
Asxaabul Fiil
Waxyaalihii waaweynaa oo dhacay sanadkii 570, oo Nabi Muxammad SCW dhashay, waxaa ka mid ahaa inuu Abraha Al Ashram, oo ahaa Boqorka Yaman, uu usoo kacay Makkah, asagoo doonahaya inuu Kacbada dumiyo. Siday arrintu u dhacday, oo koobanna, waa tan:
Xabasho ayaa qabsatay dhulka Yaman, oo taladii kala wareegtay boqortooyadii reer Yamaneed ee Ximyar, oo dalkaas ka talin jirtay. Markay boqortooyadii u wareegtay Boqorkii xabashida ahaa oo la oran jiray Abraha bin Assabaax Al Ashram (Al Ashram waxaa weeye macneheedu: midkii wajigiisu kala dhanbalnaa, ayadoo waran lagu dhuftay uu wajiga kala jeexay), wuxuu Sanca, caasimadda Yaman, ka dhisay kaniisad weynin badan, oo mid la mid ah aan zamankaas la arag, magaceeduna ahaa Al Qulays, uuna ku dhisay dhagax marmar ah oo cad, qori adag iyo dahab.
Ujeedadiisu waxay ahayd inuu carabta ka leexiyo inay Makkah u xajiyaan, oo ay kaniisaddaas usoo xajjiyaan. Markii ay carabtii akhbaarta ujeedadiisu gaartay, waxaa carooday nin ka mid ah Annasaa'ah, kana mid ahaa Banii Fuqaym bin Cadiy ibn Caamir bin Thaclabah bin Al Xaarith bin Maalik bin Kanaanah bin Khuzaymah bin Mudrikah bin Ilayaas bin Mudar. Annasaa'ah, waxaa weeye kuwii bilaha afarta ah ee xurmada leh, oo ah Sidataal, Arrafo. Zako iyo Rajab, inta xurmada ka qaada, dib u dhigi jiray, oo aan ku soo sheegnay "Bilaha Xurmada leh". Dadka sidaas samayn jiray, oo bilaha xurmada leh dib u dhigi jiray, ayaa waxaa la oran jiray Nasaa'ah.
Marka ninka ujeedada Abraha ka carooday wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey oo bilaha xurmada leh dib u dhiga, carabta dhexdeeda: bishii uu xalaaleeyo way xalaaleysan jireen, bishii uu xaaraantimeeyana waxay ka dhigi jireen xaaraan. Ninkaas magaciisu wuxuu ahaa Xuthaifah bin Cabdullaahi bin Faqiim. Koofaartiisuna waxay ahayd Al Qalammas. Markuu carooday, ninkii Kanaaniga ahaa, wuu soo baxay oo wuxuu yimid kanisaddi weyneyd, markaas ayuu, habeennimadii, dhexdeeda ku saxarooday, oo ku xajo gutay. Kaddibna Sanca wuuba ka dhoofay, wuxuuna aaday dhulka dadkiisu dego, oo ahaa aagga dhulka Makkah.
Carabtu, waqtigii jaahiliga, markay dhammeysato gudashada Xajkooda, waxay ku shiri jireen Al Qalammas agtiisa, markaas ayuu xaaraantimayn jiray afarta bilood oo xurmada leh: Rajab, Thul Qacdah, Thul Xajjah iyo Muxarram. Markaas ayuu haddii uu doono inuu bil ka mid xalaaleeyo, wuu xalaaleyn jiray. Tusaale ahaan wuxuu xalaaleyn jiray bisha Muxarram, markaas ayay dagaal iyo is dilid dhexdeeda ku xalaaleysan jireen. Xurmadii ay Muxarram lahayd ayuu wuxuu siin jiray, oo ay xurmeyn jireen, bisha Safar. Markii Boqorkii Abraha loo sheegay waxa uu Xuthayfah falay, wuu carooday, wuxuuna ku dhaartay, inuu aadi doono Kacbada, oo ahayd meesha Xuthaifah iyo carabtu u xajjiyaan, si uu usoo dumiyo. Sanadkaas ayaa lagu magacaabay sanadkii maroodiga.
