Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri: 101. Ò(Taasi waa xukunkii Alle). Qofkii weyneeya waxyaalaha Alle reebay oo xaaraanta ka dhowrsada iyo inuu xadgudbo, Kheyr baa u ahaan Rabbigiis agtiÓ. Suuradda Al-Xaj: Aayadda 30.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 102. Ò(Taasi waa xukunkii Alle). Qofkii weyneeya xilalka iyo waajibaadkuu Alle saaray iyo waxyaalaha loogu dhowaado, waxay taasi ka mid tahay oo ay muujineysaa iimaanka qofkiisa iyo daacad iyo hufnaan qalbiyada ahÓ. Suuradda Al-Xaj: Aayadda 32.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 103. ÒGarabkaaga u raarici (jaceyl iyo nugeyl awgi) muÕminiintaÓ. Suuradda Al-Xijr: Aayadda 88.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 104. ÒQofkii dila qofaan cedna dilin ama dhul fashaadin wuxuu la mid yahay isagoo dadka oo dhan diley, qofkii qof noloshiisa badbaadiyana wuxuu la mid yahay isagoo dadkoo dhan noloshoodii badbaadiyeyÓ. Suuradda Al-MaaÕidah: Aayadda 32.
222. Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒXiriirka ka dhexeeya labada qof ee muslimka ah waa sida xiriirka ka dhexeeya dhismaha guriga, qaybba ay xoojineyso oo ay heyso qayb kale. Markaa buu is dhex geliyey faraha labadiisa gacmood, si uu aarintaa u biyaamiyo, tusaalena uga bixiyoÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
223. Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒNebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofkii la arko isagoo dhex maraya masaajidyada ama waddooyinkayaga isagoo wax fiiq leh sita, sida tusaale ahaan fallaar ama (qori iwm), waa in la joojiyaa, ama la faraa inuu afkeedaa gacanta ku daboolo si ayan dhibaato u gaarsiin qof muslim ahÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
224. Nucmaan ibn Bashiir (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMuslimiinta isjeceylkooda iyo isu naxariisashadooda iyo isu nixiddooda waa sida jirka qofka oo kale markay xubini ka bukooto ay xubnaha oo dhammi la wadaagayaan dareenka xanuunka xummadda iyo soo jeedkaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
225. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Mar waxaa dhacay in Nebigu (S.C.W.) dhunkaday wiilkuu awoowga u ahaa Xasan ibn Cali (A.K.R.) Aqrac ibn Xaabis (A.K.R.) oo markaa la fadhiyey baa arkay, oo yiri: Toban ilmood baan leeyahay weligeyna mid ka mida ah ma dhunkan. Nebigu (S.C.W.) inta fiiriyey buu yiri: ÒQofkii aan naxariis u heyn dadka kale kama mudna naxariis AlleÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
226. CaaÕisha (A.K.R.) waxay tiri: ÒNiman reer miyi ah baa Nebiga (S.C.W.) u yimid waxayna weydiiyeen inuu carruurtiisa dhunkado iyo in kale. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ugu jawaabay : Haah, waan dhunkadaa, Waxay yiraahdeen: annaguse marnaba ma dhunkanno! Wuxuu yiri: Sidee laygu raacan karaa oo aan masÕuul uga noqon karaa haddii Alle qalbigiinna ka saaray jaceylkii iyo naxariistiiÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
227. Jariir ibn Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒAlle weynaa oo hufnaaye naxariis uma galo qofkii aan dadka u naxariisanÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
228. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMarkii ay midkiin la soo gudboonaato munaasabad ah inuu dadka iimaam u noqdo oo uu tujiyo, waa inuu soo gaabiyaa (macnaha waa inuusan dheereyn akhrinta QurÕaanka) maxaa yeelay waxaa dadka ka mid ah oo ku jira qof tabar yar, mid buka, mid waayeel ah. Hayeeshee, markii uu keligii tukanayo qofku ha u dhereysto akhrinta QurÕaanka sidii uu doonoÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kalena waxay leedahay: Òoo waxaa ka mid ah jamaacada tukaneysa qaar dan iyo shaqooyin lehÓ.
