Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 76. ÒIyo kuwa yiraahda: Rabbiyow ubadkayaga iyo afooyinkayaga ilqabowsi naga sii, Tusaale wacanna innaga dhig ay ku daydaan kuwo xaqa raaca xumahana iska dhowraÓ. Suuradda Al-Furqaan: Aayadda 24. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
77. ÒWaxaan ka dhignay (nebiyadii iyo saalixiinta) madax amarkayaga wax ku hanuuniyaÓ Suuradda Al-Anbiyaa: Aayadda 73.
171. Jariir bin Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒWaxaynu joognay oo xaadir ka aheyn kulan uu innagu wehliyey nebiga (S.C.W.) maalin goor Duhur aheyd. Waxaa noo yimid dad aad u arradan oo wax jeex jeexan qaba oo seefo sita oo reer Mudar badankoodu yahay ama wad ahaaba. Markaasaa nebigu (S.C.W.) surrucaaday waxa faqri ka muuqanaya awgeed. Markaasuu inta soo kacay oo qolkiisa aaday buu haddaana soo baxay oo Bilaal wuxuu faray inuu addimo waayo waxay aheyd waqtigii salaadda, inta na tujiyey nabigu (S.C.W.) buu khudbad jeediyey oo yiri: War dadoow dhowra oo ilaaliya xilka iyo waajibkuu Alle idin saaray, Allahaa oo naf keliya idinka abuuray (Aadam), iyadiina afadeeda ka abuuray (Xaawo) oo labadooda ka firdhiyey rag tira badan iyo haweenba. Allena ka cabsada, kan aad weydiisataan xuquuqdiinna, oo riximka ha goynina. Alle waa idin eegahayaayeÓ. Suuradda An-Nisaa: Aayadda 1.
Kaddibna wuxuu akhriyey aayad kale oo ku jirta suuradda Al-Xashar ee ah:
ÒKuwa xaqa rumeeyoow! Dhowra xilka iyo waajibkuu Alle idiin saaray. oo nafi ha fiiriso waxay berito (qiyaamaha) u hor marsatay Allana ka cabsada. Alle waxa aad faleysaan waa ka warqabaayeÓ. Suuradda Al-Xashar: Aayadda 18.
Markaa kaddib nabigu (S.C.W.) wuxuu faray nin walbaa oo dadkii salaadda joogay ka mid ahaa inuu wax ku sadaqaysto dadkaa qofba wixii uu heli karo, hadday Diinaar tahay, Dirham, Dhar, Bur, Timir, ilaa uu gaarsiiyey xabad timir ah jeexeedba Allaha ka dhigoÕe. Markay maqleen taa baa Nin ansaar ka mid ah wuxuu keenay kolay culayskiisa uu qaadi la yahay, kaddibna dadkii baa iska daba yimid, ilaa wixii la isu keenay ay gaareen laba tuur oo dhar iyo cunto ah. Markaa baa waxaan arkay wejigii Nebigoo (S.C.W.) oo u ifaya una dhalaalaya sida dahab oo kale.
Wuxuu markaas Nebigu (S.C.W.) yiri: ÒQofkii diinta islaamka dhexdeeda jideeya wax khayr ah, wuxuu leeyahay ajarka waxaas iyo ajarka cid Alla ciddii waxaas ku dhaqanta isaga dabadi iyadoo aan iyagana ajarkooda waxba laga nusqaaminahayn. Qofkii diinta Islaamka dhexdeeda wax xun jideeyana wuxuu leeyahay ciqaabta dembigaa, waana loo ciqaabi sidoo kale cid Alla ciddii waxaas ku dhaqanta isaga dabadi, iyadoo aan iyagana waxba laga nusqaaminahayn dambiga ay galeen, iyo ciqaabta u dhiganÓ. (Muslim)
172. Ibn Mascuud (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒNaf kasta oo xaqdarro lagu dilo dembigeeda waxbuu ku leeyahay ina Aadankii ugu horeeyey (Qaabiil) , maxaa yeelay wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey oo dilka jideeyey, markuu dilay walaalkiis (Haabiil)Ó. (Bukhaari iyo Muslim)
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 78. ÒUgu yeer (dadka) xagga RabbigaaÓ Suuradda: Al-Qasas: Aayadda 87.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 79. ÒUgu yeer jidka Rabbigaa si xigmad iyo waano wanaagsan lehÓ Suuradda An-Naxal: Aayadda 125.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 80. ÒIsu kaalmaysta samaanta iyo ilaalinta xilka iyo arrimaha Alle waajibiyeyÓ Suuradda Al-MaaÕidah: Aayadda 2.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 81. ÒHa idinku jireen dad khayrka wax ugu yeeraÓ Suuradda Aali-Cimraan: Aayadda 104.
173. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar al-Ansari Al-Badri (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofkii khayr dadka tusaa kii falaa ajarka uu heli mid la mida baa loo dhigiÓ. (Muslim)
174. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofkii dadka hanuun ugu yeeraa wuxuu leeyahay ajarka ay leeyihiin oo kale wixii isaga raaca ee samaha fala; iyadoo aan iyagana ajarkooda waxba laga nusqaamin. Sidaa oo kale qofkii dadka habow ugu yeeraa wuxuu leeyahay ciqaabta iyo dembiga ay leeyihiin wixii isaga raaca iyadoo aan waxba laga nusqaaminayn ciqaabta ay leeyihiin iyana ee dambigaa la xiriiraÓ. (Muslim)
175. Abuu Cabaas Sahal ibn Saacidi (A.K.R.) wuxuu yiri: Intaan dagaalka la qaadin maalintii Khaybar nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒBerri waxaan calanka u dhiibayaa nin Alle guusha siin doono oo jecel Alle iyo Rasuulkiisaba, Alle iyo Rasuulkiisuna jecel yihiin. Habeenkii oo dhan baa la isla lahaa talow yaa loo dhiibi doonaa calanka. Markii uu waagii baryey baa Nebigii (S.C.W.) loo jarmaaday iyadoo nin walbaa is leeyahay adigaa lagu siinayaa. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Mee Cali bin abii Daalib? waxaa loo sheegay in indhahu xanuunayaan. Nabigu (S.C.W.) wuxuu dadkii faray in loo cid diraa. Markii uu yimid, buu rasuulkii Alle indhah kaga tufay oo u duceeyey; markaasaa xanuunkii ka baÕay. Markaa buu rasuulkii Alle u dhiibay calankii. Wuxuu yiri Cali (A.K.R.): Nebi Alloow dagaalka ma aan ku wadayaa jeer ay muslim noqdaan innagoo kale ah? Nabigu (S.C.W.) Wuxuu ku jawaabay : tag adigoo ku socda orodkaaga caadiga ah illaa aad ka gaartid meel ku dhow carrigooda markaana ugu yeer inay Islaamka qaataan oo u sheeg waxa ay diinta fareyso oo uu ku waajib yeelay Alle. Waxaan ku dhaaran Alle, Xitaa haddii Alle dartaa hal qof keliya ku soo hanuuniyaa, taa baa wax badan kaaga wanaagsan oo kuu dhaanta tiro dhan oo aad qayb u yeelato oo geel gadgaduudan ah (halo geel oo qaali ah). (Bukhaari iyo Muslim)
176. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin dhallinyaro ah oo ka tirsan qabiilka Aslam baa u yimid nebiga (S.C.W.) oo ku yiri: Rasuulkii Alloow, Waxaan doonayaa inaan ka qayb qaato jihaadka, wax aan ku diyaar goroobana ma heysto oo qalab iyo hub ah (aan jihaadka ugala qayb galo). ÔNabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: U tag hebel, wuxuu u sameeyey diyaargaroob dhan jihaadka, waase bukooday. Ninkii dhallinyarada ahaa wuxuu u tegey ninkan loo sheegay oo yiri: Nebigii Alle waa uu ku soo salaamayey wuxuuna ku soo faray inaad i siiso wixii aad ku diyaar garowdey ood jihaadka ugu tala gashay. Wuxuu ninkii faray xaaskiisa inay siiso qalabkiisii oo dhan uu jihaadka ugu tala galay ninkaa dhallinyarada ah oo ay waxba ka reebin. Alle baan ku dhaaran, Haddii aadan la harin waxba, Alle barako iyo kheyr buu ku siin falkaasi awgi.Õ (Muslim)
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 82. ÒIsu kaashada ilaalinta iyo dhowrista xilka Alle idin saaray iyo samaan faliddaÓ. Suuradda Al-MaaÕidah: Aayadda 2.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 83. ÒWaayahaan ku dhaartaye Aadanuhu khasaaruu ku sugan yahay kuwa xaqa rumeeyey ma ahee oo camalka wanaagsan falay, oo xaqa isu dardaarmay, samirkana isu dardaarmayÓ. Suuradda Al-Casar 1-2.
