| 02 April 2005
Taariikh Kooban
Maxed
cabdile Hassan
Halgankii Sayid Maxamed
Cabdille Xasan
Taariikh Kooban oo ku saabsan
Sayid Maxamed Cabdille Xasan,
Allaha u naxariistee,
iyo halgankii hubaysnaa ee uu kaga soo
horjeeday gumaystayaasha Ingiriiska, Xabashida,
iyo Talyaaniga.
-
Nimanyahow dabuub gabay baryahan uma dadaalayne
- Wax
idaaray mooyee xalaa laygu soo dagaye
- Aan
dabiibto gabaygaygu waa dab iyo baaruude
-
- Unkad
dirigriglayn baan ahiyo dirirta cawleede
- Daad
soo rogmaday baan ahoo dooxadii yimide
- Aan
durduro dabaal baan ku mari Doollo ii xidhane
-
- Dayax
iyo shamsaan ahay haddaan lay dafirahayne
- Gudcur
dam ah habeen dumay dhulkoon dacal ka nuuraynin
- Ma
danyado talaabada haddaan dowga marayaaye
-
- Dugsi
haddaan la galin dhaxanta waa lagu duloobaaye
-
Dabaylihiyo fooraa la tagi daar waxaan galine
-
Deyrodhaafyadaan shidahayaa dogobyo waaweyne
-
- Dubaax
ma aha xaajada midaan diirka ka cadayne
-
Diirsimo halkii aan ahayn waa siddii danafe
- Waxa
dunida qaarkeed ka dhacay dood aan ka idhaahdo
Waxaa laga yaabaa dad badani markii ay
maqlaan magaca iyo martabada uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku lee
yahay taariikhda Soomaaliyeed, baalka dahabka ah ee lagu qoray
taariikhdii Daraawiishta ee uu hogaanku u hayey Sayidku, iyo xushmada
ay Sayidka u hayaan dhamaan Soomaalidu Bari iyo Galbeed, Koonfur iyo
Waqooyi inay isweydiiyaan: "muxuu Sayid Maxamed ku mutaystay
xusuuustaa karaamaysan ee aan cid kale la wadaagin?" Haddaba suuragal
ma aha in qormo qudh ah lagu soo koobo dagaal 21 sanno soconayey,
haseyeeshee waxaan isku dayeynaa in aan guudmaro dhiiranaantii,
geesinimadii iyo mintidkii gobonimodoonka Daraawiishta uu hogaaminayey
Sayid Maxamed Cabdille Xasan kuwaa oo hadh iyo hoyba u diiday
gumaysiga dhinac walbana ka wareemay.
-
Guutadii lasoo dumay haddii nalagu soo duushay
- Wax
lasoo dadaanshaba haddii nala dulgowriirshay
-
Dildilaaca waaberi haddii nalagu sii daayey
-
-
Annagoon digniin qabin haddii nala dabaalsiiyey
- Digta
weerar qoobkii hadday dininigtii yeedhay
-
Dooyada uluufta ah hadday Daalo kor u dhaaftay
-
-
Qayladu daluuntaye haddii nala dareensiiyey
- Degdeg
inaan usoo roorro waa dawlad alabkeede
- Ma dul
keenay kuman duubcadoo wada Daraawissh ah
-
- Digri
markuu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu
-
Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene
-
Diigaanyo ciidana miyaan daafta kala raacay
Markii Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu
kusoo noqday Berbera isagoo xajkii ka yimid sanadku markuu ahaa
1895kii wuxuu tagay miyiga Berbera wuxuuna faafin jiray diinta
Islaamka isagoo umadda uga digi jiray inay is dhacaan iskuna duulaan.
Wuxuuna heshiis ka dhex beeri jiray beelaha wada degan haddii ay
isqoonsadaan. Sidaa awgeed, Ingiriisku wuxuu Sayidka u arkayey ugu
horraynba inuu ahaa nin laga dambeeyo oo awood u leh inuu xasiloonaan
ka dhex dhaliyo qabaa'ilka Soomaaliyeed. Kuxigeenkii qunsulkii
Ingiriiska Berbera u fadhiyey waxa uu xidhiidh joogta ah la lahaa
Sayid Maxamed, haddii qas dhaco oo miyiga ka dhacana waa lala
socodsiin jiray waxaana laga codsan jiray inuu wax ka qabto.
Ingiriisku waa ogaa in Sayid Maxamed lee
yahay xer badan hase yeeshee marnaba kama cabsanaynin odoroskana
kumana jirin halgan gobonimodoon ah oo ka bilowdo gayiga Soomaaliyeed.
1899kii waxaa laysa dhex mushaaxay magaalada Berbera Ingiriiskiina soo
gaadhay in Sayid Maxamed uu uruursanayo rag iyo saanad si uu ugu duulo
una qabsado degmooyinka Koonfur Bari. Dawlada Ingiriisku waxay ku
dhaqaaqday inay arintaa isku taxalujiso si ay u ogaato runtu waxay
tahay, hase ahaatee Ingiriiska uma suuragalin inuu si sahal ah ku
ogaado Sayidka iyo akhbaartiisa waayo dadkii Soomaliyeed ee
reerguuraga ahaa baa diiday inay Ingiriiska u xogwaramaan markii la
waraystay.
April 12, 1899kii qunsulkii sarre ee
Ingiriiska Gaashaanle Sare J. Hayes Dawson* waxaa soo gaadhay warar
sheegaya in Sayid Maxamed madax ka yahay ciidamo hubaysan oo tiradoodu
gaadhayso 3000 uuna tabaabusho ugu jiro duulimaad ba'an oo uu
Ingiriiska kusoo qaado. Bishii August 1899kii waxay ilaaladii
Ingiriisku soo sheegtay in Sayid Maxamed yimid Burco isaga oo wata
ciidamo 5000 ah oo 1500 oo kamid ahi ay fardooleey yihiin, 300 oo ka
mid ahina ay banaadiikh haystaan. Burco waxay ahayd meel xagga
tabcooyinka dagaalka aad ugu haboon waayo biyo joogta ah bay lahayd
xilliyada abaaraha ah. Sayid Maxamed Cabdille Xasan waqtigaa wuxuu si
badheedh ah ugu dhawaaqay inuu dagaal muqadas ah oo gobonimo doon ah
Ingiriiska kula jirro asgartiisiina wuxuu u baxshay Daraawiish, wuxuu
u faray qabaa'ilka Soomaliyeed oo dhan inay la dagaalamaan, jihaadka
liddiga gaaladana ay la galaan.
- Waa
tuu dareersaday fircoon diracyadiiniiye
- Waa
tuu diyaar ugu akhriyey diinta gaalada e
- Dabci
beenna weeyaan waxaad nagu dayeysaane
-
- Waa
waxa dariiqii sharciga uga dilowteene
- Dowgii
Rasuulkiina waad daba martayseene (scw)
- Nin
dardaran iblayskii dafaa dow ka raaridaye
-
-
Dallacaad jacayl baad kurtiin noola dirirteene
-
Dubaaqiina waxa saa u galay daara buuxsade e
- Dux
kama heshaan Ferenji aad dul i dhigataane
-
- Dabin
buu idiin qoolayaa waydin dagayaaye
-
Dirhamkuu idiin qubahayaad dir u go'aysaane
- Marka
horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
-
- Marka
xigana daabaqada wuu idin dareensiine
- Marka
xigga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e
- Marka
xigga dushuu idinka rari sida dameeraaye
Sidaa daraadeed, magaalada Berbera waxaa
soo xaluushay akhbaar cabsi leh oo sheegaysa in ciidamada Daraawiishtu
ay kusoo dhow yihiin Berbera markii ay soo galaana ay baabi'in doonaan
ayna dhici doonaan maalka iyo moodka shisheeyaha magaaladana gubi
doonaan. Arintaasi argagax iyo cabsi ayey ku riday Ingiriiskii iyo
gadisleydii Hindida ahayd kuwaas oo xoolihoodii oo dhan, badeecad iyo
qalab waxay lahaayeen ku daldashay markab magaciisa la odhan jidhay
FALCON waxayna u qaxeen magaalada Cadan ee dalka Yemen. Nimankii
shisheeyaha ahaa ee Soomaliya ka tagay waxay usii qadimeen
saraakiishii iyo ciidamadii Cadan laga soo qaadayey khatarta sugaysa
marka ay Soomaaliya cagta dhigaan. Shisheeyihii ku hadhay Berberana
habayn qudha ma ladin ilaa xeebta Berbera ay soo gaadheen laba markab
oo kuwa dagaalka ah oo la kala odhan jidhay Medos iyo Bahome.
September 1, 1899, Warqadan buu usoo
diray Ingiriiska oo ku qorayd Afka-Carabiga. Sayidku waxa uu
warqadiisa ku bilaabay sidatan:
Ka: Maxamed Cabdille Xasan
Ku: Ingiriiska
Waxaan idiin sheegayaa in aad
samayseen wixii aad doonayseen, waxaa kale oo aan idiin sheegayaa in
dadka idin rumaysan ay yihiin kuwa khaa'imiin ah oo diintoodii iyo
dalkoodiiba caasiyey. Waa Maxamedkii aad taqaaneen oo idin warsanaya
in aad hubka iska dhigtaan ood isdhiibtaan sidaa darteed baan
warqadaan idiinku soo diray. Eega laba kala doorta: haddii aad
dagaal doonaysaan gudooma baanu lee nahay, haddii aad nabad rabtaana
baxsha qiimaheeda oo ah in aad dalka isaga tagtaan.
Qunsulkii sarre ee Ingiriisku markii uu
akhristay warqadii Sayidka aad buu uga cadhooday waxaana Ingiriisku u
aqoonsaday Sayidka inuu yahay nin ku shuftoobay taliskiisa, wuxuuna
digniin ku bixiyey Soomaalidii taliskiisa ku hoos jirtay in ciqaab ay
la kulmi doonaan haddii habayaraatee wax xidhiidh ah ay la yeeshaan
ama kaalmo u fidiyaan Sayidka. Ingiriisku waxay Sayidka u baxsheen
'Mad Mullah' oo macnaheedu yahay wadaadkii walaa, waayo xilligaa
gumaysigu wax aan miyir qabin oo biimo ah ayuu u haystay ciddii xooga
Ingiriisku lee yahay isku dayda in ay is hortaagto. Taaktikada iyo
tabcooyinka dagaalka ciidamadii Daraawiishta oo xambaarsan waanadii
xusuusanna gabayadii guubaabada lahaa ee Sayidka naftooda bay u hureen
dalkooda iyo diintooda siddii ay u daafici lahaayeen.
1.
Ninkii
bala'da lagu yeedhiyee bayraq lagu duubay
2.
Kol
hadduusan bara aamin baahi geys noqonin
3.
Inaan
boqorka loo deynahayn ba'aha yow sheega
4.
...
5.
Runba
nimaan u baydhayn ibleys barale weeyaane
6.
Buunshuhu bilaash iyo hadduu been ka tagi waayo
7.
Inaan
dhegaha loo balalinayn ba'aha yow sheega
8.
..
9.
Baalxaafka waxaa loo sitaa beer wax how dile e
10.
Ninkii
loo burhaan qabay hadduu beyda kari waayo
11.
Birtiisu ha jabtee inaan la rabin ba'aha yow sheega
12.
...
13.
Bogga
laga mudyoow fulaygu wuu baydadahayaaye
14.
Goortuu bidhaan cadow arkuu balow yidhaahdaaye
15.
Inaan
mowdka laga baajinayn ba'aha yow sheega
16.
17.
Geesiga halkii lagu baxay baa bili ka raacdaaye
18.
Bilaawaha kolkii uu la baxo looga kala baydhye
19.
Isaguna buruu leeyahaye ba'aha yow sheega
Bilowgii sanadkii 1900 Ingiriisku wuxuu
heshiish la galay boqorkii dalka Itoobiya Mililikh waxayna isku
waafaqeen in ay wadajir Sayidka ula dagaalamaan. Waxaana bishii March
1900, kasoo ambabaxay magaalada Herar ciidamo Xabashi ah oo uu
hogaaminayey sargaal Ingiriis ahi, waxayna 24 Maarso Daraawiishta iyo
ciidamadii Xabashidu isku haleeleen Jigjiga halkaa oo wax la dilay iyo
wax la dhaawacay laga dhigay. Hayes Sadler oo ahaa qunsulkii sarre ee
Ingiriiska waxa uu u diray H. G. C. Swayne dhanbaalkan:
Ujeedada duulimaadkiinu waa inaad
dishaan Sayidka ciidamadiisana jabisaan, haddii uu Sayidku isdhiibo
waad aqbali kartaan, haddii uusan arintaa wax shuruud ah ku xidhin.
