Hobollada Waaberi
Iyo Halganka Ogadeeniya
Habeennimadii sabtidii ay taariikhdu
ahyd November/2/2002 ayaa waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota e
waddanka Mareykanka lagu qabtey xaflad
loogu magacdarrey Habeekii Waaberi Iyo Hlganka
Ogaadeniya.xafladdas oo uu soo qabanqaabiyey xafiiska
Ogaden-American Community ee magaalda Minneapolis waxaa lagu qabtey qolka
shirarka ee loo yaqaano Sabatani Community Center,oo ku yaalla koonfurta
magaalada Minneapolis
Waxaa xaflada lagu furay qoraal ka
hadlaya xaalada ka jirta waddanka Ogaadeenya oo ay soo jeedisey Hodan Ducaale,
oo ah ardayad,Qoraal kale oo ay si wada jir ah u soo jeediyeen laba wiil aa
la kala yidhaahdo Hersi Axmed Iyo
Xirsi Kaariye ,Iyo Gabay Ingiriis ah oo ay akhriyeen gabdhaha
kala ah Idil Cabdullaahi
Ducaale iyo Nimco Cabdi
Cali Abshir
Waxaa hadal
kooban ka jeediyey Qareenka sida aadka ah looga yaqaanno magaalada Minneapolis Attorney P G Robbichuad oo u muujiyey shacabkii
soomaaliyeed ee halkaasi isugu yimid inuu aad uga xunyaay dhibaatada lagu hayo
shacabka Ogaadeeniya. Attorney PG oo
labbisnaa funaanad ay ka muuqato Maapka iyo calanka Ogaadeniya wuxuu gobtaas
mas’uuliyiinta jaaliyada Ogaadeeniya ku guddonsiiyey deeq dhaqaale oo ugu
deeqay qaddiyada shacabka Ogaadeeniya. Waxaa iyana xaflada ka soo qayb galay
deeq dhaqalena halganka ugu deeqay qareemada kala ah Ronald
J Theiler iyo Dr.Ronald S.Msh oo dadka
ka caawiya dhibaatada ka soo gaadha shilalka baabuurta.
Waxaa billabantey qaybtii aadka loo
sugayey ee xaflada oo ahayd hoboolada waaberi. Waxaa ay xaflada ku furen heesta Calanka
Ogaadeeniya. Oo uu allifey abwaanka caanka ah e Maxuud C/laahi sigub.
Kadib heesta calanka waxaa billaabantey riwaayad uu sameeyay Singub oo loogu
magic darey “Aan Is Fahanno” oy ka qayb
qaateen hobollada kala ah
Waxaa goobtaas ay
fanaaniitu ku so bandhigeen riwaayad aad loogu bogey oo ay ka soo qayb
galeen tiro laba jeer ka badan dadkii
loogu tala galey. Heesaha goobta ku cusbaa ee aadka dadku uga heleen waxaa
kamid ahaa Hees uu sameeyey erayadeeda Maxamed Qamaan laxakeedana Mustafa kiiko
oo la yidhaahdo Bar-baar
baan ka sugayaa. Oo ay si wada jir ah ugu luqeeyeen Khadiijo
Bokhran,Mustafa Kiiko iyo Miiraale Sidoo kale waxaa si aad ah loogu riyaaqey
heestii caanka ahayd ee Qabri Daharre
anaa iska leh o ay dhawr jeer halkasi ka qaadey Hiba-Nuura. Waxaa
halkaasi heesihiisii hore oo aad loogu bogey ka qaadey Salaad M Shardi [Slaad
Darbi]. Sidoo kale fanaanka da’da yar ee Miraale ayaa isna heeso si aad ah
looga helay goobta ka ciyaarey.
Qaybta xigta ee dadku sida aadka ah ugu riyaaqeen waxay ahayd dhaanto
ay soo bandhigeen dhalinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira oo uu hor kacayey
abwaanka da’da yar ee Yuusuf-Raan Cabdi Xaaji. Dhinaca kalena waxaa gabayo aad
dadku ugu bogeen soojeediyey Abwaan Maxameed C/laahi Singub.
Xaflada waxaa ka soo qayb galey
dhamaan bulsha weynta Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo aan habeenkaas ka
hor goob isugu iman tiro intaas la ‘eg . Waxaa goobta xafladau ka dhacayso lagu
gadayey funaanado, musawiro, Koobab , Calanderka taariikhda laga eegto iyo
farshaxanno kale oo dhamaantood ay ka muuqdaan astaamaha waddanka Ogaadeeniya.
Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota waxay habeenkaas muujiyeen
taageerada ay u hayaan halganka shacabka Ogadeeniya uu ugu jiro xorriyaddiisa.
Waxaa masraxa fannaaniintu taagnaayeen hadheeyey dad qiireysan oo sitaey
calanka shacabka Ogaadeeniya iyo astaamaha Jabhada Wadaniga Xoreynta
Ogaadeeniya.
Jawiga xafladu wuxuu ku billawdey si
nabad galyo ah wuxuuna ku dhamaadey si asluub leh.Waxaa dadka caawinayey oo
goobta ka adeegayey xubnaha Ururka Dahalinyarada Ogaadeeniya ee waqooyiga
America.
Waxay masuuliyiinta jaaliyada
Ogaadeeniya dadka Soomaaliyeed ee qaatey jinsiyada Mareykanka kula taliyeen
inay doorashada dhacaysa November/5/2002 codkooda siiyaan musharaxa xisbiga
Dimoqraadiga ; Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Mareykanka Walter Mondale oo
u tartamaya kursigii uu dhawaan ka geeriyodey Senator Paul Wolestone.
Shariif
Dheere
Ogaden
Online
Minneapolis.
U.S.A.