
Xukunka qofka Zinaystah
Zino waxaa la yiraahdaa xiriir kasta ee jirka ah ee dhex mara nin iyo naag oo aan shareecada islaamka waafaqsanayn. Taas waa nooca zinada ciqaab sugan shareecadu u dejisay. Zinadaasu waxay ku dhabawdaa ayadoo uu ninku farjigiisa geliyo farjiga naag uusan nikaax xalaal ah ku qabin, biyo ha ka yimaadaan ama yeeyan ka imaane.
Qof hore u guursaday oo zinaystah
Shuruudaha qof hore u guursaday waxaa weeye afar: qaan gaarnimo, caqli taam ah, xornimo uusan qofku addoon la leeyahay ahayn iyo inuu guurkaas ku gogol galay. Haddii afartaas shardhi ayan dhammayn, oo tusaale ahaan uusan ninka iyo naagta is guursaday ayan guurkoodaas iskula gogol gelin, loo tix gelin mayo inuu qofkaasu hore u guursaday. Waxaa Ilaahay SWT Aayadda 41 ee Suuratul Maa'idah ku yiri:
"Yaa ayyuharrasuulu laa yaxzunka allathiina yusaaricuuna fil kufri minallathiina qaaluu aamannaa bi afwaahihim wa lam tu'min quluubuhum wa minallathiina haaduu sammaacuuna lilkathibi sammaacuuna liqawmin aakhariina lam ya'tuuka yuxarrifuuna alkalima min bacdi mawaadicihi yaquuluuna in uutiitum haathaa fa khuthuuhu wa in lam tu'tawhu faxtharuu wa man yuridillaahu fitnatahu falan tamlika lahu minallaahi shay'an ulaa'ika allathiina lam yuridillaahu an yudhahhira quluubahum lahum fiddunyaa khizyun wa lahum fil aakhirati cathaabun cathiim".
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Rasuulow yeyna ku walbahaarin kuwa ku dag dagi gaalnimada oo ah kuwa ku yiri afkooda waan rumaynay oo ayan rumayn quluubtoodu, iyo kuwa yuhoodoobay, waxay maqli ogyihiin beenta waxayna maqli ogyihiin qoom kale oon kuu imaanin waxayna ka leexiyaan kalimooyinka meelaheeda (dhabta) waxayna oran haddii laydinsiiyo kan (leexsan) qaata haddanse laydin siinin ka dhigtoonaada, ruuxuu doono Eebe ibtilayntiisa waxba ugama hanatid Eebe waxba, kuwaasina waa kuwaan Eebe la doonin inuu daahiriyo quluubtooda, waxayna mudan adduunka dulli aakharana waxay mudan cadaab wayn".
Sababta degidda Aayaddaan waxay ahayd, ayaa la yiri, in nin iyo haween yuhuud ah, oo Madiina degganaa, ayaa kala zinaystay. Madaxdii yuhuudda Madiina degganayd ma ay doonayn in labadaas qof oo falkaas foosha xun ku kacay ay ka oofiyaan xaddii iyo ciqaabtii ku taallay kitaabka ay sheeganayeen oo Tawraad ahaa. Markaas ayaa qaarkood waxay qaar kale ku yiraahdeen: "u taga Nabigaan Muxammad ah, kaasoo diintiisa waxyaalo badan oo fududayn ah ay ku jirto, fududeynna loo soo diray. Hadduu fidyoodo sida aan dooneynno, oo ah inaan dhagax lagu dilin labada qof, sida ku qoran Tawraad, aqbala oo oggolaada, waanna ku xujeytameynnaa xukunkiisaas Ilaahay agtiisa, oo waxaan oraneynna waxaan raacnay xukunkii Nabigaaga".
