Abtirsiinyaha Shariifka ah ee Nabi Muxammad (S.C.W.)

Magaciisu waa Muxammad, bin Cabdullaahi, bin Cabdul Mudhalib, bin Haashim, bin Cabdu Manaaf, bin Qusayy, bin Kilaab, bin Murrah, bin Kacb, bin Luwayy, bin Ghalib, bin Fihr, bin Maalik, bin Nadr, bin Kinaanah, bin Khuzaymah, bin Mudrikah, bin Ilyaas, bin Mudar, bin Nizaar, bin Macaddah, bin Cadnaan.

Abtirsiinyahay kor ku qoran ee Sayyidkeenna Muxammad (S.C.W.) inuu run ahaantii sidaas yahay way isku waafaqsanyihiin dadka cilmiga abtirsiinyaha ku xeel dheer. Dadkaas cilmiga abtirsiinyaha ku xeel dheeri waxay isku khilaafsan yihiin abtirsiinyahay Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) marka laga bilaabo Cadnaan ilaa laga gaarsiiyo Nabi Ismaaciil, oo ah ina Nabi Ibraahiim.

Waxayse dhammaantood isku waafaqsan yihiin inuu abtirsiinyihiisu (S.C.W.) uu galo Nabi Ismaaciil, ina Nabi Ibraahiim, kulligood Naxariistii Ilaahay korkooda ha ahaatee. Imaam Maalik, Allaha Raalli ka noqdee, wuu kahday in abtirisiinyaha Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) Nabi Aadan la gaarsiiyo, sababtoo ah ayadoo uusan abtirsiinyahasu sugnayn. Waxaa Cabdullaahi bin Cabbaas, Allah ka wada raalli noqdee, laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) markii abtirsiinyihiisa kariimka ah Cadnaan la gaarsiiyey uu yiri:

Dadka abtirsiinyaha ku xeel dheer waxay isku raacsanyihiin in Mudar, oo ah awoowah 17 e Nabi Muxammad (S.C.W.) iyo Rabiicah ay yihiin ilmihii Nabi Ismaaciil, Caleyhi Assalaam. Waxa hubaal ah in nasabka Nabi Muxammad (S.C.W.) ee kor ku qoran uu yahay nasabka ugu sharaf badan inta Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, khalqi uu abuuray. Waxaa Cabbaas, Nabiga adeerkiis, Allaha raalli ka noqdee, laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) uu yiri:

Saxaabiga Waathilah bin Al Asqac wuxuu wariyay in Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) uu yiri:

Awoowayaalkiis (S.C.W.)

Cadnaan

Magaca Cadnaan waxaa laga soo qaatay erayga Cadan, oo macneheedu yahay "meel lagu nagaado, oo lagu waaroh" sida Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Quraanka Kariimka ah ugu yiri: "Jannaatu Cadnin", oo macneheedu yahay: Jannooyin dhexdooda lagu waaroh.

Macaddah

Magaca Macaddah wuxuu ka soo askumay ficilka ah: Tamaccada, oo macnihiisu af Soomaali ku yahay adkaaday, adeygiisu batay. Macaddah wuxuu ahaa nin xarbi iyo weerarro badan, uu kula dagaallamayo ubadkii Nabi Ismaaciil. Lama arag dagaal uu galo oo uusan guusha qaadannin. Macadda waa awoowaha Carabta, oo asaga ayey ku abtirsadaan.

Nizaar

Magaca Nizaar wuxuu ka yimid nizaarah, macneheeduna yahay: tiro yar oo aan badnayn, naadir ah. Nizaar wuxuu ahaa kan ugu qurxoon dadka zamankiisa, uguna caqli raajixsan.

Mudar

Magaca macnihiisu waxaa weeye: cad ama saafi. Eraygu wuxuu ka yimid mudaar, oo ah caanaha garoorka ah: allabanul mudaar. Mudar wuxuu ahaa nin qurux badan, lamana arag qof arkay oo aan jecleysan. Xikmooyinka ka haray waxaa ka mid ah hadalkiisii ahaa: "Khayr kan ugu khayr badan waa midka deg deg loo sameeyo. Sidaas daraadeed nafafyaalkiinna ku xambaara waxyaalka ay kahaneyso, kana leexiya hawooyinkooda fasaadinay. Suubanaanta, saalixnimada iyo fasaadka uma dhexeeyo waxaan ahayn sabir la sabro inta u dhexeysa laba jeer oo xoolaha la maalo".

Mudar wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey oo geela u heesa, oo heesiddiisaas ku hoggaamiya oo ku wada. Waxaan ognahay inuu geelu jecelyahay in loo heeso, oo qofkii u heesa uu u hoggaansamo oo uu oggolaado. Mudar wuxuu ka mid ahaa dadka aad u cod qurxoon.

Ilyaas

Asalka magacaan waa la isku khilaafsan yahay. Dadka qaarkood waxay yiraahdeen asalkiisu waa Yaais, oo macnihiisu yahay midkii quustay oo aan rajo lahayn. Dad sidaas qaba waxay leeyihiin sababta magacaas loogu bixiyey waxaa weeye ayadoo uu dhashay kaddib markii aabihii duqoobay, oo uu ilmo ka rajo beelay. Markaas asalka magacu wuxuu nooqonayaa: Al Yaa'is, oo ah midkii quustay.

