Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 21. ÒKuwa xaqa rumeeyoow dhowra xilka iyo waajibka Alle uu idin saaray dhowrid dhanÓ. Suuradda aali-Cimraan: Aayadda 102.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: ÒDhowra xilka iyo waajibka Alle uu idin saaray intii karaankiinna ahÓ. Suuradda al-Taghaabun: Aayadda 16.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye; 22. Kuwa xaqa rumeeyow dhowra cahdiga Alle iyo xilka uu idiin saaray, wax sanna ku hadlaÓ. Suuradda al-Axsaab: Aayadda 70.
23. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: ÒQofkii Alle ka cabsada oo waajibkii iyo xilkii uu saaray guta, irkad buu u yeelayaa, meel uusan filaynna waa ka irsaaqayaaÓ. Suuradda ad-Dalaaq Aayadaha 2-3.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 24. ÒHaddii aad Alle ka cabsataan oo xilka iyo waajibka uu idin saaray gudataan wuxuu idin siinayaa iftiin aad ku kala saartaan xaqa iyo baadlka, wuxuuna asturayaa xumaanahiinna, wuuna idiin dembi dhaafayaa. Allaa dambi dhaafe deeq badane ahe.Ó Suuradda al-Anfaal: Aayadda 29.
69. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) waxaa la weydiiyey: Yaa ugu sharaf iyo xurmad badan dadka dhexdiisa oo ugu gobsan? Wuxuu yiri: Kan ugu Alle cabsida badan. Asxaabtii rasuulka Waxay yiraahdeen: ÒSidaa kuma aannu weydiinÓ Wuxuu yiri: Marka waa Yuusuf oo nebi ahaa oo ina nebi ahaa (nabi Yacquub) oo ina nebi ka sii ahaa (nabi isxaaq), oo ina nabi ka sii ahaa ( nabi Ibraahiim), Alle saaxibki. Waxay yiraahdeen: Sidaasna kuma aannu weydiin. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Haddaas ma lafaha Carab-baad i weydiiseen. Marka ogaada kuwaa lahaa sharafta iyo xurmadda Islaamka ka hor, baa sharaf iyo xurmad badan markii ay Islaamaanna, waase markii ay diinta dhuuxaan, oo dhaqan geliyaan.
70. Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒAdduunyadu waa doog waana macaan tahay. Allena xilkeedii buu idiin dhiibay, oo inaad danjireyaal ka noqotaan buu idiin doortay, si uu u eego habka aad uga howlgaleysaan oo aad ugu dhaqantaan adduunka. Marka iska jira dhaldhalaalka adduunka iyo soo jiidashadeeda dhalanteedka ah, iyo fasaadka ka dhalanaya la xiriir (aan sharci aheyn) ee dumarka (iyo in hawooyinkooda aan sharciga waafaqsaneyn laga yeelo). Reer banii IsraaÕiil fidmadii u horraysey waxay kaga timid xagga dumarka.Ó (Muslim)
71. Cabdullaa ibn Mascuud (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebigu (S.C.W.) ku duceysan jirey: ÒAlloow waxaan kaa baryayaa hanuun, Dhowris xilka iyo waajibka aad i saartay, dhawrsanaan iyo kheyr xaggaaga ah (iyo ka deeqtoonaan Aadane)Ó. (Muslim) 72. Caddayi ibn Xaatim (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebigu (S.C.W.) yiri: ÒHaddii uu qof ku dhaarto oo ballan qaado inuu camal falaa oo dabadeed arkaa camal kale oo ka wanaagsan kii hore, waa inuu falaa camalka wanaagsan ee dambeÓ. (Muslim)
73. Abuu Umaamah al-Baahili (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu dhageystay khudbadii nebiga (S.C.W.) uu jeediyey xajkii sagootiga khudbaddaas oo uu ku yiri: ÒXurmad iyo tixgelin gaara siiya Alle iyo amarradiisa, oo ooga shanta salaadood maalin waliba, bisha Ramadaan sooma, bixiya sekada, maqlana oo adeeca kuwa xilka iyo masÕuuliyadda idin haya (oo waxaan xumaan aheyn ku adeeca) Waxaad geli doontaan markaa Jannada Rabbigiin.Ó (Tirmidi) wuxuuna yiri waa xadiis Xasan ah.
