Xukunka qofka Zinaystah

Zino waxaa la yiraahdaa xiriir kasta ee jirka ah ee dhex mara nin iyo naag oo aan shareecada islaamka waafaqsanayn. Taas waa nooca zinada ciqaab sugan shareecadu u dejisay. Zinadaasu waxay ku dhabawdaa ayadoo uu ninku farjigiisa geliyo farjiga naag uusan nikaax xalaal ah ku qabin, biyo ha ka yimaadaan ama yeeyan ka imaane.

Qof hore u guursaday oo zinaystah

Shuruudaha qof hore u guursaday waxaa weeye afar: qaan gaarnimo, caqli taam ah, xornimo uusan qofku addoon la leeyahay ahayn iyo inuu guurkaas ku gogol galay. Haddii afartaas shardhi ayan dhammayn, oo tusaale ahaan uusan ninka iyo naagta is guursaday ayan guurkoodaas iskula gogol gelin, loo tix gelin mayo inuu qofkaasu hore u guursaday. Waxaa Ilaahay SWT Aayadda 41 ee Suuratul Maa'idah ku yiri:

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

Sababta degidda Aayaddaan waxay ahayd, ayaa la yiri, in nin iyo haween yuhuud ah, oo Madiina degganaa, ayaa kala zinaystay. Madaxdii yuhuudda Madiina degganayd ma ay doonayn in labadaas qof oo falkaas foosha xun ku kacay ay ka oofiyaan xaddii iyo ciqaabtii ku taallay kitaabka ay sheeganayeen oo Tawraad ahaa. Markaas ayaa qaarkood waxay qaar kale ku yiraahdeen: "u taga Nabigaan Muxammad ah, kaasoo diintiisa waxyaalo badan oo fududayn ah ay ku jirto, fududeynna loo soo diray. Hadduu fidyoodo sida aan dooneynno, oo ah inaan dhagax lagu dilin labada qof, sida ku qoran Tawraad, aqbala oo oggolaada, waanna ku xujeytameynnaa xukunkiisaas Ilaahay agtiisa, oo waxaan oraneynna waxaan raacnay xukunkii Nabigaaga".

Yuhuudu way ogaayeen inuu Nabigu SCW Nabi iyo Rasuul Ilaahay soo diray yahay, mase ayan doonayn inay rumeeyaan oo raacaan, laba sababood daraadeed: xaasidnimo ay u quuri waayeen in asaga oo banii Ismaaciil ah, oo carab ah, Ilaahay siiyay darajadaas ugu sareeysa mid qof la siiyo, oo ah Nabinnimo iyo Rasuulnimo. Yuhuuddu waxay rabtay in Rasuulka Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, kasoo dhex saaro banii Isxaaq, oo ay ka farcameen banii Israaiil. Sababta labaadna waxay ahayd kibir iyo isla wayni. Sidaas ayay habboon tahay in labadaas waxyaalood, oo ah kibir iyo xaasidnimo, laga foogaado.

Kitaabka Tawraad, oo asalkiisii lagu soo dejiyay Nabi Muuse, Caleyhissalaam, wuxuu qorayay, oo Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa, ku sharciyeeyey, in qofkii asagoo hore nikaax xalaal ah sad ku qaatay, kaddib zinaystah, dhagax lagu dhuftoh inta ay naftu ka baxdo oo uu dhinto sida shareecada Islaamkuba ay qabto. Marka waxay damceen inay xukunkaas adag ka leexiyaan, oo shareecada Nabi Muxammad SCW xukun midkaas ka fudud uga helaan. Markaas ayey Nabiga SCW oo masjidka dhexdiisa asxaabtiisii dhex fadhiya, u yimaadeen, oo ay ku yiraahdeen:

"Qaasim Aabihiisow, maxaad ka leedahay nin iyo naag kala zinaystay?" Nabigu SCW lama uusan hadlin, ee intuu fadhigii ka kacay oo istaagay, ayuu wuxuu soo aaday meel ay culimadooda iyo raggooda diinta ku xeel dheer ku kulansanaayeen, oo ahayd madariso ka mid ahayd dugsiyadooda. Markaas ayuu inta dul istaagay, SCW wuxuu ku yiri:

Taasi waxay ku tusinaysaa in Nabigu SCW uu xukunka Tawraad ku dhignaa, oo ay ayagu qarinahayeen, ogaa, oo uu Ilaahay SWT ogaysiiyey. Markii uu Kitaabkii ay ictiqaadsanayeen, oo laakiin ayan ku dhaqmin, ku dhaariyay, ayay waxay yiraahdeen:

Nin ayagii ka mid ahaa, oo la oran jiray Cabdullaahi ibnu Suuriyaa, oo ay dhaartaas la culusaatay, ayaa wuxuu yiri:

Markaas ayaa Nabigu SCW wuxuu yiri: "Waxaan ku xukumahayaa, kuwaas aad xukunkoodda ii keenteen, Tawraad xukunkeedii", wuxuuna amray in xukunkaas la fuliyo, kaasoo la meel mariyay, maadaama uu asagu SCW Madiina ka taliyay. Xadiithkaan asalkiisa waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim, Imaam Dhabari iyo Abuu Daauud.