Qaar kale waxay leeyihiin asalka magacu ma aha Al Yaa'is, halkaasoo alifku kor dhaban yahay, ee waa Ilyaas, oo alifku hoos dhaban yahay: markaas macnihii hore meesha waa ka baxayaa. Ilayaas wuxuu carabta dhexdeeda ka ahaa sida Luqmaan Al Xakiim uu dadkiisa dhexdiisa ka ahaa. Xikmooyinka Ilayaas waxaa ka mid ahaa: "Qofkii khayr abuurta farax ayuu goostaa; qof shar abuura shallayto ayuu goostaa"

Mudrikah

Waxaa la yiri Mudrikah magaciisu wuxuu ahaa Caamir, waxaana koofaartaas u bixiyey aabihiis, markii uu geeloodii, oo asaga iyo walaalkiis ilaalinayeen inta la dhacay uu ka daba tegey oo uu soo celiyey: Mudrikah macneheedu waxaa weeye "kii gaaray oo soo dhiciyey".

Khuzaymah

Khuzaymah hooyadiis waxay ka dhalatay reer Qudaacah, waxayna dhashay asaga iyo wiil kale. Khuzaymah wuxuu lahaa afar caruur ah, oo midkood Kanaanah ahaa. Khuzaymaha wuxuu dhalay afar wiil: Kinaanah, Asad, Asada iyo Al Hun.

Kanaanah

Kanaanah wuxuu dhalay afar wiil: Al Nadr, Maalik, Abdul Manat iyo Milkaan.

Al Nadr

Magacaan macnihiisu waxaa weeye: dahabka guduudan.

Maalik

Maalik hooyadiis waxaa la oran jirey Caatikah bintu Cadwaan bin Camru bin Qays bin Ciilaan

Fihr

Fihr waxaa afka carabiga lagu yiraahdaa dhagaxa gacanta buuxiya, ama dhagax gacan muggeed ah. Fihr waa odayga uu qabiilka ka korreysa, ama ka horreysey waxaa la oran jirey Kinaaniyiin, oo Qureysh lama oran jirin. Fihr magaciisu wuxuu ahaa Qureysh, wuxuuna ahaa nin kariim ah oo deeqsi ah. Wuxuu baari jirey xaajooyinka dadku leeyihiin, markaas ayuu muraadkooda u fulin jirey, asagoo maalkiisa ka bixin jirey. Fihr waa awoowaha lixaad ee asxaabiga la yiraahdo Abii Cubeydah bin Al Jarraax.

Ghaalib

Fihr wuxuu dhalay Ghaalib, Muhaarib, Xarith iyo Asad. Hooyadood waxaa la oran jiray Laylah bintu Sacad bin Huthayl bin Mudrikah.

Luwayy

Waxaa la yiri asalka magacu waa Lu'ay, oo macnihiisu yahay dibi duureed, oo si magacaas loo qurxiyo la soo yareeyey. Wuxuu kaloo asalku ahaan karaa La'ay oo la yareeyey, macnihiisuna yahay aayar.

Kacb

Kacb waa isla markaas awoowaha sideedaad ee Cumar bin Khadhaab, Allaha raalli ka noqdee. Kacb wuxuu qawmkiisa kulmin jirey maalinta Caruubada oo ah maalinta Raxmada, taasoo ah maalinta jimcada, markaasuu wacthin jirey, oo xusuusin jirey soo diridda Ilaahay soo diri doono Nabigeenna, (S.C.W.). Wuxuu dadkiisa u sheegi jirey inuu Nabigaasu wiilashiisa ka mid ahaan doono, wuxuuna fari jirey inay rumeeyaan oo raacaan.

Murrah

Murrah waa awoowaha lixaad ee Rasuulka Ilaahay (S.C.W.). Isla markaasna waa awoowaha lixaad ee Abii Bakar Al Siddiiq, Allaha raalli ka noqdee. Waxaa kaleeto oo Murrah ku kulma nasabka Imaam Maalik iyo nasabka Rasuulka Ilaahay (S.C.W.).

Kilaab

Magaciisu wuxuu ahaa Xakiim. Waxaa kaleeto oo la yiri magaciisu wuxuu ahaa Curwah. Waxaa neenaasta ah Kilaabi loogu bixiyeye asagoo aad eeyaha ugu ugaarsan jirey. Kilaabi waa isla markaas awoowaha saddexaad ee Aamina, Nabiga (S.C.W.) hooyadiis. Markaas Kilaabi waa awoowaha ay ku Kulmaan abtirsiinyaha aabihiis iyo midka hooyadiis (S.C.W.). Waxaa la yiri inuu Kilaabi ahaa qofkii bilaha sanadka u bixiyey magacdooda carbeed oo maanta loo yaqaan, sida Muharram, Safar, iwm.

