bisin.gif (2340 bytes)
In The Name of Allah The Most Gracious The Most Merciful

 

Sheeko Caruureed
Dhagdheer
  Waxa la yidhi nin baa naag aad u qurux badan qabay, naagtu 
ninka wiil bay u lahayd.  Reerkuna reer iska ladan oo xoolo 
leh bay ahaayeen.  Ninkii baa siduu isaga joogay naag kale guursaday. 
Markaasuu xoolihii minweyntu haysatay ayuu minyardii yabadh 
uga soocay ( xoolihii reerkuu u kala badhay ) aqal cusubna 
minweyntii baa looga ag dhisay.

Minweyntii baa markay aqalkii cusbaa iyo gabadha yar quruxdeedii 
aragtay masayrtay oo maryihii tuuri gaadhay.  Ileen waa naag 
hinaastaye, habeenkii dambe ayey intay yarkeedii xambaaratay reerkii 
ka guuraysay. Ninkeediina naagtii kaluu la jiifaa oo waxba ma oga. 
Subaxdii markii la ogaaday baa la baadi doonay oo waa laga quustay.

Naagtii duddayna way ambatoo reerohooda meeshii ugu dambaysay 
bay ka ambatay.  Waxay maalmo iyo habeeno badan sii socotaba 
dooxadii nogaal bay gaadhay.  Halkaasoo ahayd meel aad u cabsi 
badan oo laguna yiqiin dadqalatadii dhegdheer ee dadkaba madhisay. 

Iyadoo iska socota ayay aragtay qof ka soo daba ordaya.  Hadaba 
orodku kay arki jirtay muu ahayne wuxuu ahaa mid boodhka, 
habaaska iyo siigada ka kacaysa aad yaabayso.  Markaasay 
garatay qofka sidaa u soo gurdamaya ee waxaas oo habaas ah 
kicinayaa inay dhegdheer oo cunno doon ah tahay.  Markaasay 
cagaha wax ka dayday Dhegdheerna way is daba dhigtay

Hooyada iyo wiilkeeduba aad bay u buurraayeen.  Dhegdheer 
waxii oo baruur ah markay aragtay bay gaajadii ku sii kacday. 
Dhagdheer aad bay u dheerayn jirtay walligeedna qof ay eryatay 
kama baxsan.  Nagtii iyo wiilkeediina intaa way ku soo 
dhowaanaysay laakiin hooyada qudheedu naflacaari bay ahaydoo 
dab yar may shidayn.  Sidii laysu eryanayay baa waxa lugu soo 
baxay Boholaha Xargaga.  Hooyadii markii ay aragtay in aanay 
bohosha docna uga baydhi karin bay Bisinka qabsatay oo wiilkeedii 
kala dul booday.  Dhegdheeroo aad u buuraydna way ha’katay. 
Markay ka dul boodi kari wayday bay tidhi;

Bal naagtaa badhida daya
bal bowdyo cadaanta daya
bal buluq-buluqdeeda daya
bal bacoolkay sidato daya
hoh iyo Boholaha Xargaga
qof xiimayay xidhaan
qof duulayay dabraan 

or