CUTUBKA 24

Gooddin Rabbi oo loo gooddiyey qofka afka samaha wax ka fara, xumahana afka ka reeba,

aanse ku dhaqmin isagu

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri: 94. ÒDadka ma samaan baad faraysaan, marka aad idinku naftiinna halmaamaysaan (inaad wanaagga fashaan)? idinkoo kitaabka akhriyaya ma waydaan laheyn garaad iyo garashoÓ. Suuradda Al-Baqarah Aayadda 44.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 95. ÒKuwa xaqa rumeeyow maxaad u leedihiin wax aydaan falayn caro-weyn bay Alle agti keenaysaa inaad tiraahdaan wax aydaan falaynÓ. Suuradda As-Saf: Aayadda 23.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 96. ÒMana aan rabo inaan idiin daba maro waxa aan idinka reebayoÓ. Suuradda Huud: Aayadda 88.

198. Abuu Zayd Usaama bin Zayd (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒWaxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: ÒMaalinta qiyaamaha nin baa la keenayaa oo naarta lagu tuurayaa, markaas baa xiidmuhu soo dhacayaan oo markaasuu soconayaa isagoo wareegeysanaya hayana xiidmahiisa sida dameerku garan garta ugu wareego. Ehlu naarkaa isugu imaanaya oo oranaya hebeloow maxaa kugu dhacay? Sowtii aad samaanta fari jirtey, xumaantana reebi jirtey? Wuxuu oranayaa waa jirtaa. Laakiinse samaanta waa aan fari jirey, mana fali jirin; xumaantana waa reebi jirey anigaase fali jirayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)


CUTUBKA 25.

Waa inaad ammaanada cidda leh siisaan

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri: 97. ÒAlle wuxuu idin amrayaa inaad ammaanada cidda leh siisaanÓ. Suuradda An-Nisaa Aayadda 58.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 98. ÒAmmaanada waxaan u soo bandhignay cirarka iyo dhulka iyo buuraha, markaasay diideen inay qaadaan oo ka cabsadeen. Aadanahaana qaaday. Shaki liÕi Aadanahu waa dulmi falaa jahli qabeen ahÓ. Suuradda Al-Axsaab: Aayadda 72.

199. Abuu Hurayra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMunaafaqu saddex calaamuu leeyahay markuu hadlayo wuxuu ku hadlaa been; tan labaad markuu ballan qaado waa ka baxaa; tan saddexaad markii la aamminana waa khiyaanaaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

200. Xudayfah bin Yamaan (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒNebiga (S.C.W.) laba xadiis oo uu noo sheegay midna waa aan arkay (oo waa dhabowday) midna waa aan sugayaa inay dhacdo. Nabigu (S.C.W.) wuxuu noo sheegay inay ammaanadu markii hore ku weyneyd oo meel wanaagsan kaga tiil qalbiga. Markii uu QurÕanka soo dagayna, wuu ku sii baraarujiyey oo ku adkeeyey, waxaa laga sii bartay sidoo kale dhaqanka rasuulka. Dabadeedna wuxuu noo sheegay in ammaanada nalaga qaadi doono oo wuxuu yiri: Nin baa seexanaya markuu soo kaco wuxuu arkayaa ammaanadii oo qalbigiisa laga qaaday, xoogaase raadkeedii ah uu ku haray qalbigiisa; Markaasuu misna seexanayaa intii ku hartay ammaanadii baa qalbigiisa laga qaadayaa, oo waxaa lagu dhaafayaa sida calaamad yar oo qalbiga ku yaal ilaa ay la mid noqoto meel dhuxuli kaa gubtey, oo inta soo foocday haddana maran. (Dabadeedna rasuulka S.C.W. inta quruurux soo qaaday buu bilaabay inuu cagtiisa ku tuuraa) Markaa waxay dadku soo kacayaan subaxii oo u baxayaan inay wax kala gataan iyadoo aanu lagu arag qof aammin ah oo ammaanada guta. Heer laga gaaro in la yiraahdo: waxaa ku jira nin qura wax aamin ah reer hebel iyo reer hebel. Waxaa dhacaysa dhinaca kale in la yiraahdo nin ku dagan danaha adduunka oo keliya: hebel waa wax garad, waa nin rag ah, waa meel mar, iyadoo aan qalbigiisa wax iimaan ah lagu arag. Xudayfah (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri: Waxaan anigu soo maray mar aanan u meel dayi jirin qofka aan wax ka gadanayo, oo aan oran jirey: Hadduu muslim yahayna diintiisaa damaanad kaafi ah oo celineysa, hadduu Yuhuud ama Kirishtaan yahayna masÕuulkiisa baa damaan wanaagsan ahaa. Maantase cidaan wax ka gato ma jiro aan hebel wanaagsan ahaa. Maantase cidaan wax ka gato ma jiro aan hebel iyo hebel aheynÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