Markaa ka dibna waa inaad baabi'isaan dhamaanba qabaa'iladii Sayidka
taageerada u fidiyey.
Isagoo fulinaya amarkaasi kasoo baxay
dawladda Ingiriiska, Swayne oo ciidamo xoog badan oo Afrikan, Hunuud
iyo Asian isugu jira wata baa si rasmi ah Sayidka ugu soo qaaday
duulimaadkii ugu hareeyay.
Bishii November 1900, waxaa dalka
Soomaaliya yimid Gaashaanle Sare Swayne si uu u hogaamiyo duulimaadkii
u horeeyay ee Sayidka lagu qaadayey. Swayne kuma uu cusbayn dalka
Soomaaliya ee hadda ka hor buu soo raacay walaalkii S. S. Swayne oo
ahaa ninkii dalmareenka ahaa ee sahanka ku maray degmooyin badan oo ka
mid ah dalka Soomaaliya, ninkaa oo ahaa kii qoray buugga la magacbaxay
Seventeen Trips Through Somaliland oo macnaheedu yahay Todoba
iyo Toban Socdaal ee Soomaliya Lagu Maray.
Gaashaanle Sarre Swayne waxaa loo
xilsaaray inuu dhiso ciidamadii Sayidka laga horgayn lahaa wuxuuna
adkeeyay heshiiskii uu Ingiriisku la lahaa Xabashida, waxayna go'aan
ku gaadheen in ciidamo huwan ah ay Daraawiish ku kacaan sidaa
daraadeed wuxuu Ingiriisku dalka Itoobiya u diray Gaashaanle
(..........................) oo ka tirsanaa ciidamadii la odhan jidhay
Royal Guards, ninkaasi oo soo gaadhay Herer April 1901 si uu u soo
qabanqaabiyo una tababaro ciidamo dhinaca galbeed ka weerara Sayidka.
Ingriisku wuxuu dagaalkaa ku waayey
kumanyaal askar ah iyo saraakiil fara badan oo ay ku dhaaran jireen,
waxaana ka mid ahaa Gaashaanle Phillips, Dhame J. N. Arms, Dhame C. N.
S. Cord iyo kuwa fara badan oo kale. Markii uu Berbera yimid Swayne
wuxuu bixiyey xogwarankan:
Waxaan aad ula amakaagay sidda ay
naftooda u biimaynayaan Daraawiishtu. Marnaba u malayn maynin ilaa
aan dagaal kula kulmay in khatarta Daraawiishtu heerkaa gaadhsiisan
tahay. Daraawiishtu waxay u badan yihiin niman xaasaskoodii,
ciddoodii, iyo maalkoodii kasoo tagay si ay u noqdaan naftood hurayaal.
Waxay sitaan cimaamado iyo go'yaal bayl ah, waxayna qabaan amar ah
inay dilaan Ingiriiska iyo askartiisa qiima kasta ha ugu kacdee,
iyagoo rumaysan haddii la dilo iyo haddii ay wax dilaanba inay janada
galayaan. Sidaa darteed, goobtii dagaalkii raggii Daraawiishta uga
dhintay waxay u badnaayeen xaajiyaal iyo shuyuukh noogu soo galay
dhufayskii aanu ku jirnay iyagoo leh, Allahu Akbar ama Ilaah baa weyn.
Hadalkaasi waa xog warankii Swayne.
Duulimaadkii koobaad iyo kii labaad oo bilowday 1899 waxa ay
dhamaadeen October 6, 1902 dii. Goobihii Ingiriiska iyo Sayidku ku
kulmeena waxaa ugu weynaa Af-Bakayle iyo Fardhidin.
1.
Ninka
gaala aynabay intuu gamasyada u qaatay
2.
Gubniyaalka fooskaa ninkii gowrac ugu jiiday
3.
Sidii
boodhle geesala' ninkii gaaddaduu mariyey
4.
5.
Igiriiiska goolka ah ninkii gudurida u loogay
6.
Guutooyinkuu wacay ninkaan gaban kasoo deynin
7.
Girligaammaduu siday ninkii goobta kaga qaatay
8.
...
9.
Geesaaska Cadmeed ninkii kaga gallaydhsiiyey
10.
Gidigeed Nasaarada ninkii goomanka u qooyey
11.
Siddii
caydh gorfaalaa ninkii gobolba meel aadshey
12.
13.
Geyigaba ninkii galangashee guuya kaga dhaartay
14.
Gabagaba intuu dhigay ninkii libin ku geeraaray
15.
Gadoodkii dagaalkii ninkii guusha kala laabtay
16.
17.
Gaafaha ninkii laga maree haatan laga gaaray
18.
Garbiduu ku tiirsaday ninkaan laga gurguureynin
19.
Ninka
yidhi gol madhan waa miduu galay wadkiisiiye
Ingiriiska intii ay socdeen labadii
duulimaad ee horre waxaa u korodhay waayo-aragnimo dheeraad ah waxayna
ogaadeen xoogga Daraawiishta oo ah mid aan dhayal loo loodin karin.
Ciidamadii Ingiriiska ooy kamid ahaayeen kuwii la odhan jidhay King's
African Rifles waxaa kusoo kordhay kalsooni darro iyo baqdin ay ka
qaadeen Daraawiishta oo aan cadowga u turin. Si haddaba loo
qabanqaabiyo loona kiciyo duulimaadkii saddexaad waxaa Soomaaliya
yimid Oktober 23, 1903 dii General W. H. Manning, dawlada Ingiriiskuna
waxay heshiis la yeelatay Talyaaniga oo ay isku waafaqeen in
Talyaanigu geesta Bari kasoo weeraro Sayidka. Sidaa darteed laba
markab oo ah kuwa dagaalka ooy Ingiriiska iyo Talyaanigu kala
leeyihiin ayaa xeebaha dalka ku wareegaalaysanyey si ay u sahmiyaan
meel ay asgartooda kasoo dajiyaan Sayidkana ka gaadaan.
September 16, 1903 dii waxa uu golaha
wasiirada ee dowlada Talyaanigu u ogaaladay in Ingiriisku kasoo rogo
ciidamo uu lee yahay magaalada Hobyo, sidaa daraadeed Ingiriisku wuxuu
go'aan ku gaadhay inuu wado duulimaadkii saddexaad isagoo ciidamo
xoogleh kasoo rogay Hobyo iyo Berbera si uu dhinac walba uga
hareereeyo Sayidka. 1903 dagaalkii ka dhacay Gunburo Ingiriisku wuxuu
u bixiyey Raqdii Gunburo sababtoo ah goobtaa waxaa ka raacday guuldaro
culus.
April 1903 dii Sayidku wuxuu Ingiriiska
usoo diray warqadan markii Nugaal uu u hayaamayey:
Ka: Sayid Maxamed Cabdille Xasan
Ku: Ingiriiska
Waxaan idin leeyahay maqla hadalkayga
oo tixgaliya. Waxaan doonayaa in aan dalkayga u tasho diinataydana
daafaco. Hadalkayga maqla oo tixgaliya. Ma aad maqashaane dhibbaa
dacalka idiin soo gaadhay. Waxay idiinku sheekeeyeen Daraawiishi waa
carartay, ma ay cararinse ee waa dagaalamayaan. Waxaan u guuraynaa
meeshii aan doono anagoon baqayn. Waxaan doonaynaa in aan idinla
dirirno dagaalkana aad ayaan uga helaa, hase yeeshee idinku maya.
Haddii Ilaahay yidhaahdo waxaan idinka furandoonaa hub fara badan.
Anigu ma lihi hodannimo, ma lihi guryo, ma lihi beero, ma haysto dahab
iyo dheeman midna aad iga dhacdaan. Dadkaygu wax wanaag ah idiin
mahayo idinkuna uma haysaan. Aniga waxaad iigu timaadaani waa xabad
iyo dagaal wax kalana iga heli maysaan. Waxaan kula kulmay raggiinii
dagaal waana aan wada gowracay. Dadkii naga dhintay waxay shaqaysteen
janno, Ilaah baa nala jirra haddii aad dagaal wadaan raali baanu ka
nahay haddii aad nabad rabtaana ka baxa dalkanaga oo aada dalkiinii,
haddii aad dagaal rabtaana sii jooga.
July 3, 1903 dii waxaa dhamaaday
duulimaadkii saddexaad oo intuu socday Sayidka iyo Ingiriisku Bari iyo
Waqooyiba ku dagaalameen. Waxaa Ingiriiska gaadhay jug weyn waxaana
saraakiishii uga dhintay dagaalka ka mid ahaa Gashaanle Sare A. M.
Ruthford, Gaashaanle Dhexe A. W. D. Francis oo hogaaminayey ciidamadii
la magac baxay Regiment Manchester, Dhame S. T. Albright oo taliye ka
ahaa ciidamdii loo yiqiin ........... Regiment, Kabtan J. John Stewart
oo ka tirsanaa ciidamadii loo yiqiin Argyll and Sutherland
Highlanders, Dhame H. H. de B. Morris oo madax ka ahaa Est Kent
Regiment, Dhame J.A. Gayonr, Dhame S. L. McKinnon oo madax ka ahaa
North Derby Regiment ciidamo badanna xukumay. Guud ahaan, sida uu
qoray Douglas Jaridine, waxay dagaalkan Daraawiishtu dhagta dhiiga u
dartay sagaal (9) sargaal oo sarsare oo ciidamadii Ingiriiska hogaanka
u hayey, in ka badan 187 askari, iyo in ka badan 29 askari oo dhaawac
xuni soo gaadhay.
Magacyadaa aan soo xusnay waxay ka mid
ahaayeen boqolaalkii saraakiil ee Daraawiishtu laysay dagaalku intuu
socday.
Duulimaadkii afraad wuxuu ahaa mid ay
xoog uga qeyb galeen maraakiibta dagaalku, waxaana Ingiriisku go'aan
ku gaadhay in Sayidka siddii dowlad xoog badan oo kale loola
isticmaalo. General LAYNE ayaa loo xilsaaray fulinta duulimaadka
afraad, waxaa kale oo la shaqaynayey Sareeye Guuto Egerton iyo Sareeye
Guuto Fasken. Intii uu socday dagaalkaasi waxaa Ingiriiska Sayidku
gaadhsiiyey khasaarooyin xoog badan waxaana cadowga ka dhintay
saraakiil badan oo ay kamid ahaa Dhame J. R. Williams, Dhame G. Ester,
iyo Laba Xidigle T. H. Aurder iyo kuwa kale oo badan. Goobihii
laysaga horyimid intii duulimaadyadaasi socdeen oo Daraawiishta iyo
Ingiriisku isku haleeleena waxaa ka mid ahaa Beerdiga, Cagaarweyne,
Daratoole, Taargooye, iyo Jidbaale.
Haddii aynu tusaale ahaan usoo qaadano
heshiishkii Pestalozze 1904tii, wakiilkii dowlada Talyaaniga u
fadhiyey Soomaaliya Pestalozze wuxuu aaday Illig oo uu rabay inuu
Ingiriiska iyo Sayidka ku dhexdhexaadiyo wuxuuna ugu horrayn hindise
kusoo jeediyey in Sayidka:
1.
Degaan
rasmi ah la siiyo
2.
Dawladnimo gudaha ah loo ogolaado
3.
Xornimo iyo madax banaani ganacsi la siiyo oo uu helo
4.
