Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri: 112. ÒLa Samir kuwa Rabbigood baryaya galab iyo subaxba oo wejigiisa doonay, indhahaagana iyaga ha dhaafinÓ. Suuradda Al-Kahaf: Aayadda 28.
252. Xaarisa bin Wahab (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay nabiga (S.C.W.) oo leh: Ma idiin sheegaa ehlu jannaha? Waa miskiin kasta oo diciif ah oo hadduu Alle ku dhaarto laga aqbalayo. Haddana ma idiin sheegaa ehlu naarka? waa mid kastoo ah jaahil, waxmatare, xishoodlaawe, isla weyne kibir badanÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
253. Abul Cabbaas Sahal ibn Saacid as-Saacidi (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa wuxuu soo ag maray Nebiga (S.C.W.) oo meel fadhiya. Nabigaa wuxuu weydiiyey nin asxaabtiisa ka mida oo la fadhiyey: ÒMuxuu kula yahay ninkan, hadda ina dhaafay? Saxaabigii rasuulka la fadhiyey wuxuu yiri: Waa nin dadka sharafta lejh ku jira, Alle baan ku dhaaran, hadduu gabar soo doono waa nin la siinayo, hadduu cid wejigiisa wax ugu doonana laga yeelayo. Nabigu (S.C.W.) waa aamusay. Dabadeedna nin kalaa soo maray, Wuxuu yiri nebigu (S.C.W.) Kanna muxuu kula yahay? Wuxuu yiri: Nebi Alloow waa nin fuqarada muslimiinta ka mid ah. Waa nin haddii uu gabar soo doono aan la siiyeen, haddii uu cid wejigiisa wax ugu doonana aan laga yeeleen, haddii uu hadal yiraahdana aan laga maqleen. Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: Kanu (muslimka faqiirka ah) wuxuu ka khayr roon yahay waxa rag dhulka jira ee kuwa aad hadda amaaneysay oo kale ahÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
254. Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒDood baa waxay dhexmartay Jannada iyo Naarta. Naartii baa waxay tiri: Waxaa aniga gudaheyga, geli doona jajuubayaashii, khaaÕin kasta iyo isla weynayaasha; Jannadiina waxay tiri: waxaa aniga gudaheyga geli doonna kuwa tabarta yar iyo kuwa la liido ee fuqurada ah. Markaasaa Alle u gar naqay oo yiri: Adigu jannooy, naxariistaydii baad tahay, adiga dhexdaada baana naxariistay ku siin ciddii aan doono. Adiguna naar baad tahay, meel ciqaabeed, adiga dhexdaada baana ku ciqaabayaa ciddii aan doono., mid walbaana inaan buuxiyo bay igu leedahay). (Muslim)
255. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Nin weyn oo buuran baa la hor keenayaa Alle maalinta qiyaamaha, aanse Alle agti culeyskiisu, garab kaneeco ka dhammaynÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
256. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Naag madow (ama nin dhallinyaro ah buu ahaa, weriyaha xadiiska baanan hubin) baa masjidka xaaqi jirtay (xaaqi jray). Markaasaa nebigu (S.C.W.) arki waayey (naagtii ama ninkii dhallinyarada ahaa) oo markaa dadkii weyddiiyey. Waxay yiraahdeen waa dhimatay (ama wuu dhintay). Markaasuu nabigu (S.C.W.) yiri maxaad iisoo ogeysiin weydeen. Sida ay asxaabtii yaraysteen oo ayan ahmiyad siin. Markaas buu weydiistay inay tusaan qabriga meydka. Kolkay tuseen qabrigii buu ku dul tukaday oo u duceeyey wuxuuna yiri: Qabuurahan mugdi iyo madow badan baa ka buuxa kuna ay heysaa dadka deggan ee ku jira. Allena wuu u iftiimayaa dadka qubuuraha ku jira salaaddayda iyo ducadeyda awgeed. (Bukhaari iyo Muslim)
257. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒWaxaa jira dad badan kuwaasoo u muuqda kuwa basaasan, timo raamo ah leh, iyo wajiyo engagan oo Albaabada laga xirto oo hadday Alle ku dhaartaan laga Aqblayo wixi ay Alle ka dalbeenÓ. (Muslim)
Fiiro gaar ah: Dadkaa tilmaamahaa waxay ku yeesheen baa la yiri sabab jihaad ay ku jiraan, iyo u heegan ahaanti iyo ilaalo iyo gaar ay cadowga ka hayaan, iyagoo isla markaa guta waajibaadkooda kale ee diiniga, sida salaadda, soonka, u diyaargarowga cadowga iwm, taana ay u dheer tahay saboolnimo iyo faqri.