177. Abuu Cabdur Raxmaan Zayd ibn Khaalid al-Juhani (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒNinkii diyaariya oo qalabeeya nin mujaahid ah oo dar Alle u jihaadaya waa sida isagoo jihaadkii ka qayb galay (oo u diriray Alle darti) ninkii daryeela oo dhaqaaleeyana nin mujaahid ah oo Alle darti jihaad ugu maqan reerkiisii oo u sii hayaa waa sida nin isagu jihaadkii ka qayb qaatay, oo dirirayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
178. Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigaa (S.C.W.) wuxuu u diray qolo dagaalyahanno ah inay dagaal jihaad ah ku qaadaan qabiil la yiraahdo Banii Laxyaan oo ka tirsan reer Hudeyl wuxuuna ku yiri nimankii dagaalyahannada uu u dirayey qoladaa: Labadii ninba waa inuu mid isu diyaariyaa inuu jihaadkaa aado oo ka qayb galo. Laakiin labaduba waxay leeyihiin ajar isku mid ahÓ. (Muslim)
179. Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: nebigaa (S.C.W) kula kulmay qoon awr fuushan meesha Raxwaa la yiraahdo wuxuuna weydiiyey cidda ay yihiin. Waxay u sheegeen inay yihiin muslimiin. Iyaguna waxay weydiiyeen cid uu yahay wuxuu yiri ÒRasuulkii AlleÓ Markaasaa haweeney inta ilma kor u qaadday tiri; kan xaj ma aadi karaa? Wuxuu yiri: ÒHaah, Ajar baana kuugu sugan.Ó (Muslim)
180. Abuu Muusaa Al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒKhasnajiga muslimka ah ee aamminka ah waa kaa guta xilka iyo howlaha loo dhiibay ee lagu aaminay, bixinaya wixii bixi la yiraahdo isagoo siinaya wixii sii la yiri oo dhan ciddii lagu yiri sii, isagoo raalli ah, uur fayow. Khasnajigaa wuxuu la mid yahay kii wax sadaqeystay. (Bukhaari iyo Muslim)
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 84. ÒMuÕminiinta uun baa walaalo ahÓ. Suuradda Al-Xujuraat: Aayadda 10.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: oo uu ka soo weriyey inuu Nuux (C.S.) yiri isagoo dadkiisii la hadlaya: 85. ÒWaa aan idiin naseexaynayaaÓ Suuradda Al-Acraaf Aayadda 26.
Huud Alle wuxuu sheegay inuu yiri: 85. ÒWaxaan idiin ahay naseexo wadeen aammin ahÓ. Suuradda Al-Acraaf: Aayadda 68.