Yuhuudu way ogaayeen inuu Nabigu SCW Nabi iyo Rasuul Ilaahay soo diray yahay, mase ayan doonayn inay rumeeyaan oo raacaan, laba sababood daraadeed: xaasidnimo ay u quuri waayeen in asaga oo banii Ismaaciil ah, oo carab ah, Ilaahay siiyay darajadaas ugu sareeysa mid qof la siiyo, oo ah Nabinnimo iyo Rasuulnimo. Yuhuuddu waxay rabtay in Rasuulka Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, kasoo dhex saaro banii Isxaaq, oo ay ka farcameen banii Israaiil. Sababta labaadna waxay ahayd kibir iyo isla wayni. Sidaas ayay habboon tahay in labadaas waxyaalood, oo ah kibir iyo xaasidnimo, laga foogaado.
Kitaabka Tawraad, oo asalkiisii lagu soo dejiyay Nabi Muuse, Caleyhissalaam, wuxuu qorayay, oo Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa, ku sharciyeeyey, in qofkii asagoo hore nikaax xalaal ah sad ku qaatay, kaddib zinaystah, dhagax lagu dhuftoh inta ay naftu ka baxdo oo uu dhinto sida shareecada Islaamkuba ay qabto. Marka waxay damceen inay xukunkaas adag ka leexiyaan, oo shareecada Nabi Muxammad SCW xukun midkaas ka fudud uga helaan. Markaas ayey Nabiga SCW oo masjidka dhexdiisa asxaabtiisii dhex fadhiya, u yimaadeen, oo ay ku yiraahdeen:
"Qaasim Aabihiisow, maxaad ka leedahay nin iyo naag kala zinaystay?" Nabigu SCW lama uusan hadlin, ee intuu fadhigii ka kacay oo istaagay, ayuu wuxuu soo aaday meel ay culimadooda iyo raggooda diinta ku xeel dheer ku kulansanaayeen, oo ahayd madariso ka mid ahayd dugsiyadooda. Markaas ayuu inta dul istaagay, SCW wuxuu ku yiri:
"Ilaahaygii Nabi Muuse Tawraadda ku soo dejiyay ayaan idinku dhaarinayaaye, maxaad ka heleysaan Tawraad oo xukun ah ruuxii zinaystah asagoo muxsin ah, oo guur hore usoo arkay?"
Taasi waxay ku tusinaysaa in Nabigu SCW uu xukunka Tawraad ku dhignaa, oo ay ayagu qarinahayeen, ogaa, oo uu Ilaahay SWT ogaysiiyey. Markii uu Kitaabkii ay ictiqaadsanayeen, oo laakiin ayan ku dhaqmin, ku dhaariyay, ayay waxay yiraahdeen:
"Labadaas qof wajiga ayaa laga madoobeeya, oo wax ka madoobeeya ayaa laga mariyaa, markaasaa inta dameer la saaro ayaa labadooda la kala jeediyaa, oo magaalada lagu wareejiyaa, oo saasaa lagu ceebeeyaa. Waana la garaacahayaa, oo karbaash ayaa lala dhacahayaa. Sidaas ayaan ka heleynnaa Tawraad, in labadaas qof xukunkoodu yahay".
Nin ayagii ka mid ahaa, oo la oran jiray Cabdullaahi ibnu Suuriyaa, oo ay dhaartaas la culusaatay, ayaa wuxuu yiri:
"Haddaad na dhaarisay, oo aad dhaartaas nagu dhaarisay, Tawraad rajmi baan ka heleynnaa, oo ah in dhagax lagu diloh".
Markaas ayaa Nabigu SCW wuxuu yiri: "Waxaan ku xukumahayaa, kuwaas aad xukunkoodda ii keenteen, Tawraad xukunkeedii", wuxuuna amray in xukunkaas la fuliyo, kaasoo la meel mariyay, maadaama uu asagu SCW Madiina ka taliyay. Xadiithkaan asalkiisa waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim, Imaam Dhabari iyo Abuu Daauud.