Abraha wuxuu soo aaday Makkah, asagoo doonahaya inuu Kacbada dumiyo. Intuu u sii socday, carabtii ka hor timid oo dhan wuu ka adkaaday. Markuu Dhaaif tegey, ayuu wuxuu Makkah u diray nin xabashi ah oo la oran jiray Al Aswad bin Maqsuud, markaasuu soo dhacay, oo soo kaxaystay xoolihii ay reer Makkah lahaayeen, ayna ka mid ahaayeen 200 halaad oo geel ah, oo uu lahaa Cabdul Mudhalib bin Haashim, awoowihii Nabi Muxammad SCW. Al Aswad wuxuu xoolahaas uu soo dhacay u geeyey Boqorkii Abraha. Abraha wuxuu hadana Makkah u diray nin la oran jiray Xunaadhah Al Ximyari, wuxuuna amray inuu soo ogaado dadka deggan Makkah qofka ugu sharaf badan, hoggaankooda iyo taladoodaba haya, uuna u sheego inuusan Abraha u imaanin la dagaallankooda, balse uu u yimid inuu Kacbada dumiyo. Xunaadhah markuu Makkah yimid, oo dadkii waraystay, waxaa loo sheegay in uu reer Makkah u madax yahay Cabdul Mudhalib bin Haashim. Markaas ayuu fartiintii uu ka siday boqor Abraha u sheegay. Markaas ayaa Cabdul Mudhalib wuxuu ninkaas ku yiri: "Wallaahi annagu ma dooneynno la daggaallankiisa, xoog aan isaga celinnana ma lihin. Gurigaan waa Baytkii Ilaahay iyo Guriga Wadaygiisii Ibraahim. Hadduu ka ceshadana, haddee waa Gurigiisii iyo Xaramkiisii; haddusan ka celinna, annagu xoog aan uga celinno ma lihin".
Markaas Cabdul Mudhalib wuxuu raacay ninkaas Xunaadha la oran jiray, asagoo doonaya inuu Boqorka la kulmo. Markay tageen meeshii uu Boqorku joogay, Abrahana loo sheegay in Cabdul Mudhalib yahay madax reer Makkah, uuna doonahayo inuu la kulmo, wuu oggolaaday inuu qaabilo, oo la kulmo. Markii uu Abraha arkay Cabdul Mudhalib iyo haybaddiisa, wuu weyneeyey, wuuna ka karaameeyey inuu hoostiisa fariisiyo, asaguna carshiga ku fadhiyo. Haddii uu carshiga ku soo fariisiyana, wuxuu kahday inay xabashidu aragto asagoo kula fadhiya sariirtii Boqortooyada. Markaas ayuu asagiina inta carshiga ka soo degay, kadiifad u fidsaneyd ku fariisiyay, asaguna kula fariistay, oo dhiniciisa fariisiyey. Kaddibna waxaa Abaraha yiri: "Waa maxay muraadkaagu?" Cabdul Mudhalib wuxuu u sheegay in 200 halaad oo geel ah laga soo dhacay oo laga soo qaatay, geelaasna uu doonahayo in loo soo celiyo. Markaas ayaa Abraha ku yiri: "Markaan ku arkay waan kuu bogay, markaad hadashayse waan kaa kaaftoomay. Ma waxaad igala hadleysaa 200 halaad oo geel oo aan kaa soo dhacay, kana hadli maysid Guri ah diintaada iyo diintii awoowayaalkaa, oo aan u imid inaan dumiyo?" Cabdul Mudhalib wuxuu ugu jawaabay: "Anigu geela ayaan leeyahay, Guriguna Ilaah kaa celiyah ayuu leeyahay". Abraha wuxuu Cabdul Mudhalib u celiyay geeliisii, markaasuu Makkah ku noqday.
