
Mahad iyo ammaan oo dhan Ilaahay ayay u sugnaatay, Allihii barbaariyay
intuu abuuray oo dhan. Naxariista iyo Nabadgelyada Ilaahayna ha ahaato
korka kii ugu sharaf badnaa Rususha la soo diray oo dhan, ahana kii lagu
gunaanaday Nabiyadii oo idil, kii Ilaahay yiri: "kumana aanan dirin
Naxariista caalamka adoo ah mooyee" (Aayadda 107 ee Suuratul Anbiyaa'),
Hoggaamiyaheenna aan jecelnahay, noona shafeeca qaadaya Muxammad, iyo ehelkiisa,
asxaabtiisa iyo intii wanaagga ku raacdah ilaa Maalinta Qiyaamaha. Waxaan
markhaati ka ahay, oo aan qirayaa, inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo
oo aan Ilaahay ahayn iyo in Muxammad yahay kii Ilaahay soo diray, Sallallaahu
Caleyhi Wasallam.
Nabi macnihiisu waxaa weeye, oo waxaa Nabi ah qofka haysta oo xogogaal u ah warka iyo khabarka dadka intiisa kale ka maqan, uuna siiyay Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Asagoo u waxyooday. Lamana amrin inuu akhbaartaas dadka gaarsiiyo.
Rasuul macnihiisuna waxaa weeye kii la diray, midkii inta Risaalo ama dhambaal loo dhiibay la faray inuu dadka gaarsiiyo. Waa Danjire Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, soo dirsaday, una soo dhiibay war uu faray inuu dadka gaarsiiyo. Rusushii Ilaahay soo diray oo dhan, Naxariistii iyo Nabadgelyadii Ilaahay korkooda ha wada ahaatee, isku dhambaal ayaa loo soo dhiibay, sida Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Aayadda 25 ee Suuratul Anbiyaa noogu sheegay:
"Wa maa arsalnaa min qablika min Rasuulin illaa nuuxii ilayhi annahu laa Ilaaha illaa anaa facbuduuni".
Ayadda macneheedu waxaa weeye: "Rasuulkaan hortaa dirayba waxaan u waxyoonnay Ilaah aan Ani ahayn ma jiro ee i caabuda". Sida loo caabudayo waxay ku dhignayd dhambaallada kuwaas la soo diray loo soo dhiibay, oo haddii la soo koobo ah Diinta. Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, agtiisa Diin aan Islaamka ahayn ma jirto, oo waxaan aan maqlaynno ee la yiraahdo krishtaan, yuhuud, hinduus iyo wixii la mid ahba waa magac ay ayagu la baxeen, oo diin Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa soo dejiyay maba aha. Waxaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa Aayadda 19 ee Suuradda Aali Cimraan ku yiri:
"Innaddiina cindallaahi al Islaamu".
Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Diintuna (xaqa ah) Eebe agtiisa waa Islaamka". Asagoo sii caddaynaya, wuxuu Cazza wa Jalla, Aayadda 85 ee isla Suuradda Aali Cimraan ku yiri:
"Wa man yattabic ghayral islaami diinan falan yuqbala minhu wahwa fil aakhirati minal khaasiriina".
Aayadda macnaheeda waxaa weeye: "Ruuxii doona Diin aan Islaamka ahayn laga aqbali maayo, Aakhirana wuxuu noqon kuwa khasaaray". Marka laga bilaabo Nabi Aadan, Caleyhissalaam, ilaa laga yimaado Nabi Muxammad (S.C.W.) Nabiyyadoo dhan waxay ahaayeen muslimiin, oo Nabi Ibraahiim wuxuu ahaa muslim, Nabi Muuse wuxuu ahaa muslim, Nabi Ciise wuxuu ahaa muslim, kulligood Naxariistii iyo Nabadgelyadi Ilaahay korkooda ha ahatee. Diintooduna waxay ahayd Islaam, oo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, sooma dejin diin la yiraahdo Krishtaan, ama Yuhuud, ama Hindus, ama kuwa kaleba. Waxaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Aayadda 31 ee Suuratu Aali Cimraan ku yiri:
"Qul in kuntum tuxibbuunallaaha fattabicuunii yuxbibkumullaahu"
Aayadda macnaheedu waxaa weeye: "Waxaad tiraahdaa, Nabi Muxammadow (S.C.W.) haddii aad tihiin Ilaahay kuwii jecel, Aniga i raaca, Ilaahay markaas ayuu idin jeclaane". Waxaa Bukhaari ka wariyay Abuu Hureyrah, labadaba raalli Allah ka noqdee, inuu Nabiga (S.C.W.) ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:
"Waxaan ku dhaartay midka naftaydu gacantiisa ku jirto inuusan midkiin rumayn (macneheeduna yahay inuusan iimaankiisu kaamil ahayn) jeer uu aniga iga jeclaado waalidkiis iyo ilmihiisa".
