HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!!!!
WQ: shiikh saahid maxamed yusuf
June 10, 2001
Kitaabkeena Quraanka ah ma aha kitaab saynis ah oo ay ku qoran
yihiin aragtiyo saynis ah sida (Newton
theory or Einstain Relativity) Balse waxa weeye kitaab uu
Allaah u soo dejiyey in lagu hannuusho Bani,aadamka oo looga saaro
mugdiyada Jaahiliinta loona saaro Iftiinka Islaamka sida uu Allaah
quraankiisa ku yiri:
( waa kitaab aan u soo dejinay si aad dadka kaga saarto
mugdiyada oo aad u saarto nuurka...). 14:1
(A book which we have revealed unto thee, in order that thou
mightest lead mankind out of the depths of the darkness into
light- by the leave...)14:1
Inkasta oo uusan Quraanku kitaab Saynis aheyn haddana kama
reebna in ay ku jiraan Afkaar muran ma doonta ah oo waayahan danbe
uu Saynisku cadeeyey, Taas oo Dadka mu'miniinta ah iimaankooda u
siyaadineysa xoog in uu kitaabkani Allaah xaggiisa ka yimid, sida
uu Aabaheeen Nabi Ibraahiim uu allaah uga dalbaday in uu tusiyo
sida uu Maydka u nooleeyo,markaas ayaa Allaah SWT ku yiri:(oo
miyaadan rumaynin? Ibraahiim wuxuu ku jawaabay in aan rumeeyey
iska daaye waan rumeeyey oo ah erey ka xeeldheer haa!!! Laakiin
waxaan rabaa ayuu yiri Nabi Ibraahiim NNKH in uu qalbigeygu ku
dago!!! sida ay carabtu ugu maahmaahdo (wax sheegu arragtida oo
kale ma ahan).
Sidoo kale gaaladana waxay u caddeynaysaa in uusan Nabi Muxamed
oo la yaqaan waqtiga uu joogay iyo meesha uu joogay in uu
Aragtiyadan Saynis ka ah uu u soo waxyooday Allaah kaliya ee uusan
asagu la iman. Sida uu qirtay Dhakhtarka weyn ee cilmiga
Ilmaha(Embrology) Keith Moore ee kanadiyaanka ah oo macallin ka ah
Jaamacadda Toronto oo leh Buugga u caansan cilmigaas oo 8 luqo
lagu turjumay oo la yiraahdo:(The
Human embrology).
Dr. keith waxaa loo geeyey Aaydaha quraanka ah ee ka hadlaaya
marxaladaha uu Bani-aadamku ku maro uurka hooyadiis uu yaabay
wuxuuna yiri in ay sax yihiin iska daaye sida aan ardeyda u barno
habka quraanka ayaaba ka fudud. waxaa taas ka sii daran marxaladda
uu quraanku ku tilmaayey (mudqa)wax la calaalshay ayuu sawiray
markaas ayada ah waxayba u egtahay xanjo la calaalshay oo ilkihii
ka muuqdaan.
Waxaa la weydiiyey
DR.Keith Moore maxaa u maleynesaa in uu Muxamed cilmigaan ka
helay 15 qarni ka hor,wuxuu yiri cilmiga casriga ah ee
(ultrasound) iyo (X-rays) dad'diisu ma dhaafsana 30-40 sano marka
waxaan leeyahay Muxamed cilmigaa Allaah ayaa u soo waxyooday ee
meel kale kama keeni karo, waxaa la yiri ma adiga oo Masiixi ah oo
Ciise rumaysan ayaa sidaa oranaaya, wuxuu ku jawaabay waxaan
aaminsanahay Ciise iyo Muxamedba in hal ilaah u soo wada waxyooday.
waxaa kaloo laga codsaday in uu Buugiisa ku daro Aayadahan
Quraanka ah ,wuuna ogolaaday oo waxaa la daabacay waxaana la
yiraahdaa;( the human embrology with the verses of Koran)!!!!!.
Akhristoow taas waxaa ka sii daran labo war bixin oo dhawaantan
ay soo saareen la hay'adood oo cilmi Baaris ah oo mareykan ah
midda hore waxaa soo saartay Jaamicadda weyn ee (Harvard
university researchers) oo 15,000 oo dhallinyaro ah oo lagu
soo koriyey caanaha( formula) ooysan Hooyooyinkood nuujinin in
Boqolkiiba 22 ay ka buurnaadaan ilmaha kale ee hooyooyinkood
nuujiyaan marka ay gaaraan da'da 9 ilaa 14.sidoo kale warbixintu
waxay ku sii dartay in inta badan ee ay carruurtu naaska hooyadood
nuugaan in ay ka cayil yar yihiin ilmaha aan wax badan la jaqsiin
naaska hooyadood.
Isla Baaritaankaas oo kale waxaa ayaduna sameysay Machadka
qaranka ee caafimaadka mareykanka(NIH
) kadib markuu baaritaan ku sameyey 2,685 carruur yar yar oo
da'doodu u dhaxayso3 ila 5 sano waxay ayaguna heleen in naas
nuujintu ay yareyso khatarta uu cunugu Buurni xad dhaaf ah ku
buuran karo marka uu weynaado.
Warbixintu waxay intaas ku dartay ayadoo waligeedba
dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas
nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba
ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay xiisad hor leh
faa'dooyinka ilmuhu ka helayaan naas nuujinta oo aad iyo aad ugu
yar Dawladaha reer galbeedka ee aan u naqaan in ay horay u mareen
se hantaqa ka sii shalwanaaya!!.
