhaqdhaqaaqeysaan. Ma aha rizqiga maadadiisa iyo asbaabihiisa kuwa adinku aad keeni kareysaan, ee annagaa rizqigii idiin diyaarinnay. Rizqigii baad markaas ku xoogeysaneysaan, oo xarakada iyo waxyaalka aan idin farayo rizqigii oo aan idin siinnay baad kula imaan kareysaan. Marka ku shukriya oo Ilaahay markaa xarakadaas rizqigaas idin geliyey oo Ilahayna rizqigaas uu idiin diyaariyey, Ilaah ku caabuda, oo ugu tukada oo ugu tasbiixsada, ehelkiinna iyo dadka aad ku dhex nooshihiinna ayagana fara oo ku xambaara. Ha ku caasiyina rizqigaas aad cuneysaan, xoogga iyo caqliga iyo waxyaalka uu idinku abuurayo Rabbigii idin siiyey ha ku caasiyina." Allaana u cilmi leh. Weynaanta iyo makaanka ay salaaddu diinta islaamka ku leedahay waxaa muujinaya sida Rasuulku, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, markuu dhimanayey oo naftiisii daahirka ahayd ka baxaysey, salaadda ayuu nagala dardaarmay, isagoo oranaya "Salaadda, Salaadda". Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, wuxuu tilmaamaha ugu horreeya ee kuwa liibaanay ka dhigay inay yihiin kuwa salaadooda ku khushuucaya. Tilmaamahaas kuwa Jannada Firdawsa dhaxlayana wuxuu ugu dambeesiiyey inay yihiin kuwa salaadooda ilaalinaya, siday noo sheegayaan tobanka Aayadood oo Suuratul Muuminuun ugu horreeya. Waxaa Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, yiri:
"QAD AFLAXAL MU'MINUUNA. ALLATHIINA HUM FII SALAATIHIM KHAASHICUUNA."
Aaayadahaan oo ah kuwa koowaad iyo labaad ee Suuratul Muuminuun, macnohoodu waxaa weeye:
"Xaqiiqa iyo dhab ehe, waxaa liibaaneen muuminiinta. Kuwaas muuminiinta ah ee liibaanay waa kuwa markay salaadda tukanayaan, salaadda dhexdeeda ku khushuuca".
Aayadda sagaalaad ee isla Suuraddaan waxaa weeye :"WALLATHIINA HUM CALAA SALAATIHIM YUXAAFIDUUNA". Aayadda macneheedu waxaa weeye: "kuwa weeye liibaaneen salaadooda ilaalinaya, waqtigeeda, aadaabteeda, shuruudeeda iyo sidii u habboneyd ku ilaalinayaan." Dhanka kuwaas liibaanay kasoo horjeeda oo caksiga u ah, kuwaasoo khasaaro joogta ku nool oo ah ehelu jaxiimada, tilmaantooda, waxaa Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ka bilaabay inay tukashada salaadda ka tageen, ka tegiddeedaasoo ah acmaasha kuweeda ugu xun iyo caqiidada ugu shar badan. Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, wuxuu yiri:
"KULLU NAFSIN BIMAA KASABAT RAHIINAH. ILLAA ASXAABALYAMIINI. FII JANNAATIN YATASAA'ALUUNA. CANILMUJRIMIINA. MAA SALAKAKUM FII SAQARA. QAALUU LAM NAKUN MINALMUSALLIINA. WALAM NAKU NUDHCIMUL MISKIINA. WA KUNNAA NAKHUUDU MACAL KHAAIDIINA. WA KUNNAA NUKATHIBU BIYAWMIDDIINI. XATAA ATAANALYAQIINU."
