Diyada Ninka iyo Natharkii Cabdul Mudhalib

Nabi Muxammad SCW awoowihiis Cabdul Mudhalib, ayaa jideeyey in diyada qofku ay tahay boqol halaad oo geel ah. Rasuulkii Ilaahay SCW ayaa inay diyada qofku ay boqol halaad oo geel ah tahay sharciyeeyey. Waxaa Tarmathi uu ka wariyay Camru bin Shucayb, kaasoo aabihiis ka wariyay, aabihiisna uu awoowihiis ka wariyay Nabiga SCW Xadiith macnihiisu yahay:

Waxaa diyada 30 iyo 30 iyo 40 looga dhigay aydoo diyada lagu adkeynayo. Qofkii si qalad ah loo dilana diyadiisu waa isla boqol halaad oo geel dheddig ah: waxaa is beddelaya da'da geela oo keli ah.

Cabdul Mudhalib waxay saaxiibtinnimo adag ka dhexeysay, waqtigii Islaamka ka horreeyey, nin la oran jiray Xarbi bin Umayyah bin Cabdu Shams bin Cabdu Manaaf, oo ahaa Abuu Sufyaan aabihiis. Waxaa waqtigaas Cabdul Mudhalib madaxiisa iyo magantiisa Makkah ku degganaan jiray nin yuhuudi ahaa. Ninkaas yuhuudiga ah wuxuu gardarreystay oo ku edeb darrooday Xarbi, ayadoo la joogo suuq ka mid ah suuqyada Tahaamah. Markaas ayaa Xarbi dilidda yuhuudigaas geesinnimo geliyay, oo sidaas ayaa looba dilay. Markii uu Cabdul Mudhalib arrintaas ka war helay, wuu ka joogsaday oo ka haray saaxiibtinnamada Xarbi, kamana uusan harin jeer uu ka qaado 100 halaad oo geel ah oo uu diyo ahaan u siiyey yuhuudigii la dilay ina adeerkiis. Wuxuu Cabdul Mudhalib sidaas u yeelay ilaalin iyo dhawrid uu dhawrayo magaciisa iyo sharaftiisa, maadaama ninkaas la dilay uu Makkah ku degganaa asagoo isaga magan u ah. Markaas kaddib wuxuu Cabdul Mudhalib la saaxiibay nin la oran jiray Cabdullaahi bin Jucdan Al Taymiy.

Natharkii Cabdul Mudhalib iyo Sheekada Cabdullaahi

Markii uu Nabi Ibraahim, Caleyhissalaatu Wassalaam, uu wiilkiisii Ismaaciil oo yar iyo hooyadiisii dhashay oo ahayd Haajar, Makkah Al Mukarramah meeshay hadda tahay, oo markaas meel aan la degganayn oo oomane ah, cidna ayan ku noolayn, inta dhigay uga tagay, asagoo Amarkii Ilaahay SWT fulinaya, ayagoo saad ahaan u uhaystah jiraad timir ah iyo weel biyo ku jiraan, ayaa markay biyahay siteen ka dhammaadeen, ayaa Ilaahay SWT ceelka Zamzam dhulka uga soo burqiyay. Deegaanka Makka hareereheeda ah dadka degganaa waxaa ugu badnaa laba qabiil oo la kala oran jiray Jurham iyo Camaaliiq (oo kala ah faracii ka haray labadii qawm oo gaalnimada daraadeed loo halaagay oo kala ahaa reer Thamuud iyo reer Caad), oo carab ahaa oo Yaman kasoo guuray. Ayagoo in meesha biyo ka dillaaceen ku gartay haad dul heehaabayay, ayaa waxaa u yimid Haajar, oo wiilkeedii Ismaaciil haysata, nin la oran jiray Mudaad Al Jurhamiyyi (oo meeshaas ku islaamay), oo uu awoowe u ahaa ninka la oran jiray Jurham, oo ahaa qabiilka oo dhan ninka aabaha u ahaa oo ay ku abtirsadaan. Ninkaas waxaa la socday dhawr qof oo kale. Markaas ayuu wuxuu Haajar ku yiri: "Biyahaan yaa iska leh? Waxay tiri: "Waxaa leh aniga iyo wiilkayga. Anigaana biyaha dhagax ku ootay". Wuxuu markaas yiri: "Yaa qoday?" Waxay tiri: "Ilaahay ayaa na waraabiyay, qudraddiisana dhulka uga soo burqiyay, sidaad u arkaysid". Markaas ayuu wuxuu yiri: "Ma noo oggolaaneysaa inaan agtaada soo degno?" Waxay tiri: "Haa, waxayse ku xiran tahay shardi". Wuxuu yiri: "Waa maxay shardigu?" Waxay tiri: "Inaad ku shukridaan Ilaahii biyahaan dhulka ka soo bixiyay, igana celisaan qofkii doonaya inuu si thulmi ah oo xoog ah biyahaan iiga qaato". Wuxuu yiri, markaas: "Waxaa korkayga ah inaan ballankaas aan Ilaahay hortiisa ku qaaday kuu oofiyo" Markaas ayuu inta u jeestay raggii la socday wuxuu yiri: "Soo dhowaada ragow, markhaatina ka ahaada". Markaas ayay waxay tiri: "Ilaahay ayaa waxaan is leennahay kafiil ka ah, Asagaana ah markhaati kii ugu khayr badnaa".

