
Bilaha xurmada leh
Rasuulka Ilaahay SCW awoowihiis Cabdul Mudhalib, wuxuu jideeyey weyneynta afarta bilood oo xurmada leh, oo ah Rajab, Thul Qacdah, Thul Xajjah iyo Muxarram, oo dhexdooda uu dagaal iyo is dilid ay ka reeban tahay. Waxaa Ilaahay SWT xurmadaas ku sharciyeeyey Aayadda 36 ee Suuratul Al Tawbah, taasoo oranaysa:
"Inna ciddata ashuhuuri cindallaahi ithnaa cashara shahran fii Kitaabillaahi yawma khalaqa assamaawaati wal arda minhaa arbacatun xurumum thaalikaddiinu al qayyimu falaa tathlimuu fiihinna anfusakum wa qaatilul mushrikiina kaaffatan kamaa yuqaatiluunakum kaaffatan waclamuu annallaaha macal muttaqiina".
Aayaddaan Kariimka ah macneheedu waxaa weeye:
"Bilaha tiradooda, Ilaahay agtiisa ahaaday 12 bilo ah weeyaan, Ilaahay agtiisana ahaadeen, maalin uu abuuray samaawaadka iyo dhulka. Waxaa bilahaas ka mid ah afar oo xurmo leh".
Hadaba, halkaan xukun ayaa naloogu sheegayaa. Waqtigii jaahiliga, ee Islaannimada horteed ahaa, carabtu waxay ku isticmaali jirta bilaha carabiga, oo bilaha lagu xisaabiyo markay bishu dhalato oo dayaxa la arko. Kuma xisaabtami jirin bilaha iyo sanadka socodka qorraxda lagu xisaabiyo. Marka waxaa dhaceysey in bisha Xajku ay hadba xilli kale ku soo aaddo, oo mar ku beeganto xagaa, mar ay ku beeganto jiilaalka, mar ay ku beeganto gu'ga marna ay ku beeganto dayrta. Carabtu waqtigii jaahiliga, markay ka foogaadeen Diintii Nabi Ibraahiim iyo Nabi Ismaaciil, Naxariistii Ilaahay dushooda ha ahaatee, qasadka wayn oo ay xajka u imaan jireen wuxuu ahaa ganacsi, oo waxayba ku magacaabi jireen Mawsimka.
Marka waxaa dhacaysey in mararka qaarkood uu xajkii ku beegmo xilli aan tijaarada ugu habboonayn, oo dadkii uusan badeeco haysan ama wax fiican oo ay suuqa keenaan ayan haysan. Markaas ayay xisaabtankii ay bilaha sanadka ku xisaabinayeen dayaxa ka leexdeen, oo waxay u leexdeen inay bilaha sanadka ku tirsadaan qorraxda socodkeeda, oo ah tirsiga gaaladu tirsato oo afka qalaad lagu yiraahdo "Gregorian Calender": markaas bishii xajku waxay ku beegmeysaa mar go'an iyo waqti keli ah oo la soo abbaaro.
Waxaa jirta in sanadka qorraxda lagu xisaabiyo iyo sanadka dayaxa lagu xisaabiyo, markii la isku tiriyo, inuu badan yahay midka qorraxda lagu xisaabiyo. Marka, muddo haddii la joogo, waxaa soo baxaysa bil dheraad ah. Bil dheeraad ah markay soo baxdo, sanadkii marka waxay ku xisaabayaan 13 bilood, taasoo ah beddelaad xukunkii Ilaahay, Suxaanahu waTacaalaa, maxaa yeelay bilaha dayaxa lagu xisaabiyo arkaan sharci ah ayaa la xiriiriah, sida Xajka, soomidda Ramadaan oo xagga bisha ku tacalluqda, aanna fusuusha sanadka la xiriirin.
Waxaa kaleeto oo bilaha dayaxa lagu xisaabiyo la xiriira bilo xurmo leh, xurmo dheeraad ah leh: bilaha xurmada dheeraadka ah leh haddaan bil ahaan loo eegin, oo uun fusuusha keli ah la eego, ayaga naftoodii waa is beddelayaan. Ayagoo ictiqaadsan xurmada bilahaas ayayan, hadana, kuwa ay yihiin xurmadaas kuma ilaalin jirin. Bilahaas afarta ah ee xurmada dheeriga ah leh dhexdooda dagaal iyo is dilid iyo xumi oo dhanba waa ka xaaraan: wixii xumi ah oo dhexdooda lagu sameeyo ciqaab dheeraad ah ayey leeyihiin, wixii wanaag ah oo dhexdooda lagu sameeyana ajar dheeraad ah ayay leeyihiin.