Aayadahaas, oo ah Aayadaha 42-47 ee Suuratul Mudathir, macnohoodu waxaa weeye: "Qof kasta waxay kasbatay ayaa loo rahan dhigay. Hadday waajibaadkeedii kasoo baxdayna rahankii way ka fakaneysaa, haddi kalena ayada ayaa laga goynayaa oo loo ciqaabayaa. Midigta asxaabteeda mooyee, ayagu waa kuwa waajibaadkoodii kasoo baxay, kuwa kitaabkoodii midigta laga siinayo, markaa waxaa weeye naftooda rahantii way ka fakiyeen. Kuwaas jannooyin dhexdooday ku jiraan, markaasey iska su'aalayaan dambiilayaasha xaggooda, oo naftoodiibay arkayaan oo naarta dhexdeeda ku jira, markaasey weydiinayaan ayagoo oranaya : "Maxaa idin geliyey naarta Saqara la yiraahdo, naartaas cadaabka ahee wax burburineysa?" Kuwii ehelu naarka ahaa kolkaas way u jawaabayaan, waxayna yiraahdaan: "Ma aanan ahayn kuwa salaadda tukada, ma aanan ahayn miskiinka kuwii wax siiya. Waxaan ahayn kuwa dabaasha baadilka dhexdiisa kuwa ka mid ah ayaan ahayn. Waxaan ahayn kuwii beeniya abaalmarinta maalinteeda, jeer uu yaqiinkii dhabta ahaa ee maydku noo yimid.".
Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, Anbiyadiisii Saalixiinta ahaa wuxuu faray inay salaadda tukadaan, wuuna kala dardaarmay. Ilaahay wuxuu Nabi Muuse, oo uu la hadli jirey, u waxyooday:
"WA ANAKHTARTUKA FASTAMIC LIMAA YUUXAA. INNANII ANALLAAHU LAA ILAAHA ILLAA ANAA FACBUDNII WA AQIMISSALAATA LITHIKRII."
Aayadahaan, oo ah kuwa 13 iyo 14 ee Suuratu Dhaha, macneheedu waxaa weeye: "Anigu waan ku doortay ee bal dhegeyso kan laguu waxyoonayo. Anigu Allaan ahay. Aniga mooyee Alle kalena ma jiro, oo xaq lagu caabudo. I caabud, salaadana oog oo Aniga xusideyda ama xususashadeyda u oog." Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa, Isagoo Nabi Muuse iyo Walaalkiis Haaruun la hadlaya wuxuu yiri:
"WA AWXEYNAA ILAA MUSAA WA AKHIIHI AN TABAWA'AA LIQAWMIKUMAA BIMISRA BUYUUTAN WAJCALUU BUYUUTAKUM QIBLATAN WA AQIIMUSSALAATA."
Aayaddaan, oo ah Aayadda 87 ee Suuratu Yuunus, macneheedu waxaa weeye: "Nabi Muuse waxaan u waxyoonnay iyo Walaalkiis, qawmkiinna Masar guryo uga sameeya. Guryihiinna Qibla ka yeesha. Salaadana ooga, muuminiintana u bishaaree."
Nabigii Ilaahay Ciise, Caleyhissalaamu, wuxuu yiri:
"WA AWSAANII BISSALAATI WAZZAKAATI MAA DUMTU XAYAN."
Aayaddaan, oo ah Aayadda 31 ee Suuratu Maryama, macneheedu waxaa weeye: "Wuxuu ii dardaarmay salaad iyo zako intaan nolol daaim ku ahay. Ilaahay wuxuu ii dardaarmay inaan salaadda tukado oo ilaaliyo intaan noolahay."
Ilaahay wuxuu Anbiyadiisa kii ugu dambeeyey faray tukashada salaadda, isagoo yiri:
"ATLU MAA UUXIYA ILEYKA MINAL KITAABI WA AQIMISSALAATA."
Aayaddaan, oo ah Aayadda 40 ee Suuratul Cankabuut, macneheedu waxaa weeye: "Kitaabkaan Quraanka ah oo laguu waxyoonayo ku dul akhri, salaadana oog, baa Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, la leeyahay."
Nabi Ibrahim, Khaliilurraxmaan, ducadiisa waxaa ka mid ahayd:
"RABBIJCALNII MUQIIMASSALAATI WA MIN THURRIYATII RABBANAA WA TAQABBAL DUCAAI."
