Duugidda iyo dilidda gabdhaha

Rasuulka Ilaahay SCW awoowihiis Cabdul Mudhalib wuxuu dadkiisa ka reebay duugiddii ay gabdhaha u dhasha ayagoo nool ay ciidda ku duugi jiren, oo ay sidaas ku dili jireen. Carabtoo dhanna gabdhaha ma duugi jirin ee dhawr qabiil oo ka mid ah ayaa caadadaas xun lahaa. Ilaahay SWT wuxuu arrintaas nooga warramay, kuna sharciyeeyey Aayado ay ka mid yihiin Aayadaha 8 iyo 9 ee Suuratul Takwiir, iyo Aayadaha 58 iyo 59 ee Suuratul Naxli. Ilaahay SWT wuxuu Aayadaha 8 iyo 9 ee Suuratul Takwiir ku yiri:

Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:

Ilaahay SWT wuxuu Aayadaha 58 iyo 59 ee Suuratul Naxli ku yiri:

Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:

"Axad ayaga ka mid ah haddii dhaddig loogu bishaareeyo, oo la yiraahdo maanta gabar ayaa kuu dhalatay, wajigiisii wuxuu ahaanayaa mid madoobaaday, aad ayuuna u murugoonahayaa. Meeshuu ka farxi lahaa, oo gabadhaas uu Ilaahay SWT siiyey ee jirkiisa uu kasoo gooyay, oo beerkiisii mirihiisii ah, waxaa dhaceysay in gabadhaas u dhalatay ay murug ku beerto, oo murugtaas daraadeed wajigii inuu la madoobaadoh oo uu doorsoomo. Wuxuu noqonhayaa mid la cabburiyey, oo murugtaas darteed la buuxsamay, oo wax hadal ah uusan ka soo bixi kareynin. Markii ay xaaladdiisu sidaas ay noqoto, saaxibbadiis iyo dadkii uu la kulmi jiray wuu ka leexdaa, sida nin balaayo iyo ceeb ay ku dhacday. Qawmkii ayuu markaas iska asturahayaa, waxaas loogu bishaareeyey daraadeed oo uu xumeysanahayo. Markaas ayuu ku fakarahayaa: sidee baad yeeshaa? In uu gabadhaas haysto, oo ihaano korkeeda ku haysto, intuu gurigiisa ku xabbiso, uu ihaaneeyo, markay weynaatana uu ihaano iyo ceeb ka filanahayo, taasna uu raalli ka noqdo. Amase in uu gabadhaas ciidda ku duugo, amase si kaleetaba u diloh.

Ilaahay SWT wuxuu markaas leeyahay: Hooy, waxaa xumaaday kaas ay xukminahayaan: gabadhii ay dhaleen, oo beerkooda mirihiisa ahayd, oo ayada iyo wiilkuba isku mid ay ahaayeen, inay xadkaas liididda iyo ihaanada ka gaarsiiyan; meeshay dhalashadooda ug afarxi lahaayeen inay keento inay la murugoodaan, oo murugtaas daraadeed ay xattaa saaxibbadood la kulmi waayaan, inay markaas ku fakaraan siday yeeli lahaayeen, oo ay go'aan ku gaaran inay ciid ku duugaan: kaas wa xukun aad u foolxun.

Gabdhaha waxay u layn jireen laba sababood midkood:

1. Faqri ka cabsashadiisa, oo waxay oran jireen: gabadhu waxba ma kasbatu, markaas waxay ahaaneysaa mid cidda culeys ku ahaata, oo daa'iman masruuf dheeraad ah ku kallifeysa.

2. Waxay kaleeto oo u dili jireen gabdhaha ceeb ka cabsasho daraadeed, oo waxay oran jireen: haddii ay weynaato waxay halis u tahay in ay ceeb la timaaddo.

