CUTUBKA 39

Wanaajinta qofka deriska ah iyo dhowrista xuquuqdiisa

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

127. ÒAlle Caabuda oo waxba ha u shariig yeelina, labada waalidnawanaajiya (oo naxariis u muujiya), iyo qaraabada iyo agoonta iyo masaakiintaiyo deriska qaraabada ah iyo deriska aan qaraabada aheynba iyo saaxiibkaasafarka iyo tub ku joogga (yacni musaafirka ay ka goÕeen gaari raacaiyo jid marka) iyo (addoomada) ay gacantaadu hanatayÓ. SuuraddaAn-nisaa: Aayadda 36.

303. Ibn Cumar iyo CaaÕisha (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Nebigu(S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMalag Jibriil wuxuu mar waliba aad igala dardaarmahayey(xuquuqda) deriska, aad buuna arrintaa u daneyn jiray ayna ugu weyneydilaa aan is iri waa intaa oo lagu daro qofka deriskiisa mid ka mida kuwadhaxalkiisa wax ku lehÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

304. Abuu Darr (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W) wuxuu yiri: ÒAbuuDaroow markii aad diyaarineysid maraqa xoogay biyo ah ku kordhi, oo eeghadday dariskaagu wax uga baahan yihiinÓ. (Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: Rafiiqaygii (kheyr doon ahaan buu taau leeyahay) Nabiga (S.C.W.) wuxuu igula dardaarmay: (Markii aad diyaarineysomaraqa ku shub biyo badan, oo badi, dabadeedna soo ogow (xaaladda iyo waxaay ku sugan yihiin) deriskaaga, oo sii xoogaa maraq ah iyagana sidoo kale.

305. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒAlle baan ku dhaaran, iimaankiisu ma dhammaÕ, Alle baanku dhaaran muslim fiican ma aha, Alle baan ku dhaaran inuusan rumeynÓ.Waxaa la weydiiyey: Rasuul Alloow waa cidma? Wuxuu yiri: ÒWaa qofkiijaarkiisa ayan nabad ka aheyn dhibaha iyo sharkiisaÓ. (Bukhaariiyo Muslim)

Werinta Muslim waxay leedahay: ÒKaasi ma geli doono Jannada aanayderiskiisa nabad ka aheyn dhibaha iyo sharkiisa.

306. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒNebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: ÒHaweenka muslimaadka ahoow! yaysan midiin deriskeeda hoosu eegin oo u arag wax liita xitaa hadday kuu soo dirto ri qanjaa fuusheedka(qoob riyeed) hadiyad ahaan (oo ha ka aqbasho ugana mahad celiso)Ó.(Bukhaari iyo Muslim)

Xadiiskan horay buu noo soo maray laba waji buuna u dhici macna ahaan.wejiga hore inay derisku wax isu hadiyeeyaan, qolo waliba inta karaankooduyahay, iyo in hadiyada ciddii soo dirta laga aqbalo oo looga mahad celiyosi weji furnaan leh xitaa hadday tahay hadiyaddaa wax yar oo qaddar iyoqiimo ahaan la mid ah ri qanjaafuusheedka, qalbigana aan wax loogu qaadin,waxnana laga sheegin waxay soo diraan.

307. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒYuusan derisku u diidin dariskiisu inuu saqaf alwaaxeedkiisa kuqabto darbigiisaÓ. Dabadeedna wuxuu Abuu Hurayrah intaa raaciyey:Hadda waxaan arkaa inaad taa dhabarka u jeedinaysaan, Waanse idinku wadiinan mar waliba idin xusuusiyoÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

308. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒQofkii Alle iyo maalinta aakhiro rumeeyey yuusan u geysan wax dhibiyo xumaan ah deriskiisa. Qofkii Alle iyo maalinta aakhiro rumeeyey hasharfo martidiisa. Qofkii Alle iyo maalinta aakhiro rumeeyey khayr ha sheegoama ha iska aamusoÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

309. Abuu Shurayx al-Khuzaaci (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: ÒQofkii Alle iyo maalinta aakhiro rumeeyey ha wanaajiyo deriskiisa;Qofkii Alle iyo maalinta aakhiro rumeeyey ha wanaajiyo martidiisa; QofkiiAlle iyo maalinta aakhiro rumeeyey ha ku hadlo wax wanaagsan ama ha iskaaamusoÓ. Muslim baa ku wariyey xadiiska ereyadan, halka Bukhaariuu wariyey ereyadan qaarkood.