Sidaas ayaa Makkah degiddedu ku bilaabatay. Markaas kaddib ayaa Ismaaciil iyo aabihiis, Nabi Ibraahiim, labadoodaba Naxariistii iyo Nabadgelyada Ilaahay, Subxanahu waTacaalaa, Korkooda ha ahaatee, ayagoo fulinaya amarka Ilaahay, Cazza wa Jalla, waxay dhiseen Kacbada. Kacbadu waa guriga marada madow ku daboolan tahay, dhagaxa madow oo la dhunkado geeska uga yaal, oo lagu dhawaafo. Inta ku hareereysan, oo laga tukado waa Masjidkii ama Xaramkii Makkah. Saddex Xaram ama Masjid oo xurmo gooni ah leh ayaa adduunkaan jira, oo kala ah Xaramka Makkah Al Mukarramah, Xaramka Madiina Al Munawwarah iyo Xaramka Masjid Al Aqsaa ee ku yaal Quddus ee dhulka Falastiin. Inta kale oo masaajidyo ah. Meel kasta addunka ha uga yaaliine, waa isku sharaf, salaaddii lagu tukadana waa isku fadli.

Ninka la yiraahdo Cyril Glasse wuxuu kitaabkiisa "The concise Encyclopedia of Islam", 1989, bogga 214 Kacbada ka yiri: "Markii ugu horreysey waxaa kacbada dhisay Nabi Aadan. Dhismihii labaad waxaa dhisay wiilkiisii ahaa Shayth, kaddib waxaa dhisay Nabi Ibraahiim iyo wiilkiisi ahaa Nabi Ismaaciil, Kulligood Naxariistii iyo Nabadgelyadii Ilaahay korkooda ha ahatee. Kaddib waxaa dhisay qabiilka la yiraahdo Camaaliiqah oo ahaa faricii Qawmkii Nabi Nuux Caleyhisalaam, kaddibna qabiilka Jurham oo ku abtirsada ninka la oran jiray Qaxdhaan oo ahaa Faricii Nabi Nuux, Caleyhissalaam. Waxaa ku xigay, oo Kacbada dhisay, Qusayy bin Kilaab. Kaddib, 18 sano Hijrada ka hor waxaa cusbooneysiiyay dhismada Kacbada Qureysh. Sanadkii 64 ee Hijrada, una dhigantah 684 Kacbada way gubatay oo sidaas ayay ku duntay, waxaana dhisay Cabdullaahi bin Zubayr, ayadoo dhismahaas ay ka mid ahaayeen, oo sidaas Kacbada dhismeheeda uga mid noqday saddex tiir oo marmar cad ah oo gudeheeda ku taagan iyo mosaic laga soo qaaday kaniisaddii uu Boqorkii Abraha uu Sanca ka dhisay, Dalka Yaman. Allaana u cilmi leh.

