CUTUBKA 16.

Dhowrista sunnada iyo habkeeda

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

59. ÒWixii uu Rasuulku idin siiyo ama faro qaata, wixii uu idinka reebana ka haraÓ Suuradda Al-Xashar: Aayadda 7.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

60. ÒHawadiisa ka uu hadli maayo ee waa waxyi loo waxyoodeyÓ Suuradda An-Najam: Aayadaha 3-4. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

61. ÒKu dheh (Muxammadow S.C.W., dadka) haddii aad Alle jeceshihiin i soo raaca: Alle wuu idiin jeclaan oo idiin dembi dhaafiyeÓ. Suuradda Aali - Cimraan: Aayadda 13.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

62. ÒRasuulka Alle ku dayasho wanaagsan baa idiinku sugnaatay, waa qofkii ay ku weyn yihiin Alle iyo maalinta AakhiroÓ. Suuradda Al-Axaab: Aayadda 21.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

63. ÒWaa igu Rabbigaaye rumayn mayaan jeer ay kuugu yimaadaan xugminta wixii ay isku qabtaan, dabadeedna wixii aad goÕaamiso ku qancaan oyan wax dhibsi iyo culeys ah iska dareemin, hoggaansamidna u hoggaansamaanÓ. Suuradda An-Nisaa: Aayadda 65.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

64. ÒHaddii aad wax isku qabataan; ula noqda Alle iyo Rasuulka (yacni u bandhiga QurÕaanka iyo sunnada)Ó. Suuradda An-Nisaa: Aayadda: 59.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

65. ÒQofkii Rasuulka Adeecaa Alluu AddeecayÓ Suuradda An-Nisaa: Aayadda 80.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

66. ÒWaxaad wax ku hanuuninaysaa (Muxammadow S.C.W.) Jid toosanÓ Suuradda Ash-Shuuraa: Aayadda 53.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

67. ÒHa iska jireen kuwa amarkiisa khilaafaya inay fidmo, ama cadaab xanuun badani ku dhacdoÓ Suuradda An-Nuur: Aayadda 63.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

68. ÒJooga guryihiinna (dumarka muslima ahow, oo waxaan dan weyn aheyn ha u bixina) oo ha u muujinnina quruxda iyo bilicdiina (intii la banneeyey inaad u muujin kartaan maahee) oo ha ku dayinnana dumarka jaahilka ah ee jirkooda u muujiya (ragga gayaankooda ah) DaaÕimana dumarka muslimka ahow oogidda salaadda oo bixiya sakada adeecana oo maqla Alle iyo rasuulkiisa oo waxay idin fareen ku fartooma, waxay idinka reebeenna ka reebtooma, xusana oo barta waxa guryihiinna Aayado Alle iyo xigmad lagu akhriyayoÓ Suuradda Al-Axsaab: Aayadda 34.

156. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒHa igu dhibina weydiimo la xiriira waxyaalo aan ka hadlin, maxaa yeelay ummadahii idinka horreeyey waxaa rogey suÕaal badnidoodii (iyo weydiintoodii weydiimo badan aan loo baahneyn, bar faaÕido ahna aan lagu arag) iyo ku dhiirranaantoodii inay khilaafaan nebiyadoodii. Sidaa awgeed wixii aan idinka reebo ka fogaada, Wixii aan idin farana fuliya intii karaankiin ahÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