258. Usaamah bin Zayd (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Habeenkii Micraajka (Cirka la ii dheelmiyey) kolkaan istaagay Jannada irridkeeda, baan waxaan arkay in waxa galay ay u badan yihiin masaakiintii. Iyadoo dadkii hodonka ahaa loo diiday gelitaanka. Ehlu Naarkiina waxaa amar lagu bixiyey in naarta loo kaxeeyo, oo lagu takhantakheeyo, markaasaan misna waxaan istaagey naarta irridkeeda, mise waxa galay waxaa u badan dumarÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
259. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒReer banii IsraaÕiil dhexdood) saddex qof keliyaa iyagoo (ilmo dhashay) ah hadlah. Mid wuxuu ahaa nebi Ciise (C.S.) mid kalena wuxuu ahaa Jureyj Saaxiibkiis. Jureyj wuxuu ahaa nin saalix ah oo Cibaado badan, Wuxuu dhistay mowlac yar si uu ugu goÕo inuu cibaadeysto. Maalin isagoo salaad ku jira baa hooyadiis u timid oo u yeertay, markaasuu Alle qalbiga ka baryey oo hoos iskula hadlay: Rabbiyoow ma salaaddaan dhammeeyaa mise hooyaday baan uga baxaa (Rabbiyow i solansii sida roon), salaaddii buu doortay oo iska watay, hooyadiina iska tagtay, Maalintii xigtay bay hooyadi u timid isagoo tukanaya oo tiri: ÔJureyjÕ wuxuu iskula hadlay oo Alle ka baryey; Rabbiyoow ma salaaddaan wataa mise hooyaan uga baxaa, salaaddii buu doortay oo iska watay, Maalintii seddexaad bay hooyadii u timid isagoo tukanaya oo tiri: ÔJureyjÕ wuxuu iskula hadlay misna oo Alle ka baryey; Rabbiyoow ma salaaddaan wataa mise hooyaday baan uga baxaa, Salaaddii buu doortay oo iska watay, Duqdii waxay tiri: Alloow ha dilin jeer uu sharmuuto wejigeed arko.
Jurayj iyo cibaadadiisa caan bay noqdeen iyo arrimaha ugu horeeya ay isla dhex maraan oo ay ka sheekeeyaan reer banii IsraaÕiil, Waxaana ka mid ahaa reer banii IsraaÕiil naag sharmuuto ah, oo quruxdeeda tusaale loo soo qaadan jirey, Waxay tiri: Haddii aad rabtaan anigaa fidmayn kara oo fadeexad u soo jiidi kara, Markaasay isku dayday inay soo jiidato si uu uga dhilleysto ha yeeshee Jurayj waa uu jalleeci waayey, danna uma gelin, Waxay u tagtay qawsaar mowlaca Jurayj ag degganaa, oo intay isu dhiibtay ka dhilleystay uur bayna yeelatay, Markii ay dhashay bay tiri: Jurayj baa dhalay, Reer banii IsraaÕiil waxay u tageen Jurayj, liideen, meeshii bay ka soo saareen, oo inta mowliciisii dumiyeen, garaaceen Jurayj baa wuxuu weydiiyey: Maxaad sidan iigu galeysaan? Waxay yiraahdeen naagtaan dhillada ah baad ka sinaysatay oo ilmo kuu dhashay, Wuxuu yiri: ilmihii meeya? waa u keeneen, Wuxuu yiri: Ii kaadsha aan tukadee, Markaa buu tukadey, markii uu dhameystay salaaddii, buu ilmihii inta u tagay oo ku fariisiyey dhabtiisii buu weydiiyey: Waa kuma aabbahaa? wiilkii wuxuu yiri: Waa hebel ina hebel, ee qowsaarka ah, Markaasay reer banii IsraaÕiil oo dhan u yimaadeen Jurayj, iyagoo dhundhunkanaya oo inuu ka raalli noqdo weydiisanaya oo ku yiraahdeen: Mowlacaagii oo dahab ah baan kuu dhisaynaa, Jurayj wuxuu yiri: Mayee dhoobadeedii iiga dhisa oo sideedii ah, waana u dhiseen.
