
KA CUNUG YEELASHO
Xikmada ku jirta in Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, uu Zaynab guursaday, kaddib markii uu furay Zayd bin Xaarithah, waxay ahayd in Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaala, buriyo caadadii xumayd oo waagaas jirtay, haddana dadka aan muslimka ahayn ku dhaqmaan, oo diidaysay in la guursado haweenta uu guursado, kaddibna furo wiil la soo korsaday oo laga wiil yeeshay. Guurkaas oo Rasuulkii Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasaallam, Zaynab guursaday, kaddib markii uu Zayd furay, ayaa lagu sharciyeeyey in guurkaas oo kale uu xalaal yahay. Asagoo sii caddeynahaya, ayaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, wuxuu Aayadda 40 ee isla Suuraddaas Kariimka ah ee Suuratul Axzaab, wuxuu ku yiri:
"MAA KAANA MUXAMMADUN ABAA AXADIN MIN RIJAALIKUM WA LAAKIN RASUULALLAAHI WA KHAATAMANNABIYYIINA WA KAANA ALLAAHU BIKULLI SHAY'IN CALIIMAN"
Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Ma aha (Nabiga) Muxammad aabaha ruux raggiinna ka mid ah, laakiin waa Rasuulkii Eebe iyo Khatimidii Nabiyada, Eebana wax walba waa ogyahay". Arrintaan tabanniga ama cunug aadan dhalin wiil ama gabar laga yeesho, ficilkaas oo afka ingiriiska lagu yiraahdo adoption, oo markaas cunuggaas magacaaga la siiyo, diinta islaamku ma oggola: waxaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Aayadda 5 ee isla Suuraddaan Al Axzaab ku yiri:
"ADCUUHUM LI AABAA'IHIM HUWA AQSADHU CINDALLAAHI".
Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Ugu yeera kuwaas aabayaalkood, saasaa ku cadaalo badan". Marka diinta islaamku ma oggola in cunug la korsado, wiil iyo gabar kuu doono ha ahaado, oo markaas magaca qofka korsaday la siiyo: diinta islaamku "adoption", ama wiil iyo gabar ka yeelasho ma oggola. Diinti waxay qabtaa in dadka masaakiinta ah wax la siiyo, gaar ahaan agoonta, lamase siin karo magac aan ahayn aabihii dhalay, mana uu dhaxli karo, maxaa yeelay run ma aha oo waa been oo ma uusan dhalin. Markay Aayaddaas soo degatay kaddib, waxaa loogu yeeri jiray Zayd bin Xaarithah, oo Xaarithah wuxuu ahaa aabihii dhalay. Taas ayaa u sabab ahayd, ayaa culummada qaarkood yiraahdeen, inuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, magaciisa Quraanka Kariimka ah ku xusay, Asagoo, Subxaanahu wa Tacaalaa, deeqdaas weyn ugu beddelaya waayiddii uu waayay in magaciisa lala xiriiriyo oo uu ku abtirsado Nabi Muxammad Sallallaahu Caleyhi Wasallam. Ilaahay, Cazza wa Jalla, Deeqsi Kariim ah weeye, oo wuxuu Zayd bin Xaaritha abtirsiinyihii uu Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasaallam, ku abtirsanayey, taasoo nasiib iyo sharaf weyn u ahayd, ugu beddelay nasiib iyo sharaf ka sii weyn oo ah in magaciisa Quraanka Kariimka ah, oo ah hadalkii Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, lagu xuso oo lagu akhriyo inta adduunkaan lagu noolyahay. Waxaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Aayadda 37 ee isla Suuratul Axzaab, ku yiri:
"FALAMMAA QADAA ZAYDUN MINHAA WADHARAN ZAWWAJNAAKAHAA LIKAY LAA YAKUUNA CALAL MU'MINIINA XARAJUN FII AZWAAJI ADCIYAA'IHIM ITHAA QADAW MINHUNNA WADHARAN WA KAANA AMRULLAAHI MAFCUULAN".
Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Markuu Zayd dantiisii ka dhammaystayna (is fureen) aan kuu guurinnay si ayan wax dhib ah u ahaanin Mu'miniinta (hadday guursadaan) haweenka ay fureen kuway wiil ka dhigteen (iyagoon dhalin) amarka Eebana waa kii la fuliyo". Waxaa Bukhaari iyo Muslim ay Abii Hurayra, kulligood Allaha raalli ka noqdee, ka wariyeen Xadiith macnihiisu yahay: "Ha ku abitirsannina cid aan ahayn aabayaalkii idin dhalay, oo aabayaalkii idin dhalay ha diidinnina, oo qofkii aabihiis diida, oo ku abtirsada aabe aan dhalin, waa kufrinnimo, gaalnimo". Waxaa Bukhaari iyo Muslim ay ka wariyeen Sacad bin Abii Waqqaas, Allaha kulligood raalli ka noqdee, inuu Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay: "QOFKII KU ABTIRSADAH AABIHIIS QOF AAN AHAYN, ASAGOO OG INUUSAN QOFKAAS AABIHIIS AHAYN, JANNADU WAA KA XAARAAN". Waxaa kaleetoo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ku yiri Aayadda 4 ee Suuratul Axzaab:
"WA MAA JACALA ADCIYAA'AKUM ABNAA'AKUM THAALIKUM QAWLUKUM BI AFWAAHIKUM."
Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Mana yeelin kuwaad sheegateenna caruurtiinna oo kale, taasi waa hadalka afkiinna uun." Waxaa Ilaahy, Subxaanahu wa Tacaalaa, Rasuulkiisa, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u waxyooday inuu Zayd haweentiisa furi doono, asaguna uu dabadiis guursan doono. Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, akhbaartaas ma uusan sheegin, Zaydna markuu u soo dacwoodo wuxuu ku oran jiray: "Hayso haweentaada", oo ha furin. Markaas ayaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Rasuulkiisa, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ku canaantay, oo Aayadda 37 ee Suuratul Axzaab ku yiri:
"WA ITH TAQUULU LILLATHII ANCAMALLAAHU CALEYHI WA ANCAMTA CALEYHI AMSIK CALAYKA ZAWJAKA WATTAQI ALLAAHA WA TUKHFII FII NAFSIKA MALLAAHU MUBDIIHI WA TAKHSHANNAASA WALLAAHU AXAQQU AN TAKHSHAAHU".
Aayadda macneheedu waxaa weeye: "(Xusuuso) markaad ku lahayd kii Eebe u nicmeeyey, adna aad u nicmaysay (Zayd bin Xaarithah) hayso haweenaydaada Eebana ka yaab, naftaadana aad ku qarinaysay wax Eebe muujin, ood kana cabsanaysid Dadka (xishoonaysid) Eebaana u muta in laga cabsado (lagana xishoodo) markuu Zayd dantiisii ka dhammaystayna (isfureen) aan kuu guurinnay si ayan wax dhib ah u ahaanin Mu'miniinta (hadday guursadaan) haweenka ay fureen kuway wiilal ka dhigteen (iyagoon dhalin) amarka Eebana waa kii la fuliyo". Sababta Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, loo canaananayo waxaa weeye, ayaa la yiri, in markii loo waxyooday, oo loo sheegay, inuu Zayd furi doono Zaynab, kaddibna uu asagu guursan doono, waxay ahayd ama inuu arrinta ka aamuso, oo uusan Zayd ku oran haweentaada hayso oo ha furin, ama uu Zayd arrinta u bandhigo, Allaha raalli ka noqdee. Rasuulkii Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ma uusan sheegin akhbaartii waxyigaas ee ku saabsanayd in Zayd uu Zaynab furi doono, asaguna uu guursan doono, cabsi uu ka qabo duridda cadawga iyo munaafaqiinta daraadeed. Markaas ayaa la canaantay. Isla markaas, Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ma uusan amrin Rasuulkiisa, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, inuu akhbaartaas loo waxyooday sheego, ee waxay ahayd ogaysiin asaga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ku kooban. Kuwa qisooyinka sheega, waxay qisadaan ka yiraahdeen hadallo aan bannaanayn, ayna tahay inaan Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ka fogaynno. Zaynab bintu Jaxash waxay haweenka kale ee Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ugu faani jirtay inuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Samada ugu guuriyay. Arooskaas wuxuu Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, sameeyay waliimo ka kooban muufo iyo hilib. Zaynab waxay ahayd haweenay suuban, soomid badan, habeenkiina, marka dadku seexdo, salaad tukasho iyo qiyaamullayl u soo kacda, wayna khayr badnayd. Gacneheeda ayay ku shaqeyn jirtay, waxay ka heshana way sadaqaysan jirtay. Magaceedu wuxuu ahaa Barrah, markaas ayaa Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u bixiyay Zaynab. Marka Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, guursaday waxay jirtay 35 sano. Zaynab ayaa u sabab ahayd in haweenka mu'minnadka ah lagu soo dejiyo amarka xijaabka, oo ah in haweenka Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, marka wax la weydiisanahyo, xijaab gadaashiis laga weydiisto. Guud ahaanba, waa Aayadda reebeysa in haween iyo rag nikaax isku qaban karo ay isku qol isugu yimaadaan. Aayaddaas, oo ah Aayadda 53 ee Suuratul Axzaab, waxay leedahay:
"WA ITHAA SA'ALTUMUUHUNNA MATAACAN FAS'ALUUHUNNA MIN WARAA'I XIJAABIN."
Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Haddaad wax warsataan Haweenka (Nabigana) ka warsada xijaab gadaashiis." Zaynab waxay dhimatay sanadkii 20 ee Hijrada, ayadoo jirta 53 sano, ayadaana ugu hooreysay mid haweenkiisa dhimata oo ka daba tagtah, Sallallaahu Caleyhi Wasallam. Markii uu ninkeedii dhintay, Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ayaa Cumar bin Khadhaab, Allaha raalli ka wada noqdee, wuxuu u soo dhiibay 12.000 Dirham, sida uu u gooyay mid walba oo ka mid ah haweenkii Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, uu ka dhintay. Markaas ayay inta lacagtaas qaadatay waxay u qaybisay qaraabadeeda iyo agoontooda, waxayna tiri: "Ilaahayow, yeeyan middaan kaddib isoo gaarin wax siin Cumar bin Khadhaab". Markaas ayay dhimatay, waxaana ku tukaday Cumar bin Khadhaab, waxaana bud dhige u ahaa oo qabrigeeda galay Usaama bin Zayd bin Xaarithah iyo Muxammad bin Cabdullaahi bin Jaxash iyo Cabdullaahi bin Abii Axmad bin Jaxash. Waxaa la yiri inay Zaynab ahayd haweentii ugu horreysay oo maydkeeda nacash lagu qaado: waxaa sida nacash loo sameeyana tilmaantay Asmaa' bintu Camiis, oo nacash ku soo aragtay dalka Xabashada. Zaynab waxaa lagu duugay qubuuraha Baqiic ee Madiina, inta u dhexeysa Daar Caqiil iyo Daar ibn Al Xaniifah. Hooyada Mu'miniinta Caaisha, Allaha raalli ka noqdee waxaa laga wariyay inay tiri: "Allaha u naxariistee, Zaynab bintu Jaxash, adduunkaan waxay ka heshay sharaf aan sharaf le'eg jirin. Ilaahay, Cazza wa Jalla, ayaa Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u guuriyay adduunyadaan. Guurkaasna Quraanka ayaa lagu sheegay. Rasuulkii Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuu nagu yiri annagoo hareerihiisa joogna: "tiinna idiinku degdegsiima badan inay iga daba timaaddo, waxaa weeye tiinna idiinku deeqsisan". Sidaas ayuu ugu bishaareeyay, Rasuulkii Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, degdegsiimada ay uga daba tegayso, Caleyhissalaatu Wassalaam, ayadoo Jannadana haweentiisa ku noqon doontah".
Koofaarta Zaynab waxay ahayd Ummul Xakam, macneheeduna yahay hooyadii garsooraha.
