ATAXYADKA HORE

Ataxyaadka hore waxaad akhridaa oo aad oraneysaa: ATTAXYAATU, AL MUBAARAKAATU, ASSALAWAATU, ADHAYIBAATU, LILLAAHI TACAALAA, ASSALAAMU CALEYKA AYUHANNABIYU WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU, ASSALAAMU CALEYNAA WA CALAA CIBAADALLAAHI ASSALIXIINA, ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAHU WAXDAHU LAA SHARIIKA LAHU, WA ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN CABDUHU WA RASUULUHU SALLALLAAHU CALYHI WA SALLAM.

Markaad ashahaadaneyso farta suulka ku xigta ee gacantaada midigta ah kor uga qaad jilibka oo hore u fiiq. Haddaad salaadda aad tukaneysid ay salaad subax tahay, oo laba rakco ah, waxay leedahay hal ataxyaad oo keli ah. Markaas ataxyaadka waxaad ku dareysaa oo aad ku kaamileysaa ku Salliyid Nabigeenna Muxammad Sallallaahu Caleyhi Wasallam, adigoo akhriyaya Salawaatul Ibraahiimiyah, iyo ducooyin sunnada ku sugnaaday oo qiime weyn leh. Waxaad akhrineysaa, oo aad oraneysaa: ATTAXYAATU, AL MUBAARAKAATU, ASSALAWAATU, ADHAYIBAATU, LILLAAHI TACAALAA, ASSALAAMU CALEYKA AYUHANNABIYU WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU, ASSALAAMU CALEYNAA WA CALAA CIBAADALLAAHI ASSAALIXIINA. ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAHU WAXDAHU LAA SHARIIKA LAHU, WA ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN CABDUHU WA RASUULUHU SALLALLAAHU CALEYHI WA SALLAM. ALLAAHUMMA SALLI CALAA MUXAMMADIN, WA CALAA AALI MUXAMMADIN, KAMAA SALLEYTA CALAA IBRAAHIIMA WA CALAA AALI IBRAAHIIMA, WA BAARIK CALAA MUXAMMADIN WA CALAA AALI MUXAMMADIN, KAMAA BAARAKTA CALAA IBRAAHIIMA WA CALAA AALI IBRAAHIIMA FILCAALAMIINA INNAKA XAMIIDUN MAJIIDUN. ALLAAHUMMA AGHFIR LII MAA QADDAMTU, WAMAA AKHARTU, WAMAA ACLANTU, WAMAA ASRARTU, WAMAA ASRAFTU, WAMAA ANTA ACLAMU BIHI MINNII, ANTALMUQADDAMU WA ANTAL MUAKHARU LAA ILAAHA ILLAA ANTA. RABBANAA AATINAA FIDDUNYAA XASANATAN, WAFILAAKHIRATI XASANATAN, WAQINAA CADAABANNAR. ALLAAHUMMA INNI ACUUDO BIKA MIN CADAABIL QABRI, WA MIN CADAABINNAARI, WA MIN FITNATIL MAXYAA WALMAMAATI, WA MIN FITNATIL MASIIXIDDAJAALI.

Hadday salaaddaad tukaneysay ahayd salaad subax oo laba rakco ah, markaad ataxyaadka siddaas u akhridid oo aad dhameysid, dhanka midigta wajigaaga u jeedi waxaadna oraneysaa ASSALAAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAAH. Kaddib wajigaaga dhanka bidixda ah u jeedi waxaadna oraneysaa ASSALAAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAAH. Salaadaadii sidaas ayey taam ku noqotay, Inschaa'allahu. Markaad salaanta labaad ku dhawaaqdid adigoo dhanka bidixda ah u jeestay, SALAADDII WAAD KA BAXDAY.