181. Tamiim ibn Aws Ad-daari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒDiintu waa waanoÓ. Waxaannu niri: Rasuulkii Alloow yay u tahay? Wuxuu yiri: Òwaxay u tahay Alle, QurÕaanka, rasuulkiisa, iyo muslimiinta- dawladda iyo dadweynabaÓ. (Muslim)182. Jariir bin Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒWaxaan Rasuulka Alle Axdi kula galay inaan salaadda oogo oo sekada bixiyo, iyo inaan wanaag la jeclaado qofkasta oo muslim ah oo u naseexeeyoÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
183. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofkiin muÕmin dhan noqon mahayo jeer uu walaalkiis Islaamka la jeclaado waxa uu naftiisa la jecel yahayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 86. ÒHa idinka mid noqdeen dad khayrka wax ugu yeera oo samaanta fara, xumaantana reeba, kuwaasaa iyagu kuwa liibaaney aheÓ. Suuradda Aali-Cimraan 104.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 87. ÒWaxaad tihiin ummaddii u khayr badanayd oo dadka loo soo saaray: Waxaad fartaan samaanta iyo dhaqanka wanaagsan, reebtaanna xumaanta iyo edebdarradaÓ. Suuradda Aali Cimraan: Aayadda 110.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 88. ÒCafiska caadeyso (Muxammadow S.C.W.), samaantana far, isagana jeeso jaahiliintaÓ. Suuradda Al-Acraaf: Aayadda 199.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 89. ÒMuÕminiinta iyo MuÕminaduhu waa is yihiin oo hiil baa ka dhexeeya iyo isu gargaar, Waxay faraan samaanta, reebaanna xumaantaÓ. Suuradda At-Tawba: Aayadda: 71.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 90. ÒReer IsraaÕiil kuwoodii gaaloobey waxaa lagu nacladay carrabkii Daawuud iyo Ciisaa, wiilkii Maryam. Maxaa yeelay waa caasiyoobeen oo xad gudbayaal noqdeen. Iskama ay reebi jirin xumaantii ay sameeyaan. Wax xillay falayeeneÓ. Suuradda Al-Maaidah Aaydaha 78-79.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 91. ÒDheh (waa) xaqii oo ka yimid xagga Rabbigiin. Ee kii rabaa ha rumeeyo, kii rabaana ha gaalooboÓ. Suuradda Al-Kahaf: Aayadda 29.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 92. ÒCaddee waxa xagga Alle lagaa amrayoÓ. Suuradda Al-Xijr : Aayadda 94.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 93. ÒKolkay iska illoobeen waxay culimadoodii ku waanineysay. Waxaan badbaadinnay kuwii xumaanta reebayey, marsiinnayna dulmiile yaashii cadaab xun faasiqnimadoodii darteedÓ. Suuradda Al-Acraaf: Aayadda 165.
184. Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: ÒNinkiinnii xumaan arkaa, waa inuu ku saxaa gacantiisa, haddii uusan karinna inuu sidaa yeelo, waa inuu ku reebaa xumaanta carrabkiisa, haddii uusan karinna inuu ku reebo carrabka, waa inuu ugu yaraan u arkaa xagga qalbiga arrin fool xun aan loo baahneyn, in la suuliyana mudan; oo uu kahdona, tanina waa heerka ugu hooseeya ee iimaankaÓ. (Muslim)
185. Ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒNebiyadii iga horreeyey oo dhan Nebi walbaa wuxuu lahaan jirey xer iyo asxaab, ummaddiisa ka soo raaci jirey oo sunnadiisa qaadan jirey awaamirtiisana ku dhaqmi jirey. Dabadeedna waxaa ku xigsan jirey qooman oranaya wax aysan falayn oo falaya wax aan la farin. Kuwa tilmaamahaa leh qofkii gacantiisa kula jihaadaa waa muÕmin; kii carrabkiisa kula jihaadaa waa muÕmin; kii qalbiga kula jihaadaa (oo ka kahda, nacana xumaantaa ay falayaan) waa muÕmin., muÕminnimo saxar leÕeg oo intaas ka dambaysaana ma jirtoÓ. (Muslim)
