| Somaliland Web |
| kkk |
![]() |
Xisbiga KULMIYE wuxuu ka walaacsanyahay heshiiska deg degga ah ee xukuumadda Somaliland la gashay shirkad la sheegay inay qoddo batroolka. Waftida shirkaddan oo ka kooban laba xubnood oo dhalashadoodu kala yihiin Ingiriis iyo Sacuudi, waxaa la sheegay inay ka socdaan shirkad magaceeda la yidhaahdo "Seminole Copenhagen Group" oo fadhigeedu yahay carriga Ingriiska. Waxa soo shaac baxay warar walaac geliyay muwaadiniin badan, oo xubno xisbigayaga Kulmiye ka tirsani ka mid yihiin, oo dabagal ku sameeyay nimankan iyo shirkadaha ay sheeganayaan inay metelaanba, gaar ahaana waxa soo baxay warar sheegaya in mid kamid ah labada nin ee heshiiska saxeexay lagu xukumay inuu galay dembiyo khiyaamo ah badhtamihii 1994. Haddaba isla bishan 20keedii waxa heshiis shirkadda "Seminole Copenhagen Group" ee ay nimankani metelayaan heshiis "joint-venture" ah la galay dawladda Somaliland kaasoo u oggolaanaya shirkaddan ka ganacsato dhuxul-dhagaxda, Zercon, Titanium, sibidhka; iyo inay la wareegto laba ceel oo ay qodday shirkadda Chevron ka hor 1988kii. Heshiiskaasi wuxuu dhigayaa in hantida ka soo baxda ay dawladdu yeelato 50% shirkadaasina 50% kale. Xisbiga KULMIYE oo barnaamijkiisa siyaasadiisadeed ahmiyadda koowaad siiyeey horumarinta iyo kobcinta dhaqaale ee dalka wuxuu soo dhawaynayaa shirkadaha shisheeyaha iyo kuwa waddaniga ah ee maal gelinaya dalka. Wuxuuse KULMIYE ka walaacsanyahay heshiiska xukuumaddu la gashay shirkaddan, iyo muddada gaaban ee ay lagu soo gunaanaday. Iyada oo uu ku xisaabtamayo xogta uu xisbiga KULMIYE hayo ilaa iyo imika, waxay noola muuqataa habka loo dhigay heshiiskan inaan Somaliland faa'iido ugu jirin oo ay dhici karto in khasaare uga yimaaddo. Waxaana KULMIYE u arkaa inaan la samayn baadhitaan iyo xog sugan oo lagu ogaanaayo jiritaanka shirkadan. Iyada oo aynu wada ogsoonahay in dalku maanta ku jiro marxalad kala guur oo loo diyaar garoobayo doorashooyin, wakhtigii dawladda loo kordhiyeyna gabaabsi yahay, xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa in xukuumaddu isku dayeyso inay degdeg ku meel mariso heshiisyo aanay dhinaceeda baadhitaan u gelin, waxgaradka shacbiga Somalilandna aan loo soo bandhigin oo lala tashan. KULMIYE wuxuu u arkaa in heshiisyada noocan ahi ay ka wayn yihiin wax la qariyo. Waxa wararku sheegeen in heshiiska ay ka mid ahayd in ceelal hore ay u qodday shirkadda Chevron lagu wareejin doono "Seminole Copenhagen Group". Tallaabadaasi waxay caqabad ku noqon kartaa magaca Somaliland. Wuxuu xisibiga KULMIYE ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland in xisbiyada siyaasiga ah iyo shacbiguba xaq u leeyihiin: - in dawladdu shacbiweynaha u soo bandhigto magacyada shirkadaha iyo ashkhaasta ay heshiiskan la gashay - in dawladdu u soo bandhigto shacbiga caddaymo sharraxaya jiritaanka shirkadda "Seminole Copenhagen Group", dalka iyo meesha ay saldhigga ku leedahay, muddada ay jirtay, dalalka ay ka hawlgasho iyo shaqooyin ay hore u fulisay haddii ay jiraan oo Somaliland u damaanad qaadi kara jiritaanka iyo waxqabadka shirkadan. - in baadhitaan lagu sameeyo lagaga gun gaadhayo inaan madaxda shirkaddan ama cidkasta oo sheeganaysa inay metelaysaba wax danbi ahna aanay ka gelin dalkoodii ama dalal kaleba. - ka hor inta baadhitaankaan lagaga gungaadhayo arrimaha aanu soo sheegnayna, KULMIYE wuxuu dawladda ka codsanayaa inay hakiso fulinta heshiiskaas. - Waxaanu kaloo xukuumadda Somaliland kula talinaynaa inay heshiisyada noocan oo kale ah, ee la xidhiidha maalgelin shisheeye ay cilmi baadhis intan dhaanta ku sameeyaan oo iska hubsadaan, oo aanay noqon wax toban cisho go'aan lagaga gaadhi kari si aan khayraadka dalku u dhaxal wareegin oo gacmo khalada u gelin. Ururka Horumarka iyo Midnimada Somaliland( Kulmiye). Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh afhayeenka Xisbiga Faarax Xirsi spokesperson@kulmiye.com |
| KULMIYE OO KA WALAACSAN HESHIISKA XUKUUMADDU LA GASHAY SHIRKAD LA SHEEGAY INAY BATROOLKA SOO SAARI DOONTO |