Aayaddaan, oo ah Aayadda 40 ee Suuratu Ibrahim, macneheedu waxaa weeye: "Rabbiyow aniga waxaad iga yeeshaa salaadda kii ooga, xifdiyah, ilaaliya, waqtigeeda ku xifdiya, sidii ku habboneyd kula yimaada oo ka dhiga salaadda mid istaagtay. Caruurteydana ka yeel qaarkood, kuwa sidaas sameeya. Rabbigayow ducadeyda aqbal." Salaadu waxay ka mid ahayd waxyaabaha Luqmaan uu wiilkiisa kula dardaarmay, isagoo yiri:
"YAA BUNAYA AQIMISSALAATA WA'MUR BILMACRUUFI WANHA CANIL MUNKARI."
Aayaddan, oo ah Aayadda 17 ee Suuratu Luqmaan, macneheedu waxaa weeye: War wiilkeygow, salaadda oog, wanaagana dadka far, xumidana ka reeb."
Inta aan kor ku soo sheegnay oo idil daraadeed, waxaa Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, noo sheegay kuwa salaadda tukashadeeda ka tegay oo yasaya, inuu ciqaab adag ciqaabi doono. Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, wuxuu yiri:
"FAKHALAFA MIN BACDIHIM KHALFUN ADAACUSSALAATA WATTABACUSHAHWAATI FASAWFA YALQAWNA GHAYAN."
Aayaddaan, oo ah Aayadda 59 ee Suuratu Maryama, macneheedu waxaa weeye: "Waxaa ka haray kuwa haraa ah, oo aan qiimo lahayn, oo wax haraa oo kale ah, oo durufyo ah. Maxay kuwaas tilmaamohoodu ahaadeen? Salaaddii bey halleeyeen, oo salaaddii bey ka tageen, ama waqtigeedii dib uga dhigayaan. Salaaddii sidii ku habbooneyd may ahaanin kuwa u tukanaya, oo waxay ahaadeen kuwo taarikiin ah oo salaaddii ka tegay, salaaddii dayaca, aan ku dadaaleyn, aan qiimeyneyn qiimadii ku habbooneyd. Markaasey waxay raaceen shahwaadkii, waxay nafsaddoodu dooneysey ee shahwaadka ah. Macaasidii Ilaahay ah. Khamro ay cabbaan ah, waxyaalo kale oo takhriib mujtamaca u keenaya ah, Ilaah caasiyid ah. Kaasey raaceen. Wixii Ilaahay uu faray waxay ka doorteen waxay nafsadoodu dooneyso oo shaydaanku uu farayo. Markaas waxay ku dhici doonaan Ghayan, baadinnimo oo daainta oo dariiqii jannadana ay ka baadiyoobaan, kolkii aakhiro la gaaro. Adduunka oo la joogana hanuunkii ay ka baadiyoobaan. Kaasey ku dhacayaan. Markaas ruux hadduu dayaco salaadda, shahwaadkiisa uu raaco, wuu baadiyoobaa, oo dariiqii hanuunka wuu ka baadiyoobayaa. Ama waxay ku dhici doonaan Ghayan, oo Ghayiga markaa waxaad ka dhigtaa waadi jahannama dhexdeeda ah oo Ghayi la yiraahdo. Kaasey ku dhici doonaan"
Wuxuu kaloo Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, yiri:
"FAWEYLUN LILMUSALLIINA. ALLATHIINA HUM CAN SALAATIHIM SAAHUUNA."
Aayadahaan, oo ah Aayadaha 4 iyo 5 ee Suuratul Maacuun, macnohoodu waxaa weeye: "Cadaab kiisa adag waxaa iska leh kuwa tukan hayaan, kuwaa oo salaadoodii ilowsan, khushuuc la'aan ku tukanaya, waqtigeedii ula kac dib uga dhigayaan, istustus u tukanayaan, oo markay keligood yihiin aan tukaneyn, markay dad la joogaanna la tukada."