201. Xudayfah iyo Abuu Hurayrah (A.K.R.) waxay yiraahdeen Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMaalinta qiyaamaha Alle weyne kor ahaaye dadkii oo dhan buu isu keenayaa, muÕminiintana waxaa la istaajin doonaa meel ku dhow Jannada. Waxay marka hore u tegi doonaan Aadam (nabad dushiisa ha ahaatee) waxay ku oran doonaan: Aabboow noo codso in jannada na loo furo. ÔWuxuu ku jawaabi: Waa gefkii Aabbihiin waxa keenay in la idinka soo saaro jannada, waxba idiinma qaban karo, u taga wiilkaygii, nabi Ibraahiim saaxiibkii Alle, markaa waxay u tegi doonaan nabi Ibraahiim, isagoo ku oran doona: Anigu ma ahi mid mudan inuu sidaa yeelo, arrintu waa adag tahay, wax kale anigu maan aheyn, waxaan ahaa oo keliya saaxiibka Alle (sidaa wuxuu u oranayaa jajabnaan iyo tawaaduc darti), utaga Muuse (buu oran) oo ah kii uu Alle toos ula hadlay, Muuse bay utagi wuxuu ku oran doonaa: Anigu ma ahi mid leh oo mudan arrintaa ee u taga Ciise, kelmeddii Alle iyo ruuxdiisii, Isaguna wuxuu oran: Taas kuma fiicni, Markaasay nabi Muxammad (S.C.W.) u imaan doonaan, Horay buu iman Alle weyne kor ahaaye wuxuu u oggolaanayaa inuu shafeeco si jannada loo galo. Ammaanadii iyo riximnimadiina waa la soo deynayaa oo siraadkay labada dhinac midig iyo bidix ka kala istaagayaan (siraadka oo ah buundo dul marta naarta Jahannama oo dadkoo dhammi kor mari doonaan maalinta qiyaame) Qaybta ugu horreysa ee dadka waxay ku mari doonaan sida hillaaca. Waxaan weydiiyey (Aabbahay iyo hooyaday baan kugu furine) maxaa taa loola jeedaa? Wuxuu yiri: Sow ma aadan arag siduu iftiinka hillaaca u gudbo una soo noqdo il biriqsi gudaheed? Dabadeed qolada xigta waxay u marayaan sida dabeysha, qolada saddexaadna waxay u marayaan sida shimbiraha duula, qolada xigta waxay u marayaan sida rag kuwa u dheereeya, kala duwnaantaana waxaa keenay Camal falkii siduu ahaa intii adduunka la joogay. Waqtigaana nebigiinu siraadka buu taagan yahay isagoo leh: Rabbiyoow nabad geli, Rabbiyoow nabad geli. Markii ay hoos u dhacaan camallada dadka oo soo nuxuusaan, orodka waa yaraanayaa illaa uu qof yimaado aan socon karin ee salka ku guuranaya. Siraadka labadiisa dhinac waxaa ka taagan kallaaliib biro ah oo xag Alle ka amran oo ciddii qabo la yiraahdo qabanaysa, mid bay xagtin gaari iyo daqar ha yeeshee la badbaadinayo, mid naartaa lagu tuurayaa. Abuu Hurayrah wuxuu yiri: kan ay nafta Abuu Hurayrah gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye Jahannama salkeedu waa ilaa todobaatan guÕinta loo soconayoÓ. (Muslim)