Boqorraddii iyo madaxdii yuhuudeed, intay adduunkaan shahwaadkiisa jeclaysteen, ayay waxay ku kici jireen dambiyo waawayn oo ay zinadu ka mid tahay. Markaas ayay, si aan xukunkii Ilaahay SWT iyo ciqaabtii uu dambigaas u dhigay, oo Kitaabkoodii Tawraad ahaa ku dhignaa oo ahaa in dhagax lagu dilo, qofkii hore u guursaday, ayay xukunkii Tawraad ku yiillay gacnohooda ku beddeleen, oo ay ka dhigeen xukun ka duwan kii Ilaahay SWT soo dejiyay. Sidaas oo kale ayay xukunkii ayan jecleysan oo walbaba siduu u dhignaa ama ka beddeleen, oo xukun kale meeshiisii ku dhigeen, ama macnihiisii ayay bedeleen, ama jiritaanka xukunkaas inuu kitaabka ku dhigan yahay ayay qariyeen oo haddii la wareysto waxay oran jireen xukunkaas ma jiro, ama xukunkii oo dhanba Kitaabkii ayay ka tirtireen. Marka Kitaabka ay yuhuuddu hadda Tawraad ahaan u haysato, oo intiisa badan loo yaqaan "Old Testament" oo ah qaybta hore ee Bible-ka, ma aha Kitaabkii Tawraadda ahaa ee Ilaahay SWT, Nabi Muuse CS ku soo dejiyay, ee waa waxay ayagu iska qorteen, oo waxay naftoodu jecleysatay ku dhigeen.
Sidoo kale gaalada krishtaanka ah kitaabka ay haystaan, oo loo yaqaan "New Testament" ee Bible-ka ma aha Kitaabkii Injiilka ahaa ee Ilaahay SWT Nabi Ciise, wiilkii Maryama CS ku soo dejiyay, ee waa kitaab ay ayagu waxay doonaan ku qorteen. Nabi Ciise, wiilkii Maryama bintu Cimraan, wuxuu ku joogay shareecadii Nabi Muuse CS ee Tawraad ku qornayd: Injiilku wuxuu ahaa Kitaab wacthi u badan.
Inay yuhuuddu Kitaabkii Tawraad sidaas gacmohooda ugu beddeleen, krishtaankuna ay Kitaabkii Injiil ayaguna gacmohooda ku beddeleen, Ilaahay SWT ayaa Quraankiisa Kariimka ah Aayado fara badan noogu sheegay. Waaba annaga had iyo goor maqalnah in inta madaxdii kaniisadda Kathooligga ah ee Roma laga maamulo, markay muddo joogaanba inta shiraan ay ku dhaqanka kitaabkooda wax ka beddelaan, ama Kitaabkooda laftiisaba wax ka beddelaan caqiidada ku saabsan ama shareecadaba.
Qofkii doonaya inuu sii ogaado waxay kala yihiin New Testament iyo Old Testament iyo kutubbada ay yuhuudda iyo krishtaanku kala haystaan, ha ku laabto Kitaabka "The Holy Qur'An, English translation of the meanings and Commentary" ee sanadkii 1411 ee Hijrada ay soo saartay The Presidency of Islamic Reaserches, Ifta, Call and Guidance, laguna daabacay King Fahad Holy Qur'An Printing Complex, Madiinah, bogga 329.
Waxay Bukhaari, Muslim, Abuu Daauud, Tarmathi iyo Nasaa'i, ay Cabdullaahi bin Mascuud, kulligood Allaha raalli ka noqdee, ka wariyeen inuu Rasuulkii Ilaahay Sallallaahu Caleyhi Wasallam ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:
"Xalaal ma aha dhiig qof muslim ah oo ku ashahaatay inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, aniguna aan Rasuulkii Ilaahay ahay, saddex mooyee: 1. Qof hore u guursaday oo zinaystay 2. Qof Qof kale xaq darro ku dilay oo qisaas loo dilahayo 3. Qof diintii Islaamka ka baxay oo jameecada Islaamka ka tegay".
