Sheeko |
||
Talo Gelyo | ||
Ninka ina Sanweyne la odhan jiray buu beri nin u yimi. Markaasuu ninkii ina
Sanweyne ku yidhi: "Adeer inaad ila taliso baan kaa doonayaaye ila tali!"
Markaasuu ina Sanweyne yidhi: "Oo waa maxay taladaad iga doonaysaa?"
Markaasuu ninkii yidh: "Inaan afadyda furo baan doonayaaye ila tali!" Markaasuu ina Sanweyne ninkii si xun u eegay. Markaasuu ninkii ina Sanweyne ku yidhi adeer miyaad ii cadhootay? Maxaad sidaa xun iigu eegtay?" Markaasuu ina Sanweyne yidhi: "Haa yoo waan kuu cadhooday". Markaasuu ninkii yidhi: "oo maxaad iigu cadhootay?" Markaasuu ina Sanweyne yidhi: "Oo aniga reer la dhisoyo ayaa layga talo geliyaaye, ma reer la baabiinayo ayaa layga talo geliyaa?"
|