| Somaliland Web |
| kkk |
![]() |
| Dec 22 2002 Hargeysa - Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mr. Axmed X. Cali Cadami, ayaa dareen diidmo ah ka bixiyey dhaliilo iyo cabashooyin ay ururada siyaasiga ah qaarkood ugu soo jeediyeen komishanka doorashooyinku qaabkii ay u maamuleen doorashada goleyaasha degaanka ee 15 December, 2002, dalka ka dhacday. Ururada SAHAN iyo ASAD oo ka mid ah ururada siyaasadda ee ku tartamayey doorashada ayaa Sabtidii doraad ku tilmaamay qaabkii loo maamulay doorashada goleyaasha degaanka in uu ku jiray mad-madow badani, degaamada qaarkoodna laga sameeyey ku shubasho iyo wax is-dhaaf-dhaafin. Mr. Cadami, isaga oo ka jawaabayey eedaymaha ay labada urur u soo jeediyeen Komishanka Doorashooyinka waxa uu soo qaatay tix gabay ah oo abwaan Soomaaliyeed hore u tiriyey, taas oo uu ku muujinayo in lib ay lahaayeen komishanku laga duudsiyey. “Waxba yaanu xeerkay I marin xoolana I siine, xaasha’e nin libin kaa xisdiyey xumihii waa yaab.” Waxana uu ntaa raaciyey; “Ma filayn wixii saaka [shalay] ku soo baxay jaraa’idka, in guddiga doorashada loogu baal-gudo. Ururada [SAHAN iyo ASAD] ee sidaa qoray alay [habeen hore] 2:00 waanu wada joognay, si aanu sku qancino, sida muuqatayse xilligaa maqaalkoodu wuu qornaa, balse yeelkadood.” Waxa uu sheegay Mr. Cadami in komishankoodu intii tamartiisa ah uu ka jawaabay wixii tabashooyin ah ee hore loogu soo gudbiyey, wixii dambe ee loola yimaadana ay diyaar u yihiin in ay ka jawaabaan. Mr. Cadami, waxa uu hadalkiisaa oo uu shirka j araa’id ka jeediyey ku qiray inay jireen khaladaad yar yar oo dhacay xilligii doorashada, hase yeeshee waxa uu muujiyey inay noqonayso waayo aragnimo lagaga gaashaanto in aanay dib ugu dhicin doorashooyinka dambe. Mr. Axmed X. Cali Cadami, oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay shalay kaga dhawaaqeen natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday codbixintii doorashada goleyaasha degaanka oo ay ku qabteen xarunta wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey sababihii ay dib ugu dhigeen soo saarista natiijada doorashada. Waxana uu sheegay in dib-u-dhigoodu ku salaysnaa xaaladda Somaliland oo siyaasadeedu weligeedba ku qotonto in laga digtoonaado deg-deg si wixii tabashooyin ah la iskaga qanciyo, wixii su’aalo la iska weydiiyana la iskaga shaafiyo. Mar la weydiiyey komishanka doorashooyinka ururada saddexda ah ee soo baxay waxay sheegeen in ay hawshaas leeyihiin guddiga diiwaangelinta iyo qiimaynta axsaabta siyaasiga ah. Iyaga oo ka jawaabayey bal in ay dib u dhaca natiijadu keentay buuqa ururada waxa ay yidhaahdeen; “Dib-u-dhac wuu jiray, marka ay masuulayaddi ku saaran tahay cid walba waa in aad dhegaysataa. Ururo ka soo cawday Saaxil iyo Togdheer, waanu tagnay ujeeddadayaduna waxay ahayd in aan qancino ururadii cabanayey oo dhan.” Mar la weydiiyey meelaha laga cabanayo ee la leeyahay codad tiro badan ayaa ka soo baxay oo ay ka mid tahay degmada Sallaxlay, waxa ay ka yeelayaan waxay ku jawaabeen; “Way caddahay, tiradii waraaqaha la geeyey ayaa lagu codeeyey ee tiro ka badani natiijadii Sallaxlay kama soo bixin.” Iyaga oo ka jawaabayey, cabashooyinka ururada oo ay ka mid yihiin inta ay komishanku sanaaduuq ay dib u tiriyeen codad dheeraad ahi markii ay uga soo baxeen haddana laga deedafeeyey, waxay ku jawaabeen; “Annagu [komishanka doorashooyinka] awooddaas is jiidh-jiidhsiinta ahayd kuma shaqayno, xaggayana ma oolin, caadi bay ahayd in la isla hubiyo qofkii wax u soo baxaana xaq buu u leeyahay in la siiyo.” Source: Jamhuuriya London Posted by Khadar Xasan Jamhuuriya London. Email: jamhuuriya@hotmail.com |
| Komishanka doorashooyinka oo ka hadlay eedaymo loo soo jeediyey Posted to the web Dec 22 2002 |