Caadadaas xun oo ahayd duugidda gabdha nool, Islaamka ayaa baabi'iyay, oo ka dhigay gabadhii mid wiilka la sikman, xagga xuquuqda iyo sharafka iyo bani aadnimadaba. Haddaan tusaale ahaan kasoo qaadanno, sida Islaamku gabadha heerkaas uga kor yeelay, waxaa jirtey in uu nin Nabiga SCW u yimid oo ku yiri:

Marka hadalkaas ay lahayd, ninku gaal ayuu ahaa oo Islaanimada ayaa ka maqnayd, oo Iimaanka ayaa ka maqnaa. Markaan dambena, oo uu islaamay oo Iimaankii qalbigiisa buuxiyey, hadalkaas ay waagaas gabadhiisu tiri, xusuus aan ka dameynin, oo dhimbil dab ah oo qalbiga ka gubeysa ayuu ku noqday. Heerkaas ayuu Islaamku dadkii gabdhaha layn jiray gaarsiiyey: ficilkii hore inay ka qoomamoodaan. Nabigu SCW wuxuu ninkii ku yiri, asagoo qalbiga u dejinaya:

Taasu waxaa weeyey in qofku haddii uu islaamo, soo geliddaas uu diinta Islaamka soo galay waxay baabi'ineysaa oo dumineysaa wixii dambi ah oo uu qofku hore u galay, ayna ka mid tahay dambiga weyn ee gaalnimada. Sidaas daraadeed, laga bilaabo wixii markaas ka dambeeya, waa inuu ku dhaqmaa mabaadii'da suuban ee Diinta Islaamka.

Khamrada

Waxaa kaleeto oo Rasuulka Ilaahay SCW awoowihii Cabdul Mudhalib, uu islaamka hortiis iyo waqtigii jaahilnimada, qawmkiisa ka xaaraantimeeyey, oo ka reebay cabidda khamrada. Ilaahay SWT wuxuu cabidda khamrada ku xaaraantimeeyey Aayadaha 90 iyo 91 ee Suuratul Maa'idah iyo sharciga Rasuulkiisii Muxammad SCW. Waxaa Ilaahay, Cazza wa Jalla, Aayadaha 90 iyo 91 ee Suuratul Maa'idah ku yiri:

Aayadahaan oo lagu muujinayo dhibaatada khamrada, laguna xaaraantimaynayo, macnohoodu waxaa weeye:

Ilaahay SWT wuxuu ugu dhawaaqayaa dadka mu'miniinta ah sifada ay leeyihiin ee Iimaanka ah, taasoo u geyneysa in waxa la amrahayo yeelaan waxa laga reebahayana ay ka haraan. Markii uu sifadaas Ilaahay SWT ugu dhawaaqay oo uu yiri "kuwii rumeeyeenow", wuxuu raacsiiyey afar waxyaalood oo uu ka reebahayo wuxuuna ugu hormariyey khamrada. Khamradu waa shayga macruufka ah oo la yaqaan, magaceedana khamro la yiraahdo. Maysirku waxaa weeye qamaarka. Carabtu intii Islaamka ka horreysay waxay ku qamaari jireen maalkooda, caruurtooda iyo haweenkooda. Nooc kastaba ha ahaadee maysirku waa qamaarka.

Tan saddexaad wa Al Ansaab oo macneheedu yahay sanamyada. Ansaabtu waxay ahayd dhagaxyo meel la dhigay oo waxay sanamyada u qalayaan dhagaxdaas dushooda ayay ku gawrici jireen. Marka Al Ansaab sanamyadii iyo wixii wax loogu gawracayey ayaa lagu jeedaa. Tan afaraad waa Al Azlaam. Waxay caado u lahaayeen faashi ama in la faaliyo asagoo qofku doonayo inuu ogaado wixii khayr ah iyo wixii shar ah oo mustaqbalka ku soo socda. Tusaale ahaan markii uu qofku safrahayo si uu ku ogaado inuu soo ribxayo iyo in uu khasaarayo waxay u tegi jireen kuwa sanamyada ag jooga oo u adeega oo ay weydiisan jireen inay u faaliyaan. Faaliyahaasu wuxuu ugu qori tuuri jiray gamuunno ama fallaaro ay ku kala dhigan yihiin faa'iido, khasaaro iyo waxba. Marka haddii faalkii ku soo baxo kii uu khayrka u maleynayay safarkii ayuu ku dhaqaaqayaa kii kale haddii uu soo baxana safarkii wuu ka joogsanayaa kii waxba ay ku dhignayna hadduu soo baxo qori tuurkii ayaa lagu celinayaa.

