Somaliland  Bank Notes | Somaliland flagConstitutionSomaliland mission   |  Somaliland forum
Somaliland Web
kkk
QAYLO-DHAAN KASOO YEEDHAY ARDAYDA REER SOMALILAND EE CIRAAQ KU SUGAN




















Asalaamu Calaykum,

Mudanayaal

Waxaa dalka Ciraaq ku sugan arday u dhalatay Jamhuuriyada Somaliland oo tiradoodu ay dhan tahay 97 Todoba iyo sagaashan arday, ardaydaasi oo badankoodu waxay dalkaas tageen sideed bilood ka hor  waxaana soo hiyi kiciyay markii ay maqleen in dalka Ciraaq laga helo fursado waxbarasho oo bilaash ah, taasina waxay dhalisay in arday laba boqol kor u dhaaftay ay soo galeen dalka Ciraaq iyaga oo badankoodu ka yimi Somaliland iyo dalka Imaaraadka oo ay arday labaataneeyo ah oo reer Somaliland ahi ay ka yimaadeen.

Hadaba  Ciraaq oo ay imika soo waajahday cabsida dagaalo culus oo lagu wado in Maraykanka iyo Xulafadiisu ay ku qaadaan dalkaas ayaa waxaa ardaydii awwoodaysay ee helay sahay ay ku safraan waxa ay ku laabteen dalka hooyo halka qaar badan oo ardaydaas ka mid ahina ay galeen Wadanka Suuriya, waxaana imika Ciraaq ku hadhay ardaydii danyarta ahayd ee wayday waxay nool ka dhigtaan.

Mudane Madaxweyne,
Mudanayaal,

Waxaan idinka codsanaynaa inaad si Wadaniyad iyo Islaamnimo ku jirto aad ugu hawl gashaan sidii Carruurteenaas danyarta ah aynu uga badbaadin lahayn dhibaatada culus ee soo waajihi karta bilaha soo socda haddii ay dagaalo qarxaan.

Muwaadin kasta oo Somaliland u dhashayna waxaan ka codsanayaa inuu u hawl galo sida ay aynu ardaydeenaas uga soo badbaadin lahayn halistaas soo food saartay.
Liiska magacyada Ardayda ee imika ciraaq jooga:-

1) Cabdi Axmed Ibraahin

2) Cabdisalaan Sh. Ismail Cabdi

3) Maxamed Abuubakar Xuseen

4) Sucaad Aadan Nuur

5) Nuur Maxamed Maxamuud

6) Maxamed Cali Bile

7) Mustafe.......................

8) C/shakuur Maxamed Aadan

9) C/rahmaan Ismaciil Cumar

10) Khadar Xasan Muxumed

11) Idiris Ibrahin Askar

12) Mukhtar...............