Haddaad Salaad Maghrib tukaneysid, markaad ataxyaadka koowaad akhridid, oo aad ashahaadatid, u istaag rakcadii saddexaad, adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR. Markaad taagnaanta ku xasishid waxaad akhridaa Faataxada. Markaad Faataxada dhammeysid waxaad oraneysaa ALLAAHU AKBAR, waanad rukuuceysaa. Intaad rukuucsan tahay waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALCATHIIMI WA BI XAMDIHI. Kaddib rukuuca kasoo kac adigoo oranaya SAMICALLAAHU LIMAN XAMIDAH. Markaad taagnaanta ku xasishid waxaad oraneysaa RABBANAA WALAKAL XAMDU. Kaddib waxaad tiraahdaa ALLAAHU AKBAR, sujuudna dhulka ugu dego. Markaad sujuuddo, adigoo sujuudsan waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI. Kaddib sujuudda kasoo kac oo soo fariiso adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR. Lugta bidixda ah ku fariiso, lugta midigta ahna fareheeda foodooda ku istaaji. Kaddib mar labaad sujuud adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR. Adigoo sujuudsan ayaad saddex jeer waxaad oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI.

Kaddib sujuudda kasoo kac adigoo oranaya ALLAHU AKBAR, una soo fariiso ataxyaadka dambe.

ATAXYAADKA DAMBE

Ataxyaadka dambe waxaad akhrineysa oo aad oraneysaa inta soo socota: ATAXYAATU, AL MUBAARAKAATU, ASSALAWAATU, ADHAYIBAATU, LILLAAHI TACAALAA. ASSALAAMU CALYKA AYUHANNABIYU WA RAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU. ASSALAAMU CALEYNAA WA CALAA CIBAADALLAAHI ASSAALIXIINA,ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAHU WAXDAHU LAA SHARIIKA LAHU, WA ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN CABDAHU WA RASUULUHU SALLALLAAHU CALEYHI WASALLAM ALLAAHUMMA SALLI CALAA MUXAMMADIN, WA CALAA AALI MUXAMMADIN, KAMAA SALLEYTA CALAA IBRAAHIIMA WA CALAA AALI IBRAAHIIMA, WA BAARIK CALAA MUXAMMADIN WA CALAA AALI MUXAMMADIN KAMAA BAARAKTA CALAA IBRAAHIIMA WA CALAA AALI IBRAAHIIMA FILCAALAMIINA INNAKA XAMIIDUN MAJIIDUN ALLAHUMMA AGHFIR LII MAA QADDAMTU, WAMAA AKHARTU, WAMAA ASRARTU, WAMAA ACLANTU, WAMAA ASRAFTU, WAMAA ANTA ACLAMU BIHI MINNII ANTALMUQADDAMU WA ANTAL MUAKHARU LAA ILAAHA ILLAA ANTA. RABBANAA AATINAA FIDDUNYAA XASANATAN, WAFIL AAKHIRATI XASANATAN, WAQINAA CADAABNNAARI. ALLAHUMMA INNI ACUUDU BIKA MIN CADAABILQABRI, WA MIN CADAABINNARI, WA MIN FITNATIL MAXYAA WAL MAMAATI, WA MIN FITNATIL MASIIXIDDAJAALI.

Markaad ataxyaadka dhammeysid dhanka midig wajigaaga u jeedi waxaadna oraneysaa ASSALAAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAAHI . Kaddib wajigaaga dhankaaga bidixda ah u jeedi waxaadna oraneysaa ASSALAAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAAHI.

Salaadaadi maghrib oo aad tukatay sidaas ayey taam ku tahay, Inshaa'allaahu, salaadiina waad ka baxday.

Haddii salaadda aad tukaneysid ay tahay mid ka mid ah salaadaha afarta rakco ah, oo kala ah duhurka, casarka iyo cishaha, markaad ataxyaadka koowaad akhridid oo aad ashahaadatid, waxaad u istaageysaa rakcadii saddexaad adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR. Markaad taagnaanta ku xasishid waxaad akhridaa Faataxada. Kaddib waxaad oraneysaa ALLAAHU AKBAR, waanad rukuuceysaa. Adigoo rukuucsan waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYAKCATHIIMI WA BIXAMDIHI. Kaddib rukuuca kasoo kac adigoo oranaya SAMICALLAAHU LIMAN XAMIDAH. Markaad taagnaanta ku xasishid waxaad oraneysaa RABBANAA WA LAKAL XAMDU. Kaddib waxaad oraneysaa ALLAAHU AKBAR, sujuudna dhulka ugu dego. Adigoo sujuudsan waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI. Sujuudda kasoo kac adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR. Lugta bidixda ah ku fariiso, adigoo lugta midigta ahna fareheeda foodooda ku istaajinaya. Kaddib mar labaad sujuud, adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR. Adigoo sujuudsan waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI. Kaddib sujuudda kasoo kac, adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR, soona fariiso, adigoo isla markaas u istaagaya rakcada afaraad. Markaad taagnaanta ku xasishid waxaad akhridaa Faataxada. Markaad Faataxada akhrinteeda dhammeysid waxaad oraneysaa ALLAAHU AKBAR, waanad rukuuceysaa. Adigoo rukuucsan waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALCATHIIMI WA BIXAMDIHI. Kaddib rukuuca kasoo kac adigoo oranaya SAMICALLAAHU LIMAN XAMIDAHU. Markaad taagnaanta ku sugnaatid waxaad oraneysaa RABBANAA WALAKAL XAMDU.