Nugaal
iyo Howd ay noqdaan dhul aan Sayidka lagu faragalinin
Maarso 5, 1905tii baa Sayidku heshiiskaa
dhab ahaan u ogolaaday isaga oo doonayey inuu helo muddo uu isku
dubarito ciidamadiisa, hubna baadigoobto, iyo in uu kasoo kabto
khasaaradii ka gaadhay dagaalkii Jidbaale. Heshiiskaasi markii in yar
dhaxal gal noqday, ayaa Ingiriisku wuxuu bilaabay inuu hub ka baadho
doonyihii Sayidka badeecada u siday. Sayidku wuxuu Ingiriiska u soo
diray warqad uu ugu sheegayo inay khilaafeen heshiiskii, markii ay
baadheen doonyihiisii iyagoo ka gaashaamanayey in Sayidku hub culus
lasoo dego, arintaa oo Sayid Maxamed aad iyo aad uga cadhooday,
waxyeelada ka imaandoonta uu Ingiriiska yidhi idinka ayaa qaadaya.
Wuxuu Sayidku warqadiisa kusoo hagaajiyey taliyihii sarre ee
Ingiriiska F. C. S. Gordon, wuxuuna u sheegay in haddii la doonayo in
heshiishkii Pestalozze uu hirgalo oo uu socdo inaan lasoo faragalin
Sayidka badeecadiisa loona soo celiyo hubkii iyo saadkii laga dhacay.
Sayid Maxamed waxa uu si badheedh ah ugu
sheegay Ingiriiska mar haddii ay jabiyeen heshiiskii isaguna in uusan
maanta ka dib dhowraynin, arintaasi oo Ingiriisku u fasirtay in
Sayidku soo kicin doono dagaal hor leh. Sidaa daraadeed waxaa laysku
soo qaaday in la dumo duulimaad iyo col fara badan oo Sayidka laga
horgeeyo. Dalka Ingiriiska 1908 baarlamaanku canaan kulul buu usoo
jeediyey dawladda isagoo ku eedeeyay lacagta faraha badan ee dagaalka
lagu hoobtay Ingiriisku uu ku bixinayey iyo askarta faraha badan ee ku
dhimanaya. Sidaa darteed, November 30, 1908 wasiirkii isticmaarka ee
Ingiriiska wuxuu u soo diray taliyihii ciidama ee ka talinayey
Soomaliya warqad uu ugu sheegayo in aan Ingiriisku hadda ku talo jirin
dagaal Sayidka lagu qaado.
Dawlada Ingiriisku waxay isku dayday
inay Sayidka kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii boqoradii Hindida
ay kula dhaqantay oo ah inay maal badan iyo mushaaro joogta ah siiso.
John Talon, Maarso 3, 1910 wuxuu baarlamaanka Ingiriiska kasoo
jeediyey hindise laysku raacay oo ah in Sayidka sanadkiiba la siiyo
2,000 oo Istarliin (lacagta Ingiriiska.) Hase yeeshee Sayidku
gaashaanka ayuu ku dhuftay arintaas wuxuuna u sheegay Ingiriiska inuu
doonayo gobonimo, gobonimadana aan la gorgorin karin. Sayidku wuxuu
hadalkii kusoo koobay diintayda iyo dalkayga gadan maayo. Wuxuu yidhi:
1.
Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye
2.
Dadku
wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne
3.
Anaa
diidaday dagal inaan la galo daalin ii col ahe
4.
5.
Dalka
ma lihid anigaa ku idhi dooro weynaha e
6.
Anaa
diiday nabadiisa aan daacad noqonayne
7.
Anaa
diiday deeqdiisa ay naari dabataale
8.
9.
Anaa
diiday maantuu lahaa duunya iga hooye
10.
Markay
duusho gaaladu anaan daabada u qabane
11.
Kolka
ay dareeraan anaan duud xamaal noqone
12.
13.
Dahabkii uuu waday waa anigii daadiyoo qubaye
14.
Dagaalkiisa anigoow xishayoo daalib ku ahaaye
15.
Durdurada Fardowsaad anaa doortay oo rabaye
16.
17.
Diinatayda anigaan ku gadan dabaqii naareede
18.
Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine
19.
Anaan
labada daarood tan horre darajo moodaynin
20.
21.
Daliilkii Rasuulkii anigaa doonayoo helaye (scw)
22.
Doofaarka eyga ah anigaan daarihiis galine
23.
Anigaan dillaalkii arliga duubabka u xidhane
August 1913kii waxaa dhacay dagaalkii
Ruuga (Dulmadoobe) oo ahaa kii lagu dilay taliyihii ciidamada
Ingiriiska Richard Corfield, gaalkaasi oo Soomalidu u taqaanay Koofil
ahaana ninkii Sayidku ka tiriyey gabaygii caanka ahaa, ee Adaa
Koofiloow Jiitayoon. Waxaa kale oo halkaasi ku geeriyooday saraakiil
badan oo Ingiriis ah oo uu ka mid ahaa Dhame J. S. Summers.
1.
Adaa
Koofiloow jiitayoon dunida joogayne
2.
Adigaa
jidkii lagugu wadi jimic la'aaneede
3.
Jahanaba la geeyoow haddaad aakhiro u jahato
4.
5.
Nimankii janno u kacay war bay jirin inshaalleye
6.
Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto
7.
Kuwase
naarta joogiyo markaad jananadii gaadhid
8.
Sida
Eebbahay kuu jirabay mari jawaabteeda
9.
10.
Daraawiish jikraar nagama dayn tan iyo jeerkii dheh
11.
Jigta
weerar bay goor barqo ah nagu jifeeyeen dheh
12.
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh
13.
14.
Waligiisba waa lagu jabshaa jilib-dhig duulaan dheh
15.
Haddaan lays jigraarayn tolkay laga jil roonaa dheh
16.
Waxay
noo junjuunteena waa jamasha diineed dheh
17.
18.
Anigana Jigreey ila heleen shalay jihaadkii dheh
19.
Jeeniga hortiiseey rasaas igaga jiideen dheh
20.
Jiiraayadeey ila dhaceen jilic afkoodii dheh
21.
22.
Jidhkaygii caddaa bay abley jagac ku siiyeen dheh
23.
Siday
kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego
24.
Bilaawuhu siduu kuu jarjaray jiilalkaa u muuji
25.
26.
Jiidaha xanuunka leh markii la igu jeeraarshay
27.
Jibaadka iga soo baxay nafluhu jiifka qaban waa dheh
28.
Naf-jeclaysigii baan ku idhi jaalloow iga daa dheh
29.
Jimic
kagama helin tuugmadaan jiriyey ruuxii dheh
30.
31.
Goortaan jarreerana galoo nolol ka jaan qaaday
32.
Wax
badan baan janaacaye dhagbaan jalaq la ii siin dheh
33.
Juuqdii aan la yeedhaba afkay iga jifeeyeen dheh
34.
35.
Jaljaleecadii baa wadnuhu jeex isoo ruqay dheh
36.
Jeedaaladii bay indhuhu kor u jilaabmeen dheh
37.
Markay
rubbadu jaw tidhi or bay iga dul jiibsheen dheh
38.
39.
Jiidhkaygii bahal baa cunayoo jiitay hilibkii dheh
40.
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa juguc ka siiyaa dheh
41.
Jiljilladiyo seedaha tukay iga jeedeen dheh
42.
43.
Siddii
jananadii horre tashigu igu jaguugnaa dheh
44.
Jidkii
uu iblays ii horgalay jaasadii helay dheh
45.
Daraawiishna waa jibindhowgiyo jowga soo bixi dheh
Waxaa xusid mudan in ninkan ay
Soomaalida badankeedu u taqaano Koofil uusan kaliya ahayn nin neceb
kana soo horjeeda halganka gobonimo doonka ah ee Sayidka iyo
Daraawiishtiisa ee uu ahaa nin jinsiga Soomaaliga ah siddiisa u neceb.
Wuxuu in badan ciidamo ku bixiyey oo uu soo mooroduugay shacab
Soomaaliyeed oo wax ay u dhimeen iyo wax ay u geysteen Ingiriiska
uusan jirin. Shacabkaas oo badankiisu ahaa kii ku hoosnoolaa
ximaayada Ingiriiska. Mar uu ku duulay reer guuraa meel deganaa kana
soo dhacay waxay mood iyo nool haysteen waa kuu Ina-Weysaxume tixda ku
mariyey:
1.
Sayidkoo wax galay raacdadoo la isku soo gaadhay
2.
Adigiyo gubniga aad wadataa goobataal noqoye
3.
Girligaanku kaa joogsayoo guuxa kaa damiye
4.
Ku
googooste nimankii kufriga gaajada u qabaye
5.
Afku
gow' ku yidhi xaajadaad gees u badisaaye
6.
Guga
ha gaadhin adigaa tolkey gaajadaa badaye**
Ingiriiska waxaa u muuqatay dagaal
badheedh ah in aan waxba Sayidka lagaga qaadaynin haddii aan la
badalin tabcada lagu socdo. November 1918kii gudi uu madax ka yahay
General Hopkins oo loo xilsaaray inay darsaan xaallada Daraawiishta
talooyin dagaaleedna ay Ingiriiska siiyaan ayaa yimid dalka Soomaaliya.
October 1919kii baarlamaanka Ingiriisku wuxuu go'aan ku gaadhay inay
Sayidka siddii dawlad xoog leh oo kale ula dagaalamaan, ayna
duulimaadka ka qeyb galaan ciidmada dhulka, cirka iyo badduba.
Ciidamada Ingiriiska ee barrigu waxba
waa ka tari waayeen Sayidka waana usoo dhawaan waayeen Taleex iyo
qalcadihii kale. Sayidku wuxuu ku caan baxay tabco iyo taaktiko
dagaal. Ugu dambayntii Janaayo 21, 1920kii, waxaa Sayidka lagu soo
kacshay dayuuraadka dagaalka waxaana weeraradaa hogaaminayey Dhame
Duuliye Gordon wuxuuna cadowgu isticmaalayey diyaaradaha noocoodu ahaa
DH9, waxayna duqeeyeen Taleex, Jiidali iyo xarumihii Sayidka oo dhan.
Sidaa darteed, Daraawiishtu waxay ahaayeen urur gobonimo doon ah ee
adduunyada ugu horeeyey ee dayuuradaad lagula dagaalamo. Taasina
waxay muujinaysaa dhiiranaantii iyo halgankii Daraawiishtu gobonimada
usoo galeen.
Sayid Maxamed intaa kadib wuxuu soo
aaday Koonfur. Febraayo 17, 1920kii, taliyihii Ingiriisku wuxuu usoo
diray Sayidka warqadan.
Waxaan usoo diray waqti saddex
todobaad laga joogo Darawiishta warqad aan ugu sheegayo in la magan
galin doono haddii ay isdhiibaan. Hubkaaga iyo kaygu isma leh, adigu
waxaad tahay wadaad Soomali ah, anna waxaan wakiil ka ahay dawladda
adduunka ugu xoogga weyn oo ka adkaatay Jermalkii iyo Turkigii.
Maanta xoogaagii waa yaraaday, dayuuraadkana uma adkaysan kartaan,
dhinac aad u ciirsatana ma jirro. Waxaa xagga Bari kaa xigga Boqor
Cismaan Maxamuud iyo Cali Keenadiid oo labaduba col kula ah adiga iyo
halgankaagaba mana aadi kartid. Dhanka Itoobiya saaxiibkaa Leit
Yasuuf waa jiitay, Ras Taferina waa saaxiibkay. Awood uma lihid inaad
nala dagaalanto. Waxaan laayey ciidamadaadii badi ahaan,
gacalkaagiina gacantayda ayey ku jiraan. Ujeedadaydu ma aha inaan wax
laayo haddii aad is dhiibto 40 casho dhexdood. Ammaan iyo xushmo
ayaad heli doontaa. Waxaanse kaaga digaynaa in aadan warqadan
caasiyin. Waxaanan ku siinaynaa rug aad ku noolaato diintaadana ku
fidisid. Warqad ama jawaab aad iisoo dirto wax micnaha ah ama qiima
ah ooy leedahay ma jirto haddii aadan 40 casho dhexdood ku imaanin.
Waxaan warqadan kuugu soo dhiibay haweenaydaadii.