202. Abuu Khubayb Cabdullaah bin Zubayr (A.K.R.) wuxuu sheegay (in bishii Jamaadul Awwal, sannadkii 36aad ee Hijriyada) isagoo markaa Zubayr u socda inuu ka qayb galo dagaalkii Jamal inta uu ii soo cid diray, baan aaday, oo ag istaagay. Wuxuu igu yiri: Maandhow ama kan dulmi wadeenka ah baa la dili maanta ama kan la dulmay. Waxaana hubaa in maanta la i dili doono anigoo dulmane ah. Waxaan aad uga wal walsanahay hab qaybinta maalkeyga. Ma kula tahay inay wax ka soo harayaan guryaha iyo dhulalkayga marka deynta la igu leeyahayay la bixiyo? Dabadeedna wuxuu yiri: Maandhow deynta iga bixi markaad iibiso hantideyda ma guurtada ah. Markaad deynta iga bixiso hadday wax soo haraan saddex meelood oo meelna waa uu ka dardaarmay oo waa dhaxal, saddex meeloodkeed yacni marka sagaal meelood laga dhigo meel (wixii soo hara) waxaa leh wiilashaada (Wiilasha Cabdullaah bin Zubayr). Intaa kaddib haddii wax siyaado ah ay soo haraan, seddex meeloodka baaqigan waxaa leh wiilashaada (wiilasha Cabdullah). Hishaam wuxuu yiri wiilashii Cabdullaahi qaarkood waxay ku daÕahaayeen Khubaib iyo Cabbaad oo uu dhalay Zubayr, wuxuuna lahaa 9 wii iyo 9 gabdhood. Wuxuu intaa ii sharxayey sida maalkiisa loo qaybin lahaa, markaa kaddib buu wuxuu yiri: Maandhoow, haddii ay dhacdo in aad deynta wax ka mid ah bixin weydo, la kaasho sayidkeyga aan muto, kaalmona weydiiso. Garanna aan mayn wuxuu ula jeedo mudaneheyga sayidkeyga ah jeer aan weydiiyey oo iri Aabboow mudanahaagu waa kee? wuxuu yiri: Waa ÒAlleÓ Aniguna sidaa uu igula dardaarmay baan yeelay oo markastoo ay dhib igu noqoto inaan gudo qayb ka mid ah deyntiisa, waxaan ku duceysanayey oo aan lahaa: ÒZubayr Gacaliyihiisa iyo Gargaarihiisow deynka ka gud oo ka bixi. Waana ka bixinayey. Zubeyr waa la diley oo shahiiday. Markii uu dhintayna kama tagin Dirham iyo Diinnaar (yacni wax lacag caddaan ah) ee wuxuu ka tagay dhulal xoogaa ah, oo midkood ku yiil Qaabah, iyo kow iyo toban daar oo Madiina ku yiil iyo labo daarood oo ku yiil Basra iyo daar ku tiil Kuufah, iyo mid ku tiil Masar. Deynta uu qabaana waxay ku timid haddii uu qof u yimaado, isagoo weydiisanaya inuu wax uu leeyahay ammaano ahaan ugu hayo. Zubayr (A.K.R.) ma oggolaan jirin inuu kaga aqbalaa ammaana ahaan, baqdin uu ka qabo inay lunto awgeed wuxuuse u qaadan jiray deyn ahaan. Weligiisna ma aqbalin inuu jago madaxtinnimo ah qabto, ama jago ah sako soo ururiye. wuxuu lahaa sharafta inuu kala qayb gelay duullimaadyo xaq iyo jihaad dar Alle ah nebiga (S.C.W.), Abuu Bakar, Cumar iyo Cusmaan (A.K.R.) (qaniimona qayb wuu ku yeeshay, oo xoolo waa ka soo galeen). Cabdullaahi Wuxuu diyaariyey qoraal deymaha aabbihiis la xiriira waxayna gaareen laba malyan iyo laba boqol oo kun. Xakiim ibn Xisaam oo aan kulannay baa yiri: Adeer intee walaalkay lagu leeyahay deyn ahaan? Anigoo ka qarinaya xaaladda jidha baan waxaan iri: boqol kun, Xakiim wuxuu yiri: Ma filayo in maalkiinnu qiimahaa dabooli karo. Waxaan iri: Ka warran haddaba hadday tahay labo malyan iyo laba boqol oo kun? Wuxuu yiri: Ma filayo inaad taas itaal u heli kadhaan, haddii ay dhacdo inaad bixin weydaan qayb ka mid ah, ila soo xiriira si aan gacan uga geysto.

Zubeyr wuxuu kal soo baxay awel dhulka ku yaal Qaabah boqol iyo toddobaatan kun. Cabdullaahi wuxuu ku iibiyey hal malyan iyo lix boqol oo kun, Dabadeedna wuxuu ogeysiis ku bixiyey: Qofkii Zubayr wax ku lahaa ha noogu yimaado Qaabah. Cabdullaah bin Jacfar baa u yimid oo yiri: Waxaan ku lahaa Zubeyr afar boqol oo kun, waase idiin deynayaa, haddii aad rabtaan Cabdullaahi wuxuu yiri: Maya, ma doonayo inaad cafido. Ibn Jacfar wuxuu yiri: Haddaas waa dambaynayaa, oo diyaar baan u ahay inaan dib idiin kaga dhigo haddaad doontaan. Cabdullaahi wuxuu yiri: Maya, taa xitaa ma doonayo. Ibn Jacfar wuxuu yiri: Marka dhulka qaar ii gooya. Isla markiibaa Cabdullaahi dhulkii buu u cabbirey oo ku yiri: halkaan ilaa halkaasaad leedahay. Habkaa buu Cabdullaah ku guday oo kaga baxshay deynkii aabihi Zubayr isagoo iibiyey dhulalkiisii. Markii uu deyntii baxshay aabbihi baa waxaa haray afar jaamood iyo bar. Markaa kaddib Cabdullah wuxuu booqday Amiir Mucaawiye oo ay la joogeen markaa Camar ibn Cusmaan, Mundir Ibn Zubayr iyo ibn Zamcah, Mucaawiyaa wuxuu weydiiyey Cabdullaah ibn Zubayr inta lagu qiimeeyey dhulka Qaabah ku yaal? Wuxuu ku jawaabay Cabdullaah waa boqol kun jaamadiiba.. Markaa buu Mucaawiye wuxuu weydiiyey intee haatan ka haray dhulka? Cabdullaah wuxuu yiri: Afar jaamood iyo bar. Mundir ibn Zubayr baa wuxuu yiri: Jaan anaa ku qaatay boqol kun. Camar ibn Cusmaanna wuxuu yiri: anna jaan baan ku qaatay boqol kun. ibn Samcana wuxuu yiri: Aniguna jaam baan ku qaadanayaa boqol kun. Mucaawiye wuxuu yiri markaa kaddib: Intee in leÕeg baa dhulkii ka haray? Cabdullaah ibn Zubair wuxuu yiri: Hal Jaan iyo bar. Mucaawiyaa iyana ku qaatay boqol iyo konton kun. Waa dambe buu Cabdullaah ibn Jacfar wuxuu intiisii ka sii iibiyey Mucaawiye oo ka siiyey lix boqol oo kun.