Rasuulkii Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuuba salaadda ka yeelay astaanta kala saarata qofka muslimka ah iyo qofka kaafirka ah, wuxuuna yiri: "Qofka iyo shirkiga iyo kufriga waxa u dhexeya waa ka tegidda salaadda". Wuxuu kaloo, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, yiri: "Qofkii salaadda xifdiya waxay u ahaataa nuur iyo burhaan iyo badbaado Yawmul Qiyaamaha. Qofkaan xifdiyin ma lahaado nuur, ma lahaado burhaan, ma lahaado badbaado maalinta qiyaame, wuxuuna la meel yahay Qaruun iyo Fircoon iyo Haamaan iyo Ubaya bin Khalaf". Kuwaas waa kuwa ay baadiyeeyeen maalkooda, sida Qaaruun, xukunkiisa, sida Fircoon, wasiirnimadiisa sida Haamaan, ama tijaaradiisa, sida Ubeya bin Khalaf. Wuxuu Caleyhissalaatu Wassalaamu yiri: "Salaadda ula kac ha uga tegina, maxaa yeelay qofkii ula kac uga taga milladuu ka baxay." Markuu Saxaabigii weynaa Imaam Cabdullaahi bin Cabbaas aragga beelay, waxaa lagu yiri: "Waan ku daaweneynaa ee dhawr maalmood salaadda iska daa." Wuxuu ku jawaabay: "Yeeli mayo, maxaa yeelay, Rasuulullaahi, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuu yiri: "Qofkii salaadda ka taga wuxuu Ilaahay la kulmaa isagoo u careysan" Ilaahow waxaan kaa baryeynaa inaad tukashada salaadda na waafajisid, aadna nagu gargaartid sidaan ugu oogi lahayn sifadaad Raali ka tahay oo aad u aqbashid. Ilaahow waxaan kaa baryeynaa inay salaaddennu naga fogeyso faaxishada iyo munkarka, aadna naga mid yeeshid addoomahaaga Thaakiriinta ah oo Thikriga iyo xusidda Ilaahay ayaa wax walba ka weyn.
Intaas kaddib waan arkay kitaabka uu dhigay walaalkay Ustaath Xasan Sheekh Xuseen, oo soomaali ah, kuna saabsan barashada tukashada salaadda iyo waxyaalaha ka horreeya sida dhahaarada, najaasada, istinjada iyo waxyaalaha kale oo la xiriira sida weysada. Dhigidda kitaabkaan waxaa u geeyey rabiddiisa inuu u naseexeeyo ubadka diintiisa iyo ubadka dalkiisa, siiba kuwa waqtigaan dalkoodii dibadda uga maqan. Waxaan ka marag ahay inay middaani tahay naseexeynta xaqa ah ee suuban. Kitaabkaan waa mid wanaagsan oo kaafiya ujeedadii laga lahaa, Inshaa'allaahu. Ilaahayga Kariimka ah waxaan weydiisanayaa inuu uga aqbalo aqbalid wanaagsan, ajarkiisa iyo thawaabtana u laablaabo. Waxaan Ilaahay weydiisanayaa inuu kitaabkaan dadkuna aqbalo, qofkii akhristana uu ku intifaaco. Ilaahaybaa ah Waligii khayrka oo idil iyo tawfiiqda, Qaadirna ku ah.
Walxamdu Lillaahi, Isagaana na kaafiya; Raxmadiisuna ha ahaato addoomihiisii uu doortay dushooda.
Waxaa qoray kii Raxmada Mawlihiisii Qadiirka ahaa faqiirka u ahaa
ABUU MUXAMMAD CADNAAN MUXAMMAD IBRAAHIIM
Sheekha iyo Imaamka Ururka Islaamka ee Austria Praterstrasse 52 A-1020 Vienna - Austria
OGOW Tafsiirka Aayadaha Quraanka ah ee hordhacaan waxaa ku daray dhigaha
kitaabka, Xasanweli, ee ma laha Sheekh Abuu muxammad Cadnaan.