157. Abuu Najiix Cirbaad bin Saariyah (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒNebigaa (S.C.W.) wuxuu na wacdiyey wacdi ilma naga keenay oo cabsi gelisay qalbiyadeenna. Waxaan ku niri waxaad mooddaa wacdigan inuu yahay dardaarankii u dambeeyey, ee inoo dardaaran wax badan oo wanaag iyo waano ah. Markaa buu wuxuu yiri: Waxaan idinkula dardaarmayaa cabsida Alle iyo (dhowrsita xilalka iyo waxyaalaha uu idinku waajibiyey iyo ka fogaanshaha wuxuu idinka reebay) iyo is maqal iyo is addeecid xitaa addoon haddii madax la idiinkaga dhigo. Tan kale qofkiinnii sii noolaadaa wuxuu arki doonaa iskhilaaf tira badan ee waxaan idinku ogahay sunnadayda iyo sunnada hoggaamiyeyaasha hanuunsan (Abuubakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali), goos dambeedyada ku qabsada, arrimaha gadaal ka imaadka ahna (bidcada ah diinta lagu kordhiyo ama laga naaqusiyo) iska jira, maxaa yeelay bidca kasta baadi bay salka ku heysaa oo kugu hoggaaminÓ.

(Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri: waa xadiis xasan saxiix ah)

158. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒUmmadeyda jannaday wada gelaysaa kuwii igu tacaddiya maahee oo diida jannada. Waxaa la weydiiyey: Rasuulkii Alloow (S.C.W.) oo waa kuwee kuwaa? Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: Qofkii i adeeca jannaduu geli doonaa, qofkii caasi igu noqdaana waa qof taxaddi igu sameeyey (oo jannada ma gali doono). (Bukhaari)

159. Abuu Muslim waxaa la oran jiray sidoo kale Abuu Ayaaz Salamah ibn Camar (A.K.R.) Wuxuu yiri: Ninbaa billaabay inuu wax ku cunaa gacantiisa bidix isagoo la jooga nebiga (S.C.W.) nabigana wuxuu faray inuu gacantiisa midig wax ku cuno. Wuxuu yiri ninkii: Ma karo inaan yeelo sidaa. Waxay aheyd oo keliya kibirkiisa waxaa u diiday inuu adeecaa amarrada nabiga (S.C.W.) Sidaa awgeed buu wuxuu nabigu ku yiri ÒHa awoodinÓ. Wixii markaa ka dambeeyey waxaa dhacday in ninkaasi uusan kor u soo qaadi karin gacantiisa oo uusan gaarsiin karin afkiisaÓ. (Muslim)

160. Nucmaan bin Bashiir (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒWaxaan maqlay nebiga (S.C.W.) oo leh: Waa inaad toosisaan oo sintaan safafka (kolka salaadda) haddii aydan yeelinna Alle dhexdeenna colaad iyo khilaaf buu dhigayaa (macnah taa waxay idinka dhex abuureysaa cadaawad iyo is khilaafÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kalena oo Muslim dhigayo waxay ahayd Nabigu (S.C.W.) safafkuu simi jirey sidii isagoo isku cabiray. Sidaa buuna yeeli jiray jeeruu arkay inaan garowsannay fahamnayna ahmiyadda iyo qiimaheeda. Maalin buu wuxuu yimid masjidka si uu inoo tujiyo, isagoo ku dhawaaqi raba takbiiradii ixraamka ee salaadda lagu galo buu wuxuu arkay nin laabtiisu soo baxsan tahay, markaa buu yiri isagoo arrintaa ka hadlaya: Addoomma Alloow, safafka sinta oo toosiya, haddii kale Alle wuxuu abuuri colaad iyo khilaaf dhexdiinnaÓ. (Muslim)

161. Abuu Muusaa (A.K.R.) Wuxuu yiri: ÒGuri baa habeen Madiina gubtay, dadkii lahaana ku gubteen. Markii dhacdadaas loo sheegay Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒDabku waa cadowgiinii ee markii aad seexanaysaan iska bakhtiiyaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