Boqorraddii iyo madaxdii yuhuudeed, intay adduunkaan shahwaadkiisa jeclaysteen, ayay waxay ku kici jireen dambiyo waawayn oo ay zinadu ka mid tahay. Markaas ayay, si aan xukunkii Ilaahay SWT iyo ciqaabtii uu dambigaas u dhigay, oo Kitaabkoodii Tawraad ahaa ku dhignaa oo ahaa in dhagax lagu dilo, qofkii hore u guursaday, ayay xukunkii Tawraad ku yiillay gacnohooda ku beddeleen, oo ay ka dhigeen xukun ka duwan kii Ilaahay SWT soo dejiyay. Sidaas oo kale ayay xukunkii ayan jecleysan oo walbaba siduu u dhignaa ama ka beddeleen, oo xukun kale meeshiisii ku dhigeen, ama macnihiisii ayay bedeleen, ama jiritaanka xukunkaas inuu kitaabka ku dhigan yahay ayay qariyeen oo haddii la wareysto waxay oran jireen xukunkaas ma jiro, ama xukunkii oo dhanba Kitaabkii ayay ka tirtireen. Marka Kitaabka ay yuhuuddu hadda Tawraad ahaan u haysato, oo intiisa badan loo yaqaan "Old Testament" oo ah qaybta hore ee Bible-ka, ma aha Kitaabkii Tawraadda ahaa ee Ilaahay SWT, Nabi Muuse CS ku soo dejiyay, ee waa waxay ayagu iska qorteen, oo waxay naftoodu jecleysatay ku dhigeen.

Sidoo kale gaalada krishtaanka ah kitaabka ay haystaan, oo loo yaqaan "New Testament" ee Bible-ka ma aha Kitaabkii Injiilka ahaa ee Ilaahay SWT Nabi Ciise, wiilkii Maryama CS ku soo dejiyay, ee waa kitaab ay ayagu waxay doonaan ku qorteen. Nabi Ciise, wiilkii Maryama bintu Cimraan, wuxuu ku joogay shareecadii Nabi Muuse CS ee Tawraad ku qornayd: Injiilku wuxuu ahaa Kitaab wacthi u badan.

Inay yuhuuddu Kitaabkii Tawraad sidaas gacmohooda ugu beddeleen, krishtaankuna ay Kitaabkii Injiil ayaguna gacmohooda ku beddeleen, Ilaahay SWT ayaa Quraankiisa Kariimka ah Aayado fara badan noogu sheegay. Waaba annaga had iyo goor maqalnah in inta madaxdii kaniisadda Kathooligga ah ee Roma laga maamulo, markay muddo joogaanba inta shiraan ay ku dhaqanka kitaabkooda wax ka beddelaan, ama Kitaabkooda laftiisaba wax ka beddelaan caqiidada ku saabsan ama shareecadaba.

Qofkii doonaya inuu sii ogaado waxay kala yihiin New Testament iyo Old Testament iyo kutubbada ay yuhuudda iyo krishtaanku kala haystaan, ha ku laabto Kitaabka "The Holy Qur'An, English translation of the meanings and Commentary" ee sanadkii 1411 ee Hijrada ay soo saartay The Presidency of Islamic Reaserches, Ifta, Call and Guidance, laguna daabacay King Fahad Holy Qur'An Printing Complex, Madiinah, bogga 329.

