
Bismillaahi Arraxmaani Arraxiiimi
Alxamdu Lillaahi Rabbilcaalamiina, Kamaa Yanbaghii Li Jalaali Wajhihi Wa Cathiimi Suldhaanihi. Wa Sallallaahu Calaa Ashrafil Mursaliina Wa Khaatamannabiyiina, Allathii Bacathahullaahu Raxmatan Lil Caalamiina, Sayidinaa wa Xabiibanaa wa Shafiicanaa Muxammadin Wa Calaa Aalihi wa Saxbihi wa man tabicahu bi Ixsaanin ilaa Yawmiddiini, wa Sallam Tasliiman Kathiiran. Wa Ash-hadu an Laa Ilaaha Illallaahu Waxdahu, Laa Shariika Lahu, wa Ash-hadu anna Muxammadan Rasuulullaahi, Sallallaahu Caleyhi Wa Sallam.
Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, wuxuu Aayadda 39 ee Suuratul Axzaab ku yiri:
"ALLATHIINA YUBALLIGHUUNA RISAALAATILLAAHI WA YAKHSHAWNAHU WALAA YAKHSHAWNA AXADAN ILLALLAAHA."
Aayaadaan macneheedu waxaa weeye: "Kuwii gaarsiiyaan, Ilaahay Risaalooyinkiisa gaarsiiyaan, Ilaahay Keli ah ka baqaan, axad aan ka baqaynin Ilaahay mooye".
Wuxuu kaloo Ilaahay , Subxaanahu Wa Tacaalaa, Aayadda 7 ee Suuratul Xashri ku yiri:
"WAMAA AATAAKUMURRASUULU FAKHUTHUUHU WAMAA NAHAAKUM CANHU FANTAHUU".
Aayadda macnaheedu waxaa weeye: "Rasuulku wuxuu idiinla yimaado qaata, wuxuu xaggiisa idinka reebana ka hara". Wax allaale wixii Rasuulku idiinla yimaado, Ilaahay wuxuu leeyahay qaata, maxaa yeelay Rasuulku hawadiisa ka hadli maayo, hawadiisa wax kala imaan maayo. "Ka hadli maayo hawadiisa, wax allaale wuxuu ku hadlayo ma aha illaa Waxyi loo Waxyoonayo mooye", siduu Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa Aayadaha saddexaad iyo afaraad ee Suuratul Najmi noogu sheegay. Wuxuu idinka reebana oo ka hara idin yiraahdana, ka reebtooma. Wuxuu kaloo Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, Aayadda 31 ee Suuratu Aali Cimraan ku yiri:
"QUL IN KUNTUM TUXIBBUUNALLAAHA FATTABICUUNII YUXBIBKUMULLAAHU".
Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Waxaad tiraahdaa, Nabi Muxammadow, Sallallaahu Caleyhi Wa Sallam, haddii aad tihiin Ilaahay kuwii jecel, Aniga i raaca, Ilaahay markaas ayuu idin Jeclaane".
Waxaa kaloo Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, Aayadda 80 ee Suuratul Nisaa ku yiri:
"MAN YUDHICIRRASUULA FAQAD ADHAACAALLAHA " Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Rasuulka qofkii adeeca, xaqiiqa ehe, Alluu adeecay".
Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa wuxuu Quraanka Kariimka ah noogu sheegay waajibeynta tukashada salaadda. Sida loo tukanayase waxaa na baray Nabi Maxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam. Waxaa laga wariyey Nabiga, Caleyhissalaato Wassalaam, Xadiith macnihiisu yahay "U tukada sidaad aragtaan inaan u tukanayo". Mahad oo idil Ilaahay ayaa iska leh, markuu dadka soomaaliyeed ku manneystay diinta Islaamka, uuna naga dhigay qayb ka mid ah Ummadda Islaamka. Waxaa laga wariyey Nabigeenna, Caleyhissalaatu Wassalaam, xadiith macnihiisu yahay : "Aniga xaalkeyga iyo adinka xaalkiinna wuxuu la mid yahay SAYID oo daar dhisay, oo markuu daartaas dhisay, gurigaa weyn dhisay, dhex dhigay gurigii miis cunta ah oo wax walba ay saaran yihiin; oo diray markaa adeeg ugu yeera miiskaa cuntada ah dadkii cuni lahaa. Qofkii ajiiba, oo kaa adeegaas la diray oo SAYIDKAASU uu diray, qofkii ajiiba daartii buu soo gelayaa, wuxuu ka cunayaa cuntadii, oo cuntadii buu ka cunayaa, SAYIDKIINA raalli buu ka noqonayaa. Qofkii aan ajiibin, soo geli maayo daartii, kana cuni mayo cuntadii, SAYIDKUNA ka raalli noqon mayo. ALLE waa SAYIDKII, buu yiri, oo SAYIDKA daartaas dhisay waa ALLE. Daartaas aan leeyahay SAYID baa dhisayna waa DIINTA ISLAAMKA. Miiska cunnada ah oo la dhex dhigayna waa Jannada nafsaddeeda iyo nicmadeeda iyo kheyraadkeeda. Adeegga la dirayna waa Muxammad, buu yiri Nabigeennu, Caleyhissalaatu Wassalaam. Adeegga la dirayna waa ANIGA." Allaana u cilmi leh. Mahad oo idil Ilaahay ayaa iska leh, Isagoo igu hanuuniyay dhigidda kitaabkaan , dhigiddisana ii sahlay.
Kitaabkaani iib ma aha, maalna ka dooni maayo, oo qofkuu gaaro qof kale oo u baahan ha sii gaarsiiyo. Waxaan ku doonayaa Wajiga Ilaahay oo Khaalis iyo inuu ajar iga siiyo maalin aan maal iyo wiilal wax anfacayn qofkii Ilaah qalbi saliim ah ula yimaada mooyaane.
Wixii naaqusnimo iyo qalad ah oo kitaabkaan ku jira anigay iga yimaadeen iyo shaydaan; wixii suuban oo ku jirana waxaa nagu manneystay Ilaahay, oo Keligiis Kaamilnimo u sugnaatay.
Diinta Islaamka waxaa lagu baran karaa oo sad fiican looga qaadan karaa afkay kusoo degtay. Quraanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabigeennii Suubanaa, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Nabi Maxammad, waxay kusoo degeen afka carabiga. Qofkii cilmi doon ah, oo doonaya inuu diintiisa si fiican u barto, waa inuu af carabiga bartaa. Ilaahay tan suuban ha na waafajiyo, Wasallallaahu calaa Sayidinaa Muxammadin, wa calaa Aalihi wa Saxbihi Tasliiman kathiiran.
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI
ARKAANTA ISLAAMKA
Waxaa axaadiith saxiix ah kusoo arooray inay tiirarka Islaamku yihiin shan, kuwaasoo ah: 1. Ashahaadada inuusan jirin Ilaah aan ahayn Ilaahay iyo in Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, yahay Rasuulkii Ilaahay. 2. In salaadda la oogo. 3. In zakada la bixiyo. 4. In bisha Ramadaan la soomo. 5. In la xajiyo, qofkay u suurtowdo.
Waxaa halkaas ka cad inay salaaddu tahay tiirka labaad oo ay Diinta Islaamku ku dhisantahay. Waajib ahaashada salaadda waxaa kusoo arooray Aayado Quraani ah iyo Axaadiith Nabigeenna Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam. Waxaa Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, Aayadda 103 ee Suuratul Nisaa ku yiri: "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN" Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Salaadda ooga, arkaanteeda, shuruudeheeda, sunnooyinkeeda iyo aadaabkeeda u dhemmeystira oo sidaas ku ooga. Salaaddu wey ahaatay muuminiinta dushooda tu lagu qoray bey ahaataye, tu lagu dul qoray oo la fardi yeelay, dushooda lagu waajibiyeyayey salaaddu ahaataye. Kitaabkaasoo la waqtiyeeyey, waqtiyo aan la dhaafineynin, lagana hormarineynin; dib dhac iyo hormaris midna aan lahayn. Salaaddu waxay ahaatay mid muuminiinta dushooda sidaas loogu waajibiyey. Sidaas Salaadda u ooga". Salaaddu waa cibaadadii ugu horreysay oo dadka dushooda lagu waajibiyay, waxaana la waajibiyay habeenkii Nabi Muxammad, Caleyhissalaatu Wassalaamu, la dheelmiyey oo ahayd Leylatul Israa Wal Micraaj. Waxaa Nabiga, Caleyhissalaatu Wassalaam, laga wariyey xadiith macnihiisu yahay: "Salaaddu waa udub dhexaadka Diinta. Qofkii Salaadda ooga Diintii buu oogay. Qofkii salaadda dumiyana Diintii buu dumiyey". Waxaa Cabdullaahi bin Qardh, Allaha raalli ka noqdee, uu Nabi Muxammad, Caleyhissalaatu Wassalaam, kasoo wariyey xadiith macnihiisu yahay : "Waxa ugu horreeya oo addoonka lagula xisaabtamayo Yawmul Qiyaamaha waa Salaadda. Hadday suubanaato, acmaasha intooda kalena way suubanaanayaan. Hadday fasaadana acmaasha intooda kalena waa fasaadayaan". Waxaa Nabigeenna Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, laga soo wariyay, xadiith macnihiisu yahay, isagoo la hadlaya asaxaabtiisa: "Bal ka warrama haddii midkiinba gurigiisa hortiisa uu wabi durdurayo, wabigaasoo uu ku qubeysanayo maalin walba shan jeer. Wasakhdii ku tiil wax ma uga harayaan? Waxay yiraahdeen maya, Rasuulkii Allow. Markaasuu wuxuu yiri : taasi waxay la mid tahay shanta salaadood, oo Ilaahay qofka gafafkiisa uga tirtiro".
YAA LAGU LEEYAHAY SALAADDA
Salaadu waxay waajib ku tahay qof kasta oo:
1. MUSLIM AH. Gaal salaad laga dooni maayo, hadduu tukadana Ilaahay ka aqbali maayo, maadaama uusan la imaan shardigii aqbalidda Ilaahay uu salaaddiisa ku aqbali lahaa, shardigaasoo ah Iimaan, ah rumeyn la rumeeyo Ilaahay, Malaaigtiisa, Kutubtiisa uu soo dejiyey oo idil ayna ka mid yihiin Quraanka, Injiilka, Tawraadda, Zabuur; rumeyn Rususha Ilaahay oo dhan; rumeyn Yawmulqiyaamaha; rumeyn Qadriga khayrkiisa iyo sharkiisaba.
2. BAALUQ AH, oo qaan gaaray. Caruurta salaaddu waajib kuma aha.
3. CAAQIL AH, oo miyirkiisu taam yahay. Qof waalan oo miyirkiisu dhimman yahay laga dooni maayo inuu tukado. Sidaan looga dooneyn inuu tukado qofka hurda, jeer uu kasoo kaco. Sidaan looga dooneyn qofkii xukunkiisu labadaas oo kale noqdo, sida sakhraanka, iyo wixii la midka ah.
Saddexdaas kala ah muslinnimada iyo baaluqnimada iyo taamnimada caqliga waxaa weeye shuruudaha waajibnimada salaadda. Qofkay saddeexdaas shardi ku kulmaan waxaa waajib ku ah oo laga doonayaa inuu salaadda tukado.
SHURUUDAHA SALAADDA
Shuruudaha salaaddu waa kuwa la doonayo inuu qofku la yimaado intuusan salaadda gelin. Hadduusan qofku shuruudahaas buuxinin, ama mid shuruudahaas ka mid ah uusan buuxinin, ama qaar shuruudahaas ka mid ah uusan la imaan, salaadda uu tukadaa ma ansaxeyso. Shuruudahaas waxay yihiin:
1. Gelitaanka waqtigii salaadda. Salaad walba waxay leedahay waqti la tukado oo aan laga hormarin karin, lagana dib dhigi karin.
2. Inuu qofku daahir ka yahay waxa kasoo baxa labada jid, jidka hore iyo jidka dambe; inuu janaabo daahir ka yahay. Waa in qofka jirkiisa iyo dharkiisa iyo makaanka uu ku tukanayo ay daahir yihiin.
3. Waa in cawrada qofku qarsoon tahay. Cawrada ninku waa inta u dhexeysa xudunta iyo jilibka. Cawrada haweentu waa jirkeedoo idil, intaan ahayn wajiga, labada gacmood ilaa cumaacumaha iyo labada cagood dushooda muuqata ilaa anqawyada. 4. In loo jeesto, marka salaadda la tukanayo, QIBLADA. Qiblada Muslimiintu waa KACBADA, oo ku taal Makkah Al Mukarramah.
Afartaas shardi, oo kala ah gelitaanka waqtiga salaadda, daahirnimada qofka jirkiisa iyo dharkiisa iyo makaanka uu ku tukanayo, asturnaanta cawrada iyo u jeesashada Qiblada, waxaa weeye oo la isku yiraahdaa shuruudaha saxnimada salaadda.
DAHAARADA
Dahaaradu waa inaad biyo daahir ah oo nadiif ah isaga dhaqdid, kuna suulisid wixii kasoo baxa labada jid, jidka hore iyo jidka dambe, sida kaadida, saxarada, dhiigga, iwm., ugana qubeysatid janaabada. Laba qaybood weeye waxa labada jid kasoo baxa, kuwaasoo kala ah:
1. Wax yar, sida kaadida, saxarada, dhuusada, iwm, oo imaatinkoodu uu weseysasho waajibinayo.
2. Wax weyn, sida janaabada, dhiigga haweenka, iwm., imaatinkoodu qubeys waajibinayo.
Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, wuxuu Aayadda 222 ee Suuratul Baqarah ku yiri:
"INNALLAAHA YUXIBBUTTAWAABIINA WA YUXIBBUL MUTADAHIRIINA"
Macnaha Aaayaddu waxaa weeye: "Ilaahay wuu jecel yahay kuwa usoo tawbad keena, wuuna jecel yahay kuwa is daahiriya". Wuxuu kaloo Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, Aayadda afaraad ee Suuratul Mudathir ku yiri: "WA THIYAABAKA FADAHIR" Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Dharkaaga daahiri" Waxaa Nabigeenna Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, laga wariyay xadiith macnihiise yahay: "Daahirsanaantu waa qayb iimaanka ka mid ah"
NAJAASO
Najaaso waxaa weeye wax xun oo hadday qofka muslimka ah gaaraan ay waajib ku tahay inuu iska dhaqo oo raadkeeda uu suulyo. Najaasooyinka waxaa ka mid
1. Bakhtiga.
2. Dhiigga.
3. Khaansiirka, hilibkiisa, dhiiggiisa, haraggiisa, lafihiisa, isagoo idil.
4. Matagga dadka.
5. Kaadida iyo saxarada dadka.
6. Kaadida iyo saalada xoolaha aan hilibkooda la cunin.
7. Wadii, oo ah biyo cad oo adag, oo kaadida kaddib soo baxa.
8. Mathi, oo ah biyo cad oo ragga iyo haweenkaba ka yimaada markay isku tegid ka fakaraan ama fara cayaaraan.
9. Minada.
10.Al Jallaalah, oo ah xoolaha cuna oo ku nool najaasooyinka, sida meelaha qashinka lagu daadiyo; waxaa najaaso ah koridda dushooda, cunidda hilibkooda, cabidda caanohooda.
11.Khamrada.
12.Eyga. Waxaaba soo arooray xadiith macnihiisu oranayo inaan Malaaigtu soo gelin guri ey joogo.
Addoonkii Raxmada iyo Dambi dhaafka Ilaahiis faqiirka u ahaa
Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan Vienna (Austria), September 1992