162. Abuu Muusaa wuxuu kaloo yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒHanuunka iyo cilmiga Alle ii soo dhiibay (si aad ileys iyo iftiin uga hesahaan oo jahliga idinku daayo) waxay la mid yihiin Roob ku daÕay dhul meel fiican tahay oo biyaha cabbeyso oo naqdoog ah ka soo baxayaan; meelina adag tahay oo biyaha celinayso oo Alle dadka ku Anfacayo oo ay ka cabbayaan, beerahana ku waraabsanayaan. Biyaha roobkaas oo sidoo kale gaaray meel kale oo gabaahirig ah aan biyana celinayn baadna ka soo baxayn, sidaas waxaa la mataal ah; qof diinta Alle fahmay oo intifaacsaday waxa Alle iigu soo dhiibay (dadka) iyo kuwa bartay oo qaaruun kale sii baray. Tusaalaha dambena waa sida qofka aan u soo jeensan, baranna xikmadda iyo sunnadeyda, aan sidoo kalena aqbalin hanuunka Alle iigu soo dhiibayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

163. Jaabin (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Aniga iyo idinku waxaan la matal nahay nin inta dab shitay; ay markaas balanbaalistii iyo cayayaankii bilaabeen inay ku soo ordaan kuna soo daataan, isaguna ninkii dabka shitay ka celcelinayo. Anigu ninkaa baan la mid ahay waxaan isku dayayaa inaan guntiga idin qabto (si aan idiinka badbaadiyo) naar, idinkuna waad ka fakaneysaan gacanteyda". (Muslim)

164. Jaabir (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu amray muslimiinta in faraha la leefo, la nadiifiyana weelasha (marka raashinka laga cuno kaddib) wuxuuna yiri: "Ma garan kartaan qaybtee baa cunnadu barakadu ku jirtaa". (Muslim)

Werin kalena waxay ahayd oo Muslim ku taal: "Haddii ay midkiin ka dhacdo waslad, waa inuu soo qaadaa, ka nadiifiyaa wixii gaaray oo boor iwm ah. oo markaas cunaa, oo waa inuusan uga tegin shaydaanka. Waa inuusanna qofku marin gacantiisa istiraashada isagoo aan ka leefin (cuntada haraaga ku ah) farahiisa, maxaa yeelay ma oga qofku qaybtee baa cuntada barakeysan - macnaha ay barakadu ku jirtaa".

Werin kale oo Muslim ku taal baa waxay leedahay: "in Nabigu (S.C.W.) uu sheegay in sheydaanku mar iyo munaasabad kasta xaadir yahay xitaa markii aad wax cunaysid. Sidaa awgeed, haddii ay qofkiin ka dhacdo waslad (ama rudmad) waa inoo qaataa, ka nadiifiyaa boorka iwm., oo markaas cunaa uusanna uga tegin shaydaanka."

165. Ibn Cabbaas (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigaa (S.C.W.) mar naga dhex istaagey, si uu innogu khudbeeyo oo wuxuu yiri: ÒDadoow waxaa la idin soo bixinayaa oo la idiin soo kulmin Alle weyne xaggiisa idinkoo cagacad oo qaawan oo buurya qab ah. Siduu yiriba sare ahaaye: ÔSidii aan u billownay oo ay ahaayeen abuurkoodii hore, sidaa baan ku soo bixineynaa, waan ballan qaadnay, sidaa baynuna yeeli doonnaa.Ó Suuradda. Al-Anbiyaa: Aayadda 103.

Dadkana maalinta qiyaamaha Nebi Ibraahiim baa dhar loo hor siinayaa. Waxaana la keeni doonaa rag ummaddayda ah, waxaa la marinayaa xagga bidix, oo naarta u dhow. Waxaan oranayaa: Rabbiyoow kuwani waa asxaabtaydii. Markaa baa waxaa laygu oran doonaa: Ma ogid dabadaa waxay la yimaadeen oo bidca ah, hal abuureenna. Markaasaan oranayaa sidii uu addoonkii suubbanaaba Ciise, wiilkii Maryam, yiri: ÒIntii aan dhexdooda joogey baan u war hayey, markii aad i oofsatayna Adaa Adigu ahaa kan ilaalinayey, Adaana wax walba markhaati ka ah. Haddii aad cadaabaysana waa addoommadaadii, haddii aad u dhaafaysana Adaa Adigu ah awood badnaha xigmadda badanÓ. Suuradda Al-MaaÕida: Aayadaha 117-118.

