Magacdiisa iyo Abuuriddiisa iyo Akhlaaqdiisa SCW

Magacdiisa SCW

Waxaa Rasuulkii Ilaahay SCW yiri:

Wuxuu kaloo yiri SCW:

Ilaahay Cazza wa Jalla, wuxuu Nabi Muxammad SCW Quraanka dhexdiisa ku magacaabay: Rasuul, Nabi Ummi ah, oo aan waxba dhigi karin waxna akhrin karin; Shaahidan, oo ah kii markhaatiga ahaa; Mubashiran, oo ah kii kuwa Ilaahay rumeeyey oo Iimaan la yimid jannada ugu bishaareeya; Nathiiran oo ah kii gaalada cadaabta naarta uga digayay; Daaciyaan Ilallaahi Bi Ithnihi, oo ah midka Ilaahay iyo diintiisa dadka ugu yeera; Siiraajan Muniiran, oo ah Nuur Iftiimaya; Rauufan Raxiiman, oo ah turid iyo naxariis badan; Raxmatan wa Nicmatan wa Haadiyan, oo ah raxmad iyo nicmo iyo hanuun. "Magacdiisa waxaa ka mid ah Al Faatix, Dhaha, Yaasiin, Cabdullaahi, Khaatamal Anbiyaa', oo ah kii Nabiyada ugu dambeeyay; Al Mukhtaar, oo ah kii Ilaahay doortay". Koofaartiisu SCW waxay ahayd Abal Qaasim, oo ah Qaasim Aabihiis: Qaasim wuxuu ahaa wiilkii caruurtiisa ugu weynaa, ama curadkiisa. Malak Jibriil SCW wuxuu ku neenaasay Abaa Ibraahiim, oo ah Ibraahiim aabihiis: Ibraahiim wuxuu ahaa wiilka caruurtiisa oo dhan ugu yaraa.

Abuuriddiisa iyo Akhlaaqdiisa SCW

Nabi Muxammad SCW dhererkiisu wuxuu ahaa meel dhexaad, oo aadna uma dheereyn, aadna uma gaabneyn, wuuse waynaa, qofkii arkana wuu la weynaa. Timihiisu waxay ahaayeen madaw, mana ayan ahayn kuwo adayg badan ama aad u jilicsan, dherekooduna ma uusan dhaafi jirin dacallada labadiisa dhegood. Wuxuu timaha ka kala baran jiray laga bilaabo guudka timihiisa iyo madaxa bartamihiisa.

Wuxuu qaadan jiray cimaamad uu sayn u reebi jiray, sayntaasna uu labadiisa garab dhexdooda iyo dhabarkiisa la xiriirin jiray, Wuxuu lahaa madax wayn oo jirkiisa shariifka ah u dhigmah. Wajigiisa shariifka ah wuxuu lahaa xoogaa yar oo wareegsan ah, in kastoo uusan wareegsanayn, oo ma lahayn waji dhuuban, wuuna dhalaali jiray sidii ayadoo qorraxdu wajigiisa ku dhex socoto oo kale. Abuubakar Assiddiiq, raalli Allaha ka noqdee, wuxuu ku tilmaamay inuu wajigiisu SCW u ekaa Dayaxa habeenka Badar oo uu nuurkiisu dhan yahay, cirkuna uusan caad lahayn.

Midabkiisu wuxuu ahaa caddaan saafi ah oo nuuraya. Wajigiisu wuxuu ahaa waasac ballaaran, sunnooyinka indhihiisuna waxay ahaayeen kuwa kaamil ah oo timo wada leh, ahna sida qaansada oo kale. Labadiisa sunnooyin, oo ah timaha indhaha korkooda ku yaal, kuma ay kulmayn wajiga dhexdiisa oo timahaasu isma haysan oo iskuma qabsanayn.

Jeexa indhihiisu, Caleyhissalaatu Wassalaam, wuu dheeraa, timaha baalashooduna way dheeraayeen. Midabka indhihiisu waxay ahaayeen madaw aad u madaw, isha inteeda cadna aad ayay u caddayd. Midabka haragga indhaha lagu daboolana wuxuu ahaa madaw: sidaasoo ay tahayna, habeen walba wuxuu marin jiray saddex diillimood oo indha kuul ah ishiiba.