Kaddib sanadku markuu ahaa 73 ee Hijrada, una dhigantay 692, ayaa Xajjaaj bin Yuusuf hadana dhismeheeda wax ka beddelay, oo dib u dhisay. Waxaa ku xigtay in sanadkii 167 ee Hijrada, una dhigantay 782, uu Khaliifkii la oran jiray Mahdi Muctamid dib u dhisay Kacbada, dhismahaasoo ah midka maanta jirah. Sanadkii 1377 ee Hijrada, una dhigantay 1957 ayaa darbiga Kacbada waxaa lagu arkay dildilaac, markaas ayaa laga sameeyay.

Kacbada cabbirkeedu waxaa weeye: darbiga waqooyi/bari waa 12 mitir iyo 63 sentiimitir, darbiga bari waa 11mitir iyo 22 sentiimitir, darbiga galbeed waa 13mitir iyo 10sentiimitir. Darbiga waqooyi/galbeed waa 11mitir iyo 03sentiimitir. Irridda Kacbadu waxay dhulka ka korreysaa 2mitir, ballaarkeeduna waxaa weeye 1mitir iyo 70sentiimitir. Taaggeeda ay kor u dheertahay waa 13mitir.

Dhagaxa Madaw, oo ku jira geeska koofur/bari wuxuu dhulka ka korreeyaa 1mitir iyo nus mitir. Dhagaxa Madaw ballaarkiisu waxaa weeye 28 sentiimitir, taaggiisuna waa 38sentiimitir". Allaana runta xog ogaal u ah.

Markii uu Ismaaciil barbaaray, wuxuu guursaday gabar ka dhalatay qabiilka Jurham, magaceeduna ahaa Raclah bintu Mudaad bin Camru Al Jurhamiyyi, waxayna u dhashay 12 wiil. Markii uu Nabi Ismaaciil Caleyhissalaatu Wassalaam, dhintay, waxaa furihii Kacbada iyo u adeegidda Gurigaas Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, xilkoodii ku wareegay wiilkiisii la oran jiray Naabit bin Ismaaciil bin Ibraahiim. Markii Naabit dhintay, waxaa xilkaas ku wareegay abtigiis Mudaad bin Camru Al Jurhamiyyi.

Ka ddib qabiilka la yiraahdo Jurham wuxuu ku xad gudbay xurmadii Makkah, waxayna thulmiyeen dadka soo galah oo aan reer Makkah ahayn. Waxay cuneen maalkii loo hadiyeeyey Kacbada, waxayna xalaalaysteen xurmadii Makkah. Qabaa'ilkii kale oo Makkah la degganaa ayaa markaas isku gaashaan buursaday, oo isugu tegey, oo la dagaallamay, oo ka adkaaday. Markaasay Makkah ka saareen. Jurham markay Makkah ka baxayeen, ayagoo uu hoggaaminayey Camru bin Xaarith bin Mudaad Al Jurhamiyyi, ayay ceelkii Zamzam duugeen. Ceelkaas wuxuu duugnaa, oo la waayay, ilaa uu Nabi Muxammad SCW awoowihiis, Cabdul Mudhalib, Ilaahay SWT inta hurdada ku tusay uu amray inuu qodo. Jurham markii laga adkaaday, oo Makkah laga saaray, waxay u guureen Yaman.

