Guursashada Cabdullaahi ee Aamina Bintu Wahab

Cabdul Mudhalib wuxuu waday wiilkiisa Cabdullaahi, asagoo doonaya inuu u guuriyo, markaas ayay u yimaadeen Wahab bin Cabdu Manaaf bin Zuhrah bin Kilaab, kaasoo, markaas, qabiilkiisa Banii Zuhrah madax u ah, xag da' weyni iyo xag sharafba. Markaas ayuu u guuriyay gabadhiisa Aamina bintu Wahab. Cabdullaahi iyo Aamina abtirsiinyahoodu wuxuu ku kulmaa Kilaab, oo labadoodaba awoowaha shanaad u ah. Aamina waxay ahayd haweenta Qureysh ugu fadli badan xag nasab iyo xag darajaba. Markii ay Aamina Rasuulka Ilaahay SCW uurkiisa yeelatay, ayaa nuurkii Nabinnimadu Cabdullaahi ka wareegay oo ayada u wareegay.

Markaas kaddib ayaa Cabdullaahi u yimid haweentii hore inuu guursado isu soo bandhigtay, markaas ayuu ku yiri: "Maxaa dhacay oo aadan maanta ii soo bandhigayn wixii shalay aad ii soo jeedisay oo kale?" Waxay ku tiri: "Waa kaa tagay, oo waa ku faaruqay, nuurkii shalay kula jiray. Marka maanta dan kaama lihi." Gabadhaas, waxaa la yiri, magaceedu wuxuu ahaa Ruqayyah bintu Nawfal, oo la dhalatay Waraqah bin Nawfal ibnu Asad bin Cabdul Cuzzaa, oo ahaa ina adeerka Khadiija bintu Khuwaylid, Mu'miniinta Hooyadood, haweentii Nabiga SCW.

Waraqa wuxuu ahaa Sheekh Caalin ah ee Nasaara noqday, bartayna kitaabkii Injiil. Ruqayyah waxay walaalkeed Waraqah ka maqashay inuu ummaddaan u ahaan doono Nabi, markaas ayey markay Cabdullaahi wajigiisa Nuurkii Nabinnimada ku aragtay, ayay waxay rajaysa, oo jeclaatay, inay ayadu noqoto hooyada Nabigaas, oo ayan haween kale calooshooda ku qaadin. Markii hore, o ay Cabdullaahi i guurso tiri, Nuurki Nabinnimada ayay wajigiisa ku aragtay, nuurkaasoo markuu Aamina guursadaya oo ay Nabi Muxammad SCW uurkiisa yeelatay, asagii faaruqay oo ayada u wareegay.

Cabdullaahi magaca uu aabihiis markuu dhashay u bixyey wuxuu ahaa Cabduddaar, markiise uu 100 halaad oo geel ah ku furtay, ayuu wuxuu Cabdul Mudhalib yiri: "Midkaan waa addoon Ilaahay", taasoo afka carabiga lagu yiraahdo Cabdullaahi. Sababta uu Cabdullaahi markaan dambe haweentaas arrinta guurka ugu soo qaaday waxay ahayd asagoo doonayay inuu ka caddeysto sababta u geysey inay tiro sidaas u badan oo geel ah tiraahdo waan ku siinahayaa haddaad i guursato, taasoo aan haweenka caado u ahayn. Muddo gaaban markuu guursaday kaddib, Cabdullaahi Makkah ayuu ka baxay, wuxuuna ganacsi ugu safray Shaam (Waa dhulka maanta la isku yiraahdo Siriya, Urdun, Falastiin Lubnaan). Markuu Shaam ka soo laabtay, wuxuu ku degay Madiina, asagoo jirran. Madiina waxaa degganaa reer abtigiis, oo ka mid ahaa qabiilka reer Banii Najaar. Wuxuu Madiina joogay hal bil, asagoo jirran, kaddibna waa ku dhintay.

Markaas uu Cabdullaahi Madiina ku dhimanahayo, wiilkiisii Muxammad SCW labo bilood ayaa hooyadiis uurkiisa lahayd. Cabdullaahi waxaa lagu duugay xerada "Al Naabighah" la oran jiray, oo uu lahaa nin uu dhashay reer banii Cadiy bin Najaar. Xeradaas waxaa looga duugay daarta yar, oo bidixda kaa qabaneysa, markaad xerada gashid. Markuu dhimanayey, Cabdullaahi wuxuu jiray 25 sano. Waxaa kaloo la yiri wuxuu jiray 28. Ka yarna waa la yiri, oo da'diisu waxay ahayd 22 sano ayaa la yiri. Allaana u cilmi leh. Waxaase loo badan yahay in uu 25 sano jiray. Wuxuu Cabdullaahi ka dhintay, oo uu lahaa, addoon xabashiyad ahayd oo la oran jiray Ummu Eyman Barakah, shan halaad oo geel ah iyo xoogaa ari ah. Aamina iyo Cabdullaahi ma ay dhalin caruur aan Muxammad ahayn, Rasuulkii Ilaahay SCW.

Cabdullaahi haween aan Aamina ahayn ma guursan, Aaminana nin aan Cabdullaahi ahayn ma ayan guursan.