Fiiro gaar ah: luqad ahaan macnaha taqwada waa inad ka joogto oo aad naftaada ka celiso wixii u xun oo dhib u leh. Xagga Xadiiska iyo QurÕaankase taqwo waxaa loola jeedaa inaad maanka joogto ugu heyso Alle, ood ka cabsato, xusuusnaato daaÕin iyo abad, wuxuu ku faray ku fartoonto, wuxuu kaa reebayna ka reebtoonto, taasna waxay kuu horseedeysaa oo ku siineysaa aragti iyo ileys aad ku kala saarto samaha iyo xumaanta, dareenka iyo fahamkaasi qofku wuxuu ku hoggaaminayaa xagga samaha iyo kheyrka, kana hor istaagayaa xumaha iyo sharka oo idil.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 26. ÒMarkii muÕminiintii dhabta ahaa ay kooxihii isa soo baheystay ee gaalada ahaa arkeen waxay yiraahdeen: Waa kan wixii ay Alle iyo rasuulkiisu noo yabooheen., Alle iyo rasuulkiisu run bay sheegeen. Umana dordhin waxaan aheyn iimaan, isdhiibid iyo sugnaasho.Ó Suuradda al-Axsaab: Aayadda 22
Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye: 27. ÒWaa kuwii dadku ku yiri: Dadkii baa isu kiin soo bahaystay, ee ka cabsada. (Khatartii lagu handaday ) waxba uma dhiman iimaan uun baa u siyaaday maahee waxayna yiraahadeen: Allaa nagu filan wax laÕisku halleeyana u fiicanÓ Waxay markaas la laabteen nicmo iyo gallad Alle, dhibaatona ma taaban. Waxayna raaceen raallinnimadii Alle, Allena waxaa u sugnaaday gallad aan goÕeynÓ Suuradda aali-Cimraan Aayadaha: 173-174.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 28. ÒTalo saaro oo isku halle noolaha aan dhimanaynÓ Suuradda al-Furqaan: Aayadda 58.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 29. ÒMuÕminiintu Alle oo keliya ha talo saarteen, oo ha isku halleeyaanÓ. Suuradda Ibraahiim: Aayadda 11.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 30. ÒMarkii aad goÕaan gaartid, Alle oo keliya talo saaro oo isku hallee.Ó Suuradda ali-Cimraan Aayadda 159.
Wuxuu kaloo Alle yiri hufnaaye: 31. ÒQofkii Alle talo saarta oo isku halleeya waa ku filan yahayÓ. Suuradda ad-Dalaaq Aayadda: 3
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 32. ÒWaa iyaga oo qura muÕminiinta dhabta ah kuwa markii Alle la xuso qalbiyadoodu baqaan, markii aayadihiisa loo akhriyana iimaanka uga kordho, Rabbigoodna ku kalsoon ee talo saartaÓ. Suuradda al-Anfaal: Aayadda 2.
74. Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒWaxaa laygu tusay (riyo ama ilhaan) Ummada badan. Markaasaan waxaan arkay Nebi dhowr qof ay ka raacday ummadiisa, nabiyaalna waxaa raacay oo ay wateen qof iyo labo ummaddiisa ka mida, nebina arkay aan qofna raacin dadkiisii. Misna si kedis waxan arkay higil madow waxaan moodey ummaddaydii, waxaase laygu yiri: Waa Muuse iyo ummaddiisii ee xaggaa sare eeg. Waa eegay mise higil madow baa ka muuqda. misna waxaa la yiri: xagga kalena eeg, waa eegay higil madow baa ka muuqda. Markaa baa waxaa la igu yiri: Waa Taas ummaddaadii, waxaana ka mid ah toddobaatan kun oo qof oo jannada galaya xisaab ama ciqaab laÕaan. Dabadeedna nabigu (S.C.W.) inta kacay buu qolkiisii galay, asxaabtiisiina waxay bilaabeen inay isweydiiyaan qoladaas la sheegay inay galayaan jannada xisaab ama dhib laÕaanta. Qaar waxay yiraahdeen: Waxay noqon karaan dadkii waqtiga nabiga joogay ee rumeeyey. Qaarna waxay yiraahdeen: waxay noqon karaan dadkii diinta ku dhashay oo aan Alle waxba u shariig yeelin. waxyaalo kalena waa la sheegsheegay. Nebigii baa (S.C.W.) intuu maqlay ka soo baxay qolkiisii oo weydiiyey: Maxaad ka sheekaynaysaan? waa loo sheegay. Wuxuu yiri: ÒWaa dadkaÕ aan tahliisha tufin, loona tufin, waxna aan baasaysanin, Rabbigoodna talo saarta. Cukaasha ibn Muxsin (A.K.R.) baa inta istaagey yiri: iigu ducee in Alle iga mid dhigo kuwaa. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Adigu Ka mid baad tahay. Nin kaloo saxaabi ah baa isna istaagey oo yiri: Anigana Alle ii bari inuu iga mid dhigo. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: Cukaasha ayaa kaaga hormaray.
75. Ibn Cabbaas (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebigu (S.C.W.) ku duceysan jiray: ÒAlloow Adiga ayaan isku kaa dhiibey, Adiga ayaana aan ku rumeeyey, Adiga ayaana ku talo saartay, Adiga ayaan kuu soo noqday, Adiga ayaana arrintayda ugu xukuntamayaa oo gar soor uga dhiganayaa, Alloow! awooddaadaan magan u ahay; Ilaah xaq ahi ma jiro adiga maahee, ee Alloow iga dhowr ka dhumid xaqa aan ka lumo. Adiga weeyaan noolaaha aan dhimanayn, halka Jinka iyo Insigu dhimanayaan.Ó (Bukhaari iyo Muslim)
76. Ibn Cabbaas (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebi Ibraahiim markii dabka lagu riday erayadii uu ku dhawaaqay ay ahaayeen: ÒXasbunallaah wanicmal wakiil.Ó ÒWaxaa igu filan Alle, wax la isku halleeyana waxaa u fiican Isaga.Ó Sidaa oo kalena waxaa yiri rasuulkii Alle Muxammad (S.C.W.) kolkii loo sheegay in dad isu soo baheystay oo sidaa awgeed la yiri naftiinna u baqa, arrintanina waxay oo keliya u kordhisay isaga iyo muslimiintii imaankii ay ku qabeen Alle, waxayna yiraahdeen isaga iyo muslimiintii: Waxaa nagu filan Alle Laysku halleeyaa fiicanna waa Isaga.Ó (Bukhaari)
77. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu sheegay in nebigu (S.C.W.) yiri: ÒDad badan waxay geli doonaan jannada kuwaa oo ay quluubtooda noqon doonto sida quluubta shimbiraha, taana macnaheeda waxaa weeye quluubtoodaa waxay noqoneysaa sida quluubta shimbiraha, mise waxay noqon doonaan kuwa qaneeco leh, ama quluubtoodaa noqon doonta mid jilicsan cabsi Alle darteed, (taa oo keeneysa inay jannada galaan)Ó. (Muslim)
78. Jaabir (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu la socday nebiga (S.C.W.) oo dagaal jihaad ah ugu socday dhinaca Najd, markii dagaalkii dhammaadayna uu la soo laabtay. goor harsimaad ah baa wuxuu duulkii soo gaaray tog leh gedo qodxa badan, halkaasoo rasuulku (S.C.W.) harsaday geed qurac ah, asxaabtiisiina ay kala firidhay iyadoo qof waliba har wanaagsan dayanayo. Nabigu wuxuu surtay seeftiisii laan ka mid laamihii geedka, seexadayna. Innaguna sidoo kale baynu u nasaneynay, mise goor dambe baan maqallay Nebigii (S.C.W.) oo noo yeeraya. waa u nimid si degdeg ah mise nin reer miyi ah baa agtiisa fadhiya. Nabigu (S.C.W.) wuxuu innagu yiri: ÒNinkani anigoo hurda yuu seeftaydii iila baxay. Waxaan toosay iyadoo gacanta ugu jirta oo gal laÕ wuxuuna igu yiri: Yaa hadda iga kaa badbaadin kara? Waxaan ku iri: Alle baa iga kaa badbaadinaya kuna celceliyey weedhaa seddex jeer. Nabigu (S.C.W.) sare buu u soo fariistay, waxnana ma yeelin ninkaasiÓ. (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kale ee xadiiska oo isla jaabir (A.K.R.) laga soo xigtay waxay aheyd: Waxaynu la soconnay rasuulkii Alle (S.C.W.) dagaalkii Daatir Riqaac. Waxaan nimid geed hoos weyn markaasaan uga tagnay (Nebiga) inuu ku nasto. Waxaa yimid nin mushrig ah arkayna seeftii nabiga (S.C.W.) oo geedka ku suran, seeftii buu inta galka kala baxay buu ku yiri: Miyaad iga baqeyn? Wuxuu ku jawaabay nabigu: ÒMayÓ Dabadeed ninkii wuxuu yiri: yaa weeye kaa iga kaa badbaadinaya? Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: AllaahÓ Abuubakar Ismaaciili wuxuu intaa ku daray oo kitaabkiisii ku qornaa : Markii uu nebigu (S.C.W.) yiri Alle baa iga kaa badbaadinaya ayaa ninkii gacantiisii seeftii ka dhacday; markaasaa Nebigu (S.C.W.) inta qaatay ku yiri: Yaa hadda adiga iga kaa badbaadinay? Ninkii wuxuu yiri: Noqo qaataa kheyr leh. Nabigu (S.C.W.) wuxuu weydiiyey: Ma aad qireysaa ilaah xaq ah aan Alle ahayni inuusan jirin, iyo inaan aniguna ahay Rasuulkiisii? Ninkii waa diiday wuxuuna yiri: Laakiinse waxaan kaa ballan qaadayaa inaanan kula diririn, cid kula diriraysana kuula soo safan. Nabigu (S.C.W.) waa uu sii daayey. Qoladiisii buu ku laabtay oo ku yiri: Waxaan idiinka soo laabtay oo xaggiisa ka imid ninkii u fiicnaa dadka.
79. Cumar bin Khaddaab (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒWaxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: Haddii aad taladiinna oo dhan saarataan Alle oo u rumeysaan si dhan oo dhab ah wuxuu idiin irsaaqi doonaa sida uu u irsaaqo shimbiraha. Waxay kallahaan subaxii iyagoo calool maran, waxayna soo noqdaan iyagoo calool buuxa oo dheregsan galabtii.Ó (Tirmidi) wuxuu yiri waa xadiis xasan ah.