Maarso 25, waxaa Ingiriiska u yimid
Sheekh Cali oo ahaan jiray qaaligii
Taleex iyo Xaaji Cismaan oo Sayidka adeerkii ahaa oo wada jawaabtii
waraaqdii Sayidka loo diray. Warqaddii Sayidku waxay ahayd sidan:
Waan helay warqadii aad soo dirteen
22kii Jamaadul Aakhir, jawaabteediina waatan. Warqadaadii macnaheedu
wuxuu ahaa inaad ka adkaateen Jermal iyo Turki xoog badanna leedihiin
iyo inaan isdhiibo. Isdhiibi maayo dagaalkana waan wadayaa inta aad
idinku wadaan. Amaan iyo magan-galiyana Ilaah baa leh xoogna ninkuu
siiyo ayaa iska leh.
Ingiriisku wuxuu ugu dambayntii go'aan
ku gaadhay inuu Sayidka u diro ergo ka kooban maashaa'ikhdii Goboladda
Waqooyi oo kala ahaa:
Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq madaxii
dariiqada Saalixiyada, Skeekh Cabdullahi Sheekh Madar madaxii
dariiqada Qaadiriyada, Sheekh Maxamed Xuseen iyo cuqaal fara badan ooy
ka mid yihiin Caaqil Cali Aadan, Caaqil Jaamac Madar, Caaqil Ibraahim
Warsame, Caaqil Xirsi Xuseen, Caaqil Xaaji Cabdullahi Jaamac, iyo
Caaqil Cali Guuleed. Ergadaa ka koobnayd maashaa'ikhdii dariiqada iyo
todobada Caaqil waxaa loo diray ergo ahaan Sayidka waxayna wadeen
warqad Ingiriisku ku warsanayey Sayidka inuu ergadaas soo raaco.
Ergadii waxay ka baxday Burco April 9, 1920kii iyadooy hogaaminayeen
labadii nin ee warqada jawaabta ah Sayidka ka keentay, Xaaji Cismaan
iyo Sheekh Cali.
16 casho oo socod ah ka dib, April 25,
waxay soo gaadheen Qoraxay oo xarunta Sayidku u jirtay 40 mile.
Sayidku ergadii waxa uu amar ku siiyey inay Ingiriiska ku noqdaan una
sheegaan inaan Sayidku marnaba isdhiibaynin. November 23, 1920kii
ayuu Sayid Maxamed, naxariistii janno Allaha siiyee, si caadi ah ugu
geeriyooday Iimeey isagoo gacanta ku haya gamaskii xornimada iyo
gobonimada.
Markuu geeriyooday Sayid Maxamed
gumaystuhu wuxuu isku dayey inuu daboolo halgankii uu soo galay iyo
ujeedooyinkii uu lahaa ee uu u dagaalamayey in ka badan 21 sanno.
Waxa uu Sayidku mutaystay in lagu qorro magaciisa iyo taariikhdiisaba
baal dahab ah waayo waxa uu u diiday gumaysiga inuu ku lado dalka
Soomaaliyeed.
1.
Inuu
gaalku dili oo khatali dayiba maayaane
2.
Dafiraadu waa xeel runbaa lagu dabuubaaye
3.
Dilaal
waxaad cunaysaan intaan dunida joogaaye
4.
5.
Hadalkaa dilaacshaye miyaan deelka ka habowshay
6.
Wax ma
dadine macnihiina sow idin ma deqsiinin
7.
Nimanyahoow dantey baan hadlaye iga daliil qaata
8.
9.
Dacwadayda meeshaan u dhigo fiiro dib u yeesha
10.
Waxna
loogu digiyaa ninkii dawladnimo haysta
11.
Waxna
loo danleeyahay ninkii diinta Nabi raacay (csw)
12.
Nin
rag ah bay dardaaran u tahee doqonse waa mooge
13.
14.
Afartaa intaan dow ku xidhay deel ma qabadsiiyey
15.
Deelqaafku waa ba'an yahaye daacad ma u sheegay
16.
Dacwad
kalana Soomaali waa mid aan dareensiiyey
17.
...
Taariikhdii koobnayd ee Sayid Maxamed
Cabdille Xasan iyo halgankii muqadaska ahaa ee uu kula jiray gumaysiga
waxaan kusoo af-jaraynaa tuducyo kooban oo ka mid ahaa gabaygii
caanka ahaa ee Sayidku mariyey dabayaaqadii noloshiisa ee la odhan
jiray Dardaaran:
1.
...
2.
Doodna
waxaan u leeyahay dadkeer hadalka deyn waayey
3.
Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye
4.
Dadku
wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne
5.
6.
Dagaalkii Nasaarada anaa daalib ku ahaaye
7.
Dalka
ma lihid anigaa ku idhi doora weynaha e
8.
Daliilkii Rasuulkii anaa doonayoo rabaye (scw)
9.
10.
Anaa
diiday maantuu lahaa deeqan iga hooye
11.
Diinkayga anigaan ku gadan dabaqii naareede
12.
Anaan
labada daarood tan hore darajo moodaynin
13.
14.
Markay
duushay gaaladu anaan daabbaddu rarine
15.
Goortay dareeraan anaan diiradduu qabane
16.
Anigaan dariiqiyo waddada dowga sii marine
17.
18.
Anaan
doora-weynoo kufriga daacadnuu geline
19.
Ferenjiga dirayska leh anaan diiradduu qabane??
20.
Sida
doxorka Iidoor anaan duud-xamaal noqone
21.
22.
Doofaarka eyga ah anaan daarihiis geline
23.
Anigaan dilaalkiyo ardiga duubigoow xidhane
24.
Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine
25.
26.
Daarood Ismaaciil ma oga dowga loo qodiye
27.
Waa
wixii durbaan tumay markaan dowga sii maraye
28.
Waa
wixii dayooy yidhi intuu soo dabaaldegaye
29.
30.
Dadow
maqal dabuubtaan ku idhi ama dan haw yeelan
31.
Ama
dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiisa
32.
Nin
rageey dardaaran u tahaye doqoni waa mooge
33.
34.
Marka
horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
35.
Marka
xigana daabaqada yuu idin dareensiine
36.
Marka
xiga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e
37.
38.
Marka
xiga dushuu idinka rari sida dameeraha e
39.
Mar
haddaan dushii Adari iyo Iimeey dacal dhaafay
40.
Maxaad
igaga digataan berruu siin lasoo degiye
Dhammaad.
****************************************************************************
Waxaan ka qorray
barnaamij laga soo daayey Idaacadii Muqdisho, buuggii Aw-Jaamac Cumar
Ciise, Early Days in Somaliland and Other Tales by H. G. C.
Swayne, iyo The Warrior Mullah by Ray Beachey meelaha qaarkood,
sidda magacyada badhkood ayaan ka saxnay. Magacyada qaarbaan wali
saxnayn qaarna waaba maqan yihiin. Sixidooda iyo helidoodu waa howl
inoo wada taala. Mahadsanid
**Taariikhdii
Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Aw Jaamac Cumar Ciise.
Ingiriiska iyo Soomaalidii uu ku adeegan jirey ee uu dagaalka Sayidka
u soo kaxaysatay waxay in badan ku eedeeyeen inuu wadaadku dhiigyacab
ahaa oo aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn. Ilaa maantana waxaa
la helayaa dad badan oo soomaali ah oo ay weli maskaxdooda ku dambayso
raadkii dacaayadda shisheeyaha iyo wadaaddadii Soomaalida ahaa ee sida
tooska ah Sayidka ula muransanaa.
Maamulkii
gumeysiga iyo Soomaalidii ay isbahaysteeni markay eedda caynkaas ah
Sayidka iyo Daraawiishta saarayeen ma xusi jirin duullaammadii iyo
weerarradii colka iyo gaadahaba lahaa ee madax iyo minjo toona aan loo
kala sooci jirin, xarumaha Daraawiishtana lagu soo qaadi jirey. Ma ay
xusi jirin raggii talada Sayidka la wadey ee maagga iyo sida
gardarrada ah Fardhiddin iyo Jidbaale xabbadda loogu leefsiiyey, mana
xusi jirin wixii ay xoolo dhaqeen ee Ingiriiska iyo dadkii ay wada
socdeeni ay dhaca kula meeri jireen. Ma ay xusi jirin inta jeer ee ay
Sayid Maxamed kaga oohiyeen, markay dhegta dhiigga u dareen boqollaal
nin-door wada ah oo ay daraawiishi ku dhisnayd. Bal si ka-fiirsi leh
u akhri meerisyadan kugu qasbaya inaad Sayidka la oydo oo aad
dhankiisa ka soo jeesato:
Eebbow
geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye
Waa noo
gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye
Eebbow
Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye!
Go'na
lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane
Gabbaad
kale hadday noo helaan waa gam'i lahayne
Eebbow
waxay nagu gabreen diinta soo gala e!
Eebbow
garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye
Eebbow
gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey
Eebbow
garow kagama helin goolashadaan wadaye!
Ganbalaaligii
bay warmaha nagu garraaxeene
Eebow
waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye
Eebbow
waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!
Xirsigii
garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e
Geydhaale
Aw-Aadan bay galawga taabteene
Eebow
geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene
Guxushaaga
Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne
Gorroska
Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye
Eebbow
ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e!
Meerisyadaas
aannu soo sheegnay waxay ku jiraan gabayada Sayidka kuwa loogu jecel
yahay mid ka mid ah. Waa gabayga 'Gudban' amase
'Gaalo-leged'
lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka sokow, in badan inoo
muujin karaya waayihii Daraawiishta iyo, xilligii isaga la tiriyey,
welwelkii iyo hammigii hoggaamiyahooda. Waa meerisyo tusaale kaa siin
kara dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay
Daraawiish u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii ay hadba
ula iman jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha iyo lacagta ku
miisi jirey siday ugu gacan-sayreen. Qalbi murugeysan isagoo wada ah
oo Eebbe-weyne u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa:
"Eebbow,
dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno nalooga dhaarey. Eebbow gaalo
iyo cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog
nahayba ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama
aannu geline, waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow,
dhibaatooyinka ay nagu hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun
aan ka qabnaa ay jiri lahayd. Eebbow, waa diinta ha la taageero oo
jahaadka ha loo soo baxo. Eebbow, nabaddii iyo waanwaantii aan la
ag-taagnaa la iga hoos-qaadi waa'.
"Eebbow,
waxay ciriidda jiifiyeen Darwiishkii Xasan-Gaarruf Axmed iyo Xayd
Aadan Gallaydh. Eebbow, Xirsi-waal Maxamuud ayay Jidbaale gaalo iyo
cawaankeed ku mawtiyeen. Eebbow, Aw-Aadan Seed iyo Xaaji Maxamuud
dheri ayay ugu shubeen. Eebbow, garcaddaaga gaboobey ee Baynaxa Aadan
Gallaydh waa taa ay ilmadu dhabannadiisa qoysey, markii ay god-aakhiro
u direen saddexdii Darwiish ee uu dhalay, goobtii Jidbaalena ruuxda
lagu weysiiyey. Eebbow wadnahaygu waa gariiraa, markaan arko
Muuse-taagane Jaamac oo keligii kolba murugo meel la taagan. Eebbow,
ma eego e, wejiga ayaan ka dadbaa, markaan arko isaga oo naxdin la
dalanbaabbiyaaya oo gocanaaya afartii Darwiish ee uu dhalay,
Jidbaalena gaalo iyo Soomaalidii waddey ay ku makaleen'.
Wuxuu
Ilaah u cawdo iyo wuxuu u ashtakoodaba, wuxuu dhibaatadii la soo
gaarsiiyey tusaaleeyo oo waxa lagu falay gocdaba, ugu dambaystii wuxuu
rabbi ka durraamanayaa inuu libinta u soo meeriyo oo laga
gacan-sarraysiiyo dadka gaalada taabacay ee xaqii Daraawiisheed lagu
ogaa, godobta badanna ka haya:
Eebbow
goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene
Guullow
ma helayaan waxay nagu gubaayaane
Eebbow
waxay naga gogtaan waa galoof-olole!
Eebbow
sidii guun haween 'gii'du waa aniye
Eebbow
nin goba baan ahoy guni rifaysaaye
Eebbow
waxaa noo gurmaday gaayo-alifleeye!
Ma
gereysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe
Eebbow
gabooddii dorraad waa ka gar-allayne
Eebbow
markaan geyllamey guulmiyoo baqane!
Eebbow
guddoonkii sharciga gooye nimankiiye
Eebbow
kufriga gedeftaley gacanta haystaane
Eebbow
anaa kugu gar lehe guusha ha i seejin!