229. CaaÕisha (A.K.R.) waxay tiri: ÒNabigu (S.C.W.) waxaa dhici jirtey inuu mararka qaarkood iska daayo camal uu jecel yahay inuu falo, isagoo ka baqaya inay dadku ka daba falaan oo markaas lagu waajibiyoÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
230. CaaÕisha (A.K.R.) waxay tiri: ÒNabigu (S.C.W.) jaceyl iyo naxariis iyo turid uu ummaddiisa u turayo awgood wuxuu ka reebay asxaabtiisa soon isku bixis ah (xiriir ah). Waxay yiraahdeen: Nabi Alloow adba waa aad isku bixisaaye? Wuxuu ku jawaabay: Anigu idinkoo kale ma ahi. Habeenkii Rabbigay baa i siiya raashin iyo cabitaanÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
Taasi macnaheedu waxaa weeye Alle wuxuu siiyaa awoodda iyo quwadda nin wax cuna oo wax cabba.
231. Abuu Qataadah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒSalaad baan u istaagaa anigoo is leh aad dheeraysid. Markaasaan ilmo ooyaya maqlaa, markaa bay waxay noqotaa inaan soo gaabiyo salaaddeyda, anigoo nacaya inay akhrintayda suurad dheer ay ku dhibaatooto ilmaha hooyadoodÓ. (Bukhaari)
232. Jundub ibn Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofkii salaadda subax tukadaa (salaatul Fajar) Alluu ammaan u yahay. Sidaa awgeed waa inaad isku ilaalisaa gudashada salaadda subax (jamaaca ahaan) (oo aad ka dibdhicin gudashadeeda ama ku xadgudbin qof tukatay oo muslim Alle yaqaan ah) si uusan Alle kuugu yeerin xisaab adag oo uusan kuugu raacan ammaanadaa; qokii uu Alle wax ammaandiisa ka mid ah u raacdo, oo uu arkaana inuusan xilkeedii dhowrin oo uu dambiile yahay, Alle waa uu qabanayaa weji wejina ugu harbinayaa naarta JahannamaÓ. (Muslim)
233. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMuslim kasta waa walaalka qofka kale ee muslimka ahi; ma uu dulmiyo mana u gacan geliyo cadowgiisa. Qofkii danta walaalki muslimka ah dar yeelana Alle weyne baa dantiisa dar yeela, qofkii qof muslim ah kurbo ka feydana Alle weyne baa ka feyda mid ka mida kurbooyinka maalinta qiyaamaha. Qofkii qof muslim ah u ceeb asturaana Alle weyne baa u ceeb astura maalinta qiyaamahaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
234. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMuslim kasta waa walaalka qofka kale ee muslimka ah, ma khiyaano; uma sheego been, mana hagrado. Wax kasta oo muslim leeyahay, sharaftiisa, maalkiisa iyo dhiiggiisuba waa ka xaaraan Qof kale ee muslimka ah. Alle ka dhowrsiguna waa halkaan (intuu laabta gacanta saaray). Waa arrin shar ah oo xun inaad yasto qof muslim ah, oo ula dhaqanto sida wax liita oo hooseeyaÓ. (Tirmidi baa weriyey oo yiri; waa Xadiis xasan ah).
235. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ò Ha xasdin walaalkaa Muslimka ah; ha ku fallisnina iibka qof kaloo muslim ah. Hana u qaadin naceyb qof muslim ah, dhabarkana ha u jeedin, oo yuusan qaarkiin ka dul gadan wax qaarkiin uu gadanayey. Addoommadii Alloow walaallo ahaada; Qofka muslimka ahi waa u walaal qofka kale ee muslimka ahi, dhibaato uma geysto kumana eegto, ma liido oo hoos uma eego, maceebeeyo (oo ma hoojiyo) mana hagrado. Alle ka dhowrsiga wuxuu ka soo fulaa oo saldhig u ah laabta (Nabigu (S.C.W.) saddex jeer buu arrintaa ku celceliyey), qofkana waxaa shar ugu filan inuu yaso (yacni quursado) walaalkiis muslimka ah. Qof kastoo muslim ahna waa ka xaaraan inuu waxyeelo dhiigga, maalka iyo sharafta qof kaloo muslim ahÓ. (Muslim)
236. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofkiin muslim fiican noqon maayo jeer uu walaalkiis la jeclaado waxa uu la jecel yahay naftiisaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
237. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒWalaalkaa u hiilli gar iyo gardarraba. Nin asxaabtiisii ka mid ahaa baa weydiiyey: Rasuul Alloow (markii uu gar leeyahay waaban u hiilinayaaye, ee fadlan ii sheeg sida aan ugu hiillinayo haddii uu gar daran yahay. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: Gardarrada ka celi. Taasaa hiil u aheÓ.
