Mataan's Website NEWS NETWORK AROUND THE GLOBE
Mataan's website 02 JUL 2004
HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!! (Qaybta 2aad]
WQ: shiikh saahid maxamed yusuf

June 18, 2001

Al-salaamu calaykum:

Casharkii hore waxaan ku soo qaadanay Labadii warbixinood ee ku saabsanaa in ay Hooyooyinku nuujiyaan carruurtooda in ka badan lix bilood waa haddii ay ka fakarayaan Caafimaadkooda iyo caafimaadka carruurtooda. waana warbixin aan ka soo bixin suuqa Yoobsan ee ka soo baxday suuqyada Secularka ee ( NIH ) iyo Jaamcadda Harvard.

(Nutfah) Sura 23:13
(Calaqah) Sura 23:14
(Mudghah) Sura 23:14
Sura 23:14
Sura 23:14
Sura 32:9
Sura 22:5
Sura 22:5

Aayaadaha kore waxay tilmaamayaan Heererka Ilmuhu maro marka uu uurka kujiro.
Sawirada ilmaha uurka kujira

Runtii Fadligu waa waxa uu cadowgaagu kuu qiro, Sharaxadda ugu fiicanina waa sharaxaadda uu macallinkaaga aad ku kalsoon tahay kuu sharxo, haddaba aniga oo la hadlaaya waxgaradka Soomaaliyeed ee daba nashleeya Macallimiintooda Reer galbeedka tanna wax ma ku qaadan weynay, xataa macallimiinteenii waxa ay nooga digayaan ma qaadan weynay ....

Bal tanna qabso nolosha Reer galbeedku waxay ku dhisan tahay caqli bani,aadam oo dantiisa wata, waxa ugu fiican ee Reer galbeedku ku fakaraan wuxuu ku salaysan yahay DIIN se marnaba waa Diin lagu dhihi maayo, kutub ayaan ka soo qaadanayna lagu dhihimaayo, Nabi baa wariyeyna lagu dhihimaayo, ee waxaa laguu meerin magacyo Dad oo xikmad lagaaga digi.

Bal u fiirso Abayaasha xornimada, siyaasdda , dhaqaalaha, Akhlaaqda, suugaanta IWM waxa ugu fiican ay ku doodayaan Diin ayey ku saleysan tahay se Magacii Ninka ayaa lagu subcinayaa!!!.

Wuxuu kaloo soo saaray (National Institute of Child Health and Human Development) ee Mareykanka In carruurta in ka badan sodon saacadood usbuucii joogta guryaha xannaanada (DAY CARE) waqtiyada hore ee koritaankooda, ay la soo koraan in ay noqdaan kuwo dabeecad qalafsan(aggressive)wax maqlid la,aan(disobedient), cabsi( Fearful), Qalood(shy).

intaas oo kaliya ma ahee waxuu baaritaanku ku daray in ay dugsiyada ku yihiin carruurta wax baadda ( bully) wax disha ,xaasidka ku ah carruuraha kale.

Warbixintani waxay wax yar il nooga fureysaa anagoo la yaaban waxaan ku sameyn laheyn carruurta Dugsiyadda wax ku Baadda ama ciyaalka xooga taas oo wararkoodu beryahan danbe ku batay dilitaanka ka dhaca dugsiyada(School killings).

Sidoo kale (National center for health statistics) waxay ayaguna heleen in uu batay dhallitaanka carruurta aan Aabaha laheyn (out-of-weddlock0) wuxuuna gaaray 33% carruurtii dhalatay sanadkii 1999. wuxuuna celceliskii noqday in ku dhaw hal cunug labadiiba oo ay dhalaan haweenka da,doodu u dhaxeyso 20-24 ay yihiin ilmo aan aabbo laheyn sida uu sheegay machadkaasi(NCHS).

Machadkaas oo darsa dhaqanka carruurta wuxuu baaritaan ku sameeyey 1300 carruur ah ilaa iyo haddana baaritaanku wuu socdaa , wuxuuna helay in carruurta waqti badan joogga (Day care)ay yihiin kuwo ka cabsi badan kana qallosha badan kuwa wax yar lee joogga (Day care) ka ama waalidkood guryaha ku haayo.

wuxuuna baaritaankiisii ku soo gaba gabeeyey ( ... Ruux jecel ma jiro in uu arrintan maqlo maxaa yeelay ( Day care) ku wuxuu ka mid noqday waxyaabaha lagama maarmaanka u ah Waalidiinta shaqeeya khaasatan kuwa kelida ah, waalid rabaayina ma jiro in uu ilmihiisa ku caawiyo xumi ay ku korayaan... Inkastoo ilmaha ( Day care) ku koraayi ay ka waxbarasho fiican yihiin kuwa kale sida ay waxbarashadu sheegtay, haddana waxay warbixintu ku soo gabagabeysay warkeedii... jeclaaw ama ha jeclaanin waxaan abuureynaa ilmo Dugsiyada ku fiican ama ku jaan go,an se aan ku fiicneyn Bulshada dhexdeeda)!!!!!!!!(1).

"maxaa loo lahaa Islaamku haweenka waa uu liidaa, soow kuwan sida xoriyada leh u adeeganaya.."
Kathy Kenny,
Minnesota, USA
guji halkan

Haddaba Akhristoow ma fahamtay dhaqanka aan ku soo kornay ee ah in Hooyooyinku Ilmahooda ugu xaq badan yihiin in ay la joogaan sanadaha ugu horeeya, muhiimadda uu leeyahay iyo sida uu dhaqanka reer galbeedku u kala daadsan yahay laga soo bilaabo nuujintooda ilaa koritaankooda ugu horeeya iyo naxariisdardda ay ka soo qaadayaan Guryaha ( Day cares). taas ooy haatan waxba ka qaban karin Reer galbeedku in ay saxaan khalad ay muddo u qeylinaayeen haweenka ha la xoreeyo!!!!.

Taas waxaa ku sii dartaa ayadoo ( working mothers) aysan wax dhaqaale ah ku soo kordhineynin Qoyska marka mushahaarkeeda laga jaro kharashka ( Day care)!!!! Ayaa ayadiina ku dayacan tahay in ay u adeegto ( boss) quruxdeeda u hanqal taagaya, cunugeediina ay Saqiir suujisay booyaaso Doolar u hanqal taageysa!!!!!!!!.

Goorma ayaanu fahmi doonaa Quraanka warkiisa ma marka ay noo sharxaan macallimiinta Reer galbeedku mise marka aan dhimano ee nala soo saaro!!!!.

Siduu Allaah Quraankiisa ku yiri:( Quraanka warkiisa waad ogaan doontaan waqti kadib).

wabilaahi tawfiiq.

Qore: shiikh saahid maxamed yusuf
E-mail: gacamay@hotmail.com
TORONTO, CANADA