CUTUBKA 34

Wanaajinta Dumarka

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

117. ÒUla dhaqma (dumarka) si wanaagsanÓ Suuradda an-Nisaa:Aayada 19

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

118. ÒKari maysaan inaad xaasaskiinna dhexdooda caddaalad fashaan(si kastoo aad u jeclaataan inaad sidaa yeeshaan). Ee leexasho buuxda haka leexannina (middood) oo ha ka tegina sida aad mooddid inay meel ku xirantahay, haddii aad wanaag fashaan (yacni xaqa raacdaan, xumahana aad kadhowrsataan), Alle waa dembi dhaafaa naxariis badanÓ.

(Caddaaladdan aan la sameyn karin ee adag waxaa loola jeedaa jaceylkaqalbiga iyo galmada, caddaaladda kalese ee la xiriirta hunguriga, huÕgaiyo hoyga waa la iska rabaa oo waa in caddaalad buuxda laga sameeyo ooaan lagu gabood falin).

273. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒWanaajiya dumarka oo si wanaagsan oo naxariis leh ula dhaqma. Dumarkawaxaa laga abuuray feer (feertuna waa qalloocan tahay) Dhinaca ugu qalloocbadan feertana waa dhinaca sare. Haddii aad damacdo inaad toosiso waa jebinaysaa,haddii aad sideeda u deysana, qallooceeda bay iska ahaan. Marka wanaajiyadumarka oo si naxariis leh ula dhaqmaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin ku sugan Bukhaari iyo Muslim waxay dhigeysaa: ÒHaweentuwaa feer oo kale, haddii aad toosi is tiraa inay jabto bay halis u tahayhaddii aad doonina inaad ka faaÕideysato, waad yeeli kadhaa waaseiyadoo qalloocanÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale oo Muslim ku tal waxay leedahay: ÒHaweenta waxaa lagaabuuray feer mana toosin kareysid. Haddii aad dooneysid inaad ku intifaacdoyeel sidaa inkastoo qallooc ku jiro. Haddii aad toosi is tiraana waad jabineysaa,jabinteedana waa furriinkeedaÓ. (Muslim)

274. Cabdullaah ibn Zamca (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga(S.C.W.) oo khudbaynaya, khudbaddaasoo uu kaga warramay hashii (nabi Saalax)iyo habaar qabahii faylaha gooyey. Wuxuu ku yiri khudbaddiisaas: ÔMarkiiuu soo baxay hoogahoodiiÕ Suuradda Ash Shams: Aayadda 13. macnahawaa waxaa hashii u soo baxay madaxoodii, oo shar wale ahaa awood iyo kalmadku dhex leh qabiilkii Samuud, madaxna u ahaa kaa baa u soo baxay si uuu faylo gooyo hasha. Dabadeed nabigu wuxuu ka dardaarmay haweenka oo yiri:ÒMidkiin baa haweentiisa garaacaya isagoo ula dhaqmaya sida addoon.Maalinta dhammaadkeedana waxaa laga yaabaa inuu la jiifsado oo u tago.Misna wuxuu ka wacdiyey dhuusada lagu qoslayo, oo wuxuu yiri: ÔBalmuxuu qofku ugu qoslayaa qof kale, oo falaya wixii uu isagu (kaa qoslaya)qudhiisu falayeyÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

275. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒYuusan ninka muslimka ahi wax caro iyo naceyb ah u qaadin haweentamuslimadda ah. Arrin buu ku qoonsan karaa, waxaase laga yaabaa inuu midkale oo wanaagsan (ka helo) oo uu raalli kaga noqdoÓ. (Muslim)