Markuu Cabdul Mudhalib Makkah ku noqday, Qureysh ayuu akhbaartii gaarsiiyay, wuxuuna ku amray inay Makkah ka baxaan, oo ay galaan oo isku ilaaliyaan godadka ku yaal buureheeda, cabsi ay ka qabaan askarta Abraha daraadeed, askaartaas oo Qureysh oo dhan ka badnayd. Markii Qureysh ay Makkah ka baxday, ayaa Cabdul Mudhalib wuxu tegey Kacbada, oo inta irriddeeda qabsaday, ayna wehliyaan dad kale oo Qureysh ah, ayuu Alle baryay, ayna ka gargaar dhalbeen, iyo inuu ayaga guul ka siiyo Abraha iyo askartiisa.
Cabdul Mudhalib asagoo irridda Kacbada ku dheggan ayuu wuxuu yiri: "Ilaahayow, addoomanku ayaga ayaa guryohooda ilaashanaya, Adiguna Guryahaaga ilaasho. Berri yeeyan kirishtadoodu iyo xoogoodu ka adkaan Adiga xooggaaga. Haddii aad u deyneysid inay qaataan Qibladeenna, sidaad doonto yeel". Makii uu Abraha isku diyaariyay inuu Kakkah galo, uuna diyaariyay maroodiyaalkiisa kii ugu weynaa inta kalena hormuud u ahaa, oo Maxamuud la oran jiray, ayna istaageen oo u xoog urursadeen inay Kacbada dumiyaan, ayaa mar kasta oo ay maroodiga dhanka Makkah u jeediyaan wuu fariistaa, meeshiisana kama dhaqaaqo. Haddii ay u jeediyaan jihooyinka kale oo idilna, intuu istaago, ayuuba orodna ku daraa. Waxaa la yiri tirada maroodiga meeshaas joogtay oo uu ciidankaasu watay, waxay ahaayeen 13 maroodi. Intay xaaladdoodu sidaas ahayd, ayaa Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, wuxuu korkooda u soo diray shimbiro kooxo kooxo ah, oo xagga badda uga yimid.
Shimbirahaas waxay u ekaayeen shimiraha afka carabiga lagu yiraahdo Khadhaadhiif, afka ingiriiskana Swallow, oo aan muddo dheer dhulka fadhiyin, oo markay lugaha dhulka dhigato haddana hore uga kaca. Shimbir walba waxay sidday saddex dhagax: mid ay afka ku siddo iyo labo ay labada lugood ku kala siddo. Dhagaxdaas, waxaa la yiri, waxay le'ekaayeen miraha bariiska. Markaas ayey dhagaxdaas ku soo tuureen Askartii Abraha, qofkay ku dhacaanna uu dhimanahayo. Dhagaxdu askartii oo dhan kuma wada dhicin. Markaas kaddib ayaa Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, wuxuu u soo diray daad, kaasoo inta qaaday badda ku tuuray. Intii ciidankaas ka fakatay, oo ayan dhagaxdu ku dhicin, oo Abraha ka mid ahaa, Yaman ayay u carareen, ayagoo degdegaya. Abraha waxaa ku dhacay in xubnihii jirkiisa hadba intay mid iska go'do, ay ka dhacdo. Asagoo hadba sidaas xubin uga go'ayso, oo ay uga dhacayso, ayay soo wadeen, ilaa ay Sanca ka yimaadaan. Abraha wuxuu Sanca gaaray asagoo u ekaaday shimbir baalashii lag agooyay, oo addimadii ay ka go'een. Intuusan dhiman, xabadkii ayaa inta dillaacay, wadnihii kasoo baxay. Waxaa la yiri in sanadkaasu uu ahaa markii ugu horreysey oo dalka carabta lagu arko labada cudur oo la kala yiraahdo furuq, oo afka ingiriiska lagu yiraahdo small pox, iyo jadeeco, oo afka ingiriiska lagu yiraahdo measles.