Sankiisu wuu dheeraa, foodda sankuna way yarayd. Dhabannadiisu way fidsanaayeen, oo laablaab, soo kuusnaan iyo gudo u riixnaan midna ma lahayn. Shaaribbada faruurta kore korkeeda ku yaal wuu gaabin jiray, ilaa ay ka muuqato diillinta kore ee faruurtaas. Allaana u cilmi leh. Afkiisu waasac ayuu ahaa ilkihiisuna xoogaa ayay kala durugsanaayeen, sida fanaxda oo kale, aadna way u caddaayeen. Codkiisu aad ayuu u qurxoonaa, Caleyhissalaatu Wassalaam, waxaana ku jiray wax xoogaa xabeeb u eg, aanse xabeeb ahayn. Wuxuu Nabigu, Caleyhissalaatu Wassalaam, yiri:

Waxaa Xadiithkaan wariyay Imaam Tarmathi, Allah raalli ka noqdee. Markuu hadlayo SCW wuxuu ahaa qof afka carabiga ku hadla kan ugu faseexsan oo ugu hadal cad, inta kale oo Illahay Subxaanahu Watacaalaa, abuurayna wuu ka hadal sarreeyey. Wuxuu Imaam Axmad, AKR Musnadkiisa ku wariyay Xadiith macnihiisu yahay:

Ilkihiisu waxay lahaayeen biyo dheeh u ah oo ay ku dhalaalaan. Haddii uu aamusanyahay waxaa ka muuqatay waynaan iyo haybad, markuu hadlana quruxsami. Hadalkiisu wuu macaanaa, aadna uma yarayn, aadna uma badnayn, oo wuxuu ahaa sida xabbado luul ah oo la taxay.

Wuxuu lahaa gar wayn oo timo badan, markuu dhimanayayna cirrada garkiisa iyo timaha madaxiisa ku tiillay ma ayan gaarin ama kama badnayn 20 xabbo oo la tiriyoh. Wuxuu lahaa qoor dheer oo cad oo saafi u ahayd sida fiddada ama qalinka. Labadiisa garab way kala fogaayeen, calooshiisa iyo xabadkiisuna way sinnaayeen, oo calool soo buuran ama isku dhacsan ma lahayn. Xabadkiisu wuu muuqday. Timo aan badnayn oo khafiif ah ayuu ku lahaa xabadka ilaa xuddunta.

Madaxa lafiihiisu, sida garabka, jilibka, cumaacumaha, anqawyada iyo xusulka, way waynaayeen, taasoo tilmaamaysay laf wayni iyo xoog. Wuxuu timo ku lahaa gacmaha ilaa suxulka, labada garbood iyo xabadka intiisa kore. Naasaha timo kuma lahayn iyo jirka intiisa kaleba. Korkiisa inta aan timaha lahayn, markii dharka laga qaado, waxaa ka bixi jiray nuur iyo dhalaal.

Gacmihiisu, ilaa garabka way dheeraayeen. Gacantiisu, ilaa cumaacunta, way ballaarnaayeen oo waasac ayay ahaayeen, wayna buuxeen, siday u buuxeen lugihiisu, ilaa anqawyada. Buuxidda gacnihiisa iyo lugihiisu waxay calaamad u ahaayeen, oo tilmaamayen, xoogiisa. Addimihiisu, gacnaha iyo lugahaba, way dheeraayeen. Lugihiisu, cagta dhankeeda kore, laablaab ma lahayn, ee waxay ahaayeen sulub, dhul ma gaartada lugihiisuna way sarreeyeen oo dhulka aad ayay uga fogaayeen. Markuu soconahayo wuxuu cagaha dhulka uga soo qaadi jiray xoog, sidii asagoo dhagax ka soo fujinaya oo kale, asagoo markuu saanta qaadayo xoogaa dhanka hore u liicaya. Wuxuu lahaa tillaabo dheer, markiise dad la socdo, wuxuu tillaabadiisa la simi jiray kuwa dadkaas ugu tabar yar oo ugu tillaabo gaaban.

