Somaliland  Bank Notes | Somaliland flagConstitutionSomaliland mission   |  Somaliland forum
Somaliland Web
kkk
Xaflada balaadhan oo lagu soo dhawaynayay Gudoomiye-xigeenka G/wakiiladda Somaliland oo ka dhacday London



“Waa in dadka tallada wax laga siiyo, sida wax looga siin karaan waa doorashadsa degaanka oo la hirgaliyo” Md. Jirde
London (Jam)- Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Galbeedka magaalada London maalintii Jimcihii ee taarkhiidu ahayd 25ka Oktoobar, 2002. Munaasbadan oo lagu soo dhawaynayay guddoomiye-xigeenka gollaha wakiilada Somaliland Md. C/qaadir X Ismaaciil Jirde, ayaa waxa ka soo qayb galay dad badan oo reer Somaliland ah oo isugu jira qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Xaflada ayaa sidii caadiga ahayd waxa lagu furay aayado Qur’aan ah, waxaana ugu horeyntiiba ereyo kooban oo soo dhawayn ah halkaas ka soo jeediyay Khadar Xasan Cali oo ka tirsan Xafiiska Jamhuuriya ee London, intaas ka dibna waxa warbixin kooban oo  ku saabsan ururka Somaliland Forum ka soo jeediyay guddoomiyaha ururka ay ku midoobeen Qurba jooga  reer Somaland ee Somaliland Forum Daahir Cabdi Jama, waxaanu ka waramay hawlaha kala duwan ee ururku qabto.

Yasiin Karshe oo ku hadlayay magaca odayaasha xaafada ayaa isna ku guubaabiyay dadka reer Somaliland, gaar ahaan dhallinyaradu in ay ku adkaadaan dhaqankooda iyo diintooda. Waxa iyaduna ka hadashay dhibaatooyinka ay qaybyaaladu leedahay bulshada Foosiya Yuusuf  Xaaji Aadan, waxaanay ku eedeysay in ay raggu masuul ka yihiin adeegsiga qabyaalada.

Md. Cali Obsiiye diiriye (Cali Gabiley) oo ka mid ah mudanayaasha gollaha wakiilada ee Somaliland ayaa isna si qoto dheer uga hadlay taariikhda xorriyada Somaliland. Waxaanu Md. Cali isagoo ka hadlayaa arrintaas yidhi “Waxaynu ahayn laba jamhuuriyadood oo midoobay ka dibna kala noqday oo sida jamhuuriyadii Midowga Soofiyeetiguba u kala baxeen oo kala, markaa cid cid ka go’day ma jirtee dowladnmadeenii ayuun baynu la soo noqonay”.   Md Gabiley waxa uu xusay in ay dadka reer Somaliland markiiba fahmeen khaladka ay galeen, taasi oo ay kaga jawaabeen  in ay maya  ugu codeyaan distoorka 1961  iyo inqilaabkii ay isku dayeen   kooxadii dhallinyaradii saraakiisha reer Somaliland ahayd ee u hogaaminayay Xasan Kayd oo ku beegnayd horaantii lixdameeyadii. Ugu danbeyntiina waxa uu Md Gabiley caddeeyay in Somaliland dhaqaaqday, waxaanu ku amaanay dadka qurba jooga ahi kaallinta ay kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha dalka, balse waxa uu ku dhalliilay is ogaansho la’aanta, isagoo muujiyay sida ay muhiimka u yihiin kullanmada noocan oo kale ahi.
Waxa isaguna halkaas hadal si aada u xiiso galiyay ka qayb galayaashii xaflada ka soo jeediyay afhayeenka beesha Gabooye ee Yurub Mahdi Cismaan (Buuri). Afhayeenku waxa si qoto dheer leh uga waramay sida loo heli karo Somaliland mideysan. Waxaanu yidhi “ Somaliland mideysan waxa lagu heli karaa iyada oo aynu u noqono kitaabkeena samaawiga ah iyo sunnada, waayo Illaahay cid inooga naxariis badani ma jirto”. Waxa kale oo Mahdi uga digay dadka reer Somaliland in ay ku gafaan dad walaaladood ah oo reer Somaliland ah oo la mid ah uguna yeedhaan kalamado xun xun sida Midgaan oo kale. Mahdi waxa kale oo uu sheegay in sida ku cad diinteena dadku isku mid yihiin ta kaliya ee lagu kala sareeyaana tahay cabsida Illaahay. Mahdi waxa kale oo uu intaas ku daray in shacbiga Somaliland yihiin shacbi aad iyo aad u wanaagsan waayo buu yidhi dhawaan waxaanu soo saarnay baaq  anaga iyo beeshayadu iyada oo ay gacan naga siiyeen dhallinyarada wargeyska Jamhuuriya ee Hargeysa iyo London. Waxaanu yidhi Mahdi isagoo arrintaas ka hadlaya “Baaqaas aanu u soo jeedinaya dawladayada Somaliland ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Daahir Rayaale,  waxa ay ka soo jawaabay Somaliland oo dhan oo ay ugu horeyso dowladda oo na siisay wasiir ku xigeen. Waxa kale oo ka soo jawaabay ururka Somaliland Forum oo isku bahaysatay niyad wanaag iyo horumarinta dalkooda. Dhanka xisbiyadana waxa ka soo jawaabay xisbiga KULMIYE oo ah ka kaliya ee noo soo jawaabay iyo dadweyne fara badan oo reer Somaliland ah sida Foosiya Yuusuf Xaaji Adaan, Inanta Roda Cali. Mahdi waxa uu hadalkiisii ku soo fajaray erayo gubaabo ah oo u soo jeediyay beesha Gabooye, kuwaas oo ugu maahmaahay “Laf ta dhariga waxa kala baxa ninka u dhaw”. Markaa waxa uu yidhi “Aad bay u adag tahay in aanu ka hadalno arrimihiina anagoo London joogna markaa iminka laga bilaabo nidaamkii beelaha waa laga gudbay oo waa laga footeeyay qabyaaladii ee danta Somaliland ayaanu ka shaqaynaynaa ee dan beeleed oo danbe ka hadli mayno. Markaa dadkiina wax la qabsada oo ka qayb qaata wax qabadkiisa iyo horumarinbtiisa dhinac walba.

