Somaliland  Bank Notes | Somaliland flagConstitutionSomaliland mission   |  Somaliland forum
Somaliland Web
kkk
Laascanood oo laga dareemay cunaqabatee ay ku soo rogtay Dawlada Somaliland
Posted Date Sat, 21 Dec 2002 14:20:23 +0000

Posted Web: Hadhwanaag.com


Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ansixiyay xaaladii degdega ahayd ee madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin uu ku soo rogay magaalada Lascanood, Hadaba tageerada labada Gole ayaa  kordhisay xowliga cunaqabataynta lagu soo ragoy  lascanood iyadoo magaladaasi lasiin jiray lacag Cuno ah oo  xaga dayactirka arimaha bulshada ay ka heli jireen xukuumada isla markaana iyadoon magaladasi wax cashuur ah aan laga qaadi jirin.
      Dadka degen magaladaasi ayaan ahayn dad iyagu kala danbeeya ama kala amar qaata iyagoo hal reer ah ayey hadana lee yihiin 11 cuqaalood taasi oo keentay in kii meel wax ka waayaa uu u boqoolo dhinaca uu isleeyahay waxbaad ka helay saa,Tusaale ahaan hadii aan idinka soo qaado wasiirka arima gudaha ee maamulka majeerteeniya hada ah wuxuu ahaan jiray mudane ka tirisan golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland. hadaba sida ay noo sheegeen ilo ku dhow dhow nin kaasi ayaa sheegaya in shaqada wakiil nimada aanu aqoon buuxda ulahay taasina kentay in shaqada ay ka fadhiisiyaan beelaha lascanood ee golaha somaliland ku jira sidaasina uu shaqadii-sii  ku waayey,Tasina waxay dhalisay in mas'uul kani uu qutal daruuri u raad sado Majeerteenka oo iyagu maamusha gobalka ay u bixiyeen Butland oon tariikhda somalida ku jirin wax layidhaahdo Butland marka laga reebo dhulka somalidu degto oo dhan oo la odhan jiray Butland intaan lahelin magaca Soomaali, Balse degaan kaa la odhan Jiray Majeerteeniya.

      Dhinaca kalena wararku waxay intaasi kudarayaan mar aan laxidhiidhnay magaalada laascanood ayaa dedka degen magaladasi oo naga codsaday inaanu magacyadooda sheegin ay noo sheegeen, in magalada ay lasoo daristay biyo xumo iyo adeegyo farabadan oo dowladu faraha ku haysay oo istaagay.

      Waxay kale oo noo sheegen dadkaasi in magaaldu is ku dayeyso sidii cashuur ay isaga sama tibixiyaan dhibatadani u guri lahayd balse aan lagaranayn cida qaadi doonta, sida looqadi doono,iyo goorta aybilaabmi doontaba.Waxay kaloo dadkaasi noo sheegeen inay kabaqayaan in arintani iska hor keento qabaa'ilka magalada degen oon ahayn dad aan lahayn hal hogaamiya oo ay ku daba faylaan sida laga arko beelaha kale ee somaalida.

Reported by: Wali Aw Muuse
Hadhwanaag Reporter
Hargeysa,Somaliland
You need Java to see this applet.