Marka, intaas aan soo sheegnay oo dhan ayaa takhriib ku imaanayaa, markii xisaabta bilaha qamariga ah, ee bil ku dhalashada ah, sidooda aan loo dhawrin, oo lagu beddelo xisaabta bilaha socodka qorraxda lagu xisaabiyo. Marka taas ayaa xukunkeeda Aayaddaan naloogu sheegayaa, oo Ilaahay SWT wuxuu leeyahaya:
"Tirada bilaha Ilaahay agtiisa ahaaday 12 bilo ah weeyaan. Waxaa ka mid ah bilahaas 12 ah, afar xurmo leh: Sidataal, Carrafo iyo Zako oo isku xiga iyo Rajab oo aan la xiriirin. Hadaba, Ilaahay SWT Asaga ayaa koonkaan oo dhan iska leh, tasarrufkiisana iska leh, wuxuu rabo ayuu jideeyaa, wuxuu rabana fadli iyo dheeri ayuu siiyaa. Tusaale ahaan, bilaha sanadka ku jira wuu kala fadilay oo bisha Ramadaan fadli gooni ah ayuu siiyay: Quraanka Kariimka ah ayuu dhexdeeda ku soo dejiyay, Laylatul Qadriga ayaa dhexdeeda ku jirta, soonqaadka barakaysan ayaa ku jira; maalmaha wuu kala fadilay, oo toddobaadka maalmaha ku jira maalinta jimcaha ah ayuu fadilay, oo waxaa dhexdeeda ku jirta mar, haddii ayadoo la cibaadeysanayo Ilaahay, Cazza wa Jalla la baryo, wixii laga baryo oo aan dambi iyo rixim goyn ahayn, qofkii ka barya uu siiyo, oo maadaama aan meel ay jimcaha uga jirto aan la sheegin, dadka arrintaas xogogaalka u ah maalinta jimcaha oo dhan ayay cibaadeysi ku dhammeystaan, si ay markaas ducada la aqbalo ula kulmaan ayagoo Ilaahay SWT la xiriira; sanadka maalmaha ku jira wuu kala fadilay, oo maalinta Carafo ayuu fadilay, oo sida Nabigu SCW u yiri:"Xajku waa carafo"; khalaa'iqdiisa kale wuu kala fadilay, oo Nabiyo iyo Rusul ayuu dhexdooda ka doortaa; amaakinka ama meelaha wuu kala fadilaa, oo Makkah iyo meelaha kale oo xurmada leh, sida Madiina iyo Quddus ayuu fadilay. Aayaddu waxay dhammadkeeda leedahay:
"Mushrikiintana la dagaallama, xaal aad dhan tihiin, adinkoo wada jira muslimiintiiyow, siday idiinla dagaallamayaan ayagoo wada jira. Ogaada Ilaahay inuu kuwa muttaqiinta ah oo ka cabsada uu la jiro".
Aayadda ku xigta, oo ah Aayadda 37 ee ila Suuraddaas Al Tawbah, waxaa Ilaahay SWT nooga warramayaa kuwii bilaha afarta ah ee xurmada dheeriga ah leh, xurmadoodii dib u dhigay, wuxuuna yiri:
"Innamaa annasii'u ziyaadatun fil kufri yudallo bihillathiina kafaruu yuxilluunahu caaman wa yuxarrimuunahu caaman liyuwaadhi'uu ciddata maa xarrama allaahu fayuxilluu maa xarrama allaahu zuyyina lahum suu'u acmaalihim wallaahu laa yahdii al Qawma al Kaafiriina".
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Dib u dhigidda kororsiimo weeye, gaalnimo la kororsado: mushrikiintii inta afartii bilood oo xurmada lahaa, middii ay doonaan xurmada ka qaadaan, ayay xurmadaas dib u dhigi jireen, oo bil aan xurmo lahayn siin jireen. Taas waxaa weeye xalaaleyn wixii Ilaahay SWT xaaraan ka dhigay, wuxuu xalaal ka dhigayna xaaraan laga dhigo. Dib u dhigiddu, oo afka carabiga lagu yiraahdo Nasii'i, waa gaalnimo la kororsado, waxaana lagu baadiyeeyaa kuwii kufriyay. Sanad waxay bishii ka dhigayaan xalaal, oo xurmadii ayay ka qaadayaan, oo waxay leeyihiin: sanadkaan bishaan xurmadeedii dib ayaan u dhignay. Tusaale ahaan bishii Zako, oo xurmada lahayd, hadday u baahdaan inay dhexdeeda dagaallamaan, waxay leeyihiin bishaan xurmadii waan ka qaadnay, oo bisha dambe ayaan geynay, wayna iska dagaallamayaan. Sanadka dambe hadday arkaan inayan doonaynin inay dagaallamaan, waxay oranayaan bishaan xurmadeedii bay leedahay.
Bilihii afarta ahaa kuwii ay ahaayeen xurmadii ku ilaalin mahayaan, ee sanadkii ayey afar bilood, oo aan ahayn kuwii Ilaahay SWT xukmiyay, ayay xurmo siinahayaan, si tiradu u le'ekaato tiradii Ilaahay SWT gooyey, oo afarta ahaa: shaydhaan ayaa acmaashoodii xumayd u qurxiyay, markaasey u qaateen inay wanaagsantahay. Ilaahay ma hanuuniyo qolo gaalo ah"