Intaas ka dibna waxa hadalkii la wareegay guddoomiye-xigeenka gollaha wakiilada ee Somaliland C/qaadir X Ismaaciil Jirde, waxaanu ugu horeyntii mahad celin u soo jeediyay dadka wakhtigooda u soo huray kullankan. Waxaanu warbixn ka bixiyay xaalada guud ee Somaliland maanta ku sugan tahay, isagoo xusay in arrintii ugu cuslayd ee dalka soo martay ay ahayd geeridii madaxweynaha Illaahay ha u naxariistee, taasi oo uu sheegay in Illaahay inoo fududeeyay, oo si distoori ah loo fulliyay.

Md C/qaadir waxa uu intaas ka dib si qoto dheer uga waramay doorashooyinka fooda inagu soo haya oo sida uu carrabka ku dhuftay dad badani ka shaki ka qabaa sida ay suurtogal u tahay.  Mudane Jirde waxa yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya “Doorashooyinku waa tan dowladaha hoose iyo ta Baarlamaanka iyo  madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka  oo hal mar ah, markaa su’aashu waxay tahay ta dowladah hoose ma la dhaafi karaa waayo waad og tihiin oo doorashooyinku dadka way kala qaybiyaan, tartan baa la galaa wuu qaloocan karaan, kala shaki baa jira waxbaa lagu shubanayaa, waxbaa keer ah, waxbaa lakala qaadayaa. Waar waxaa ma ka baaqsan karnaa oo iminkaba way inoo shaqaynaysee sidaas maku daysan karnaa dad baa qaba sidaas, laakiinse horumarku mar walba wuxuu ku jiraa in mar walba tallaabo hore aad u qaado haddiise aad meel uun taagnaato intaad haysana ma joogtayn kartid horumarna ma gaadhi kartid”.

Md Jirde waxa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in ay doonayaan in tallada ay dadka u celiyaan waayo sidan dalku yahay buu yidhi talladu waxay gacanta ugu jirtaa saddexda golle oo aanu anagu ka mid nahay. Waxaanu sheegay in aan dimuqraadiyadu sidaas ahayn ee loo baahan yahay in maamulka degaanka ay dadku soo doortaan ee maaha in laga soo magacaabo maayarka Laasqoray Hargeysa. Faa’iidooyinka ku jiraana wuxuu ku tilmaamay in ay ka mid yihiin dadka oo iska soo dhex doortaan ciddii u talin lahayd ee degaankooda masuulka ka noqon lahayd isla markaana ay gaadhii karaan qofkii canshuurtooda isticmaalayay. Mudane Jirde oo qaabka doorashooyinka sharaxaad ka bixinayaa waxa uu yidhi “Si aynu uga badbaadno fawdadii lixdankii oo aanay u dhicin in reer waliba sumadii geellooda xisbi ku soo dhigto, xisbiyadu dowladaha hoose way u wada tartamayaan laakiinse saddex xisbi ayuun baa isku soo hadhaya ugu danbeysta oo loo aqoonsanayaa xisbiyo qaran, taana waxa loogu tallo galay si aan xisbi reer ahi u soo bixin, taasina waxa ka dhallanaya in isbahasiyo abuurmaan. Markaa way adkaanaysaa in xisbi reer hebel ahi soo baxo waayo kama wada helayo intaas oo gobol, waxaanad moodaa in dadkii gobollada ee la ilaabay iminka loo kala dheereynayo oo waxa la ogaaday in loo baahan yahay. Bani Aadamkuna wuxuu ilaashadaa wixiii uu wax ku leeyahay markaa in ninka Ceerigaabo ama meel ka shisheysa joogaa wuu ku qaloonayaa dowlad Hargeysa uun fadhida oo dhabarka ayuu u sii jeedinayaa oo xoog laguma soo jeedin karo markaa waa in dadka tallada wax laga siiyo. Sida wax looga siin karaan waa doorashadsa degaanka oo la hirgaliyo kuwaas oo iyagu iska sii dhex dooranay maayarada.  Maamulka baahsan  ee madaxa-banaana (decentralization) wuxuu hirgali karaa uun marka distoorku caddeynayo in dadku degaamadiisa wax ka dhex dooranayo ee aanu ahayn deeq dowlada dhexe bixinayso.” 

