HAWEENKIISII (Sallallaahu Caleyhi Wasallam)

Waxaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Aayadda 6 ee Suuratul Axzaab ku yiri:

Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Nabigaa uga roon (turid badan) Mu'miniinta naftooda, haweenkiisuna waa Hooyooyinkood." Taas macneheedu waxaa weeye in Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, rumayntiisa iyo adheeciddiisa ayaa Mu'miniinta uga xaq badan naftooda, Haweenka Nabiguna, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, waa Hooyooyinka Mu'miniinta. Wuxuu Nabi Muxammad, Sallallahu Caleyhi Wasallam, guursaday 14 haween. Afar iyo tobankaas wuxuu la gogol galay 12 ka mid ah. Wuxuu isku mar qabay 11 haween, wuxuuna ka dhintay, oo markuu dhimanaya u dhaxay, sagaal.

KHADIIJA

Haweenkiisa waxaa ugu horreysay Khadiija bintu Khuweylid, oo uu guursaday markuu sanadku ahaa 595. Magaceedu wuxuu ahaa, Allaha raalli ka noqdo ayadana raalli ka dhigee, Khadiija bintu Khuweylid bin Asad bin Cabdul Cuzzaa bin Qusay, waxayna ahyd haween caqli badan, xoogna leh, sharaf badan, hodan ah oo maal badan leh, qurux badan, xagga nasabkana qabiilka Qureysh bartamihiisa ah, uguna sharaf weyn. Waqtigii jaahiliga ee Islaamka ka horreeyey, waxaa lagu magacaabi jiray "Al Dhaahirah", oo macneheedu yahay tii dhaahirka ahayd, nadiifka ahayd. Waxaa kaloo lagu magacaabi jiray "Sayyidati Qureysh", oo ah Quresyh hoggaamiyaddeedii. Rag badan oo Qureysh ka mid ah ayaa doonay inay guursadaan, dhamaantoodse way diiday. Marka Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ka soo noqday safarkii ganacsi oo uu Dalka Shaam ku aaday, asagoo Khadiija maal ay leedahay siday oo ayada ganacsi usoo samaynayay, oo uu ijaar uga qaadanayay, waxay u dirtay cid gaarsiisa inay dooneyso inuu guursado, guurkaasna ka dhaadhicisah. Waxaa la yiri waxay u dirtay walaasheed; waxaa kaleeto oo la yiri waxay u dirtay haween la oran jiray Nafiisah, oo ay ayadu lahaan jirtay. Markay Nafiisah la hadashay, oo ay fartiintii guurka gaarsiisay, ayuu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuu yiri: "Ma haysto oo gacantayda kuma jiro maal aan ku guursado". Markaas ayay waxay ku tiri: Haddii maal lagaa kaafiyo, oo aan lagaa doonayn, laguuguna yeero maal iyo qurux iyo sharaf iyo nasab midkaaga u dhigma, ma yeeleysaa? Wuxuu yiri, Sallallaahu Caleyhi Wasallam: "Waa haweentee?" Waxay ku tiri: Khadiija. Wuxuu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, yiri: "Waa yeelayaa". Markaas ayey inta tagtay, akhbaartii Khadiija gaarsiisay. Markaas ayey Khadiija fartiin kale Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u dirtay, ayna ku leedahay: "Maalin hebel saacad hebla imow." Waxay Khadiija u yeertay adeerkeed Camru bin Asad, si uu ugu guuriyo, kaasoo yeelay oo yimid. Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuu gurigii soo galay asagoo ay la socdaan adeerradiis, kuwaasoo midkood u guuriyay. Markaas ayaa adeerkeed Camru bin Asad wuxuu yiri, asagoo u jeeda Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam: "Ninkaan kariimka ah ma dulloobahayo." Markaas uu guursanayo, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, da'diisu waa 25 sano; Khadiijana waxay jirtay 40 sano, waxayna ahayd 2 bilood kaddib markuu Shaam ka soo noqday. Guurkaas waxaa goobjoog ka ahaa madaxdii Mudar (Mudar wuxuu ahaa awoowaha 17 ee Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam), iyo Abuu Bakar Al Siddiiq, Allaha raalli ka noqdee. Markii la farristay ayaa Abuu Dhaalib, Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam. adeerkiis, wuxuu yiri: "Mahad Ilaahay ayaa iska leh, Ilaahaasoo naga dhigay ilmihii Ibraahiim, iyo abuurkii Ismaaciil iyo macdantii Macadda (Waa awoowaha 19 ee Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam) iyo asalkii Mudar, nagana dhigay kuwa xannaaneeya Gurigiisa (kacbada) iyo ilaalada Xaramkiisa, noona yeelay Guri loo soo xajjiyo iyo Xaram aamin ah, dadkana nooga dhigay kuwii xukaam u ah. Intaas kaddib, walaalkay wiilkiisaan, Muxammad bin Cabdullaahi, oo ninkii kaleetoo lala miisaamaba uu ka culusaanahayo, kana badinahayo xagga