Markuu asxaabtiisa la socdo, wuxuu ahaan jiray kooda ugu dambeeya, wuxuuna oran jiray:

Muggiisu, ama buurnaantiisu waxay ahayd meel dhexaad, oo ma hilib badnayn. Dhididka wajigiisu wuxuu ahaa sida xabbadaha luulka oo kale, nooca miskiga ugu carfoonna, oo la yiraahdo Athfar, waa ka carfoonaa. Waxaa Anas bin Maalik, oo u adeegi jiray AKR yiri:

Haddii uu Nabigu SCW maro dariiq ka mid ah dariiqyada Madiinah, waxaa laga heli jiray caraftiisii carfoonayd, markaas ayaa waxaa dadku oran jiray "dariiqaan waxaa maray Rasuulkii Ilaahay SCW". Rasuulka Ilaahay SCW wuxuu ahaa nathiif, wuxuuna ku dadaali jiray nathaafadda, wuxuuna oran jiray:

Markii uu qosol badiyo, oo uu aad u qoslo, wuu ilka caddayn jiray. Wuu fakar badnaa markuu keligiis yahay, waxaana markaas ku badnaa xuzniga iyo tiiraanyada, waana oohin iyo ilmayn badnaa. Haddii uu wax tilmaamahayo, gacanta oo dhan ayuu ku tilmaami jiray, asagoo calaacashiisa ku sii jeedinaya. Haddii uu cajabo oo yaabo, labadiisa gacnood oo dhan, oo calaacalaha gacnuhu hore u jeedaan, ayuu hore u fidin jiray.

Markuu hadlayo, gacnahana waa dhaqdhaqaajin jiray, oo ka hadli jiray, wuxuuna calaacasha gacantiisa midigta ah la dhici jiray dhanka cad ee suulka gacantiisa bidixda ah. Haddii uu caroodo, qofkaas uu ka carooday wuu ka sii jeesan jiray, haddii uu farxana, xishood daraadiis ayuu hoos la dhugan jiray. Intuu dhulka hoos u fiirinahayo way ka badnayd intuu samada kor u fiirinayo. Dhugashadiisu waxay ahayd mid gaaban, oo intuu qofkaas fiiriyo, ayuu durbadiiba ka jeesan jiray. Ma uusan fariisan jirin, mana istaagi jirin asagoo aan Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, xusin.

Haddii uu yimaado majlis la fadhiyo, meeshii ka bannaan ayuu ka fariisan jiray. Asaga majliskiisuna wuxuu ahaa fadhi cilmi, xishood iyo ammaano, aan codka kor loo qaadayn, la iskuna ixtiraamo, oo qofka da'da waynna lagu ixtiraamo, midka da'da yarna loo naxariisto, kan wax u baahanna la siiyo, kan koytooyda ahna la amni geliyo. Haddii uu arki waayo mid asxaabtiisa ka mid ah wuu waraysan jiray, dadkana arrimohooda wuu waydiin jiray. Xagga hadalka, saddexba naftiisa wuu ka fogeeyay, oo kala ah dood, hadal badni iyo waxaan wax ugu jirinba.

Kuma uusan hadli jirin, hadal uusan ajar ku doonayn. Markuu hadlayo hoos ayuu dhugan jiray, markuu hadalka dhammeeyana oo uu aamuso ayaa asxaabtiisa la fadhida hadli jireen. Haddii uu asxaabta midkood hadlayana, inta kale way aamusnaan jireen intuu hadalkiisa ka dhammaysto. Nabiga SCW aamuskiisu afar sababood ayuu lahaa, oo kala ah inuu ugu sabrayo oo ugu turayo qof kale aqoon darradiisa, ilaalin uu iska jirayo cadawga, qorshe uu dejintiisa ku mashquul sanyahay iyo inuu fakarayo.

Adduunkaan iyo xaaladihiisuba kama ayan caraysiin jirin, wuxuuse u caroon jiray marka xaqa lagu xad gudbo, markaasoo uusan ka hari jirin jeer uu xaqu guulaysto oo soo if baxo. Umase caroon jirin naftiisa, umana aarsan jirin, oo sidaas guul uma dooni jirin. Wuxuu waynayn jiray nicmooyinka Ilaahay SWT sida cunnada iyo cabbidda, haba yaraadaane, yarina kuma liidi jirin, oo kuma yasi jirin. Cunnada iyo Cabbiddana ma faanin jirin.

Haddaan soo koobno, wuxuu Nabi Muxammad SCW ahaa midka dadka ugu qurxoon uguna kaamilsan, xag muuqaal iyo abuuritaanba iyo xagga akhlaaqdaba. Waxaana faan ugu filan, in Ilaahii lagama Adkaadaha ahaa uu ku yiri:

Aayaddaan, oo ah Aayadda 4 ee Suuratul Qalam, macneheedu waxaa weeye: