
Ummul muuminiin Caaisha, Allaha Raalli ka noqdee, Xaaskii Nabigeenna Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, waxay warisay xadiith macnihiisu yahay: "Haddii qof idinka mid ahi godka lagu xaajo guto tago, oo xaajo guto ha isku nadiifiyo saddex dhagax, kuwaasoo kaafiyah". Sida loo istinjoodo waxaa weeye ayadoo marka hore labada jid lagu nadiifiyo wax jirmi leh, sida dhagax, xaashiyaha loogu tala galay, iwm. Kaddib waxaa labada jid lagu dhaqaa biyo nadiif ah, hadday suurtowdo. Dabada waxaa lagu dhaqaa biyo iyo saabuun, hadday suurtowdo. Waxaa lagu istinjoodaa gacanta bidixda ah.
QUBEYSKA
Qubeysku waxaa weeye inuu qofku jirkiisoo idil biyo daahir ah gaarsiiyo oo ku dhaqo. Qubeyska waajibka ahi wuxuu waajib yahay:
1. Markay qofka ragga ah ama dumarka ah biyo ama mino ka yimaadaan.
2. Hadday ninka iyo haweentu isku tagaan, oo labada gudniin is gaaraan, biyo ha ka yimaadaan ama yeeyan ka imaane.
3. Haweenka markuu ka go'oh dhiigii caadada ama kii dhalmada.
4. Qof muslim ah hadduu dhinto waa in la dhaqaa, shahiidka mooyee.
5. Gaalku hadduu muslimo waa inuu qubeystaa.
Sidee qubeyska waajibka ah loo qubeystaa? Marka hore waa inaad qubeysiga qalbiga ka niyeysataa. Markaas kaddib wuxuu qofku gacantiisa bidixda ah ku dhaqayaa farjigiisa. Markaas qofku wuu weseysanayaa, weseysasho buuxda oo kaamil ah. Kaddib wuxuu biyaha ku qoynayaa madaxiisa isagoo biyaha gaarsiinaya timaha hoostooda iyo haragga madaxa. Markaas kaddib biyaha ayuu korkiisoo dhan gaarsiinayaa, isagoo gacantiisa kula dhaqaya. Haddii qofka sidaas u qubeystay uusan gacantiisa cad farjigiisa ku taaban, qubeyska kaddib wuu tukan karaa, haddii uu doonayo, oo weyso qaad kale uma baahna. Haddiise uu farjigiisa gacanta cad ku taabto, waajib ayey noqoneysaa inuu weseysto markuu inuu tukado doonayo.
WESEYSASHADA
Weseysashadu waxaa weeye in xubno tilmaaman oo qofka jirkiisa ka mid ah biyo lagu dhaqo, si loo tukado, ama Quraanka Kariimka ah loo taabto ama Kacbada loogu dawaafo.
Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, wuxuu Aayadda lixaad ee Suuratul Maaida ku yiri:
"YAA AYUHALLATHIINA AAMANUU ITHAA QUMTUM ILASSALAATI FAGHSILUU WUJUUHAKUM WA EYDIYAKUM ILAL MARAAFIQI WAMSAXUU BIRU'UUSIKUM WA ARJULAKUM ILAL KACBEYNI" .
Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Kuwii rumeeyeenow, haddaad salaadda u istaageysaan, dhaqa wajiyadiinna iyo gacnihiinna tan iyo xusullada, mariya madaxdiinna iyo lugihiinna tan iyo anqawyada". Macnaheedu waxaa weeye: Kuwii rumeeyeenow, haddaad salaadda u istaageysaan, aad dooneysaan salaad inaad tukataan, wajiyadiinna dhaqa, oo qof walba wajigiisa ha dhaqo. Soohdinta wajigu, xagga dhererka waxaa weeye timuhu meeshey ka baxaan ilaa garka hoostiisa. Xagga ballarka soohdinta wajigu waxaa weeye labada dhegood inta u dhexeysa. Wajiga kulligiis, oo ah inta soohdimahaas u dhexeeya, waa in biyaha lagu dhaqaa. Gacmihiinna dhaqa ilaa laga gaaro xusullada, oo xusullada la dhaqa. Madaxyadiinna biyaha ku masaxa. Lugihiinna Dhaqa, anqawyada intii laga gaaro, oo anqawyada la dhaqa".
Waxaa Bukhaari, Muslim, Abu Dauud iyo Tarmathi ay Abu Hureyra, kulligood Allaha Raalli ka Ahaadee, ka wariyeen inuu Nabigeenna, Caleyhissalaatu Wassalaamu, ka weriyey xadiith macnihiisu yahay: "Ilaahay midkiinna ka aqbali maayo salaad, hadday wax ka yimaadaan, jeer uu weseysto". Waxaa loo weseystaa sida soo socota:
1. Qalbiga ka niyeyso inaad weseysato.
2. Afkana waxaad ka oraneysaa BISMILLAAHI NAWEYTUL WUDUUA
3. Labadaada gacnood, ilaa cumaacumaha, biyo ku dhaq saddex jeer adigoo faraha dhexdooda dhaqaya.
4. Saddex jeer biyo ku luqluqo, soona tuf biyaha. 5. Saddex jeer sandaarso, taasoo ah inaad sacabka gacantaada midigta ah biyo ku shubtid oo intaad sankaaga saartid neefta kula jid si ay sanka u galaan. Kaddib faraha gacantaada bidixda ah sanka ku qabo oo biyihii ku jirey neeftaada ugala soo bixi.
6. Saddex jeer wajigaaga biyo ku dhaq, inta u dhexeysa timo qabadka ilaa garka hoostiisa; iyo inta u dhexeysa labada dhegood.
7. Gacantaada midigta ah ilaa xusulka saddex jeer dhaq, xusulkana la dhaq.
8. Gacantaada bidixda ah ilaa xusulka saddex jeer dhaq, xusulkana la . dhaq.
.9 Saddex jeer madaxa biyo mari.
10. Saddex jeer dhegaha gudohooda farta suulka ku xigta biyo kula soo dhaq, adigoo isla markaas suullkaaga dhegaha korkooda muuqda biyaha la marinaya.
11. Saddex jeer lugtaada midigta ah ilaa anqawga dhaq oo anqawga la dhaq. Faraha lugta dhexdooda dhaq.
12. Saddex jeer lugtaada bidixda ah ilaa anqawga dhaq, anqawgana la dhaq. Faraha lugta dhexdooda dhaq.
Markaad weseysashada dhammeysid, duceyso, adigoo oranaya: ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAHU WA ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN RASUULULLAAHI SALLALLAAHU CALEYHI WASALLAM ALLAAHUMMA AJCALNII MINATTAWAABIINA WAJCALNII MINAL MUTADHAHARIINA."
BURIYAYAALKA WEYSADA
Weysadu waxay ku burtaa, oo mar kale in la weseysto ay waajib noqoneysaa hadday qofka ku dhacaan arrimaha soo socda:
1. Hadday labada jid wax kasoo baxaan, sida kaadi, saxaro, dhuuso, mino, madhii, wathii.
2. Haddii qofku seexdo oo hurdo buuxda uu seexdo oo uu xisku ka tago. Hadduu fadhiga ku seexdo, isagoo salka dhulka ku haya, weysadu ka buri mayso.
3. Haddi qofka caqligu ka tago, isagoo ama waashay, ama khamro ku sakhraamay, ama droogo ama daawo ay caqliga ka qaadeen.
4. Haddii uu qofku gacantiisa cad farji ku taabto.
5. Haddii ninku haween nikaax u qaban karo jirkkeda uu taabto, ama haweentu nin nikaax u qaban karo jirkiisa ay taabato. Mar walba kan wax taabtay iyo midka la taabtay labadaba weysadu waa ka bureysaa.
6. Qofkii mayd dhaqa weysadu way ka bureysaa.
SALAADDA
Salaaddu waa cibaado ay ka mid yihiin waxyaalo qalbiga la gashado, waxyaalo afka laga yiraahdo iyo waxyaalo xubnaha lagu sameeyo. Salaadda waxaa lagu galaa ALLAAHU AKBAR, waxaana looga baxaa ASSALAAMU CALEYKUM.
XIRASHADA SALAADDA
Salaadda Subixii waxaa loo xirtaa sida soo socota: NAWEYTU USALLII FARDA SALAATIL SUBXI RAKCATAANI LILLAAHI TACAALAA ALLAAHU AKBAR. Salaadda Duhur waxaa loo xirtaa sida soo socota: NAWEYTO USALLII FARDA SALAATIL THUHRI ARBACA RAKACAATIN LILLAAHI TACAALAA ALLAAHU AKBAR. Salaadda Casar waxaa loo xirtaa sida soo socota: NAWEYTU USALLII FARDA SALAATIL CASRI ARBACA RAKACAATIN LILLAAHI TACAALAA ALLAAHU AKBAR. Salaadda Maghrib waxaa loo xirta sida soo socota: NAWEYTU USALLII FARDA SALAATIL MAGHRIBI THALAATHA RAKACAATIN LILLAAHI TACAALAA ALLAAHU AKBAR. Salaadda Cishe waxaa loo xirtaa sida soo socota: NAWEYTU USALLII FARDA SALAATIL CISHAAI ARBACA RAKACAATIN LILLAAHI TACAALAA ALLAAHU AKBAR.
Markaad xiraneysid labadaada gacnood kor u qaad, adigoo xusullada dibadda u jeedinaya, labadaada suul gacmeedna labada dacal ee dhegahaaga taabsiinaya.
Salaadda subax waa laba rakco Salaadda Thuhur waa afar rakco Salaadda Casar waa afar rakco Salaadda Maghrib waa saddex rakco Salaadda Cishe waa afar rakco
Allahu akbarta xirashada waqtigeeda lagu dhawaaqo waxaa afka carabiga lagu yiraahdaa Takbiiratul Ixraam, macneheeduna uu yahay in marka aad ku dhawaaqdo laga bilaabo ilaa aad salaadda ka baxeysid aad iska reebtay oo ayan kuu bannaaneyn waxyaalo ku dhawaaqiddaas horteeda ku bannaanaa, sida hadalka, wax cunidda, wax cabidda, qosolka, socodka, iwm.
TAAGNAANTA
Markaad salaadda u istaagtid oo aad xiratid, waa inaad Istaagtid adigoo toosan, lugahaagu ay xoogaa kala durugsanyihiin, jilbuhu ay toosan yihiin oo ayan laabneyn. Indhahaagu waxay fiirinayaan barta aad ku sujuudeysid. Gacanta midigta ah waxay kor saaran tahay gacanta bidixda ah, faraha gacnuhuna way toosan yihiin, xoogaana kala durugsanyihiin. Labada gacnood waxay saaran yihiin xabadkaaga.
AKHRINTA
Markaad salaadda xiratid, akhrinta waxaad ka bilowdaa ducada salaadda lagu bilaabo, waxaadna oraneysaa SUBXAANALLAAHUMMA WA BIXAMDIKA WA TABAARAKA ISMUKA WA TACAALAA JADDUKA WA LAA ILAAHA GHEYRUKA. Ducadaas hoos u akhri. Kaddib waxaad Ilaahay ka magan gashaa sheydaanka, adigoo hoos u oranaya ACUUDU BILLAAHI MINA SHEYDAANI ARRAJIIMI. Markaas kaddib waxaad akhridaa FAATAXADA, oo ah tan hoos ku qoran:
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI (1) AL XAMDU LILLAAHI RABBILCAALAMIINA (2) ARRAXMAANI ARRAXIIMI (3) MAALIKI YAWMIDDIINI (4) IYAAKA NACBUDU WA IYAAKA NASTACIINU (5) IHDINASSIRAADHAL MUSTAQIIMA (6) SIRAADHALLADIINA ANCAMTA CALEYHIM GHEYRIL MAGHDUUBI CALEYHIM WALADAALLIINA (7) Aamiin.
Markaad Faataxada akhridid kaddib, Suurad ama Aayado Quraan ah akhri. Quraanka Faataxada kaddib la akhriyo waxaa lagu akhriyaa labada rakcadood oo salaadda ugu horreeya oo keli ah. Rakcadaha saddexaad iyo rakcadaha afaraad Faataxada keli ah akhri.
Tusaale ahaan, Faataxada kaddib waxaad akhridaa: BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI IDAA JAA'A NASRULLAAHI WALFATXU (1) WARAEYTANNAASA YADKHULUUNA FII DIINILLAAHI AFWAAJA (2) FASABBIX BIXAMDI RABBIKA WASTAGHFIRHU INNAHU KAANA TAWAABAN.(3).
iyo waxaad akhridaa:
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI QUL HUWALLAAHU AXADUN (1) ALLAAHUSSAMADU (2) LAM YALID (3) WALAM YUULAD (4) WALAM YAKUN LAHU KUFUWAN AXAD (5)
RUKUUCA
Markaad akhrinta Faataxada iyo Suradda Quraanka ah ama Aayadaha Quraanka ah dhammeysid, waxaad oraneysaa ALLAHU AKBAR, adigoo labadaada gacnood kor u qaadaya oo labadaada suul gacmeed labada dhegood dacalladooda taabsiinaya. Markaasaad rukuceysaa, adigoo dhabarkaaga laabaya. Gacnaha oo faruhu toosanyihiin oo kala durugsanyihiin labada jilib baad ku qabaneysaa. Jilbuhu ma laabna ee waa toosan yihiin. Dhabarku waa siman yahay, hadday kuu suurtowdo, oo haddi koob biyo ku jiraan la saaro, intaad rukuucsantahay waa inayan bihu daadanin. Indhahaagu barta sujuudaada ayey ku jeedaan. Adigoo sidaas u rukuucsan saddex jeer waxaad oraneysaa SUBXAANA RABBIYAL CATHIIMI WA BIXAMDIHI. Kaddib rukuuca waad kasoo kaceysaa.
KASOO KICIDDA RUKUUCA
Markaad soo kaceysid madaxaaga kor usoo qaad, gacnaha jilbaha kasoo qaad, waxaadna oraneysaa SAMICALLAAHU LIMAN XAMIDAH. Gacnahaaga kor usoo qaad, adigoo calaacalaha kor u jeedinaya, xabadkaagana ay la siman yihiin. U istaag si toosan, adigoo gacnahaaga labadaada dhinac ku dhererinaya. Markaad istaagga ku xasishid, waxaad oraneysaa RABBANAA WALAKAL XAMDU. Kaddib sujuud dhulka ugu dego, adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR.
SUJUUDDA KOOWAAD
Waxaad ku sujuudeysaa oo aad dhulka dhigeysaa 7 xubnood, oo kala ah wajiga, labada calaacalood, labada jilib, iyo faraha labada cagood. Sanku wajiguu ka mid yahay oo dhulkaa la dhigayaa. Wajiga iyo jilbuhu waa siman yihiin oo waa isku beegan yihiin. Calaacaluhu waxay la siman yihiin madaxa. Maduxu wuu ka durugsanyahay jilbaha. Xusulladu dibadda ayey u baxsan yihiin. Intaad wajiga dhulka ku haysid oo aad sujuudsan tahay waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI. Kaddib sujuudda waad kasoo kaceysaa.