Kumanyaal sano kaddib markii Jurham laga adkaaday, oo Makka laga saaray, ayaguna ay ceelkii Zamzam duugeen, ayaa Cabdul Mudhalib asagoo Xijr Ismaaciil, oo Kacada ku dheggan hurda, ayaa afar habeen oo isku xigtah hurdadii loogu yimid, oo la amray inuu ceelka qodo, ayadoo la tusay barta uu ku yaal; waxaana u sugnaaday inay riyaadaasu mid xaq ah oo run ah tahay. Markaas ayuu subixii jarmaaday, asagoo godin watah, uuna la socdo wiilka uu keligiis wiilal ka lahaa, magaciisuna ahaa Xaarith bin Cabdul Mudhalib. Markaas ayuu qodniinkii ceelka Zamzam bilaabay. Marka uu ceelka afkiisii u muuqday, ayuu Cabdul Mudhalib Ilaahay weyneeyay, asagoo yiri Allaahu Akbar. Markuu Allaahu Akbar yiri, waxaa Qureysh u caddaatay inuu ceelkii helay, oo uu muraadkiisii gaaray. Markaas ayay waxay ku yiraahdeen: "ceelkaan waa ceelkii awooweheen Ismaaciil, xaq ayaan ku leenahay ee na wadaaji". Cabdul Mudhalib wuxuu ugu jawaabay: "Yeeli mahayo, maxaa yeelay anigaa ceelkaan la iigu gooni yeelay oo la i siiyay, oo dhexdiinna ayaa la iga doortay, anigoo idinku dhex jirah".

Intuu ceelkaas Zamzam ah qodayay, wuxuu Cabdul Mudhalib Qureysh kala kulmay dhibaato iyo xumaan. Markaas ayuu wuxuu galay natharka ah in haddii uu Ilaahay toban wiil siiyo oo daafacah, inuu midkood Ilaahay qurbaan ahaan ugu qali doono. Marka ay wiilasha uu dhalay toban gaareen, uuna ogaaday inay wixii xumaan la doonaya ay ka celin doonaan, ayuu wuxuu wiilashiisii u sheegay natharkii uu galay, ayaguna way oggolaadaan inuu fuliyo, waxayna ku yiraahdeen: "sidee baan yeeelnaa?" Wuxuu ku yiri: "Mid walba oo adinka idinka mid ah fallaar qori ah, oo ay qadax oran jireen, ha soo qaato, oo magaciisa ha ku kor dhigo". Sidaas ayay yeleen, markaas ayay tobankii qori oo magacdoodu ku dhignayd u keeneen. Markaas ayuu , asagoo ay la socdaan tobankiisii wiil oo mid walba qorigiisii wato, wuxuu la galay Kacbada gudeheeda, wuxuuna tegay meeshii uu yiillay sanamkii la oran jiray Hubal, oo asnaamtooda ugu weynaa. Markaas ayuu faaliyihii sanamkaas ag joogay oo u adeegahayay u sheegay natharkii uu galay, wuxuuna weydiistay inuu wiilashiisa u qori tuuro. Markaas ayaa nin walba qorigii uu magaciisu ku dhignaa wuxuu u dhiibay ninkii faaliyaha ahaa.

Tobanka wiil waxaa ugu yaraa Cabdullaahi, oo ah Nabiga SCW aabihiis, asagaana Cabdul Mudhalib wiilashiisa ugu jeclaa. Marka uu ninkii faalinayay uu qori tuurki u kacay, ayaa Cabdul Mudhalib Alle bari u istaagay. Qori tuurku waxaa weeye in qoryaha oo dhan weel lagu rido, oo markaas, inta la ruxo ama la walaaqo, hal qori la soo dhufto: qofka qoriga magaciisu ku dhigan yahay uu soo baxo, ayaa noqonahaya midka natharkii lagu fulinahao oo la gawracahayo.