310. CaaÕisha (A.K.R.) waxay tiri: Waxaan weydiiyey RasuulkiiAlle (S.C.W.): Waxaan leeyahay laba daris ee kee baan hadiyad u diraa?Wuxuu yiri: Kii kuu irrid dhawÓ. (Bukhaari)

311. Cabdullaah ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuuyiri: ÒSaaxiibka wanaagsan Alle agti waa kan u roon saaxiibadiis,Dariska wanaagsanna Alle agti waa kan u roon ee wanaajiya deriskiisaÓ.(Tirmidi) oo yiri waa xadiis xasan ah.

Fiiro gaar ah:

Derisku waa labada qof ee ku nool meelo aad isugu dhow; taana waxaaka iman kara inuu midkood ka kale dhibaato gaarsiiya nooc ay ahaataba dhibaatadaa,marba hadday deggan yihiin meel u soo dhow. Sidaa awgeed, diinta Islaamkawaxay ka shaqeysay inay habeyso xiriirka labadaa qof si jrdaha u goynaysadhibaato kastoo suura gal ah ama iska hor imaad kasta oo dhex mari karalabadaa qofood, si ay markaas ugu noolaadaan nolo wanaagsan oo nabad ah.


CUTUBKA 40

Wanaajinta iyo usama falka waalidka iyo xiriirinta qaraabada

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

128. ÒAlle u adeeg oo mididin u ahow. Waxbana ha u shariig yeelin.(una muuji) naxariis iyo samaan waalidkaa, iyo qaraabada, iyo agoonta,iyo baahnaha, iyo deriska qaraabada kula ah, iyo deriska aan qaraabadaaheyn iyo saaxiibkaa safarka, iyo tub ku joogga (masaafurka) iyo (addoomaha)ay gacantiinnu hanatoÓ. Suuradda An-Nisaa: Aayadda 36

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

129. ÒDhab u tixgeli xilka iyo waajibka Alle korkaada uu yeelay,iyo guud ahaan arrimahuu ku faray, Allaahaasoo aad (xuquuqdiinna) mid kiinbakan kale ku weydiisto, sidoo kalena dhowra xuquuqda qaraabadaÓ.Suuradda An-Nisaa: Aayadda 1.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

130. ÒKuwa xiriirinaya waxa Alle faray in la xiriiriyoÓ.Suuradda Ar-Racad: Aayadda 29.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

131. ÒAadanaha waxaan kala dardaarannay wanaajinta waalidkiisiyo inuu naxariis u muujiyo iyo samaanÓ. Suuradda: Al-Cankabuut:Aayadda 8.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

132. ÒRabigaa wuxuu guddoonshey inaydaan caabudin waxaan isagaahayn iyo (iyo inaad u muujiso) naxariis iyo samaan labada waalid. Haddiiay waayeelnimo agtaada ku soo gaarto midkood ama labadoodaba uf ha ku oran,hana canaanan ee qowl wanaagsan oo naxariisi ku dheehan tahay ku dheh.una raarici garab nugul naxariis darteed dhehna: Rabbiyoow u naxariiso,sidii ay yaraantayda ii soo koriyeenÓ. Suuradda Al-Israa: Aayaddaha23-24.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

133. ÒAadanaha waxaan kala dardaarannay waalidkiis, hooyadiiswaxay ku qaadday tabar yari tabar yari loo geeyey. Ka gurintiisuna naaskawaa laba sano dhexdood igu shukri aniga iyo labadaada waalidbaÓ.Suuradda Luqmaan: Aayadda 14.

312. ÒAbuu Cabdur Raxmaan Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuusheegay inuu weydiiyey Nebiga (S.C.W.): Alle agti camalkeebaa camalladau wanaagsan oo loo jecel yahay? Wuxuu ku jawaabay: ÒSalaadda oowaqtigeeda la tukadoÓ. Waxaan weydiiyey: Misna kee? Wuxuu yiri:ÒLabada waalid oo baarri loo noqdoÓ. Dabadeedna waxaan iri:Misna kee? Wuxuu yiri: ÒJidka Alle (kor yeelidda diinta) oo loohalgamo ama loo diriroÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

313. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒWiil ma jiro u abaal gudi kara aabihi (wuxuu wanaag iyo jaceylu galay awgeed) inuu helo maahee aabihi oo addoon ah oo uu soo iibsadooo markaas xoreeyoÓ.