Waxay Bukhaari, Muslim, Abuu Daauud, Tarmathi iyo Nasaa'i, ay Cabdullaahi bin Mascuud, kulligood Allaha raalli ka noqdee, ka wariyeen inuu Rasuulkii Ilaahay Sallallaahu Caleyhi Wasallam ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:

Waxaa Bukhaari, Axmad iyo Abuu Daauud ay Cabdullaahi bin Buraydah ka wariyeen inuu aabihiis ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:

Waxaa kaleeto oo ay Axmad, Muslim iyo Abuu Daauud isla Cabdullaahi bin Buraydah ka wariyeen, inuu aabihiis ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:

Riwaayad kalena oo laga wariyay Cimraan bin Xusayn, ayna ka wariyeen Jamacada intaan Bukhaari iyo ibnu Maajah ahayn, waxay leedahay:

Ka Goynta Ilamaha Naaska

Cunuggu markuu dhasho waxaa hooyadiis nuujinaysaa muddo laba sano ah, sida Ilaahay, SWT noogu sheegay Aayadda 14 ee Suuratu Luqmaan"

Aayadda manceheedu waxaa weeye:

Waxay Bukhaari, Muslim iyo kuwo kaleba ay ka wariyeen Abuu Hurayra iyo Zayd bin Khaalid, Xadiith macnihiisu yahay:

Waxaa Imaam Axmad uu Abii Amaamah, labadaba Allaha raalli ka noqdee, ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:

Wuxuu Ibn Abii Addunyaa uu ka wariyay Maalik inuu Nabiga SCW ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:

Xukunka qofkii asagoo nikaax xalaal ah hore wax ugu soo qaatay. oo nikaax xalaal ah ku gogol galay, oo qaan gaar ah, caqligiisu uu taam yahay oo aan waalnayn ama miyirkiisu dhinnayn, oo xor ah oo addoon la leeyahay aan ahayn, markaas kaddib zinaystah, oo inuu zinaystay asagu ama ayadu afkooda ka qirtah inay zinaysteen, ama ay ku markhaati furaan afar nin oo muslim ah, oo qaan gaar ah, oo caqligood taam yahay oo caadiliin ah oo si buuxda uga markhaati furahaya inay indhohooda ku arkeen labadaas qof oo kulankii gogol galka sameynaya, waa dilid dhagax lagu dilo.

Waa isku mid haddii uu qofkaas mar nikaax xalaal ah wax ku qaatay uu wali guurkiisii iyo gurigii taaganyahay, iyo inay kala tageen oo is fureen iyo in midkood dhintayba: si kastaba xaaladdiisu ama xaaladdeedu ha ahaatee, hadduu guur kaddib zinaystoh, ama ay zinaysatoh dhagax ayaa lala dhacayaa intay naftu ka baxdo. Waxaa Muslim uu Cabdullaahi bin Cabbaas iyo Cumar ka wariyay inay ka wariyeen Nabiga SCW Xadiith macnihiisu yahay:

Qof asaga oo aan guursan zinaystah

Qofkii asagoo aan waligiis guursan zinaystah, xukunkiisu waxaa weeye 100 ulood ama karbaash in lala dhaco, kaddibna magaalada uu ku nool yahay laga musaafiriyo, oo hal sano oo musaafiris lagu ciqaabo. Waxaa u daliil ah Aayadda 2 ee Suuratul Nuur, taasoo oraneysa:

Aayaddaan Kariinmka ah macneheedu waxaa weeye:

Ilaahay SWT wuxuu leeyahay:

Ficilka zinada la yiraahdo waa ficil aad u foolxuma badan, meela badanna Quraanka dhexdiisa waxaa lala xiriiriyay Ishraagga Ilaahay loo shariik yeelayo, taasoo gaalnimo ah, iyo qof xaq la'aan lagu dilo. Hadaba, labadaas qof xuduud baa Ilaahay SWT u jideeyey, si bulshada ficilkaas uusan ugu faafin, oo mujtamaca Islaamku uu u ahaado mid nadiif ah ee akhlaaqdiisu ay nadiif tahay, oo waxyaalka akhlaaqdiisa halleynahaya oo qoyska dhismihiisa baabi'inahaya, ubadkii si xilleh inay ku dhashaan u sabab noqonahaya, ubadkii inuu tarbiyo iyo wax u murugooda waayo u sabab noqonahaya, ficilkaas in la baabi'iyo darteed, oo bulshadu ka nadiif ahaato, Ilaahay SWT wuxuu u jideeyey xuduud iyo axkaam adag.

Ilaahay SWT khalqigiisa iyo dadka uu abuuray cid uga naxariis badan ma jirto, laakiin haddii qofkii uu ku kaco ficil mujtamicii baabi'inahaya, wuxuu leeyahay, Cazza waJalla, ha u turina oo ha u naxariisannina, maxaa yeelay danta suuban ee mujtamica ayaa ka weyn dantiisa shakhsiga ee xun: boqol garaacid ha lagu dhufto, ciqaabtoodana koox mu'miniin ah ha joogeen, oo goob joogiddaasu waxay u tahay ciqaab dheeraad ah, oo nafsadda laga ciqaabahayo.