Cutubka 4

Runta iyo Miraheeda

Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 13. ÔKuwa xaqa rumeeyoow! dhowra xilka iyo waajibkuu Alle idin saaray, oo ka mid ahaada run sheegeyaasha.Õ Suuradda at-Towba: Aaayadda 119.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaye:

14. ÔRagga run sheegayaasha ah ee isu dhiiba Alle, iyo dumarka run sheegooyinka ah (liibaan baa u ahaatay.) Al-Axzaab: 35

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 15. ÒDaacad iyo hadal san. Dabadeed, marka Arrin la goÕaansho, Haddii ay daacad u yihiin Alle waxay u roon tahay iyaga. ÔSuuradda Muxammad: Aayadda 21.

54. Cabdullaah ibn Muscuud (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebigu (S.C.W.) yiri: Runtu waxay kugu hoggaamisaa dhabbaha samaanta iyo falalka suubban. Samaan falidduna waxay xaartaa jidka uu qofku u mari lahaa jannada. Markii uu qofku caadeystana inuu ku hadlo run waxaa Alle agti looga magacaabaa runlwo. Beentuna waxay kugu hoggaamisaa xumaanta, xumaantuna waxay kugu hoggaamisaa wax xille falid iyo faajirnimo. Markii uu qofku been caadeystana waxaa Alle agti looga magacaabaa Beenlow". (Bukhaari iyo Muslim)

55. Abuu Muxammad al-Xasan ibn Cali (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu ka bartay ereyadan soo socda nabiga (S.C.W.): ÒKa tag wixii aad ka shaki santahay, oo raac wixii aan ku jirin laheynna shaki. Maxaa yeelay runtu waa raaxo qalbiga uu ku dego, beentuna waa welwel iyo welbahaar.Ó (Tirmidi) Wuxuuna yiri waa xadiis saxiix ah.

56. Abuu Sufyaan Sakhar bin Xarb (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay oo ka mid ahaa xadiiskiisii dheeraa oo uu Hiraqal kaga warramayey in Hiraqal uu weydiiyey: Muxuu isagu (wuxuu ula jeedaa nabiga (S.C.W.) idin faraa, Abuu Sufyaanna wuxuu yiri: Wuxuu ina faraa: Caabuda Alle oo keliya waxbana ha u shariig yeelina, oo ka taga wixii ay aabbayaashiin oran jireen, Wuxuu kaloo na faraa salaada, run sheegidda, dhowrsanaan iyo xoojinta xiriirka qaraabada aad ku xoojisid kaalmeynta kuwaa kuu dhow oo qaraabada kula ah.Ó (Bukhaari iyo Muslim)

57. Sahal bin Xunayf (A.K.R.) oo raggii Bader ka qayb galay ka mid aha wuxuu yiri: "Qofkii Alle ka barya si kal iyo laab ah shahiidnimo, wuxuu Alle gaarsiiyaa oo u qoraa darajada shahiidyada, xitaa hadduu ku dhinto sariirtiisa." (Bukhaari iyo Muslim)

58. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: "Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Nebi nebiyadii hore ka mid ahaa goor uu jihaad u baxayey (dagaal loola jeedo kor yeelidda kelimadda Alle) wuxuu ka dhex yiri qoomkiisii nin naag mehersadey oo aan weli dhisan ama nin dhisay gidaarro guri aanse weli dedin oo kor u bannaan yihiin ama nin soo iibsaday ari ama halo riman oo sugaya dhalmada ilmahooda midkoodna waa inuusan i soo raacin. Dabadeed wuxuu u kicitimay magaaladii, uu u socday. Wuxuuna gaaray goor casar gaab ah, markaa buu wuxuu ku yiri qorraxdii : Waxaad ku socotaa amarka Alle, aniguna waxaan ku socdaa oo la ii diray dagaal dar Alle ah. Markaa buu Alle baryey oo yiri: Alloow meesheeda qorraxda noogu celi; waa ay istaagtey ilaa uu Alle siiyey guushii oo uu beeshii qabsaday. Markaa kaddib waxaa la isu keenay xoolahii laga helay dagaalka si loo gubo qurbaan ahaan. Dabkiise waa uu gubi waayey. Dabadeed wuxuu yiri : Qaar idin ka mid ah baa qarsday qayb ka mid xoolahii dagaalka laga helay ee qabiilo walba nin ha i gacan qaado oo cahdi hor leh ha igula galo kor yeelidda diinta. sidii baa la yeelay, nin baa markaa gacantiisii ku dhegtey wuxuuna ku yiri: Rag qabiildaada ah baa qarsday wax ka mid ah qaniimadii dagaalka, ee qof qof ragga qabiilkiinna ah ha ii gacan qaadeen. Labo ilaa seddex nin bay gacantoodii gacantiisa ku dhegtey. Wuxuuna ku yiri: idinka weeyaan ragga dambiilayaasha ku ah qarsashada qaniimada. Markaa bay waxay keeneen madax aad madax loÕaad moodo oo dahab ah, waxaana lagu daray qaniimadii iyo xoolahii dagaalka lagu soo furtay dabkiina waa gubay. Wuxuu nabigu intaa raaciyey: Qaniimadu ama xoolaha dagaalka jihaadka ah lagu helo xalaal uma ahayn wixii inaka horreyey. Allaa inoo xalaaleeyey, markuu arkay tabar yarida iyo dhaqaalo xumideenna." (Bukhaari iyo Muslim)