(Bukhaari) 238. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQof kastoo muslim ahi wuxuu xaq ugu leeyahay shan arrimood qofka kale ee muslimka ah. Waxayna kala yihiin: 1. Ka qaadidda salaantiisa 2. Booqashada markii uu bukoodo. 3. raacidda janaasadiisa (yacni in lagu tukado salaad janaaso ah) markii uu dhinto. 4.Aqbalaadda casumaadiisa, iyo 5. Markii uu hindiso haddii uu yiraahdo Al-Xamdu Lillaah (Allaa mahad leh) waa inaad ku jawaabtaa yarxamukal Laah (Alle ha kuu naxariisto).Ó (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kalaa waxay ahayd oo saxiixul Muslim ku taal:
ÒQof kastoo muslim ahi lix arrimood buu xaq ugu leeyahay walaaki kale ee muslimka ah, waxayna kala yihiin: 1.Markii aad la kulanto inaad salaanto adigoo oranayaÓ As-Salaamu caleykum (oo macnaheedu yahay nabad korkaada ha ahaato); 2. Markii uu ku casumo waa inaad aqbasho casumaadiisa. 3. Hadduu talo ku weydiistana, si daacad ah ula tali hagrsaho laÕaan ah. 4. Markii uu hindhiso oo Alxamdu lillaahi uu yiraahdo, dheh yarxamukallaah (oo macnaheedu yahay Alle ha kuu naxariisto). 5. Markii uu bukoodana waa inaad soo booqataa. 6. Markii uu dhintana ka qayb gal oo raac janaasadiisaÓ. (Muslim)
239. Abuu Cumaara al-Baraa ibn Caazib (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu na faray toddoba arrimood, wuxuuna naga reebay toddoba waxyaabood. Wuxuu na faray: (1) inaan booqanno Bukaanka (2) inaan raacno Janaasada; (3) inaan yarxamukallaah niraahno qofka hindhisa haddii uu yiraahdo al-Xamdulillaah; (4) inaan fulinno Dhaaraha iyo nidirka. (5) in loo hiiliyo Dulmanaha; (6) in la aqbalo Casumaadaha; (7) in la faafiyo Salaanta,
Wuxuuna naga reebay (1) xirishada Kaatummada dahabka ah (oo waa ka xaaraan ragga) (2) wax ku cabbidda weelasha qalinka ah, (3) ku fariisiga birkimaha xariirta ah ee cas ee la saaro kurusyada geela ama fardaha (Waxay aheyd caado in la saaro birkimo xariir ah fardaha iyo geela (4) xirishada maryo laga sameeyey nooc dharka ka mid ah oo lagu dheehay xariir iyo cudbi la dhilay, (5) xirishada dharka xariirta soocan ah. (6) Xirishada xariirta adag ee culus (7) iyo xirashada dharka ka sameysan dun xariir midab leh ah ama dahab ama qalin lagu naashnaashay.
Werin kalaa waxay dhigeysay oo ku beddeleysay qodobka ku xusan no.4 ee toddobada waxyaabood hore ee la is faray oo ka dhigeysay halka ah fulinta dhaaraha iyo nidirka: yaboohinta qofka ama waxa lumay ee baadida ah. (Bukhaari iyo Muslim)
Fiiro gaar ah:
Waxyaabaha ay danta ugu jidho aadanaha iyo faaÕidada waxaa la yiraahdaa waa xuquuqda ay leeyihiin; waajibaadka iyo xilalka la saarayna waxaa la yiraahdaa xilal. Xuquuqda iyo xilalkuba waa is gashan yihiin oo xiriir hoose baa ka dhexeeya. Waxyaabihii ugu horreeyey ee Islaamku faray waxay jideenayeen in qof kasta waajibaad saaran yahay xagga noolaha, dad iyo duunyaba, xitaa waxyaabaha aan noolaha aheyn; waxaa oo idil xuquuq bay leeyihiin qof kastana waxaa laga dooni inuu gutaa oo dhowro xuquuqdooda inta karaankiisa ah. Xuquuqdaa iyo waajibaadka la xiriira waa mabaadida asaaska u ah nidaamka iyo anshaxa Islaamka.
Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:
105. ÒKuwa jecel in dhilleysiga (iyo waxyaabaha keeni kara sida aflaanta xunxun, buugta jaceyl sheydaanka ka hadla, riwaayadaha xunxun, iyo is dhex galka ragga iyo dumarka aan is gayin iyo sheeko wadaaggood) ay ku dhex faafto bulshada muslimka ah, waxay aakhiro iyo adduunba leeyihiin cadaab xanuun badanÓ. Suuradda an-Nuur: Aayadda: 19
240. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii asturaa ceebaha iyo meel ka dhacyada qof muslim ah inta adduunka la joogo, ceebaha iyo gefafkiisuu asturaa Alle weyne maalinta qiyaamahÓ. (Muslim)
241. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri waxaan maqlay Nebigoo (S.C.W.) leh: ÒCid kasta oo ka mida ummadeyda waa la cafinayaa marka laga reebo kuwa aan qarin ceebaha dadka ee bannaanka soo dhiga. Waxaana ka mid ah bannaan soo dhigidda in qofku daaha uu ka qaado xumo uu sameeyey habeenkii, isagoo Alle asturay, oo Subaxii yiraahda: Hebeloow xalay sidaas iyo sidaasaan yeelay, wuxuu cawo baryay iyadoo Rabbigi asturayo, markaasuu subaxnimadii isagii qudhiisii wax walba daaha ka qaaday, asturkiina feydayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
(Haddaan tusaale yar ka bixinno arrintaa waa sida wiil xiriir aan bannaaneyn iyo sheeko ay dhex martay gabar uusan meher u dhaxeyn, oo inta habeen la soo sheekeystey oo la fara cayaaray, subaxnimadii uga sheekeeyey saaxibbadiis wuxuu sameeyey habeenkii, kuwaa ku dhiirran xumaha iyo kuwa la midka ee xumaha sheeg sheega, aan qarinna ceebaha naftooda iyo ceebaha dadka kale Alle ma cafiyoÓ.
242. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒAddoontu markay dhilleysato oo inay dhilleysatay caddaato masÕuulkeedu ha jeedlo yuusanna canaanan, haddii ay mar labaad dhilleysatana ha jeedlo yuusanna canaanan, haddii ay mar seddexaad dhilleysatana ha iska iibiyo, haba ku iibiyee qiimo dhan xarig timo ah (macnaha waa haba ku iibiyee qiimaha ugu jaban uguna yar e wax lagu iibiyo). (Bukhaari iyo Muslim)
Òisagoo u caddeynaya qofka uu ka iibinayo ceebteeda, xadka jeedilada addontuna waa karbaashid konton (50) jeer ahÓ.
243. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin khamro cabbay baa waxaa loo keenay Nabiga (S.C.W.) wuxuu amar ku bixiyey in la garaaco. Markaasaan nin kab ku dhufta iyo nin gacantiisa ku dhufta iyo nin maradiisa ku dhufta noqonnay. Markii uu dadkiisii u tegay baa mid yiri: Alle ha ku hoojiyo oo hoos ha kaa dhigo.
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Sidaas ha oraninna; oo shaydaanka ha ugu kaalmeyninaÓ. (Bukhaari)
Alle weyne kor Ahaaye wuxuu yiri:
106. ÒKhayrka iyo samaha fala aad liibaantaaneÓ Suuradda al-Xaj: Aayadda 77.
244. Xadiiskan waxaynu ku soo marnay No.233. Xadiiskan ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu kaga warramayaa Nebigu (S.C.W.) hadalkuu yiri in qof kasta oo muslim ahi u walaal yahay qofka kale ee muslimka ahi, sidaa awgeed muslimiintu ay yihiin walaallo aan isdulmin, cadowna isu gacan gelin. Qofkii danta walaalkii muslimka ah daryeela oo dhibka ka saara inuu helayo kaalmada iyo daryeelka Alle kolkay isaguna dhibaato la soo gudboonaato. Qofkii qof muslim ah dhibaato ka saaraa Allaa kaga saaro dhibaato ka mida dhibaatooyinka maalinta qiyaamaha, qofkii qof muslim ah u ceeb qariyaana, Allaa u ceeb qariya maalinta qiyaamahÓ.
245. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofkii qof muslim ah dhibaato ka saara dhibaatooyinka adduunka ah, Allaa ka saara dhibaato ka mida dhibaatooyinka maalinta qiyaamaha. Qofkii qof danaysan taakuleeyana Allaa taakuleeya aakhiro iyo adduunba. Qofkii qof muslim ah u ceeb qariyaana Allaa u ceeb qariya maalinta qiyaamaha. Allena addoonka waa u kaalmaynayaa inta addoonku walaalkiis u kaalmaynayo. Qofkii waddo cilmi raadin awgi u marana, Allaa u sahlo waddo jannada ah. Mar kasta oy qoon ku kulmaan guri guryaha Alle ka mid ah (Masjid) iyagoo kitaabka Alle (QurÕaanka kariimka ah) akhrisanay oo dhexdooda akhrinta wadaagaya xasilooni baa ku soo dagta, naxariis ÒAlleÓ baana daboosha, ma laaÕigna waxay ku daboosha baalashooda, Allena malaaÕigta isaga ag jooga buu u sheegaa. Qofkii camalkiisu reebana dhalashadiisu (yacni nasabkiisu) sooma hormariyoÓ.
Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:
107. ÒKii garabeyn wanaagsan garbeeya ajar buu leeyahayÓ Suuradda An-Nisaa: Aayadda 85.
246. Abuu Muusa Al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Mar kastoo qof dan leh uu u yimaado nabiga (S.C.W.) wuxuu weydiin jirey ragga la fadhiya, oo ku oran jirey: ÒGarab siiya oo gacan ka geysta arrintiisa ajar baad ka helaysaane (xag Alle). Allena wuxuu ku guddoominayaa carrabka nebigiisa (S.C.W.) wixii uu doonoÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
247. Ibn Cabbas (A.K.R.) wuxuu sheegay isagoo ka hadlaya khilaafkii iyo murankii ka dhex dhacay Bariira iyo ninkeeda, in Nebigu (S.C.W.) ku yiri Bariira: ÔWay wanaagsanaan laheyd haddii aad ku noqotid ninkaaga. Waxay tiri: Rasuul Alloow, Ma talo iyo kala dhexgalid bay ka tahay mise waa amar? Wuxuu ku jawaabay: Mayee waa iga asxaanfal iyo kala dhex galid, waxay tiri: Ma aan raboÓ. (Bukhaari)
Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:
108. ÒKhayr kuma joro shirarka badan oo ay yeelanayaan mid sadaqo faray ama wax san ama wax sama ka talin dadka dhexdiisa ah maaheeÓ. Suuradda an-Nisaa: Aayadda 14.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
109. ÒSama ka talintaa khayr badanÓ. Suuradda an-Nisaa: Aayadda 128.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
110. ÒAlle ka Cabsada oo dhexdiina samo ka taliyaÓ. Suuradda Al-Anfaal: Aayadda 1.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
111. ÒMuÕminiinta kaliyaa walaalo ah ee walaalihiin dhexdooda samo ka taliyaÓ. Suuradda al-Xujuraat: Aayadda 10.
248. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Sadaqaa lagu leeyahay xubnaha uu ka kooban yahay qofka maalin walba oo qorraxi soo baxdo, (si aad sadaqaa isaga guddo) heshiish iyo samo dhex dhig labo qof oo kala boodsan, taasi waa sadaqoÕe.; ku taageeridda qofkana inuu daabbadiisa fuulo, ama inuu saarto alaabtiisa iyana waa sadaqo; erey san oo la yiraahdona waa sadaqo; tallaabo kasta oo aad qaaddid adoo salaad u socda waa sadaqo; inaad ka qaaddo wax dhib leh waddooyinka la maro waa sadaqoÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
249. Umm Kulthuum bint Cuqbah bin abii Mucayd (A.K.R.) waxay tiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: (beenlow maÕaha kan dadka dhexdiisa nabadda iyo samaanta ka talinaya oo khayrka wada ama sheegaya beenba ha adeegsadeeÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kale ee xadiiska ah oo saxiixul Muslim ku taal baa aheyd: ÒKamana maqal isagoo fasaxaya waxay dadku ku hadlayaan, saddex arrimood maÕahee; goorta dagaalka, sama iyo nabad ka talinta (heshiisiinta) dadka dhexdiisa iyo goorta ninka naagtiisa wax u sheegayo ama iyadu ninkeedu wax u sheegaysoÓ. (Muslim)
250. CaaÕisha (A.K.R.) waxay tiri: Nebigaa (S.C.W.) wuxuu maqlay laba nin oo ku doodaya hadal dheer dheer, debedda irridkiisa oo midkood ka codsanayo kan kale inuu wax ka cafiyo deynta uu ku leeyahay oo u naxariisto. Kan kalena leeyahay: Alle baan ku dhaaranayaa inaan yeelayn. Nebigaa (S.C.W.) inta debedda u soo baxay weydiiyey: Meeyey kii ku dhaaranayey Alle inuusan asxaan falayn? Ninkii baa yiri: Waa aniga rasuul Alloow, haatanse wuxuu rabo (kii uu lacagta ku lahaa oo ay is hayeen) waa u yeelayaaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
251. Abuu Cabbaas Sahal ibn Saacid as-Saacidi (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaa Nebiga (S.C.W.) soo gaadhey in khilaaf iyo dhibaato ka dhex jirto rag ka tirsan qabiillada reer Camar iyo reer ibn Coof. Markaasuu u aaday inuu soo heshiisiiyo isagoo ay rag kalena oo asxaabtiisa ka mida ay wehliyaan. Markii wixii ka dhexeeyey uu xalliyey ayaa waxaa la gudboonaaday inuusan ka tagin marteglintii ay u sameeyeen. Markaa baa waqtigii salaadda la gaaray, Markaasuu Bilaal (A.K.R.). Abuu Bakar (A.K.R.) u yimid oo ku yiri: Abuu Bakaroow nabigii (S.C.W.) waa lagu dhagay, salaaddiina waa la joogaa ee dadka ma tujinaysaa? Wuxuu yiri: Haah, haddii aad doonto. Bilaal (A.K.R.) salaaddii buu aqimay. Abuu Bakarna (A.K.R.) inta horay yimid buu xirtay oo Allaahu akbar yiri, dadkiina waa ku xirteen oo Allaahu akbar ka daba yiraahdeen. Nebigii (S.C.W.) baa yimid oo inta safafkii soo dhex maray safka hore soo galay. Dadkii baa sacab garaacay (si ay ugu baraarujiyaan Abuu Bakar inuu nabigii yimid) abuu Bakarna waxaa caado u ahaa in mar hadduu salaad galo meelna uusan jalleecin, milicsanna waxaan salaadda aheyn. Sidaa awgeed dan uma gelin oo Salaaddiisii buu iska sii watay. Markii sacab garaacii ay sii badiyeen buu Abuu Bakar jalleecay, mise nabigii (S.C.W.) baa taagan, markaasaa nebigu (S.C.W.) U ishaaray inuu salaadda wado, isaguna inta gacantiisa kor u qaaday, oo alxamdulillaah yiri, buu dib dib u soo baxay oo safka soo galay, nebiguna (S.C.W.) hore u baxay oo dadkii tujiyey. Markii uu dhammeeyey buu inta asxaabtii ku soo jeensaday yiri: Maxaad markii ay salaadda dhexdeeda wax idinku soo kordhaan u sacbinaysaan,? Sacbinta haweenkaa leh oo ay caadadood tahay. Qofkii ay wax ku soo kordhaan isagoo tukanaya ha yiraahdo: subxaanallaahi. Qofkii subxaanallaahidiisa maqlaa waa baraarugayaa. Abuu Bakarow (A.K.R.) maxaad ku diiday inaad sii waddo salaadda markii aan kuu ishaaray inaad sidaa yeesho? Wuxuu yiri: Lama habboona Abuu Quxaafah (waa abuu Bakar) inuu dadka tujiyo Nebegii (S.C.W.) oo joogaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
Fiiro gaar ah: Abuu Quxaafah waa magaca Abuu Bakar Aabihii.