Sida ay
cadawyadiisii ka faafin jireen, Sayid Maxamad ma ahayn nin dhiigga
dadka u oomman, dhaca xoolahoodana u jeelqaba. Wuxuu ahaa nin ay
waddaniyad kululi beer-qaadday, hase ahaayee dadkii uu u danaynaayey
ay la garan waayeen. Wuxuu ahaa nin isaga iyo xarunta Daraawiishtaba
in badan sidii ifka looga tirtiri lahaa loo guulay, naftiisa la dooni
jiray, hagar daamooyin badanna loo geystey.
Markuu
fekarey oo habeenno aan tiro yarayn aayo-xumada Soomaalida lala
maaggan yahay naftiisa kala dooday, dadkiina ay waanadiisii badnayd
wax ku qaadan waayeen, weerar joogto ahina uu xagga Soomaalida kaga
socdo ayay la ahaatay dadku laba qaybood uun inuu yahay: Qaybta hore
oo ah Daraawiishta uu madaxda u yahay, dantooduna tahay Ingiriis,
Talyaani iyo Xabashi inay dhulka Soomaaliyeed ka bedbaadiyaan oo
dagaal hubaysan kaga saaraan. Qaybta labaadina waxay ahayd Soomaalida
xoogaggaas shisheeyaha ah la soo safatay ee soo hormari jirtey,
ceelasha tusi jirtey, dhabbeyaasha la qaado u kala tilmaami jirtey,
awrta ka iibin jirtey ama ka ijaari jirtey, dabadeedna xarumaha
Daraawiishta soo hor-dhoobi jirtay.
Labadaas
qaybood inay Soomaalidu tahay markii uu ka badin waayey ayuu u qaatay,
Daraawiishna dhacsiiyey murtida ah, "cadawgaa jaallihiis waa cadawgaa",
sida uu Qamaan Bulxan ku gabyey markuu lahaa:
Daabaca
ninkii kugu dhufta ee daabku kuu celiyey
iyo kii
'duleedshaay' ku yiri wax isma doorshaane!
Sayid
Maxamad, aragtidaas iyada ah siyaasad qarsoon kama uu dhigin. Wax
badan ayuu gabay ahaan iyo qoraal ahaanba ummadda u bandhigay, 'gaalada
aan la dagaallamayno ninkii taageero u fidiyaa isna waa gaal' ayuu in
door ah ku celceliyey. Masafo gaaban waa kii ku lahaa:
Nin
aqdaamo Ferenjiya, maantiyo abuurriin
Ama
aaladduu sida, ama awrta buu rara
Ama
adhiga buu qada, ama laba ugaadhsada
Ama uba
ilaalaa, ama uurka kala jira
Ashahaado
beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo
Ilaahayna
nama oran, anna ma oggolaan karo!
Waa
siyaasad cad oo uu degsaday, digniinna u ahayd nin kasta oo xagga
gumeysiga u janjeerasada amaba taageero u fidiya, xilli dagaal iyo
xilli nabadeed intaba. Hayeeshee, in kasta oo uu waranka Daraawiishtu
si toos ah ugu jeeday ninkaas gaalo-raaca ah ee uu sayidku tilmaamay,
haddana waxaa dhici jirtey dar aan dagaalkaba war ka haynini inay
haasahaasaha iyo gulufka jidbaysan ee ciidammada sayidka ku le'an
jireen, hantidoodana ku waayi jireen. Waxaad mooddaa inay
Daraawiishtu marar badan ka ilduufi jireen tusaalaha iyo dardaaranka
Sayidka, taas oo sabab u noqon jirtey kooxo badan oo xarunta u
han-weynaa in ay ka fogaadaan.
Gefaf
dhowr ah oo ay Daraawiishi gashay ayaa maanta la tiriyaa, hase ahaatee
way yar yihiin markii la barbar-dhigo guulihii ay soo hooyeen iyo
sidii ay magaca dalka iyo dadka Soomaalida ahba sare ugu qaadeen, in
kasta oo, ciidan ahaan, ugu dambaystii looga adkaaday.
Shido iyo
hoog
Masafadan
hoose wuxuu Sayidku u mariyey Cali Dhuux Aadan oo uu ku sheegayaa
calaamado badan oo aad u liita oo ay ka mid yihiin, diin daro, been,
fulaynimo, gaal-la-joognimo, abaal dhac, iyo kuwa kale oo badan.
Wuxuu kaloo Sayidku Cali Dhuux ku sheegay inuusan gabayga aad maahir
ugu ahayn ee uu afka uun ka sheegto inuu bad yahay oo laabtiisa xikmad
badani jiifto. Wuxuu yidhi:
- Nimaan
sharaxa diimeed, sheynaba ka suurayn
- Hadii
aad u sheegtana shaqfadloo, aan gararayn
-
Adiguna aad sheekh tahay, isaguna sharmuud yahay
- Oo
kula shikaayoon, illeen waa shiddiyo hoog
-
- Nimaad
gabadh la shaaximay, shuqduf ilaxidh ugu gelin
- Oo
shuqul gobaadeed, shararraaxin ugu dari
- Oo
sheemadii geel, boqol xerada ugu shubi
- Oo
shaharka jiilaal, shabcanaaya caanaha
- Oo
sheelka gurigaa, shirka talada loo wici
- Oo kuu
shisheeyaa, isna waa shiddiyo hoog
-
- Bal
nin adiga kuu shara, adna adan shaxeexayn
-
Shuqulkii yimaadana, shiqiyoo aan yeelayn
- Oo aan
shaqaaqiyo, shuushuuda deyneyn
- Oo
shiranka madashaa, sheeddoo isaga bixi
- Oo
shalay wuxuu dhigay, maanta kuu shirtirinayn
-
Shareecadiyo khayrkana, shifta aan ka dhiganayn
- Shaata
haddaad ka baridana, shanshada kuugu dhigahayn
- Oo
shuuqiyoo kari, ibleys baa shidaayee
-
Shanfac oday Alluu-naar, isna waa shidiyo hoog
-
- Bal
nimuu shakaashoo, u shaqeeya Ferenjiga
- Oo
shan iyo toban beri, shaabuuga lala dhici
-
Shafshafana la siinayn, kolay shaata mida tahay
- Oo
shaaca waaberi Cadan, shacabka ugu kici
- Aan
shuuna oranayn, isna waa shiddiyo hoog
-
- Bal
nin gaal la shaarugay, shaabbaddiina lagu dhigay
- Oo
shurugga fuudoo, shaarubbada aan xiirayn
- Oo ama
shukaan wada, ama shuqul kaluu qaban
-
Muslinkana shabbihid kule, isna waa shiddiyo hoog
-
-
Bakhayl shaacug weynloo, shiila duxa aan lagu qorin
- Oo kuu
shumbucullayn, intuu maro shullaha dhigo
- Oo
sheegiyoo been, shaadir barale kugu wadhi
- Oo kuu
shafeecayn, isna waa shiddiyo hoog
-
- Nin
shaaficidu reebtee, ku shuhroobay fulannimo
-
Shimbirahana aan hubin, hadday shababaxleeyaan
- Oo aan
shahiidkiyo, shiishkiyo xarbada tegin
-
Sharaarna aan deyneyn, isna waa shiddiyo hoog
-
- Gabay
niman shib ka ahayn, misna shaacir ku ahayn
- Aan
shaqalka ugu dhigin, madka iyo khifiyo shalaq
- Oo
xarafka sheegiyo, xuduuddana shirrabihayn
- Oo
shooliyoo odhan, shafkaygaa wax jiifaan
-
Sheegaye midkaasuna, isna waa shiddiyo hoog
Cali Gari Aboodiga
- Afka
bari ishaa bogox intii, arar Nugaaleeda
-
Illiilaha banaan iyo intii, edegga Ciideeda
- Axad
kagama sii hadhin wixii, uduba oo yiile
-
-
Caligeri aboodiga ku lalay, abax ka sooryooye
- Iqliil
weeye madhan qayradii, oomanta ahayde
- Afar
iyo afqaaqlaa ku dhacay, adhaxya weyntiiye
-
- Ifku
kama belbelo tuurihii, oolinka ahaaye
-
Meeshuu abuurnimo fadhiyey, laga alaab qaadye
-
Hawdkii ugbaadsaday, horweyn kuma ilaashaane
-
- Uma
oohogeeyaan markii, aarankii lumo e
-
Shisheeyaha araarimaha yaal, kuma ugaayaane
- Eegida
korjooguhu cishaha, sooma oriyaane
-
- Xerya
gaallo laysaga ag dhigay, uma adkeeyaane
-
Irridaha markii aasku dumo, kuma afuufaane
-
Ibdarka iyo dhawrtada ratiban, ugar ma siiyaane
-
-
Ardaayada golaha kala rogrogan,uma asteeyaane
-
Uleexida haleelada tircayn, il uma gooyaane
- Aar
saydha oonyaha gudgude, ubac dugaag jeexa
-
- Ilkaha
horor abeesada qallici, halaq uraa leeb ah
-
Ulbistuug anaaniga dayaca, alabas jeeraanta
-
Eynaafka baadida tagtow, adadac buubaalka
-
- Abid
maqan intaha raadiskey, axal ka duugowday
-
Akhbaar raadis urur naadinteed, idan ku yaahaynta
-
Ambaqaadka taa uma ekayn, aniga hay saarin
-
- Sumad
awdka sowraca ankira, eedda iyo dhaarta
-
Asaraarka eexada denbiga, shiru aguugyenta
-
Guudaan amnaca shiil armaca, luqun inaatowga
-
- Inqiis
naas ah iin cararjidow, dhicis amuurrayska
- Ubad
jala abaah baaqatiyo,dhicis amuurrayska
-
Amaankow gondood eel ragaad, arami naafowga
-
-
Amaanguud anaashiga dhukaan, axadh xaraarowga
- Uhda
dhugato roor ababa'leyn or iyo geergaarka
-
Allaqabe kud eertaa qadhqadhi, shilin aseebaaga
-
- Aafaa
samaawiga allow, naga ammaneynso
- Aamiin
ma buuraan intay, duco alliifaane
- Kuma
adurdhabaan baarqabbadu, abasaxeediiye
-
-
Shinbiruhu markuu doob onkodo, ma awanayaane
-
Abeerrada tifrimay goojadii lama amaaraane
-
Qorraxdoo abbaar le'eg markii oodda laga jiido
-
- Kolkii
kuraygu eyrada hayeey, kala aqoolmeyso
- Ulaha
uma boobaan intay, tira abyoodaane
- Kobtii
shalay irmaanku ugu baxay, alaladii fooca
-
-
Arbaxaale goortey tagtoo aayaddeed dheregto
-
Amminkii la baraq-maali jirey, ma arrumayaane
-
Eydaarteeda oo fool la dhici, ma antaweershaane
-
-
Goortay ummuliyaan murkaha, kama abeeyaane
- Abur
xoor leh kama soo lisaan, ibagaleenkiiye
-
Masaakiinta agaheeda tuban, ma ajareystaane
-
- Unuun
uma jaraan qaalmihii, eydinka ahaaye
-
Cayuuntaan ilmaha loo dhigayn,kama umbulleyaane
- Waxay
abaxa goysaba markey, ohin carraabeyso
-
-
Afdhuubyaalaheedii durduro, ma ambaqaadaane
- Sidii
ay iblays tahay xuruun, ma umbulleeyaane
- Jilaal
aleel ka cad hadday, acabtin dooneyso
-
- Markey
uudka kore laasatiyo, abaqa baarkiisa
- Iyadoo