59. Xakiim ibn Xizaam (A.K.R.) wuxuu yiri: nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Heshiishka wax kala gadasho waa laga noqon karaa inta ayan kala tegin labada wax kala gadanaysa. Haddii ay sheegaanna runta oo ay caddeeyaan wax waliba oo la xiriira badeecada iyo iibkooda, waa loo barakeeyaa labadaba; haddii ayse been ku hadlaan oo ay qariyaan waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo oo daaha laga qaado, barakada iibkaasi waa laga qaadaa.Õ (Bukhaari iyo Muslim)

Fiiro gaar ah:

Runtu guud ahaan waxaa loola jeedaa inaad ku hadasho run, Islaam ahaan runta waa wax macno ballaaran, oo waxaa soo galaya ka run sheeggida camal kasta oo aad qabaneyso. Qofkuna waxay hadalladiisu iyo camalkiisu toosayaan markii ay is waafaqaan waxa uu ku hadlayo iyo waxa uu uurka ku heysto, taa baana la yiraa run. Imaam Ghazaali wuxuu sheegay lix nooc oo ay runtu u kala qaybsanto: 1. inaad run ku hadasho; 2. inay niyaddaadu run iyo daacad tahay. 3. inay run kaa tahay guddoonka iyo goÕaanka aad qaadaneyso. 4. inaad si run iyo daacadnimo ah aad u fuliso goÕaankaas. 5. inaad si run iyo daacad ah howsha aad qabaneyso u gudato. 6. inay run iyo dhab ka ahaato diinta iyo iimaanka aad sheeganeyso. oo qowl iyo ficilba aad u muujiso.

Waa la arki inay runtu tahay aasaaska samaan falidda. Qofka aan runlowga aheyn, wuxuu ku heysanayaa qalbigiisa nooc kasta oo xumaan ah; qofkase runlowga ah wuxuu awood u yeelanayaa inuu gaaro samaan iyo kheyr waliba si fudud oo aan dhib laheyn. Qofka tilmaamahaa wanaagsan aan kor ku soo xusnay leh waxaa la oran karaa waa qof runlwo ah.


Cutubka 5

Daalacashada Alle iyo u jeedkiisa addoomaha

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri: 16. "Waa kan ku arka marka aad kacayso iyo marka aad wax ka sujuudaysaba" Suuradda Ash-Shucaraa: Aayadaha: 218 - 219.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 17. "Waa uu idinla joogaa (macnaha idinka warqabaa Ilaahay) meel aad joogtaanba". Suuradda al-Xadiid: Aayadda 4

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 18. "Ma jiraan wax Alle ka qarsoon oo cirka iyo dhulka ku sugan". Suuradda aali-Cimraan: Aayadda 5.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 19. "Rabbigaa kaabiguu joogaa (oo u darban yahay abaal marinta). Suuradda al-Fajar: Aayadda 14.

Wuxuu kaloo yiri sare ahaaye: 20. "Wuxuu og yahay Rabbil Cisa Wajalaala wuxii ay ishu khiyaanto iyo wixi ay laabtu qarinaysaba". Suuradda Qaafir: Aayadda 19.