13) Cabdi Jiir Jees

14) Cali Axmed Cali

15) Cilmi Cabdi Yuusuf

16) Hibo Cali Cabdi

17) Hana Cali Cabdi

18) Foosiya Muumin Diiriye

19) Maxamed Shucayb Maxamed

20) C/rahman Dahir Ismail

21) Axmed Maxamud Dahir

22) Khadar Baaruud Cumar

23) C/rashiid Maxamuud Shaqale

24) Axmed Maxamud Cali

25) Cabdi Saleebaan Biixi

26) Axmed Maxamed Axmed

27) C/casiis Maxamed Axmed

28) C/salaan Siyaad Cumar

29) Baashe C/llaahi Aadan

30) C/casiis Dhire Diiriye

31) Khaalid Cismaan Xuseen

32) C/baasid Ibraahin Aadan

33) Mukhtaar Muxumad Muumin

34) Khadar Yuusuf Cisman

35) Deeq Abiib Diiriye

36) C/risaaq Cali Isxaaq

37) Maxamed Cabdi Aadan

38) Cumar Yuusuf Cumar

39) C/fataax Maxamed Cabaas

40) Khadar Axmed C/llaahi

41) Maxamed Cabdi Aadan

42)C/salaan Axmed Cigaal

43)Jamaal Colaad Cumar

44) faysa Cumar Aadan

45) Fadumo Cumar Aadan

46) Fatxiya cumar Xuseen

47) Aamina Cumar Xuseen

48) Khadra Xasan Nuur

49) Farxiya Ismaaciil Haaji

50) Susan C/rahmaan Ismaaciil

51) Nadia Cabdalle Xaafid

52) Nuura Daa'uud Nuur

53) Xayaad Maxamed Xassan

54) Hibo Axmed Cige

55) Nimco C/rahman Ismaaciil

56) Hibaaq C/rahmaan Ismaaciil

57) Cismaan Maxamed Xassan

58) Xanaan Maxamed Xassan

59) Maryan Nuur

60) Maxamed Ibraahin

61) Cabdalle Cabdi Xariir

62) Liibaan Maxamed Cali

63) Maxamed Daahir

64) Xamse Xuseen Diiriye

65) Kayse Axmed ciise

66) Mawliid Axmed Faarax

67) Cawil Siciid Seed

68) Cabdirahman Sh. C/qadir

69) Maxamuud Sheekh

70) Fu'aad Maxamed Cali

71) Maxamuud Yuusuf Xarbi

72) C/rahmaan Daa'uud

73) C/jibaar Aadan Xuseen

74) Cabdirahman Adan Xasan

75) Jamaal Cabdi Daahir

76) Maxamed Yuusuf Ibraahin

77) Cabdisamad Cali Cabdi

78) Maxamuud C/llaahi Jaamac

79) C/qadir Axmed Xuseen

80) Jamaal Xaaji Cabdi

81) Jaamac Xasan Maxamuud

82) Maxamed Xaaji Aadan

83) Cabdicasiis Cabdillaahi Cumar

84) Maxamed Xaaji Aadan

85)Cismaan Xaaji Aadan

86)Cabdikariin

87) Jaamac Maxamed


Waxaa kale oo jira ugu yaraan ilaa 10 qof oo kale oo aan magacyadooda la hayn, iyaga oo degan meelo ka baxsan magaalada Baqdaad

Waxa kale oo iyaguna Ciraaq ku sugan arday kale oo gaadhaya ilaa afartameeyo, oo reer Somaliya ah, iyo qaar aan tiro badnayn oo reer Djibouti ah, waxaana ku yaala Ciraaq safaarada Djibouti oo si rasmi ah u shaqaysa, iyo ta Somalia oo ay ka socoto shaqo aan badnayni,

Waxaynu haysanaa todobaadyo gudahood, si aynu caruurteenaas uga soo badbaadin lahayn waxyeelada culus ee ka soo gaadhi karta dhibaatadaas.

" walaal dawladayadii iyo dadkayagii noogu qayli  oo dhawaaqayaga gaadhsii" Sidaas waxa igu yidhi arday ka gaabsaday in magaciisa la sheego oo taleefanka aan ku waraystay isaga oo Baqdaad ku sugan.

Ugu danbayn waxaan Xukuumada Somaliland ka codsanayaa inay Gudi Heer qaran ah usaarto waxka qabashada arrintan Ardayda, Jaaliyadaha Debadaha ku noolna waxaan ka rajaynayaa inay bilaabaan sidii qaadhaan ay ugu  urin lahaayeen dhalinteenaas dhibaataysan.

Qoraalkan  waxaa kale oo aan Gacanta uga dhiibay Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

Wixii Faah-faahin ah ee arrinatn ku saabsan iyo sidii aad u caawin lahayd ardaydaasba kala xidhiidh taleefanadan hoos ku qoran.

Tel: +44 79 60 81 08 19

Tel: +44 208 5741333

Tel: + 44 208 574142


kaysar@london.com

jamhuuriya@hotmail.com

Waad Mahdsan Tihiin



Kaysar Cabdilaahi Maxmed

Jamhuuriya, London
KU: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND
KU: GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND
KU: GOLAHA BAARLAMAANKA SOMALILAND
KU: URURKA SOMALILAND FORUM
KU:XISBIYADA QARANKA EE UDUB, UCID IYO KULMIYE
KU:JAALIYADAHA REER SOMALILAND EE DEBADAHA KU NOOL
KU:GANACSATADA IYO TUJAARTA REER SOMALILAND
KU: GUUD AHAAN SHACBIWEYNAHA REER SOMALILAND
KU:MULKIILAYAASHA SHIRKADAHA DIYAARADAHA  EE SOMALILAND

UJ: SIDII LOOGA SOO DAADGURAYN LAHAA ARDAYDA REER SOMALILAND EE CIRAAQ JOOGTA:
You need Java to see this applet.