bisin.gif (2340 bytes)
In The Name of Allah The Most Gracious The Most Merciful

Sheeko

Bakhaylkii is ciilkaambiyay
   

Beri baa waxa la yidhi, nin reer u soo hoyday. Markaasaa reerkii ka seexday. Subixii markii waagii beryay baa ninkii marida ahaa kacay oo ninkii reerka lahaa u yeedhay. Markaasaa ninkii reerka lahaa qolqolkii isa soo taagay. Markaasaa ninkii martida ahaa ninkii reerka lahaa ee ka seexday ku yidhi:

Haddaan ninyohow taqaan marka soor la iigu yimaaddo sidaan wax uga bixiyo iyo marka la I siiyo intaan ka cuno iyo markaan waayo sidaan u adkaysto, xalay iga maad seexateen!" Intaa markuu ku yidhi baa buu ninkii martida ahaa iska tegey. Markaasuu bakhaylkiina is ciilkaambiyay.

 

or