KASOO KICIDDA SUJUUDDA IYO FARIISIGA
Wajiga dhulka kasoo qaad, adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR, oo soo fariiso. Labada calaacalood dhulka kasoo qaad oo labada bawdo dushooda saar, ayagoo faruhu hore u fidsanyihiin, kalana durugsanyihiin. Faraha foodoodu waxay dul saaran yihiin jilbaha. Ku fariiso lugta bidixda ah, lugta midigta ahna fareheeda foodooda ku istaaji. Indhuhu waxay fiirinayaan barta sujuudda. Kaddib waxaad sujuudeysaa mar labaad.
SUJUUDDA LABAAD
Fadhiga kaddib waxaad oraneysaa ALLAAHU AKBAR, oo mar labaad ayaad sujuudeysaa, adigoo wajiga iyo calaacalaha dhulka ku celinaya. Adigoo sujuudsan waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI. Sujuudda labaad kaddib waxaad usoo kacdaa rakcada labaad.
RAKCADA LABAAD
Markaad sujuudda labaad dhammeysid, waxaad u kacdaa rakcada labaad,
adigoo dhulka kasoo qaadaya madaxaaga, calaacalaha iyo jilbaha. Isla markaas
waxaad oraneysaa ALLAAHU AKBAR, waadna istaageysaa. Si toosan u istaag,
gacanta midigta ah midda bidixda ah kor saar, barta sujuudaadana fiiri.
Waxaad akhridaa Faataxada. Faataxada kaddib waxaad akhridaa Suurad Quraan
ah ama Aayado Quraan ah. Kaddib waxaad oraneysaa ALLAAHU AKBAR, waadna
rukuuceysaa. Adigoo rukuucsan ayaad saddex jeer waxaad oraneysaa SUBXAANA
RABBIYALCATHIIMI WA BIXAMDIHI. Markaas kaddib rukuuca kasoo kac adigoo
oranaya SAMICALLAAHU LIMAN XAMIDAH. Markaad taagnaanta ku xasishid waxaad
oraneysaa RABBANAA WALAKAL XAMDU. Salaadda Subax markaad rakcada labaad
kasoo kacdid, kadib markaad tiraahdid RABBANAA WALAKAL XAMDU, waxaad akhridaa
ducada QUNUUTKA: Labadaada gacmood xabadkaaga la soo sin oo kor u soo qaad,
ayadoo calaacaluhu dhanka kore u jeedaan, waxaadna oranaysaa: ALLAAHUMMA
AHDINAA FIIMAN HADEYT, WA CAAFINAA FIIMAN CAAFEYT, WA TAWALLANAA FIIMAN
TAWALLEYT, WA BAARIK LANAA MINAL KHAYRI FIIMAA ACDHEYT, WA QINAA WASRIF
CANNAA BIRAXMATIKA SHARRA MAA QADEYT, FA INNAKA TAQDII WALAA YUQDAA CALEYK,
FA INNAHU LAA YUCIZU MAN CAADEYT, WALAA YUTHILLU MAN WAALEYT, TABAARAKTA
RABBANAA WA TACAALEYT, WALXAMDU LAKA CALAA MAA QADEYT, WA NASTAGHFIRUKA
ALLAAHUMMA WA NATUUBU ILEYK, WASALLALLAAHU CALAA SAYIDINAA WA MAWLAANAA
MUXAMMADIN, ANNABIYIL UMMIYI, WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALLAM TASLIIMAN
KHATHIIRAN. Kaddib waxaad oraneysaa ALLAAHU AKBAR oo sujuud dhulka ugu
dego. Adigoo sujuudsan waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA
WA BIXAMDIHI. Kaddib sujuudda kasoo kac adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR, kuna
fariiso lugta bidixda ah. Lugta midigta ah fareheeda foodooda ku istaaji.
Kaddib mar labaad sujuud adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR. Adigoo sujuudsan
waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI. Kaddib
sujuuda kasoo kac adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR, soona fariiso, adigoo lugtaada
bidixda ah ku fariisanaya, lugta midigna fareheeda foodooda ku istaajinaya.
Adigoo sidaas u fadhiya ayaad waxaad akhrineysaa ataxyaadkii hore.