Baro Dalkaada Hooyo
Guji
 
Hordhac

Qoraalkaan waxaan oogu talo galay inay ka faa,iidaystaan dhalinta soomaaliyeed ee aan wali nasiibka uyeelan in waddankooda ay kala bartaan, inkastoo ayna ahayn in waddan dhan macluumaadkiisa lagu soo koobo qoraal kaliya, ayaan kasoo qaatay in kooban

Dalka Soomaaliya waxa uu ku yaalaa geeska Africa wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay 635.541km2, waxana uu xuduud la wadaagaa Bari waxaa ka xiga Badweynta hindiya, waqooyina waxaa ka xiga Jabuuti, Galbeedna dalka Itoobiya, halka koonfur galbeedna uu ka xigo dalka Kenya.
Dalka Soomaaliya waxa uu yahay dalka labaad ee ugu xeebta dheer qaaradda Africa wuxayna leedahay xeeb dhirirkeedu tahay 3333km. kan koowaad ee ugu xeebta dheer waa s/africa
Tirada dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 8,000,000 oo qof. 60% dadka Soomaalidu waa dad reer miyi ah , 40% waad reer magaal ah oo siyaabo kala duwan ooga shaqaeysto magaalooyinka sida ganacsiga, beeraha, kaluunka iyo waxyaabo kale. Caasimadda dalkeena waa Muqdisho, tan labaadna waa Hargeysa, tan sadaxaadna waa Kismaayo, tan afaraadna waa baydhabo, goboladii ugu horeeyay ee xornimadiisa qaata dalkeena waxa uu ahaa gobolka Waqooyi waxaana xornimadooda ay qaateen 26kii bishii June sanadii 1960kii halka gobolada kale ee koonfurtana ay xornimadooda qaateen 1-dii bishii Luulyo sanadii 1960kii.

gumaystayaashii africa ee ku shiray baarliin sanadkii 1884tii waxay dalkeena u qaybiyeen sidaan

1-Gobolada Waqooyi oo la siiyay gumeestihii Ingiriiska.
2-Gobolada koonfureed oo la siiyay gumeystihii Talyaaniga.
3-Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay gumeystihii Faransiiska.
4-N.F.D oo iyadana la siiyay dalka Kiiniya.
5-Iyo gobolada Soomaali galbeed oo gacanta loo geliyay Dawladda Itoobiya.

Shantaan gobol waxaa la isku yiraahdaa shanta Soomaaliya taariikhdu markii ay eheyd 27kii bishii June sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda qaadatay, waxaasa wali gacanta gumeestaha ku jira Soomaali galbeed iyo N.F.D.
Calankeenu waa buluug ay dhexda ooga taallo xiddig cad oo shan gees leh, shantaas gees waxa ay utaagantahay shanta qaybood oo loo qaybiyey dhulka soomaaliyeed.

Hadaba markii ay xurnimada qaateen gobolada Koonfureed sanadii 1960kii waxay ahaayeen lix gobol oo kala ahaa gobolka Banaadir, gobolka Hiiraan, Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari,jubada sare iyo jubada hoose sidoo kale waxaa iyana ku soo darsamay goboladii waqooyi ee iyaguna isla sanadkaas xornimada qaatay waxayna ku soo darsameen koonfurta labadii gobol ee xiligaasi gobolada waqooyi la'isku oran jiray, ee gobolka Waqooyi Galbeed iyo gobolka waqooyi bari waxana ay isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda siddeeda gobol, markii uu kacaankii milatariga ahaa dalka Qabsaday ee la qaaday ololihii horumarinta reer miyiga ee sanadkii 1973dii ilaa 1974tii xiligaasoo ay timid baahi weyn oo ahayd in la magacaabo gobollo kale markaas waxaa sideedii gobol lagu kordhiyay todobo kale waxayna tirada gobolada dalka noqdeen shan iyo toban gobol Bilowgii sanadii 1980kii waxaa lagu kordhiyay gobolka Jubada dhexe, dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa iyana la magacaabay gobolada Sool iyo Awdal xiligaasoo tirada gobolada dalku noqdeen siddeed iyo toban gobol.

Halkaan hoose waxaa ku qoran 18ka gobol ee uu ka koobanyahay waddankeena iyo degmooyinkiisa:-

1- Awdal

Wuxuu ka kooban yahay afar degmo oo kala ah:

Boorame, oo caasimadda gobolka ah
Baki
Lug hayo
Zaylac

2- Banaadir

Oo magaalo madaxda dalka soomaaliya ah waxay ka kooban tahay 15 degmo waana kuwan:

Cabdi Casiis
Boondheere Xamar Jajab
Xamar weyne
Hawl wadaag
Heliwaa ama Huri waa
Hodan
Kaaraan
Shangaani
Shibis
Waaberi
Wada jir
Wardhiigley
Yaaqshiid
Dharkeynley

3- Bari

Isaguna wuxuu ka kooban yahay sideed degmo

Boosaaso, oo caasimadda gobolka ah
Caluula
Bandarbeyla
Baargaal
Qandala
Qardho
Xaafuun
Isku shuban

4- Togdheer

oo isaguna ka kooban afar degmo

Burco, waa caasimadda gobolka ah
Buuhoodle
Shiikh
Oodweyne

5- Sool

Wuxuu isaguna ka kooban yahay afar degmo

Laas caanood, waa caasimada gobolka
Caynabo
Xudun
Taleex

6- Galguduud

Wuxuu isna ka kooban yahay 7 degmo.