sharafta, karaamada akhlaaqda iyo fadli (deeq uu cid kasta dheer yahay) iyo caqli. Haddii ay maalkiisa yaraan ku jirto, maalku waa hoos zuulaya iyo amar tegaya. Muxammad waa midka aad qaraabannimadiisa barateen, wuxuuna soo doonay Khadiija bintu Khuweylid, wuxuuna bixinayaa intaas oo meherkeedi ah oo uu hadda bixinayo iyo intaas oo uu bixinayo waqti dambe (haddii furriin yimaado). Intaas kaddib, Wallaahi asaga waxaa u sugnaaday arrin weyn iyo makaan iyo martabo weyn oo ballaaran". Waxaa la yiri Khadiija meherkeedu, uu Nabi Muxammad ku mehersaday, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuu ahaa 12 wiqiyadood iyo nus dahab ah: halkii wiqiyadna waxaa qiimeheedu ahaa 40 Dirham. Waxaa kaloo la yiri meherkeedu wuxuu ahaa 20 halaad oo geel dheddig ah: waxaana dhici karta in qiimaha geelaasu la mid ahaa intaasoo wiqiyadood oo dahab ah. Allana u cilmi leh. Markii uu Abii Dhaalib khudbaddiisii dhammeeyey, waxaa hadalkii qaatay Waraqah bin Nawfal, oo ahaa Khadiija ina adeerkeed, wuxuuna yiri: "Mahad waxay u sugnaatay Ilaahaygii naga yeelay sida aad u xustay, nagana korraysiiyey inta aad tirisay. Annagu waxaan nahay madaxdii carabta iyo hoggaamiyayaalkeeda. Adinkuna intaas oo dhan waad mudan tihiin. Cashiiradu inkiri mayso fadligiinna iyo sharaftiinna. Waxaan dooneynnaa inaan qabsanno xariggiinna, lana xiriirno sharaftiinna. Markhaati iiga ahaada, madaxdii Qureyshey, inaan Khadiija bintu Khuweylid u guuriyay Muxammad bin Cabdullaahi, meherkeeduna uu intaas yahay." Markuu intaas yirina, wuu aamusay. Markaas ayaa Abuu Dhaalib wuxuu yiri: "Waxaan jeclaan lahaa inuu adeerkeedna hadalkaagaas kula wadaago": khadiija aabeheed wuxuu ahaa Khuweylid bin Asad, wuxuuna dhintay dagaalkii la magac baxay "Xarbul Fujjaar", ka hor. Markaas ayaa Khadiija adeerkeed, Camru bin Asad, wuxuu yiri: "Madaxdii Qureyshey, markhaati iiga ahaada: anigu waxaan Muxammad bin Cabdullaahi ku nikaaxay Khadiija bintu Khuweylid". Markaas ayaa Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, aqbalay, oo nikaaxaas oggolaaday: waxaa markhaati ka ahaa madaxdii Qureysh. Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuu sameeyey waliimo, wuxuuna qalay hal geel ah. Waxaa kale oo la yiri wuxuu qalay 2 halaad oo geel ah, oo dadkii cunnadaas la siiyay. Khadiija waxay gabdhihii gurigeeda joogay, markaas, amartay inay dufuufta tumaan, oo cayaaraan. Abuu Dhaalib, si weyn ayuu guurkaas ugu farxay, wuxuuna yiri: "Mahad Ilaahay ayaa iska leh, kaasoo naga qaaday kurbadii, nagana celiyay ghammi iyo ciriiri." Taasu waxay ahayd waliimaddi ugu horreysay oo Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, uu sameeyo. Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, hortiisa waxaa Khadiija guursaday, ayadoo bikro ah, nin la oran jiray Catiiq bin Caaid bin Cabdullaahi bin Camru bin Makhzuum, waxayna u dhashay gabar magaceedu ahaa Hinda bintu Catiiq. Kaddibna ninkaas wuu ka dhintay. Kaddib waxaa guursaday nin la oran jiray Abuu Haalah Al Nabaash bin Zaraarah, waxayna u dhashay gabar magaceedu ahaa Hinda bintu Abii Haalah iyo wiil magaciisu ahaa Haalah ibn Abii Haalah. Sidaas daraadeed Hinda bintu Catiiq iyo Hinda bintu Abii Haalah iyo Haalah ibn Abii Haalah waxay walaalo ahaayeen ilmihii Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, kuwaasoo ay isku hooyo ahaayeen, ayna wada dhashay Khadiija bintu Khuweylid. Markii uu Khadiija guursaday kaddib, Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, safar kale oo ganacsi uma bixin, wuxuuse ku nagaaday Makkah, ilaa iyo intuu Madiina uga haajiro. Khadiija waxay u dhashay Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ilmihiisa oo dhan, intaan Ibraahiim ahayn, oo ay dhashay Maria Al Qibdhiyyah. Ilmihiisa ay Khadiija dhashay waxaa ugu weynaa Al Qaasim, waxaana ku xigtay Zaynab, waxaana ku xigtay Ruqayyah, waxaana ku xigtay Ummu Kulthuum, waxaana ku xigtay Faadhimah, waxaana ugu yaraa Cabdullaahi. Intii uu Khadiija qabay, Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, haween lama guursan: wuxuu haweenka kale guursaday kaddib markay ayadu dhimatay, markii sanadku ahaa 620.