Waxaa Bukhaari, Axmad iyo Abuu Daauud ay Cabdullaahi bin Buraydah ka wariyeen inuu aabihiis ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:
"Waxaa Rasuulka Ilaahay SCW oo markaas asxaabtiisa Masjidka dhexdiisa la fadhiya, u yimid ninka la oran jiray maaciz bin maalik al aslamiyya, Markaas ayuu ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, waan zinaystay waxaanna doonayaa inaad i dhaahirisid. Markaas ayuu dib u celiyay. Maalintii dambe ayuu u soo noqday, oo ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow waan zinaystay. Markii labaad ayuu dib u celiyay. Markaas ayaa Rasuulka Ilaahay SCW ninkaas ehelkiisii waydiiyay: "Miyaad ku aragteen in caqligiisa wax u dhimman yahay, ama uu wax qabo?" Waxay yiraahdeen: waxaan ku ognahay caqli fiyoobi. Markii saddexaad ayuu ku soo noqday, markaasuu hadana dib u celiyay, oo mar kale ehelkiisii wareystay, waxayna u sheegeen inaan caqligiisu waxba qabin, dhibaato kalena uusan qabin. Markii uu markii afaraad soo noqday, god ayaa loo qoday (ilaa xabadkiisa gaara), Markaasuu amray, markaasaa dhagax lagu dilay".
Waxaa kaleeto oo ay Axmad, Muslim iyo Abuu Daauud isla Cabdullaahi bin Buraydah ka wariyeen, inuu aabihiis ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:
"Waxaa timid (u timid Nabiga SCW oo asxaabtiisa Masjidka la dhex fadhiya) Haweentii reer ghaamid ahayd (ghaamid waa jilib ka mid ah qabiilka la yiraahdo juhaynah), markaas ayay tiri: Rasuulkii Ilaahayow, waan zinaystaye i dhaahiri. Markaas ayuu dib u celiyay. Maalintii dambe ayay hadana u timid, oo waxay tiri: Rasuulkii Ilaahayow, Maxaad ii Celineysaa sidaad maaciz u celisay? Wallaahi uur ayaan leeyahay. markaas ayuu yiri: "(Haddaad diiday inaad naftaada asturtoh oo aad tawbad keentid) iska noqo, intaad ka dhashid". Markay dhashay ayay timid ayadoo wiilkay dhashay maro ku sidatah, markaas ayay tiri: waa kanoo waan soo dhalay. Wuxuu yiri "Tag oo soo nuuji ilaa uu gaaro da'dii naaska laga goyn jiray markay naaska ka soo goysay, ayay waxay timid ayadoo uu wiilkii gacanta go'muufo ah ku sito. Markaasay tiri: Rasuulkii Ilaahayow, waa kan, oo naaskii waan ka soo gooyay, haddana cunnaduu cunaa. Markaas ayuu wiilkii wuxuu u dhiibay nin muslimiintii ka mid ah, kaddibna amar ayuu bixiyay oo waxaa loo qoday god ilaa xabadkeeda ku sikman. Markaas ayuu dadkii amray, oo (godkii lagu riday) dhagax aya lala dhacay. Khaalid Bin waliid ayaa dhagax ku dhuftay, markaasuu madaxa uga dhacay, oo dhiigeedii ayaa Khaalid wajigiisii ku daatay, markaasuu caayay. Rasuulka Ilaahay SCW ayaa caydiisaas, uu haweentii caayayay, maqlay, markaasuu yiri: "Khaalidow, tartiibso. Waxaan ku dhaartay Ilaahayga naftaydu gacantiisa ku jirto, haweentaasi waxay Ilaahay ugu tawbad keentay tawbad haddii uu tawbad keeno kan canshuurta dadka ka soo uruuriyah kaddibna xaqdarro ku qaata (falkaasoo dambi aad u weyn ah, maadaama uu qaatay kumiyaalkii dad sabool ah oo suuqa badeeco keensaday xoog iyo xaqdarro looga soo uruuriyay), loo dambi dhaafi lahaa. Markaas (ay dhimatay) ayuu ku tukaday, waana la duugay".
