Somaliland  Bank Notes | Somaliland flagConstitutionSomaliland mission   |  Somaliland forum
Somaliland Web
kkk
Wasaarada Arimaha Dibada oo warbaahinta ku amartay in aanay siticmaalin erayga Puntland
Posted Date: Sat, 21 Dec 2002 14:20:23

Posted Web: Hadhwanaag.com

Hargeysa,

Somaliland


War cad oo ka soo baxay wasaarada Arimaha Dibada ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in aan haba yaraatee saxaafada dalka ee madaxa banaan iyo ta dawladuba isticmaalin erayga Puntland balse ay isticmaalaan erayga Majeerteeniya oo ah kii loo yaqaanay.
      Wasaarada Arimaha Dibadu waxay ugu sababaysay arintan inay xad gudub ku tahay Somaliland mar hadii uu maamulka Majeerteeniya sheeganayo dhul ay leedahay Somaliland.

      Warbaahinta ayaa mararka qaarkood u isticmaasha maamul goboleedka yar ee Majeereteeniya magaca aanay lahayn ee Puntland,Waxaana la filayaa in taasi ay dhaamaan doonto maadama ay wasaaradu badheedhaheeeda ku cadaysay in laga joogsado magacaas.

Reporter :- Xuseen Cali Dhuux
E-mail: - dhuux@hadhwanaag.com
Hadhwanaag Reporter
Hargeysa , Somaliland
You need Java to see this applet.