SAWDAH bintu ZAMCAH

Markii ay Mu'miniinta Hooyadood Khadiija bintu Khuweylid dhimatay ka bacdi, Allaha raalli ka noqdee, waxaa Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, uu guursaday Mu'miniinta Hooyadood Sawdah bintu Zamcah. Sawdah bintu Zamcah, intuusan guursan Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, waxaa qabi jiray ina adeerkeed, magaciisuna ahaa Al Sakraan bin Camru. Al Sakraan wuxuu ka mid ahaa asxaabtii Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, oo Dhulka Xabashada u haajiray, markay taariikhdu ahayd bisha Rajab ee sanadka shanaad ee Nabinnimada. Markii uu Makkah ku soo noqdayna wuu dhintay. Sawdah ilmo uma ayan dhalin. Sababta ay muhaajiriintii koowaad dalka Xabashada uga soo noqdeen, oo ay Makkah ugu soo noqdeen, waxay ahayd ayadoo uu islaamay Cumar bin Khadhaab, Allaha ka raalli noqdee, oo markaas ku kalsoonaaday inayan gaaladii reer Makkah ayan dhibaato u gaysan karin cabsi ay Cumar ka qabaan daraadeed, iyo ayadoo Diintii Islaamka, oo markaas cusbayd, sirnimadii iyo qarsoodigii laga soo saaray oo dadka loo soo bandhigay, markii ay taariikhdu ahayd sanadkii lixaad ee Nabinnimada, sida lagu amray Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Aayadda 94 ee Suuratul Xijri, oo oranaysa: "FASDAC BIMAA TU'MARU WA ACRID CANIL MUSHRIKIINA", oo macneheedu yahay: "Ee muuji waxa lagu faray iskagana jeedso mushrikiinta". Kaddib markii uu Al Sakraan bin Camru ka dhintay, waxaa Sawdah guursday Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, bishii Ramadaan ee sanadka tobnaad ee Nabinnimada, iyo dhimashadii Khadiija ka bacdi, labadoodaba Allaha raalli ka noqdee. Sawdah waxay Madiina ku dhimatay bishii Shawaal ee sanadkii 54 ee Hijrada, zamankii khilaafada Mucaawiyah.