276. Camar ibn Axwas Jushami (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay nebiga(S.C.W.) oo ku leh khudbaddiisii sagootiga ee uu ka jeediyey xajkiisiiu dambeeyey markuu Alle hufay oo ammaanay, oo u digay ummaddiisa raacdaywuxuu yiri: Dhageysta! haweenka wanaajiya oo si naxariis leh ula dhaqma;waa il madow idin la joogaÕe iyo maxaabiis gacantiinna ku jira.Wax intaa dheer oo aad ku leedihiinna ma jirto. Haddii ay akhlaaq xumoiska cad la yimaadaan, uga guura sariiraha, oo garaaca garaacid aan waxyeellolahayn, dhaawac iyo dhibaato aan gaarsiineyn. Markaa kaddib haddii ay idinadeecaan wax kale ha u raacannina. Dhageysta! Haweenkiinna xaq baad kuleedihiin, iyaguna xaq bay idinku leeyihiin, Xaqa aad ku leedihiinna waxaaka mid ah inaysan gogoshiinna ku fariisin qof aydaan raalli uga ahayn,gurigiinnana soo gelin karin qof aydaan dooneyn. Xaqoodana waxaa ka midah inaad hagaajisaan huggooda iyo hungurigooda (yacni masruufka iyo marashadooda)Ó.Tirmidi baa weriyey oo yiri; waa xadiis xasan ah oo saxiix ah.

277. Mucaawiyah ibn Xaydah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan ka codsaday RasuulkiiAlle (S.C.W.) inuu ii sheego waxa ay haweentu ninkeeda xaq ugu leedahay?Wuxuu yiri: ÒQuudi sidaada oo kale, goortaad naftaada quudisidba.Arradtir sii sidaada oo kale ah goortaad arrad tiritaba; wejigana ha kudhufan; ha af lagaadeyn (ama ha nacladin), markii aad u carootaanna ooaad damacdaan inaad ka fogaataan, guriga ha ka tegina, oo meel ka mid ahguriga ka jiifsadaÓ. (Abuu Daawuud)

278. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒMuslimiinta waxaa u iimaan sarreeya kan ugu dabeecad wanaagsan;waxaana idiinku ikhyaarsan kuwiinna haweenkooda u dabciga sanÓ.

(Tirmidi) baa weriyey oo yiri; waa xadiis xasan ah oo saxiix ah.

279. Ilyaas ibn Cabdullaah bin abuu Zubaab (A.K.R.) wuxuu sheegay inNebigu (S.C.W.) u digay (muslimiinta) inay si xun ula dhaqmin dumarka.Muddo kaddib baa Cumar (A.K.R.) Nebiga (S.C.W.) u yimid oo yiri: Nebi Alloowhaweenkii nimankoodii waa ku kibreen oo waxay noqdeen waxaan loo dhowaankarin. Markaasuu Nebigu (S.C.W.) in la edbiyo rukhseeyay. Arrintaa kaddibdumar badan baa u yimid xaasaska Nebiga (S.C.W.) oo nimankoodii ka eedsheeganaya. Markaa buu yiri Nebigu (S.C.W.): Òdhowr dumar ah baaxaasaskeyga u yimid oo dhaqan xumada raggoodii ka eed sheeganaya. Raggaasidinku jira ikhyaar ma ahee ogaadaÓ. (Abuu Daawuud)

280. Cabdullaahi ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.)wuxuu yiri: ÒAdduunyadu waa meel leh waxyaabo wanaagsan, waxa jiranawaxaa u wanaagsan haweeney (xaas) fiicanÓ.


CUTUBKA 35

Xaqa uu ninku haweentiisa ku leeyahay

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

119. ÒRaggu iyagaa haweenka masÕuul ka ah, waxa Alle isdheereysiiyey, iyo maalkooda oo ay ku masruufaan (dumarka) aawadeed. Markadumarka wanaagsan ee suubbanooyinka ah waa addeecooyinka dhawra marka lagamaqan yahay wixii Alle dhawray (yacni dhowra naftooda iyo arrimaha gurigeedaiyo ninkeeda)Ó. Suuradda An-Nisaa: Aayadda 34.