186. Abul Waliid Cubaadah bin Samit (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaannu Nebiga (S.C.W.) axdi kula gallay inaan maqallo iyo inaan adeecno duruuf kasta oo jidha goorta ladnaanta iyo goorta lurnaanta, goorta xiisa qabka ama goorta wahsidaba; iyo inaan ka raalli noqonno haddii cid noolaga roonaado, ama nalaga kor yeelo, oo laxa jeclo iyo u kala roonaan la arko, iyo inaannaan talada kula murmin dadka haya (madaxda) inaan aragno gaalnimo iska cad oo aan xag Alle daliil uga hayno ma ahee, amarka Alle idin siiyeyna iyo wuxuu idin kula ballamay waa inaad xaqa iyo runta sheegtaan duruuf kasta oo aad ku sugan tihiinba, oo aydan uga haybaysan (Yacni xaqa aydaan uga aamusin) mid wax canaanta canaantiÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
187. Nucmaan ibn Bshiir (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMatalka iyo tusaalaha qofka dhowra xuduudda Alle iyo kan aan danta u gelin waxay la mid yihiin sidii qolo doon fuushan oo ku qori tuurtay qolada dabaqa sare ee doonta fuuleysa iyo qolada dabaqa hoose fuuleysa. Qoladii dabaqa hoose fuushanayd waxaa qasab ku ahaa kolkay biyo rabto inay dabaqa kore u doonato, arrintaasoo yari dhib u keentay qoladii dabaqa sare ee doonta fuushaneyd, markaa bay waxay qoladii dabaqa hoose fuushaneyd u soo jeediyeen qoladii dusha fuulneyd inay ka oggolaadaan inay dabaqa hoose meel ka faruurtaan si ay biyo u helaan iyagoon cidna dhib u geysan, marka haddii ay qoladii dusha sare saarneyd arrintaa ka yeelaan waa ay wada rogmanayaan, haddii ay ka qabtaanna waa ay badbaadahayaan iyaga iyo inta kale oo dhanbaÓ. (Bukhaari)
188. Ummul MuÕminiin Ummi Salamah (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒRag baa madax la idiinka dhigi doonaa waxaad ku arki doontaan falal qaarkood (diinta waafaqsan) qaarna (ayan waafaqsaneyn). Marka qofkii muujiyaa naceyb arrinkoodaasi ah (yacni wixii ay diinta ku khilaafeen) waa badbaadey, qofkii ka carooda oo ku diidaana waa badbaaday, laakiinse waxaa hoogaya qofkii raaca oo raalli ka noqda (munkarkooda). Dadkii markaa la joogay waxay yiraahdeen Rasuul Alloow ma waanaan la dagaallamayn? Wuxuu yiri: ÔMayaÕ inta ay idinla tukanyaanÓ. (Muslim)
189. Ummul muÕminiin Zaynab bintu Jaxash (A.K.R.) waxay sheegtey in: Mar nebigu (S.C.W.) u soo galay isagoo naxsan oo yiri: ÒLaa ilaaha illal laahÓ -Ilaah xaq ah ma jiro aan Alle aheyn Wuxuu baaÕba ahaan Carab korkooda shar soo food haya awgi. Wax baa laga furay maanta qaddar yar ah derbigii celinayey Yuuj iyo Maajuuj. Duleelka laga furay oo ah intaa; intuu farta iyo suulka goobo ka dhex sameeyey. Waxaan ku iri: Oo Rasuul Alloow ma iyadoo dad fiicani nagu jiraan baa nala rogayaa? Wuxuu yiri: Haah, markii ay waxa xumi bataanÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
Fiiro gaar ah: Imaam Nawawi isagoo xadiisyadan sharxaya wuxuu yiri: ÒQofkii u arka wixii sharciga khilaafaya oo dhan xagga qalbiga wax xun, ee aan awood laheyn inuu ku joojiyaa gacantiisa ama carabkiisa, qofka sidaa ah dambi ma leh, waayo waajibkii waa uu gutay; qofkii uga hortagaana hadba inta karaankiisu yahay xag Alle waa ka dhowran yahay oo dambi ma soo gaarayo. , ha yeeshee qofkii oggolaada falka xun, oo raallinnimo muujiya waa kaa dambiilaha, daaÕin Alle u caroonayo.
190. Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒIska jira inaad jidadka fariisataan. Asxaabtii waxay yiraahdeen: Rasuulkii Allow, meel kale oo aan ku beddelanno ma lihin. Ma jirto meel kale oo aan fariisan karno, arrimahana aan ku gurfeyno. Waana meelaha aan ku sheekaysanno oo ma deyn karno. Wuxuu yiri: Waa yahaye haddii aydaan deyn karin marka jidka dawgiisa mariya. Asxaabtii waxay weydiiyeen waxa uu yahay dowga jidka? Wuxuu yiri: Waa indhaha oo aad hoos u dabcisaan (oydan ku eegin dumarka jidka maraya), iyo ka qaadista jidadka wixii dhib leh, salaanta oo la naqo, faridda Samaanta iyo reebidda xumaantaÓ. (Bukhaari iyo Muslim) 191. Ibn Cabaas (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒNebigaa (S.C.W.) wuxuu arkay nin kaatun dahab ahi ay ugu jirto farta. Nabigu (S.C.W.) inta ka siibey faraantigii fartiisa buu tuuray isagoo leh: Kiinii doonaya inuu dhuxul naar ah gacanta ku qaato, bal ha ku qaato. Markii uu Nebigu (S.C.W.) tegey baa la yiri ninkii kaatunkaaga qaado oo si kale ugu intifaac. Markaa buu wuxuu yiri: Alle baan ku dhaaran, marba hadduu rasuulkii Alle tuuray faraantigaa inaan waligey qaadanÓ. (Muslim)
192. Abuu Saciid Xasan al-Basri (Allaha u naxariistee) wuxuu yiri CaaÕid ibn Camar (A.K.R.) baa wuxuu soo booqday Cubaydullah ibn Ziyaad kuna yiri: Maandhoow waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: ÒMadax waxaa u shar badan oo u liita kan dadka sida xun ula dhaqma, ee iska jir kana digtoonow inaad ka mid noqoto kuwaa sidaa ah. Wuxuu yiri: Fariiso Waxaa ka tahay buunsho oo kale asxaabtii Muxammed (S.C.W.) dhexdooda. CaaÕid bin Camar wuxuu weydiiyey: ÒOo ma rag buunsha ah bay lahaayeen asxaabtii rasuulka (S.C.W.)? Jawaabtu waa maya, kuwa buunshaha oo kale ah dabadood bay yimaadeen, kamana tirsaneyn iyagaÓ. (Muslim)
193. Xudayfah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒNaftayda kan ay gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye (oo ah Alle) ama samaanta farte, xumaantana reebte, ama Alle wuu idin ciqaabi. Dabadeedna intaad baridaan, buusan idinka aqbaleyn ducada. (Tirmidi baa soo weriyey oo yiri waa xadiis xasan saxiix ah).
194. Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒJihaadka wanaagsan (Halganka ah Alle darti) waa inaad ku hadasho wax xaq, run iyo caddaalad ah suldaan daalim ah hortiÓ. (Abuu Daawuud &Tirmidi) Tirmidi wuxuu yiri waa xadiis xasan ah.