80. Baraa ibn Caazib (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigaa (S.C.W). ii dardaarmay oo igu yiri: Markii aad seexanaysid habeenkii ku duceyso ducadan: Allaahumma aslamtu nafsii ileyka, wawajahtu wajhii ileyka, wafawwad-tu amrii ileyka, waljaÕtu dahrii ileyka, raqbatan wa rahbatan ileyka, laa maljaa walaa manjaa minka illaa ileyka, aamantu bikitaabika alladii ansalta, wanabiyyaka alladii arsalta. oo macnaheedu yahay: ÔAlloow adaan naftayda kuu dhiibey, wejigayga kuu jeediyey, arrinkayga kuu bandhigay, dhabarkayga ku magan geliyey, cabsi iyo rajo aan kugu qabo awgeed meel loo hirtaa oo lagaaga carari karo, iyo meel la nabad galo midna ma jirto xaggaaga maahee. Waxaan rumeeyey kitaabka aad soo dejisey iyo nebiga aad soo dirsatay. Marka haddaad habeenkaa dhimato waxaad dhiman adigoo xalay dhalay ka ah dambi oo dhan, haddii uu waagu kuu beryana khayr buu kuula beryayaaÕ. (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kale oo isla Baraa laga soo xigtay waxay aheyd: Nebigaa (S.C.W) wuxuu igu yiri: ÒMarkii aad u diyaargarowdo inaad seexatid weeseyso, dabadeedna dhinaca midig u jiifso oo ku duceyso ducadii aynu soo sheegnay hana ahaato ducadaa hadalkaaga kuwii u dambeeyey (intaadan seexan ka hor.) (Bukhaari iyo Muslim)
81. Abuu Bakar as-Siddiiq (A.K.R.) bin Cabdullaah bin Cusmaan bin Caamir bin Cumar bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah bin Kacab bin Luway bin Qaalib al-Qurashi al-Taymii oo isaga iyo aabbihi iyo hooyadi intaba saxaabi ahaa waxaa laga soo xigtay: hadalkan: Kolkii Rasuulkii Alle (S.C.W.) iyo anigu aan ku dhuumaneynay godkii ayna na baadi goobayeen qolooyinka Makka, ayaan waxaan arkay cagihii mushrikiinta oo dushayada ah oo godka afkiisa debedda ku sugan. Waxaana iri: Rasuul Alloow, haddii uu midkood cagihiisa fiirin lahaa waa ina arki lahaa. wuxuu yiri: ÒAbuu Bakaroow bal ka warran labo Alle uu ku yahay seddex.Ó (Bukhaari iyo Muslim)
82. Umm Salamah (A.K.R.) (Hooyadii muÕminiinta) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) markuu guriga ka baxayo wuxuu oron jirey ducadan: Bismillaah, tawakaltu calallaah, Allaahumma innii acuudu bika an adilla aw udalla, aw azilla, aw uzalla, aw adlima aw udlama, aw ajhala aw yujhala calyya.Õ Waxaan ku baxayaa magaca Alle, anigoo kalsooni buuxda ku qaba. Alloow, waxaan kaa magan gelayaa inaan wax dhunsho ama la i dhumiyo ama aan sidbado ama la isidbiyo, ama aan wax dulmiyo ama la i dulmiyo ama aan wax ku edebdarrooda ama la igu edeb darroodoÓ. (Waa Xadiis saxiix ah, waxaana weriyey Tirmidi & Abuu daawuud)
83. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: ÒQofkii yiraahda markuu guriga ka baxayo: Bismillaahi, tawakaltu, calallaah, walaa xawla walaa quwwata illaa billaah, oo macnaheedu yahay (Waxaan ku baxayaa magaca Alle, anigoo kalsooni buuxda ku qaba iskuna halleynaya; Waa Alle midka bixiya awoodda xumaha iyo gefka lagaga leexdo, ama bixiya awoodda aad samo ku fashoÓ Ninkii sidaa yiraahdaa waa nin xaqii la tusay, xumaan iyo sharna laga hayey, shaydaankuna waa ka fogaadaaÓ. (Tirmidi, NisaaÕi iyo Abuu Daawuud)
Abuu Daawuud wuxuu ku kordhiyey: ÒShaydaan baana wuxuu ku yiraahdaa mid kale oo saaxiibkii ah ÔMaxaad ka tareysaa nin la hanuuniyey, la kaafiyey, oo la dhowrayna?Õ.
84. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Waqtigii Nebiga (S.C.W.) waxaa jirey laba nin oo walaalo ah; midkood nebigu (S.C.W.) u adeegi jiray, midna camalkiisuu raacan jiray. Maalin baa kan dambe nebiga (S.C.W.) uga soo eed sheegtay walaalki una sheegay inuusan noloshiisa wax u kasban. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ugu jawaabay: waxaa laga yaabaa in laguga irsaaqo dartiis.Ó (Tirmidi baa sanad saxiix ku weriyey)
Fiiro gaar ah: Tawakkul waa eray af Carabi ah, luqad ahaanna waxaa weeye inaad ku tiirsanaato cid uun. Diin ahaan waxaa loola jeedaa tawakulka inaad Ilaahay ku kalsoonaato, ku tiirsanaato, isku halleyso, imaankana ku qabto oo aad talo saaratid; Waase in la kala saaraa tawakulka iyo tawaakulka. Nimanka suufiyiinta waxay ka qaateen macno ah in meel layska fadhiyo, oo aan la xoogsan, waxsabab ahna aan lala iman. Taasoo runtii ceeb ku ah diinta, waxna u dhimeysa bilicda iyo wanaaggeeda.
Waxaa la doonayaa inaad Alle talo saarato adigoo wixii sabab ahaa oo aad kartey oo dhan la yimid, aad yiqiinsatidna marka qorshe iyo hab maamul wanaagsan aad arrintii ku sameyso inay isku dubba dhaceyso oo ay guuleysaneyso hadday dani inoogu jidho Allena uu gacan nagu siinayo. Sidaa baana Tawakkulka dhabta ah.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 33. ÒUgu toosnow siraadka mustiqiimka ah (jidka toosan ee xaqa ah) sida laguu farayÓ. Suuradda Huud: Aayadda 112.
Wuxuu kaloo yiri sare ahaaye: 34. ÒKuwa yiraahda: Rabbigayo waa Allaah; dabadeedna toosnaada, malaaÕig baa ku soo degta (kuwaa markay dhimanayaan oo ay naftu ka sii baxeyso) ku leh: Ha cabsannina, ha murugoonnina, oo ku bishaareysta Jannadii la idiin yaboohay. Annagaa ah gacalkiin idin dhowraya adduun iyo aakhiroba. Xagga Jannadana waxaa idiin yaal wixii ay naftiinnu rabto oo dhan iyo wixii aad u yeerataanbaÕe. waana martiqaad ka sugnaaday dambi dhaafe naxariis badanÓ Suuradda Fusilat: Aayadaha 30 -32.
Wuxuu kaloo yiri Alle weyne: 35. ÒKuwii yiri: Rabbigayo Waa Alle, dabadeedna xaqa ku toosnaaday oo aan dhinacna uga leexin, cabsi korkooda ahaanmayso iyo murugo. Waana ehlu Janno kuwaasu, dhexdeedayna ku waarayaan, Camalkii wanaagsanaa ay falan jireen dartiÓ Suuradda al-Axqaaf: Aayadaha 13,14.
85. Sufyaan ibn Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan ka codsaday Rasuulkii Alle (S.C.W.) arrintan anigoo ku iri: Waxaad iga siisaa cashar dhan iyo daris waantow iyo hanuun leh Islaamka oo aanan dabadaa waydiineyn cid kale. Wuxuu yiri (S.C.W.) ÒDheh: Alle ayaan Rumeeyey, dabadeedna xaqa raac oo ku toosnowÓ. (Muslim)
86. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒRaaca mabaadida iyo qodobbada diinta oo si wanaagsan u dhowra, ahaadna xaqaaniyaal jidka Alle ku toosan: oo ogaada inuusan qofkiinna camalkiisa ku badbaadi karin. Nin baa wuxuu weydiiyey: Ma xataa adiga nabi Alloow? Wuxuu yiri: Òxataa aniga, in Alle naxariistiisa iyo galladdiisa i dhex geliyo maaheeÓ. (Muslim)
Fiiro gaar ah: Culimadu waxay yiraahdaan ku toosnaanta xaqa waxaa loola jeedaa inaad Alle adeecdo, oo awaamirtiisa aad fuliso qowl iyo ficil; farid iyo reebid, iyo inaad noolaato nolol aad ugu hoggaan santahay addoon dhab ahna ugu tahay Allahii ku abuuray.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 36. ÒKu dheh (Muxammadow) Waxaan idinku waaninayaa hal masÕalo, waa inaad dar Alla laba labo iyo mid mid ugu istaagtaan dabadeedna fekertaanÓ Suuradda Saba: Aayadda 46.
