
Walqal iyo Magac Bixinta iyo Gudniinka
Walqalku waa sunno suuban, waana xoolaha loo qalo cunugga dhasha maalinta toddobaad ee dhalashadiisa. Wiilka waxaa loogu walqalaa laba wan, gabadhana wan. Hilibka waxaa wax laga siiyaa fuqarada, masaakiinta, dariska iyo asxaabtaba. Waxaana fiican hilibka oo karsan in la bixiyo. Waxaa u daliil ah Xadiithka uu Imaam Tarmathi, iyo kuwa kaleba, ay Samurah ka wariyeen, inuu Nabiga SCW ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:
"Wiilku wuxuu u rahman yahay walqashiisa. Waana in loo qalaa maalinta toddobaad, Isla maalintaas waa in magac loo bixiyaa, timahana laga xiiraa".
Waxaa kale oo Ibn Maajah ka wariyay Mu'miniinta Hooyadood Caa'isha, Haweentii Nabiga SCW ayadana Allaha raalli ka noqdee, inay tiri:
"Wuxuu Rasuulkii Ilaahay SCW na amray inaan wiilkana laba wan gabadhana wan ugu walqalno."
Xoolahaas waxaa qalaya qofkii awood u leh.
Magac Bixinta
Waxaa xuqquqda uu cunugga dhashay labadiisa waalid ku leeyahay ka mid ah inay u bixiyaan magac fiican oo markii loogu yeero uu ku farxo. Magacu wuxuu sad ka qaataa nolosha qofka, ayadoo inta uu noolyahay magacaas loogu yeerayo, oo uu sidaas u saameynayo. Marka waa in cunugga laga fogeeyaa magac gaalnimo tilmaamaya, ama magac markii loogu yeero uu ka xishoonahayo ama kahanayo.
Maalintaas toddobaad ee dhalashadiisa, cunugga magac ayaa loo bixinayaa. Magacda Ilaahay SWT ugu jecelyahay waa Cabdullaahi iyo Cabdurraxmaan, kaddibna magac kasta oo muujinaya in qofkaas yahay addoon Ilaahay. Kaddibna waxaa habbo9on magacda mahad tilmaamaya, sida Muxammad, Maxamuud, Axmad.
Gudniinka
Haddii cunugga dhashay uu wiil yahay, waxaa sunnadu qabtaa, caafimaadkana u fiican in la gudo. Gabdhaha ma bannaana in la gudo, sida shuccub kala duwan ay yeelaan, sunnaduna waxay qabtaa in sideeda loo daayo, sida uu Bukhaari iyo Abuu Daauud ka wariyeen Ummu Cadhiyah, oo ahayd haweenay gabdhaha Madiinah ku gudi jirtay, markii Nabigu SCW u soo haajiray, aydoo aan Makkah gudniin laga aqoon. Waxaa Ummu Cadhiyah laga wariyay Xadiith macnihiisu yahay inuu ayada Nabigu SCW ku yiri:
"In cadkaasu meeshiisa ku yaal ayaa ayadana u nasiib roon, ninkeeduna uu jecel yahay".
Waxaa Dhabraani ka wariyay Anas bin Maalik Xadiith macnihiisu yahay inuu Nabigu SCW Ummu Cadhiyah ku yiri:
"Haddaabad Gabdhaha gudaysid caaradda (Foodda) wax yar ka qaad, jirriddana ha ka goyn. Inuu haweenta ku yaalayaa u nasiib roon, oo wajigeeda ayuu qurxiyaa oo farax iyo nolol ka muujiyaa, qiimaha ay ninkeeda agtiisa ku leedahayna sare ayuu u qaadaa, oo wuu ku jecelyahay".