Kaddib waxaad oraneysaa ALLAAHU AKBAR, sujuudna dhulka ugu dego. adigoo sujuudsan waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI. Sujuudda kasoo kac adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR. Lugta bidixda ah ku fariiso, lugta midigta ahna fareheeda foodooda ku istaaji. Kaddib mar labaad sujuud, adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR. Adigoo sujuudsan waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI. Sujuudda kasoo kac, adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR, una fariiso ataxyaadkii dambe. Waxaad ku fariisaneysaa lugtaada bidixda ah, adigoo lugta midigta ahna fareheeda foodooda ku istaajinaya. Markaas waxaad akhrineysaa ataxyaadka dambe kulligiis. ATTAXYAATU, AL MUBAARAKAATU, ASSALAWAATU, ADHAYIBAATU, LILLAAHI TACAALAA. ASSALAAMU CALEYKA AYUHANNABIYU WA RAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU. ASSALAAMU CALEYNAA WA CALAA CIBAADALLAAHI ASSAALIXIINA. ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAHU WAXDAHU LAA SHARIIKA LAHU, WA ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN CABDAHU WA RASUULUHU SALLALLAAHU CALEYHI WASALLAM. ALLAAHUMMA SALLI CALAA MUXAMMADIN WA CALAA AALI MUXAMMADIN, KAMAA SALLEYTA CALAA IBRAAHIIMA, WA CALAA AALI IBRAAHIIMA, WA BAARIK CALAA MUXAMMADIN WA CALAA AALI MUXAMMADIN, KAMAA BAARAKTA CALAA IBRAAHIIMA WA CALAA AALI IBRAAHIIMA FILCAALAMIINA INNAKA XAMIIDUN MAJIIDUN. ALLAAHUMMA AGHFIR LII MAA QADDAMTU, WAMAA AKHARTU, WAMAA ASRARTU, WAMAA ACLANTU, WAMAA ASRAFTU, WAMAA ANTA ACLAMU BIHI MINNII, ANTALMUQADDAMU WA ANTAL MUAKHARU LAA ILAAHA ILLAA ANTA. RABBANAA AATINAA FIDDUNYAA XASANATAN, WAFIL AAKHIRATI XASANATAN, WAQINAA CADAABANNAARI. ALLAAHUMMA INNI ACUUDU BIKA MIN CADAABILQABRI, WA MIN CADAABINNAARI, WA MIN FITNATIL MAXYAA WAL MAMAATI, WA MIN FITNATIL MASIIXIDDAJAALI.

KA BIXIDDA SALAADDA

Markaad ataxyaadka dambe dhammeysid, wajigaaga dhankaaga midigta ah u jeedi, adigoo oranaya ASSALAAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAAH. Kaddib waxaad wajigaaga u jeedineysaa dhankaaga bidixda ah adigoo isla markaasna oranaya ASSALAAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAAH. Salaadaadii sidaas ayey taam ku tahay, Inshaa'allahu, salaadiina waad ka baxday. Kaddib adigoo weli fadhiya duceyso, adigoo oranaya ASTAGHFURULLAH, saddex jeer, ALLAAHUMMA ANTASSALAAMU WA MINKASSALAAMU TABAARAKTA WA TACAALEYT YAA THALJALAALI WAL IKRAAMI, hal mar. ALLAAHUMMA ACINNI CALAA THIKRIKA WA SHUKRIKA WA XUSNI CIBAADATIKA,saddex jeer.