Qusayy

Magaciisu wuxuu ahaa, ayaa la yiri, Zayd. Waxaa kaleeto oo la yiri magaciisu wuxuu ahaa Mujammac. Qusayy wuxuu dhashay qiyaas 400 sano markii ay taariikhda miilaadigu ahayd. Mujammac macnihiisu waxaa weeye: Kulmiye, waxaana loogu bixiyey asagoo, Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa idinkiisa, qaabaa'ilka kala duwan ee Qureysh Makkah ku kulmiyey, kaddib markay kala tageen, oo dhulka ku faafeen. Markaas ayuu waadiyada Makkah djiyey; qaarkood buuraha dushooda ayey degeen, qaar kalena godadka buuraha ku yaal. Qusayy deegaankii ayuu u qaybiyey iyo degmooyinkii, markaas ayaa KUlmiye loo bixiyey. Hawshaasu waxay ahayd mid qiime weyn leh, uusanna qaban karin qof aan fiiro dheer iyo qiime sare lahayn. Qusayy wuxuu ahaa qofkii shidah, markii ugu horreysey, dabka Muzdalifah: dabkaas waxa loo shidi jirey si uu u arko dadka Carafo ka soo noqda. Wuxu kaleeto oo ahaa kii ugu horreeyey ee cusbooneysiiya dhismaha kacbada ee Qureysh ka mid ah, Nabi Ibraahiim, Caleyhissalaatu Wassalaam, bacdigiis.

Waxaa la sheegay in sababta Qusayy loogu neenaasay ay ahayd asagoo ka tegey oo ka fogaaday ehelkiisii iyo dalkiisii, kaddib markii inta aabijhiis dhintay, hooyadiis guursatay ninka la yiraahdo Rabiicah bin Xuraam, au u guureen dhulka Shaam.

Waqtigii jaahilijyada Qusayy waxaa gacantiisa ku jirtey, oo uu xilkeeda hayey arrinmaha soo socda:

1. Furaha Kacbada. 2.Waraabinta xujeyda: wuxuu dadka xajka gudanaya waraabin jirey biyo macaan oo uu Makkah dibaddeeda ka keeni jirey. Intuu timir iyo zabiib u miiroh, ayuu siin jirey. 3.Xujeyda cunto siin tooda, shaqadaasoo lagu magacaabi jirey Rifaadah, oo ah in xujeyda oo dhan cunno la siiyo maalmaha xajka. Dadkaas waxaa la siin jirey muufo kulul oo subag la mariyey. Xilalkaas waraabinta iyo cunto siinta dadka xajka gudanaya waa jiri jirey tan iyo ayaamihii khaliifiinta iyo Boqorrada Dawladaha islaamka. Sababta uu Qusayy dadkas soo xajiyey cuntada iyo biyaha u siin jirey waxay ahayd asagoo ictiqaadsan inay martidiisa ahaayeen. 4. Goynta talada: Golaha odayaasha, ama Golaha Shuuradu waxay ku shiri jireen gurigiisa, talana meel aan halkaas ahayn laguma goyn jirin. Go'aannada dagaalka meel aan gurigiisa ahayn laguma gaari jirin, nikaaxna meel aan isaga ahayn laguma xiri jirin. Gurigiisu wuxuu u dhigmay naadiga ay carabtu sameysato, wuxuuna ahaa meesha ay ula soo ordaan dhibaatooyinkooda guud ee bulsheed iyo kuwooda gaar ahaaneedba.

Waqtiyadii ugu dambeysey noloshiisa, wuxuu wiilashiisa ka maamnuucay khamrada, ayadoo aad moodid inuu dareemay dhibaatooyinkeeda, markaasna uu ka reebay kuwii uu dadka ugu jeclaa, oo ahaa ubadkiisa. Qusayy wuxuu dhintay sanadkii 480, asagoo 80 sano cimrigiisu gaaray. Hadalladiisii muujinayey balaarka caqligiisa waxaa ka mid ahaa: "Qofkii munaafaq karaameeya, munaafaqnimadiisuu la wadaagaa, oo asagana soo gaarta."; iyo: "Qofkii xumida wax san ka dhigtah, asaguna waa xumaadaa"; iyo:"Qofkayan karaamadu toosinnin, oo aan u qalmin, dullinnimada ayuu u qalmaa"; iyo: "Qofkii sadkiisa ka badan doona, wax walba ayuu waayaa"; iyo: "Xaasidnimadu waa cadawga qarsoon oo qofku leeyahay." Haddaan qof walba hadalkiisa ka garanneynno waxay dadnimadiisu tahay, waxaan hadalka Qysayy ka garanneynaa inuu ahaa nin aad iyo aad munaafaqnimada u neceb iyo xumaanta akhlaaqda. Wuxuu ahaa geesi, neceb isla weynida iyo xaasidnimada.

Cabdu Manaaf

Manaaf wuxuu ahaa magaca sanam ay caabudi jireen: magaca ninkaani waa addoonkii manaaf.