Dhuusa mareeb, oo caasimadda gobolka ah
Cadaado
Balanbale
Ceelbuur
Ceeldheer
Caabud waaq
Gal hareeri

7- Hiiraan

Wuxuu isna ka kooban yahay afar degmo

Baladweyne, waa caasimadda gobolka
Buula barde
Jalalaqsi
Matabaan

8- Gedo

Wuxuu isna ka kooban yahay todobo degmo

Garbahaarey, oo caasimada gobolka ah
Baardheere
Beledxaawo
Doolow
Ceelwaaq
Luuq
Buurdhuubo

 

9- Waqooyi Galbeed

Hargeysa, oo caasimadda labaad ee soomaaliaya ah, isla markaana ah caasimadda gobolka
Dacar budhuq
Ber bera
Gebilay

10- Mudug

Isaguna wuxuu ka kooban yahay shan degmo

Gaalkacayo, oo caasimada gobolka ah
Galdogob
Xarar dheere
Hobiyo
Jarriiban

11- Shabeelada Dhexe

Wuxuu ka kooban yahay shan degmo

Jawhar, oo caasimada gobolka ah
Balcad
Cadale
Aadan yabaal
Warshiikh

12- Shabeelada hoose

Wuxuu ka kooban yahay siddeed degmo

Marka, oo caasimada gobolka ah
Afgooye
Aw-dheegle
Baraawe
Kuntiwaarey
Qoryooley
Sablaale
Wanlaweyn

13- Baay

Wuxuu ka kooban yahay shan degmo

Baydhabo, waa caasimada gobolka
Buurxakabo
Diinsoor
Qansaxdheere
Bardaale

14- Bakool

Wuxuu isna ka kooban yahay shan degmo

Xudur, waa caasimada gobolka
Ceelbarde
Rab dhuure
Tiyeglow
Waajid

15- Jubada dhexe

Wuxuu ka kooban yahay afar degmo

Bu'aale, oo caasimada ah
Dajuma
Jilib
Saakow

16- Sanaag

Wuxuu ka kooban yahay afar degmo

Ceerigaabo, waa caasimada gobolka
Ceel afweyn
Laasqoray
Badhan

17- Jubada hoose

Wuxuu ka kooban yahay afar degmo

Kismaanyo, oo caasimadda 3aad ee soomaaliya ah,

isla markaana caasimadda gobolka
Afmadow
Badhaadhe
Jamaame

18- Nugaal

Wuxuu ka kooban yahay afar degmo

Garoowe, waa caasimada gobolka
Dangorayo
Ayl
Burtinle

Intaas waxaa kudhan gobalada iyo degmooyinka Soomaaliya

f/g. waxaa jiro in burburkii ay keeneen dagaalada sokeeye kadib, ay maamul goboleedyadii soo maray dalkeenna lagu sameeyey gobollo iyo degmooyin cusub, waxaa kaloo jiro degmooyin ay muuqaalkii degmo ee ay lahayd uu burburay,sidaas darteed labadaas arimood qoraalkayga kuma laha saamayn, oo waxaan isku taxluujiyey inaan usoo qoro sidii ay ahayd kahor 1991dii intii aanay burburin dawladdii dhexe ee soomaaliya.

Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan saylac, berbera, caluula, boosaaso, iskushuban bandarbayla, hobyo ,muqdisho, marka ,baraawe, kismaayo

Wabiyada dalkeena Dalkan Soomaaliya waxaa mara labo wabi oo kala ah Jubba iyo Shabele waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya waxaana ugu dheer Webiga Shabele oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km.

magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer wuxuuna soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Agooye, Jannaale wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow Luuq Baardheere Bu'aale Jilib, Mareerey Kabsuuma iyo Jamaame wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km.

Madaxweynayaashii dalkeenna soo xukumi jiray xornimadii kadib waa sidaan hoos ku qoran

1- Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cismaan.
2- Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u noqday Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke
3-bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Max'ed Siyaad Barre

f.g haddii aad ku aragtaan qoraalkayga wax khaladaad ah waad iisoo sixi kartaan adinkoo mahadsan

Qore:
Axmed Xasan Barkhadle