Xadiisyadana waxaa ka mid ah kii Camar ibn Axwas oo aan ku soo marnayciwaankaan soo dhaafnay, waana xadiiska tiradiisu tahay 276.

281. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒMarkii uu ninku afadiisa u yeero oo gogoshiisa inay timaaddo uguyeero, oo ay imaan weydo, oo habeenkii ku seexdo caro uu u qabo, malaaÕigtaanacaladda (haweentaa) ilaa waaberigaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kalena oo Bukhaari iyo Muslim ku taal waxay ahayd:

ÒHabeenkii ay haweentu barido iyadoo gogasha ninkeeda diiddan,malaaÕigtaa nacaladda illaa waaberigaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒAllebaan ku dhaaran, ay nafteydu gacantiisu ku jidho, marka ninka naagtiisagogoshiisa ugu yeerto oo ay diiddo waxaa u caraysnaanaya iyada kan cirkajira (waa Alle), jeer uu ninkeeda raalli ka noqdoÓ.

282. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒUma bannaana inay afadu soonto (soon sunno ah) ninkeeda oo gurigajooga, inuu isagu u idmo ma ahee, umana bannaana sidoo kale inay gurigiisau idanto cid uusan isagu u idminÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

283. Ibnu Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofwalbaa waa masÕuul oo xil baa ka saaran (waajibyada dushiisa ah,waana ka masÕuul wixii ka dhaca cidda iyo waxyaabaha loo xil saaray),Ninka madaxda ahi waa masÕuul (waana la weydiinayaa sida uu xilkauga soo baxay la xiriira dadweynahaa uu masÕuulka ka yahay), Ninkuwaa masÕuul iyo wakiil oo reerkiisuu masÕuul ka yahay, naagtunawaa masÕuul oo guriga ninkeeda iyo ilmihiisa bay masÕuulka tahay. Hadal iyo dabuubti qof walbaa waa masÕuul, waana la weydiinayaawixii ammaana ah oo gacantiisa ku jira iyo howl iyo dadbaÓ. (Bukhaariiyo Muslim)

284. Abuu Cali Dalq ibn Cali (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: ÒNinku markuu haweentiisa ugu yeerto dantiisa ha u timaaddoxataa haddii ay ku howlan tahay roodhi sameynti oy tinnaar ku jirto (macnahaxataa hadday cunto karineysoÓ. (Tirmidi iyo NisaaÕi) Wuxuuyiri Tirmidi waa xadiis xasan ah, saxiixna ah.

285. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒHaddii ay ahaan laheyd wax bannaan inuu qof u sujuudo qof kale,haweentaan amri lahaa inay ninkeeda u sujuuddoÓ. (Tirmidi). Wuxuunayiri waa xadiis xasan ah, saxiixna ah.

286. Ummu Salamah (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒNaagtiidhimata ninkeeda oo raalli ka ah, jannaday gelaysaaÓ. (Tirmidi).Waa xadiis xasan ah.

Sh. Al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif aan xujo iyo daliil lagadhigan karin.

287. Mucaad ibn Jabal (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒMar kastoo ay naagtu u keenta calool xumo iyo ciil ninkeeda noloshaadduunka, naagtiisa Xuurarcaynta ka mid ah baa waxay ku tiraahdaa (haweentaa):balaayo kugu dhacdaye ha dhibin ninkaaga, waayo, agtaada beri dhexmuu kuyahay (yacni marti) inuu dhawaan xaggayaga (jannada) kaa soo aadaa lagayaabaayeÓ. (Tirmidi). Wuxuuna yiri waa xadiis xasan ah.