(Weriyeyaasha xadiiska waxay sheegaan in Cabdullaah bin Jacfar dhulkaa loo siiyey deyntii uu ku lahaa Zubar awgi uu ka iibiyey Amiir Mucaawiye kuna siiyey lix boqol oo kun halkaas oo uu ka faaÕiday laba boqol oo kun). Markii uu Cabdullaah ibn Zubair dhammeeyey deyntii bay carruurtii Zubayr (A.K.R.) yiraahdeen; Dhaxalka iyo wuxuu odayga ka tagay intii hartay inoo qaybi. Laakiinse Cabdullaah ibn Zubayr wuxuu yiri: Alle baan ku dhaaran inaan idiin qaybinayn jeer aan afar xaj oo xiriir ah aan yaboohiyo hadday jidho cid wax ku leh Zubayr inay inoo yimaadaan oo xaqooda qaataan haddii ay jiraan wax deyn ama xaq ay ku leeyihiin. Sidaa buu yeelay oo arrintaa wuxuu naadinayey muddo afar sano ah. dabadeedna wuxuu u qaybiyey dhaxalkii warasadii Zubayr (A.K.R.) hab waafaqsan sidoo loo faray. Zubayr afar xaas buu lahaa mid walbaa waxay heshay hal malyan iyo laba boqo oo kun. Isu geynna maalkiisa oo dhammi wuxuu noqday konton malyan iyo laba boqol oo kun oo Dirham. (Bukhaari)

Fiiro Gaar ah: Xilka iyo ammaanada oo la guto iyo wixii lagu bllamay oo laga soo baxo, waa qodobka aasaaska u ah howl iyo heshiis kasta. Ujeeddaduna waa inuu qofku yeesho damiir nool oo garowsada xilalka iyo waajibaadka saaran una gutaa si ammaana leh iyo hufnaan. Qofkuna waa inuu xuquuqda ay dadka leeyihiin siiyaa oo u oofiyaa dib u dhig laÕaan. Taas baana la yiraahdaa ammaano.

Alle weyne kor ahaaye, wuxuu ku magacaabay waxyaabaha adduunka ka jira ee galladiisa ah dadka uu ku manneystay ammaanooyin. Taana macnaheedu waxaa weeye in waxa adduunka ka jira oo idil iyo arrimaheeda inuu ammaano ahaan inoogu dhiibay, sidaa awgeed waxaa nalaka doonayaa inaan ka soo baxno oo gudanno xilka iyo waajibaadka aan qaadnay Alle xaggiisa si daacadnikmo ku jidho iyo hufnaan, haddaynu taa fali weynana waxaa naloola dhaqmayaa sida khaaÕimiin xil gab ah, iyo ammaana dayac.


CUTUBKA 26

Reebidda dulmiga iyo xumaha iyo ka hortaggooda iyo in dhidbaha loo jaro

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri: 99. Ò(Goorta) ay daallimiintu waayayaan wax saaxiib ah, iyo shafeeco qaade la maqloÓ. Suuradda Qaafir: Aayadda 18.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 100. Ò Daallimiintu wax u hiiliyo malahaÓ. Suuradda Al-Xaj: Aayadda 71.

Xadiisyadana waxaa ka mid ah, xadiiskii ugu dambeeyey cinwaankii ahaa dadaalka oo uu weriyey Abu Darr (A.K.R.), waa xadiiska tiradiisu tahay 111, cutubka 11.

