
Muslimad gaal ma guursan karto
Haween muslimad ah nin aan muslim ahayn ma guursan karto, oo Diinta Islaamku ma ogola, waana xaaraan. Waxaa u daliil ah: Waxaa Ilaahay SWT Aayadda 221 ee Suuratul Baqara ku yiri:
"Walaa tunkixuu al mushrikiina xattaa yu'minuu wa la cabdun mu'minun khayrun min mushrikin wa law acjabakum ulaa'ika yadcuuna Ilannaari wallaahu yadcuu ilaljannati".
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Ragga mushrikiinta ah ha ku nikaaxinnina haweenka mu'minaatka ah, intay raggaasi ka rumeeyaan, oo addoon mu'min ah ayaa ka khayr badan kan gaalka xorka ah, haba idin cajabiyo gaalku, xag maal, xag awood, xag jaah. Sababtu waxaa weeye kuwa gaalada ah, krishtaan, yuhuud iyo waxay kaloo doonaan ha ahaadaane, naarta ayay dadka ugu yeerayaan, Ilaahayna Jannaduu dadka ugu yeerayaa".
Waxaa kaleeto oo Ilaahay SWT Aayadda 10 ee Suuratul Mumtaxinah ku yiri:
"Yaa ayyuhallathiina aamanuu ithaa jaa'akumul mu'minaatu muhaajiraatin famtaxinuuhunna allaahu aclamu bi iimaanihinna fa'in calimtumuuhunna mu'minaatin falaa tarjicuuhunna ilal kuffaari laa hunna xillun lahum walaa hum yaxilluuna lahunna".
Aayaddaan kariimka ah macneheedu waxaa weeye:
"Kuwii rumeeyeenow, hadday idiin yimaadaan haween mu'minaat ah ee soo haajiray, islaannimadu inay dhab ka tahay iyo in kale imtixaana, oo baara oo dhaariya, Iimaankooda xaqiiqadiisa Ilaahay ayaa og ee. Markaas hadday idinla noqoto inay islaannimo dhab ah wataan, gaalada ha u celinnina, maxaa yeelay haweenkaasu gaalada xalaal uma aha, ragga gaalada ahina haweenkaas xalaal uma aha. Sidoodaba xalaal isuma ah".
Xikmada ku jirta inayan haween muslim ah nin gaal ah guursan karin, ayanna xalaal isu ahayn, waxaa weeye in ninku madaxa qoyska yahay, uuna u taliyo haweentiisa, ayadana ay waajib ku tahay adheecidda ninkeeda wixii uu amro, waxay taasi noqoneysaa inuu xukumo, walina u yahay: mana suurtowdo in gaal uu xukumo, walina u noqdo nin ama haween muslim ah, sida uu Ilaahay SWT ku yiri Aayadda 141 ee Suuratul Nisaa':
"Wa lan yajcalallaahu lilkaafiriina calal mu'miniina sabiilan".
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Ilaahay SWT gaalada u yeeli mahayo mu'miniinta dushooda jid ay uga lib helaan, ay ku baabi'iyaan, ay ku jirrid gooyaan, ama xujada iyo xukunka uga ghaalib noqdaan. Maxaa yeelay gaalka agtiisa xaq ma yaal, oo midnimada Ilaahay SWT iyo Rasuulkiisii Muxammad SCW ayuu inkiray".
Ninka gaalka ahi ma aqoonsana diinta haweenta muslimadda ah, wuuba beeninayaa, Rasuulnimada iyo Nabinnimada Nabigeedana wuuba inkirsanyahay. Khilaafka intaas le'eg guri uu ku dhex jiro, ma ay suurtowdo in dhexdiisa nolol caadi ah laga helo. Waxaa intaas dheer, in haweenta muslimadda ah oo gaal guursata ay halis u tahay inay diinteedii suubanayd ka baxdo oo ay gaalo ninkeeda la noqoto. Sidoo kale caruurtay ninkaas u dhasho waxay halis u yihiin inay gaalo noqdaan. Marka gaalku, ayada iyo caruurtay u dhashaba wuxuu u hoggaaminaya xagga naarta.
Marka haween muslim ah guurka nin aan muslim ahayn waa ka xaaraan, maxaa jira way ka sarreysaa, oo qalbigeeda Iimaan ayaa ku sugnaaday, asaguna waa baadiyeysan yahay, oo waaba kii Ilaahay SWT gaalada ku tilmaamay inay ka baadiyeysan yihiin ancaamta, oo ah geela iyo lo'da iyo ariga, caqlina ma laha oo waa ayada Ilaahay SWT noogu sheegay Aayadda 11 ee Suuratul Mulki ee Tabaarak, inay gaaladii qirteen doqonnimadooda: "Gaaladii waxay dhaheen haddaan wax maqlaynno ama aan wax kasaynno (oo aan caqli leenahay) Naarta Saciiro ehelkeeda ma aanan noqonneen".
Waxaa kaloo Ilaahay SWT Aayadda 44 ee Suuratul Furqaan ku yiri:
"Am taxsabu anna aktharahum yasmacuuna awyacqiluuna in hum illaa kal ancaami bal hum adallu sabiilan".
Aayaddaan Kariimka ah macneheedu waxaa weeye:
"Mise waxaad u malayn in badankood wax maqli ama wax kasi, ma aha waxaan xoolo oo kale ahayn, iyagaabase ka sii dhunsan".