60. Cumar bin Khaddaab (A.K.R.) wuxuu yiri: "Annagoo maalin la fadhinna nebiga (S.C.W.) si kedis ah nin baa soo muuqday kaasoo ay dhartiisu ahaayeen kuwa aad u cad. timahiisuna ay aad u madoobaayeen, ayanna ka muuqan wax astaan safar ah, cid garaneysana ayan nagu jirin. Wuxuu la fariistay nebiga (S.C.W) oo jilbaha u saaray, bawdyahiisana calaacalahiisa saartay, oo yiri: Islaam waxaa weeye in aad qirto ilaah xaq ah aan Alle ahayni inuusan jirin iyo in Muxammad yahay Rasuulkiisii, iyo inaad Salaadda aad oogtid, Sekedana aad bixisid(oo ah xaqa saboolka iyo baahnaha), Bisha Ramadaana soontid, soona xajidid haddii aad kartid (mar nolosha ). Ninkii wuxuu yiri: waa runtaa. Waxaan markaas la yaabnay inuu wax su'aalayo (sida qof aan wax garaneyn) waa runtaana leeyahay oo wuxuu sugayaa in ay jawaabtu sax tahay.

Dabadeedna wuxuu yiri: Wax iiga sheeg Iimaanka? Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waa in aad rumaysaa Alle iyo malaa'igtiisa iyo rusushiisa iyo kutubtiisa, iyo maalinta dambeysa ee aakhiro, iyo qaddarka khayrkiisa iyo sharkiisaba. waa runtaa ee haddaba ixsaankana ii sheeg?! Nabigu (S.C.W). wuxuu yiri: waa inaad Alle u caabudid sidii adigoo u jeeda, ileen haddii aadan adigu u jeedin isagaa kuu jeeda'e. Ninkii wuxuu yiri: Maalinta qiyaamo goortay tahay ii sheeg. Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: taa iskuma dhaaano, oo cid og ma jirto (goortay qiyaamuhu dhici) Alle maahee. Ninkii wuxuu yiri: waa hagaag, ee wax iiga sheeg calaamooyinka maalinta qiyaamaha iyo astaaamaha muujinaya in ay addoontu wax u dhasho sayidkeeda, oo aad aragto ari jirtii cagaha caddayd ee qaawaneyd ee cayrta ahayd oo dhismayaal ku tartamaysa. Dabadeed waa uu tegay ninkii, cabbaar baana halkii joogay. Nebigau (S.C.W.) wuxuu igu yiri: Cumarroow ma garaneysey ninkii wax suÕaalayey ciduu ahaa? Waxaan iri: Alle iyo Rasuulkiisa baa iiga cilmi roon. Markaa buu wuxuu yiri: wuxuu ahaa Jabriil oo idiinku yimid inuu idin baro mabaadida iyo qodobbada aasaaska u ah diintiina."

Fiiro gaar ah: Imaam Nawawi wuxuu yiri in ay addoonta wax u dhasho sayidkeeda iyo qof iska leh waxaa loola jeedaa in ay badan doonaan dumarka addoomaha ah ee ku hoos nool boqoradda iyo suldaannada kuwaasoo laga yaabo in ay caruur u dhalaan sayidkooda ama carruurtiisa oo markaa caado iyo dhaqan ahaan loo yiraahdo waa reer boqor, halka ay hooyadood weli tahay addoon kuwaa ay dhashay ka amar qaadaneysa; ama waxaa loola jeedi karaa in ay carruurta ay ku caasin doonaan waalidkood carruurtaa oo hooyooyinkood ula dhaqmi doona sida ay ay yihiin booyoosooyin ama addoomo guriga u jooga.

61. Abuu Darr iyo Mucaad ibn Jabal (A. K.R.) waxay yiraahdeen: Nebigu (S.C.W) wuxuu yiri: ÒAlle ka cabso, meel aad joogtidba, samaana ka daba gee xumaantii kaa dhacda waa ay dhaqasaaye, kulana dhaqan dabci wanaagsan dadkaÓ. (Tirmidi) Wuxuu yiri waa xadiis cuskasho iyo sanad wanaagsna leh).

62. Ibnu Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: anigoo maalin Nebiga (S.C.W) daabbad (xoolo ah ) la saaran gadaashiina fadhiya buu Wuxuu yiri:"Maandhoow, waxaan doonayaa inaan ku baro kelmedo ee iga xafid kelmadahan: Taxaddar oo fuli Alle wuxuu ku amray oo si wanaagsan u ilaali. Alle ha iskakaa xilsaaro oo ha ku dhowroÕe. Waana inaad dhowrtaa xuquuqdiisa, Waxaad mar walba ka heli doontaa la jirkaaga; haddii aad wax dooneyso, Alle weydiiso, markii aad kaalmo dooneysidna, ka dalab Alle oo keliya kaalmo.

