HORDHACA SHEEKH ABUU MUXAMMAD CADNAAN


Waxaa ammaan iyo mahad oo dhan iska leh Allihii barbaariyay Caalaminta. Naxariis iyo Nabadgelyo Rasuulkii Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, korkiisa ha ahaato, Rasuulkaasoo ah kuwa la soo diray oo dhan kan ugu sharaf badan, Hoggaamiyeheenna Muxammad bin Cabdullaahi, Nabiga Ummiga ah, oo aan wax dhigi karin waxna akhrin karin, iyo Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa iyo intii Raacdaba ilaa Maalinta Xisaabtanka. Ka bacdina:

Ummad kasta waxay taariikhdeeda ku leedahay rag waawayn iyo hoggaamiyayaal u sbab noqda inay ummaddaasu yeelato xoog iyo awood ay ummadaha kale uga sare maraan, ayna ku noqdaan kuwo aan umadaha kale ka adkaan karin. Hoggaamiyayaalkaasu waa kuwa ummaddasu ku faanto.

Ummaddaas waxay hoggaamiyayaalkeedaas noloshooda ku dhigtaa kutubbo, si markay dhintaan kaddib u noqdaan kuwo ku nool xusuusta jiil kasta ee ummadddas ka mid ah.

Kutubadaas waxay ka helaan siday u noolaayeen raggaas waawaynaa, markaas ayay ku daydaan. Lama hayo, oo ma jirto, ummad umadah ka mid ah, iyo shacbi shucuubta ka mid ah, oo dhigay wax la mid ah oo u dhigma sida ay muslimiintu u diiwaan geliyeen nolosha Nabigoodii waynaa Muxammad bin Cabdullaahi, (S.C.W.). Waxaa kutubbo lagu dhigay, oo sidaas loo diiwaan geliyay, Xadiithkiisii, Siiradiisii oo ah noloshiisii iyo abuuriddiisii oo ah sidii uu u ekaa, Nabigaan Kariimka ah. Waxaa la dhigay tilmaamihiisii siduu u ekaa, erayaduu ku hadlay iyo ficilkiisii, dhaqdhaqa jirkiisa iyo degganaanshihiisii, iyo guud ahaan noloshiisii oo dhan. In intaas oo idil si tifaftiran oo sugan loo diiwaan geliyo waxaa suurta geliyay manhajka ay muslimiintu ku dhaqmaan markay dhigayaan ktubbo ku saabsan Quraanka Kariimka ah iyo Sunnada Shariifka ahba. Manhajkaas ama habkaasba waxaa hindisay muslimiinta, ummad kale oo la wadaagtana ma jirto. (Haddaan manhajkaas hal waji kali ah tilmaanno, waxaan tusaale ahaan usoo qaadaneynaa in Xadiithku u qaybsan yahay Saxiix la hubo inuu hadalkaas yiri ama ficilkaas falay Nabi Muxammad (S.C.W.) sharci ahaanna lagu dhaqmayo, Xasan oo ah martabada ku xigta, Daciif oo guud ahaan aan lahayn awood xujjo sharciyeed, Mawduuc, oo ah Xadiith been ah. Habkaas, ama manhajkaas ayaa suurtageliyay in noloshii iyo Xadiithkii runta ahaa ee Nabi Muxammad (S.C.W.) siduu ahaa loo dhigo oo loo diiwaan geliyo. Caddayntaan waxaa ku daray dhigaha kitaabkaan.

Shaki kuma jiro in manhajkaasu yahay hab ay muslimiintu keligood gooni u leeyihiin, ayaguna ay bilaabeen oo cid uga horreysay ayan jirin. Mirihii ka dhashay diiwaan gelinta noloshii Nabigaan Kariimka ah (S.C.W.) gooni uma ahayn muslimiinta oo keli ah, maxaa yeelay gaar ahaan Rasuulkaan, oo uu kaga duwan yahay Rusushii kale oo dhan, waxaa loo soo diray dadka oo idil, Asagoo kuwa rumeeyana u bishaareynaya, kuwa diidana u digaya. Sidaas ayuu wuxuu u ahaa kii ugu khayr badan Nabi la soo diro iyo kii ugu kariimsanaa Rususha. Waxay Tarmathi iyo Daarimiy ka wariyeen Cabdullaahi bin Cabbaas, kulligood Allaha raalli ka noqdee, inuu Nabiga (S.C.W.) ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:

Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) waa midka ugu wayn oo lagu daydo iyo Tusaalaha Kariimka ah, sida uu Ilaahay (S.W.T.) Aayadda 21 ee Suuratul Axzaab ku yiri:

Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Waxaa idiinku sugan Rasuulka Eebe ku dayasho wanaagsan, ruuxii rajayn Eebe iyo Maalinta Aakhiro, Eebana xusa in badan". Waxaa habboon in ficilkiisii iyo hadalkiisii iyo tusaalooyinkiisii aan ka dhiganno miisaanka aan ku qiyasanno hadalkeenna iyo ficilkeennaba. Waxaan ku mahdinaynaa Ilaahay, Cazza wa Jaalla, inuu naga mid yeelay Ummadda Nabigaan Kariimka ah oo aan rumaynnay, aanna jecelnahay. Waan daafici doonnaa Diintiisa, shareecadiisa iyo Sunnadiisa, annagoo aan asaga arag lana kulmin, taasoo sharafta ugu wayn ka sii sharaf badan. Wuxuu Imaam Axmad ka wariyay Ibn Muxayriiz inuu yiri:

Intaas ka sokow, waxaa walaalkayga xagga Ilaahay, faadilka ah, camalka suubanna badiya, Dr. Xassan Sheekh Xuseen, Ilaahay ha ilaaliyee hana ku anfacee, uu ii akhriyay kitaabkaan uu ka dhigay abtirsiinyaha Kii la Doortay, Caleyhissalaatu Wassalaam, uuna ku kordhiyay baaritaan loo bogo, waxtarna leh. Waxaan kitaabkaan uu ii akhriyay arkay inay ku dhigan yihiin macluumaad iyo warar tifaftiran oo run ku dhisan, aadna loogu bogo. Waxaan Ilaahay waydiisanaya, Cazza wa Jalla, inuu u badiyo ajarka, uuna uga dhigo kayd miisanka xasanaadkiisa Maalinta Qiyaamaha, uuna ku anfaco walaalahay, wiilal iyo gabdhaba, ee ka mid ah jaaliyaadka Soomaaliyeed ee ku sugan Dalalka Galbeed. Waxaan Ilaahay waydiisanayaa, Cazza wa Jalla, inuu Dalkoodii Soomaaliya ahaa ku celiyo, kuna makaniyo, Asagoo ka fogeeyay tiiraanyo iyo balaayo. Asagaana kaas Wali u ah, Qaadirna ku ah. Wal Xamdu Lillaahi, Asagaana na Kaafiyah. Raxmadiisu ha ahaato addomihihiisa uu doortay dushooda.

Waxaa qoray kii Raxmada Ilaahiis faqiirka u ahaa

Abuu Muxammad Cadnaan Muxammad Ibraahiim

Vienna, 28 Rabiicul Awal 1414 H, una dhigantah 14 Septembar 1993