Abraha markuu dhintay, waxaa boqornimadii dhaxlay wiilkiisii magaciisu aha Aksuum, markuu sandku ahaa 571. Dhacdadaas qiimaha weyn oo ay lahayd waxaa ku tusinaya inay carabtu taariikh tirsi ka dhigatay. Haddii Abraha uu Qureysh ka adkaan lahaa, uuna Kacbada dumin lahaa, diinta krishtaanka ayaa Makkah geli lahayd, carabna waxaa lagu khasbi lahaa inay krishtaan ka diin yeeshaan. Sababtu waxaa weeye in ay Yaman xukumeen Boqorro Xabashi ah oo krishtaan ah, oo sidaas ayaa dad badan oo reer Yaman ah loogu khasbay inay krishtaan noqdaan, markoodi hore ha ahaadaan kuwaa asnaamta caabuda, ama yuhuudba ha ahaadaane.
Sanadkaas maroodiga hortiis, waxay Qureysh ka taariikh tirsan jirtay markuu dhintay Qusayy bin Kilaab, taasoo lafteedu muujineysa siduu ninkaasu agtooda uga weynaa. Markii ay dhacdadii sanadka maroodigu dhacdayna, waxay sano iyo taariikh tirsi ka bilaabeen sanadkaas. Dhacdadaas maroodigu waxay ku xusantahay Quraanka Kariimka ah, Suuratul Fiif:
Bismillaahi Arraxmaani Arraxiimi
"Alam tara kayfa facala rabbuka bi asxaabil fiili (1) Alam yajcal kaydahum fii tadliilin (2) Wa arsala calayhim dhayran abaabiila (3) Tarmiihim bi xijaaratin min sijjiilin (4) Fa jacalahum ka casfin ma'kuulin".
Suuraddaan Kariimka macneheedu waxaa weeye:
"Ma ogtahay sida Eebe ku falay asaxaabtii maroodiga "Colkii" (1) miyaan Eebe ka yeelin dhagartoodii wax dhumay (2) oosan ku dirin korkooda shimbiro kooxa ah (3) Kuna tuuraysa dhagaxyo la kululeeyay (4) Markaas Eebe ka yeelay bal la daaqay sidiis (5)".
Dhagaxaan Sijjiil la yiraahdo, oo ku xusan Aayadda afaraad, waxaa kaleeto oo Quraanka lagu xusay Aayadda 82 ee Suuratu Huud iyo Aayadda 74 ee Suuratul Xijri, oo labaduba sheegayaan in dhagaxdaas samada looga soo da'siiyay qawmkii Nabi Luudh, Caleyhissalaam, oo ayagana lagu ciqaabayay. Marka, dhagaxdaas yaryar ayaa jebisay ciidankii Makkah soo weeraray, oo halkaas ka noqday ayagoo laga adkaaday, oo aan muraadkoodii gaarin. Waxaana laga dhigay sidii beer la bal daaqay oo kale.
Qofkii askartaas ka mid ahaaba, markii ay dhagaxdaasu ku dhacdo, hilibka jirkiisa ayaa daadanayay, oo dhulka ku shubmayay. Jabkaas Xabasho ku dhacay waxaa Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, ku badbaadiyay Gurigiisii Xurmada lahaa, oo ah Kacbada, taasoo kaddib Qiblada muslimiinta noqotay, meel kasta oo ay arliga Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, ka joogaanba.
Kaniisaddii Qulays la oran jiray waxaa la kharaabiyay Zamankii u xukunka muslimiinta hayay Khaliifkii ugu horreeyey ee reer Banii Cabbaas, kaasoo koofaartiisu ahayd "Safaax", oo macneheedu yahay "dilaaga, dhiig cabka". Safaax wuxuu ninkii Yaman uga wakiilka ahaa Dawladda Islaamka amray in kaniisaddaas laga qaado dahabkii, qalinkii, qorigii iyo wixii qaali ahaa oo ku jirayba, waxaana halkaas laga helay dhab iyo maal aad u fara badan. Markaas ayay kharaabtay, oo burburtay, warkeeduna halkaas ayuu ku go'ay.