CAAISHAH

Kaddib waxaa Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, guursaday Ummul Mu'miniin Caaisha, Allaha raalli ka noqdee. Caaisha waxaa dhalay Abuu Bakar Al Siddiiq, hooyadeed magaceeduna wuxuu ahaa Ummu Rumaan bintu Caamir. Waxay dhalatay sanadkii sideedaad ama midkii sagaalaad ee Hijrada ka horreweyey, oo ku beegnaa 613 iyo 614, ayadoo yar ayayna islaamtay. Haween bikro ah oo aaan ayada ahaynna Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ma guursan, wuxuuna ku nikaaxsaday Makkah bishii Shawaal ee Hijrada ka horreysey, ayadoo da'deedu tahay 6 sano jir; wuxuuna kula aqal galay Madiina bishii Shawaal ee Hijrada 8 bilood ka dambaysay, ayadoo da'deedu tahay sagaal sano. Meherkeedu wuxuu ahaa 400 Dirham. Haweenkiisa ayaduu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ugu jeclaa, Khadiija kaddib, koofaarteeduna waxay ahayd "Ummu Cabdullaahi" oo ah Cabdullaahi hooyadiis. Waxaa Ummu Cabdullaahi loogu bixiyey walaasheed, oo ahayd Asmaa' bintu Abuu Bakar, ayaa waxay dhashay Cabdullaahi bin Zubayr: wiilkaas ay habaryarta u ahayd, oo ay dhabteeda ku hayn jirtey, oo sidaas ku soo korisay, ayaa ugu yeeri jiray "hooyo". Caaisha waxay Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ka warisay 2210 Xadiith, waxayna ka mid ahayd haweenka kuwa ugu caqliga badan. Hadalkeedu wuxuu ahaa faseex, garadkeeduna mid fiyow. Waxay xifdisanayd, oo ay korka ka tiqiin, qasaaid badan. Waxay ahayd deeqsi kariimad ah, waxna meel ma ayan dhigan jirin oo ma kaydsan jirin. Zamankeedii, ayadaa u xifdi badnayd Xadiithka Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, waxaana ka wariyay rag iyo haweenba. Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuu dhintay ayadoo 18 sano jirtah, wuxuuna dhintay asagoo madaxiisu saaranyahay xabadkeeda, inta u dhaxeysa laabxuunshaha iyo dhuunteeda, waxaana lagu duugay gurigeeda, meeshii ay sariirtiisu tiil. Caaishah, Allaha raalli ka noqdo ayadana raalli ka dhigee, waxay dhimatay habeen talaado ee bisha Ramadaan tahay 17 ee sanadkii 57 ee Hijrada, kuna beegnayd 13 july 678, waxayna jirtay 67 sano. Waxaa ku tukaday Abuu Hureyra, waxaana habeennimo lagu duugay qubuuraha Baqiic ee Madiina. Waqtigaas waxaa Madiina xukumay Marwaan bin Al Xakam, waxuuna ahaa zamanka khilaafadii Mucaawiyah. Marwaan sanadkaas wuxuu Makkah u aaday Cumro, wuxuuna xilka maamulka Madiina u sii dhiibay Abuu Hureyra. Waxaa uu Fakhr Raazi Tafsiirkiisa Quraanka, juzka afaraad, bogga 656 uu Al Qaasim bin Muxammad ka wariyay inay Caaisha, Allaha raalli ka noqdee, tiri: "Waxaan uga fadli badanahay haweenka Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, toban arrimood, oo kala ah: Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, haween bikro ah aniga ayuu iga guursaday, haweenka kalena ma ayan ahayn; hooyadii iyo aabihii i dhalayna labaduba waxay ahaayeen muhaajiriin (oo Makkah ayay ka haajireen oo Nabigay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam Madiina ula haajireen); Jibriil, Caleyhissalaam ayaa u keenay masawirkeyga oo maro xariir ku yaal wuxuuna amray inuu i guursado; aniga iyo asagu hal weel ayaan ku wada qubaysan jirnay; Jibriil, Caleyhissalaam, ayaa Waxyiga ku soo dejinayay anigoo hal maro la huwan; wuxuu i nikaaxsaday bisha Shawaal wuxuuna ila aqal galay bil shawaal; waxaa nafta laga qabtay asagoo ku jiifa inta u dhexeysa laab xuunshadeyda iyo dhuuntayda; dambi la'aanteyda Ilaahay, Tacaalaa, ayaa Samada ka soo dejiyay; waxaana lagu duugay gurigayga. Intaas oo dhan haween igala mid ah ma jirto."