Waxaa Bukhaari, Muslim iyo kuwo kaleba ay ka wariyeen Anas bin Maalik, Allah kulligood raalli ka noqdee, inuu Nabiga (S.C.W.) ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:
"Addoonku ma uusan rumayn jeer aan anigu ahaado midka uu ka jecelyahay ehelkiisa iyo maalkiisa iyo dadkoo dhan".
Riwaayad kalena waxay leedahay:
"Addoonku ma uusan rumayn jeer aan anigu ahaado midka uu ka jecelyahay naftiisa".
Waxaa Cabdullaahi bin Hishaam ay ka wariyeen in:
"Cumar bin Khadhaab ayaa wuxuu yiri: Rasuulkii Ilaahayow, nafasaddayda mooyee, shay kasta oo kale adigaan kaa jeclahay. Markaas ayuu yiri Nabigu (S.C.W.) "Waxaan ku dhaartay midka ay naftaydu gacantiisa ku jirto, (Iimaankaagu kaamil ma aha) Maya, jeer jacaylkaad ii qabto uu ka batoh jacaylka aad nafsaddaada u qabtid". Markaas ayaa cumar yiri: Wallaahi hadda adigaan naftayda kaa jeclahay. Markaas ayuu yiri: "Cumarow hadda (ayaa iimaankaagu kaamil noqday)".
Waxaa kutubbada Saxiixa ah Aanas bin Maalik looga wariyay Xadiith macnihiisu yahay:
"Nin ayaa wuxuu yiri: Rasuulkii Ilaahayow, saacaddu (Yawmul Qiyaamaha) waa goormah? wuxuu ku yiri: "Maxaad u diyaarsatay?" wuxuu yiri: waxba, waxaanse jeclahay Ilaahay iyo Rasuulkiisa. Wuxuu ku yiri: "Adigu waxaad la jirtaa (Yawmul Qiyaamaha) cidda aad jeceshay".
Mahad oo idil Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ayaa iska leh, Asagoo igu hanuuniyay dhigidda kitaabkaan, dhigiddiisana ii sahlay. Kitaabkaan iib ma aha, maalna ka dooni mayo oo qofkuu gaaro qof kale oo u baahan ha sii gaarsiiyo. Waxaan ku doonayaa Wajiga Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, oo Khaalis ah, iyo in thawaabtiisu ay kayd agtiisa iigu noqoto, ina siiyo maalin aan maal iyo wiilal wax anfacayn, qofkii Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, qalbi fiyow oo saliim ah ula yimaada mooyaane.
Wixii naaqusnimo iyo qalad ah oo kitaabkaan ku jira, anigay iga yimaadeen iyo shaydaan, wixii suuban oo ku jirana waxaa nagu manneystay Ilaahay, Cazza wa Jalla, oo Keligiis Kaamilnimo u sugnaatay.
Waxaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, weydiisanayaa inuu kitaabkaan iga aqbalo, intii akhrisatana uu u noqdo mid wax tara. Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, tan suuban ha na waafajiyo, wa Sallallaahu calaa Sayyidinaa Muxammadin, wa calaa Aalihi, wa Asxaabihi wa man tabicahu bi ixsaanin ilaa Yawmiddiini, wa Sallam Tasliiman kathiiran.
Addoonkii Raxmada iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqiirka u ahaa : Xassanweli Sheekh Xuseen Cismaan Vienna (Austria), Septembar 1993
Cinwaankuna waxaa weeye: Grimmelshausengasse 12 A-1030 Vienna - Austria
Fax: 713 73 27 Telephones: 712 67 85 iyo 713 81 52