Waxaadna ogaataa haddii ay ummaddu isugu tagto inay wax ku tarto, kuma tari karto wx Alle kuu qoray mahee, haddii ay isugu tagto inay wax ku yeeshana kuma yeeli karto wax Alle kuu qoray maahee. Qalinkii waa la joojiyey, wixii lagu qorayna buugga qaddarka iyo waraaqihiisiina waa qallaleen. (Tirmidi) wuxuuna yiri waa xadiis sanad wanaagsan oo cuskasho leh.

Kutub kale oo sunanka ah waxay dhigayaan siyaadadan: Fuli oo dhowr amarrada Alle, waxaad ka heli hortaada'e; Xusuusnow Alle goorta barwaaqada, wuxuu ku xusuusanayaa goorta dhibta. Waxaadna ogsoonaataa wax kugu dhacay inuusan ku seegeen, Wax ku seegeyna uusan kugu dheceen. Waxaad ogaataa in guushu ay sabarka ku jirto, kurbedana ferej ku xigo; culeyskana fudayd ka dambeeyo.

63. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaa (badanaa) aad fashaan waxyaalo tin idin kala yar (oo waxba aan idiin kugu fadhin, dembi inay yihiinna aadan u qabin sida aad u yareysaneysaan) ha yeeshee waagii Nebiga (S.C.W.) aan ku tirin jirney waxyaalaha lagu rogmado ee halista ah. (Bukhaari)

64. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri Alle kor ahaaye waa qiiroodaa, waxayna timaaddaa qiiradiisu markuu arko qof ku dhex jira fal uu ka reebay, markaasoo uu qiiroodo, kana caroodo taa, qofkiisana ciqaab uu ka muto inuu toobad keeno maahee qofku, ama Alle naxariistiisa haleesho. (Bukhaari iyo Muslim)

65. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay nebiga (S.C.W.) oo leh: Alle si uu u imtixaano seddex nin oo reer banii IsraaÕiil ah _ mid baras qabeen ah, kan kalena bidaarle timihii ka bideen, kan seddexaadna indhool _ wuxuu u soo diray malag qaab Aadane leh. Malaggii wuxuu u yimid baras qabeenkii wuxuuna weydiiyey: Maxaad wax ugu jeceshahay? Wuxuu yiri: Midab iyo dub Wanaagsan iyo inaan ka bogsado cudurkan dadkii igu nacay. Malaggii baa gacantiisii mariyey korkiisii markaasaa cudurkii ka ba'ay, jirkiisiina yeeshay midab wanaagsan. Malaggii baa sii weydiiyey maal waxa uu ugu Jecel yahay? Ninkii wuxuu yiri: Geel ama lo' (weriyihii xadiiska baa shakiyey labadaas miduu yiri). Ninkii sidaa baa waxaa lagu siiyey hal riman oo toban sidda ah; malaggiina yiri: Allaha kuu barakeeyo.

Markaa kaddib buu wxuu u tagey malaggii kii timuhu ka bideen oo weydiiyey: Maxaad wax ugu jeceshahay? Ninkii wuxuu ku jawaabay: Timo qurxoon iyo inaan ka bogsado cudurkan dadku igu nacay. Malaggii baa gacantiisii mariyey madaxiisii cudurkiina waa laga bogsiiyey. waxaana la siiyey timo wanaagsan.Dabadeedna malaggii baa sii weydiiyey: Maal maxaad ugu jeceshahay? Ninkii wuxuu yiri: LoÕ. markaa baa sac rimman la siiyey; malaggina yiri: Allaha kuu barakeeyo.

Markaa kaddib malaggii wuxuu u yimid ninkii indhaha la'aa oo weydiiyey: Maxaad wax ugu Jeceshahay? Wuxuu yiri; in Alle araggayga ii soo celiyo oo aan dadka arko hareerahayga ah. Malaggii baa gacanta mariyey indhaha indhoolkii Allaana araggiisii u soo celiyey. Dabadeedna malaggii baa wuxuu weydiiyey: Maal waxa uu uu jecel yahay? Ninkii wuxuu yiri: Ari. markaa baa la siiyey ri rimman oo ilama sidata. Xoolihii baa kullugoodba u tarmay oo u batay oo mid wuxuu yeeshay kadin geel ah, kii kalena wuxuu yeeshay loÕ fadhi ah, kii seddexaadna wuxuu yeeshay diigaanyo ari ah.

