
Qaawanaan inaan Kacbada lagu dhawaafin
Rasuulka Ilaahay SCW awoowihiis Cabdul Mudhalib wuxuu dadka ka reebay in Kacbada lagu dhawaafo ayadoo la qaawan yahay. Ilaahay SWT wuxuu reebiddaas ku sharciyeeyay Aayadda 31 ee Suuratul Acraaf. Aayaddu waxay leedahay:
"Yaa Banii Aadama khuthuu ziinatakum cinda kulli masjidin wa kuluu washrabuu wa laa tusrifuu innahu laa yuxibbul musrifiina".
Aayaddaan Kariimka ah macneheedu waxaa weeye:
"Aadan ubadkiisiiyow, masaajid kasta agtiisa waxaad isku qurxisaan qaata, ama meel kasta oo aad Ilaahay ugu sujuudeysaan agteeda, waxaad isku qurxisaan qaata. Cuna oo cabba, hana xad gudbina".
Aayaadkaan sababta ay ku soo degeen waxay ahayd: Qureysh ayaa waxay caadadoodu ahayd inay dadka Makkah deggan, oo la oran jiray "XUMS" oo ahaa Qureysh iyo inta ay is dhaleen ma ahane, inta kale oo carabta ah markay Makka yimaadaan oo ay Xajka gudanahayaan, waxay ku khasbeen oo nidaam qalloocan oo ay raacaan uga dhigeen in markay Kacbada ku dhawaafayaan ay xirtaan dadka Makkah deggan dharkooda, ama ay dhar cusub oo ay ku dhawaafaan gataan, oo dhar ay Ilaahay hore ugu soo caasiyeen ayan Baytka Ilaahay ku dhawaafin.
Sidaas ayaa qofkii soo xajiyay, oo dhar cusub waayah, ama dhar uu dadka reer Makkah ka caariyaysto waayah, ayey waxay yeeli jireen intay dharkoodii iska dhigaan Kacbada ayagoo qaawan ku dhawaafi jireen, ayagoo ku qancay in dharkaas ay kor kala yimaadeen, oo ay suurtowdo ayagoo qaba in ay Ilaahay caasiyeen, Kacbada inay kula dhawaafaan inayan habboonayn. Dharkaas intay iska bixiyaan, ayay markaas dhawaafahayeen, ayagoo ula dan leh, Baytkaas Ilaahay weyneyntiisa.
Markaas ayaa Aayadahaan soo degeen: Aadan ilmihiisiiyow, labbista oo isku qurxiya dharka Ilaahay suubintiisa idin baray, markaad masaajid ku cibaadeysaneysaan iyo meel kasta oo aad Ilaahay ugu sujuudeysaan oo aad salaad ku tukaneysaan. Taas waa amar sharci ah. Quruxdaas waxaa ugu yar cawrada asturitaankeeda, taasoo lagama maarmaan ah: ninka cawradiisu waa inta u dhexaysa xuddunta iyo jilibka, haweentana waa jirkeeda oo dhan intaan ahayn wajigeeda, labadeeda gacmood ilaa cumaacumaha iyo labada cagood dushooda muuqata ilaa anqawyada. Wixii cawrada asturitaankeeda ka dheeraad ah oo qofku dhar ahaan isku qurxiyo kuna xarragoodo, ayadoo aan is weyneys loo qasdayn iyo kibir, ayadana sidaas ayaa lagu sharciyeeyey.
Waliba marka Ilaahay SWT la caabudahayo, way wanaagsantahay inuu qofku labbistoh dharkiisa kan ugu qurxoon, rummaydo, cadar is mariyo, maxaa yeelay Boqorkii iska lahaa ayuu hor taagan yahay, oo la hadlayaa, la faqayaa, xaajooyinkiisa u bandhigayaa, raxmadiisa iyo fadligiisana weydiisanayaa. Marka waa inuu is qurxiyaa.
Ilaahay SWT wuxuu kaloo Aayaddaas ku leeyahay:
"Cuna oo cabba, hana xad gudbina" waa amar lagu burinahayo caado xun oo ay lahaayeen, oo ahayd inay markii gudanayaan Xajka, ay cunnada iyo cabbidda isku ciriirin jireen, oo cunnada nafciga leh oo dhan iska xarrimi jireen. Caadadaas foosha xun waa la joojiyay. Hana xad gudbina, xagga labbiska, xagga cunnada iyo xagga cabbidda:
1. Xad gudb uu qofku naftiisa ku xad gudbo, asagoo dharkii, cunnadii iyo cabbiddii ku ciriiriya.
2. Wax dhibaato ku ah dhaqaalihiisa oo uusan awood u lahayn inuu sameeyo.
3. Wax uusan korkiisu qaadi karin xagga cunidda iyo cabidda inuu qaato.
4. In uu khayaano, tuugo iyo xaaraan wax ku cuno ama ku cabbo.
Waxaa Imaam Axmad uu Saciid bin Jubayr ka wariyay, Ibn Cabbaasna uu saxiix ka dhigay, inuu Nabiga SCW ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:
"Waxaad labbisataan dharkiinna cad, maxaa yeelay kuwa cad ayaa dharkiina ugu khayr badan. Maydkiinana dhar cad ku kafna. Indha kuushiinana waxaa ugu khayr badan al athmad, oo wuxuu xoojiyaa aragga, wuxuuna soo dhaliyaa timaha".
Waxaa Bukhaari iyo Muslim ay ka wariyeen Cali bin Abii Dhaalib AKR wajigiisana karaameeyee, inuu Nabiga SCW ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:
"Waxaa dadkii mina joogay la ogaysiiyay maalintii xoolaha ciidda carafo la gawracayay in Ilaahay bari Gaalada ka yahay iyo inuusan soo xajjin karin qof gaal ah sanadkaas kaddib iyo inaan kacbada lagu dhawaafi karin ayadoo la qaawanyahay".