BURIYAYAALKA SALAADDA

Salaaddu waxay ku burtaa, oo isla salaaddaas inaad mar kale tukatid ay waajibeysaa hadday kula gudboonaadaan adigoo salaadda u taagan wax ka mid ah arrimaha hoos ku qoran, oo kala ah:

1. Hadalka.

2. Najaaso gaarta ama jirkaaga ama dharkaaga.

3.Qosolka.

4. Cawrada oo muuqatay.

5. Matag qofka kasoo baxa.

6. Hadday labada jid wax ka yimaadaan.

7. Gama' hurdo la seexdo.

8. Wax cunidda iyo wax cabidda.

9. Inaad niyeysatid inaad salaadda ka baxdid.

AXKAAMTA SAHWIGA

Haddii adigoo salaaddii tukanaya sheydaan ku waswaasiyo oo shaki kaa galo tirada rakcadaha aad tukatay, waxaad tirsataa tirada yar, oo sidaas salaaddii ku dhammeystir. Tusaale ahaan haddii aad shakidid inaad labo ama saddex rakcadood aad tukatay, waxaad tirsataa labo rakco inaad tukatay, oo salaaddii inta ka hartay dhammeystir. Haddii shaki kaa galo inaad saddex ama afar rakcadood aad tukatay, waxaad tirsataa inaad tukatay saddex oo salaaddii inta rakcadood oo ka dhimman u dhammeystir. Intaas kaddib, markaad ataxyaadka dambe dhammeysid, intaadan oran assalaamu caleykum wa raxmatullaahi, waxaad sujuuddaa laba jeer, mar walbana adigoo sujuudsan waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI Labadaas sujuudood, oo la yiraahdo sujuudu sahwi, kaddib salaamo naqso.

AATHAANKA

Aathaanku waa in cod quruxsan kor loogu dhawaaqo inta soo socota:

ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR

ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAH ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAH

ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN RASUULULLAAH ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN RASUULULLAAH

XAYA CALASSALAAT XAYA CALASSALAAT

XAYA CALALFALAAX XAYA CALALFALAAX

ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR

LAA ILAAHA ILLALLAAH

Aathaanka subixii, xaya calalfalaaxda dambe iyo Allahu akbarta ku xigta waxaa loo dhexeysiinayaa oo la oranayaa:

ASSALAATU KHEYRUN MINANAWM

ASSALAATO KHAYRUN MINANAWM

IQAAMADA

Marka salaadda la aqiimayo waxaa la oranayaa erayada soo socda:

ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR

ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAH

ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN RASUULULLAAH

XAYA CALASSALAAT

XAYA CALALFALAAX

QAD QAAMATISSALAAT QAD QAAMATISSALAAT

ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR

LAA ILAAHA ILLALLAAH

OGOW

Salaadaha maalintii inta qorraxdu soo jeedo la tukado, oo kala ah DUHURKA iyo CASARKA markaad keligaa tukaneysid, ma aha in qof kuu dhow uu akhrintaada maqlo. . Salaadaha habeenkii la tukado, oo kala ah MAGHRIKA, CISHAHA iyo SUBAXA, markaad keligaa tukaneysid akhrintaada waa in la maqlaa, labada rakco oo hore.

Shanta salaadoodba markii Imaam ku tujinayo, ma aha akhrintaada in la maqlo. Markii lagu tujinayo, shanta salaadoodba, waxaad hoos u akhridaa Faataxada.

GOGOBEYSIGA

Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, wuxuu Aayadda lixaad ee Suuratul Maaida ku yiri:

Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Haddaad ahaataan kuwi buka, oo bugtadaasu u diideyso biyaha inay ku isticmaalaan, biyihiibaa dhibaato u keenaya, dhimasho uu ka baqayo ha ahaato, naafannimo ay gaarsiinayaan ha ahaato, biskoodkii oo ay dib u ridayaan ha ahaato, xanuun ay ku kordhinayaan ha ahaato; ama safar dushii aad ahaataan, safarkuna biyo la'aan buu u badan yahay; ama axad idinka mid ah uu ka yimaado godka lagu soo xaajo guto oo uu soo xaajo gutay; ama haweenka aad taabataan; oo aydnaan biyo helin gogobeysta; u qasda ciid daahir ah, wajiyadiinna ku masaxa, gacmihiinna uga masaxa."