JUWAYRIYAH bintu XAARITH
Bishii Shacbaan ee sanadkii shanaad ee Hijrada, una dhigantah december 626, waxaa Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, guursaday Juwayriyah bintu Xaarith bin Abii Daraar. Haweentaas waxay ka mid ahayd dadkii lagu soo qafaalay dagaalkii Banii Al Musdhaliq ee 626. Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, hortiisna waxaa qabi jiray nin la oran jiray Musaafic bin Safwaan Al Musdhaliqiy, loona yiqiin "Thii al Shafreyn", kaasoo lagu dilay dagaalkaas. Magaceeda waxaa la oran jiray Barrah, markaas ayaa Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u bixiyay Juwayriyah. Waxay Mu'miniinta Hooyadood, Allaha raalli ka noqdee, Caaishah warisay in markii dagaalkaas laga soo noqday, oo Madiina lagu soo noqday, oo Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, dadkii lasoo qafaashay qaybiyay, waxaa haweentaas sad ahaan u helay nin la oran jiray Thaabit bin Qays bin Shammaas (ama nin ina adeerkiis ah). Markaas ayay ninkaas waxay ku tiri: "Ii sheeg qiimaha aan isku furto". Waxayna ahayd haween qurux badan oo qofkii arkaba uu jeclaado. Markuu u sheegay ayey Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u tagtay, oo ay waydiisatay inuu kaalmeeyo siday madaxeeda u furan lahayd. Caaisha waxay tiri: "Wallaahi markaan arkay waan kahday, waxaanna is iri: waxaad ku aragtay ayuu asaguna ku arki doonaa. Markay Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam u gashayna waxay ku tiri: "Rasuulkii Ilaahayow, anigu waxaan ahay Barrah gabadhii Al Xaarith, oo Qabiilkiisa u madax ah, balaayada igu dhacdayna ma aha mid kaa qarsoon. Waxaan weydiistay in la ii sheego qiimaha aan madaxayga ku furan karo, waana la ii sheegay. Marka igu caawin sidii aan maalkaas u bixin lahaa". Markaas ayaa Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuu ku yiri: "Wax taas kaaga khayr badan ma rabtaa?". Waxay tiri: "Waa maxay?" Wuxuu yiri, Sallallaahu Caleyhi Wasallam: "Madax furashada ayaan kaa bixinahayaa, waana ku guursanayaa". Waxay tiri: "Waa yahay". Sidaas ayuu ku guursaday, Sallallaahu Caleyhi Wasallam. Markii dadkii guurkaas maqlay, ayay waxay yiraahdeen: "Dadka aan qafaalka u haysanno waa Rasuulka Ilaahay seediyaalkiis": markaas ayay wada xoreeyeen. Waxaa madaxeeda, sidaas, loogu xoreeyey boqol qoys oo ehelkeeda ah. Marka, ma ogi haweenay dadkeeda uga barako badnayd sideeda oo kale. Markii uu guursaday, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuu xijaabay, ghaniimadii tolkeed laga soo dhacayna, sad ayuu ka siiyay." Markii uu guursanayay Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, waxay jirtay 20 sano, waxayna dhimatay markuu sanadku ahaa 50 ee Hijrada, ayadoo jirta 65 sano. Sababta guurkeedaas ayaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa wuxuu diinta islaamka ku hanuuniyay, oo islaamay, qabiilkeedii badankiis. Aabeheed Al Xaarithna waa islaamay. Halkaas ayay ka muuqanaysa xikmada uu Rasuulaka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, haweentaas u guursaday.
UMMU XABIIBAH bintu ABII SUFYAAN
Waxaa Muxammad bin Cumar laga wariyay inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ayaa fartiin u diray Najashiy, oo ahaa Boqorkii Xabashada, kaddibna islaamay, magaciisuna ahaa Asmaxah bin Abjar. Muhaajirintii koowaad oo Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, dhulkaas Xabashada u diray, kaddib markii Makkah lagu dhibay, waxay ahaayeen 12 nin iyo 4 haween ah, ayna ka mid ahaayeen gabadhii Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Ruqayyah iyo ninkeeda Cuthmaan bin Caffaan, Allaha raalli ka wada noqdee. Taariikhduna waxay, markaas ay Dhulkaas Xabashada u haajireen ahayd bisha Rajab ee sanadka 5 ee Nabainnimada, kuna beegnayd sanadka 615. Fartiinta Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u diray Boqorkaas waxay ahayd inuu u guuriyo Ummu Xabiibah, oo macneheedu yahay Xabiibo hooyadeed, bintu Abii Sufyaan, marka uu Boqorku u yeerayana uu u diro qof muslimiinta la jooga ka mid ah. Hooyadeed waxay ahayd Safiyyah bintu Abil Caas, oo ahayd eedada Cuthmaan bin