
Camalka Qawmu Luudh
Camalka qawmkii Luudh waxaa sameeyey ninkii nin kale ama haween dabada uga taga. Waxaa weeye kuwa afka ingiriiska lagu yiraahdo "gay, homosexual", af soomaaligana lagu yiraahdo khaniisnimo.
Waxaa Ilaahay SWT Aayadaha 80 iyo 81 ee Suuratul Acraaf ku yir, Asagoo kuwaas camalkooda foosha xun ka warramaya:
"Wa luudhan ith qaala li qawmihi ata'tuunal faaxishata maa sabaqakum bihaa min axadin minal caalamiina (80) Innakum la ta'tuuna arrijaala shahwatan min duunil nisaa'i bal antum qawmun musrifuuna (81)."
Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:
"Xus waqtigii uu Nabi Luudh qawmkiisa ku yiri: Xaaladdii foolxumada badnayd miyaad la imaaneysaan, xaaladdaasoo aan caalamiinta adinka axadna uusan idiinka horrayn samaynteeda. Adinku ragga miyaad u tegeysaan ishtahayn iyo hunguriyeyn darteed, haween ka sokow, adinku waxaad tihiin qawm xad gudbay."
Waxaa Ilaahay SWT Aayadaha 82 iyo 83 ee Suuratu Huud ku yiri:
"Falamma jaa'a amrunaa jacalnaa caaliyahaa saafilahaa wa amdharnaa calayhaa xijjaaratan min sijjiilin manduud (82) Musawwamatan cinda rabbika wa maa hiya minathaalimiina bibaciid.(83)"
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Markii uu yimid amarkayagii halaaggooda aan farnay, korjireheedii ayaan hoosjireheedii ka yeelnay". Magaalooyinkii, tuulooyinkii iyo meelihii ay reer Luudh, Nabi Luudh Caleyhisalaam (oo uu dhalay Nabi Ibraahiim walaalkiis, isku waqtina noolaayeen, Nabinnimaduse ay Ibraahiim Caleyhisalaam, ku horreysay) degganaayeen, dhankoodii kore ayaan dhankoodii hoose ka yeelnay, ayaa Ilaahay SWT leeyahay. Waa la rogay, oo la daba gaddiyay. "Waxaan da'siinnay korkoodiina dhagaxyo dhoob la dubay ka samaysan oo is raacraacahaya, ama isku dul raseysan, oo awal la diyaariyay, oo Rabbigaa agtiisa laga calaamadeeyey, oo qof walba dhagixii loo calaamadeeyey uu ku dhacahayo".
Dhawr cadaabood ayaa qawmu Luudh la isugu daray:
1. Dhulkii ay ku noolaayeen ayaa lala daba gaddiyay.
2. Dhagaxyo ayaa lala dhacay.
3. Markay waabariisteen oo qorraxdu soo baxaysana qaylo ayaa qabatay, ayan u adkaysan karin: waxaa la yiri waxaa ku qayliyay Malaku Jibriil, Caleyhissalaam.
Cathaabtaasi ma ay ahaanin kuwa thaalimiinta ah, oo hadda jooga, tii ka fog. Zaman ahaan ma foga, oo reer Luudh Ummadihii la halaagay kuwii ugu dambeeyey ayey ahaayeen, oo waxaa uun ka dambeeyey qawm la halaago Fircoon iyo askartiisii. Xagga makaankana kama fogayn, oo dhulkaas Xijaaz la yiraahdo, oo Makkah iyo Madiina ay ku yaallaan, ayaa deegaanka reer Luudh la xiriiray. Magaalooyinka ay ku noolaayeen reer Luudh waxay ahaayeen, ayaa la yiri shan magaalo, waxaana la kala oran jiray Sadduuma, Sacbah, Sucuud, Ghamrah iyo Dooxaa'a, oo xagga Shaam kala xiriira Xijaaz, kuna yiil xeebta Badda Dhimatay (Dead Sea), oo hadda qaarna ka tirsan Boqortooyada Urdun, qaarna dhulka ay yuhuuddu xoogga ku haysato. Sidaas waxaa ku wariyay kitaabkiisa Tafsiirka Quraanka Ibn Kathiir (Mujalladka labaad, bogga 436), asagoo ka wariyay Muxammad bin Kacab Al Qarthi. Wuxuu intaas ku daray in, markii la daba gaddiyay, magaalooyinkaas ay galeen Baddaas hoosteeda.
Taasu waa digniin iyo cabsiis weyn, loona jeedinahayo kuwa Nabiga SCW kasoo hor jeeda ee thaalimiinta ah, waqti kastaba ha noolaadeene.
Xukunka qofkii sameeya camalka qawmu Luudh
Waxay Bukhaari, Muslim, Tarmathi, Abuu Daauud, Ibn Maajah, Al Xaakim iyo Al Bayhaqiy, kuligood Allaha raalli ka noqdee Cikramah ka wariyeen inuu Cabdullaahi bin Cabbaas ka wariyay inuu Nabi Muxammad SCW ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:
"Qofkaad aragtaan asagoo samaynaya camalkii qawmu Luudh dila, kan samaynaya iyo kan lagu samaynaba'
Riwaayad kalena waxay leedahay:
"Dhagax ku dila kan korreeya iyo kan hooseeyaba".
Marka xukunka qofkii ku kaca camalka reer Luudh waxaa weeye dil, ha korreeyo, ama ha hooseeyo, ha ahaado mid hore u guursaday, ama ha ahaado mid aan waligiis guursanba.
Haddii labada nin oo camalkaas sameynaya midkooda hooseeya uu yahay cunug aan qaan gaarin, ama uu yahay qof waalan, ama uu yahay qof samaynta camalkaas lagu khasbay, saddexdaasba xad laguma laha oo loo ciqaabi mahayo, ee waa la iska sii daynayaa.
Haweentii camalkaas lagu sameeyey, oo uu ku sameeyey nin nikaax xalaal ah u qaban karo, waxaa lagu garaacahayaa 100 ulood ama karbaash, hal sanana waa la masaafurinahayaa. Si xadkaan loo oofiyo waa inuu qofku afkiisa ka qirto inuu ku kacay, oo sameeyey camalkii reer Luudh, ama ay ku markhaati furaan 4 nin oo muslim ah, qaangaar ah, caqligoodu tam yahay caadiliin ah oo indhohooda ku arkay markii ay camalkaas samaynayeen. Xad oo dhaan oofintiisa iyo fulintiisa waxaa iska leh Dawladda.
Sidee baa loo dilayaa?
Imaam Nawawi, iyo culummo kaleba waxay qabaan in qofkay ku caddaato inuu sameeyey camalkii reer Luudh, in seef madaxa looga gooyo, sida murtadka diinta Islaamka oo ka noqday, waxayna sabab uga dhigayaan inuu Nabigu SCW ku isticmaalay erayga "UQTULUU", oo ah dila, sida ku qoran Xadiithka aan ku xusnay bogga 54.
Qaar kale oo culummada ka mid ahna waxay qabaan in dhagax lagu dilo. Waxaa la sheegay in Abuu Bakar Al Siddiiq, iyo Cumar bin Khadhaab iyo Cali bin Abii Dhaalib, niman falkaas loo ciqaabahayay, markii la dilay kaddib ay dab ku gubeen, xumaanta ficilkaas weynaantiisa dartiisa.
Haween haween kale la baashaartay
Haween inay haween kale la baasharto waa xaaraan. Waa waxa afka ingiriiska lagu yiraahdo "Lesbian". Waxay Axmad, Muslim iyo Tarmathi, Allah kulligood raali ka noqdee, ka wariyeen Rasuulka SCW, Xadiith macnihiisu yahay:
"Nin yuusan dhugannin cawrada nin kale haweenna yeeyan dhugannin haween kale cawradeeda. Laba nin yeeyan hal maro hoosteeda isku arag, laba haweenna yeeyan hal maro hoosteeda isku arag, oo isla huwan".
Haweentii camalkaas ku kacda xukunkeedu waa xabbis, ama ganaax, ama musaafuris, hadba siduu Xaakimku garto inay edbinteedu ku haboon tahay.