Haashim

Haashim waa koofaar, oo magaciisu waxaa weeye Camru bin Cabdu Manaaf. Waxaana la oran jirey Camru kii sarreeyey, sababtoo ah sarreynta makaankiisa iyo darajada uu qawmkiisa dhexdooda ku lahaa. Walaalkiis wuxuu ahaa Cabdu Shams. Aabihiis kaddib, asaga ayaa qabtay hoggaanka qawmkiisa: aabihiis wuxuu ahaa Cabdu Manaaf. Qureysh ayaa waxaa haleeshay abaar xun, markaas ayaa gaajo daran dhacday, markaas ayaa Haashim wuxuu u safray Shaam oo ka soo gaday bur iyo muufo la yiraahdo kackac oo laga sameeyey bur iyo caano sonkor, markaas ayuu Makkah keenay waqtigii xajka, oo markaas burkii iyo kackacii dadka u qaybiyey, oo geel u qalay, oo muufadii inta googooyey maraqii ku daray oo markaas dadkii siiyey, intay ka dhergaan: markaas ayaa lagu magacaabay Haashim, oo macneheedu yahay: "kii dadka cuntada u jarjaray oo siiyey". Waxaa kaleeto oo la oran jirey Abul Badhaxaa', macnohooduna yahay Aabihii Banka Waadiyadu maraan iyo Sayyidkii Banka Waadiyadu maraan. Bankaas waadiyadu maraan waa Makkah Al Mukarramah.

Xilliyada jiilaalka ah iyo kuwa barwaaqada ahba gogoshiisa cuntadu way fidsanaan jirtey: meesha ay soomaalidu ka tiraahdo "dabkiisu ma dami jirin". Wuxuu ahaa nin hodan ah oo maal leh, maalkana xaqqiisa ka bixiya, qofka cabsidu haysana oo soo baqday meel uu ku nabad galo siiya. Haashim wuxuu ahaa kii ugu horreeyey oo sunneeya, oo bilaabah labada socdaal ama rixlo oo ay Qureysh kaddib ka caado yeelatay: socdaalka Xagaaga iyo socdaalka Jiilaalka. Xagaaga, oo ku beegan xilliga qaboobaha, wuxuu ganacsi ugu safri jirey Yaman iyo koofur. Jiilaalkana, oo ku beegan xilliga kuleylahana wuxuu ganacsi ugu safri jirey Shaam iyo Waqooyi.

Gabayaagii wuxuu yiri: Camru, kii qawmkiisa cuntada u jarjaray - Ayagoo raggii Makaah ay sabooleen oo gaajoon yihiin - Asagoo labadii safarba sunneeyey oo bilaabay - Safarka Xagaaga iyo safarka Jiilaalka.

Labadaas safar waxaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ku xusay, oo noogu sheegay Quraanka Kariimka, Suuradda Qureysh:

Bismillaahi Arraxmaani Arraxiimi

Suuradda macneheedu waxaa weeye: Magaca Eebe yaan ku bilaabaynaa ee naxariis guud iyo midda gaarba naxariista. 1) Caadaysigii Qureesheed. 2) Ay ka caadayeesheen Safarka Xagaaga iyo Jiilaalka darteed. 3) Ha u caabudeen Eebaha Beydkaan (kacbada). 4) Eebahii ka quudiyay gaajo, kana aamingaliyay cabsi.

Haashim wuxuu ku dhintay Ghazzah, dhulka Falastiin, asagoo ganacsi u tegay, markuu sanadku ahaa 510.

Cabdul Mudhalib

Magaca hooyadiis wuxuu ahaa Salma bintu Zayd Al Najaariyyah. Cabdul Mudhalib magaciisu wuxuu ahaa "Shaybatul Xamdi" oo macnihiisu yahay "cirradii la mahadiyay", sababtoo ah wuxuu dhashay asagoo cirro leh, iyo ayadoo la rajeynayo inuu noqdo mid suuban oo dadku jeclaado oo la mahdiyo.

Sababta Cabdul Mudhalib loogu bixiyey waxay ahayd in asagoo gaadiid la saaran adeerkiis Al Mudhalib, oo adeerkiisna gaadiidka xagga hore fadhiyo, asaguna xagga dambe, asagoo waliba rifrif leh oo dhar aan hagaagsanayn qaba, saboolnimo daradeed, ayaa adeerkiis la weydiiyey: midkaan kula socda yuu yahay? Markaas ayaa adeerkiis wuxuu ku jawaabay: "Waa addoon aan leeyahay", asagoo ka xishooday inuu yiraahdo adeer baan u ahay. Marka Cabdul Mudhalib macneheedu waa addoonkii Mudhalib.

Cabdul Mudhalib wuxuu ahaa nin Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ducadiisa iyo Alle barigiisa uu aqbalo. Buuraha dushooda ayuu haadka, shimbiraha iyo xoolo duurkaba cunto u saari jirey, naxariis uu xoolahaas u qabo daraadeed: taas ayaana u sabab ahayd in loo bixiyey "shimbiro quudiye" iyo "Fayyaad" ama "Al Fayyaad", oo macneheedu yahay midkii deeqsiga ahaa.

Qureysh aad ayay uga cabsan jirtay, hadday dhibaatooyin la soo gudboonaadaanna asaga ayey ula tegi jireen, oo wuxuu ahaa sayyidka ugu sharaf badan qawmkiisa. Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee ghaarka Xiraa' ku cibaadeysta: waa isla godka Rasuulkii Ilaahay Muxammad SCW, Malaku Jibriil, Caleyhissalaam, ugu yimid oo uu Nabinnimada Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, uga keenay, markay taariikhdu ahayd: maalin Isniin oo bisha Ramadaan ay tahay 17 ee sanadkiisii 41, una dhigantah 6 agoosto 610, asagoo ay da'diisu tahay afartan sano ee sanadka dayaxa lagu xisaabiyo iyo lix bilood iyo sideed maalmood.