idiin ka cas markey, oo la soo degato
- Intay
yeel aslaan ceelashii, uma aroorshaane
-
-
Awaliinka kama soo shubaan, ilaha Caymeede
-
Alalaaska heestii darkii, kuma olkeeyaane
- Awr
qaada iyo gool ahmiya, ma aldaxaayaane
-
-
Abidkoodba kama sooryadaan, alaxa caanoode
- Niman
baa uquun kagala tegey, ilindidoodiiye
-
Eebyaha ma soo rogan markii, ibilku tuuraaye
- Anaa
eegiyey dhicin lahaa, idam Ilaahaye
- Wax
arsaa'iilkood galay markay, Ferenji aadaane
Holoq Dameer baa leh
- Hanfi
iyo hunguri soo dhiciyo, hinif dabayl baa leh
-
Hanqadh iyo hillaac bililigliyo, halalac roob baa leh
- Cir
habqamay xareed laga harqaday, Haradigeed baa leh
-
- Xiin
hawle iyo heega curan, hogol daruuraa leh
- Hir
doogliyo caleen hamasha iyo, habatac Ciid baa leh
- Maal
hooray ciir laga hanfaqay, seben hagaagaa leh
-
- Caanaa
had iyo jeera iyo heeshi, ramag baa leh
- Qumba
lala hagoogtiyo hilbiyo, hawl yar adhi baa leh
-
Hayinnimo wax lagu qaato iyo, ku hinji awr baa leh
-
-
Habaqliyo harraad iyo kulayl, hilin abaaraa leh
- Hadii
hadowga geedood engego, horasho ceel baa leh
-
Hagahagi hunguri duulayiyo, hogo kaliil baa leh
-
- Hadhac
iyo qabow lala herjado, hadh iyo raaxaa leh
- Hawo
iyo hilow gacalo iyo, hurud nabdoon baa leh
-
Hanfariir in loo kala ordiyo, hunuf dareen baa leh
-
- Lugi
waa higiishee himmiyo, halabsi neef baa leh
- Haad
iyo haldhaa roori iyo, huguf gammaan baa leh
- Gorgor
samada heehaabi iyo, huguguf Dhooddaa leh
-
- Hanaf
booddo iyo xoog sengiyo, hadafa buubaa leh
-
Himbiriirsi meel foga magaan, higigifleeya leh
- Hadii
nadigu haaraha ku dhigo, haawis xamar baa leh
-
- Aar
soo hingoodiyo bad iyo, hugun rasaas baa leh
- Habaas
kacay halaakiga dhacsiga, halowna geesaa leh
-
Haliilyaale aan dhiirran iyo, haadiis fuley baa leh
-
-
Hankakoobsi iyo booto iyo, hoobsi guluf baa leh
- Hamham
iyo humsiga reenka iyo, higilla guutaa leh
- Hannas
weerar iyo qaylo iyo, hirif colaad baa leh
-
- Heeraa
in laysula bixiyo, heeggan dirir baa leh
- Hirey
iyo wirey maalintey, humuro joogtaa leh
- Haadaa
qabiilnimo nimaan, lagu holeyn baa leh
-
- Hawa
beena Soomalidaa, hadafka raacdaa leh
- Hadal
ruma Daraawiishta iyo, weli hanuunaa leh
- Ragga
diinta hooyga u noqdiyo, hanad Shirshooraa leh
-
-
Hulqihii dad bari soo baxshiyo, hoogay dumar baa leh
- Wixii
habar Majeerteen iyo, halamash naagaa leh
- Xaar
laysku heylaamiyiyo, halalac Mooraa leh
-
-
Hammuunaan damayn iyo hunguri, lala hadaqaayo
-
Handadka iyo heemada markuu, hadawga leefayo
-
Warsengaligu haybtuu yihiyo, horor dugaag baa leh
-
-
Hoobaaq laguu qodahayiyo, hagar shisheeyaa leh
-
Hundhur iyo caloolxumo ninkii, cadawgi heeraa leh
-
Hankuugyo uurgulguluc ninkii, hiijo qabay baa leh
-
- Inaad
luqunta hoogaamisiyo, hogosho ciil baa leh
-
Meeshiyo habeen aakhiraad, hibasho maag ba leh
-
Haakaalle Eebbow ninkii, libin hoyaadshaa leh
-
- Hoh
iyo caku iyo hiif ninkii, hawkar galay baa leh
-
Halaaka iyo laandeyr ninkii, marin habaabaa leh
- Hinji
iyo habaar waaq ninkii, huray ustaadkaa leh
-
-
Heeggaa in loo maro arlada, habi la'aan baa leh
- Hor
Ilaah in loo jeedsadiyo, haajir culimaa leh
-
Haawiyada naareed ninkii, Ferenji haystaa leh
-
-
Iidoorka hoosada Berbera, ka hawisaa hey! leh
- Harag
uraya Muusa-Carrihii hoodhi jirey baa leh
- Hadduu
niriggu heeryada ka rido, hoogey Arab baa leh
-
- Xaal
hadura Habaryonis iyo Herer nin joogaa leh
-
Ciisaha baqtiga hiigayiyo, haqay midgaan baa leh
-
Huurale Cali Jamaac iyo, huluq dameer baa leh
-
-
Xididnimo habboonkeed ninkii, lagu hirtaabaa leh
-
Hargaamooyin iyo ceeb ninkii, gun u hoydaa leh
- Hidda
xumo gobey heerle iyo, horinta Cawl baa leh
-
- Hub
wanaagsan heensiyo fardiyo, haybad iyo luuli
- Hodya
deeqa hoo iyo waxsiin, hor Alla geystaa leh,
-
Hannaan qurux san haashaar gobeed, hodon Dariiqaa leh
-
-
Horweynkiyo haleelada nirgaha, loo hitiqinaayo
-
Haamaha karuurkee la shuban, holaca jiilaalka
- Heel
xoola laga buuxiyiyo, hibana Eebbaa leh
-
- Hal
madow higgaad iyo Quraan, Ha iyo Wow reebban
-
Harannimiyo hooyaale gabay, heello iyo maanso
- Nin
kaleba naftiisa ha hafree, hoodo anigow leh
Bah Dir Rooble
Majeerteen iyo Boqor Cismaan ayuu Sayidku gabaygan u tiriyey isagoo
difaacayey Daraawiishta iyo halgankoodii oo Boqor Cismaan
laf-dhuungashay ku noqday:
1. Majeerteen majnuun inuu yahaan, marag u haystaaye
2. Waa niman masakhan oon
ahayn, midhaha Daaroode
3. Waa niman siddii
Moolaadhabe, miciya dheerdheere
4. Waa niman maddada oo cir
weyn, oo masiiba ahe
5. Waa niman lafaha
mudhuxsadoon, muruqna reebayne
6. Waa niman haddad min u
furtoo, malab durduursiiso
7. Ama aad maqaarreyda geel,
xero u meegaarto
8. Waa niman inay mahad
naqaan, laga malaynayne
9. Cir milshiyey dhulkoo
malaf ka baxay, maalka oo dararay
10. Waa niman martidu eeyan
tegin, madal ay joogaane
11. Waa niman madaal inay
baxshaan, loogu muhanayne
12. Waa niman haddaad gabadh
markab ah, maqaasiinka u geyso
13. Wuxuu fiidka horre
mayracoo, marakabeeyaaba
14. Waa niman masaladood
jabtoo, hooyadood mira e
15. Waa niman misciliisha ugu
jira, sina u meerkeede
16. waa niman candhada laga
maraa, milil ka dhiiqaaye
17. Waa niman maruubada
la’oo, minidu dhaaftaaye
18. Waa niman siddiii mowle
bahal, laga mareertaaye
19. Waa niman mareeg lagu
dabraa, sida maliid awre
20. Waa niman madhuushoodu
tahay, mooye qaab darane
21. Waa niman margigu siiban
yahay, iyo mataanuhuye
22. Waa niman macaankii
jannada, meel aan ku lahayne
23. Waa niman futadu
maastahoo, duud maloogna ahe
24. Waa niman miskaha lagala
dhacay, qaare madax weyne
25. Waa niman minjuhu ay
yihiin, miiqan taag darane
26. Gabaygaa ha laguu
maadsadee, mariya oo geeya
27. Markab nagaga sii qaada
oo, meel walba u dhoofsha
28. Nimankii makhaayadaha
fadhiyey, naga mihiibsiiya
Xiin Finiin
- Xayow
Faaraxow hadal rag waa loo xutubiyaaye
- Nin
xishood leh baan ahay haddaan lay xistiyihayne
- Xabiib
baan ahaa jeer kufriga laygu xaasidaye
-
- Adna
xaashi baad iila timid xaakin soo diraye
-
Xaddigii adduunyada haddaad xoolo iga dooni
- Marna
anigu kaama xistiyeen xaalaad leedahaye
-
- Inaan
kuu xaf gooyaan jeclaa geel xawaar badane
-
Kumanyaal xawaadaan lahaa xawd u sii mariye
-
Markaad Xiin Finiin damacday baan kaa xanuunsadaye
-
-
Walaalow xirgiga qaarkii waa lagu xujoobaaye
- Waxaan
kugu xutubiyaaba waa xuuradaan nahaye
- Nin
kalaan xafiilaba adaan xaayda kaa rogaye
-
- Xigto
iyo qaraabiyo hadduu xidid i weydiisto
- Xayow
iyo qayuumeey haddii la igu xoodaansho
-
Xubigayga kuma hayn inaan xiisow bixiyaaye
-
- Xamar
weeye oo midab fardood kala xariir roone
-
Xawaariyo kabti iyo raaxo iyo xawli iyo jeefag
- Xaggii
loo eryaba waa Gammaan xulashadiisiye
-
- Xubna
toosanlow neefku waa xaalad gooniya e
-
Goortaan xusuus ula noqdaa xiisa ii qabanne
- Waxaan
xarafka diimeed ahayn igaga xeel dheere
-
-
Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa xoogsi ugu fuule
-
Isagaan xatooyada lahaa xuurta ugu looge
-
Xiniinyaha ku goo baan lahaa gaalka xaylka lehe
-
-
Xayskaa da'aayaan lahaa Xallin ka dooyeeye
-
Xaqaygii maqnaa baan lahaa xag ugu raacdeeye
- Meesha
iyo xeebtaan lahaa xiito ka eryoode
-
-
Xujey-reebta reer Hagar anaan xabashyadii ruubin
-
Xinjoortoda dhiigga leh haddaan lagu xaraaraysan
-
Xaaqaamaquuqiyo haddaan xaaluf laga yeelin
-
-
Xiddaysane ma dhiibeen anaan xaaladday bogane
-
Xaaraami uun baa arlada xula abiidkiise
-
Aniguna xogtaydaan ka baqi inay xumeeyaane
-
-
Xashaa-liillahiye nin goba xamasho waw ceebe
- Intii
aniga lay xaman lahaa xil iga soo meerye
- Aduu
galabta kuu xoolo yahay xamarkii dheeraaye
-
- Waa
Xiin Finiin neefka aad xadhigga haysaaye
-
Xayawaanka oo idil naftey kala xaroodaane
- Mar
hadduu suldaan igu xil lihi igaga xayddaantay
-
Xariggiisa qabo aadmi kale kuma xushmeeyeene.
Ma duqaynay Reer Bari
Gabaygan tariikhdiisa Soomaalidu aad
ayey u taqaanaa. Waa dagaalkii dhexmaray Daraawiish oo dhinac ah iyo
Majeerteen iyo Warsangeli oo dhinac ah oo ay kala hogaaminayeen
Maxamuud Cali Shire iyo Boqor Cismaan, siday u kala horeeyaan.