314. Xadiiskan waxaan horay ugu soo marnay cutubka 39, eeg xadiiskatiradiisu thay 309.

315. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒAlle kor ahaaye markuu uunka oo dhan abuuray baa riximkii istaagayoo yiri: Halkan ma meeshii qofku kaa magansan lahaaba goynta (macnaha waawaxaan ku weydiisanayaa magangal). Alle wuxuu yiri: Haah, sow raalli kumanoqoneysid inaan u naxariisto kii ku xiriiriya, kana gooyo wanaagga iyonaxariista kii ku gooya? Riximkii wuxuu yiri: Raali baan ku ahay. Allewuxuu yiri: Taas baad leedahay. Dabadeedna nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒHaddii aad rabtaan akhriya: ÒMa la idiinka yaabaa, haddiiaad madax noqotaan inaad dhulka fasahaadisaan oo qaraabadiinna goysaan.Waa kuwaas kuwa Alle nacaladayo, uu markaana dhega tirayo, indhahana karidayoÓ. Suuradda Muxammad: Aayadaha 22-23. (Bukhaari iyo Muslim)

Werinta Bukhaari waxay leedahay, Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri, Kiiku xiriiriyaa waan xiriirinayaa, kii ku gooyana waan goynayaaÓ.

316. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa Nebiga (S.C.W.) u yimidoo weydiiyey: Rasuul Alloow dadka kee u mudan inaan samaan iyo wanaag kuladhaqmo oo si fiican ula rafiiqo? Wuxuu ku jawaabay: ÒHooyadaaÓ.Ninkii baa weydiiyey: Misna kee? Wuxuu yiri: ÒHooyadaaÓ.Iyada kaddibna? Wuxuu yiri: ÒHooyadaaÓ. Iyada kaddibna? Wuxuuyiri: ÒAabahaaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: Rasuul Alloow, dadka kee baa u mudaninaan wanaajiyo oo si fiican ula rafiiqo? Wuxuu ku jawaabay ÒHooyadaaÓ,misna hooyadaa, misna hooyadaa, misna Aabahaa, misna sida laguugu kalaxigoÓ.

317. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒDuf ha ku baxo, oo duf haku baxo, oo duf ha ku baxo, qof soo gaaraylabadiisii waalid ama midkood oo sheyb ah oo Jannada geli waayeyÓ.(Muslim)

318. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa wuxuu yiri: Rasuul Alloow,waxaan leeyahay qaraabo, waa xiriiriyaa, iyana waa i gooyaan; waa wanaajiyaa,iyana waa i xumeeyaan; waa u dul qaataa iyana waa igu jaahil falaan. Nabigu(S.C.W.) wuxuu yiri: ÒHaddii aad tahay sidaad sheegtay, waa adigooraran (ciid kulul) siinaya oo kale (waa tilmaan waxa dambi soo gaarayaqoladaas xaqiisii ay ka gaabiyeen awgeed iyo dhibaatada kala soo gudboonaata),Inta aad sidaas tahayna (buu ku yiri ninkii nebiga), Allaa mar walba kuuhiillinaya oo kuu gargaari, oo kaa dhowraya xumaanahoodaÓ. (Muslim)

319. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii jecelin risaqa loo fidiyo, iyo in cimrigiisa loo dheereeyo, qaraabadiisa haxiriiriyoÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

320. Xadiiskan horay baynu u soo marnay. eeg xadiiska tiradiisu tahay297. cutubka 37.

321. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa intaNebiga (S.C.W.) u yimid ku yiri: Waxaan rabaa inaan axdi kugula galo inaanhaajiro jidka Allena ku diriro, anoo Alle kaga ajar dooni. Nabigu (S.C.W.)wuxuu weydiiyey: Òwaalidkaa mid nool ma jiraa?Ó Ninkii wuxuuyiri: labadiiba waa nool yihiin. Nabigu (S.C.W.) wuxuu weydiiyey: ÒAlleajar ma ka rabtaa?Ó Ninkii wuxuu yiri: Haah, mudane. Nabigu (S.C.W.)wuxuu yiri: ÒHaddaba iyaga ku noqo oo si fiican ugu adeegÓ.(Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: Nin baa yimid oo idan u weydiistay jihaad(u dirirka jidka Alle). Nabigu (S.C.W.) wuxuu weydiiyey ninkii: ÒLabadaadiiwaalid ma nool yihiin?Ó Ninkii wuxuu yiri: Haah, Nabi Alloow. Wuxuuyiri: ÒHaddaba waxaa jihaad kuu ah u adeeggoodaÓ: macnahawaa u khidmeyntoodaad ka heli ajarkii aad ka heli laheyd jihaadka oo kaleÓ.(Bukhaari iyo Muslim)

322. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.)wuxuu yiri: ÒQofka wanaagga ku guda wanaag ma aha kaasi qof wanaagiyo kheyr u gala qaraabadiisa oo xiriiriya; qaraabo xiriirshe waa qofkaxiriiriya qaraabadiisa xitaa markii ay gooyaanÓ. (Bukhaari)

323. CaaÕisha (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒQaraabanimadu carshigay ku dhaggan tahay oo waxay tiraahdaa: Allewaa xiriirinayaa oo gacan qaban qofkii i xiriiriya oo i gacan qabta; Allanawuu goynayaa qofkii i gooyaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

324. Ummul MuÕminiin Maymuunah bint Xaaris (A.K.R.) (oo xaaskiiNebiga S.C.W. ahayd waxaa laga soo xigtay inay xoreysey addoomad iyadooaan nebiga (S.C.W.) la socodsiin. Markuu u yimid maalintii dowrkeeda ahaydbay waxay ku tiri: Ma ogtahay Rasuul Allow inaan addoontaydii xoreeyey?Wuxuu yiri: ÒHaddii aad abtiyaashaa siin lahayd baa kuu khayr iyoajar badnaan lahaydÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

325. Asmaa bint abii Bakar as-Sadiiq (A.K.R.) waxay tiri: Hooyaday baaMadiina timid oo Makka ka timid si ay ii soo booqato, iyadoo weli markaamushrikad ah (gaalad). Waxay u timid inay wax i weydiisato. MarkaasaanNebiga (S.C.W.) u tegey oo iri: Nebi Alloow hooyaday oo ii socotaa ii timidwaxbayna iga fileysaa ee ma xiriirin karaa? Wuxuu yiri: ÒHaah, wanaajihooyadaa oo xiriiriÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

326. Zaynab as Saqafiyya (A.K.R.) xaaskii Cabdullaah bin Mascuud waxaytiri: Nebigu (S.C.W.) isagoo u khudbeynaya koox dumar ah wuxuu yiri: ÒSadaqala baxa, dumarkoow, waxaad isku qurxisaanba ha ahaateeÓ Markaantaa maqlay baan u tagay ninkeygii kuna iri: Waxaad tahay nin sabool ahoo aan wax heysan, Nebiguna (S.C.W.) inaan wax la baxno buu na faray, eeinta u tagtid soo waydii inay adigu taydu kugu baxayso sadaqo ahaan, haddiikale aan cid kale siiyee. Cabdullaah bin Mascuud wuxuu yiri: Adigu shakhsiahaan u tag oo arrintaa weydii. Markaa baan aadey mise haweeney Ansaariyadah oo sidayda oo kale ah baa irridkii Nebiga joogta oo arrinteyda oo kalewadata. Waxaan ka baqnay inaan galno xishood awgi iyo darajeyn rasuulka(S.C.W.) markaasaa waxaa noo soo baxay Bilaal (A.K.R.) waxaynuna ku niri:Fadlan u tag Nebiga (S.C.W.) oo u sheeg in laba dumar ah oo irridka taaganay doonayaan inay ogaadaan inay sadaqadu noogu baxayso nimankayaga iyoAgoonta ku hoos nool cid aan nahayna ha u sheegin. Bilaal (A.K.R.) wuxuuu tegey Nabiga (S.C.W.) oo arrintayadii u bandhigay, wuxuu weydiiyey NebiguS.C.W. waa kuwama? Bilaal (A.K.R.) wuxuu yiri: waa haweeney ansaar ah iyomid kale oo Zaynab la yiraahdo. Wuxuu weydiiyey Zeynab badane waa Zeynabtee?Bilaal (A.K.R.) wuxuu yiri: Waa xaaskii Cabdullaah (A.K.R.) Nabigu (S.C.W.)wuxuu yiri: ÒWaxay leeyihiin oo loo qori doonaa laba ajar, ajarkiiqaraaba xiriirinta, iyo ajarkii sadaqadaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