203. Jaabir bin Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒNebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒIska jira xaqdarrada, maalinta qiyaamo xaqdarradu waxay noqon oo isu beddeli gudcurro badan oo madow iyo mugdi badan, kana ilaasha naftiinna oo iska jira mudulnimada iyo nafjecleysiga (maal iyo madaxtinnimo jaceyl), nafjecleysi iyo mudulnimo waxay rogtay qoomankii idin ka horreeyey oo ku kalliftay inay dhiig iska qubaan oo wixii ka xaaraansanaa xalaashadaanÓ. (Muslim)

204. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒWax walbaa waa loo kala xaq qaadayaa, Qof walibana Alle xaqiisa waa uu kaga gudayaa kii ka duudsiyey. Ilaa rida seenyoon looga xaq qaado oo looga gooyo wixii dulmi ka soo gaaray rida geesaha lehÓ. (Muslim)

205. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Maalin, kulan uu innagu wehliyey nabigu (S.C.W.) waxaynu ka sheekaysanaynay xajka sagootiga mana garanayn waxa loola jeeday, jeer Nebigu (S.C.W.) istaagey oo Alle mahdiyey oo ammaanay oo misna Masiixud-Dajaal (Sheydaanka isha tiran ee wareegaya shartana badan) ka sheekeeyey oo ku dheeraaday oo yiri: ÒMa uu jiro Nebi Alle soo diray aan ummaddiisii uga digin (shartiisa), Nuux baana uga digey iyo Nebiyadii ka dambeeyey oo dhan. Haddii uu idinku soo baxana, xaalkiisa idinkama qarsoomayo. Sidaad og tihiin Rabbigiin ma il laÕa, meesha uu Dajaalku il laÕyahay. Isha midig baa cad oo u eg mir canab ah oo buqsan. Is jira, Alle wuu idinka xaaraantimeeyey inaad dhiig iska daadisaan, ama maalkiinna iska dhacdaan; Arrimahaasi waa xaaraan caaggan inaad ku xadgudubtaan sida uu xadgudubka uga xaaraameeyey maalintaan iyo bishaan, iyo beladkaan (Makka) aad joogtaan. Nin walbow is ilaali! Mawaanan idin gaarsiin (oo aan idin barin awaamirta Alle oo dhan iyo wuxuu idin faray) Asxaabtii waxay yiraahdeen: Haah. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒAlloow ka marag ahowÓ seddex jeerna ku celceliyey weedhaas. Wuxuuna hadalkiisii ku gunaanuday: iga dhuuxa waxaan idin leeyahay! waa inaydaan gaalo noqon dabadey (marka la i oofsado), oo ha billaabina inaad isdishaan oo iska daadisaan dhiig dhexdiinna. (Bukhaari iyo Muslim oo qayb ka wariyey xadiiska).

206. CaaÕisha (A.K.R.) waxay tiri: ÒNebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofkii xaqdarro ku qaata taako dhulka ka mid ah, wuxuu Alle ku cadaabaa maalinta qiyaamo in loo suro toddoba dhul qoortiisaÓ. (yacni wixii uu xaqdarrada ku qaatay). (Bukhaari iyo Muslim)

207. Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabiu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒAlle dulmiilaha waa u kaadiyaa oo wax tillaabo ah kama qaado (si uu koobka dambiyadiisa ugu buuxsamo), dabadeedna markii uu qabto si uu uga gooyo oo ugu qaado dambigiisa, ma sii daayo. Markaa buu wuxuu akhriyey aayaddan QurÕaanka: ÒWaa sidaasoo kale qabashada Rabbigaa, markii uu beel daalimad ah qabto. Qabashadiisu waa mid adag oo xanuun badanÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

208. Mucaad ibn Jabal (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒNebiga (S.C.W.) baa wuxuu ii magacaabay (Guddoomiyaha Yaman) oo wuxuu igu yiri: Xusuusnow! Waxaad u tegi doontaa qoom ehlu kitaab ah (Yuhuud iyo Kirishtaan) ee waxaad ugu yeertaa inay qiraan ilaah xaq aan Alle ahayni inuusan jirin, iyo inaan anigu Rasuulkii Alle ahay. Markii ay aqbalaan taa, u sheeg in Alle ku waajibiyey shan salaadood maalintii iyo habeenkii, Markii ay aqbalaan tani markaa u sheeg in Alle ku waajibiyey sako, kuwooda wax leh laga qaadayo oo la siinayo kuwooda aan wax haysan ee saboolka ah. Markii ay kaa oggoladaan taa, ha ka qaadin hantidooda kuwa u wanaagsan ee isha lagu hayo sako ahaan. Iskana jir habaarka qofka dulman, maxaa yeelay lagama soo cesho xag AlleÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