Riwaayad kalena oo laga wariyay Cimraan bin Xusayn, ayna ka wariyeen Jamacada intaan Bukhaari iyo ibnu Maajah ahayn, waxay leedahay:
"Markaas ayaa Cumar ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, ma ku tukaneysaa, ayadoo zinaysatay? Markaas ayuu ku yiri: "Waxay tawbad keentay tawbad haddii loo qaybiyo toddobaatan qof oo dadka madiinah ah way ka badan lahayd. Miyaad aragtay wax ka fadli badan inay nafteedii Ilaahay ugu deeqday?"
Ka Goynta Ilamaha Naaska
Cunuggu markuu dhasho waxaa hooyadiis nuujinaysaa muddo laba sano ah, sida Ilaahay, SWT noogu sheegay Aayadda 14 ee Suuratu Luqmaan"
"Wa wassaaynal insaana bi waalidayhi xamalathu ummuhu wahnan calaa wahnin wa fisaaluhu fii caamayni anishkur lii wa li waalidayka ilayyal masiir".
Aayadda manceheedu waxaa weeye:
"Waxaan u dardaarannay dadka labadiisii waalid, way sidday hooyadiis ayadoo tabaryar tabaryari kalana ku sugan, gurintiisuna waa laba sano ee ku mahdi Ani iyo labadaadii waalid, xagaygaana loo ahaan".
Waxay Bukhaari, Muslim iyo kuwo kaleba ay ka wariyeen Abuu Hurayra iyo Zayd bin Khaalid, Xadiith macnihiisu yahay:
"Nin reer miyi ah ayaa rasuulkii Ilaahay SCW u yimid markaas ayuu yiri: Rasuulkii Ilaahayow, Ilaahay ayaan kugu dhaarshaye Kitaabkii Ilaahay igu xukun. Markaas ayaa ninkii ay wada socdeen, oo asagana ka garaad badnaa, ayaa wuxuu yiri: haa, Kitaabkii Ilaahay nagu kala xukun, iina oggolow inaan hadlo. Markaas ayaa Rasuulkii Ilaahay, SCW wuxuu ku yiri: "Hadal". Markaasaa ninkii wuxuu yiri: Willkaygu wuxuu u shaqeynayey ninkaan, markaasuu naagtiisii ka zinaystay. Markaas ayaa waxaa la ii sheegay in ay wiilkayga ku waajibay in dhagax lagu dilo, Markaas ayaan waxaa ku furtay 100 ari ah iyo naag addoon ah. Kaddib dadka cilmiga leh ayaan waraystay, waxayna ii sheegeen in ay wiilkayga ku waajibtay 100 karbaash iyo hal sano oo masaafiris ah, ninkaan naagtiisana ay ku waajibtay in dhagax lagu dilo. Markaas ayaa Rasuulkii Ilaahay SCW wuxuu yiri: "Waxaan ku dhaartay Ilaahay oo naftaydu gacantiisa ku jirto, waxaan idin ku kala xukminahayaa kitaabka Ilaahay: Addoontii iyo ariga waa laguu soo celinahayaa, wiilkaagana 100 karbaash ayaa lagu dhufanahayaa, hal sanana waa la masaafirinayaa. Uneysow, Berri subixii waxaad u tagtaa ninkaan naagtiisa, hadday zinadaas qiratana dhagax ku dila". Uneys subixii dambe ayuu haweentii u tegey, Zinadiina way qiratay. Markaas ayaa Rasuulkii Ilaahay SCW amray in la Rajmo, markaas ayaa dhagax lagu dilay".