Waxaa haddana la ii sheegi doonaa in tan iyo markii aan ka tagay (dhimashadeyda kaddib) inay ku jireen xaalad ah inay ka noqdaan diinta iyo waxyaalaha ay fareysoÕ. (Bukhaari iyo Muslim)

166. Abuu Saciid Cabdullaah bin Muqaffal (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu reebay farganka, wuxuuna yiri: ÒShiishka noocan ah kuuma dilo ugaar kaama ceshana cadowga, waxayse dhaawac gaarsiisaa indhaha, jebisaana iligÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kalena waxay ahayd: Nin ay qaraabo dhow yihiin Cabdullaah bin Muqaffal baa fargan qof ku tuuray. Markaa buu Cabdullaah bin Muqaffal ka reebay oo yiri: Nebigu (S.C.W.) farganka waa reebay wuxuuna yiri: Ugaar ma dilo. Ninkii ma uusan maqlin oo dan uma gelin hadalkii lagu yiri oo wuxuu halkii ka sii waday fargan tuurkii. Markaa buu Cabdullaah bin Muqaffal ku yiri: waxaan kuu sheegay inuu Nebigu (S.C.W.) reebay fargankan adiguna waad sii tuuraysaa, weligay kulama hadli doono mar kale.

167. Caabis bin Rabiicah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan arkay Cumar bin Khaddaab oo Xajarul aswadka dhunkanaya (Kacbada dhexdeeda) oo leh: Waa aan ogahay inaad dhagax tahay oo aadan dhib iyo dheef toonna lahayn, haddii aanan arag Rasuulkii Alle (S.C.W.) oo ku dhunkanayana, marnaba kuma dhunkadeenÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

Fiiro gaar ah:

Dhowrista iyo ilaalinta sunnada nabiga (S.C.W.) iyo inaad adoo raalli ah, aad aqbashaa waa waajib iyo xil saaran qof kasta oo Muslim ah goor iyo waa walbaba, sida ay ku dhawaaqeen aayadaha QurÕaanka, Alle weynaa oo kor ahaaye ma saarin rususha xil ah oo keliya inay diinta dadka gaarsiiyaan, bal wuxuu ka yeelay macallimiin, hanuuniyayaal, toosiyayaal, iyo tusaale lagaga daydo dhaqanka suubban, si falalka iyo hadalladooda ileys looga dhigto mugdiga lagu iftiinsado, iyo dhabbo la raaco. Taasina waa lagama maarmaan si ay dadku u ogaadaan in adeecidda rasuulka Alle ay tahay cibaado. Alle wuxuu yiri: ÒKii rasuulka adeecaa, wuxuu adeecay AlleÓ.


CUTUBKA 17

Ahmiyadda u hogaansanka amarada Alle iyo kan dadka ugu yeeraya,

ama faraya wax san wax xunna reebaya

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

69. ÒWaa igu Rabbigaaye ma ayan rumayn (xaqa) jeer ay kuugu yimaadaan xugminta wixii ay isku qabtaan dabadeedna ku qancaan wixii aad goÕaamiso wax dhibsi iyo culeys ahna ka gelin, hoggaansamidna hoggaansamaanÓ. Suuradda An-Nisaa: Aayadda 65.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

70. ÒHadalka muÕminiinta (dhabta ah) markii loogu yeero inay Alle iyo Rasuulkiisu u gar sooraan waa inay yiraahdaan: waan maqleynaa oo adeeceynaa. Waana kuwaas kuwa iyagu liibaanayaÓ. Suuradda An-Nuur: Aayadda 51.

168. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) markii ay ku soo degtey aayaddan: ÒAlle wuxuu leeyahay waxa cirarka iyo dhulka ku sugan; Haddii aad muujisaan waxaa maankiinna ku jira iyo haddii aad qarisaanba, Alle waa idiin xisaabayaaÓ. Suuradda Al-Baqarah: Aayadda 248.