Alle ha u raxmee Sayidku wuxuu yidhi:
-
Nimanyahow dabuub gabay baryahan uma dadaalayne
- Wax
idaaray mooyee xalaa laygu soo dagaye
- Aan
dabiibto gabaygaygu waa dab iyo baaruude
-
- Unkad
dirigriglayn baan ahiyo dirirta cawleede
- Daad
soo rogmaday baan ahoo dooxadii yimide
- Aan
durduro dabaal baan ku mari Doollo ii xidhane
-
- Dayax
iyo shamsaan ahay haddaan lay dafirahayne
- Gudcur
dam ah habeen dumay cirkoon dacal ka nuuraynin
- Ma
danyado talaabada haddaan dawga marayaaye
-
- Dugsi
haddaan la galin dhaxanta waa lagu duloobaaye
-
Dabaylihiyo fooraa la tegi daar waxaan
galine
-
Deyrodhaafyadaan shidahayaa dogobyo waaweyne
-
- Dubaax
ma aha xaajada midaan diirka ka cadayne
-
Diirsimo halkii aan ahayn waa siddii danafe
- Waxa
dunida qaarkeed ka dhacay dood aan ka idhaahdo
-
-
Daayimow Allahayoow adaan dunida moogayne
-
Daandaansi ina-aadanaa loogu dawgalye
- Deyn
nimaan ka qabin buu nafluhu daba galaayaaye
-
- Haddii
nalagu soo diray khalqiga Dir iyo Daroodba
-
Warsangali haddii uu dunjigii diricyo soo
qaatay
-
Dashiishiyo Majeeteen haddii deexda laga
keenay
-
-
Guutada lasoo dumay haddii nalagu soo
duushay
- Wax
lasoo dadaanshaba haddii nala dul garriishay
-
Dildilaaca waaberi hadii nalagu sii
daayey
-
-
Annagoon digniin qabin haddii nala dreensiiyo
- Digta
weerar qoobkii hadday dininigtii yeedhay
-
Dooyada uluufta ah hadday Daalo kor u
dhaaftay
-
-
Qaylada daluunta ah haddii nala
dareensiiyo
- Degdeg
inaan usoo rooro waa dawlad alabkeede
- Ma dul
keennay kuman duub cadoo wada Daraawiish ah
-
- Dirki
hadduu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu
-
Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene
-
Diigaanyo ciidan ah miyaan daafta kala
raacay
-
- Sidii
aar daloombiyi markaaan ugu dinaahyeeyey
-
Dullihii shareerraa markuu dibawga
jiidhaayey
-
Daanyeerku meeshuusan marin dani ma jeexsiisay
-
- Denbi
ma leh cadaawaha ninkii deli ka xooraaye
-
Darajuu Ilaahiis ka heli labada
daroode
-
Dubku iima naxo nimay
kufriga deris wadaagaane
-
-
Ferenjiga direyska leh kuwii diirada u
qaaday
-
Iyaguba dariiqada Alliyo diinta
caasiye e
- Waxay
noo duleedsheenba waa doora-weynaha e
-
-
Dulmigaan banaanayn kuwii doofil ugu
hiishay
-
Haddaan daayo waa aniga oo daawadii furaye
-
Danabkii rasaaseed miyaan diillin kaga
yeelay
-
-
Dareemada ka badan meydka yaal didibta buureede
-
Dhiigoodu sida doogsin roob waysagii
duxaye
-
Dugaagii hilbaha quudan jiray loo
dayaafadiye
-
-
Nimanyahow af laba daan leh baan muranka
deyneyne
-
Daleelaha cidlaa lagama shubo hadal
daleeleede
-
Ma duqaynay Reer Bari
wuxuu doonayuu helaye
-
-
Aniguba dilkoodaan ku helay libin
daboolayde
-
Daa'irada Eebiyo markii deeqa nala
siiyey
- Ma
dabaaldegiyo muufahaa duhur la
gaadhsiiyey
-
- Duca
awliyaad buu qabaa degaha Tuurwaaye
- Waa
niman gaalada deldala doog iyo abaare
- Waa
nimanka doofaarradii daariguu jaraye
-
-
Roobkiina waa kaa u da'ay duraha
jiilaale
- Waa
kaa dalkoodii ballidu wada duraabtaaye
- Waataa
arladii daahirtee diib kasoo kariye
-
-
Cawskii dumaayoobay baa doog kasoo
baxaye
-
Dalagyadiyo dooxooyinkii diisha iyo
qaare
-
Dunqaarihiyo xamshkaa sidii diriq la
moodaaye
-
-
Maalkii diraacdii dhalaa doobke
loo culane
-
Duunyada wxa laga maalayaa darartii
caanoode
-
Rabbogii dawaa'iga sidaa deeqii noo
ridaye
-
-
Afartaa dujaye bal aan mid kale deelka ka
higaadsho
- Aan
dabeebti eegana halkay damacday laabtaydu
- Dacwad
kalana waa Ina-Mashire hadal aan deeqsiiyey
-
- Aday
deyrshay maantaan ahaa duri xigaalkaaye
- Adigay
dafiray sidii anoo duul shihseeye
ahe
- Waa
taynu dersinaye adaa daawadii furaye
-
-
Doolaalo adigowgu tegay gaalka
duufka lehe
- Adigaa
dariiqada Alliyo diinta caasiyaye
-
Goortaan ku daayana adaa diiday
nabadiiye
-
- Wax
dhaaxaan dadaalkaa u maray celi cidhiidhyoone
- Wax
dhaaxaan dunqaaraha lahaa dib uga soo jooge
-
Maantaa dubihii kugu dhacaye duxi ha kaa
raacdo
-
-
Waadiga dagaagaye sidii dalow u
meertayso
- Ama
deyrka xidho waa taqaan dabin Inshaalleeye
- Ama
doofil qabo caydhi waa diifta kugu taale
-
- Ama
quud dulleeddada ka xaab dereg haddaad weydo
- Ama
daaliboo bari inuu kuu
dawaro uunku
- Ama
duunyo raac noqon cidlaa kaaga sii darane
-
- Ama
doonyihiyo saaxiliyo Cadan
dillaaleyso
- Ama
dooy u dhoofoo u carar dal aan la
gaadhaynin
- Ama
dirkiinii carshiga dogobbadda
u raaro
-
- Ama
duurgal iyo tuug iyo dagati uun
dhawro
- Ama
dabada gaal baad tahaye dacay ha kaa
saarto
- Ama
doora-weynoo baqdaye dirir us oo joogso
Heer inay leeyihiin
Gabaygan
Sayidku wuxuu kaga jawaabayey gabay uu soo tiriyey Cali Jaamac Haabiil
oo uu dad badan oo Darood ah ku af-lagaadeeyay. Beyd ka mid ah haddii
aan kusoo qaado wuxuu yidhi Cali:
Dameerkaa hariiryaha leh iyo, heer Dhulbahantaa leh
Sayidku
wuxuu kaga Jawaabay gabay dheer oo aan eega ka hayno:
- .....
-
Daroodku waa wada halyey, kalase hayb roone
- Dadka
kalana waa wada hulqiyo, huuba doora lehe
- Waxse
heer leh haad Farenji iyo, harabka Iidoore
-
- Kuwa
fuudka heeminahayoo, himishku duulaayo
- Aan
tan iyo Haabiil dheryaha, lagula howshoonin
- Iyana
heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
-
-
Nimankii hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey
- Ee tii
wax hoomeey tidhaa, kula haliilaayey
- Iyana
heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
-
-
Nimankii hawaaree siddii, habas u kowdiidey
- Oo aan
futada haawinayn, hogobka aad moodo
- Iyana
heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
-
-
Nimankii siddii awr hayina, hilayga qaadaayey
-
Hinjigu culayskii kuwuu, hoolay dhabarkooda
- Iyana
heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
-
- Ragga
hiirta waaberi dillaal, halaladuu roori
- Oo aan
hunguri maalineed, soo hadhgalinaynin
- Iyana
heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
-
-
Nimankii habeedley umula, huga u maydhaayey
-
Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey
- Iyana
heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
-
- Ragga
udaha hoorsanahayoo, saxaradda u heegan
- Iyo
nimanka hooyadood ku odhan, habartu waa dhuustay
- Iyana
heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
-
- Axmed
Nuuxa nirig haaruf badan, kabadh u heeryeeyey
- Ee
hilinka meeshiyo Hiraab, habaqluhu u qaaday
- Iyana
heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
-
-
Muusacarraha haraga iyo, hoorka xidhanaaya
- Oo
qudhunka ay huursadeen, lagu hunqaacaayo
- Iyana
heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
-
-
Ciisaha bakhtiga hiigayoo, haadka qalanaaya
- Oo
calaha haabuurka badan, hagida meeraaya
- Iyana
heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
-
- Habar
Yoonis iyo Reer Jugliyo, Habar Magaadloo dhan
- Iyo
Caliga hoosada Berbera, huluqa jiidaaya
- Iyana
heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
-
- Intii
heer lahayd ma aan dhamayn, hebeladoodiiye
- Hayska
hoobiyeen nimanka aan, heeray boqontiiye
- Inta
aan hunduudaa ka badan, hiisha geedaha e
- Niman
baan hullaabee ma odhan, hiijo iyo ceebe
- Waxse
aan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane
- Ha
yeeshee intaasaan hojoo, hor Allahay geystay
Koofil
- Adaa
Koofilow jiitayoon dunida joogeynee
- Adigaa
jidkii la gugu wadi jimicla'aaneede
-
Jahannamo la geeyow haddaad aakhirow jihato
-
-
Nimankii jannow kacay war bay jirin inshaalleeye
-
Jameecooyinkii iyo haddaad jawhartii aragto
- Sida
Eebahey kuu jirabay mari jawaabteeda
-
-
Daraawiish jikaar naga ma deyn tan iyo jeerkii dheh
-
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh
- Waxay
noo jajuubteenna waa jibasha diinneed dheh
-
- Jigta
weerar bay goor barqo ah nagu jiteeyeen dheh
-
Anigana Jikrey ila heleen shalay jihaadkii dheh
-
Jeeniga hortiisey rasaas igaga joojeen dheh
-
-
Jiiraayaday ila dhaceen jilic afkoodii dheh
- Siday
kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego
-
Billaawuhu siduu kuu jarjaray jeerarka u muuji
-
- Naf
jaclaysigii baan ku idhi jaallow iga daa dheh
-
Jaljalleecadii baa wadnaha jeeb ka soo ruqay dheh
-
Jeedaaladii baa indhuhu kor ii jillaadmeen dheh
-
- Jimic
kagama helin tuugmadaan jeriyey ruuxii dheh
-
Kolkaan juuq iraahdaba afkay iga jifeeyeen dheh
-
Dhaaxaan jalleecee dhagbaan jalaq la ii siinin dheh
-
-
Goortaan jarreeraba gafoo nolol ka jaan qaaday
- Sida
janannadii hore tashigu igu jaguugnaa dheh
-
Taladii jinnigu ii hor maray jaasadeed helay dheh
-
-
Jiidaha xanuunka leh markii la igu jeeraarshay
-
Jibaadka iga soo baxay dadkii jiifka qaban waa dheh
- Kolkay
rubaddu jow tidhi or bay iga ag jiibsheen dheh
-
-
Jiidhkaygiina bahal baa cunoo jiitay hilibkii dheh
-
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa jugux ka siiyaa dheh
-
Jiljiladiyo seedaha tukay igaga jaaseen dheh
-
-
haddaan lays jikraareyn tolkay laga jidroonaa dheh
-
Weligood waxaa lagu jaraa jilib-dhig duulaan dheh
-
Daraawiishi waa jibindhowga iyo jowga soo bixi dheh
Sayid Maxamed v. Cali Dhuux
Cali Dhuux Aadan oo ahaa nin gabyaa caan
ah, jihaadkii iyo halgankii gobonimo doonka ahaa ee Sayid Maxamed
Cabdille Xasan kaga soo horjeeday Ingiriiska, Amxaarada, iyo
Talyaanigana ku noqday laf dhuun gashay, ayaa caado ka dhigtay inuu
isku diradireeyo Soomaalidii Sayidka gacan saarka la lahayd ama kuwii
Daraawiista ka tirsanaa iyo qabaa’iladdii kale ee Soomaliyeed. Wuxuu
mar walba isku dayi jiray inuu tolkii, Dhulbahante, ka hor keeno
Seyidka. Laakiin sida Soomalida badankeedu ka war qabto, Sayidku
wuxuu ahaa nin raganimada meel cidla ah u taagan oo aan geesinimo,
garasho, deeqsinimo, iyo aftahanimo cidna ku haysan, Cali
iyo kuwa Ingiriiska daba dhilifka u ahna meel iska mariyey.
Cali
waxaa la sheegaa in Sayidka uu aad uga baqi jiray dakanada uu ka qabo
Daraawiista awgeed. Waxaa la wariyaa in
Cali
maalin maalmaha ka mid ah aflagaadeeyay Sayidka iyo ciidmadiisaba,
dabadeed Sayidka qadafkii Cali lasoo
gaadhsiiyey. Sayidka ayaa wuxuu Cali
u faray fariin kooban oo aan hadda ka hayno:
Rabboo ku caynshiyo annoo ku cafa
mooyaane
Wallee caafimaad uma fadhidid Caliyoow Buuhoodle
Waxaa la xaqiijiyey in Cali
markii fariintaa la gaadhsiiyey uu u qaxay Burco oo markaa gacanta
gumaysigii Ingiriiska ku jirtay oo uu ka xamaan uruursaday Buuhoodle
Ingiriisna miciin biday. Ilmo adeero waa intiiis taqaana ayey
Soomaalidu ku maahmaahdaa, Cali aad
ayuu Sayidka u calool yaqaanay. Meelo badan ayey Sayidka iyo Cali
gabay isku weerareen laakiin Cali
wuxuu mar walba ku dadaali jiray in Sayidka iyo aagii lagu sheegaba uu
ka warwareego.