Afartaas waxyaalood oo kala ah khamrada, qamaarka, asnaamta iyo faalka, Ilaahay SWT wuxuu leeyahay wa qurun, shaydhaan camalkiisa ah, ee ka fogaada. Markaad ka fogaataan ayaa liibaan la idiin rajeynayaa oo la arkaa inaad liibaantaan. Laakiin adinkoo aan ka fogaanin liibaanid la idiin rajeyn mahayo.

Hadaba khamrada markii Islaamku imaanahayay waa la iska cabbi jirey, oo waxyaalka caadiga ah oo ay carabtu cabtoh ayay ka mid ahayd. Markii Rasuulka Ilaahay SCW la soo diray durbaba cabbiddeeda lama joojin oo Aayadihii hore oo Quraanka ah oo soo degay ma ay joojinnin. Quraanka waxaa khamrada ka hadashay afar Aayadood, oo ka mid ah Aayadaha ugu dambeeyey. Aayaddii ugu horreysay oo khamrada ishaaratay waxay ahayd Aayadda 67 ee Suuratul Naxli, taasoo uu Ilaahay SWT ku yiri:

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

Hadaba Aayaddaan waxaa laga gartay inayan khamradu ku jirin rizqiga wanaagsan maxaa yeelay wixii laga sameynahayay miraha canabka iyo timirta, oo ah miraha geedaha nakhiisha ayaa labo nooc loo qaybiyey: nooc ah rizqi wanaagsan iyo nooc lagu sakhraamo. Nooca lagu sakhraamo khamrada weeyaan. Marka, rizqigii wanaagsanaa dhinac baa laga dhigay wixii lagu sakhraamayayna dhinac kale aya laga dhigay. Aayaddii tilmaantay inayan khamradu wax fiican ahayn ayey Aayaddaasu ahayd oo Aayadaha Quraanka ka hadalka khamrada ugu horreysay.

Aayadda labaad ee khamrada ka hadashay waxay ahayd Aayadda 219 ee Suuratul Baqara, taasoo uu Ilaahay SWT ku yiri:

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

Hadaba Aayaddaas waxay muujisay sababta khamrada loo xarrimahayo oo ah in dambiga ka imaanahaya iyo fasaadka ka imaanahaya, dhibaatada qofka iyo bulshadiisaba uga imaaneysa, iyo waxa nafciga maadiga ah ee uu ka doonahayo waxaa wayn ayaa Ilaahay SWT leeyahay fasaadkeeda iyo dhibaatadeeda. Taasi waa sababta loo xaaraantimeeyey. Manaaficda lagu sheegay ma aha manaafic uu qofku sabab uga dhigan karo inay khamradu bannaan tahay: waa manaafic la mid ah ribada manaaficdeeda oo kale, oo maaddi ah. Aayadii saddexaad ee khamrada tilmaantay, waqtigii la cabbi karay ayey ciriirisay, waxayna ahayd Aayaddii uu Ilaahay SWT uu mu'miniinta ku faray inayan u dhowaanin salaadda ayagoo sakhraansan. Aayaddaas waxay ahayd Aayadda 43 ee Suuratul Nisaa', taasoo Ilaahay Cazza wa Jalla ku yiri:

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

"Kuwii rumeeyeenow, ha u dhowaanina salaadda adinkoo sakhraansan". Salaaddi inay tukadaan waa lagama maarmaan, isla markaasna waqtiyada ay salaaddu soo dhowdahay oo dhan inayan cabbin weeyaan. Duhurka iyo casarka inta u dhaxaysa, markaas ma ayan cabbi kareynin. Sidoo kale casirka iyo maghribka inta u dhexeysa iyo maghribka iyo cishah inta u dhexeysa. Inta duhurka ka horreysana waxay ku dhex jiraan shaqooyinkoodii iyo hawlohoodii oo khamro ma cabbi karaan. Markay Aayaddaan soo degatay, dadkii waxayba waayeen waqti ay ku cabbaan, inta cishaha ka dambeysa mooyaane.