209. Abuu Xumayd Cabdur Raxmaan Ibn Sacdis-Saacidi (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigaa (S.C.W.) wuxuu u xilsaaray nin reer Azdi ah oo la yiraahdo Ibn Lutbiya inuu soo ururiyo sako. Markii uu ku soo laabtay (Madiina) ibn Lutbiya buu yiri: Intaan tirada badan adaa leh, waa waxa aan soo ururiyey sako ahaan, intaan oo dhanna hadiyad ahaan anaa la i soo siiyey. Sidaa markuu yiri buu Nebigu (S.C.W.) inta kacay oo minbarka fuulay buu jeediyey khudbo. Wuxuu marka hore ammaanay oo hufay Alle dabadeetana yiri intaas kaddib: Waxaan wakiishay midkiin si uu howl iigu soo qabto ah xilkii Alle i dhiibey. Markii uu howsha soo bogo buu ninkaa soo laabanayaa isagoo leh: intaa waa xoolihiinnii, intaanna anaa la i soo siiyey hadiyad ahaan. Haddii uu run sheegayo muxuu guriga hooyadi ama Aabbihi u fariisan waayey illaa uu qof ugu yimaado, oo hadiyado u keena! Alle baan ku dhaaran qofkii wax aan xaqiisii ahayn qaata, wuxuu maalinta qiyaame Alle la kulmayaa isagoo dhabarka ku sida wixii uu ku qaatay xaqdarrada. ee yaanan arag qof idin ka mid ah oo Alle la kulmay isagoo xambaarsan hal guuxaysa ama loÕqeelyeysa ama ri ciyeysa (macnaha isagoo ku laran xoolihii iyo hantidii uu xaqdarrada ku qaatay). Dabadeedna isagoo gacmahiisa kor u qaadaya ilaa caddaanta kilkilooyinkiisu muuqdeen, buu wuxuu yiri: ÔAlloow ma gaarsiiyey wixii aad i fartayÕ oo seddex jeer ku celceliyey.

(Bukhaari iyo Muslim)

210. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQof kastoo Muslim ah oo walaalkiis xaq darro ka wadoow, ha ahaato sharafkiisa oo uu meel kaga dhacay, ama wax kalebaÕe ha is kala xaalo oo cafis ha ka helo maanta (inta adduunka la joogo) inta aanay iman waqti uusan heysaneyn Dirham iyo Diinaar toonna (yacni qofku uusan shilinna heysan). Haddii dulmiilaha u leeyahay wax camal wanaagsan ah (oo xisaabtiisa ku jidha) waxaa laga goynayaa xisaabtiisa in xaq darradii leÕeg, haddii uusan dulmilaha camal wanaagsan lahaynna, dembiyadii kii la dulmay lahaa baa xisaabta dulmilaha lagu darayaa in xaqa darradii uu ka galay leÕegÓ. (Bukhaari)

211. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMuslim waxaa ah qofkii ay afkiisa iyo addinkiisa muslimiintu ka nabad galaan, Muhaajirna waxaa ah qofkii ka hara oo ka taga wixii Alle ka reebayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

212. Wuxuu kaloo yiri saxaabigaa kor ku xusan : Nin la yiraahdo Kirkira oo u xilsaarnaa arrimaha ku gaarka ah nebiga (S.C.W.) baa dhintay. Nabiguna (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒNaartuu galay. Asxaabtii rasuulka (S.C.W.) baa waxay aadeen guriga ninkaa dhintay, si ay u soo eegaan arrinta taa keentay mise waxay ka heleen cimaamad uu xadayÓ. (Bukhaari)