Halkan hoose waxaa kusoo qaadanaynaa
gabay af-lagaado iyo diradira ah oo uu Cali Dhuux Sayidka u soo
mariyey iyo jawaabtii Sayidku ka bixiyey.
Cali wuxuu yidhi:
Allaahu akbar eedaanku waa kaa af iyo
beene
Ashahaaday gaalkubase waa ehelu naarkiiye
Ubbo weyso waan kugu arkaa agab salaadeede
Asaxaabihii olol ku dhace wow abtiriyaaye
Hadduu uurka kaa jiro werdigu kaama orodneene
Abtiyaalladaa iyo ku nece ururtii Reer Khayre
Arboow Jaamac iyo Aadan iyo Oogle kaa tage e
Waxaan uubateeyaba tolkey oodda soo jebiye
Axmaqyahow kuwaad ku amranayd idinka ma ahayne
Waa uur gaslow Aadan-dhagax odayadaadiiye
Abtirsiinadaa waxay gashaa eyda Reer Xamare
Arxan nimaan u gelihaynin oo ina Ogaadeena
Aabowda uun bay hayaan kii arsaa'ilaye
Seyid Maxamed Cabdille Xasan wuxuu ahaa
maanso ruug aan hadalka loo qarin karin aadna u il dheer oo mid walba
oo maanso is bida tub cidla ah qaadsiin jiray. Wuxuu Sayidku Cali ugu
jawaabay:
Aw Yuusufow eray yar baan ku erginaayaaye
Hadduu Eebbaheey kuu idmood ururta weyn gaadho
Ikhwaanow adkee xaajadaan kugu ammaaneystey
Ku ansixi halkii aan ku idhi aadna ugu fiirso
Gurraasiyo Iljeex iyo u sheeg nimanka Iidoora
Ogaadeen haddaan ahay dad wow amar sareeyaaye
Oo ubaxa baarkaan ihiyo awrta Haashimiye
Abtirsiimadey waxay gashaa odayo waaweyne
Halkaan ugu arooraana waa odayga Daaroode
Rasuulkii udgoonaana waa ina-adeerkay e (csws)
Sayidkii Axmed ahaana way awow runna ahee
Ibraahiin Rashiid aabbahay odaygii weeyaane
Asaxaabihii oo dhan baan ehel wadaagnaaye
Hadba anigu qoyskaan ahaa loo irkanaayaye
Nin Amxaara mooyee intii edeg adduun joogta
Islaameedku wuxuu ii yaqaan ehelu kharykiiye
Aakhiro albaabbada jannaan agabsanaayaaye
Adiguna Abbaanow midgaan uraya sow ma ihid?
War sow kii Illaahay nacee eyga qalay ma ihid?
Calaacal iyo way
Siddaan meelo kale oo badan ku sheegnay, Seyidka iyo Cali Dhuux
waligood qardoofaha iyo hadalka oo ay isku yuubaan ayaa caado u ahaan
jirtay. Seyidku gabay uu Cali u tiriyey ayaan waxaan ka haynaa
halalkan hoose oo kaliya:
Wuxuu yidhi Seyid Maxamed, naxariistii janno Allaha siiyee:
1. Caliyow calaacal iyo way ciil ma
bi'iyaane
2. Weligaa catow baad taqaan sida carruureede
3. Waad uun cabaaddaa siddii caamadoo kale e
4. Caqli haddii aad leedahay wax baa la
citibaarshaaye
5. Cindigaa wax laga fiiriyaa caynka ay noqone
6. Cudhka laguma soo dhego waxaan kuu cuntamihayne
7. Kaarshaa ciriddii ku lumay
caasiga ahaaye
8. Isaguba cagtii hore ma qabin col iyo laayaane
9. …………………………………………………..
Soo dhamaystir, kheyr baad
helaysaaye.
Tebiya oo Geeya
Boqor Cismaan ayaa Daraawiish ciidan
kusoo bixiyey si ay usoo laayaan wixii ay maal gacanta kusoo dhigi
karaana usoo qaadaan. Ciidankaa waxaa hogaaminayey nin la odhan jiray
Bile Samatar Cismaan oo gacanta midig ee boqor Cismaan ahaa uu kuna
dhaaran jiray. Sayid Maxamed wuxuu ahaa geesi aan tabcada iyo
tirtirsiga dagaalka lagaga horayne, ilaalo uu banaanka u diray ayaa
kasoo digtay ciidanka duulaanka ah ee Majeerteen ka yimid. Ka dib,
Daraawiishi waa u diyaargarowday. Ciidankii Majeerteen oo weerar ah
iyo Daraawiishtii Sayidka oo difaac ah ayaa rasaas ooda isaga qaaday.
Dagaalkii haddii uu wax yar socday, ciidankii Boqor Cismaan ooda ayey
jabiyeen waxaana laga dhigay in dhuntay iyo in dhaan raacday. Bile oo
hogaaminayeyna waa la qabtay oo gacanta Sayidka lagu riday. Sayidku
Bile ma dilin wuuse xidhay. Haddaba Sayidku halkaa wuxuu kamariyey
gabay gaaban oo ay ka mid ahaayeen:
- Inaan
Bile tagoogada ka xidhay, tebiya oo geeya
- Inuu
xaarka taallada ka dhigay, tabiya oo geeya
- Inaad
gaalo taag daran tihiin, tebiya oo geeya
-
Labamaare inuu tiirsan yahay, tebiya oo geeya
-
Shanle-dheere inuusan wax tarin, tebiya oo geeya
-
CabdiRaxiin inuusan tol helin, tebiya oo geeya
-
Daraawiishi inaysan tureyn, tebiya oo geeya
- In
Ustaadku tiir-dhaadan yahay, tebiya oo geeya
Ma waxbaa ka dhiman?
Naf Dalkaaga doonaysa
Gabaygan
waxaa tiriyay Sayid Maxamed Cabdile Xasan mudo hadda laga joogo 100
sano. Sayidku wuxuu ka gabyey Xilligaas xaalada halgankii jihaadka ee
daraawiishta maantana waxaad arkaysaa inuu isla gabayganu khuseeyo
arinta manta waayo waagaas uu ka hadlayay ama ka gabayayey
munaafaqiintii ama dadkii caqabada ku ahaa halganka iyo danaha umada
Soomaaliyeed ee u adeegayey cadawga maantana way u adeegayaan wuxuuna
siydku ka tiriyay Eebe janadii ha ka waraabiyee tixdan gabaygaa oo
markaad dhuuxdo aad ogaanayso micnaheeda qarnigii tagay iyo
qarniganban.
Wuxuuna
ku bilaabay sidan:
1. Doodan
waxaan u leeyahay dumarkiyo caruurtoo
2. Dadkii
idinka waynaa hadday idin duleeyeen
3.Dambi
kama ay yaabine cuntay idinka doorteen
4.
Duunyaa la dhaafsaday dugsigaad galeeyseen
5.Dameerkuna ma yeelen halkay talo ku daysteen
6.Dab
intay shideen bay dalaq idinku siiyeen
7.Doox
intay qodeen bay ciid idinku daadsheen
8. Nin
idiin damqanayaa idinkama dambeeyee
9.
Hadaydaan digtoonaan daad bay idin qaadiye
10.Duleedada kufaartaa dacas idinku laynoo
11.Naf
dalkaaga doonaysaa firaash looma daadshee
12.Dabkan
aan shidaayaa daawadiina weeyee
13.Dariiqii rasuulkiyo dawga ha ka baydhina
Gabayga
iyo gogol-dhigga ka horeeyaba waxaa ku deeqay Cabdullahi Faysal Faarax
May nala garaacaan kufriga
- Xalay
gelin dhexaadkii miyaan gudub usoo booday
- Sida
nimanka gaadhka ah miyaan gabay ku soojeeday
- Garaad
laawe aadmiga miyaan gees walba u eegay
-
Goonyaha miyaan dayey kufriga ina gabraaraaya
-
Gaalkaan gudnayn ee cirradu guudka ka caddaaday
- Asaad
gudaha geedaha ka baxay guri cidla’a moodo
- Oo uu
gasiinkiisu yahay neef aan biri gaadhin
- Oo
guuldarraystow khamriga gacan togleynaaya
-
Gini-gini haddaad qaadataan naari garab taalo
-
Guushiyo hadday doonayaan geelal iyo xoolo
-
Garaadkood ba’yow may tagaan goonyihii Xarunta
- May
nala garaacaan kufriga gocorka laalaadshay
- May
goobtan joogaan jannaa loo gembiyayaaye
Fulayahow nin kaa adag
Nin la yidhaahdo Ducaale Cali Fagaase oo
Reer Hagar, Hagar Aadan, Aadan Axmed, (Ararsame) Dhulbahante, ah ayaa
Sayid Maxamed iyo Daraawiish gabay digasho ah usoo diray gabaygaas oo
uu lee yahay car haddii aad rag tihiin geelanaga foofay agtiisa qori
jabiya. Sayid Maxmed oo lagu caraystay bal adigu si dheh! Guuto
hubaysan oo wada duub cad ayuu kusoo bixiyey Reer Hagar oo fallaago
Ingiriiska xulufo la ah ahaa. Geel wixii gacantooda ku jiray ayaa
Daraawiishi soo hantiday rag badana gudirada looga loogay. Markaa
ayuu Sayidku geeraar kaga jawaabay kii Fagaase. Fagaase gabaygiisii
iyo Geeraarkii Sayidka ayaan is daba dhigaynaa.
Wuxuu yidhi Fagaase:
-
Sayidkuba ka fiig geelayaga inuu faduushaaye
-
Fagaase iyo summaddaa nafluhu kaga fogaadaaye
- Waa
fiil nin lihi foofsadoon feleg ka yaabayne
- Hadba
mesha loo filo dal buu farow ka laacaaye
-
-
Farowga iyo baruurtiisu way kaa fajicisaaye
-
Faalaha iyo dhalankuu yahaa gobi ku faydaaye
-
Fiidkiyo aroortuu durduro ganafka fiiqaaye
- Ma
facaysta laangaabka iyo tuugga fiirsada e
- Nimaan
fuulin guutada hadhkii faal ka bixi waaye
-
Faataxa wadaad iyo burduhu fanax ma beerane
- Faras
xoog leh baa lagu dhaqay iyo geesi fool adage
-
-
Fulayada Daraawiish ah iyo Maxamed faankiisa
- Hadduu
faral jahaad iyo Islaam faro ku doonaayo
-
Ararsamaha faaray ee arlada culus ku soo foofshay
- Muu
foos la xulay iyo dagaal foore kaga qaado
-
Fiqiyada ku lumay xarunta muu fiixa ka hibaadsho
- Oo
foodhi laasimo sidii Ferenji Reer Loora
Sayid Maxamedna ka dib markii
Daraawiishi dagaalkii kasoo noqotay eey Xaruntii yimaadeen wuxuu
yidhi:
-
Ararsame futo argeeg feleg baas ma ku dhacay
-
Fishtii ina gumeednimo faydo maad ka qaadeen
- Ma
fallayd kolkaad tidhi car ee foos usoo dira
- Sow
Fagaase nama odhan foofshaye car weerara
- Anna
faraska inaan qaban soo layma filahayn
-
Fulayahow nin kaa adag ma wax laysku fiiqaa
- Adigoo
farraadho leh futo xume ma dhacan tahay
- Geelii
farowga weynaa soo kaama fara bixin
-
Fululleyda gaalaad yaa kaa firfiirsaday
-
Faalkiyo ayuubkii farrihii ma eeddeen
-
Fuxshigaad ku faanteen ma anaaba kuu furay
- Ileen
Ferenji nimuu kuday waa faasuq dooro leh
|