Muddo kaddib, buu malaggii soo booqday kii barasqabeenka ahaa malaggiiyoo u eg sidii uu isagu kaa ahaan jirey oo ku yiri: Waxaan ahay nin sabool ah, oo baahan, safar ah, sahaydiina ka go'day, Alle dabadina ciirsi aan adiga ahayn heysan si aan u gaaro meeshii aan u socday. Waxaan kugu weydiisanayaa magaca Allihii ku siiyey midabka iyo dubka wanaagsan iyo maalka inaad i siiso rati aan safarka u kaalmaysto. Ninkii wuxuu muujiyey inuusan karikarin inuu wax u qabto malaggii oo wuxuu yiri: qaaman badan baan ku jiraa oo layga rabo inaan gudo. Malaggii wuxuu yiri: waxaad mooddaa inaan hadda ka hor ku arkay. Sow ma aadan ahayn barasqabeenkii, dadku ka carari jiray, fiqiirnkana ahaa, Allena uu deeqda siiyey? Ninkii wuxuu yiri: Mayee waxaan ka dhaxalay maalkan awoowayaalkey. Malaggii wuxuu yiri: Haddii aad been sheegaysid, sidaadii hore Allaha kuu celiyo. Dabadeedna wxuu u yimid kii ay timihu ka bidi jireen isagoo sidii uu ahaan jirey oo kale ah, oo yiri wxii uu kan hore yiri oo kale, isna sidii barasqabeenkii ku jawaabay oo kale buu ku jawaabay. isagana sidoo kale wuxuu ku yiri: haddii aad been sheegaysid, sidaadii hore Allaha kuu celiyo.

Kaddib malaggii wxuu booqday kii indhaha la'aa isagoo malaggu iska soo dhigay sidii uu ahaan jirey oo kale kaa indhoolaha ahaa oo ku yiri: Waxaan ahay nin sabool ah, safar ah, sahaydiina ay ka go'day Alle dabadina aan wax ciirsi heysan ii suura geliya inaan gaaro meeshii aan u socday. Waxaan Allihii araggaaga kuu soo celiyey kugu weydiisanayaa riÕ aan safarka u kaalmaysto. Ninkii wuxuu yiri: Alleylehe indhool waa ahaa araggaygiina Alle waa ii soo celiyey ee wixii aad doontana kaxayso, wixii aad doontana ka tag, Allaan ku dhaartay, inaanan kuu diideyn wax aad dooneyso inaad ku qaadato magaca Alle, Rabbiga cisada iyo sharafta iyo weynanka u saaxiib ahaaday. Malaggii wuxuu yiri: Heyso xoolahaaga oo dhan. Seddexdiina waa la idin wada imtixaanay. Alle, run ahaan, raalli buu kaa yahay, wuuna u careysan yahay labadaadii saaxiib. (Bukhaari iyo Muslim)

66. Abuu Yaclaa Shaddaad ibn Aws (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qof caqli lihi waa kii naftiisa iyo jirkiisa xaaraan ka dhowra iyo wax dhibaya, naftiisana wax xille leh ka fogeeya kuna dadaalo wixii anfacaya geerida kaddib; Caaquna waa kii naftiisa xarigga uga fura wax kasto ay doonto, hawa raaca ah Allena ka sugaya fulinta ididdiillada iyo hawadiisa xun. (Tirmid)

Sh. al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif, xujo iyo cuskasho aan gelin. inkastoo uu macno ahaan sax yahay.

67. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofka Islaam wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu isku howlin arrimo aan faa'ido ugu jirin adduunka ama aakhiradiisa. (Tirmid) wuxuuna yiri waa xadiis xasan ah.

68. Cumar ibn Khaddaab (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Xaq iyo dow ma aha in maxaad u dishay la yiraahdo nin naagtiisa u dilay (inuu toosiyo). (Abuu Daawuud iyo rag kale baa weriyey).

Sh. al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif, aan xujo ahaan loo soo qaadan kareyn.