213. Abuu Bakar Nufayc ibn Xaaris (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒWaqtigu wuxuu ku socdaa sidii loogu tala galay tan iyo maalintii Alle Abuuray cirarka iyo dhulka. Sannadku wuxuu ka kooban yahay laba iyo toban bilood oo afar bilood dagaal iyo dulmi caaggan yahay (afartaa bilood) ay seddex isku xigaan waxayna kala yihiin: Dul Qacdah, Dul Xaj iyo Muxarram, bilna waa Rajab oo u dhexaysa jamaadka dambe iyo Shacbaan, oo ah bishii ku weyneyd oo ay dagaal iyo dulmiba aad uga caaganaayeen dhexdeeda qabiilka Mudar.. Nabigu (S.C.W.) baa dabadeed wuxuu weydiiyey: Bishaanu waa tuma? Waxaynu niri: Alle iyo Rasuulkiisaa og. Sidaa markaynu niri buu cabbaar aamusay ilaa aan is niri magac hor leh buu u bixin doonaa bishan. Markaa buu wuxuu yiri: Sow Dul Xaj ma aha? Waxaynu niri: Haah, way tahay. Dabadeedna wuxuu na weydiiyey : Maxaa la yiraahdaa baladkan? Waxaynu niri: Alle iyo Rasuulkiisaa og. Markaasuu cabaar aamusay ilaa aan is niri magac hor leh buu siin doonaa. Dabadeedna wuxuu yiri: Sow beledkii caagganaa ma aha (in dagaal iyo dulmi lagu dhex sameeyo). Waxaynu niri: Haah wuu yahay. Dabadeedna wuxuu na weydiiyey: Maanta waa maalinma? Waxaynu niri: Alle iyo rasuulkiisaa og. Markaasuu haddana cabbaar aamusay ilaa aan isniri magac hor leh buu siin doonaa. Dabadeedna wuxuu yiri: Sow maalintii gawraca xoolaha ma aha? Waxaynu niri: Haah. Markaa buu wuxuu yiri: Dhiiggiinna iyo maalkinna iyo sharaftiinuba waa idinka caaggan yihiin oo waa xaaraan inaad isku xad gudubtaan, sida ay u caaggan yihiin xadgudubka dulmiguna xaaraan u yahay maalintiinaan iyo magaaladiinaan iyo bishiina tanba. Ma foga maalinta aad Alle la kulmi doontaan. Wuuna idiin xisaabinayaa oo qof walba iyo waa camalkiisa intuu adduunka joogay. Sidaa awgeed is jira oo ha noqonnina dabaday gaalo qaarkiinba qaar dilayo. Kuwiinna hadda goob joogga ahi ha gaaarsiiyeen fartiintan kuwa maqan. waxaa laga yaabaa mid la gaarsiiyey inuu uga dhug roonaada kan dhagaysanaya. Misna wuxuu yiri: ÒMarkaa kaddib buu laba jeer weydiiyey: Ma waanan idin soo gaarsiin wuxuu Alle idin farayÓ Waxaynu niri: Haah, Gacaliye. Wuxuu markaa yiri: ÒAlloow marag ahoowÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

214. Abuu Umaamah Iyaas ibn Thaclaba (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒAlle wuxuu u waajibiyey naar oo uu gelin, qofkii qof Muslim ah xaqiisa ku duudsiya oo kaga qaada dhaar been ah, waana ka xaaraantinimeeyey jannada. Saxaabi baa yiri: Rasuul Alloow, ma xitaa haddii ay wax yar yihiinna. Wuxuu yiri nabigu (S.C.W.) xataa haddii uu yahay caday (qori geed laga jabsado)Ó. (Muslim)

215. Caddiy ibn Cumayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: Markii aan u magacaabo qof idinka mid ah shaqo, haddii uu qofkaa iga qarsado xitaa cirbad iyo wax ka yar. Falkaa waa ku tuugo; wuuna keeni doonaa waxaa maalinta qiyaamo. Markaasaa nin madow oo Ansaar ka mid ah baa istaagey nabiga (S.C.W.) horti, waa sida anigoo arkaya sida aan u xusuusto, kaa oo yiri: Rasuul Alloow fadlan iga cafi shaqada aad ii dhiibtay. Rasuulkii Alle baa weydiiyey ninkaa sababta arrintaa keentay. Ninkii wuxuu yiri: waxaan maqlay hadda waxa aad tiri. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Haddana mar labaad baan leeyahay oo aan ku celinayaa in qofkii aan shaqo (qaran) u dhiibno waa inuu si dhan u gutaa oo daacadnimo iyo hufnaan leh, oo ka soo baxaa, kana xil dhacaa wax yar ama wax badanba. Markaas wixii la siiyana (oo xaq u yeeshay ah) qaataa wixii kalena ka joogaaÓ. (Muslim)

216. Cumar bin Khadaab (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒMaalintii dagaalii Kheybar baa koox asxaabtii rasuulka (S.C.W.) ka mid ahi intay yimaadeen ka hadleen iyagoo mid mid u magaacabaya rag dagaalka ku jiray oo lagu dilay iyagoo leh hebel waa shahiiday, hebel waa shahiiday markii dambay waxay soo mareen nin (la dilay) oo yiraahdeen isaguna sidoo kale waa shahiiday. Markaa buu nabigu (S.C.W.) yiri: Xaqiiqdu waa inuusan shahiid aheyn. Haddaa waxaa la i tusay isagoo naarta ku jira maro uu xaday darteedÓ. (Muslim)