Sidee loo gogobeystaa? Waxaa loo gogobeystaa sidatan: ciidda daahirka ah gacmaha geli oo ka afuuf; gacmaha wajiga ku masax oo mari. Hadana gacmaha ciidda daahirka mar labaad geli oo ka afuuf, kaddibna labada dhudhun gacmood ku masax oo mari; marka hore dhudhunka midigta ah ku masax, kaddibna dhudhunka bidixda ah ku masax. Markaas kaddib salaadda waad tukan kartaa.

FAATAXADA

BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI (1)

AL XAMDU LILLAAHI RABBIL CAALAMIIN (2) ARRAXMAANI ARRAXIIMI (3) MAALIKI YAWMIDDIINI (4) IYAAKA NACBUDU WA IYAAKA NASTACIINU (5) IHDINASSIRAADHAL MUSTAQIIMA SIRAADHALLADIINA ANCAMTA CALEYHIM GHEYRILMAGHDUUBI CALEYHIM WALADAALIIN (7) Aammiin. MACNAHA FAATAXADA OO KOOBAN

BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI (1) Alxamdu Lillaahi Rabbil Caalamiina (2), macneheedu waxaa weeye Mahad oo idil Ilaahay ayaa iska leh, Allahaasoo caalamiinta oo idil kii abburay oo Rabbi u ah, Maamulayana. Arraxmaani, naxariistah, naxariista teeda guud ku naxariistah, naxariista teeda ballaaran ku naxariistah, naxariista teeda caamka ah ee adduunyada dhexdeeda ah, oo muumin iyo kaafir iyo wax nool oo idil ayan la'aanteeda jiri karin, ku naxariistah. Arraxiimi, naxariista teeda gaarka ah, muuminiinta u gaarka ah, Yawmulqiyaamaha u gaarka ah ku naxariista(3). Maaliki Yawmiddiini, macneheedu yahay abaalmarinta maalinteeda, oo ah yawmulqiyaamaha, Maaligeeda iyo Boqorkeeda ah (4). Iyaaka Nacbudu Wa Iyaaka Nastaciinu, oo macneheedu yahay Adiga Kaligaa yaan Ilaahow Ku Caabudeynnaa, oo Adigaan cibaadadeenna Kugu Gooni yeeleynaa. Adigaanna Kaalmo Ku Weydiisaneynaa.(5) Ihdinassiraadhalmustaqiima, oo macneheedu yahay jidka toosan nagu hanuuni, jidkaasoo lagu fasiray jidka Islaamka iyo Diinta Islaamka.(6) Siraadhalladiina Ancamta Caleyhim , oo macneheedu yahay kuwii jidkoodii ah aad u nicmeysey, kuwaasoo ah Nabiyadii, Rusushii Ilaahay soo diray, Shuhadadii, Saalixiintii, dadkii wanwanaagsanaa. Ghayrilmaghduubi Caleyhim, oo macneheedu yahay kuwii loo carooday ghayrkood ah. Kuwa Ilaahay u Carooday waxaa lagu fasiray inay yihiin yuhuudda. Waladaalliina, oo macneheedu yahay kuwii lumayna aan jidkoodii ahayn, kuwaasoo ka baadiyoobay jidkii Ilaahay. Kuwaas jidka Ilaahay ka baadiyoobay waxaa lagu fasiray nasaarada krishtaanka ah inay yihiin. Waxaa la wariyey in Nabigeenna Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, uu Illahay Rabbilcizah ka wariyey xadiith Qudsi macanihiisu yahay: "Salaadda waan qaybiyey, Aniga iyo addoonkeygaan ku dhex qaybiyey. Qayb Anigaa iska leh, qaybna addoonkeygaa iska leh. Addoonkeygu wixii uu i weydiisto ayuu leeyahay. Addoonkeygu markuu yiraahdo ALXAMDU LILLAAHI RABBILCAALAMIINA waxaa markaa Ilaahay yiraahdaa addoonkeygu wuu i mahdiyey. Markuu yiraahdo ARRAXMAANI ARRAXIIMI, Illahay markaa wuxuu yiraahdaa addoonkeygu waa i Ammaanay. Markuu yiraahdo MAALIKI YAWMIDDIINI, wuxuu Ilaahay yiraahdaa addoonkeygu wuu i Sharrifay. Markuu yiraahdo IYAAKA NACBUDU WA IYAAKA NASTACIINU, Ilaahay wuxuu yiraahdaa: taas Aniga iyo Addonkeygey u Dhexeysaa. Markuu yiraahdo IHDINASSIRAADHALMUSTAQIIMA SIRAADHALLADIINA ANCAMTA CALEYHIM GHEYRILMAGHDUUBI CALEYHIM WALADAALLIIN, Ilaahay wuxuu yiraahdaa Taa addonkeygey u Sugnaatay, addoonkeygu wuxuu weydiisto ayuu leeyahay".