Wuxuu kaloo yiri: kor ahaaye: 37. ÒAbuurista cirarka iyo dhulka iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta, calaamooyinbaa ku jira muujinaya (awoodda iyo ku keli ahaanshada Alle maamulka uunka iyo mulkigiisa iyo mudnaantiisa keligi cibaadada) waxayna ugu jirtaa kuwa wax garadka ah. Kuwa xusa Alle, joog, fadhi, iyo jiifba, oo ka fakara abuurista cirarka iyo dhulka oo (yiraahda) Rabbiyoow waxakan dheel uma aadan abuuran. Adaa Hufan! Innaga dhowr cadaabta naarta. Suuradda aali-Cimraan: Aayadaha 190 - 191.
Wuxuu kaloo yiri Alle hufnaaye: 38. ÒMa waysan fiirinay geela, sida loo abuuray? iyo cirka, sida loo bilay? iyo buuraha, sida loo qotomiyey? iyo dhulka, sida loo goglay? Waani, waaniye kaliyaad tahayeÓ Suuradda Al-Qaashiya: Aayadaha 17 - 21.
Wuxuu kaloo yiri Alle weyne: 39. ÒMa weysan dhulka marin oo fiirin ciribta qoomankii iyaga ka horreeyey? Suuradda Muxammad; Aayadda 10.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: 40. ÒKhayraadka ku tartamaÓ Suuradda al-Baqara: Aayadda 148.
Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye: 41. ÒU tartama dambi dhaafka Rabbiggiin iyo Janno balleceedu leÕegyahay cirarka iyo dhulka oo loo diyaariyey kuwa iska dhowra xumaha ÒSuuradda aali-Cimraan: Aayadda 133.
87. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ku dadaala Camalka san, waqtina ha luminina aad ku sameyn kartaan camal suubban waxa imaan doona dhowaan fidmooyin iyo fasaad sida habeen madow ah oo qofka waagu u beryayo isagoo MuÕmin ah, isagoo gaal ahna gabbalku u dhacayo, ama isagoo muÕmin ah gabbalku u dhacayo, isagoo gaal ahna waagu u beryayo. Wuxuu diyaar qofkii u noqon inuu diintiisa siisto xoogaa wax adduun ahÓ. (Muslim).
88. Cuqbah ibn Xaaris (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan kula tukadey Nebiga (S.C.W.) Salaad Casar magaalada Madiina. Markii uu salaama naqsaday buu inta deg deg u kacay oo dadkii dhexmaray buu wuxuu aadey guryahiisii. Markii deg degtiisa la arkay baa la naxay. Kolkuu soo laabtay, buu wuxuu yiri isagoo sharxaya waxa uu keenay degdegta: Waxaan xusuustay wax xoogaa qalin ama dahab ceeriin ah oo guriga yiil, marka arrintaa baa i welwel gelisay. Waxaan hadda soo qorsheeyey in la qaybsahaaÓ. (Bukhaari)
Werin kale oo xadiiska waxay ahayd: ÒWaxaan guriga uga soo tegey wax xoogaa dahab ceeriin ah oo sadaqo ah, marka waxaanan rabin inuu igu baryoÓ. (Bukhaari)
89. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa maalintii Uxud Nebiga (S.C.W.) wuxuu ku yiri: Haddii la igu dilo dagaalka xaggee aadayaa? Wuxuu ugu jawaabay: ÒJannadaÓ Ninkii xabbado timir ah oo gacantiisa ku jirey buu inta tuuray dagaalkii galay dirirayna jeer u shahiiday. (Bukhaari iyo Muslim)
90. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa Nebiga (S.C.W.) u yimid oo weydiiyey: Sadaqada teebaa u ajar badan? Wuxuu ku jawaabay (S.C.W): ÒTii aad bixiso adoo caafimaad qaba, oo lexe jeclo ku hayso, oo faqri ka baqaya, inaad wax kororsataana ay kugu jirto oo jecel. Ha u dib dhigin bixinta sadaqada inta ay naftu dhuunta ka imanayso, markaasna aad dhahdo: hebel baa intaas leh, hebelna intaas, oo ah goor ay iyadii yeesheen hebel iyo hebel.Õ (Bukhaari iyo Muslim)
91. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu kor u qaaday seef maalintii Uxud oo yiri: Yaa seeftan iga qabanaya? Nin walbaa inta soo taagey gacmaha buu yiri: Aniga, Aniga. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒYaa mudankeeda ku qaadanaya oo gudanaya xilkeeda? ÒSaa waa la is buurtay. Abuu Dujaanah (A.K.R.) baa yiri: ÔAnigaa mudankeeda ku qaadanaya oo gudanaya xilkeedaÕ markaasuu weecda kaga dhigay mushrikiintii.Õ (Muslim)
92. Zubayr ibn Caddiy wuxuu yiri: waxaan u tagnay Anas ibn Maalik annagoo uga eed sheeganayna dhibta Xajjaaj bin Yuusuf (oo ahaa xaakim daalim ah waqtigii xukunkii reer Ummaya). Wuxuu innagula taliyey inaan sabarno yirina: Saman waliba kan xiga ka shar badan oo ka xun. Waxaan sidaas ka maqlay Nebigii (S.C.W.). (Bukhaari)
93. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waqti ha luminina oo fasha camal san ka hor intaan toddoba arrimood oo dhib ah idin qabsan middood. Dabadeed ka digid awgeed buu u tiriyey, faqri feker leh, ama maal kibir leh, ama bugtu silic leh, ama gobow Cantatab leh, ama geeri kedis ah, ama soo ifbaxa Dajjaalka. Waxyaabahaas oo idil waa wax la sugo oo shar badan; ama Saacadda qiyaame, saacaddaana adag oo daran!Ó (Tirmidi baa weriyey oo yiri; waa xadiis xasan ah)
Xadiiskan sanadkiisa dacfi baa ku jira sidaa waxaa yiri alBaani.
94. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Maalintii dagaalkii Khaybar, nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaan u dhiibayaa calanka nin Alle iyo rasuulkiisuba jecel yihiin oo guusha Alle isaga raacin doono. Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Marnaba ma doonin madaxnimo, laakiinse maalintaas keliyaan jeclaaday in fursaddaas la i siiyo. Wuxuuse nebigu (S.C.W.) u yeeray Cali ibn abii Daalib una dhiibey calankii oo yiri: ÒSoco oo gadaal ha soo dhugan jeer guusha Alle ku siiyoÓ Cali (A.K.R.) markii sidaa lagu yiriba, inta xoogaa socday oo markaa istaagey isagoo aan gadaal soo dhugan ku weydiiyey cod sare suÕaashan: Rasuulkii Alloow (S.C.W.) maxaan dadka ku la diriraa? Wuxuu ku jawaabay: ÒLa dirir intay ka qiraan inuusan jirin cid caabudaad mudan Alle maahee, iyo in Muxammad yahay rasuulkiisii. Haddii ay sidaas yeelaan, dhiiggooda iyo maalkoodiiba waa in la nabad geliyaa oo aan lagu xadgudbin. (dabcan) waxaa saaran wixii xil iyo waajib ah oo shareecadu fartay sharcigaana lala tiigsan haddii ay la yimaadaan ashahaadada wax waxyeelaya, Waxayna saaran tahay xisaabintooda oo ku shaq leh wixii u qarsoon Alle.Ó