Arrinta saddexaad waxay aheyd ilmo hooyadiis nuugaya, Markaa baa waxaa soo ag maray nin fuushan faras dheereynaya oo bilic leh, ninkaa faraska watayna wuxuu labbisnaa dhar aad u qurxoon, Hooyadii baa baryootantay: Alloow wiilkayga iiga dhig sida ninkan, Wiilkii yaraa inta naaskii ka fuqay oo sidaas u fiiriyey ninkii buu yiri: Alloow ha iga dhigin sida ninkan, Dabadeedna naaskii buu isaga noqday oo iska nuugey. Halkan Nebigu (S.C.W.) tusaale buu ka bixiyey markii uu ilmaha nuugmadiisa ka sheekaynayey, oo inta fartiisa murugsatada ah afka geliyey muudsaday, Markaasuu hadalkii sii watay oo wuxuu yiri: Haddana waxaa soo maray dad badan iyo gabar addoonad ah, nimankuna waxay garaacayeen addoontaa iyagoo ku eedeynayey inay dhilleysatay waxna xadday, iyaduna jawaab ahaan laheyd: Xasbiyyallaah wanicmal wakiilÕ Allaa igu filan oo aan wakiishay, Hooyadii baa tiri: Alloow wiilkayga taasoo kale ha ka dhigin, Markaasuu wiilkii inta naaskii ka fuqay oo sidaas u fiiriyey gabadhii buu yiri: Alloow iga dhig iyadoo kale, Markaasay wada hadallo dhex mareen Hooyadii iyo wiilkii, Waxay tiri hooyadii: Waxaa na soo ag maray nin heybad leh markaasaan waxaan iri: Alloow wiilkayga kanoo kale ka dhig, markaas baad waxaa tiri: Alloow isagoo kale ha iga dhigin, Misna dad baa soo maray iyo addoomad ay garaacayeen iyagoo ku eedaynaya dhilleysi iyo tuugo, Markaasaan waxaan iri Alloow wiilkayga taasoo kale ha ka dhigin, markaasaad waxaa tiri Alloow iyadoo kale iga dhig, Wiilkii baa wuxuu ku jawaabay ninkaasi wuxuu ahaa nin jajuubaa macangag ah, markaa baan kaa hor imid oo waxaan iri: Alloow kaa soo kale ha iga dhigin, Gabadhase ay leeyihiin way dhilleysatay, run ahaantii ma ayan dhilleysan, Waxay ku eedeeyeen inay wax xadday, laakiinse waxna ma ay xadin (oo waa gabar muÕminad ah) Sidaa awgeed baan waxaan iri: Alloow iga dhig iyadoo kaleÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
Fiiro gaar ah:
QurÕaanka iyo sunnuha nabigu (S.C.W.) waxay ka hadleen meeqaanka iyo darajada weyn ay leeyihiin dadka fuqurada iyo masaakiinta ah ee ka fog kibirka iyo isla weynida isla markaana dhowra xudduudda Alle, noolna nolol suubban oo ku saleysan QurÕaanka iyo sunnada, Xadiis uu werinayo Tirmidi wuxuu leeyahay, dadkaa oo idil (fuqurada iyo masaakiinta) waxay gali doonaan jannada 500 oo sano ka hor inta ayan galin hodanka iyo kuwii adduunka ku ladnaa. Fuqurada iyo masaakiinta waxay taa ku muteysteen dhibaatadii adduunka ku heysatay awgeed iyagoo aan ku helin nolo raaxo leh oo fudud adduunka.
Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri: 113. ÒMuÕminiinta garabkaaga (naxariis iyo jaceyl) awgood ugu dibciÓ. Suuradda Al-Xijri: Aayadda 88.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 114. ÒLa sabir kuwa galab iyo subaxba Rabbigood baryaya oo wejigiisa doonaya, indhahaagana iyaga ha dhaafsiin adigoo doonaya quruxda nolosha adduunkaÓ. Suuradda Al-Kahaf Aayadda 28.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 115. ÒAgoonka ha u darnaan, waydiistahana ha guul guulin oo hadal san ku dhehÓ. Suuradda Ad-Duxaa: Aayadaha 9-10.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 116. ÒMa aragtay kan diinta beeninaya? Kaasu waa kan agoonka takhantakheeya, wax siinta miskiinkana aan iska xil saarin (dadkana aan ku boorrin)Ó. Suuradda Al-Maacuun: Aayadaha 1-3.
260. Sacad ibn abii Waqaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Lix innaga ah baa la fadhiyey nebiga (S.C.W.) markuu nabigu (S.C.W.) u bandhigay Islaamka gaalada. Gaaladii waxay yiraahdeen: Kuwan naga eri yeysan nagu soo dhiirrane. Lixdu waxay kala ahaayeen aniga, ibn Mascuud, Bilaal, nin reer Hudeyl ah iyo laba nin oo kale aan magacyadooda garaneyn. Markaasay nebiga (S.C.W.) niyaddiisa wax ku soo dheceen, markaasuu laba laabiyey oo meel dhex noqday, goortas buu Alle ku soo dajiyey: ÒHa eryin kuwa Rabbigood baryaya galab iyo subaxba oo wejigiisa doonayaÓ. Suuradda al-Ancaam: Aayadda 52.
261. Abuu Hubayrah Caayiz ibn Camar al-Muzani (A.K.R.) oo ka mid ahaa raggii beecada al-Ridwaan (yacni waa nin ka mida raggii raallinimada Alle helay ee dhaarta iyo ballanta ku galay inay naftooda iyo maalkooda u huraan Alle markii Xudaybiyya la joogay). wuxuu yiri: Abuu Sufyaan baa wuxuu ku yimid rag ay ka mid yihiin Bilaal, Salmaan iyo Suhayb; kuwaas oo yiri: Waxaan kaga cad goosannay cadowgii Alle Seefihii Alle, qaarna way sugeysaa, Abuu Bakar (A.K.R.) baa wuxuu ku yiri: Sidaas ma odaygii Quraysheed baad ku leedihiin? Markaa buu intuu (Abuu Bakar) Nebiga (S.C.W.) u tegey buu u sheegay wixii dhacay. Wuxuu yiri nabigu (S.C.W.): Armaad ka caraysiisay (raggaa sharafta badan)? haddii aad ka caraysiisay Rabbigaa baad ka caraysiisay. Abuu Bakar (A.K.R.) intuu ku noqday buu yiri: Walaalayaaloow, Miyaan idiinka caraysiiyey? Waxay ku jawaabeen May. dembigaaga Allaha dhaafo walaalle. (Muslim) -------------------
262. Sahal Ibn Sacad (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒAniga iyo kan agoonka daryeela, waxynu gali Jannada innagoo sidaa oo kale ahÓ wuxuuna kor u qaaday fardhexada iyo murugsatada oo simay oo isu dhaweeyey. (tusaale ahaan). (Bukhaari)
263. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Òaniga iyo kan daryeela agoonka, xigto ha la ahaado, ama shisheeye ha ka ahaadee waxaynu ahaan doonnaa sida labadaa Jannada dhexdeeda; weriyaha xadiiska nabiga ka soo xigtay (oo ah Maalik bin Anas) wuxuu kor u taagay fardhexaada iyo murugsatada oo simay si uu arrintaasi u muujiyoÓ. (Muslim)
264. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMiskiinku ma aha kan ay celinayso oo ku tagaya xabad timir ah ama laba xabbo ama rudmo ama a laba rudmo: miskiinka dhabta ahi waa kan isagoo faqri qaba, ka xishoonaya baryadaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
265. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒNinkii u dadaala oo u shaqeeya dumarka daÕda ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka (jidka Alle u diriraya); weriyaha xadiiska wuxuu yiri waxaan u malaynayaa inuu nabigu (S.C.W.) intaa raaciyey: wuxuuna heli ajar la mid ah kan habeenkii oo dhan salaadda u taagan oo aan daalayn iyo kan soomanaha ah ee aan afurinÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
266. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒCuntada waxaa u xun cuntada martiqaadka ah ee aroosyada ee aan looga yeerin dadkii u baahnaa, laguna casumo dad aan dooneyn inay ka soo qayb galaan; qofkii casumaad loogu yeero oo diidana Alle iyo rasuulkiisuu ku caasiyeyÓ. (Muslim).
Werin kale oo ku sugan Bukhaari iyo Muslim waxay leedahay: ÒCunto waxaa u xun cuntada martiqaadka aroosyada ee dadka maal qabeenka iyo hodanka ah looga yeero, saboolkana laga tagoÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
267. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofkii laba gabdhood masaruufa (yacni siiya masruuf, marasho, kuna barbaariya barbaarin diini ah iyo Alle ka cabsi) ilaa ay ka qaan gaaraan, wuxuu maalinta qiyaame imaanayaa isagoo sida labadaas aan isku nahay. Intuu labada farood isku lammaaniyey. (Muslim)
268. CaaÕisha (A.K.R.) waxay tiri: Waxaa ii timid naag wadata labo gabdhood oo ay dhashay oo iyaga wax u baryeysa. waxba ma hayn waqtigaa aan siiyo xabbad timir ah maahee oo aan siiyey. Waxay u kala jeexday labadeedii gabdhood, iyadiina wax ma cunin. Dabadeedna waa kacdoo iska tagtay. Waxaa yimid Nebiga (S.C.W.) oo aan u sheegay arrintaa. Wuxuu yiri: Qofkii lagu imtixaano gabdho dhalka oo markaas wanaajiya (yacni siiya masruuf, marasho, kuna barbaariya barbaarin diini ah iyo Alle ka cabsi, sida inay ku dadaalaan towxiidka, salaadda, sakada, xijaabka iyo is asturka, iyo waajibyada kale ee diinigia ah oo dhan, dabadeedna u guuriya nin diin iyo dabci wanaagsan leh). waxay xijaab iyo gaashaan uga noqon doonaan naartaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
269. CaaÕisha (A.K.R.) waxay tiri: Naag miskiin ah baa ii timid iyo laba gabdhood oo ay dhashay. Markaasaan saddex xabbo oo timir ah siiyey. Midba midbay siisay tii kalena inay iyadu cunto damacday. Markay afka la aadday bay labadii gabdhood ka baryeen. Say way u kala jeexday oo kala siisay. waa aan la yaabay falkeedaasi, waxaana u sheegay nebiga (S.C.W.) sidii ay yeeshay. Wuxuu yiri nabigu (S.C.W.): Alle wuxuu u waajibiyey janno falkeedaasi awgeed; ama Alle naar buu kaga xoreeyey falkeedaasi. (Muslim)
270. Abuu Shurayx Khuweylid ibn Camar al-Khuzaaci (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒAlloow, waxaan caddeyn inay dambi tahay (dhibaato weynna ay ka soo gaari) qofkii dayaca xuquuqda labada tabarta yar, agoonta iyo dumarkaÓ. (NisaaÕi) Fiiro gaar ah: Imaam NisaaÕi wuxuu sheegay inuu xadiiskan xasan yahay sanad wanaagsan.
271. Muscab ibn Sacad Abii Waqaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Sacad baa wuxuu isu arkay inuu ka sito oo ka sarreeyo dadka liita aan sidiisoo kale u ladneyn. Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒWaxaa la idiinku hiilliyaa oo la idinku irsaaqaa dadkiinna tabarta yar dartoodÓ. (Bukhaari)
272. Abuu Dardaa (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: ÒFarxadda iyo raallinimeyda waxaad ka dhex daydaan (daryeelka) dadka tabarta yar, Waayo waxaa la idiinkaga hiilliyaa (cadowgiinna) oo la idinku siiyaa (risiqiinna) dadkiinna tabarta yar dartoodÓ. (Abuu Daawuud)
Imaam Daawuud baa ku wariyey xadiiskan sanad fiican.
Fiiro gaar ah: Nuxurka iyo dhuuxa aayadaha QurÕaanka iyo axaadiista nabiga (S.C.W.) ee kor ku xusan waa soo dhoweynta iyo marti gelinta iyo wax tarka dadka, gaar ahaan masaakiinta iyo dadka tabarta yar iyo ka fogaanshaha kibirka iyo isla weynida. Waayo isla weynidu wa sifo iyo tilmaan ku gaar ah Alle, weynaa oo kor ahaaye, mana jirto cid sifadaa iyo tilmaantaa la wadaagta. Sidaa awgeed kuma habboona addoomada Alle inay isla weyni muujiyaan ama naftooda u arkaan sida wax weyn oo sare. Addoommada Alle waxaa waajib ku ah inay ahaadaan kuwa martida soora oo soo dhoweeya oo isla markaa kibir iyo isla weyni ka maran. Waxaana waajib ku ah inay iskula dhaqmaan si nadiif ah oo ilbaxnimo ku jidho iyo naxariis. Intaa waxaa dheer, naxariista iyo jaceylka waa tilmaamo iyo arrimo aan ku koobneyn dadka oo keliya, bal xitaa waxaa la wadaaga nafley kale. Tilmaamahaana waxay ka cayaaraan dowr weyn hannaanka iyo hab socodka kownka. Sida uu dhigayo QurÕaanka kariimka ah, magacaabidda nabi Muxammad (S.C.W.) loo magaacaabay xilka Ah ÒRasuulkii AlleÓ waxaa sabab u ahaa naxariista badan iyo gallada Alle.