195. Abuu Cabdullaah Daariq ibn Shihaab al-Bajli al-Axmasi (A.K.R.) wuxuu yiri nin baa wuxuu nabiga (S.C.W.) weydiiyey isagoo nabigu hashiisa fuulaya nooca ugu wanaagsan jihaadka? Wuxuu yiri: Runta oo aad ku hadasho suldaan daalim ah hortiÓ. (Waxaa sanad saxiix ah ku weriyey NisaaÕi)
196. Ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒBaladii ugu horreysay ee ku fidday Reer IsraaÕiil dhexdooda waxay aheyd inta nin Markuu la kulmo nin kale yiraahdo: Alle ka cabso oo iska daa waxaad samaynayso waa xaaraane? buu misna markuu berrito la kulmo isagoo sidiisii ah, iskala fariisan jirey oo wax iskala cuni jirey, waxna iskala cabbi jiray. markii ay sidaas yeeleen oo dambiilayaashoodii xiriirka ka goosan waayeen markii ay xumaha ku madax adeegeen baa Alle isku mid ka dhigey qalbiyadoodii (oo ka yeelay qalbiyo madow dambi awgi) dabadeedna rasuulkii Alle wuxuu akhriyey aayaddan: ÒCarruurtii IsraaÕiil kuwoodii gaaloobay waxaa lagu nacladay carrabkii Daawuud iyo Ciisaa, wiilkii Maryam, maxaa yeelay wa caasiyoobeen oo xad gudbayaal noqdeen. Iskama ay reebi jirin xumaantii ay samaynayaan wax xilley fali jireene. Waxaad arkaysaa in badan oo ka mid ah oo gaalada saaxiib ka dhiganaya, wax xun bay noftood u hormariseye) ilaa laga gaaro (waa faasiqiine). Suuradda Al-MaaÕidah: Aayadaha 78-81.
Dabadeedna wuxuu yiri nabigu (S.C.W.) : ÒDhabtii ma aha sida aad moodeysaan, Alle baan ku dhaartay waa inaad samaanta is fartaan, xumaha iska reebtaan, gacantana qabataan kii dulmi wada oo xaqa ku sandulleysaan oo ku qasabtaan, haddii aydun sidaa yeelin Alle wuu idin ciqaabi idinka iyo xumaan falayaashaba, idiin nacladina sidii YuhuuddaÓ. (Waxaa weriyay Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri; waa xadiis xasan ah).
Tirmidi wuxuu yiri xadiiskani waa xadiis xasan ah, wuxuuna ku soo weriyey ereyadan:
ÒNabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Kolkay carruurtii IsraaÕiil dambi galeen, markii hore kuwoodii toosnaa baa isku dayey inay dambiga ka qabtaan, laakiinse dan uma gelin. Markaa bay iska daayeen oo ku eegteen dambigii, oo cunid iyo cabid iyo fadhiba la wadaageen halka laga rabey inay Alle darti u gooyaan marba hadday xumaha ku adkeysteen oo ay wax ka qaban waayeen. Sidaa awgeed waxaa nacladay Daawuud iyo Ciisaa, wiilkii Maryam, caasiyoobiddoodii iyo xadgudubkoodii awgeed bayna u nacladeen. Weriyaha xadiiska wuxuu sheegay in rasuulku (S.C.W.) oo diran barbarku u saarnaa, intuu sare u soo fariistay yiri: Alle baan ku dhaaran oo ah kan ay gacantiisu nafteyda ku jirto, inaydun guul gaareyn oo aydaan kheyr heleyn inaad ku sandulleysaan xaqa maahee wixii xumo la soo banbaxa.
Sh. Al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif.
197. Abuu Bakar as-Sidiiq (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒMuslimiintooy waxaad akhrisaan aayaddaan: ÒKuwa xaqa rumeeyoow! naftiinnaa la idin raaciyey, mid dhumayna wax idinka dhimi maayo haddii aad hanuuntaan, xag Alle buuna noqodkiinna wada yahay, markaasuu idiinka warramayaa wixii aad fali jirteenÓ. Suuradda Al-MaaÕidah: Aayadda 105.
Aniguna waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: ÒMarkii ay Dadku arkaan qof dulmi wada, haddii ay gacmaha qaban waayaan waxay halis u yihiin in Alle ka simo ciqaabtiisaÓ. Waxaa Sanadyo saxiixa ku wariyey Abuu Daawuud iyo Tirmidi iyo NisaaÕi.
Fiiro gaar ah:
Waxaa waajib ku ah qof kasta inuu faro dadka inay wanaag falaan iyo samaan, shardina ma aha in kan samaanta faraya uu noqdo nin wanaagsan. Waa sidaase, dadka ehlu cilmiga waxaa laga doonayaa inay naftooda ka dhaqan geliyaan waxay dadka kale ugu yeerayaan.