|
Baro Dalkaada Hooyo
Qoraalkaan waxaan oogu talo galay inay ka faa,iidaystaan dhalinta soomaaliyeed ee aan wali nasiibka uyeelan in waddankooda ay kala bartaan, inkastoo ayna ahayn in waddan dhan macluumaadkiisa lagu soo koobo qoraal kaliya, ayaan kasoo qaatay in kooban Dalka Soomaaliya waxa uu ku yaalaa geeska Africa wuxuuna ku fadhiyaa
dhul baaxadiisu dhantahay 635.541km2, waxana uu xuduud la wadaagaa Bari
waxaa ka xiga Badweynta hindiya, waqooyina waxaa ka xiga Jabuuti, Galbeedna
dalka Itoobiya, halka koonfur galbeedna uu ka xigo dalka Kenya. gumaystayaashii africa ee ku shiray baarliin sanadkii 1884tii waxay dalkeena u qaybiyeen sidaan 1-Gobolada Waqooyi oo la siiyay gumeestihii Ingiriiska. Shantaan gobol waxaa la isku yiraahdaa shanta Soomaaliya taariikhdu markii
ay eheyd 27kii bishii June sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda qaadatay,
waxaasa wali gacanta gumeestaha ku jira Soomaali galbeed iyo N.F.D. Hadaba markii ay xurnimada qaateen gobolada Koonfureed sanadii 1960kii waxay ahaayeen lix gobol oo kala ahaa gobolka Banaadir, gobolka Hiiraan, Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari,jubada sare iyo jubada hoose sidoo kale waxaa iyana ku soo darsamay goboladii waqooyi ee iyaguna isla sanadkaas xornimada qaatay waxayna ku soo darsameen koonfurta labadii gobol ee xiligaasi gobolada waqooyi la'isku oran jiray, ee gobolka Waqooyi Galbeed iyo gobolka waqooyi bari waxana ay isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda siddeeda gobol, markii uu kacaankii milatariga ahaa dalka Qabsaday ee la qaaday ololihii horumarinta reer miyiga ee sanadkii 1973dii ilaa 1974tii xiligaasoo ay timid baahi weyn oo ahayd in la magacaabo gobollo kale markaas waxaa sideedii gobol lagu kordhiyay todobo kale waxayna tirada gobolada dalka noqdeen shan iyo toban gobol Bilowgii sanadii 1980kii waxaa lagu kordhiyay gobolka Jubada dhexe, dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa iyana la magacaabay gobolada Sool iyo Awdal xiligaasoo tirada gobolada dalku noqdeen siddeed iyo toban gobol. Halkaan hoose waxaa ku qoran 18ka gobol ee uu ka koobanyahay waddankeena iyo degmooyinkiisa:-
Intaas waxaa kudhan gobalada iyo degmooyinka Soomaaliya f/g. waxaa jiro in burburkii ay keeneen dagaalada sokeeye kadib, ay maamul goboleedyadii soo maray dalkeenna lagu sameeyey gobollo iyo degmooyin cusub, waxaa kaloo jiro degmooyin ay muuqaalkii degmo ee ay lahayd uu burburay,sidaas darteed labadaas arimood qoraalkayga kuma laha saamayn, oo waxaan isku taxluujiyey inaan usoo qoro sidii ay ahayd kahor 1991dii intii aanay burburin dawladdii dhexe ee soomaaliya. Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan saylac, berbera, caluula, boosaaso, iskushuban bandarbayla, hobyo ,muqdisho, marka ,baraawe, kismaayo Wabiyada dalkeena Dalkan Soomaaliya waxaa mara labo wabi oo kala ah Jubba iyo Shabele waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya waxaana ugu dheer Webiga Shabele oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km. magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer wuxuuna soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Agooye, Jannaale wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow Luuq Baardheere Bu'aale Jilib, Mareerey Kabsuuma iyo Jamaame wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km. Madaxweynayaashii dalkeenna soo xukumi jiray xornimadii kadib waa sidaan hoos ku qoran 1- Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle
Cismaan. f.g haddii aad ku aragtaan qoraalkayga wax khaladaad ah waad iisoo sixi kartaan adinkoo mahadsan Qore: |