217. Abuu Qataadah Xaaris bin Ribci (A.K.R.) wuxuu sheegay in nabigu (S.C.W) ka dhex istaagay si uu ugu jeediyo khudbad asxaabtiisii, wuxuu yiri: Alle oo la rumeeyo iyo jidka Alle oo loo jihaado baa camallada wanaagsan u fadli badan. Nin raggii goob joogga ahaa ka mid ah baa intaistaagay yiri: Rasuul Alloow: haddii jidkii Alle aan ku dhinto ma la iigu dambi dhafayaa? Wuxuu ku jawaabay: Haah, haddii jidka Alle laguu dilo adigoo sabraya oo ajar doon ah, cadowgana horay ugu sii socda aan dib u gurud aheyn. Dabadeedna, nabigu (S.C.W.) wuxuu weydiiyey inuu ku soo celiyo wixii uu yiri: Ninkii baa ku celiyey: Haddii jidka Alle la igu dilo ma la iigu dambi dhaafayaa. Wuxuu ku jawaabay: Haah, haddii lagu dilo adigoo adkaysanaya, oo sabraa ah, ajar doon ah, horay ugu sii socda cadowga aan dhabar jeedis aheyn carar ah. Ha yeeshee deymahaagu kaama dhacayaan. Sidaasna Malag Jabriil baa hadda ii sheegayÓ. (Muslim)

218. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigaa (S.C.W.) wuxuu mar weydiiyey asxaabtiisii: Ma garaneysaan waakee qof kacay (macnaha Mussalifay)? Asxaabtii waxay ku jawaabeen: Waxaan qof kacay (musallifay) u naqaan qof aysan faraha wax ugu jirin oo aan laheyn maal ama hanti kale toonna. Nabigaa (S.C.W.) faahfaahiyey arrintii oo yiri: Qof kacay (mussalifay) Ummaddayda dhexdeeda waxaa ah qof la imaan doona maalinta qiyaamaha camal wanaagsan oo salaad iyo soon iyo seko leh, ha yeeshee xadgudub badanna uu ka dhacay isagoo caayey qof, sharafkiisa meel uga dhacay mid kale, cunay maal qof kale, oo daadiyey dhiig qof uun amaba garaacay qof kale. Markaasaa cid allaale iyo cidduu dulmiyey ay wax ka qaadanayaan dulmiilaha xasanaadkiisa. Haddii xasanaadkiisu dhammaado iyadoo weli wax lagu leeyahay oo dulmi loo heysto, dambiyada kuwii u dulmiyey baa la soo qaadayaa oo dusha laga saarayaa, waxaana lagu tuurayaa naartaÓ. (Muslim)

219. Ummi Salamah (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒWax walba ka sokow anigu banii Aadan baan ahay. Doodihiinna iyo garihiinna baa ii imaanaya si aan uga gar qaybiyo. Waxaana laga yaabaa in qaarkiin qaar kaga cod karsan yahay arrinta, oo aan markaas garta ku siiyo sidaas aan ka maqlay. Marka qofkii aan u gooyo wuxuusan mudneyn oo uusan xaq u laheyn, xalaal uma aha, wuxuu iga qaatayna waa qiimo u naar siistay (macnaha waxaa weeye qofkaa waxaa ku qaatay xaq darrada iyo mudnaan laÕaanta wuxuu geli naarÓ). (Bukhari iyo Muslim)

220. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofka muÕminka ahi diintiisu waa u nabad, waxaana dhowraya iimaankiisa marba haddii uusan gelin dhiig xaqdarro ahÓ. (Bukhaari)

221. Khawlah bint Caamir (Xaaskii Xamza, nabiga adeerkii) (A.K.R.) waxay tiri: Waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: ÒRag baa waxay xadayaan maalkii Alle (sida xoolaha Baytul Maalka, ama hantida guud ee ummadda ÔqarnkaÕ ) kuwaasu naar bay leeyihiin maalinta qiyaameÓ. (Bukhaari)

Fiiro gaar ah: Ereyga khiyaano ama dulmi waa erey aad loo isticmaalo oo macna ballaaran leh. Waxaana sidoo kale aad loogu isticmaalaa oo uu tilmaamaa shirkiga, sanam caabudidda, Alle diidnimada, iyo diin laÕaanta; shirkiguna waa Alle oo cid kale wax lala wadaajiyo oo lala barbar caabudo. dunuubtana waa la yiraahdaa waa dulmi oo waa lagu magaacaaba.

Laakiinse cutubkan kore dulmiga uu ka hadlayey waa kan dadka dhexdiisa ah, iyo inuu qof u gacan ama af ama addin dhaafo qof kale, oo xaqiisa duudisyo. Haddii aan laga hor teginna oo wax laga qaban waa arrin waxyeeleeneysa nabadgelyada bulshada iyo degganaanteeda. Tillaabada hore si looga hotago oo loo joojiyo arrintaa waa in la aqoonsado xaqa uu u leeyahay qofka ama dadka dulmiga iyo dhibaatada loo geystay inuu helo ama ay helaan xaqoodii laga duudsiyey, loogana gooyo kii ama kuwii dulmiyey. Markaa bayna dadweynuhu, markii ay arkaan in kii dulmiga falay aan sidaa looga hareyn ee mudankiisa la marsiinayo, markaa bay ka waantoobayaan oo uu qof waliba ka joogsanayaa in qof kale uu dulmiyo.