Marka tobankii walaalaha ahaa loo qori tuuray, waxaa soo baxay qorigii uu ku dhignaa magaca Cabdullaahi. Markaas ayaa Cabdul Mudhalib wiilkiisa Cabdullaahi gacanta inta qabtay, ula dhaqaaqay xagga laba sanam oo la kala oran jiray Isaaf iyo Naailah, oo agtooda qurbaannada lagu gawrici jiray. Qureysh ayaa markaas, intay kasoo kaceen naadiyadii ay fadhiyeen, waxay yiraahdeen: "Maxaad doonaysaa inaad sameysid?" Wuxuu yiri: "Inaan gawraco". Markaas ayaa Qureysh iyo wiilashiisi kale waxay ku yiraahdeen: "Wallaahi inaanan kaa yeelinin inaad gawracdid. Haddaad wiilkaaga gawracdid, wax ragga ka celinaya ma jiri doono inay wiilashooda gawracaan". Markaas ka dib ayaa Al Mughiirah bin Camru bin Makhzuum, oo Cabdullaahi abtigiis ahaa, ayaa wuxuu Cabdul Mudhalib ku yiri: "Wallaahi inaadan gawraceyn jeer aad furashadiisa u fidyooto. Hadday furashadiisu noqoto inaan maalkeenna ku furannana, waan ku furaneynaa". Markaas ayaa Qureysh iyo wiilashiisii waxay ku yiraahdeen: "Ha yeelin, oo ha gawricin, waxaadna u tagtaa naag faaliso ah oo Xijaaz joogta ee wareyso: hadday ayadu gawrac ku tiraahdo, wiilka gawrac, hadday ku amarto wax adiga iyo asagaba faraj ugu jirana yeel".

Markaas ayey waxay aadeen meesha faalisadii joogtay, oo la yiri waxay ahayd magaalada Khaybar, oo markaas magaalo yuhuudeed ah. Markay faalisadii u tageen, ayaa Cabdul Mudhalib uga warramay qisadii natharkiisa. Waxay markaas ku tiri: "Maanta iga taga, si markuu ii yimaado jiinniga aan xiriirka la leeyahay aan u wareysto". Markaas ayay ka tageen, oo subixii dambe u soo laabteen. Markaas ayay waxay ku tiri: "Haa, khabarkii waa ii yimid, oo waan helay. Agtiinna diyada ninku waa meeqa?" Waxay yiraahdeen: "Waa toban halaad oo geel ah", sidaas ayayna ahayd. Waxay ku tiri: "Dalkiinnii ku noqda. Markaas toban halaad oo geel ah iyo saaxiibkiinna (Cabdullaahi) qurbaan ahaan u qori tuura. Haddii qorigu mar kale kusoo baxo saaxiibkiin, geela toban kale ku dara, oo soddonkaas geela ah iyo saaxiibkiin u qori tuura. Mar kasta oo uu soo baxo qorigii saaxiibkiin magaciisu ku dhignaa, geela toban ku zaa'idiya, ilaa Rabbigiin raalli ka noqdo, oo qorigu geela ku soo baxo. Marka qorigii geelu ku qornaa soo baxo, geela oo idil ha la qalo, maxaa yeelay Rabbigiin tiradaas ayuu raali ku noqday, saaxiibkiinna waa badbaaday."

Makkah ayay ku noqdeen, markay tageenna waxay u qori tuureen Cabdullaahi iyo toban geela ah, qorigiina wuxuu ku soo baxay Cabdullaahi. Toban ayaa geelii lagu daray, oo markaas ayaa labaatankaas geela ah iyo Cabdullaahi loo qori tuuray: qorigii Cabdullaahi ayuu ku soo baxay. Toban kale ayaa geelii lagu daray, markaas ayaa soddonkaas geela ah iyo Cabdullaahi loo qori tuuray: qorigii Cabdullaahi ayuu ku soo baxay. Geelii ayaa toban kale lagu daray, markaas ayaa afartankaas geela ah iyo Cabdullaahi loo qori tuuray: qorigii Cabdullaahi ayuu ku soo baxay. Geelii ayaa toban kale lagu daray, markaas ayaa kontonkaas geela ah iyo Cabdullaahi loo qori tuuray: qorigii Cabdullaahi ayuu ku soo baxay. Toban kale ayaa Geelii lagu daray , markaas ayaa lixdankaas geela ah iyo Cabdullaahi loo qori tuuray: qorigii Cabdullaahi ayuu ku soo baxay. Geelii ayaa toban kale lagu daray, markaas ayaa todobaatankaas geela ah iyo Cabdullaahi loo qori tuuray: qorigii Cabdullaahi ayuu ku soo baxay. Toban ayaa geelii lagu daray, markaas ayaa siddeetankii geela ahaa iyo Cabdullaahi loo qori tuuray: qorigii Cabdullaahi ayuu ku soo baxay. Geelii ayaa toban lagu daray, markaas ayaa sagaashankaas geela ah iyo Cabdullaahi loo qori tuuray: qorigii Cabdullaahi ayuu ku soo baxay. Geelii ayaa toban kale lagu daray, markaas ayaa boqolkaas halaad oo geela ah iyo Cabdullaahi loo qori tuuray: qorigii geela ayuu ku soo baxay. Markaas ayaa dadkii goob joogga ahaa waxay yiraahdeen: "Cabdul Mudhalibow, Rabbigaa Raalli ayuu noqday". Markaas ayuu yiri: "Wallaahi inaanan yeeleyn jeer aan saddex goor u qori tuuro". Markaas ayaa saddex goor loo qori tuuray, saddexdii goorna waxaa soo baxay qorigii geelu ku dhignaa.