327. Abuu Sufyaan Sakhar bin Xarb (A.K.R.) wuxuu sheegay in markii uulakulmay Hiraqle, madaxweynihii Roomaanka, inuu Hiraqle weydiiyey: Muxuunabigiinnu idin faraa inaad fashaan? Waxaan iri: ÒWuxuu ina faraainaan caabudno Alle oo keliya, waxbana aan Alle u shariig yeelin, iyo inaannuraacin oo ka tagno caadooyinkii iyo dhaqankii aabbayaasheen; wuxuu sidookale ina faraa inaan oogno Salaadda, sheegno runta, ku dadaalno oo daaÕimnodhowrsoonida (yacni ka fogaanno dhilleysiga iyo waxa u horseeda qofka),iyo inaan xiriirinno oo wanaajino qaraabadayadaÓ. (Bukhaari iyoMuslim)

328. Abuu Darr (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒWaxaadqabsan doontaan dal qiiraadka laga magacaaboÓ.

Werin kale baa waxay leedahay inuu yiri: waxaad qabsan doontaan muddodhow Masar halkaasoo ay ku taal carro laga magacaabo Qiiraad. Ee dadkiisawanaajiya, si fiicanna ula dhaqmo oo naxariis leh, maxaa yeelay qaraabannimoiyo xurmaa naga dhexeysa. (Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: Markii aad qabsataan, degaankeeda siwanaagsan oo suubban ula dhaqma, maxaa yeelay waxaa inoo dhexeeya xurmoiyo xididnimoÓ. (Muslim)

Imaam Nawawi isagoo ka hadlaya riximnimada Masaarida la lahaa nabiguwuxuu sheegay inay tahay tilmaan dhacdada taariikhiga ah oo ah in Haajira,nebi Ismaaciil hooyadi ay Masaari aheyd, iyo Maariya al-Qibdiyya Ibraahiimhooyadi, wiilkii nabiga (S.C.W.) inay iyana aheyd Masaari.

329. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Markii ay soo degtey aayaddan:ÒU dig qaraabadaada ku xigtaÓ.

Nebigu (S.C.W.) wuxuu isugu yeeray (qabiilkii) Quraysh, iyaguna dhammaanway yimaadeen, caamo iyo madaxba, markaasuu guud ahaan iyo gaar ahaanbau xusay, Wuxuu ku yiri: ÒReer Cabdi Shamsiyoow! Reer Cabdi Luwayoow,Naftiinna naar ka badbaadiya; reer Cabdi Manaafow naftiinna naarka badbaadiya,Ilmo Haashimow naftiinna naar ka badbaadiya, Reer Cabdul Muddallibow naftiinnanaar ka badbaadiya, Faadumooy naftaada naar ka badbaadi, malinta qiyaamoxag Alle waxaan idiinka tari karo lama arko, xiriirin qaraabinnimo uunbaad igu leedihiin iyada waa aan idiinku xiriirinayaaÓ. (Muslim)

Fiiro gaar ah: Imaam Nawawi wuxuu yiri xadiiskan goynta qaraabada waxaalagu shabbahay dab kulul, dabkana waxaa lagu baqtiin karaa biyaha, naartauu qofku ku mudan goynta qaraabadana waxaa looga badbaadi karaa xiriirintaqaraabada iyo gudashada xuquuqda ay qofka ku leeyihiin qaraabadiisa, yacnidabku waa kuleyl iyo naar waxaana baqtiiya biyaha, qaraabo goyntuna waxaalaga mutaa dab iyo naar waxaana lagaga hortegi karaa xiriirinta iyo gudashadaxuquuqda qaraabada.