Markay Aayaddaas soo degtay kaddib, ayaa Amiir Al Mu'miniin Cumar bin Al Khadhaab AKR Nabiga SCW u yimid oo wuxuu yiri: "Ilaahayow, khamrada war cad oo na shafiyah naga siih". Waxaa Xadiithkaan wariyay Imaam Dhabari, kuna wariyay Kitaabkiisa Tafsiirka, markuu fasirayo Aayadda 91 ee Suuratul Maa'idah, wuxuuna ka wariyay Abii Maisarah, kulligood raalli Allaha ka noqdee. Markaas ayaa Ilaahay SWT Aayadahaan 90 iyo 91 ee Suuratul Maa'idah soo dejiyay. Waxaa khamrada cabiddeeda lala xiriiriyay sanamyadii iyo caadaadkii zamankii jahliga iyo aqoon darrada, ee kufrinnimo salka ku hayay. Marka Ilaahay SWT wuxuu khamrada ku tilmaamay shaydhaan camalkiis: wixii xumidooda lagu xeel dheeranahayo waxaa la yiraahdaa "waa shaydhaan camalkiis". Kaddibna wuxuu Ilaahay SWT faray in laga fogaado. Kaddibna liibaantii ay dadku liibaani lahaayeen wuxuu ku xiray ka fogaanshaha laga fogaado khamrada, qamaarka, sanamyada iyo faalka: markaas ayaa la arkaa inaad liibaantaane, oo lagama yaabo inaan liibaantaan adinkoo aan ka fogaanin. Kaddibna Ilaahay SWT wuxuu caddaynayaa dhibabka kale ee khamradu leedahay:

1. Shaydaanku wuxuu doonayaa inuu dhexdiinna ka rido cadaawannimo iyo isku carooshi.

2. Khamrada iyo qamaarku waxay idinka reebahayaan xusidda iyo thikriga Ilaahay.

3. Khamrada iyo qamaarku waxay idinka reebayaan tukashada salaadda.

Markuu intaas noo sheegay ayaa Ilaahay SWT wuxuu leeyahay: "Ma tihiin kuwa khamrada cabbiddeeda ka haraya?" Hadaba waxaa suurtowdah in marka ay khamrada cabbayaan uu dadku badan yahay amaba ay koox koox isugu yimaadaan islana cabbaan ama qamaar wada cayaaraan. Kolka ay isu imaanyaan waxaa suurtowda inay ula jeedadoodu thay inay is wehliyaan oo sheekeystaan: markii la cabbo, waxaa dhacaysa in taas caksigeedu u xasilo, taasoo ah cadawnimo iyo isku caroosho. Sababtu waxaa weeye shaydhaan ayaa cabidda u qurxiyey, asagoo la doonayaa colaaddaas, maxaa yeelay markay khamrada cabbaan caqligii ayaa ka tegaya. Qofkuna markuu caqliga waayo, wuxuu waayaya miisaankiisii, oo waxaa ku soo haraya shahwaadkii, oo ay ka mid tahay carada iyo xanaaqqa: caqligii celin lahaa oo xumida garansiin lahaa waa ka qarsoomay: erayga sakhraan macnihiisa carabiga ahba waxaa weeye caqligii ayaa daboolmay oo qarsoomay. Marka caqligii uu waayo, ayuu ku dhaqaaqayaa aarsi iyo shahwo gudasho. Fasaadka iyo dhibaatada oo dhanna halkaas ayey ka imaanayaan.

Hadaba waxaad arkeysaa inay khamradu hadday qofka wixii uu kaga soocnaa xayawaanka, oo banii aadannimadiisu ku dhisnayd, oo caqliga ahaa, ka baabi'ineyso, wax ay u reebeyso qofku inuusan jirin: dadnimadiisii, duunyadiisii, caafimaadkiisii. Wax ay qofka u hambayneyso ma jirto. Sidaasaa Nabigu SCW wuxuu khamrada ku tilmaamay inay thay: "Al khamru ummul khabaa'ith" oo macneheedu yahay "Khamradu waa waxyaalka xunxun hooyadood", oo ayadaa asal u ah. Waxaa Xadiithkaan wariyay Cabdullaahi bin Camru bin Al Caas, AKR. Waxaa kaleeto oo Nabiga SCW laga wariyay Xadiith macnihiisu yahay:

"Qokii khamro cabbah salaadda ayuu ka tagaa, wuxuuna ku dhacaa, oo xumaan la aadaa hooyadiis, iyo habaryartiis iyo eedadiis". Waxaa dhabraani Xadiithkaan ku wariyay kutubbadiisa Al Awsadh iyo Al Kabiir. Waxaa Nasaa'i wariyay in Cuthmaan bin Caffaan AKR yiri: "Ka fogaada khamrada maxaa yeelay ayadu waa waxyaalka xun hooyadood. Waxaa jiri jiray, waayihii la soo dhaafay, nin cibaadada Ilaahay u go'ay, oo ay naag baadiyeysay, uurna yeelatay. Gabar u shaqayn jirtay ayey ninkaas u dirtay, markay u tagtayna waxay u sheegtay inay haweentaasu markhaati ugu yeereyso. Gabadhii buu soo raacay, oo gurigii looga yeeray ayuu yimid. Markuu gurigii galay, irridduu ka galaba gadaashiisa ayaa la xiraa, tan iyo intuu uga yimid haweentii u yeertay, oo ahayd mid qurxoon, uuna la joogay wiil, agteedana uu yiil weel khamro ku jirto. Markaas ayay ku tiri: Wallaahi markhaatinnimo kuuguma aanan yeerin, waxaanse kuugu yeeray inaad igu dhacdid oo aad ila gogol gashid, ama aad khamradaan koob ka cabtid, ama aad wiilkaan dishid. Markaas ayuu wuxuu ku yiri: hadday sidaas tahay khamradaan koob iga sii. Markuu cabbay ayuu yiri: khamro kale i siiya meeshiisiina kama dhaqaaqin, siduu u cabbayey, ilaa uu haweentii uga dhaco oo la gogol galay wiilkiina uu dilay.

Sidaas khamrada uga fogaada, oo Wallaahi Iimaanka (Iimaanku waxaa weeye inaad rumeysid Ilaahay, iyo Malaa'igtiisa oo dhan, iyo ktubta uu soo dejiyay oo dhan iyo Rususha uu soo diray oo dhan, iyo maalinta aakhiro, aadna rumeysid Qadarka khayrkiisa iyo shartiisaba) iyo khamro cabbideeda la caadeysto qof kuma wada kulmaan, oo midkood ayaa qofkaas ka baxaa". Waxaa wariyay Aimmada oo dhan, midkaan aan hadda soo sheegnayna waa siduu u wariyay Imaam Muslim.

Waxaa kaleeto oo Rasuulka Ilaahay SCW uu Cabdullaahi bin Cumar AKR ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:

Waxaa wariyay Bukhaari, Muslim, Tarmathi iyo Imaam Maalik. Al Khadhaabi wuxuu ku fasiray "aakhiro cabbi maayo", inuusan jannada geleyn, maadaama khamradu ay ka mid tahay cabitaanka jannada dhexdeeda lagu cabbo, in kastoo ayan ahayn khamrada adduunkaan oo kale, oo ayan lahayn sakhraaninimo iyo madax xanuun. Waxaa Tarmathi, iyo kuwa kaleba, uu Aanas bin Maalik AKR ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:

Lacanad: lacanad waxaa weeye fogayn waxaa weeye fogayn la iska fogeeyo raxmada Ilaahay SWT. Hadaba waa qofkee qofka Raxmada Ilaahay la'aanteeda noolaan kara? Hadaba khamradu fasaadkeedu aad ayuu u badan yahay, bulshadana way baabi'isaa maxaa yeelay qofkii cabbayay ayey baabi'ineysaa. Ilaahay SWT wuxuu leeyahay:

"Khamradu waxay idinka reebeysaa Thikriga Ilaahay iyo Salaadda": qofku markuu xiriirka Ilaahay ka fogaadana, qalbigiisu xiriirkii uu Ilaahay la lahaa ayaa go'aya. Markaas ayaa qalbigiisu engegayaa, oo xumidii iyo samadii isaga darsamayaan. Ibn Kathiir wuxuu kitaabkiisa Tafsiirka Quraanka uga wariyay Abuu Daauud Al Dhaylasi, in uu Cabdullaahi bin Cumar bin Khadhaab, kulligood AKR ka wariyay in markii Aayaddaan Suuratul Maa'idah ay soo degatay, Rasuulkii Ilaahay SCW uu yiri:

Waxay Tarmathi iyo Abuu Daauud iyo Nasaai wariyeen in markay Aayaddaan soo degtay, uu Cumar bin Khadhaab AKR uu yiri:

Waxaa Bukhaari iyo Muslim ka wariyeen Mu'miniinta Hooyadood Caa'isha haweentii Nabiga, SCW ka warisay Xadiith macnihiisu yahay:

Waxaa waxaas ka mid ah khamrada, daroogada, xashiishka banjiga, marijuana, cocaine, heroine, iyo wixii maanka dooriyah oo dhan. Waxaa Bukhaari iyo Muslim ay ka wariyeen Imaam Shaafici, inuu ka wariyey Imaam Maalik, kaasoo ka wariyey Naafic, kaasoo ka wariyay Cabdullaahi bin Cumar bin Khadhaab, kulligood AKR inuu Rasuulka Ilaahay SCW ka wariyey Xadiith macnihiisu yahay:

Tawbad keeniddu waxaa weeye: 1.In uu qofku ka fuqaa xumida iyo macaasida uu hayey. 2.In uu ka qawmameeyaa xumidii ka dhacday. 3.In uu qasdaa oo goostaa in uusan mar dambe u noqoneynin. 4.Haddii xuquuq banii Aadam dambigiisu ku tacalluqay waa inuu qofkii xaqaas lahaa bari yeelaa, ama uu xaqiisii u oofiyaa. Haddii uu wax dad kale lahaayeen uu xaqdarro ku qaatay, waa inuu u celiyaa.

Ilaahay SWT wuxuu Aayadda 15 ee Suuratu Muxammad, noogu sheegay nooca khamrada ay ehelu jannadu dhexdeeda ku cabbahayaan, wuxuu yiri:

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

"Tilmaanta jannada loogu yaboohay mu'miniinta waxaa dhexdeeda ah Wabiyaal biyo ah oo aan doorsoomaynin, iyo Wabiyaal Caano ah oon iyana dhadhankoodu doorsoomaynin, iyo Wabiyaal khamro (xalaal ah) oo u macaan dadka cabbaya".

Waxaa kaleeto oo Ilaahay SWT Aayadda 19 ee Suuratul Waaqicah noogu sheegayaa inayan khamrada jannadu lahayn madax xanuun iyo caqli qaadid midna. Wuxuuna yiri:

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

"Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh". Bukhaari iyo Muslim iyo Abuu Dauud iyo Nassa'i, Kulligood AKR waxay Rasuulkii Ilaahay SCW ka wariyeen Xadiith macnihiisu yahay:

Macnaha xadiithku waxaa weeye in marka qofku waxyaalahaas aan Ilaahay raalliga ka ahayn samaynayo, oo saddexdaas la tilmaamay ah, mu'min ma aha, oo Iimaanka waa laga qaadayaa. Soomaalidu waa ayada tiraahda: Iimaanka laga qaad. Markii uu macaasidaas ka fuqo ayaa Iimaankii lagu soo celinayaa, haddii Ilaahay SWT doono. Taariikha khamrada xaaraan laga dhigay waxay ahayd bisha Rabiicul Awal ee sanadka 4 ee Hijrada, kuna beegnayd bisha june ee sanadka 625.