Asxaabtiisii aad bay ugu cuslaatay taasi, markaasay aadeen Nebiga (S.C.W.) oo intay jilbaha ku soo fariisteen, bay waxay ku yiraahdeen; Rasuulkii Alloow (S.C.W.) waxaa naloo xilsaaray howlo iyo waajibyo aan awoodi karno, ay ka mid yihiin salaad, jihaad, soon, sako, I.W.M. haatanna waxaa kugu soo degtey aayaddaan oo aannaan awoodi u lahayn. Wuxuu yiri: ÒMa waxaad rabtaan inaad sidii ehlu kitaabkii idinka horreeyey oo kale tiraahdaan: Waan maqallay, yeeli meynana? Mayee waxaad tiraahdaan; maqallay, oo yeellay. ee Rabbiyoow dembi dhaafkaaga na sii, xaggaagaa noqodku ahaadayeÓ. Markii ay sidii yeeleen oo yiraahdeen baa markiiba Alle wuxuu soo dejiyey:

ÒRasuulku waa rumeeyey wixii xagga Rabbigi looga soo dejiyey, (sidoo kale bayna yeeleen muÕminiintu. Mid walbaa Alluu rumeeyey iyo MalaaÕigtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa_iyagoo leh rusushiisa midna gees u bixinmayno _ waxayna yiraahdeen: waannu maqli, oo yeeli (wax kasta oo aad in farto) ee (na sii) dambi dhaafkaaga Rabbiyoow, xaggaagaa noqodku ahaadayeÓ Suuradda Al-Baqarah: Aayadda 285.

Markii ay sidaas yeeleen buu uga noqday xukunkiisaasi, soona dejiyey markaa aayadahan: ÒAlle nafna waxayan awood u laheyn ma saaro. Wixii ay shaqaysato bayna leedahay naf kasta, wixii ay galabsato baana loo raacanayaa. Rabbiyoow ha noo qaban haddii aan halmaanno ama gefno. (Alle Wuxuu yiri waa yahay). Rabiyoow! Culaysna ha na saarin sidii aad kuwii naga horreeyey u saartay (Alle Wuxuu yiri waa yahay). Rabiyhoow! Wax aannaan karinna hana saarin (Alle wuxuu yiri waa yahay). Oo na cafi, oo noo dembi dhaaf, oo noo naxariiso. Adigaa gacalkayagii ahe iyo gargaaraheenna ee gaalada nooga hiili. (Alle wuxuu yiri waa yahay) Suuradda Al-Baqarah: Aayadda 286. (Muslim)


CUTUBKA 18

Bidcooyinka iyo arrimaha lagu soo dirriyo diinta waa xaaraan reebban

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

71. ÒXaq maxaa ka soo hara oo aan baadinnimo ahaynÓ Suuradda Yuunis: Aayadda 32.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

72. ÒKitaabka (Looxa maxfuudka) waxba kuma aannu dhaafinÓ Suuradda Al-Ancaam: Aayadda 38.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

73. ÒHaddii aad wax isku qabataan u celiya Alle iyo Rasuulka (yacni u bandhiga QurÕaanka iyo sunnada)Ó. Suuradda. An-Nisaa: Aayadda 59.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

74. ÒJidkaygii oo toosan wakaase raaca, jidad kale ha raacina yaysan jidkiisa idinka dhumineÓ. Suuradda Al-Ancaam: Aayadda 153.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

75. ÒKu dheh (Muxammadow, S.C.W. dadka) haddii aad Alle jeceshihiin i soo raaca Alle waa idin jeclaanayaa oo idiin dambi dhaafayaayeÓ. Suuradda Aali-Cimraan 31.