288. Usaamah ibn Zayd (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒKama tegayo gadaashay fidmo iyo imtixaan adag (sabab keenta fasahaad)oo kaga dhibaato badan ragga dumarkaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)


CUTUBKA 36

Masruufidda carruurta iyo ehelka

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

120. ÒHuÕga iyo hunguriga hooyooyinka wax nuujinaya wuxuusaaran yahay oo si fiican ah aabaha ilmahaÓ. Suuradda Al-Baqarah:Aayadda 223.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

121. ÒWaa in kan ladnaanta iyo maalka heysta, wax u masruufaasi waafaqsan ladnaantiisa, kan meelaha ay waxa ka soo galaan iska koobanyihiinna (ciriiri yihiin), wuxuu Alle siiyo ha ku masruufo. Alle nafnakuma kallifo wax uusan siinÓ. Suuradda: Ad-Dalaaq: Aayadda 5.

289. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒDiinaar (nooc lacagta ka mida) aad jidka Alle ku bixisay, iyo Diinaaraad madax furasho ku bixisay iyo Diinaar aad miskiin ku sadaqaysatay iyoDiinaar aad reerkaaga ku masruuftay, waxaa intaas u ajar badan Diinaarkaaad reerkaaga ku masruuftayÓ. (Muslim)

290. Abuu Cabdullaah oo sidoo kale la oran jiray: Abuu Cabdur RaxmaanSowbaan ibn Yuxdud (A.K.R.) kaa oo ahaa addoon la xoreeyey uu nabiga lahaa(S.C.W.) wuxuu yiri: ÒNebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒDiinaaruu qofku bixiyo waxaa u fadli badan Diinaarka uu reerkiisa ku bixiyo; iyoDiinaarka uu faraskiisa jidka Alle u heeganka ah (yacni jihaad) uu ku bixiyo,Diinaarka qofka uu wax kaga bixiyaana saaxiibbadiis isagoo wajiga Alleula jeeda waa ka mid waxyaalaha wanaagsan ee mudan in wax lagu bixiyoÓ.(Muslim)

291. ÒUmm Salamah (A.K.R.) waxay tiri: waxaan weydiiyey RasuulkiiAlle: ajar ma ka helayaa haddaan wax siiyo caruurta (ninkeygii hore AbuuSalamah?) lagagamana tagi karo daryeel laÕaan, iyagoo ordaya halkaaniyo halkaa (oo nolol raadis ah). Intaa oo dhan ka sokowna waa ilmahaygii.Wuxuu ku jawaabay Nabigu (S.C.W.): ÒHaah, waxaadna kaheleysaa ajarwixii aad siisidbaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

292. Sacad ibn abii Waqaas (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay oo uu ku weriyeyxadiis dheer aan ku soo marnay cutubkii koowaad oo niyadda ku saabsanaa,in Nebigu (S.C.W.) yiri: Wixii aad bixiso oo aad wejiga Alle ula jeeddidbaajar baad ka helaysaa, xataa rudmadii aad galisid afka afadaada (wuxuuahaan doonaa fal san oo ajar leh). (Bukhaari iyo Muslim)

293. Abuu Mascuud al-Badri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: ÒMarkuu ninku reerkiisa masruuf siiyo isagoo ajarna doonayawaa u sadaqoÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

294. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.)wuxuu yiri: ÒQofka waxaa dembi ugu filan inuu dayaco dadka ku tiirsan,oo noloshooda isaga ay ku xiran tahay Alle sokadiÓ. (Abuu Daawuud).Waana xadiis saxiix ah.

Werin kalaa waxay ahayd oo Muslim ku taal: ÒQofka waxaa dembiugu filan inuu ciriiriyo cid noloshooda ay isaga saaran tahay Alle sokadiÓ.(Muslim)

295. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒMaalin kasta, laba malag baa soo daga, oo midi leeyahay: Alloowsii beddel wanaagsan qofka bixiyaha ah: mid kalena leeyahay: Alloow, kabaaÕbiÕi waxa wanaagsan uu haysto bakheyl kastoo aan waxbixinÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

296. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒGacanta sare (yacni kan wax bixinaya) baa ka wanaagsan gacantahoose (kan wax la siinayo ee qaataha ah) kana billoow (deeqdaada iyo waxsiinta) carruurtaada iyo kuwa ku saaran ee adiga kugu tiirsan Alle sokadi,Sadaqana waxaa u wanaagsan tii aad ka bixiso hantidaada dheeriga ah (yacnitii aad ka maaranto, ee aadan u baahneyn), qofkii doonayana inuu isdhawro,Alle wuu dhowrayaa. Qofkii is deeqtoonsiiyana oo qaneeco raba, Allaa qaneecoiyo deeq siinaya). (Bukhaari)


CUTUBKA 37

Wax ka bixinta waxa aad u jeceshahay xoolahaaga iyo waxafiican adigoo dar Alle ula jeeda

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

123. ÒGaari maysaan daacadnimo iyo dhowrsasho jeer aad wax kabixisaan waxa aad jeceshihiinÓ. Suuradda Aali Cimraan: Aayadda 92.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

124. ÒKuwa xaqa rumeeyoow! wax ka bixiya wixii wanaagsan oo aadshaqeysateen, iyo waxa aan dhulka idiinka soo bixinayba, hana damcina (siula kac ah) inaad kan xun bixisaan (sadaqo ahaan)Ó. Suuradda Al-BaqarahAayadda 276.

297. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Abuu Dalxa (A.K.R.) wuxuuka mid ahaa dadka Ansaar ugu hodansan xagga dhulalka iyo beeraha timirta.Wuxuu jeclaa beertiisii Bayraxaa oo wixii hanti iyo xoolo uu lahaa uguwanaagsaneyd. Waxayna ka soo hor jeedday qiblada masjidka Nebiga (S.C.W.)Nabiga (S.C.W.) intuu galo buu ka soo cabbi jirey biyo fiican oo ay laheyd.Markii ay soo degtey aayaddan: ÒGaari meysaan daacadnimo iyo dhowrsashojeer aad wax ka bixisaan waxa aad jeceshihiin), buu Abuu Dalxa (A.K.R.)Nebiga (S.C.W.) u tegey oo ku yiri: Rasuul Alloow Alle wuxuu kugu soo dejiyeyaayaddan, (Gaarimaysaan daacadnimo iyo dhowrsasho jeer aad wax ka bixisaanwaxa aad jeceshihiin) aniguna hantidayda waxaan u jeclahay Bayraxaa. Markasadaqo ahaan xag Alle baan u baxsaday, anigoo ka rajeynaya ajarkeeda xagAlle, ee iga guddoon Rasuul Alloow oo sidii Alle kuu garto ka yeel, Nebigu(S.C.W.) wuxuu yiri: ÒWaa khayr, waa khayr, waa maal aayatiin leh,waa maal aayatiin leh waxa aad tirina waa maqlay, waxaase ila fiican inaadxigtadaada u qaybisidÓ. Abuu Dalxa (A.K.R.) wuxuu yiri: Waa yeelayaaRasuul Alloow, xigtadiisii iyo ilma adeeradiis buuna u qaybiyeyÓ.(Bukhaari iyo Muslim)

Fiiro gaar ah:

Aadanahu waa noole bulshoole ah, noloshana bulshada dhexdeeda waxayku dhisan tahay isii iyo qaado. Iskaashiga oo aasaas u ah nolosha bulshada,suura gal noqonmeyso, hadday dadku diidaan iskaashiga ama in wax loo qabtokuwa u baahan, iyagoo aan waxba ka hagraneyn si daacad lehna u gudanayahowsha. Hase ahaatee camal kaas iyo wax u tarka dadka wuxuu wax ku oolyahay oo keliya, ajar iyo qiimo gal yahay marka dar Alle loola jeedo eeaan loola jeedin dano adduun ku gaar laakiinse loola jeedo si lagu heloraalinimada Alle oo keliya.

Islaamku wuxuu ahmiyad gaar ah siiyey qaybinta hantida iyo xoolaha sadaqadaah qofka qaraabadiisa dhexdiisa, iyo bulsho weynta u baahan guud ahaan.Marka wax la bixinayana , in lagu dadaalo bixinta waxa wanaagsan xitaahadday sadaqo tahay. Bixinta waxyaabaha xun ee liita waxay keeneysaa naceybiyo karaahiyo.

Sidaa awgeed, si loo abuuro bulsho caafimaad qabta, loona hormariyoaragtiyooyinka wanaagsan, Islaamku wuxuu dhiiragaliyey qaybinta alaabadaiyo hantida wanaagsan marka sadaqo la bixinayo.


CUTUBKA 38

Waajibka qofka ka saaran in wixii uu masÕuul kayahay faro adeecidda Alle, ka reebona ku caasinta Alle, uuna u ciqaabokana celiyo hadday khilaafaan amarada Alle

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

125. ÒOo far dadkaagaa cibaadada, ahowna mid ku sugan arrintaaoo daaÕima (yacni faridda dadkaaga cibaadada). Suuradda Daaha: Aayadda132.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

126. ÒKuwa xaqa rumeeyoow! Ka ilaaliya naftiinna iyo ehelkiinabanaar shidaalkeedu yahay dadka iyo dhagaxaantaÓ. Suuradda At-Taxriim:Aayadda 6

298. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Xasan ibn Cali (A.K.R.) baawuxuu qaatay xabbad timir ah oo ka mid ahayd timir sadaqo ah, afkiisanageliyey. Markuu arkay Nebigu (S.C.W.) isagoo muujinaya ka xumaantiisa arrintaabuu yiri: (akh, akh), farayna inuu iska tuuro, oo ku yiri: Ma waadan ogeyninaynaan sadaqada cuninÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale waxaa ku soo arooray inuu nabigu (S.C.W.) yiri: innaga xaggayaga(waxaa loola jeedaa reerka nabiga s.c.w. sadaqadu) nooma bannaana oo waainnaga xaaraanÓ.

299. Abuu Xafs Cumar bin Abii Salamah Cabdullaah bin Cabdul Asad, ooah wiilkii Umm Salamah (A.K.R.) xaaskii Nabiga (S.C.W.) ay u dhashay ninkeediihore, wuxuu yiri: Anoo yar, oo gacanta nabiga (S.C.W.) ku jira waxaan yeelijiray inaan saxanka hadba meel ka qaato markaan raashinka cunayo. Wuxuuigu yiri Nebigu (S.C.W.) : ÒMaandhow bismilaah dheh, midigtana kucun, iyo raashinka wixii ku soo xigaÓ. Intii ka dambeyseyna sidaasaanwax u cunaa. (Bukhaari iyo Muslim)

300. Xadiiskan horay buu noo soo maray. Wuxuu ka hadlayana waxaan kusoo sheegnay xadiiska tiradiisu tahay 283.

301. Camar ibn Shucayb (A.K.R.) wuxuu Aabihiis ka soo weriyey, Aabihiisnaaabihi, in Nebigu (S.C.W.) yiri: ÒMarkay ilmihiinnu gaaraan toddobosano salaada fara, una ciqaaba wixii khalad iyo gabood fal ah oo ay salaadaku sameeyaan markii ay toban jirsadaan, jiifkana u kala duwa (wiilashaiyo gabdhaha (markay toban jirsadaan)Ó. (Abuu Daawuud) waa xadiissanad wanaagsan. Imaam Daawuudbaa wuxuu ku weriyey sanad wanaagsan.

302. Abuu Surayrah Sabrah ibn Macbad al-Juhni (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu(S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMarkii ilmuhu gaaraan toddobo jir salaadabara, una ciqaaba (hadduu salaada ka sagsaago) markuu toban jirka yahayÓ.(Abuu Daawuud iyo Tirmidi)

Wuxuu ku weriyey abuu Daawuud xadiiska lafdiga ah: far ilmaha inay oogaansalaada kolkay toddobo jirsadaan. Waa xadiis sanad wanaagsan.