Xukunka qofkii khamro cabbah

Waxaa Imam Bukhaari ka wariyay Abuu Hureyra, Allaha labadoodaba u naxariistee, Xadiith macnihiisu yahay:

Waxaa Muslim ka wariyay Cali bin Abii Dhaalib, Allaha raalli ka noqdo Wajigiisana karaameeyee (Sababta markii Cali bin Abii Dhaalib magaciisa la xuso loogu daraa Wajigiisa Allaha karaameeyee waxay tahay asagoo aan waligiis sanam u sujuudin, oo asagoo yar ayuuba islaamay) inuu yiri:

Zinada

Waxaa Cabdul Mudhalib, Awoowaha Rasuulkii Ilaahay SCW oo ahaa madaxa qawmkiisii, uu dadkiisa ka reebay zinada, wuxuuna jideeyey ciqaabta qofkii falkaas foosha xun ku kaca lagu qaadayo. Diinta Islaamku way sharciyeeysay xaaraannimada zinada iyo ciqaabta qofkii falkaas foosha xun ku kaca. Ilaahay SWT wuxuu Aayadda 33 ee Suuratul Acraaf ku yiri:

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

Waxaa kale oo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Aayadda 32 ee Suuratul Israa' ku yiri:

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

Ilaahay SWT wuxuu naga reebayaa faaxishada, akhlaaq xumada ah, taas oo ah mid qofkii ku kaca dileysa, mujtamacana baabi'ineysa oo kharribeysa. Ilaahay Cazza wa Jalla, wuxuu leeyahay: zinada haba u dhowaanina, oo wax ayada idiin geynaya ama xiriir la lehba ha ag marina, sida dhugashada aad loo fiiriyo qof nikaax xalaal ah uu kuu qaban karo, raqsiga ama dance iyo cayaaraha kuwa la tumo iyo kuwa kaleba, shukaansiga ama koodsiga, in nin iyo haween aan is qabin oo nikaax isku qabto oo is geeya ay qol isugu keliyeestaan, oo markaas ibliis uu saddexeeyo, gabar inta dhar qurxoon xiratay, cadar iyo udug is marisay, madaxa bannaysatay oo ayadoon camal suuban lahayn dariiqyada xarragooneysa, oo sidaas ku zinaysanayasa iyo wixii la mid ah oo dhan.

Waxaa Bukhaari iyo Muslim ay ka wariyeen Cuqbata bin Caamir inuu Nabiga SCW ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:

Imaam Nawawi wuxuu hadalkaas ku fasiray inay qaraabadaasi tahay kuwa fitnadu ka imaan karto, maadaama ay, ayadoo aan laga shaki qabin ay gurigii geli karaan oo haweentii la keliyeysan karaan.

Fariddaas kaddib, Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa, wuxuu tilmaamayaa zinada, oo saddex tilmaamood ayuu ku sheegayaa:

1. Waxay ahaatay faaxisho, oo macneheedu yahay xaalad aad u foolxun qofkii ku kacana waxay ka dhigtaa mid aan qiimo lahayn oo liita. 2. Jid la qaadana ayadaa u xun. 3. Tilmaanta saddexaad waxaa lagu sheegay Aayadda 22 ee Suuratul Nisaa', waxaana lagu tilmaamay in ay tahay Maqti oo macneheedu yahay: mid loo caroodo.

Hadaba qofkii zineysta, wuxuu ahaanayaa qof aan qiimo lahayn oo bulshada dhexddeeda ku baaba'san, oo loo caroonahayo mujtamiciina wuu kharaabinahaya. Jid banii Aadam uu maro, oo Ilaahay amarkiisa oo la diido lagula yimaado, gaalnimo ka sokow zinadaa ugu xun.

Waxaa kaleeto oo Ilaahay SWT Aayadda 19 ee Suuratul Nisaa' ku yiri:

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

Dhaxlidda Aayaddaan ka hadleyso, waxaa weeye caado xun oo carabta qaarkeed lahaan jirey Islaamka ka hor, oo ahayd haddii uu nin dhinto, inuu haweentuu ka dhinto uu dhaxli jirey, sida xoolaha loo dhaxlo, ama walaalkiis ama wiilkiisa, ama nin xigtadiisa ah, ayadoo aan haweentaas la weydiin inay ninkaas rabto iyo in kale. Caadadaas xun, oo Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa, xarrimay, soomaalida qaarkeed way ku dhaqantaa, oo waa waxa lagu magacaabo "dumaal": hadday haweentu raalli ka tahay guurkaasi waa xalaal. Haddii ayan dumaashaas haweentu raalli ka ahayn waa xaaraan.