330. Abuu Cabdullaah Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlayNebiga (S.C.W.) oo si cad u leh aan sir aheyn: ÒReer hebel iyo reerhebel ma aha saaxiibbaday iyo gacalkay; saaxiibbaday iyo gacalladay waaAllaah, iyo muslimiinta wanaagsan. Shaki liÕi waxaa innaga dhexeeyaareer hebel iyo reer hebelkaa oo keliya xiriir qaraabbannimo oo aan ku xiriirinayo,xaqeedana dhowrayoÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

331. Abuu Ayuub Khaalid ibn Zayd (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa Nebiga(S.C.W.) wuxuu ku yiri: Nebi Alloow waxaad ii sheegtaa camal aan jannadaku galo nartana iga fogeeya. Wuxuu ku jawaabay Nabigu (S.C.W.): ÒAllecaabud oo waxba ha u shariig yeelin, oogna Salaadda; bixina sekada; xiriirinaqaraabadaÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

332. Salmaan ibn Caamir (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:ÒMarkii uu qofkiin afurayo timir ha ku afuro, maxaa yeelay barakaaku jirta, haddii aadan helin timir, ku afur biyo, maxaa yeelay biyuhu waxbaydaahiriyaan. Intaa wuxuu raaciyey: Sadaqada la siiyaa miskiinka waa sadaqokeliya; tan qaraabada la siiyaana labo samaanood bay wadataa; oo marnawaa sadaqo, marna waa xiriirin qaraabo oo laba ajar buu qofku halkaa kaheliÓ. (Tirmidi baa weriyey) oo yiri; waa xadiis xasan ah.

333. Ibn Cumar (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan lahaa afo (xaas) aan jeclahay,hayeeshee Aabbahay uu necbaa. Sidaa awgeed buu wuxuu i faray inaan furo,arrintaa oo aan anigu diiday. Cumar (A.K.R.) arrintaa buu nabiga u sheegayoo hor dhigay nabiguna (S.C.W.) wuxuu i yiri: ÒFurÓ. (AbuuDaawuud iyo Tirmidi baa weriyey) Tirmidina wuxuu yiri waa xadiis xasanah oo saxiix ah.

334. Abuu Dardaa (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaa ii yimid nin, wuxuu i yiri:Waxaan leeyahay xaas, hooyadayna waxay i tiraahdaa fur. Abuu Dardaa (A.K.R.)wuxuu u sheegay ninkaa inuu maqlay nabiga (S.C.W.) oo leh: (U samafalkaiyo ku adeecidda waalidka wixii aan dambi aheyn) waa (furaha) irrid dhexaadkajannada, ee haddaad rabto irridkaas furahiisa xafido ama iska dayacÓ.(Tirmidi baa wariyey ) oo yiri waa xadiis xasan ah oo saxiix ah

335. al-Baraa ibn Caasib (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: ÒHooyo walaasheed (habaryar) waxay la siman tahay oo la midtahay hooyoÓ. (Tirmidi baa wariyey) oo yiri: waa xadiis xasan oosaxiix ah.

Camar ibn Cambasa (A.K.R.) xadiis dheer wuxuu ku sheegay inuu mar booqdaynebiga (S.C.W.) maalmahii ay risaaladu horta laheyd ee Makka la joogey.Wuxuu yiri: Waxaan weydiiyey maxaad tahay? Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay:ÒNebiÓ Markaa baan haddana weydiiyey : Nebi waa maxay? Wuxuuku jawaabay: ÒAllaa i soo dirayÓ Haddana waxaan sii weydiiyey:Oo muxuu wax (fartiin) ah Alle ku la soo diray? Wuxuu ku jawaabay ÒInqaraabada la xiriiriyo oo la wanaajiyo, sanamadana iyo mabaadida dalliganee Aadanahu sameystay (wixii khilaafaya Islaamka) la baabiÕiyo,Allena la waaxido oo aan waxba loo shariig yeelinÓ.

Fiiro gaar ah:

U khidmeynta waalidka iyo adeeciddooda waa waajib iyo xil saaran carruurta.Dhab ahaantii makaanada waalidka aad bay ugu weyn tahay diinta Islaamka,oo kaalin weyn buu ka siiyey xiriirka dadka dhexdiisa ah, cid iyaga kaxaq badanna ma jirto Alle iyo rasuulkiisa kaddib. Adeecidda Alle waxaamar walba ku lamaananan adeecidda iyo maqlidda waalidka sida ku cad QurÕaankaiyo sunnaha nabiga (S.C.W.) Waa dad nasiib badan kuwa guta waajibkoodaxagga waalidiintood, xuquuqdoodana u oofiya, si wanaagsan oo naxariis lehnaula dhaqma, maqla oo adeeca, dadkaa sidaas ah wuxuu Alle ka cafiyaa dambiyadooda,waxayna muteystaan abaal marin xaggiisa ah iyo raallinimadiisa, iyo kheyriyo samaan aan la koobi karin.