Waxa kale oo Md Jirde xusay maadaama aynu dooranay nidaamka doorashooyinka isla markaana aan la hayn tiro koob sugan waxa la isla gartay in la kala siiyo degmooyinka darajo. Markaana  xisbi waliba intuu ka helo uun ay tahay kuraasta, laakiinse waxa uu xusay in la badali doonaa marka la helo tiro koob oo nidaamka Ingiriiska in la qaato laga yaabaa.

C/qaadir isagoo ka hadlaya guddida doorashooyinka waxa uu caddeeyay in ay madax banaan yihiin oo aan xataa madaxweynuhu ka qaadi karin xilka. Wuxuuna sheegay in hawsha u taallaa ay tahay mid culus oo ay awood u leeyihiin ku dhawaaqida doorashada. Waxaanu intaas ku daray in doorashooyinka tan dowladaha hoose ay tahay mid aynu wada eegayno oo haddii ay inaga xumaato tani kuwa kalena loo helaa xal lagaga gudbo, waxaanu carrabka uu ku adkeeyay sida Somaliland ugu dhisan tahay kolba waxa dadku isku raacaan ee dan la moodo iyo wada tashi guud oo aan la is maquunin karin.

Waxa kale oo Guddoomiye-xigeenku ka hadlay Shirka Elderot isagoo halkaas ka sheegay mowqifka dowladda Somaliland ee ku wajahan shirkaas.  C/qaadir oo ka hadlayaana waxa uu yidhi “ Mawqifka Somaliland mar walba wuu cad yahay waana Somaliland waa qaran dhisan, jirra oo madax banana waxna dhistay. Qaran buburay ayaanuna ka diga roganay markaa qasab ayay nagu tahay nimankaa walaalahayo in aanu wadahadalno oo aanu isa soo hor fadhiisano, laakiinse waa marka ay noqdaan qaran jira oo kalsooni ka haysta dadkooda. Balse maanta cid aanu la hadalno iyo cid aanu aamini karno oo fullin kara waxaanu la galnaa majirto, waayo nin waliba meel yar ayuu fadhiyaa”. Waxa kale oo Md. C/qaadir sheegay in mar la yidhi ha la heshiisiiyo Soomaalida balse taasi waxay keentay in la yidhaa waar haddii arrimahaooda aynu dhexgalno si fudud ayaynu ugu milmi karnaa, markaa yaan la faragalin. Waxaanu intaas ku ladhay in inta aan halkaas waxba ka jirin ay tahay Somaliland ku khamaar taasna aanaan yeelayn.

Guddoomiye-xigeenku waxa uu hadalkisii ku soo  gabagabeeyay in aftidii distoorka ka dib in ay Somaliland noqotay qaran aan cidna gorgortan kula gali karin isku dar iyo la midow dal kale . Waxaanu yidhi Mudanuhu “Walaa madaxweyne walaa gollayaal ayaan go’aan ka gaadhi karin markaa anaga farahayaga arrintu way ka baxday oo dadka Somaliland ayay u taallaa waxay ka yeelayaan labadan Soomaaliyeedna kuwa kale iskama xigaan”.

Gebogabdii shirka waxa ereyo kooban oo mahad celin ah ka soo jeediyay Tifaftiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya London C/xakiim Maxamed Sheekh, gaar ahaana wuxuu u mahadceliyay dhallinyaradii gacanta ka geysatay qabanqaabada xafladan   Kaysar Cabdilaahi, Xasan Axmed Siciid, Cabdi Cali Mahdi,  Axmed Xaashi iyo Cali Xamud Jibril) shirkada SOOMAAL Travel  iyo Ururka RAAD Ltd.

Munaasabada xafladan waxa soo qabanqaabiyay bahda wargeyska Jamhuuriya ee London oo mahadcelin balaadhan u soo jeediyay dhamaanba mareegaha internetka ee Somaliland oo ogeysiiska ku faafiyay boggagooda internetka (Somaliland democracy watch, Somalilandnews, Somalilandnet, Togdheer online iyo Radio Somaliland.)

                                                     
Khadar Hassan Ali
                                                     Jamhuuriya London


Email:jamhuuriya@hotmail.com
You need Java to see this applet.