
Aathaan iyo Iqaamad iyo Xafladda Mawluudka
Waxaa sunnada ku soo aroortay in, cunuggu markuu dhasho, dhegta midigta ah looga aathaamo, dhegta bidixda ahna Iqaamada salaadda looga akhriyo.
Xafladda Mawluudka
Waxaa uu Imaam Shaamah, oo ahaa Sheekha Imaam Nawawi yiri: "Waxyaalaha zamannadeenna la bilaabay in la sameeyo waxaa ugu fiican waxa sanad walba maalinta ku beegan dhalashada Nabiga SCW la sameeyo oo ah sadaqo lala baxo, samafal la sameeyo, la is qurxiyo oo dhar qurxoon la labbisto, lana faraxsan yahay. Taas waxaa weeye samafalid dadka saboolka ah loo samafalahayo iyo muujin la muujinahayo jeceelka loo qabo Nabiga SCW iyo wayniintiisa ay quluubtooda ku weyneynayaan inta falalkaas ku kacaysa oo dhan. Isla markaas waa ku shukrin Ilaahay SWT galladaynta uu nagu galladaystay ahaysiinta Rasuulkii Ilaahay SCW uuna u soo diray asagoo u ah Naxariis inta uu abuuray oo caalamiinta oo dhan". Sakhaawi wuxuu yiri: "In mawliidka la ciido waxaa la bilaabaya, saddexdii Qarni oo hore kaddib. Markii la bilaabay ilaa maantana Dalalka Islaamka oo dhan iyo magaalooyinka waaweyn waxaa laga sameeyaa Mawliid: habeennimadii sadaqooyin kala duwan ayaa lala baxaa, waxaa la akhriyaa Quraan iyo Mawliid, iyo Nabi ammaan, SCW waxaana la helaa barakooyin iyo deeqo Ilaahay oo badan".
Soomaalidu, meel kasta oo ay joogtaba, gaar ahaan Dalkeeda oo dhan, Mawliidka xaflado waaweyn ayaa loo sameeyaa. Habeenka uu soo galahayo Mawliidku masaajidyada iyo guryahaba waxaa laga akhriyaa Quraan iyo Mawliid, iyo Nabi ammaan, ayadoo ay isugu yimaadaan rag iyo haween, mid yar iyo mid weyn, caalin iyo caammo, madax iyo dadweynaba, taajir iyo faqiirba. Xoolo ayaa la qalaa, cunno badanna waa la kariyaa oo masaajidyada dhexdooda iyo dibaddoodaba waa lagu cunaa. Gaar ahaan waxaa cunnada la siiya dadka saboolka ah iyo masaakiinta. Soomalidu habeenkaa, iyo maalinta Mawliidkaba, way badiyaan bixinta sadaqooyinka. Subaxa Xuska ahna, Dawlad iyo shacbiba waxaa la isugu yimaadaa goobo la isla ogyahay, sida Maxfalka Muqdisho, halkaasoo khudbado xusidda Nabi Muxammad SCW la akhriyo, Quraan la akhriyo iyo Nabi Ammaan.
Yar iyo weynba waxaa maalintaas la soo lbabistaa dhar cusub ama dharka ugu qurxoon, ayadoo la wada faraxsan yahay. Maalinta Mawliidka waa Ciid Qaran, oo lama shaqeeyo, xafiisyadoo dhanna waa xiran yihiin. Sanadka uu dhashay SCW waxyaalihii Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa u gaar yeelay waxaa ka mid ahaa in amni iyo nabadgelyo la helay, wixii la doonana, oo khayr ah, si dhakhso leh loo helo.