Sheeko |
||
Inaadeer khiyaanada i bar | ||
Nin baa beri nin u yimi. Markaasuu ku yidhi: "Waxaan doonayaa inaad khiyaanada I barto!" Markaasuu yidhi ninkii: "Waatahaye hashaada ii soo lis!" Markaasuu hashii u soo lisay. Makuu ninkii caanihii dhamay buu yidh: "Dee haddaba khiyaamada I bar!" Markaasuu nikii yidhi: "Dee khiyaamadu waataan hashaadii kaaga maalay." Markaasaa ninkii afka kala qabtay.
|