Sida ay sheegtay warbixintaasi Boqolkiiba 29 kaliya ayaa
mareykanka la nuujiyaa lix bilood oo ah inta ugu yar ay yiraahdeen
akadeemiyada mareykanka ee caafimaadka carruurta(American
Academy of pediatrics).
Buurnida
aan ka hadleyno waa buurnida xad dhaafka ah ee maanta noqotay
cudur la iskala dagaalamo,maxaayeelay dadka aadka u buurani waxay
halis u yihiin in ay ku dhacaan cuduro halis ah sida Sokorowga,
cudurada wadnaha, qalalka maskaxda, iyo dhibaatooyin badan oo ay
ka mid yihiin dadka oo ku quursada.
Haatan waxaad is weydiineysaa maxaa Haweenka Soomaaliyeed oo
yaraantoodii Sannad iyo ka badan la nuujiyey, Buurnida Haweenka
Soomaaliyeed badanaa waxay dhacdaa guurka kadib, waxayna ku
timaadaa cayil iska ilaalin la,aan wixii doono la ruugo taasinna
wax kaa celin kara majirto adiga oo iska ilaaliya mooyee(Diet),
laakiin midda aan ka hadleyno waa mid ku imaaneysa carruurta ayaga
laga ilaalinaayo cayilitaanka(Diet).
Sababaha ugu badan oo aysan hooyooyinka reer galbeedku
carruurtooda u nuujinin waxa waaye ayagoo laga rabo in ay shaqo
dhakhso ugu noqdaan taas ooysan u saamixaynin goobta shaqadu.(1).
DIINTU WAXA AY KATIRI NAAS NUUJINTA
Haatanna aann u soo noqdo waxa ay Diinteena sharafta lihi ay ka
tiri naas nuujinta, wuxuu rabi quraankiisa ku faray in Haweenka ay
ilmahooda nuujiyaan labo sano, wuxuu allaah ku yiri:
( Hooyoonyinku ha nuujiyeen carruurtooda labo sano oo kaamil
ah,waa ruuxii doona in uu nuujitaanka dhameystiro,Nimankana waxaa
waajib ku ah in ay quudiyaan iyo in ay dhar u gadaan si macruuf ku
jiro...).2:233.
( the mothers shall give.suck to their offsprings.for two whole
years for whom who desires to complete the term.but he shall bear
the cost of their food and clothing)2:233.
Sidoo kale Nabi NNKH wuxuu celiyey haweeney uur leh oo uu xad
ku waajibay in la dilo markay qiratay in ay sineysatay Nabigana ay
ka dalabtay in uu dhahiro oo xadka ka oofiyo, wuxuu ku yiri horta
kala imaaw oo uurka aad wado soo dhal ,markay dhashay ayey ula
timid ayadoo wadata cunug wuxuuna faray in ay labo sano soo
nuujiso oo marka ay naaska ka soo gooyso u soo noqoto,kadib ayey
sidii yeeshay oo labon sano kadib ayadoo uu cunugii muufo gacanta
ku haysto u keenta,markaas ayuu Nabigu NNKH faray in xadka laga
oofiyo.
Sidaas muxuu nabigu u yeelay waa faa'idada uu naasku u leeyahay
carruurta marka ay yar yihiin. Runtii Kitaabkeena quraanka waxuu
nagu hanuuninayaa wax kasta waxa ugu fiican, sida uu allaah yiri:
( Quraankani wuxuu idinku hanuuninayaa wax kasta waxa ugu
fiican)17:9
( verily this Qurandoth guide to thatwhich most right or
stable)17:9
Allaah wuxuu kaloo yiri asagoo noo sheegaaya wixii Asaga iyo
quraankiisa ka soo haray in ay baadil yihiin iyo lumitaan :
(... maxaa xaqa ka danbeeya lumitaan mooyee)10:32
( such is Allah,your true Lord:aprt from the truth,what
(remains) but error?!!! 10:32
Maanta waxaan la yaabaa Dadka Muslimiinta ah ee asagoo Rabbi
siiyey Kitaabkaas Qayimka ah ee wax kasta iskugu jira: shareeco,
akhlaaq, siyaasad, dhaqaale, taariikh, Adaab, hanuun, Saynis,
Toosin, iftiin, nabadgalyo, is-ixtiraam, xaq dhowr, caddaalad,
Nuur , iftiin, Aakhiro jano, adduunkana aflax!!!! (aan kudhaqmin
ama ka faa'iidaysan.)
Kitabkaas dhankii laga eegaba ah midka la xulanaayo oo Allaah
noo soo dejiyey in aan ku dhaafsano fikrad bani,aadam oo gaaban
taas ayaa ah meel ka dhac iyo habaaw iyo lumis run ah iyo Baadil
aan wax ka danbeeyaa jirin!!!!!!!!!
Se siduu rabi yiri Quraanka warkiisa mar danbe ayaan ogaan
doonaa, tolow ma marka ay Sanisyahaniintu noo sharxaanbaa sida
DR.Keith Moore ama Harvard University,taas oo ayaduba fikrad naga
maqan ah,mise waa mid ka sii daran oo ah marka aan dhimano oo nala
soo bixiyo ayaan Quraanka warkiisa ogaan doonaa, inta aysan taasi
dhicin yaanan Quraanka wax kale ku Doorsanin.
Allaah wuxuu yiri:
( Quraanka warkiisa waxaad ogaan doontaan waqti kadib)38:88
(" and ye shall certainly know the truth of it(all) after a
while").38:88.
Akhri
qaybta labaad ee qoraalkan
WABILAAHI TAWFIIQ
Qore: shiikh saahid maxamed yusuf
E-mail: gacamay@hotmail.com
TORONTO, CANADA