XAFSAH

Bisha Shacbaan ee sanadka saddexaad ee Hijrada ayaa Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuu guursaday Xafsah bintu Cumar bin Khadhaab, Allaha ka wada raalli noqdee, kaddib markii ay ciddada ay tirsaneysay u dhammaatay, ayadoo uu ninkii qabi jiray uu dhintay: ciddada ay haweentu tirsanayso, haddii uu ninkay u dhaxday asagoo qabah dhinto, waa afar bilood iyo toban maalmood, sida ku qoran Aayadda 234 ee Suuratul Baqarah:

Aayadda macneheeduna waxaa weeye: "Kuwa la oofsado (Dhinto) oo idinka mid ah oo ka taga haween waxay sugi (Ciddo) naftoodu afar bilood iyo toban bari". Xafsah waxaa qabi jiray nin magaciisu ahaa Khunays bin Xudaafah Al Sahmiy, oo ka mid ahaa kuwii Saabiqiinta ahaa, oo diinta islaamka bilawgeedii galay. Wuxuuna ka mid ahaa dadkii Arli Xabasho u haajiray, kaddibna intuu Madiina ku soo noqday ka qayb galay dagaalkii weynaa ee Uxud, wuxuuna u dhintay dhaawac dagaalkaas ku soo gaaray. Cumar bin Khadhaab wuxuu yiri, Allaha raalli ka noqdee, Xafso waxay dhalatay ayadoo Qureysh ay Kacbada dhisayso, 5 sano ka hor intaan Nabi Muxammad Risaalada loo soo dhiibin oo la soo dirin, Sallallaahu Caleyhi Wasallam. Ninkaas Xafsa qabi jiray, oo ahaa Khunays, waxaa mar Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u diray Boqortooyadii Kisraa ee Iiran. Markii uu Khunays dhintay, Xafsana ay noqotay garoob, ayaa Cumar u sheegay Abuu Bakar, una bandhigay inuu guursado. Abuu Bakar ugama jawaabin oo wuu ka aamusay oo hal erayna kuma uusan oran. Cumar arrintaas wuu ka carooday, markaas ayuu gabadhiisii Xafsah wuxuu u soo bandhigay Cuthmaan bin Caffaan inuu guursado, kaasoo ay ka dhimatay Ruqayyah, gabadhii Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam. Cuthmaan wuxuu Cumar ku yiri: "Ma doonayo inaan waqtigaan guursado". Cumar wuxuu markaas u tegay Rasuulkii Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuuna uga dacwooday Cuthmaan bin Caffaan. Markaas ayaa Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuu Cumar ki yiri: "Xafsah waxaa guursanaya mid Cuthmaan ka khayr badan, Cuthmaanna wuxuu guursanayaa mid ayadu Xafsah ka khayr badan". Qofka Cuthmaan bin Caffaan ka khayr badan oo Xafsah guursaday waa Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam. Qofka Xafsah ka khayr badan oo Cuthmaan guursadayna waa Ummu Kulthuum, gabadhii Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam. Markaas ayaa Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Xafsah aabeheed Cumar bin Khadhaab ka doonay, wuxuuna guursaday sanadkii saddexaad ee Hijrada, marka laga soo noqday dagaalkii Uxud. Markaas uu Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, guursanayo, Xafsah waxay jirtaa 20 sano. Xafsah guurkeedaan waa ka dambeeyey guurkii Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, uu Caaishah guursday. Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, mar ayuu Xafsah hal dhalqo ku furay, markaas ayaa Cumar, inta ciid madaxa isaga shubay, wuxuu yiri: "Ilaahay agtiisa Cumar iyo gabadhiisu qiimo kama laha, oo dan kama laha". Kaddibna Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Xafsah wuu soo ceshaday. Xafsah waxay dhimatay sanadkii 41 ee Hijrada, zamanka khilaafadii Mucaawiyah. Meherkeedu wuxuu ahaa 400 Dirham, oo sidaas ayuu Ibn Hishaam Siiradiisa ku xusay

