Dhalashada Nabi Muxammad (SCW)

Nabi Muxammad SCW wuxuu dhashay subax isniin ah, oo bisha Rabiicul Awal ay thay 12, lana mid ahayd 20 Agosto 570 ee sanadka miilaadiga. Sanadkaas wuxuu ahaa Caamaul fiil ama sandkii maroodiga. Wali tan iyo maanta, dadka Makkah deggan way booqdaan meeshii uu ku dhashay SCW. Waxaa kaleetoo la yiri wuxuu dhashay SCW 9 bisha Rabiicul Awal ee ku beegan bisha apriile ee sanadka 571. Allaana u cilmi leh.

Barta uu ku dhashay waxay ku taal meesha hadda la yiraahdo Suuqullayl, ama suuqa habeenkii, xerada kaddib loo bixiyay "Xerada Muxammad bin Yuusuf Al Thaqafi": xero waa tiro guryo ah oo hal dayd wadaaga, taasoo afka carabiga Daar lagu yiraahdo.Muxammad Yuusuf Al Thaqafi wuxuu la dhashay ninkii caanka ahaa ee magaciisu ahaa Al Xajjaaj bin Yuusuf. Muxammad bin Yuusuf ayaa gurigii Nabiga SCW ku dhashay xerada soo geliyay, kaddibna waxaa isla xeradaas ka saartay haweeney la oran jiray Al Khayzaraan Ummu Al Haadi Wal Rashiid, oo ah Khaalid iyo Rashiid hooyadood, oo gurigaas ka dhigtay masjid lagu tukado.

Xeradaas waxaa hore u lahaan jiray Caqiil bin Abii Dhaalib, Cali bin Abii Dhaalib walaalkiis, kulligood Allaha raalli ka noqdee, ahaayeenna Nabiga SCW ilma adeerradiis. Waxaa hooyadiis, SCW umuliso u ahayd, oo markii uu soo dhacay gacneheeda kusoo dhacay, haweenta la oran jiray Al Shifaa, oo ahayd Cabdurraxmaan bin Cawf, Allaha raalli ka noqdee, hooyadiis. Wuxuu soo dhacay ayadoo indhihiisu SCW samada kor u dhuganayaan, labadiisa gacnoodna dhulka ayuu dhigay.

Hooyadiis waxay sheegtay inayan wax dhib ah ayan uurkiisa kala kulmin, sida haweenka kale, sida culays, jamasho oo ah wax gooni ah oo la jeclaado iyo wax kaleetaba. Markay dhashay, waxay hooyadiis cid u dirtay awoowihiis Cabdul Mudhalib, kaasoo fartiintii ay gaartay asagoo Kacbada ku dhawaafaya. Markaas ayuu Aamina u yimid, markaasay ku tiri: "Abal Xaarithow, waxaa kuu dhashay wiil yaab leh". Awoowihiis intuu naxay oo cabsaday, ayuu wuxuu yiri: "miyuusan qof siman oo kaamil ah ahayn?" Waxay tiri: "Haa, waa qof siman oo kaamil ah, laakiin wuxuu soo baxay asagoo sujuudsan; markaas kaddibna madaxiisii iyo laba farood ayuu kor iyo samada u qaaday." Kaddibna wiilkii ayay qolkii ka soo bixisay, oo awoowihiis u keentay. Awoowihiis, markii loo dhiibay wuu fiiriyay, kaddibna intuu qaaday ayuu Kacbada la galay. Markaas ayuu Ilaahay u weydiiyay inuu magangeliyo, kaddibna wuu u duceeyay. Kaddibna intuu Kacbada kala soo baxay, ayuu hooyadiis u celiyay. Awoowihiis ayaa Muxammad u bixiyey, waxaana Cabdul Mudhalib la weydiiyay sababta uu magacaas ugu bixiyay aan ka mid ahayn magacda awoowayaalkiis, wuxuuna ku jawaabay inuu magacaas ugu bixiyay, asagoo rajaynaya inay dadka adduunka oo dhan ay xamdiyaan oo ku mahdiyaan. Muxammad macnihiisu waxaa weeye: kii lagu xamdiyay, la mahdiyay.

Sanadkaas uu calool galay Rasuulkii Ilaahay SCW oo ay hooyadiis caloosha ku siday, wuxuu noqday sanad irdihii khayrku furmeen oo farax badan. Sanadkaas intii ka horreysay, Qureysh waxay ku jirtay ciriiri weyn iyo abaar. Markaas ayaa dhulkii cagaartay oo geedihii miro dhaliyeen, oo sanadkaas wuxuu noqday sanad barwaaqo.

Waxyaalihii la yaabka lahaa oo dhacay markuu dhashay SCW waxaa ka mid ahaa oo la wariyay, in uu Qasrigii Boqortooyada ee Kisraa (Waa Dalka maanta Iran la yiraahdo) uu gariiray, oo uu ruxmay, ayna ka burbureen 14 dariishadood oo kuwa irdaha leh ah (afka ingiriiskana lagu yiraahdo balcony). Burburka dariishadahaas wuxuu ishaarayey, ayaa la yiri, inayan Boqorradoodii dhiigyacabka iyo keligood taliyayaalka ahaa ee Boqortooyadaas ay ka hareen, haddii markaas laga bilaabo, 14 Boqor oo xukunka isaga dambayneysa, kaddibna taliskoodu uu dhammaan doono, oo uu go'i doono: toban Boqor waxay xukunka isaga dambeeyeen, oo wada dhinteen, muddo afar sano ah gudohooda. Afarna waxay dhinteen inta waqtigaas iyo Zamankii Khilaafada Cuthmaan bin Caffaan, Allaha raalli ka noqdee, u dhexeysay, markaas oo Boqortooyadoodii ay dhammaatay.

Waxaa kaloo ka mid ahaa dhacdooyinkii ku beegmay dhalashada Nabi Muxammad SCW inay gurtay oo qallashay Badyaradii (afka ingiriiska waa lake) Dhabriyah, ee ku tiil Falastiin. Guriddaasu waxay ishaareysay in dadka dalkaas deggan ay la kulmi doonaan dhibaato wayn. Dhacdo kale ee sanadkaas dhacday waxay ahayd inuu damay dabkii Faaris (Waa dalka Iran hadda la yiraahdo, Kisraa-na la oran jiray) oo dhan: reer Faaris dabka ayay caabudi jireen oo ka Ilaah yeelan jireen.

Waxaa sanadkaas la badiyay Malaa'igtii samada ilaalin jirtay, waxaana lagu kordhiyay dab lagu gano shaydhaankii usoo dhowaada, si uu khabarka samada wax uga maqlo. Shayaadhiintii waxaa laga reebay maqalka akhbaarta Samada, waxaana laga qaaday fariisimihii ay Samada ku lahaan jireen, oo ay kala socon jireen akhbaarta Samada. Waxaa kaleeto la sheegay inuu waqtigaas dhacay dhulgariir adduunyada oo dhan saameeyey, sida uu Al Yacquub kitaabkiisa taarikhda ku sheegay.

Waxaa la sheegay in Amiirkii Mu'miniinta oo la oran jiray Al Rashiid damcay in uu, Zamankiisii, Qasriga Kisraa dumiyo. Markaas ayaa Wasiirkiisii la oran jiray Yaxya bin Khaalid Al Barmaki, ku yiri: "Amiirkii Mu'miniintow, ha dumin dhismo Aayad iyo calamaad Islaamka ah". Maalintii toddobaad ee dhalashadiisa SCW ka soo wareegatay, waxaa awoowihiis ugu walqalay wan.