Markaas ayaa geelii la qalay, cunidiisana dad iyo dugaag midna lagama reebin, loomana diidin. In mar walba uu soo baxo qorigii uu ku dhignaa magaca Cabdullaahi tan iyo inta tirada geelii uu ka gaaro 100 waa la yaab. Haddii ayan Qureysh iyo wiilashiisu ka hor imaanin, faalleydiina aan lala tashan, Cabdullaahi qurbaan ahaan ayaa loo gawrici lahaa, ayadoo la fulinahayo natharkii uu galay Cabdul Mudhalib.

Ilaahayse, Subxaanahu wa Tacaalaa, wuxuu doonay inuu ilaaliyo Muxammad aabihiis, inta uu soo baxo Muxammad, Rasuulkii Ilaahay, Sallallaahu Caleyhi Wasallam. Natharkaas wuxuu Cabdul Mudhalib galay markii uu dhibay, oo colaad kala horyimid nin la oran jiray Cadiy bin Nawfil bin Cabdu Manaaf, markii uu ceelka Zamzam qodayey, uuna ku yiri: "Cabdul Mudhalibow, ma waxaad doonaysaa inaad wax na dheeraato, adigoo aan wiilal lahayn?" Markaas ayaa Cabdul Mudhalib wuxuu ku yiri: "Ma wiilal yari baad igu ceebeyneysaa? Wallaahi, haddii Ilaahay 10 wiil i siiyo, midkood ayaa Kacbada agteeda ugu gawracahayaa".

Waxaa kaleeto oo la yiri, inay Cabdul Mudhalib iyo wiilkii uu markaas wiilal ka lahaa, oo ahaa Xaarith, ay ku gardarroodeen oo ay la dagaallameen dad Qureysh ka mid ah, markaas ayuu natharkaas galay. Runtana Ilaahay SWT ayaa xogogaal u ah.

Geelii marka uu qalay ka dib ayuu Cabdul Mudhalib wiilkiisa Cabdullaahi gacanta qabsaday oo la dhaqaaqay. Markaas ayay Kacbada agteeda waxay ku ag mareen gabar ka dhalatay Banii Asad bin Cabdul Cuzzaa bin Qusayy, taasoo markay Cabdullaahi wajigiisa aragtay ku tiri: "Cabdullaahiyow, xaggee baad u socotaa?" Wuxuu yiri: "Aabahay ayaan la socdaa" Waxay ku tiri: "Waxaan ku siinahayaa tiro le'eg geelii furashadaada loo qalay haddaad i guursatid". Wuu diiday, wuxuuna yiri: "Waxaan la socdaa aabahay, oo aanan ka fogaan karin, kana tegi karin". Cabdullaahi wuxuu ahaa ninka Qureysh ugu qurxoonaa. Wuxuuna ahaa nin dhawrsan oo saamaxaad badan. Cabdullaahi wuxuu dhashay, qiyaas, markuu sanadka miilaadigu ahaa 545.