ZAYNAB bintu KHUZAYMAH

Magaceedu wuxuu ahaa Zaynab bintu Khuzaymah bin Al Xaarith, waxaana la oran jiray "Hooyadii Masaakiinta", oo loogu bixiyay ayadoo wax badan masaakiinta cunno siin jirtay, sadaqo bixintana ku dheereysay. Waxaa Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Zaynab bintu Khuzaymah uu guursaday sanadkii saddexaad ee Hijrada. Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, hortiisa waxaa Zaynab qabi jiray, oo ay u dhaxday nin la oran jiray Cabdullaahi bin Jaxash, ninkaasoo shahiidnimo ku dhintay dagaalkii Uxud. Zaynab waxay Nabiga u dhxaday, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, muddo gaaban: 2 ama 3 bilood, kaddibna way dhimatay.

UMMU SALAMAH

Sanadkii afaraad ee Hijrada, wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, guursaday Ummu Salamah. Magaceedu wuxuu ahaa Hind bintu Umayyah bin Al Mughiirah Al Makhzuumiy. Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, hortiis waxaa qabi jiray oo ay u dhaxday Abii Salamah bin Cabdul Asad Al Makhzuumiy. Waxay ninkaas u dhashay Salamah, Cumar, Durrah iyo Zaynab. Markuu ninkaas ka dhintay, waxaa Hind guursaday Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam. Ummu Salamah waxay ka mid ahayd muhaajiriintii dhulka Xabashada u haajiray, kaddibna markay Makkah ku soo noqdeen, hadana Madiinah u haajiray. Marka Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, guursanahayo waxay jirtay 30 sano. Ummu Salamah ayaa ugu dhimasha dambeysay haweenkiisii, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, waxayna dhimatay sanadkii 62 ee Hijrada, zamanka Khilaafadii Yaziid.

ZAYNAB bintu JAXASH

Waxaa Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, uu guursaday Zaynab bintu Jaxash bin Ri'aab Al Asadiyah, bishii Safar ee Sanadkii shanaad ee Hijrada, una dhigantah bisha june ee sanadka 626. Zaynab waxay la dhalatay, oo ay walaalo ahaayeen, Cabdullaahi bin Jaxash, hooyadoodna waxay ahayd Umaymah bintu Cabdul Mudhalib, Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, eedadiis aabihiis la dhalatay. Zaynab waxay diinta gashay oo islaamtay bilowgii soo bixidda diinta. Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, hortiis waxaa Zaynab qabi jirey, oo furay, nin la oran jiray Zayd bin Xaarithah. Zayd waa ninka keli ah ee Ummadda Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, magiciisa Quraanka Kariimka ah lagu sheegay, Aayadda 37 ee Suuratul Axzaab. Zayd bin Xaarithah, Allaha raalli ka noqdo asagana raalli ka dhigee, asagoo 8 sano jira ayaa Mu'miniinta Hooyadood, haweentii Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Khadiija bintu Khuweylid oo lahayd, Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u hibeysey, markaas ayuu inta xoreeyey korsaday oo wiil ka dhigtay (waa waxa afka ingiriiska lagu yiraahdo adoption). Arrintaasu Nabinnimada waa ka horreysey. Markii uu wiil ka dhigtay ayaa, sida caadada carabtii jaahiliga oo islaamka ka horreysay ahayd, haddana adduunka aan islaamka ahayn looga dhaqmo, wuxuu qaatay magaciisa, waxaana loo bixiyay Zayd bin Muxammad. Asagoo Zayd uu sidaas wiilkii Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u yahay, ayuu wuxuu u guuriyay ina eedadiis Zaynab bintu Jaxash. Markii uu Zaynab u doonay, way diiday inay guursato, markaas ayaa Nabigu Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ku yiri: "Guurso". Markaas ayay tiri: "Naftayda ayaan lasoo tashanayaa". Intay sidaas u wada hadlayeen, ayaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, wuxuu soo dejiyay Aayadda 36 ee Suuratul Axzaab, taasoo oranaysa:

Aaayaddaan Kariimka ah, waxaa Sheekh Maxamuud Maxamed Cabdi, Tafsiirkiisii dhowaan soo baxay ee ahaa Quraanka Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa ee Afka Soomaaliga, Allaha thawaabtiisa u laablaabo una naxariistee, uu ku macneeyay sida soo socota: "Kuma habboona (umana bannaana) nin Mu'min ah iyo haweenay Mu'minad ah marka Eebe iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan inay khiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay dhumid cad". Markay Aayaddaan soo degatay ayay Zaynab tiri: "Rasuulkii Ilaahayow raalli miyaad ku tahay inaan guursado?" Wuxuu yiri: "Haa". Markaas ayay tiri: "Hadaba, anigu caasin mahayo Rasuulkii Ilaahay, nafteydaanna ku nikaaxiyay". Sababta ay guursiga Zayd u diidaysey wuxuu ahaa inay u aragtay inuusan Zayd ayada u qalmin, oo ayadu ka nasab sarreyso, kana laan dheertahay. Zaynab waxay ahayd haweenay kulul, markiise ay Aayaddaan soo degatay way oggolaatay, oo Zayd ayaa guursaday. Kaddib Zayd wuxuu u soo dacwoon jiray Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, asagoo u sheegaya inay dhibi jirtay, oo way iska weyneyn jirtay, xagga nasabka iyo inuusan kuf u ahayn oo uusan u qalmin. Sababtu waxay ahayd inay Zaynab Qureysh ka dhalatay, xorna ahayd, asaguna, Zayd, uusan Qureysh ka dhalan oo qabiil kale oo carab ah ka dhashay, horena uu u ahaan jiray addoon ay Khadiija bintu Khuweylid leedahay oo ay Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u hibeysey, kaddibna Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam xoreeyey oo kaba wiil yeeshay. Markii uu Zayd u soo dacwoodo, wuxuu Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ku oran jiray: "Haweentaada hayso" oo ha furin. Laakiin Zayd waa kari waayay, oo way ku adkaatay la noolaanshaha Zaynab, kaddibna wuu furay. Taasna waa wax la garan karo, oo ninna lama noolaan karo haweenay iskala wayn oo iska sarreysiinaysa. Markii uu Zayd furay, oo ciddadeedii dhammaatay, ayaa Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Zaynab guursday. Ciddada ay haweentu markii la furo kaddib ay tirsaneyso, oo jeer ay dhammaato ayan nin kale guursan karin, waxaa weeye saddex bilood, hadday wali ku jirto da'da ay haweenku caadada helaan, sida ku cad Aayadda 228 ee Suuratul Baqara: "

Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Haweenka la furayna waxay sugi naftooda saddex daahir, mana u bannaana inay qariyaan waxa Eebe ku abuuray Makaankooda. Haweenta la furay haddii ay da'deedu yartahay, oo ayanba caadada da'dii lagu heli jiray gaarin, ama ay da' weyntahay oo ay caadadii kaba go'day, waxay tirsaneysaa saddex bilood, sida ay fareyso Aayadda 4 ee Suuratul Dhalaaq:

Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Haweenkiinna caadada ka quustay haddaad shakidaan ciddadoodu waa saddex bilood." Haddii haweenta la furo ayadoo uur leh, ciddadeedu waa intay ka dhasho, sida ay noo sheegeyso qaybta dambe ee isla Aayadda 4 ee Suuratul Dhalaaq:

Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Haweenka uurka leh ciddadoodu waa inay umulaan (dhalaan)."