169. CaaÕisha (A.K.R.) Waxay tiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒHaddii uu qof isku dayo inuu ku soo daro arrinkayagaan (diinta Islaamka) waxaan ka mid aheyn, waa in lagu diiddaa (qofka bidcidaa la yimidna waa in la ceebeeya, oo la dhaleeceeyaa (haddii uu ku sii socdo kaddib markii laga waaniyo oo xaqa loo caddeeyo)Ó. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale oo Muslim ku taal waxay ahayd: ÒHaddii uu qof keeno ama falo wax arrinkayaga (diinta Islaamka) ka baxsan, oo aan anigu jideyn, waa in lagu diidaa (oo waa in qofkaa ka masÕuulka ah ama bidcadaa wata la ceebeeyaa, haddii uu ku sii socdo kaddib markii laga waaniyo oo xaqa loo caddeeyo)Ó. (Bukhaari iyo Muslim)

170. Jaabir (A.K.R.) Wuxuu yiri: Markii uu nebigu (S.C.W.) uu inoo khudbaynayo indhahaa gaduudan jirey, codkiisana kor buu ahaan jiray, waxaadna moodi jirtey sida inuu inooga digayo col innagu soo food leh. Wuxuu oran jiray: War cadowgii wuxuu idin soo hayaa subaxan, ama cadowga wuxuu xaggiina u soo dhiitinayaa fiidkii. Wuxuu kaloo oran jirey: Soo diriddaydii iyo soo bixinta Saacadda waa laba wada socda oo isugu lammaanan sida labadayda farood (intuu far dhexaadda iyo murugsatada isku lammaaniyey) Dabadeedna wuxuu oran jirey, intaas kaddib, hadal waxaa ugu sita kitaabka Alle, hanuunna waxaa ugu sita hanuunkii Muxammad (S.C.W.) arrimahana waxaa ugu shar badan in arrimo cusub lagu daro caqiidada Islaamka iyo iimaanka iyo guud ahaan waxa lagu daro diinta oo aan ka mid aheyn ee bidcada ah. Bidcid kastaana waa baadi iyo habow. Dabadeedna wuxuu oran jirey; Anigaa muÕmin walba naftiisa ka xiga (yacni waxaan ahay kheyr iyo samaan la doone muslimiinta) (Sidaa daraaddeed) Haddii uu qof muslim ah ka tago xoogaa hanti ah waxaa leh dadkiisa. Haddii uu dhinta oo uu ka tagaana deymo iyo carruur dayacan anigaa u xilsaaran, oo dusha u dhiganaya bixinta deymahiisa iyo daryeelka carruurtiisa. (Muslim)

Fiiro gaar ah: Wuxuu yiri Qaadi Ciyaadh qofkii curiya ama keena isagoo ka mid dhigaya Islaamka arrin cusub aan ku jirin QurÕaanka iyo sunnaha nabiga (S.C.W.) waa in la dhaleeceeyaa (ama loo arkaa khaaÕin ka noqday diintii) Waayo diinta Islaamka waa ebyan tahay oo ka dhan tahay dhinac kasta, mana jirto baahi in wax lagu soo dirriyaa ah, hadday tahay siyaadin ama naaqusin. Sidaa awgeed, qofka taa isku dayaya waa qof doonaya inuu keeno oo ku soo daro shareecada wax xun oo aan ciribtooda la mahadin doonin.

Iimaanku wuxuu ku kooban yahay in la rumeeyo oo la raaco waxyiga Ilaahiga ah, iyo sunnaha iyo dhaqanka nabiga (S.C.W.) iyo asxaabtiisa. Sidaa awgeed qofka sidaa ah (ee doonayo inuu wax ku daro mabaadida diinta iyo qodobbadeeda ama wax ka naaqusiyo ee sidaa ula kaca u yeelaya) waa in loo arkaa qofkaa qof Islaamkii khaaÕimayo oo luggooyo la doonaya muslimiinta. Intaanan tillaabada ku habboon laga qaadinna waxaa wanaagsan in loo caqli celiyo oo loo naseexeeyo, xaqa loo caddeeyo, jahliga laga saaro, intaa kaddib haddii uu ku sii adkeysto fidinta bidcada iyo hirgelinteeda waa in mowqaf cad laga istaagaa oo dadka looga digaa.