Waxaa Imaam Axmad uu Abii Amaamah, labadaba Allaha raalli ka noqdee, ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:
"Nin dhallinyaro ah ayaa Nabiga SCW u yimid markaasuu ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, inaan zinaysto ii oggolow. Markaas ayaa asxaabtii Nabigu SCW ku soo kaceen oo intay riixeen ku yiraahdeen: akhakh. Markaas ayaa Nabigu SCW wuxuu ninkii ku yiri: "Soo dhowow" markaasuu u soo dhowaadey, markaas ayaa Rasuulkii Ilaahay SCW ku yiri: "Fariiso", markaasuu fariistay, markaasuu ku yiri: "Hooyadaa zino ma la jeceshahay?" Markaasuu yiri: Wallaahi maya, Allahana iga dhigo kii naftiisa kugu furtah, markasaa Nabigu SCW ku yiri: "Dadka kalena hooyooyinkood zino lama jecla". Markaasaa Nabigu SCW wuxuu ku yiri: "Gabadhaada zino ma la jeceshahay?" wuxuu yiri: Wallaahi maya, Allahana iga dhigo kii naftiisa kugu furtah. Markaas ayaa Nabigu SCW yiri: "Dadka kalena gabdhohooda zino lama jecla". Markaas ayaa Nabigu SCW wuxuu yiri: "Walaashaa zino ma la jeceshahay?" wuxuu yiri: Wallaahi maya, Allahana iga dhigo kii naftiisa kugu furta. Markaasaa Nabigu SCW wuxuu yiri: "Dadka kalena gabdhaha la dhashay zino lama jecla". Markaasaa Nabigu SCW wuxuu yiri:"Eedadaa zino ma la jeceshahay?" wuxuu yiri: Wallaahi maya, Allahana iga dhigo kii naftiisa kugu furta. Markaasaa Nabigu SCW wuxuu yiri: "Dadka kalena eedooyinkood zino lama jecla". Markaasaa Nabigu SCW wuxuu ku yiri:"Habaryartaa zino ma la jeceshahay?" Markaasuu yiri: "Wallaahi maya, Allahana iga dhigo kii naftiisa kugu furta. Markaasaa Nabigu SCW Wuxuu ku yiri: "Dadka kalena habaryarahood lama jecla". Markaas ayaa Nabigu SCW intuu Gacantiisa ninkii saaray, ayuu wuxuu yiri: "Ilaahayow dambigiisa dhaaf, Qalbigiisana dhaahiri, Farjigiisana suubbi". Markaas kaddib ninkii wax xun ma uusan fiirin jirin.
Wuxuu Ibn Abii Addunyaa uu ka wariyay Maalik inuu Nabiga SCW ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:
"Gaalnimada kaddib ma jiro dambi ka wayn, Ilaahay agtiisa, dhibic uu nin ku rido ilmo galeen aan xalaal u ahayn".
Xukunka qofkii asagoo nikaax xalaal ah hore wax ugu soo qaatay. oo nikaax xalaal ah ku gogol galay, oo qaan gaar ah, caqligiisu uu taam yahay oo aan waalnayn ama miyirkiisu dhinnayn, oo xor ah oo addoon la leeyahay aan ahayn, markaas kaddib zinaystah, oo inuu zinaystay asagu ama ayadu afkooda ka qirtah inay zinaysteen, ama ay ku markhaati furaan afar nin oo muslim ah, oo qaan gaar ah, oo caqligood taam yahay oo caadiliin ah oo si buuxda uga markhaati furahaya inay indhohooda ku arkeen labadaas qof oo kulankii gogol galka sameynaya, waa dilid dhagax lagu dilo.
Waa isku mid haddii uu qofkaas mar nikaax xalaal ah wax ku qaatay uu wali guurkiisii iyo gurigii taaganyahay, iyo inay kala tageen oo is fureen iyo in midkood dhintayba: si kastaba xaaladdiisu ama xaaladdeedu ha ahaatee, hadduu guur kaddib zinaystoh, ama ay zinaysatoh dhagax ayaa lala dhacayaa intay naftu ka baxdo. Waxaa Muslim uu Cabdullaahi bin Cabbaas iyo Cumar ka wariyay inay ka wariyeen Nabiga SCW Xadiith macnihiisu yahay:
"Kitaabka Ilaahay dhexdiisa xaq weeye rajmiga qofkii rag ah ama haween ah oo kaddib markuu hore u guursaday zinaystah haddii lagu caddeeyoh ama ay haweentu uur yeelato ama ay qirtaan".
Qof asaga oo aan guursan zinaystah
Qofkii asagoo aan waligiis guursan zinaystah, xukunkiisu waxaa weeye 100 ulood ama karbaash in lala dhaco, kaddibna magaalada uu ku nool yahay laga musaafiriyo, oo hal sano oo musaafiris lagu ciqaabo. Waxaa u daliil ah Aayadda 2 ee Suuratul Nuur, taasoo oraneysa:
"Azzaaniyatu wazzaanii fajliduu kulla waaxidin minhumaa mi'ata jaldatin walaa ta'khuthkum bihimaa ra'fatun fii diinillaahi in kuntum tu'minuuna billaahi walyawmil aakhiri walyash-had cathaabahumaa dhaa'ifatun minal mu'miniin".
Aayaddaan Kariinmka ah macneheedu waxaa weeye:
"Middii zaaniyadda ahayd iyo midkii zaaniga ahaa mid kastoo labadooda ka mid ah boqol garaacood garaaca, oo boqol karbaash ku dhufta, yeyna idiin qabannin turid loo turahayo Ilaahay Diinkiisa xuduuddiisa loogu turahayo, haddii aad tihiin kuwii Ilaahay rumeynahaya iyo Yawmka Aakhiro. Ha joogaan, oo goob joog ha ahaadaan cadaabkoodaas, iyo meesha lagu ciqaabahayo oo xadka looga oofinahayo, koox mu'miniinta ka mid ah".
Ilaahay SWT wuxuu leeyahay:
"Haweenta zaaniyadda ah ee ficilkaas xun ee akhlaaq xumida ah sameysay, iyo kan ragga ah ee zaaniga ah, mid kasta waxaad ku dhufataan boqol ulood".
Ficilka zinada la yiraahdo waa ficil aad u foolxuma badan, meela badanna Quraanka dhexdiisa waxaa lala xiriiriyay Ishraagga Ilaahay loo shariik yeelayo, taasoo gaalnimo ah, iyo qof xaq la'aan lagu dilo. Hadaba, labadaas qof xuduud baa Ilaahay SWT u jideeyey, si bulshada ficilkaas uusan ugu faafin, oo mujtamaca Islaamku uu u ahaado mid nadiif ah ee akhlaaqdiisu ay nadiif tahay, oo waxyaalka akhlaaqdiisa halleynahaya oo qoyska dhismihiisa baabi'inahaya, ubadkii si xilleh inay ku dhashaan u sabab noqonahaya, ubadkii inuu tarbiyo iyo wax u murugooda waayo u sabab noqonahaya, ficilkaas in la baabi'iyo darteed, oo bulshadu ka nadiif ahaato, Ilaahay SWT wuxuu u jideeyey xuduud iyo axkaam adag.
Ilaahay SWT khalqigiisa iyo dadka uu abuuray cid uga naxariis badan ma jirto, laakiin haddii qofkii uu ku kaco ficil mujtamicii baabi'inahaya, wuxuu leeyahay, Cazza waJalla, ha u turina oo ha u naxariisannina, maxaa yeelay danta suuban ee mujtamica ayaa ka weyn dantiisa shakhsiga ee xun: boqol garaacid ha lagu dhufto, ciqaabtoodana koox mu'miniin ah ha joogeen, oo goob joogiddaasu waxay u tahay ciqaab dheeraad ah, oo nafsadda laga ciqaabahayo.