Caffaan bin Abil Caas. Ummu Xabiibah magaceedu wuxuu ahaa Ramlah. Waxaa kaloo la yiri magaceedu wuxuu ahaa Hind, waxayna ahayd Saxaabigii weynaa Mucaawiyah Abii Sufyaan walaashiis. Markay fartiintii u tagtay, Boqorkii Xabashadu wuxuu Ummu Xabiibahu diray haween la oran jiray Abrahah, farayna inay u sheegto inuu soo doonay, oo doonayo inuu guursado, Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam. Markay Abrahah khabarkii u keentay, waxay Ummu Xabiibah siisay jijin la gashado lugta iyo faraati ay gashan jireen faraha lugaha, oo qalin laga sameeyay, aanse fas lahayn. Waxay intaas u siisay farax ay ku faraxday samaanta akhbaarta ay u keentay. Markaas ayaa Boqorkii waydiiyay Ummu Xabiibah inay soo sheegato waligeeda u guurinahaya, markaas ayay soo wakiilatay Khaalid bin Saciid bin Al Caas. Boqorkii ayaa markaas haweentii Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u doonay, Khaalidna wuu bixiyay, oo sidaas ayaa loo nikaaxay. Boqorkii wuxuu Khaalid u dhibbay 400 Diinaar oo meherkii Ummu Xabiibah ah. Markii lacagtaas Ummu Xabiibah loo geeyay, waxay Abraha ka siisay 50 mithqaal, oo waxay ku tiri: "Markaan wixii hore ku siinahayey waxba ma aanan haysan, haddase Ilaahay, Cazza wa Jalla, ayaa middaan keenay". Markaas ayay Abrahah waxay ku tiri: "Boqorku wuxuu i amray inaanan waxba kaa qaadan, waxaan hore kaaga qaatayna aan kuu celiyo, wayna u celisay. Waxaan hayaa subkashada iyo dharka Boqorka, waana rumeeyey in Muxammad Rasuulkii Ilaahay yahay. Muraadka aan kaa leeyahay waxaa weeye inaad salaan iga gaarsiisis Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam". Markaas ayaa Ummu Xabiibah waxay tiri: "Waa yahay". Abraha oo hadalkeedii sii wadatana waxay tiri: "Boqorku wuxuu haweenkiisa amray inay kuu soo dhiibaan waxay hayaan oo cuud iyo cambar ah", cuudkaas iyo cambaarkaasoo uu Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasllam, ku arkay ayadoo labbisan oo xiran iyo haysataba, kumana diidin. Ummu Xabiibah waxay tiri: "Waxaan ku soo safarnay labo doomood, Boqorkuna wuxuu nagu daray naakhuudayaal, ilaa aan ka tagno meesha la yiraahdo Xaar, kaddibna, mar ay duhurkii tahay ayaan Madiina gaadiid u fuulnay. Markaan Madiina tagnay, waxaan aragnay in Rasuulkii Ilaahay uu Khaybar ku maqan yahay (wuxuu jiray dagaalkii yuhuud looga furtay magaalada Khaybar: waa dagaalkii Khaybar, waxayna ahayd bisha Muxarram ee sanadkii toddobaad ee Hijrada, una dhigantah bisha agosto 628). Markaas ayaa qaarkeenna Khaybar aadeen, aniguna aan Madiina joogay, ilaa uu Rasuulkii Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, kasoo noqday". Dadka muhaajiriintaas dhulka Xabashada kasoo noqday oo Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Khaybar ugu tagay waxay ahaayeen 16 nin, oo uu ka mid ahaa Jacfar bin Abii Dhaalib, Allaha ka raalli noqdee. Markii uu Jacfar arkay, Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, intuu soo istaagay oo luqunta luqunta u geliyay, oo wajiga ka dhunkaday, ayuu wuxuu yiri: "Ma ogi labadooda kii ii farax badan: furashada Khaybar iyo imaatinka Jacfar", wuxuuna Jacfar ku yiri: "Waad ii egtahay, muuqaalka iyo akhlaaqdaba". Markaas ayaa Jacfar, Allaha raalli ka noqdee, markii uu hadalkaas maqlay, weynaanta farax uu farxay daraadiis ayuu jirkiisa ruxay, oo raqsay: Nabiguna, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, kuma inkirin, oo cayaartaas kama reebin. Is ruxiddaas ayaa asal u ah xadrada ay xadreeyaan wadaadada suufiyada ah oo dhan, meel kasta ha joogeene, markay digrinayaan, ama dhegeysanayaan, kuna macaansanayaan xusidda iyo weynnaynta Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa. Ummu Xabiibah oo hadalkeedii sii wadata waxay tiri: "Marka Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Madiina ku soo noqday, ayaan u tegay. Markaas ayuu iga wareystay Boqorkii Xabashada, anna waxaan u gudbiyay salaantii ay u soo dhiibtay Abrahah, Rasuulkii Ilaahayna salaantii oo kale ayuu ayadana salaamay". Markii uu Abii Sufyaan, Ummu Xabiibah aabeheed, arooskii yimidna, wuxuu yiri: "Ninkaan ragannimada buuxda iyo cizzada leh lama ihaaneyn karo". Markaas uu sidaas leeyahay Abii Sufyaan, gabadhiisana uu Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, guursanayo, waa gaal, oo waa intuusan islaamin ka hor. Sababta uu Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Ummu Xabiibah u guursaday waxay ahayd, ayaa la yiri, asagoo doonayay inuu aabeheed, Abii Sufyaan, oo Madaxda Qureysh ka mid ahaa, usoo duwo oo u kasboh qadiyaddiisa, oo ahayd Diinta Islaamka. Muhaajiriinta arli Xabasho jiray waxay Madiinah ku soo noqdeen fasalkii khariifka, bishii Jamaadil Awal ee sanadkii 7 ee Hijrada, una dhigantah bisha agoosto ee sanadka 628: taariikhdaas ayaa Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Ummu Xabiibah guursaday. Waxaa Ummu Xabiibah loogu bixiyay gabadheeda oo magaceedu ahaa Xabiibah bintu Cabdullaahi bin Jaxash. Magaceedu wuxuu ahaa Ramlah, waxayna u haajirtay dhulka Xabashada, ayadoo la socotay ninkeedii hore oo la oran jiray Cabdullaahi bin Jaxash, markaas ayay halkaas waxay ugu dhashay Xabiibah. Cabdullaahi bin Jaxash asagoo dulka Xabashada jooga ayuu wuxuu noqday nasaaraa (krishtaan), halkaas ayuuna ku dhintay, asagoo krishtaan ah. Boqorka Xabashida iyo qaar dadkiisa ka mid ahba waxay haysan jireen krishtaannimo la oran jiray Nestorian, oo midnimada Ilaahay qiraysa, kana duwan laamaha hadda jirah, sida katholik, protestants, iwm, oo ictiqaadsan inay jiraan sadeex Ilaah, oo hadana hal Ilaah isku ah, oo ah caqiido shaydhaan, oo ay ayagu samaysteen. Ummu Xabiibah islaannimadeedii ayay ku hartay oo ay haysatay intay dhulkaas Xabashada joogtay, kaddibna, markii uu guursaday Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, waxay soo aaday, oo timid, Madiina. Waxaa kaleeto oo la yiri in ninka ay nikaaxeeda u wakiilatay uu ahaa Cuthmaan bin Caffaan. Ummu Xabiibah waxay dhimatay sanadkii 44 ee Hijrada.
SAFIYYAH
Magaceedu wuxuu ahaa Safiyyah bintu Xuyay bin Akhdhab, wuxuuna Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, guursaday ayadoo aan wali 17 sano jirsannin, markay taariikhdu ahayd sandkii toddobaad ee Hijrada. Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, waxaa hortiis qabi jiray nin yuhuudi ahaa oo la oran jiray Sallaam bin Mishkam. Sallaam kaddib waxaa guursday nin la oran jiray Kanaanah bin Abil Xuqayq. Labadaas ninba waxay ahaayeen gabayaa yuhuud ahaa. Kanaanah waxaa la dilay asagoo qabah Safiyyah, maalintii Khaybar la furtay, bishii agosto ee sanadkii 628. Markaas kaddib ayaa Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, guursaday, sanadkii 7 ee Hijrada, una dhigantah sanadkii 628 ee miilaadiga Safiyyah waxay dhimatay sandkii 52 ee Hijrada
MAYMUUNAH bintu XAARITH
Bishii Thilqacdah ee sanadkii toddobaad ee Hijrada, una dhigantay febraayo 629, wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, guursaday Maymuunah bintu Xaarith Al Hilaaliyah, asagoo gudanahaya Cumratul Qadaa, ama Cumradaa qallada ahayd. Magaceedu wuxuu ahaa Barrah, markaas ayaa Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuu u bixiyay Maymuunah. Maymuunah waxay la dhalatay, oo ay walaalo ahaayeen, Ummul Fadli, haweentii uu qabay Cabbaas, Allaha raalli ka wada noqdee, Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, adeerkiis. Walaasheed kale, oo ay isku hooyo ahaayeen, magaceedana la oran jiray Asmaa' bintu Camiis, waxay u dhaxday Xamza, Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, adeerkiis kale. Waxaa Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u guuriyay adeerkiis Cabbas, oo ayadana siiyay 400 Diinaar, oo meherkeeda ahaa. Maymuuno waxay ahayd haweentii ugu dambeysay ee uu Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, guursaday. Waxay habaryar u ahayd, oo ay walaasheed dhashay, Khaalid bin Waliid, asxaabigii weynaa, oo markuu islaamay loo bixiyay "Seeftii Islaamka". Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, hortiis waxaa qabi jiray nin la oran jiray Abii Rahm Al Caamiriy. Hooyadii Mu'miniinta Maymuunah waxay dhimatay sanadkii 51 ee Hijrada, waxaana ku tukaday Cabdullaahi bin Cabbaas, kulligood Allaha raalli ka noqdee.
MARIA AL QIBDHIYYAH
Markii ay taariikhdu ahayd sanadka toddobaad ee Hijrada kuna beegnayd sanadkii 628 ayaa Rasuulkii Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, wuxuu warqado u kala qoray Boqorro kala duwan, uuna ka mid ahaa Boqorkii Dalka Masar xukumay, magaciisuna ahaa Jariij bin Miinaa' ahaanna krishtaan, asagoo ugu yeeraya Diinta Islaamka. Warqaddaas waxaa Boqorka Masar u geeyey nin asxaabi weyn ahaa, kana mid ahaa raggi ka dagaallamay Badar, lana oran jiray Xaadhib bin Baltacah, raalli Allaha ka noqdee. Markuu Madiina ku soo noqonahayay Xaadhib, ayaa Boqorkaas wuxuu Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ugu soo dhiibay warqad uu tiisii uga jawaabayo iyo hadiyooyin. Hadiyooyinkaas waxaa ka mid ahaa gabar magaceedu ahaa Maria Al Qibdhiyah iyo gabar walaasheed ah oo la oran jiray Siiriin ama Shiiriin. Dadka dhulkaas hadda Masar loo yaqaan degi jiray, lama oran jirin Masaari ama masriyiin, ee waxaa la oran jiray Qibdhiyiin. Marka Maria Al Qibdhiyyah, macneheedu waxaa weeye Maryantii reer Qibdhi ahayd, oo qibdhigu ma aha magaca aabeheed ama abtirsiinyaheeda. Waxaa kale oo la sheegay inay hadiyooyinkaas uu ka mid ahaa nin takhtar ah, midkaasoo uu Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ku yiri: "Ehelkaagii ku noqo. Annagu waxaan nahay qawm aan wax cunin jeer ay gaajoodaan, hadday wax cunaanna aan dhergin", oo sidaas ayaanan takhtar ugu baahneyn. Maria iyo walaasheed waxay islaameen intayan Madiina soo gaarin, ayagoo uu Diinta Islaamka ugu yeeray Xaadhib bin Baltacah, ayaguna aqbaleen. Waxaa la sheegay in Boqorka Masar uu Dalkiisa ka waayay gabar Maria ka qurxoon iyo walaasheed Siiriin. Erayga Maria, oo ah Maryan, asalkiisu waa cibri, macnihiisuna waxaa weeye: tii caabudidda badnayd, khaadimaddii Ilaaheed awaamirtiisa u adeegaysa, badinaysana caabudiddiisa. Maria iyo walaasheed waxay degganaayeen meesha la oran jiray Xafan ee ka tirasanayd Degmada Ansanaa, oo hadda ka tirsan Gobolka Asyuudh ee koofurta Dalka Masar. Maria waxay Madiinah tagtay sanadkii 8 ee Hijrada, Nabiguna, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, markuu arkay wuu la yaabay, ayadoo midabkeedu caddaan ahaa, timiheeduna ayan aad u jilicsanayn, ayse laablaabnaayeen, aadna u qurux badnayd. Markay Madiinah tagatay, waxaa Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, dejiyay guriga Ummu Sulaym bintu Milxaan, oo ahayd habaryartiis xagga nuugmada, wayna muslimtay. Wuxuu Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, kaddib u raray oo dejiyay guri uu lahaa, oo ku yiil meesha la yiraahdo Al Caariyah, kana mid ahaan jirtay maalkii ay lahaan jireen yuhuuddii Madiina degganaan jirtay, oo la oran jiray reer Banii Nadiir, kaddibna, inta laga adkaaday, Madiina laga saaray: qisadoodaas waxay ku xusantahay Suuradda Kariimka ah ee Suuratul Xashri. Wuxuu Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Maria kula gogol galay lahaansho uu lahaa. Ummul Mu'miniin Maria, Allaha raalli ka noqdee, islaamkeedu wuu fiicnaa, diintana way ku fiicnayd. Walasheed Siiriin, waxaa Nabigu Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u hibeeyay, asxaabigii ahaan jiray gabayaaga Rasuulka, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, lana oran jiray Xasaan bin Thaabit, kaasoo ay u dhashay Cabduraxmaan. Maria waxay Nabi Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u dhashay wiil, uu u bixiyay Ibraahiim. Maria waxay dhimatay zamanka khilaafadii Cumar, markii sanadku ahaa 16 ee Hijrada, waxaana lagu duugay qubuuraha Madiina ee Baqiic: qubuurahaas waa kuwa ku dheggan Masjidka Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ee Madiina. Waxaa Maria, Allaha raalli ka noqdee, ku tukaday Cumar bin Khadhaab, kaasoo dadka kula tukanayay asaga laftiisu soo aruuriyay oo isku keenay.
ASMAA' bintu NUCMAAN
Magaceedu wuxuu ahaa Asmaa' bintu Al Nucmaan Al Kindiyyah. Markuu Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, guursaday, ayuu wuxuu jirkeeda ku arkay caddaan (Waxaa la yiri baras ayay qabtay), markaas ayuu inta dhaqaaleeyay ehelkeedii u diray, oo furay.
CAMRAH bintu YAZIID
Magaceedu wuxuu ahaa Camrah bintu Yaziid Al Kilaabiyyah, taasoo markii uu guursaday Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, muddo gaaban ka hor Diinta Islaamka soo gashay oo aan si fiican u aqoonin. Markay Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, u timid, ayay ka cawdi billaysatay, oo ah inay Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ka magan gashay. Markaas ayuu ehelkeedii u celiyay. Waxaa kaloo la yiri haweenta ka cawthi billaysatay waxay ahayd Asmaa' bintu Al Nucmaan. Runtana Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ayaa og. Waxaa Bukhaari Mu'miniinta Hooyadood Caaishah ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay: "MARKII GABADHII INA JUUN AHAYD LOO SOO GELIYAY RASUULKII ILAAHAY UUNA USOO DHOWAADAY AYAY WAXAY TIRI: ILAAHAY AYAAN KAA MAGAN GALAY. MARKAAS AYUU WUXUU YIRI: CATHIIM AYAAD MAGAN GASHAY, EHELKAAGA U TAG."
HAWEENKA UU ISKU MAR QABAY Sallallaahu Caleyhi Wasaallam Wuxuu Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, isku mar qabay Caaisha, Maymuunah, Safiyyah, Xafsah, Hind, Zaynab, Juwayriyah, Ramlah iyo Sawdah. Inuu Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, sagaal haween ah isku mar qabo waxay ahayd wax Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Nabigiisa gooni ugu sharciyeeyay, dadka intiisa kale sokadooda. Dadka intiisa kale waxay nikaax ku kulmin karaan ugu badnaan afar haween ah markiiba. Xikmada ka dambeysa inuu Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasalalam, haweenkaas guursaday waxay ahayd u adeegidda iyo fidinta Diinta Islaamka, asagoo ama haweenkaas ku sharfayay guurkooda, ama xididnimo qabaail kala duwan Diinta ku soo galeen, oo sidaas ku xoojiyeen.
HAWEENKA UU NABIGU KA DHINTAY Sallallaahu Caleyhi Wasallam
Wuxuu Nabigu, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, asagoo qabah ka dhintay
sagaal haween ah, oo kala ah Caaishah bintu Abuu Bakar, Xafsah bintu Cumar
Al Khadhaab, Ummu Xabiibah bintu Abii Sufyaan bin Xarb, Ummu Salamah bintu
Abii Umayyah bin Al Mughiirah, Sawdah bintu Zamcah bin Qays, Zaynab bintu
Jaxash bin Ri'aab, Maymuunah bintu Al Xaarith , Juwayriyah bintu Al Xaarith
ibn Abii Daraar, Safiyyah bintu Xuyayy bin Akhdhab.