Suuraddaan toddobada Aayadood ka kooban waxyaalo waaweyn oo saldhigga caqiidada Islaamka ka mid ah ayaa laga faaiideysanayaa. Midda u horreysa waxaad arkeysaa Suuradda in lagu bilaabay BISANKA ILAAHAY, sida Suuradaha Quraanka oo dhan loogu bilaabanayo, Suuratul BARAA mooyee. Marka taasi waxay tusineysaa in magaca Ilaahay wax kastoo muhim ah inay habboon tahay in lagu bilaabo, sida Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, looga wariyey xadiith macnihiisu yahay: "Amar kasta oo muhim ah oo Bisinka Ilaahay aan lagu bilaabin waa mid abtar ah". Abtar macneheedu waxaa weeye waa cirib xunyahay oo waa dib go'an yahay oo barakadiisu waa naaqus.

Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, wuxuu Aayadda 87 ee Suuratul Xijri Rasuulkiisa Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ku yiri:

"WA LAQAD AATEYNAAKA SABCAN MINAL MATHAANII WAL QURAANALCATHIIMI". Aayadda macneheedu waxaa weeye Ilaahay wuxuu ku siiyey toddobada lasoo celceliyo iyo Quraanka Weyn". Toddobada lasoo celceliyo waxaa lagu fasiray Faataxada toddobadeeda Aayadood iyo soo celcelinteeda oo akhriska had iyo jeer lagu soo celceliyo. Qofka muuminka ah oo salaadda tukanaya wuxuu Faataxada ku akhriyaa shanta salaadood 17 jeer. Salaad aan Faataxada lagu akhrinna maba ansaxeyso, sida Nabigeenna Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, looga wariyey xadiith macnihiisu yahay: "Salaad ma laha qofkii aan Faataxada akhriyin" SUURADO QURAAN AH

BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI

QUL HUWALLAAHU AXADUN (1) ALLAHUSSAMADU (2) LAM YALID (3) WALAM YUULAD (4) WALAM YAKUN LAHU KUFUWAN AXAD (5)

BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI

QUL ACUUDU BIRABBIL FALAQ (1) MIN SHARRI MAA KHALAQ (2) WA MIN SHARRI GHAASIQIN IDAA WAQAB (3) WA MIN SHARRINNAFFAATHAATI FIL CUQAD (4) WA MIN SHARRI XAASIDIN IDAA XASAD (5).

BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI

QUL ACUUDU BIRABBINNAAS (1) MALIKINNAAS (2) ILAAHINNAS (3) MIN SHARRILWASWAASI AL KHANNAAS (4) ALLADII YUWASWISU FII SUDUURINNAAS (5) MINALJINNATI WANNAAS (6)

BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI

IDA JAA'A NASRULLAAHI WALFATX (1) WA RAEYTANNAASA YADKHULUUNA FII DIINILLAAHI AFWAAJA((2) FASABBIX BIXAMDI RABBIKA WASTAGHFIRHU INNAHU KAANA TAWAABA (3).

BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI

WALCASRI (1) INNALINSAANA LAFII KHUSR (2) ILLALLATHIINA AAMANUU WACAMILUSSAALIXAATI WA TAWAASOW BILXAQI WATAWAASOW BISSABRI (3)

BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI INNAA ACDHEYNAAKAL KAWTHAR (1) FASALLI LIRABBIKA WANXAR (2) INNA SHAANI'AKA HUWAL ABTAR (3).


Waxaan Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, weydiisanayaa inuu kitaabkaan iga aqbalo, tan suubanna i waafajiyo. Walxamdu Lillaahi Rabbilcaalamiina, Wasallallaahu calaa Sayidinaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa Asxaabihi Tasliiman kathiiran.