Cabdul Mudhalib, markay bisha Ramadaan soo gasho wuxuu geli jirey godkaas la yiraahdo Xiraa' ee ku yaal buuraha Makkah, masaakiintana cunto ayuu siin jirey. Cabdul Mudhalib wuxuu noolaa 120 sano, ama ka badanba. Adeerkiis Al Mudhalib kaddib, asaga ayey madaxtinnimada qawmkiisu u wareegtay. Wuxuu ubadkiisa fari jirey inay ka fogaadaan thulmi falidda iyo isla weynida, wuxuuna ku guubaabin jirey dhaqanka iyo akhlaaqda kariimka, iyo ka fogaanshaha arrimaha hooseeya oo liita. Inta u dambeysay noloshiisa, Cabdul Mudhalib wuxuu diiday caabudidda asnaamta, wuxuuna qiray kali ahaanshaha iyo midnimada Ilaahay. Waxaa ninka lagu magacaabo Daghfal bin Xanthalah, oo abtirsiinyaha ku xeel dheer, uu yiri: Cabdul Mudhalib wuxuu ahaa nin dheer oo toosan, midabkiisuna cadyahay, waji qurxoon, wajigiisana uu ka muuqdo nuurkii Nabinnimada iyo xoogga iyo haybadda Boqorrada, ayna ku hareereysan yihiin toban wiilashiisa uu dhalay ah, oo aad mooddo libaaxyo. Asaga ayaa helay ceelkii Zamzam, kana waraabin jiray xujeyda, oo xilkaas asaga ayuu rasmi u ahaa, taasoo faan iyo awood dheeraad ah asaga u ahayd, Qureysh dhexdeeda iyo carab inteeda kaleba.

Cabdul Mudhalib wuu karaameyn jirey Nabiga SCW wuuna weyneyn jirey, intuu yaraa. Wuxuu oran jirey: "Wiilkeygaan arrin weyn ayuu leeyahay". Wuxuu hadalkiisaas saldhig uga dhigay waxa uu ka maqli jirey kuhaanta faalisa, culummada krishtaanka iyo kuwa yuhuudda, oo ku saabsanaa dhalashada Rasuulka Ilaahay SCW iyo dhalashadiisa kaddibba. Cabdul Mudhalib koofaartiisu waxay ahayd "Abal Xaarith aabihiis". Xaarith wuxuu ahaa midka ugu weynaa wiilashiisa.

Ilmihii Cabdul Mudhalib Adeerrada iyo Eedooyink Nabi Muxammad SCW

Ilmihii uu dhalay Cabdul Mudhalib oo ahaa Nabiga SCW adeeradiis iyo eedooyinkiis waxay ahaayee 16 oo kala ah toban wii iyo 6 gabdhood. Waxaa kaleeto oo layiri wiilashiisu waxay ahaayeen 12 Tobanka wiil waxay kala ahaayee: 1. Cabdullaahi, Rasuulka Ilaahay SCW 2. Abuu Dhaalib, oo magaciisu ahaa Cabdu Manaaf. 3. Zubayr: hooyadiis waxay ahayd Faadhimah bintu Camru Al Makhzuumiyah. 4. Cabbaas: oo ahaa awoowaha khulafa'da Cabbaasiyiinta. 5. Daraar: Cabbas ayay isku hooyo ahaayeen, hooyadoodna waxaa la oran jirey Natiilah Al Camriyyah. 6. Xamzah: kaddibna loo bixiyey Libaaxii Ilaahay. Wuxuu ku dhintay dagaalkii Uxud. 7. Al Muqawam: waxay isku hooyo ahaayeen Xamzah, hooyadoodna waxaa la oran jiray Haalah bintu Wahab. 8. Abuu Lahab: magaciisu wuxuu ahaa Cabdul Cuzzaa, hooyadiisna waxay ahayd Lubnaa Al Khzaaciyah. 9. Xaarith: magaca hooyadiis wuxuu ahaa Safiyaah, waxayna ahayd reer Banii Caamir bin Sacsacah. 10. Al Ghaydaaq: hooyadiis magaceedu wuxuu ahaa Mamnacah. Ghaydaaq waa naaneys, magaciisuna wuxuu ahaa Xajal. Gabdhaha Cabdul Mudhalib waxay ahaayeen lix, kuwaasoo kala ah:

1. Safiyah 2.Ummu Xakiim Al Baydaa' 3.Caatikah 4.Umeymah 5.Urwaa 6.Barrah.

Nabiga SCW adeeradiis waxaa ka islaamay Xamzah iyo Cabaas AKR. Eedooyinkiis SCW sida la isku raacay waxaa ka islaantay Safiyyah. Safiyyah waa hooyada Zubeyr bin Al Cawwaam, Ilaahayna Subxaanahu wa Tacaalaa wuxuu siiyey cimri dheer waxayna dhimatay sanadkii labaatanaad ee Hijrada, zamankii khilaafada Amiir Al Mu'miniin Cumar bin Al Khadhaab, ayadoo da'deedu tahay 73 sano. Wiilkeeda Zubeyr bin Al Cawwaam AKR wuxuu ka mid ahaa tobankii Nabigu SCW janada ugu bishaareeyey wuxuuna ahaa Xawaariga Nabiga SCW.

Zuber wuxuu guursaday Asmaa' bintu Abii Bakar Al Siddiiq waxayna u dhashay Cabdullaahi iyo ilmo kaleba. Zubayr bin Al Cawwaam wuxuu ka mid ahaa asxaabtii Rasuulka Ilaahay SCW oo hijradii koowaad ee Dalka Xabashada loogu qaxay ka qayb galay markay taariikhdu ahayd bisha Rajab ee sanadkii shanaad ee Nabinnimada, una dhigantay sanadkii miilaadiga ee 615.

Hijradaas koowaad waxaa ka mid ahaa asxaabtii ka qayb gashay Ruqayyah bintu Muxammad gabadhii Nabigeenna SCW iyo ninkeeda Cuthmaan bin Caffaan, Kii Labada Nuur U Saaxiibka ahaa, AKR Khaliifkii saddexaad.

Cabdullahi waa aabaha Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, koofaartiisuna waxay ahayd Abaa Qaathim ama Abaa Muxammad ama Abaa Axmad wiilasha Cabdul Mudhalib ayuuna ugu yaraa. Waxaa la sheegay inuu Cabdul Mudhalib egdeg uu madaxiisu cirro la caddaaday wuxuuna ahaa ayaa la yiri qofkii ugu horeeyey oo timihiisa cirrada la caddaaday madoobeystah. Marka ay bisha Ramadaan soo gasho Cabdul Mudhalib wuxuu geli jiray godka Xiraa' halkaasoo uu ku cibaadeysan jiray bishaas oo dhan masaakiintana cunto ayuu siin jirey. Wuxuu bishaas Ramadaan godkaas ugu xeroon jiray si uu keligiis u ahaado ugana fakaro weynaanta Ilaahay iyo Cathiimnimadiisa.

Muxammad Ridaa Kitaabkiisa Siirada ee la yiraahdo "Muxammad Rasuulullaahi SCW" bogga 14 wuxuu ku sheegay in Cabdul Mudhalib laga dhaxlay sunnooyin qiimo weyn leh kaddibna Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa Quraanka iyo Sunnada Rasuulkiisii Sallallaahu Caleyhi Wasallam ku sharciyeeyay. Sunooyinkaas waxaa ka mid ahaa oofinta natharka haweenka aan nikaax kuu qabannin oo kaa xaaraanta ah gacanta tuugga in la gooyo inaan gabdhaha la dilin oo aan la duugin ayagoo nool Khamrada xaaraannimadeeda Zinada xaaraannimadeeda ayadoo la qaawanyahay inaan Kacbada lagu dhawaafin weyneynta bilaha xurmada leh iyo diyada qofka.

Imaam Cali bin Burhaanuddiin Al Xalabi Ashaafici wuxuu kitaabkiisa Siirada ah ee la yiraahdo "Al Siirah Al Xalabiyah" juzka koowaad bogga afaraad ku yiri: "Waxaa lagala haray sunnooyin kaddib Quraanka lagu soo dejiyay iyo sunnada ayna ka mid yihiin in la oofiyo natharka, haweenka aan nikaaxu qabannin oo xaaraanta ah, gacanta tuugga in la gooyo , inaan gabdhaha la dilin oo la duugin ayagoo nool, khamrada xaaraannimadeeda, zinada xaaraannimadeeda, ayadoo la qaawanyahay inaan Kacbada lagu dhawaafin iyo weyneynta bilaha xurmada leh iyo diyada qofka. Sidaas waxaa yiri Sibdhi (ubadka) Ibn Al Jawziyyi." Waxaana lagu tilmaamay inuu ninkaasu wariye daciif ah ahaa, kitaabkiisa taariikhduna uu daciif ahaa, oo waxaa ku dhigan ayan sugnayn. Sunnooyinkaas sagaalka ah ayaan mid mid in kooban ka oranayanaa.

Oofinta Natharka

Cabdul Mudhalib wuxuu xeer ka dhigay in natharka la oofiyo. Oofinta natharka waxaa Ilaahay SWT ku sharciyeeyey Aayadda 29 ee Suuratul Xaj:

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

Ilaahay SWT wuxuu leeyahay: ha iska zuuliyeen basaastoodii iyo wasakhdii. Waxaan ogsoonnahay in marka qofku xajka u xarmado, waxyaalo badan oo u xalaal ahaa, in ay xirashada uu dharkii xajka xirtay darteed uga xaaraan noqonahayaan. Waxyaalka ka xaaran noqonhaya waxaa ka mid ah in uu subkado, ama saliid marsado, ama cadar is mariyo, in uu udug isticmaalo, in uu qubeysto, in uu ciddiyaha iska jaro, in uu timaha shanleysto ama iska jaro. Marka, haddii uu qofku in muddo ah xaaladdaas ku sugnaado, wuxuu ku soo baxayaa qof basaasan. Marka Carafo maalinta sagaalaadka ah la soo istaago, habeenka ciida ah ee tobanaadka ahna Muzdalifah la soo baryo, subaxaas tobanaad buurtii Caqabo la ganto, wixii Hadyi ahaa iyo wixii dhiig ku waajibay la gawraco, markaas ayaa lala yimaadaa xiirashadii, oo madaxa ayaa la xiiran hayaa: markaas ayaa waxaa qofka u xalaal noqonahaya xalaal noqoshadii u horreysay oo waxyaalo badan oo xirashada xajka ama cumrada xirashadeeda looga xarrimay.

Asaga oo taas noo sheegaya ayaa Ilaahay, SWT wuxuu leeyahay:

Markay iska zuuliyaan basaastii, oo ay timihii ay xiirtaan, ciddiyihii ay jartaan, dharkii ay xirashadiisu xaaraan ka ahayd uu u xalaal noqdo, udug inay ku isticmaalaan oo ay shanleystaan oo subkadaan ay u xalaal noqoto, kolkkaas ha oofiyaan natharyaalkoodii. Taas macneheedu waxaa weeye in haddii ay jirtey nathar inuu qofku galay, oo uu markuu xajka aadayey, tusaale ahaan yiri: "Ilaahayow, haddaad xajka gudashadiisa aad ii suurta geliso, waxaan kuugu nadray inaan waxaas iyo waxaas sadaqeystaa, inaan waxaas bixiyaa." : natharkaas ha oofiyaan, ayaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, leeyahay. Waa isku mid inuu natharkaas sadaqo ahaa iyo in uu cibaado kale ahaaba.

Baytka Ilaahayna ha dhawaafeen: dhawaafkaasu waxaa weeye dhawaafkii arkaanta xajka ka mid ahaa, oo lala imaanahayo maalintaas ciidda ah, oo ah bisha Carafo tobankeeda. Erayga Al Catiiq laba macno ayaa ku jira. Macnaha koowaad waa in macnuhu yahay Kacbadii laga xoreeyey in xumaan lagu taabto, oo loola soo qasdo, oo afka carabiga catiiq waxaa weeye kii la xoreeyey. Macnaha labaad waxaa weeye Qadiimka ahaa oo horreeyey, oo taariikhdiisu ay aad u fogtahay. Kacbadu waa Gurigii ugu horreeyey oo in lagu cibaadeysto daraadeed Arlada dusheeda laga taago. Waxaa Jamaacadu, intaan Muslim ahayn, ay warisay inay Mu'miniinta Hooyadood Caa'isha, Allaha raalli ka noqdee, inay Nabiga Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ka warisay Xadiith macnihiisu yahay:

Haweenka aan nikaax qabanin

Waxaa kaleeto oo Cabdul Mudhalib uu sunneeyey haweenka aan ninka nikaax u qabannin. Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, wuxuu haweenkaas ku sharciyeeyey Aayadaha 22 iyo 23 ee Suuradda Kariimka ah ee Al Nisaa':

Aayaddaan oo ah midda 22 ee Suuratul Nisaa' macneheedu waxaa weeye:

Aayadda 23 ee isla Suuraddaas Kariimka ah ee Al Nisaa' waxay leedahay:

Aayaddaan Kariimka ah macneheedu waxaa weeye:

Haweenka aan ninka nikaax u qaaban, o inuu guursado ay xaaraan ka tahay, sidaan labadaas Aayadood oo Kariimka ah ku soo aragnay waa 14. Afar iyo tobankaas haween, 7 waxay ku xaaraan toobeen nasab wadaag ama dhiig, waxayna kala yihiin:

1. Hooyadii ku dhashay iyo hooyooyinkeed. 2.Gabadha aad dhashay iyo wixii gabdho ah oo ka farcamay. 3.Walaashii kula dhalatay iyo wixii gabdho ah oo ka farcamay. 4.Eedooyinkaaga aabahaa la dhashay. 5.Habaryarahaaga hooyadaa la dhashay. 6.Gabadha uu walaalkaaga kula dhashay uu dhalay. 7.Gabadha ay dhashay walaashaada kula dhalatay.

Laba haween ah waxay ku xaaraan toobeen nuujinta, kuwaasoo kala ah:

1. Haweentii ku nuujisay, oo aan hooyadaadii ku dhashay ahayn. 2.Gabar aan kula dhalan, aadse naas wada nuugteen, oo sidaas ku walaalowdeen. Guud ahaanba, intii nasabka ku xaaraan ahba, nuugiddana waa ku xaaraan.

Afar haween ah waxay ku xaaraantoobeen xididnimo, kuwaasoo kala ah:

1. Haweenta kuu dhaxda oo aad qabtid hooyadeed iyo hooyooyinkeed oo dhan. 2.Rabiibaddaada aad hooyadeed guursatay oo aad la gogol gashay. Rabiibaddu waa gabadha ay haweentaadu nin kale u dhashay. Haddaad hooyadeed guursatay aadanse la gogol gelin, oo aad kaddib furtay, gabadhaasi waa ku xalaal, oo waad guursan kartaa. 3.Haweenta aabihii ku dhalay uu guursaday. 4.Wiilka aad adigu dhashay haweentiisa.

Laba haween ahna inaad guur ku kulmisid, oo aad isku waqti nikaax ku qabtid waa xaaraan, kuwaas oo kala ah:

1. Haweentaada kuu dhaxda iyo walaasheedii la dhalatay. 2.Haweenta kuu dhaxda iyo eedadeedii aabeheed la dhalatay: waxaa Bukhaari iyo Muslim ay Rasuulkii Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ka wariyeen Xadiith macnihiisu yahay:

Waxaa kaleeto oo uusan nikaax kuu qabannin, haweenay nin kale u dhaxda, sida uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Aayadda 24 ee Suuratul Nisaa' ku yiri:

"Wal muxsanaatu minannisaai". Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Waxaa kaloo idinka reeban haweenka la qabo".

Tuuga in gacanta la gooyo

Wuxuu kaleeto oo Nabiga (SCW) awoowihiis Cabdul Mudhalib, qawmkiisa xeer uga dhigay in tuugga wax dad kale leeyahay xada, in gacanta laga gooyo. Ilaahay, Cazza wa Jalla, wuxuu Aayadda 38 ee Suuradda Maaidah noogu sheegay xukunka tuuggii wax xada, oo wuxuu yiri:

"Wassaariqu wassaariqatu faqdhacuu aydiyahumaa jazzaa'an bimaa kasabaa nakaalan minallaahi wallaahu caziizun xakiinun".

Aayadda Kariimka ah macneheedu waxaa weeye:

Hadaba tuugadu waxay ka mid tahay acmaasha xunxun oo bulshada kharribah, oo amniga iyo nabadgelyada ka qaadah, xasilloonida ka qaadah, dil iyo balaayooyin kalena keenta. Tuugadu waxay ka mid tahay waxyaalka Quraanku ciqaab adag u jideeyey: Ilaahay, Cazza wa Jalla, wuxuu leeyahay:

Qofkii asagoo qaan gaaray, oo baaluqay oo carruurnimo ka koray, caqli leh, oo aan waalneyn oo miyirkiisa iyo garaadkiisu taam yihiin, xada maal qiimihiisu u dhigmo rubuc diinaar oo dahab khaalis ah oo meel lagu qarsaday, uusanna maalkaas asagu wax ku lahayn, shubhana ayan ku jirin, gacanta midigta ah ayaa laga goynayaa. Meel lagu qarsaday waxaa soo geleysa qofka gurigiisa oo dhan.

Shubhaduna wa sida maalka uu kuugu jiro wax u eg lahaansho oo kale, sida maalka dadka is dhalay ama is qaba ama maal aan la qarsan oo sidaas loo ilaalin oo meel cidla ah yaal. Bukhaari iyo Muslim waxay ka wariyeen Ummul Mu'miniin Caaisha, haweentii Rasuulka Ilaahay (SCW) ayadana Allaha raali ka noqdee, ka wariyeen inay Rasuulkii Ilaahay (SCW) ka warisay Xadiith macnihiisu yahay:

Hadaba, hadduu tuuggii mar kale wax xado oo tuugadii u noqdo, gacanta bidixda ah ayaa la goynayaa. Ciqaabtaas, waxaa laga yaabaa in dadka qarkiis yiraahdo waa ciqaab adag, ama aan waqtiga la socon karin, ama waxashnimo ah: waxaa halkaas ka cad in dadka sidaas oranaya ayan Quraanka Kariimka ah xikmadiisa si fiican ula soconnin. Tuugadu waa waxa bulshada kharribah, oo waxaad arkeysaa in mar kasta oo ciqaabta tuugada la kordhiyo, xagga xeerarka Dawladuhu ayagu sameysteen, kordhintaas waxay sababeysaa in tuugadii ay xeelado cusub iyo hab hor leh ay keenaan, dil iyo dhibaatooyin kale ay dabada ku wadato. Markiise qofku uu ogyahay in markuu wax xado gacanta la goynayo, tuugannimadii wuuu ka harayaa: waa ciqaab adag oo inuu wax xado ka cabsi gelineysa, markaas ayuu tuugadii ka fogaanahayaa. Qof og in gacantiisa qaaliga ah la goynayo waxba xadi mahayo. Markaas wax xadiddii ayaa joogsaneysa.

Laakiin haddii qofkii wax xada la xabbiso, sida xeerarka Dawladaha dadku sameysteen fareyso, oo uu qofku ogyahay in xabbiskaas intuu ku jiro cunto la siinahayo, muddo kolkuu ku jirana ka soo baxahayo, wuxuu isku qiyaasayaa muddada uu xabsiga ku jirahayo iyo intuu tuugannimada ku kasbanahayo.

Marka xabbisiddu tuugannimadii ma joojineyso. Ciqaabtaas Ilaahay. Subxaanahu wa Tacaalaa, u jideeyey ayaa ah tii wax xadidda joojineysey. Amarkaas adag Ilaahay SWT markuu faray, Aayadda waxaa lagu dhammeystirahayaa:

"Ilaahay Kii reeya oo adkaada weeyaan oo tiisa ayaa soconeysa." Mar haddii uu amrana, ma aha in amarkiisa la diido, ee waa in loo hoggaansamo. Ilaahay Xakiimna weeye, oo wuxuu jideynahayo xikmad buu ku jideynahayaa".